Saturday 16 January 2010

20021204 Cabdi Aw-Daahir Oo Dacwad U Gudbiyey Guddiyada Diiwangelinta Iyo Doorashooyinka


Cabdi Aw-Daahir Oo Dacwad U Gudbiyey Guddiyada Diiwangelinta Iyo Doorashooyinka


argeysa (Haatuf): Dr, Cabdi Aw-Daahir oo ay hore guddiga fulinta ururka UDUB u sheegeen inay ka qaadeen xilkii xoghayaha guud ee UIDUB si adag u dooday inuu yahay xoghayaha guud ee UDUB ee sharciga ah, isla markaana waxa uu dacwad qoraal ah u gudbiyey labada guddi ee diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ta doorashooyinka, isaga oo guddiyadaa ka codsaday inaanay cid kale u aqoonsan xoghayaha guud ee ururka UDUB.



Cabdi Aw-Daahir waxa uu sidaa ku sheegay qoraal laba boq ka badan oo uu ku socod-siiyey labada guddi ee diiwaangelinta iyo doorashooyinka, isla markaana ogaysiiyey dhinacyo ay ka mid yihiin: Maxkamadda gobolka Hargeysa, Maxkamadda sare ee distooriga ah iyo golaha dhexe ee UDUB.

“Markii ay taariikhdu ahayd 4. 11.2002 waxaan cadeeyey inaanu isu taagi doono musharaxnimada madaxweynenimada, hadii uu ururkayga UDUB ii doorto, iyadoo uu taa ii ogolyahay qooddobka qoddobka 6aad ee xeerka ururka”ayuu Cabdi ku yidhi qoraalkiisa, wuxuuna intaa ku daray “5/11/2002 ayaa shir qarsoodi ah lagu qabtay madaxtooyada oo ay isugu yimaadeen xubno ka mid ah guddiga fulinta, shirkaas oo aan waafaqsanayn xeerka ururka , qoddobkiisa 15aad, xarafkiisa 6aad oo xoghayha guud awood u siinaya inuu qabto waqtiga shirka aan caadiga ahayn guddiga fulinta, aniga oo markaa joogay xafiiska ururka, taas oo ay ahayd shirka lagu qabto xafiiska ururka halka madaxtooyada lagu qabtay, shirkaasna waxa lagu gaadhay go’aan aniga igu soo gaadhay qalabka warbaahinta waxayna ku sheegeen go’aankaa inay xilkii ka qaadeen xoghayaha guud, laakiin qaabka loo adeegsaday waxay ahayd sharci daro, waayo xoghayaha guud waxa xilka ka qaadi kara ama u dhiibi kara golaha dhexe ama shirweyne, sida ku cad qoddobka 12aad, xarafkiisa 3aad”.



Dr Cabdi Aw-Daahir waxa uu qoraalkiisa ku xusay qoddobo badan oo uu ku tilmaamay kuwo loogu dhaqaaqay si sharciga ururkooda baalmarsan, sidaa darteed uu qaabka xilka looga qaaday u arko sharci daro, mar hadii sidaa tahayna waxa uu ku dacwiyey inuu isagu yahay xoghayaha guud ee sharciga ah ee ururka UDUB, isla markaana uu u taagan yahay musharaxnimada madaxweynenimada ee ururka UDUB.



Qoraalkan dacwadda ah ee uu Cabdi Aw-Daahir u gudbiyey guddiyada diiwaangelinta iyo doorashooyinka waxa uu ku soo beegmay, iyadoo jagada xoghayaha guud ee ururka UDUB loo magacaabay Maxamed Ismaaciil Bulaale oo ay dhalasho ahaan Cabdi Aw-Daahir isku beel ka soo jeedaan, sidaa darteed Cabdi Aw-Daahir waxa uu qoraalkiisa si dad-ban ugu xusay magacaabidda cusub ee jagada xoghayaha guud ee UDUB, wuxuuna isaga oo arintaa ka hadlaya yidhi “Guddiga diiwaangelinta waxaan ka codsanayaa inaan cid kale loo aqoonsan xoghayaha guud ee UDUB oo aan ahayn kii sharciga ahaa oo ah Cabdi aAw-Daahir, bacdamaa cid kale la soo dhoob-dhoobay, taas oo aan waafaqsanayn xeerka ururka UDUB ee aad diiwaangeliseen, isla markaana ay qaabka loo maray tahay burburin xeerka ururka ah”.

No comments:

Post a Comment