Sunday 17 January 2010

20100115 shir kulmiye oo bariga london



Shir balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen Kulmiye UK, Oo Aad Looga soo qayb galay Daawo
Written by Qarannews
Jan 16, 2010 at 02:10 PM

London,(Qarannews)-Shir baladhan oo ka dhacay bariga magalada London shirkaas oo ay soo abaabuleen madaxda xisbiga kulmiye ee cariga ingiriiska kasoo ay kasoo qaybgaleen dad aad u farabad oo katirsan tageerayaasha Xisbiga Kulmiye.

Shirkaas oo uu daadihinaayey Kayse Xidig oo ka mid ah madaxda Xisbiga Kulmiye ee UK.Waxa ugu horeyn shirka ka hadlay dhamaan gudoomiyayaasha daafaha magaladan London oo mid mid uga hadalay waxqabadkooda iyo horumarka ay sameeyeen iyo weliba u diyaargarowga doorashada Somaliland ee lafilayo in ay dhawaan qabsoonto.



Intaas ka dib waxa isna madasha lagusoo dhaweyey gudoomiyaha xisbiga kulmiye/UK mudane Ibraahim Huseen oo ugu horeyn usoo jeediyey mahadnaq dadweynihii madasha kasoo qaybgalay kuna amaanay xaafadan Tawer Hamlet sida ay had iyo jeer ugu dadaalaan soo dhaweynta madaxda xisbiga iyo abaabulada shirarka noocan oo kale ah isagoo intaas raaciyey in Somaliland loo bahan yahay in shacabka reer Somaliland maamulka gacanta loo galiyo si iyaguna ay ciday doonaan doortaan iyaga oo u madax banana ciday dooranayaan.

Intaas ka dib waxa isna hadal kaas oo kale ah madasha kasoo jeediyey Cabdi Bacow oo ah gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye ee cardigan ingiriiska waxa uuna Mr Cabdi ka sheekeeyey qiso layaab ahayd oo ka dhacdey Somaliland gaar ahaan magalada Hargaisa oo ku saabsaneyn wiil yar oo hooyadii beri hore six xun loogu dilay kadibna ku danbeyey baalashle oo aan haysanin daryeel waxku ool ah isaga oo shegay in.



Intaas ka dib waxa hadlkii qaatey Dr Cabdi aw Dahir oo marka hore salaam usoo jeediyey shacabweynaha reer Somaliland gaar ahaan kuwa xisbiga Kulmiye iyo dadkii soo abaabulay shirkan intaas ka dibna shirka kasoo jeediyey warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa oo ku saabsan Bulshada iyo Caafimaadka isagoo si qodobaysan usoo bandhigay. Waxa uu Dr Cabdi aw dahir sheegay in ay arimaha bulshada wax weyn ka qaban doonaan iyo inay caafimaadka sare u qaadi donaan oo ay furi donaan xarumo Caafimaad oo waaweyn oo dadka lagu xanaaneeyo.

Waxa iyana hadalo aad u qiimo badan soo jeediyey shirka gudoomiyahii hore ee commisonka Cadami iyo Ahmed Adan Cali (Godir) oo dhamaantood aad uga waramay in la taageero in doorasho xalaali ahi dalka ka dhacdo laguna dadaalo in nabada la wada ilaashado.

Waxa ugu danbayntii su'aalo dhawr ah la weydiiyey madaxdii shirka kasoo qaybgashay iyaga oo si wanagsan uga jawaabay shirkuna ku dhamaaday jawi aad u wacan.

Hamse Ahmed Salaan

London

Last Updated ( Jan 16, 2010 at 06:15 PM )
Isbeddelka Daryeelka Bulshada ee Kulmiye(khudbadii Dr,cabdi aw daahir oo dhan)

waxa aan doonayaa inaan halkan idinku xasuusiyo inaan maanta looga baahnayn qoladan UDUB ee aynu walaalaha nahay maxaa waxaas u qabanweydeen iyo maxaa qabaneysaan iyo maxaa waxaa khaldan u sameysiin . Waxaa keliya ee udub aynu uga baahannahay waa inaaney mar dambe sidey doorashado u dhici lahayd inaaney inaga carqaladeyn, innaguna aynu ka feejigeysannaa. Kuwa maanta laga sugayaa maxay qabaneyaan waa kulmiye iyo ucid. Kuwaa dhegeysta. Waayo xammil ma lihin aynu toddoba sano oo caynkii oo kale ah ku xambaaranno.
Haddaba halkan maanta waxaan si gaar ah oo kooban idiinku soo bandhigayaa insha allah isbedellada dhinaca daryeelka arrimaha bulshada gaar ahaan arrimaha caafimaadka,waxbarashada, biyaha iyo waddooyinka, balse aan ka horeysiiyo maxaa fikir ahaan iyo aragti ahaan noo dhaxeeya annaga iyo UDUB . Tusaalooyin kooban haddaa ka soo qaato;
1. Arrimaha musuqmaasaqaqa; Udub waxay leedahay dalka wax la musuqmaasaqaaba ma yaalo siduu Madaxweyne Riyaale ka yidhi London, annaguna waxaan aaminsannahay oo aan leenahay musuqmaasaqu waa cadawga kowaad ee dalka yaalaa waana tallaabada ugu horeysa ee aan wax ka qabaneyno
2. Udub waxay aaminsanyihiin in ay tahriibta ay sabtay inta badan waalidku, anaguna waxaan aaminsanhay in ay tahriibtu tahay calaamad ka tarjumeysa siyaasad xumaan ,maaamul xumaan ,shaqo la’aan, wacyi la,aan iyo rajo la,aan. Waana tallaabooyinka ugu horreeya ee aan wax ka qabaneyno.
3. UDUb waxay aminsanyihiin in ciidamado daryeel fiican qabaan, annaguna waxaan qabnaa in ay derajo la’aan iyo mushahar la’aan ay jirto. Waa tallaabooyinka aan insha alah waxka qabaneyno waana la fulin karaa haddii musuqa la xakameyo. Inta dayac ciidan jiro iyo siyaasad xumo nabaddu lug keliya ayey ku taagantahay
4. Waxay UDUB ku andacoodeen in reer Burco diideen in laga beddelo lacagta giimbaarta ah ee goblka dhaqaalihiisii curyaamisey. Waxaanu aaminsannahay in seddex jeer miisaaniyadda lagu darey, hase yeeshee lacagtii lagu beddeli lahaa lagu tagrifalay. Annagu markaan guulaysanno insha allah anagoo cidna weydiin ayaan bedeleynaa lacagtaas.
5. Toddobadaa sannadood , Udub mar kasta waxay dhigeysey dhagxaan mashaariic waddooyin iyo warshado sida ta sibidhka ,anaagu waxaan aaminsannahay arrinkaasu waa daayac ,ballanfur iyo been maaweelo ah, annagu insha allah waa meelaha aanu mudnaanta siinayaa makaan talada qabannoo. Wixii aanaan qaban kareyna ummadda waan u sheegeynaa oo been ku maaweelinmeyno
6. UDUB waxay aaminsanyihiin in dhulkii dadweynaha in ay awood u leeyihiin in ay bixiyaan. Annagu waxaan aaminsanyahay bixintu waa shawci darro. waxay sharci tahay marka( baahi loo baxshaa jirto, Mudnaantii lahayd la mariyo, caddaalad loo qaybiyo, iyo ta ugu muhiimsan oo ah dee hantida lagu iibiyey waa in miisaaniyadda lagu daraa oo ummadda wax loogu qabtaa oo aan lagu tagri falin, oo an qof ama lab jeebkooda ku dhicin.
7. Waxay UDUB aaminsanyihiin in arrimihii daryeelka bulshadu (sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, waddooyinka ,qashin –gurku ay meel wanaagsan marayaan. Annaguna waxaan kaga duannahay oo aan leenahay dayac badan ayaa ka jira daryeelka arrimaha bulshada. Waa taanu awooda ugu badan aan siineyno insha allah haddu ilaahay talada nagu guuleeyo . maantanana si gaar ah ayaan halkan ugu xusayaa, weliba gaar ahaan arrimaha caafimaadka.
Intaanan u guda gelin waxqabadkayaga arrimaha bulshada waxaan ka horeysiinayaa arrin su’aasheedu iman karto oo ah waar qof kasataaba wuu odhan karaa waxbaan qaban karaa, sidii ayeydun waxan oo dhan u qabaneysaa
A. Casiimad iyo go,aan adag oo aad la timaado oo ah in aad dadka iyo dalka u shaqeysid ee aanad ka shaqeysan.
B. Dakhliga cashuurta si fiican loogu soo uririyo, aan lagu tagri falin, lagu kharaj kareeyo sida ugu habboon
C. Kharajka faraha badan ee shacabka kaga baxa hawlaha daryeelka bulshada oo ah 95% oo si fiican loogu habeeyo ,siyaasad wanaagsa loo jeexo ,agtoodana la keeno
D. Lacagta faraha badan ee hayadahu ku bixiyaan arrimaha daryeelka bulshada oo qaab xun u baxda oo la jaheeyo, mudnaantana la siiyo meelaha loo baahanyahay. Hadda waa kharaj baxay oo khasaaroobey
E. Waxaad heysatid markaad hagaajisid, caalamkuna waxbuu kula qabanayaa. Waxaynu baadi goobaynaa mashaariic waaweyn oo horumarineed. Waanaynu heleynaa.
F. Siyaasad maalgeshi oo aad ku dhiirisid hantiilayaasha muwadiniinta ah iyo kuwa debeddaba
CAAFIMAADKA
Walaalayaal, waxa la socotaan in waqtigii marxuum Cigaal la sameeyay qaramayntii iyo hubka-dhigistii, Sugiddii nabadgelyada, Fidintii maamulka gobollada . sameyntii lacagta Somaliland, aftidii dastuurka somaaliland, sameyntii axsaabta qaranka, diyaarintii dhaqaalihii ku baxay labadii doorasho ee hore. Isla sidaasoo kale waxaa waqtigaa barbar socday in saldhig loo sameeyo siyaasad cad oo lagu daryeelaayo arrimaha bulshada oo caafimaadka iyo waxbarashado ugu horeyso
Walaalayaal, haddaan si gaar ah u taabto siyaasadaha caafimaadka ee la dejiyay waqtigaas Maamulkii marxuum Cigaal (1997-2002) Waa sidan:
1. Siyaasadda caafimaadka qaranka (1999)-National Health policy(Blue Book)
2. Shan Sanadoodle Qorshaha caafimaad ee dalka(2000-20005)- FiveYears Strategy health planning
3. Siyaasadda aqoonyahanka iyo xirfadlayaasha (1999)- Waxaa la sameeyay National Medical council
4. Siyaasadda Daawada – Somaliland National Drug Policy (2000)
5. Siyaasadda Kharajka caafimaadka – National Health financincingpolicy(2000)
6. Siyaasadda maamulka caafimaadka (2000) Health Management policy. Waxaa la sameeyey Guddiyda Caafimaadka gobollada
7. National health private policy (1999)
8. Iyo siyaasada caafimaad meelo gaar ah khuseeya sida ta HIV. Anshaxa iyo adeega shqaalaha iyo iwm(1999-2002)
Siday meel kasta Maamulka UDUB u dayaceen ayay adeega caafimaadkan aaad ugu sii dayaceen. Saldhigaas nidaam ee caafimaad ee loo sii diyaariyay ugamay faaiidayn umaddii .. Waxaan qirayaa arrinkaas in ay raad fiican ka sii joogto oo keliya Guddida caafimaadka ee gobolka maroodi-jeex oo aan mahad ballaadhan u soo jeedinaayo wax qabadkooda iyo inay ku mitideen siyaasaddii caafimaadka ee la dejiyay 1999 inay ambaqaadeen sidey aheydna u fuliyeen .Wuxuu maamulkanu tilmaamaa uu waxabad uu leeyahay ka dhigaa dhismayaasha xarumaha caafimaaka(MCH) oo dalka badanaa ay kahirgeliyeen Hayadda UNHCR . Lana dhisayna badankooda (90%) intii udhexeysay 1997-2002. Adeega caafimaad ee xarumahaa lagu qabtaa waa wax liita, marka laga reebo daawooyin(Basic Drug Kit) oo ay Bixiso Hayaadda (Unicef). Wuxuu maamulkanu ku bixiyaa miisaaniyadda caafimaadka in ka yar 3% .halkaay arrimaha siyaasadaha Xisbigooda ay ku fuliyaan in ka badan 20%
Isbeddelka Caafimaadka ee Kulmiye
Isbedellada caafimaad ee kulmiye qaadayo Waxaa saldhig u ah
1. In shacabka reer somaaliland meel kasta oo ay dalka ka joogaanla gaadhsiiyo daryeel caafimaad oo dheelitiran.
2. In dadka aan awood dhaqaale haysan, loo diyaariyo daryeel caafimaad oo bilaash ah.
3. In daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah loogu gargaaro arrimaha gargaarka deg-degga u baahan ,iyo dadka jilicsan.
4. In dadka kharajka badan kaga baxo hawlo caafimaad debedda, loo diyaariyo qalabkii iyo adeegii caafimaad ee dalka gudahiisii, si ay u helaan hawlihii caafimaad ee ay u baahnaayeen iyagoo aan kharaj badankaga bixin, debeddena aadin
5. In dadkeena debeda jooga ee jecel in ay iyaga iyo carruurtoodu dalka ku soo noqdaan , loo diyaariyo adeeg sare oo caafimaad iyo adeegyadii kale ee bulsho u baahneyd ee dadkaasu dalkooda ugu soo hiloobi lahaayeen, da’ yarta soo kaceysa ay u aragto in ay dal kale oo fiican leeyihiin.
Kulmiye si uu ujeedooyinkaas u fuliyo wuxuu qaadayaa Tallaabooyin ayka mid yihiin kuwa soo socdaa:
1. Waxaanu insha allah sameyn doonaa ugu yaraan 1(hal )cusbitaal qaran oo Weyn oo laga hirgelinaayo Caasimadda Hargeisa lehna dhammaanqalabkii casriga ahaa. Cusbitaalkaasu lagaga baahi baxo , lagana helikaro adeegyadii caafimaad eee debedda loo doonan jiray. Wuxuu kaloo noqonayaa cusbitaal waxbarasho (Teaching Hospital)oo wax lagu baro
aqoonyahanka caafimaadka (ardayda, Dhakhaatiirta iyo Kalkaaliyayaasha sare)
2. Waxaan insha aallah Gobol walba ka hirgelin-doonaa cusbitaal qalabkiisu u dhanyahay oo sameyn kara adeegegyadii muhiimka ah ee caafimaad sida qallinka guud, Daaweynata Guud, cudurrada carruurta, cudurrada haweenka iyo dhalmada , Daawenta iyo qallinka indhaha iwm .Cusbitaaladaasi waxay kaabe u noqonayaan cusbitaalka weyn ee qaranka si ay culayskana uga dhimaan.
3. Waxaa insha-allah degmooyinka qaadi kara, kolba awoodu sidey noqoto ka hirgelineynaa cusbitaalo degmo oo fuliya daryeelo muhiim ah oo caafimaad intaan qofka loo soo gudbin cusbitaalada gobolada.
4. Waxaanu tuulooyinka waaweyn ka sameyn doonaa Xarumo Caafimaad(MCH) oo si dhab ah u shaqeeya fuliyana adeegyada saldhigga cafimaad(Minimumum essential Health Package).
5. Waxanu ka sameynaynaa tuulooyinkaa yaryar waxaa la yidhaador ugo caafimaad(Health Posts). Oo fulin kara adeegyo caafimaad oo kooban iyo wixii gurmad deg-deg ah ee awooddooda ah.
6. Waxaanu Sameynaynaa Golaha xirfadlayaasha caafimaadka qaran(National Medical Council) . Dhakhtar ama kalkaaliye aanay warqadda hawlgalka shaqo siin ma hawlgalaayo, ama ha ka shaqeeyo adeegyada caafimaad ee caamka ah(Public Health Sector) amaba kuwa gaarka ah(Private health sector)
7. Waxaanu Sameyneynaa Guddida qaranka Daawada(National DrugAuthority) :Qof aaney guddidaaasi sharci siin(liisan), sooma dejin karo daawo,iyo qalab caafimaad toona si loo helo daawo tayo leh oo meeshay ka timi la garanaayo.
8. Waxaanu sameynaynaa Guddida caafimaad ee heer gobol iyo heer degmo(Regional and district medical boards) oo leh awood maamul ee danta caafimaadka bulshadooda , taasu waxay fulineysa asaaska siyaasadda guud ee caafimaad ee kulmiye oo ah SiyaasaddaDeegaameynta ,Maamul wadaagga,iyo Kharaj-wadaagga adeegga caafimaadka(Decenteralization, co-management and co-financing of healthservices).
9. Waxaanu jihayneynaa insha-allah , siyaasad u jeexeynaa nidamka daryeelka caafimaadka gaarka ah, wax weyn ummadda tara; iyaga oo ay ku mahadsanyihiin Dhakhaatirta iyo Kalkaaliyayaasha caafimaadka dalku, balse u baahan in la habeeyo, si tayo tan ka fiican looga helo.
10. Waxaanu kordhineynaa insha allah miisaaniyadda caafimaadka dalka ee hadda halkuu ka yahay 3% aan ka dhigi doono insha allah in ku dhaw 10%
11. Waxaan siineynaa shaqaalaha caafimaadka mushahar wanaagsan. Waana loo helayaa haddii si fiican loogu maamulo, tagrifalkana laga ilaaliyo.
12. Ka hortagga cudurrada faafa ee dilaaga ah waxaan siin doonnaa mudnaanta kowaad sida HIV_AID, Qaaxada(TB). Kaneecada(Malaria).Jadeecada(Measles) Gawracatada(Dhiphtheria), kixda(Pertusis),Dabeysha(Poliomielytes). Cudurada dhallaanka, iyo hooyada
13. Waxaanu diyaarineynaa insha-allah ,keeneynaana qalabka lagubaadho iyo daawooyin tayo leh ee cudurada hadda dalka ku soo badanaayasida macaanka(diabetes) ,dhiigkarka ( Hypertention),Faalijka(stroke), Cudurrada wadnaha(heart diseases),Qalabka lagubaadho horena loogu ogaado Kansanka(cancer),gaar ahaan ka ku dhacanaasaha ,makaanka, dhiiga, maqaarka ,lafaha iwm
WAXBARASHADA
Waxbarashada wa asaaska nolosha iyo horumarka. Maanta ma jiraan siyaasad cad oo jiheysan oo waxbarasho oo dalka taala. Haddaba kulmiye insha alla marku talada qabsada arrimaha waxbarashad sidan ayuu ka yelayaa
1. .waxaan kordhineynaa miisaniyadda ku baxda waxbarasha oo aan ka dhigeyno ila 10%. Halkay hadda ka tahay manta in ka yar 5%
2. gobollada dalka waxaan ka diyaarineynaa ugu yaraan 10 Dugsi oo sare oo boarding ah oo tacliintoodu aad heer sarresyso oo qaada kiiba 500ila 1000 ardey. Gaar ahaan waxaan ugu talo galney carruurta debedda degan ee da’da dugsiga sare ee waalidku doonaayo in ay dhaqankooda iyo diintooda la jaanqadaan. Insha alla markaan dugsigaa ka saarno .iyagoo dhisan ayaan jaamacad gudaha ama debedda ah u diyaarineynaa
3. waxaanu sameyneynaa siyaasad cad oo jiheysan waxbarashada gaarka ah oo ummadda kharaj badan kaga baxo, si tayadooda loo kordhiyo
4. kharajka badan ee waxbarashada kaga baxa hayadaha oo aan u jiheyo meelaha mudnaanta gaarka ah leh
5. waxaan kor u qaadaynaa tayada macallimiinta waxbarashada oo hadda aad u hooseysa, iyadoo aanu kordhindoono machadyada, jaamacadaha iyo koorasyo gaagaaban oo macallimiinta wax lagu baro. Waxaanu kor u qaadaynaa insha allah mushaharooda oo aan hadda maalin ku filleyn
6. waxaan ka dhigeynaa bilaash aqoonta waxbarashada asaasiga ah
7. Waxaan wax kasta ka horreysiinaya inaan u diyaarino si kasta oo ay suura geleyso in qof kasta oo dhmaysa waxbarasho(Dugsi sare am ajaamacad) loo diyaariyo in uu ama sii wato wax barasho dheeraad ah kii u baahan ama aan u abuurno shaqo. Waa tallaabo aan ugu talagalney dhallinta soo kaceysa . waana asaaska horumarka dalka .


Biyaha

Biyuhu waa asaaska nolaosha , weliba gaar ahaan dhaqaalaha asaasiga ah ee xoolaha iyo beeruhuna waxay si toos ah ku sii xidhan yihiin biyaha. Insha allah markaan guuleysano waxaan qaadanneynaa tallaabooyinka soo socda:
a. Biya la’aanta Hargeisa oo ah caasimaddii waxaanu sameyney farsamadii aan u maareyn laheyn sidii dadweynuhu biyo ku filan u heli lahaayeen farsama ahaan iyo dhaqaala ahaanba
b. .Biyo qabadyo loo sameeyo biyaha iska socda ee badda ku darsama ee togaga mara ee aan laga faa’iideysan. Sida webiga togdheer oo haddii biyahiisa la qabto dalkaba ku fillaanaayo
c. Ceelal laga qodo xuduudda aan la leenahay Ethiopia,iyo meelaha kale ee u baahanba . si biyo ku filan loo helo isla markaana xaalufka ay keenaan baraaguhu looga hortago

Wadooyinka
Waddooyinku waxay kobciyaan dhaqalaaha iyo bilicda dalkaba .haddey noqon lahaayeen kuwa magaalooyinka gudahooda iyo kuwa dhexdoodaba’
1. Waxaanu sameyneynaa ugu yaraan hal ama laba wado insha allah mudda 5sano ee hore haddanu guuleysano sida kuwa ceerigaavo-burco. Burco-odweyne –Hargeisa iyo dila-boorama seylac
2. Dhimaha waddooyinka magaalooyinkaa waaweyn waa muhiim. Gaarahaan waddooyinka caasimadda sida ta ka timaada airportaka. Ta magaalada dhexmarta. Qofkasta bilicdaasu way dhiirigalineysaa.
Walaalayaal waxaan manta wax kooban ka soo qaatey daryeelka arrimaha bulshada ee ka mid noqon doono isbeddelada uu kulmiye la imandoono insha alla markuu talada ku guuleysto anoo si gaar ah weiba u sii faahfaahiyey daryeelka caafimaadka. Waxaasoo dhan waala qaban karaa haddi lala yimaadom sidi aan hor u soo sheegey Casiimad. Dadaal iyo Daacadnimm Ballanteenu waa daldhis, horumar , maamulwanaag iyo daryeelbulsho iyo kulmiye oo aynu codka siino. Ilaahay haynala qabto

Dr.Cabdi Aw Daahir Cali
Xohayaha Bulshada, Kulmiye



20100115 sawiradi shir kulmiye bariga london




20040909Masuuliyiinta sare ee Xisbiga siyaasiga ah Kulmiye ayaa maanta shacbiga Burco kala hadlay meel fagaare ah

Xisbiga Kulmiye oo Fagaare kala hadlay Shacbiga Burco

Posted to the web 20:24 Sept 09 2004




Sept 09 2004 Burco(Somaliland Net) - Masuuliyiinta sare ee Xisbiga siyaasiga ah Kulmiye ayaa maanta shacbiga Burco kala hadlay meel fagaare ah , waxayna musuuliyiinta ka warameen xaalada siyaasadeed ee dalku marayo.







--------------------------------------------------------------------------------



Abaaraha kulul ee dalka ka taagan iyo arimo kale oo badan,
Afhayeenka xisbiga kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa waxa uu hadalkiisii ku bilaabay, Sanad iyo badh ayaa laga joogaa markii la doortay xukuumada madaxweyne riyaale, horumarka mudadaas la gaadhayna waxa ka mida, Khayriyada lagama hadli karo, qofkii hadla ama saxaafadii xorta ah ee wax qorta in saqda dhexda lala baxo sidii xiligii afweyne dadka loola bixi jiray, horumarka la gaadhay waxa weeye in ardaydii mudaharaada la xidhxidho.

Waxa kale oo afhayeenku intaas ku daray in binuaadamka xiligan u dooran dawlada in hebel ku xaragoodo ee ay u doortaan inay dadka iyodadka waxu qabato oo horumar gaadhsiiso ,waxaynu wada ogsoonahay in in abaaro kululi ka taagan yihiin gobolada bariga Somaliland oo loo baahnaa in gurmad la gaadhsiiyo ilaa hada xukuumadeenu wax talaabo ah kamy qaadin arintaas.

Maxamed kaahin oo ka hadlaya dhinaca miisaaniyada madaxweynaha iyo sida ay u dayacan yihiin goobihii adeega bulsho waxa uu yidhi, waxaanu haynaa miisaaniyaadii ay smaysay dawladeenu , waana ta laga dheehdo sida ay mudnaanta u kala leeyihiin waxa loo qabanayo bulshada iyo wasaaradaha ug mudan , sidaas darteed , qasriga madaxweynaha, qasriga madaxwqeyne ku xigeenka, iyon qasriga madaxtooyada, waxa ay miisaniyadeedu tahay SADEX BILYAN,BOQOLIYOSAGAAl IYO LAABATAN MLYAN,LABABOQOL,OOKUN .marka la qiimeeyo miisaaniyada madaxweynaheena , waxa ay boqol iyo koton oo doolar dheer tahay madaxweynaha maraykanka,, wasaarada degaanka iyo ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah oo maanta abaarahan u soo gurman lahaydna miisaaniyadeedu waa sadaxboqol iyo koton milyan,oo shilin Somaliland ah, malaha boqol foosto ay ku gurmato malaha lacag keyd oo abaaraha loogu tala galay, oo miisaaniyada looguma darin, iyaga iskaba daa wasaaradihi caafimaadka waxbarshada, hadaba bal dadweynow waataa dawladaad doorateen.

Isagoo oo sii faahfaahniya Maxamed Kaahin arintaa waxauu sheegay in Maxamed Xaashi markii uu dhawaan ka hadlay miisaaniyada madaxtooyada waxa ay dawladu ugu jawaabtay in lacagtaas lagu daboolo safardaha dibada logu baxo, arimaha nabadgelyada,waxa aynu ogsoonahay in safarda dibada iyo arimaha dibada ay inoo qaabilsan tahay wasaarada arimaha dibadu, afhayeenku waxa uu intaas ku daray in hadii kulmiye uu hogaanka qabsan lahaa aanu marnaba miisaaniyada madaxtooyadisu intaas leekaateen , goobaha adeega bulshana aanay sidaas u dayacnaadeen.

Waxa kale oo uu tilmamay inay aayan daro tahay inagoo aduunka ka iibinayna inaynu nahay dal ku socda habka dimuqraadiyada furfuran, hadana saxaafadii xorta ahayd saqdhexe la baxno oo lagu eedayo waa qaran dumis, xadhigii xasan siciid waynu ognahay in hayadihii ilaalinta xuquuqda iyo saxafadii aduunkuba cambaaraysay xadhigaas, , meelaan saxaafad xori jirin dimuqraadiyadi kama kirto,meel aan dimuqraadiyadi jirina hprumar ma yaal,, meel aan horumar jirina nabadgelyo ma jirto.

Isagoo ka hadlaya arinta imbigati waxa uu sheegayin markii aqoonyahanka hargaysa iyo Burco isyidhaahdeen ka hadla way diiday xukuumadii, taasna macnaheedu waxa weeye waanu taageersanahay siyaasada ina cumar geele ee la socota imbigati, ugu dambayntii waxa uu ku soo koobay hadalkiisii , waxaanu mar labaad codsanaynaa in la baabiiyo gudiyada nabadgelyada e dalka ka jira, kuwaasoo ah sharci daro cad ayuu ku soo koobay hadalkiisii.

Dr. Cabdi aw daahir oo ka mida madaxda sare ee xisbiga kulmiye oo isnaa halkaas ka hadlay ayaa sheegay inaanu xukuumada maanta waxbadan oo talo ah u jeedinayn ,maadaama aanay qaadanayn talada yada oo aanu waxbadan kukala duwanahay,kala fikradna ku kala nahay waxa uu intaas ku daray in arimaha ay kukala aragti duwan yihiin tahay , hadaanu kulmiye nahay waxaanu soo jeedinay in laga wada tashado arimaha ka soo socda shirka Imbigati, waxa ay yidhaahdeen, anagaa jab la maagan ewe suga, waxaanu kukala aragti nahay arimaha laascaanood oo qayb mida ahi maqan yihiin, iyaguna ciidamo ayay geeyeen yagoori oo sagaal bilood jooga, waxaanu kukala duwanahay arimaha dhaqaalaha oo maanta dekadii berbera ay cidla tahay oo loo raray jabuuti oo anu leenahay sideedii ha lagu soo celiyo.

Dr. Cabdi waxa uu shacbiga Burco u soo jeediyay inat gacmaha is qabsadaan oo ka wada shaqeeyaan horumarka gobolkooda, oo laga wada shaqeeyo sidii shaqooyin loo abuuri lahaa,, loo horumarin lahaa caafimaadka ,waxbarashada,iyo adeega bulshadaba iyadoon lagu tashan dawlada hargaysa,waxa uu hadalkiisii ku so koobay in maanta abaaro kululi ka taagan yihiin, loona baahan yahay inaynu u gurmo dadkeena , islamarkaana ducaysano, oo akhrisano roobdoon , xaga allana u noqono ayuu ku soo koobay hadalkiisii.

Gudoomiyaha garabka haweenka kulmiye ee gobolka togdheer Marwo ,Sahra Maxamed Xuseen, oo halkaa ka hadashay ayaa sheegatay in ay la yaabantahay dadkan la baxay dirta ooanaan weligay maqal , tahayna wax lala yaabo , mana noqon doono dir,iyo wax la mida ee anagu reer Somaliland banu nahay, oo weligayana ahaan doonaa, somalilandna maha wax gorgortan lagu galo, cidnaba na kayeeli mayno , waxa ay intaas ku dartay in haweenku yihiin kuwa ku wiil, waayay ,ku walaal waayay, ku waayay ragoodii markaas waxa aanu dugsanaynaba ay tahay somalilandnimada, ilaalilinteedana cidnaba ku halaynmayno haweenklayagu, ayay tiri maro sahri.

Waxa kaloo ay intaas ku dartay in abaar baani ka jirto gobolada bariga taasoo xukuumadu kaba war hayn sidaas darteed loo baahan yahay in shacbigeena u gurmano, oo wax la gaadhno ,ilayn waxad moodaaba inaanay dawladu tirsanba gobaladeenee ayay ku soo koobtay hadalkeedii,
Gudoomiyaha xisbiga ee gobolka togdheer, Mr, cabdi xidig oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in xukuumada loo doortay ina dadka iyo dalka wax u qabato oo horumar gaadhsiiso, ee looma doran inay cayda iyo borobagaandad xisbiga klmiye iyo madaxdiisa, waxa uu intaasku daray inaa loo dulqaadanayn in dawladu ku tidhaahdo qofkii shaqaale dawladeeda ee kulmiye ah shaqadaanu kaa eryaynaa, hadaadan ka bixin kulmiye,. Gudoomiyuhu waxa kale oo ka hadlay in taageerayaashii xisbiga udub ee togdheer ay la xisaabtamaan xisbigooda waxa uu ka q abtay gobolkooda ee horumar ah ,oo is waydiiyaan waxa ay codkoodii ku bixiyeen , ilayn anaguba waanu la xisabtami lahayn xisbigayaga haduu talada dalka ku guulaysanlahaa, waana mid aynu ka midaysanahay shacbiga Burco hadaynu nahay horumarka gobolkeena ayuu ku soo koobay hadalkiisii, udoomiyuha xisbiga ee gobolku.


Posted by Kayse A Digale.
Email: kayse@somaliland.net

20040527Dr. Cabdi Aw Daahir Oo Sheegay In Madaxweynaha Jabuuti Ku Qanciyey M/weyne Riyaale Inuu Noqdo Hoggaamiyaha Beesha Dir

Dr. Cabdi Aw Daahir Oo Sheegay In Madaxweynaha Jabuuti Ku Qanciyey M/weyne Riyaale Inuu Noqdo Hoggaamiyaha Beesha Dir
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 27 May, 2004
--------------------------------------------------------------------------------

Hargeysa - Madaxda Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo siyaasiyiin madax bannaan oo uu ka mid yahay Inj. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa beryahan dambe ka digayey khatar Somaliland kaga soo fool leh shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya ee ka socda dalka Kenya oo haatan galay marxaladdii ugu dambeysey, isla markaana ku baaqayey in ummaddu talo iyo tabaabushe ka yeelato arrintaas.
Haddaba, Dr. Cabdi Aw Daahir oo ka Guddiga Fulinta ee xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, dhowaanna ka soo laabtay dalka Ingiriiska ayaa shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay xarunta Xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa waxa uu markii u horreysey faahfaahin iyo sharraxaad ka bixiyey khatarta shirkaas ka imanaysa iyo qaabka uu u saamaynayo Somaliland.
Dr. Cabdi Aw Daahir, shirkiisa jaraa'id oo uu kaga warramay siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Somaliland, waxa uu soo bandhigay hindisayaal iyo qorshayaal waddamada IGAD ee maamulaya shirka Imbegati uga meel yaalla Somaliland iyo sida loogu soo dabaali doono Somaliland inay ka mid noqoto dowladda Soomaaliya loogu dhiso halkaas.
"In qoloba qolo canaanato waqtigan xaadirka ah looma baahna. Waxa loo baahan yahay in dalka xaaladda adag ee ku soo fool leh laga saaro," ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir, isaga oo dhinac iska dhigaya cambaaraynta ay xukuumadda iyo Xisbiga UDUB maalmahan u jeediyeen xisbiga KULMIYE.
Waxa uu sheegay in arrimaha uu ka hadlayaa ay tahay siyaasadda dibadda ee Somaliland iyo ta Somaliland dibadda kaga soo wajahan, taas oo uu ku tilmaamay mid u baahan in wadajir looga hortago. Isaga oo taas faahfaahinayana Cabdi Aw Daahir waxa uu yidhi,
"Qolada xukuumaddu waxay inoo sheegayso iyo waxa dhabtii jiraa waa wax aad u kala duwan. Dowladda Somaliland waxay ku mashquushay wax fara badan, safarro badan oo dhaqaale badani kaga baxo oo lagu kala bixiyo Eeshiyada fog iyo Ameerika oo dhaqaale uun inagaga baxo, laakiin, wax ka dhab ah iyo guul ah oo ay ka keentaa midna aanu jirin".
Waxa uu sheegay in mar hore uu soo jeediyey talooyin uu u arkayey in ay wax ka tari karaan maamulka haddii la qaato. Laakiin, maanta qodob keliya oo ah Siyaasadda Dibadda Somaliland uu ka hadlayo, taasna uu u doortay isaga oo u arka in xaaladdu ay hadda marayso meel wax laga qaban karo haddii si dhab ah loo qaato. Inkasta oo uu xusay in xukuumadda talada haysaa ay had iyo goor ku eedayso qofka yidhaahda shirkaasi khatar buu inagu yahay "Soomaaliweyn buu doonayaa".
"Hebel baa waxaa raba iyo hebel waa Soomaaliweyn waa wax 13 sannadood soo jirey oo waa kelmada la mid ah tii Taliskii Siyaad Barre isticmaali jirey ee qofku markuu wax dhalliilo la odhan jirey waa Kacaan-diid," ayuu yidhi. Waxana uu sheegay in arrinka maanta socdaa uu yahay kaas oo la doonayo in xaqiiqada dadka laga qariyo.
Isaga oo u gondadegey dulucda arrinta, waxa uu sheegay Dr. Cabdi Aw Daahir in waddamada IGAD oo kala ah; Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Suudaan, Yugaandha iyo Erateriya oo shirkaa wadajir u hagayaa ay ka midaysan yihiin arrinta Soomaaliya iyo sidii dowlad loogu dhisi lahaa. Waxa uu intaas ku daray in wejigan ugu dambeeya ee uu shirku ku jiro ay goosteen oo ay heshiis ku yihiin in Bulshada Soomaaliya loo qaybiyo beelo, kuwaas oo kala ah; Daarood, Hawiye, Raxanweyn, Dir iyo Others. Waxana uu sheegay in beelahaas ay Somaliland ku jirto.
"Qaabkaa maanta loo qaybiyey Soomaali ee Lixdii dal ee IGAD go'aamiyeen Somaliland way ku jirtaa, xukuumaddeenuna way ogtahay, waxaana uga wakiil ah dowladda Jabuuti," ayuu yidhi.
"Waxaa kaloo jirta in loo qaybiyey oo la yidhi, Qurubkii Daarood ha qaato Cabdillaahi Yuusuf, Qurubkii Hawiyena ha qaato Cabdulqaasim, qurubkii waxa la yidhaahdo Dir oo maanta la doonayo in Somaliland lagu beddelo oo shirkii Carta uu bilaabay Ismaaciil Cumar Geelle (Madaxweynaha Jabuuti) maantana uu wado in xukuumaddeenii lagula ballamay oo ay doonayso in sidii wax lagu qaybsado," ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir.
Sidaa darteed, ayuu sheegay Cabdi Aw Daahir in xukuumaddu doonayso inay dadka ka jaahwareeriso xaqiiqada dhabta ah inta uu arrinkaasi dhammaanayo oo bil gudaheed ah.
Isaga oo arrintaasi sii faahfaahinaya waxa uu yidhi;
"Bisha July ayaa loo ballamay in arrinkaasi dhammaado. Waxa keliya ee hadhayna ay tahay ee uu Ismaaciil Cumar Geelle ballanqaaday oo uu yidhi marka inta kale la soo dhammeeyo Somaliland iyo maamulkeedu waxay ku saami qaadanayaan Dir ee inta kale ha la soo dhammeeyo".
"Waxaan u arkaa in arrinkaasi yahay arrin khatar ah oo maanta u baahan in laga tashado oo intay goori goor tahay laga hawl galo. In lagu wareeriyo dadka ma aha muran iyo dacaayad yar iyo hebel baa Soomaali weyn doonayae xaaladda dhabta ahi waa taa ee ha laysu yimaaddo oo ha laga tashado oo mawqif midaysan ha laga qaato," ayuu yidhi.
Dr. Cabdi Aw Daahir, isaga oo sawirka qorshahaa muujinaya waxa uu sheegay in gobolada Bari ee Sool iyo Sanaag Bari oo ah deegaamada Beelaha Harti ee Somaliland aanay gacanta dowladda ku jirin, una gacan-galeen Cabdillaahi Yuusuf. Sidoo kale, waxa uu sheegay in siyaasadda arrimaha Dibaddu aanay gacanta ku hayn dowladdaha deriska ah. Isaga oo xusay in dowladda Jabuuti oo uu maamulka Madaxweyne Riyaale xidhiidhka ugu dhow la leeyahay aanay diyaar u ahayn inay aqoonsato Somaliland oo xataa aanay aqoonsanayn Baasaboorka Somaliland oo uu Mudane Riyaale sheegay in ay Jabuuti ogolaatay in dalkeeda lagu soo geli karo.
"Jabuuti maanta aqoonsi ay inoola diyaar tahay ma jirto, waxay hageysaa shirkaa Soomaaliya. Baasaboorkeenna kuma dhuftaan shaanbadooda," ayuu yidhi.
"Waxay Jabuuti diyaar la tahay oo mawqifkeedu yahay inta kale ha la soo dhammeeyo, anigaa Madaxweyne Riyaale haya. Madaxweyne Rayaale iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa heshiis kaga dhexeeyaa oo dhab ah oo warar xog-ogaala aan ku helay inay hirgeliyaan siyaasad la yidhaahdo Hoggaanka Dir," ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir.
Waxa uu sheegay in Mudane Riyaale uu yahay Madaxweynaha Somaliland, loona doortay in uu hoggaamiyo ummadda Somaliland, balse waxa uu yidhi "Ma aha Madaxweynenimada Somaliland inuu ka jeclaado hoggaamiyaha Dir".
"Haddii uu yidhaahdo waar danta Somaliland igu garab-gala waa ku garab gelaynaa. Laakiin hadduu yidhaahdo Dir igu garab gala oo dan baa ku jirta, lagu garab geli maayo. Taasaana jirta, taasaanuna dadka u sheegaynaa," ayuu yidhi.
Dr. Cabdi Aw Daahir, waxa uu dadka u soo jeediyey in xaaladdu markay halkaa marayso ay tahay in laysu yimaaddo oo laga tashado oo waxna layska weydiiyo. Laakiin ma aha ayuu yidhi "in durbaan uun aynu garaacano oo la yidhaahdo maantana hebel baa Jarmal tegey, Holland buu tegey, hebel kalaa Yurub tegey oo kolba inta magaalo la tago laga soo noqdo oo la yidhaahdo icitraaf baanu keenaynaa, waa been, waxna kama jiraan".
Waxa uu sheegay haddii ay run sheegayaan inay ka hawlgeli lahaayeen Lixda Dal ee IGAD oo uu sheegay in aan la arag iyaga oo waddamadaas abaaraya, kuwaas oo uu sheegay inay hadda gacanta ku hayaan arrimaha Soomaaliya.
"Xaaladda maanta aynu ku jirnaa waa taa, sidaasaan dadka u sheegaynaa. Anagu dhinacayaga dadka arrinkaa waa ku baraarujinaynaa, waana ku wacyigelinaynaa. Xukuumaddana waxaan leeyahay dadka yaynaan maaweelo u sheegin, xaaladda dhabta ah ee dalka taalla iyo waxa aad afka ka sheegaysaan isku mid ha noqdeen," ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey.
Dr. Cabdi Aw Daahir oo la weydiiyey waxa uu ku caddaynayo in Madaxweyne Riyaale iyo Ismaaciil Cumar Geelle ay heshiis ku yihiin in Somaliland Dir ku qayb qaadato, waxa uu sheegay in warar xog ogaal ah oo uu hayaa ay jiraan. Isla markaana wararka ka soo baxaya shirka Imbegaati oo Soomaaliya beelo loogu qaybiyey ay muuqato in Somaliland aan laga saarin ee ay ku jirto. Waxa kale oo aad u kala fog ayuu yidhi mawqifka dowladda Jabuuti taagan tahay ee ay ku shaqaynayso iyo mawqifka xukuumadda Somaliland ee ah in Ismaaciil Cumar Geelle ictiraafayo.
"Dhawr goor oo hore ayaanu soo jeedinay in talo midaysan laga yeesho shirarkaa. Laakiin xukuumadda ayaa si aan xaqiiqadan dadku u arkin markasta oo aanu soo jeedino Shirarkaa Soomaaliya aan talo midaysan ka yeelano waxay had iyo goor ku jawaabtaa KULMIYE wuxuu wadaa Soomaali weyn. KULMIYE Soomaali weyn ma wado, KULMIYE mawqifkiisu waa Somaliland. Laakiin, fikirka xukuumadda ayaa Soomaali weyn wada," ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir, isagoo ka jawaabayey su'aal ah, maxaad arrinta ugu bandhigi weydeen axsaabta qaranka si mawqif midaysan looga qaato.
Arrinta ku saabsan khatar Somaliland kaga iman karta Shirka Nayroobi, waxa ka digey Inj. Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirkii hore ee Ganacsiga Somaliland oo ku soo qaaday shir jaraa'id oo Salaasadii ku qabtay Baar Xaraf, inkasta oo aanu faahfaahin ka bixin nooca khatartaa iyo dhinaca ay ka imanayso, haddana waxa uu dadweynaha ugu baaqay in ay talo ka yeeshaan, isagoo sheegay in aanu jirin wax xukuumaddu ay kaga tabaabushaysanayso.
Sidoo kale, Suldaan Xuseen Suldaan Ismaaciil Geelle oo ka mid ah salaadiinta magaalada Hargeysa oo ka mid ahaa koox odayaal ah oo cambaaraynayey mudaharaadkii 18-kii May ayaa carabka ku dhuftay in shirkaa aan laga saarin Somaliland, laguna khaldayo beesha Dir. Waxana uu u soo jeediyey xukuumadda in ay foojignaan u yeelato dalka gudo iyo dibadba.
Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.
Xisbiga KULMIYE Oo Laba Jirsadey, Munaasibad Weyna Lagu Xusay
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 24 May, 2004
--------------------------------------------------------------------------------

Xaflad ballaadhan oo lagu xusayey sannad-guuradii labaad ee ka soo wareegtey aasaaskii xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE oo ku beegnayd 22 May 2002 ayaa habeenkii Sabtida lagu qabtay Hotelka Ming Sing ee magaalada Hargeysa.
Xafladdaas oo si weyn loo soo qabanqaabiyey, waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE, xubno ka socdey Xisbiyada UDUB iyo UCID, Komishanka Qaranka ee doorashooyinka, siyaasiyiin madax bannaan oo uu ka mid yahay Inj. Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Wershedaha iyo boqolaal qof oo isugu jira xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga KULMIYE. Waxaana halkaasi lagaga hadlay khudbado dhaadheer oo siyaasi ah, kuna wajahan xaaladda siyaasadeed ee dalka. Koox fannaaniin ah ayaa iyaguna soo bandhigay masraxiyad kooban oo loogu magac-daray "HADDII CADCEEDDAA KULULAATAY KULMIYAA KA DAMBEEYEY".
Xafladdaas oo hadallo mawaadiic kala duwan ku saabsan ay ka jeediyeen Masuuliyiin door ah oo hogaanka Xisbiga KULMIYE ka tirsan waxa kale oo hadal kooban ka jeediyey Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga UCID, ahna ku-simaha Xoghayaha Guud, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ugu horrayn xisbiga KULMIYE ku hambalyeeyey xuska sanad-guurada labaad ee aasaaskiisa. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in xisbigiisu aamminsan yahay, diyaarna u yahay in asxaabtu ka wada shaqayso danta ummadda.
Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee munaasibaddaas ka hadlay oo dhammaantood si kulul uga hadlay dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, nabadgelyada, iwm, waxaa ka mid ahaa Marwo Siraad Cali Yuusuf, guddoomiye-kuxigeenka 2-aad ee KULMIYE ayaa iyadu hadal dheer oo ay ku furtay xafladdaas si baahsan uga warrantay siyaasadda xisbiga iyo dhalliilaha ka xukuumadda. Iyada oo ka dayrisay xaaladda dalka iyo siyaasadda Madaxweyne Rayaale ku hoggaaminayo. Marwo Siraad waxay sheegtay in Xisbiga UDUB uu sii baaba'ayo, waxayna ku boorrisey in Xisbigu dib u soo kabto oo uu kaalintiisa buuxiyo.
.Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) ayaa isaguna si cilmiyaysan u naqdiyey miisaaniyadda muranka badani ka dhashay ee dowladda 2004.
Xafladdaas waxa kale oo ka soo qaybgalay Muj. Muuse Biixi Cabdi iyo Dr. Cabdi Aw Daahir oo ka soo hoydey socdaal ay muddo ka badan Afar Bilood ugu maqnaayeen dalka Ingiriiska. Waxaana warbixin ku saabsan socdaalkooda ka jeediyey xafladdaas Dr. Cabdi Aw Daahir. Isaga oo ka warramay dareenka dadka dibadda jooga ee u dhashay Somaliland iyo dedaalka ay ugu jiraan inay dalkooda wax u qabtaan.
Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu sheegay in dadka dibadda jooga in badidoodu ay taageersan yihiin Xisbiga KULMIYE. Waxana uu dadka u gudbiyey farriimo badan oo uu sheegay in dadka dibaddu ay soo fareen, kuwaas oo ay ugu muhiimsanaayeen in dadka gudaha joogaa ay wax qabtaan, iyaguna ay kaalmaynayaan.
Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.

20040514Guddoomiyaha KULMIYE Oo Ka Hadlay Waayaha Dalka: Wuxuu Dadweynaha Ku Baraarujiyey In Aayihii Dalkoodu Farahooda Ka Sii Baxayo

Guddoomiyaha KULMIYE Oo Ka Hadlay Waayaha Dalka: Wuxuu Dadweynaha Ku Baraarujiyey In Aayihii Dalkoodu Farahooda Ka Sii Baxayo
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 14 May, 2004
--------------------------------------------------------------------------------

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horreysey muddo bilo ah si baahsan uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalku waqtigan ku sugan yahay iyo aragtida xisbigiisa ee maamulka Madaxweyne Rayaale. Wuxuuna Shir Jaraa'id oo uu Shalay ku qabtay Hudheelka Ming Sing ee Magaalada Hargaysa, uu si kulul ugu naqdiyey Siyaasadda Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, Nabadgelyada, Maamulka, Dhaqaalaha iyo Miisaaniyadda Dawladda, aragtida iyo hab-dhaqanka xukuumadda ee dimoqraadiyadda iyo arrimo kale.
Shirkaa Jaraa'id oo ay ka qayb galeen Saxaafadda Maxaliga ah iyo Wakiilada Warbaahinta Dibadda u jooga Somaliland, isla markaana ay dhegaysanayeen dad tiro badan oo rayid ah, ayaa Mr. Axmed Siilaanyo, waxa uu ugu horrayn sababeeyey ujeeddada uu shirka jaraa'id u qabtay iyo aamusnaantiisii muddada dheer uu aanu ka hadlin xaaladda siyaasadeed ee dalka. Waxana uu yidhi isaga oo taas ka hadlaya; "Dhawr jeer baa la igula kaftamay oo la I weydiiyey oo lay yidhi beryahan maad hadale maxaad u hadli weydey ma hadalkii baa kaa dhammaaday. Waxaan idhi hadalkii igama dhammaane waxaan is-lahaa bal dowladda Ina Riyaale iyo shacbigu hay is arkeen".
Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in aanu shirka u qaban arrin khaas ah ee uu ka hadlayo wax guud iyo xaaladda dalku haatan marayo, aragtidiisana ka dhiibto, anigoo ah ayuu yidhi "Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE". Waxana uu sheegay in bishan 18-keeda inaynu xusayno 14-guuradii ka soo wareegtey markii madax bannaanida iyo dib ula soo noqoshada Qaranimada Somaliland lagaga dhawaaqay magaalada Burco. Sidaas darteed, waxa uu si guud mar ah uga warramay marxaladihii iyo waayihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray muddadaa 14ka Sannadood ah oo isugu jirey dagaallo sokeeye, nabadayn, dhisme dowladeed iyo kacaa kuf badan.
"Haddaba, maanta marxaladda aynu joogno inaynu is-xisaabino ayaa loo baahan yahay, haddii ay inagu soo fool leedahay maalintii aynu u dabaaldegi lahayn 14-guurada markii aynu la soo noqonay madax bannaanideenna," ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
Axmed Siilaanyo Araartaas kadib waxa uu gudagalay dulucda hadalkiisa, waxana uu yidhi.
"Dalka Somaliland Maanta waxaynu ku faano oo Illaahay aynu ugu mahad naqno waynu ku haysanaa, weli Dowladnimo, Nabadgelyo iyo ummad fir-fircoon oo shaqaysanaysa oo dalkooda dhisanaysa ayeynu ku haynaa. Waa wax Illaahay loogu mahadnaqo. Waxaan odhan karnaa horumar kama madhnayn, balse waxa kale oo jira marka runta loo dhaco, dhibaatooyin aad iyo aad u farabadan oo qaar badan aynu isugu wacannahay, Siyaasad xumida Maanta dawladdu ku dhaqmayso, horumar la'aan, wax badan oo wer-wer innageliya, gaabis iyo caajis aynu kaga jirno waxqabadkii badnaa ee dalku innooga baahnaa. ‘Mayd maxaa ugu dambeeyay kaa la sii sido' laba cisho ka hor, waad ogtihiin dad dhallinyaro ah iyo haween ah, ayaa Mudaharaad u soo baxay, Mudahaaradka waxa ay ku cabirayeen wacyiga dalku marayo, waxa ay ka cabanayeen shaqo la'aan, Musuq-maasuq, Eex, Waxqabad la'aan, Caddaalad xumo, wax allaale wax dhibaato ah oo ay geysanayeen iyo nabadgelyo darro midna ma jirin, waxa lagala hortegay xadhig iyo Xabsi, xataa Mudaharaadkaa dad aan ku jirin ayaa la sheegay in la xidhay.
"Horta marka hore Mudaharaadka in la sameeyo waa Xuquuqda Distoorku siinayo in shacbigu xaq u leeyahay wixii uu saluugo inuu ugu soo bixi karo bannaanbax iyo Mudaharaad, salmi ah oo nabadgelyo ah, waxa igu maqaalo ah dadkii Mudaharaadka abaabulayay in ay qoraalo gaadhsiiyeen Booliiska iyo Wasaaradda Daakhiliga, oo ay u sheegeen in ay Mudaharaad salmi ah samaynayaan, haddii ay sidaa ahayd oo waxay xaq u leeyihiin ay ahayd sababta ay Xabsiga ku mutaysteen garan-maayo. Waxa kale oo dhacday arrinta Miisaaniyadda Dawladda buuqa iyo su'aalaha shacbiga iyo dadweynuhu iska weydiinayo. Waynu ogeyn shirkii Jaraa'id ee uu Maxamed Xaashi oo ah xogogaal uu qabtay iyo Wasiirka Maaliyaddu jawaabihii uu ka bixiyay Miisaaniyadda iyo Dareenada ka dhashay dadku haddii uu dareen ka muujiyo ama wax iska weydiiyo ma aha in dhibaato lagala hor-yimaado".
SIYAASADDA GUUD IYO DIMOQRAADIYADDA
"Waxa Muuqata marka waxyaalo badan la isku geeyo Dimuqraadiyaddii dadkeenu ku talo-galay ee aynu dal ahaan qaadanay ee Distoor iyo Dawlad ku samaysanay, ee Doorasho ku galnay in la bakhtiinayo ayaa meel walba ka muuqata, ilaa imika lama hadal hayo dhinaca Dawladdana kama muuqato wax tallaabo ah oo laga qaadayo dhammaystirkii Doorashada Baarlamaanka. Bishii August ee sannadkii hore (2003), ayaa saddexda xisbiga wada fadhiisteen oo Xisbiga UDUB uu u saxeexay Madaxweynekuxigeenku, waxa qoddobadii la isla gaadhay ka mid ahaa in lix bilood gudahood dawladdu ku dhammaystirto wixii tallaabooyin ah ee dhiman, oo markaa Doorashada Baarlamaanku qabsoonto. Heshiis baa lagu ahaa waad ogtihiin qaabka iyo Distoorka inoo yaala ma oggola in Axsaabtu soo jeediso mashruuc sharci oo ay Baarlamaanka horgeyso, cidda horgeyn kartaa waa dawladda iyo tirooyin ka mid ah Mudanayaasha Wakiiladda, ilaa wakhtigan aynu joogno oo Dawladdihii innaga caawiyay Doorashooyinku, dadkii ina wada jeeddaalinayay iyo ummaddii ina sugaysay in hore loogu sii tallaabsado Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinkii wax allaale wax tallaabo ah oo dawladdu ka qaaday ma ay jirto ballaankaa way ka baxday Dawladdu.
"Taasi waa dhinaca doorashooyinka. Waxaan ka hadlayey in dowladdu dimoqraadiyaddii baqtiinayso. Marka Baarlamaanka iyo Doorashooyinka laga hadlayo waynu ognahay Siyaasaddu waxa ay ku fadhidaa Qodobka ah cidda hawsha awoodda fulinta leh waa in cid xakamaysa oo qabata oo hoggaan ahi ay jirtaa, oo badiba waa Baarlamaanka taasi meesha way ka baxday, arrintaasi waxay muujinaysaa in Dimuqraadiyaddii lala dagaalamayo. Ta kale ee arrintaa muujinaysa waxa weeye Dawladdii waxa ay ku shaqaynaysaa imika in ay curdan-dhadhiso asxaabtii ay ahayd in nolosheeda, horumarkeeda iyo shaqadeeda la dhiiri-geliyo. Maanta cidna kama qarsoona qaabka ay Dawladdu ula dhaqanto Axsaabta Mucaaradka ah. Dawladdu waxay ahayd in ay iyadu Maamulka gacanta ku hayso sida waajibku yahay Axsaabta Mucaaraadka ah waxa weeye Dunida Dimuqraadiga in ay ilaashaan oo wixii dhaliil ay ku arkaan dawladda in ay tilmaamaan.
"Mar allaale marka la soo qaado dawladda oo la is yidhaahdo Dhaliisheeda tilmaama ereyga ay ku boodaan waxa weeye; ‘Ictiraafkii baa la hortaagan yahay, ‘nabadgelyadii baa la baqtiinayaa, dowladnimadayada ayaa KULMIYE ka ba'ayaa. Taas dhaaf oo waxa ay gaadhay dawladdu in ay tidhaahdo xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE waa argagixiso oo isaga ayaa Dilalkii dalka ka dhacay oo dhan ka dambeeyay. Ina Riyaalaan maalin u sheegay oo aan ku idhi Wasiirkaaga Daakhiligu waxaasuu yidhiye maxaad ka qabanaysaa, wuxuu yidhi ‘Ma dhici karto oo muu odhan, waayo, wax dhici kara maaha'. Way dhacdoo waa tii codkiisii oo la hayo banka la soo dhigay oo aanu ummaddoo dhan wada maqashiinnay. Wax alla wax uu tallaabo ka qaaday ma jirto. Ilaa iyo hadda waxaa jirta iyada oo dadkii ku lug lahaa falalkaa dilka ah ay soo qabteen shacbiga reer Somaliland Illaahay ha ka jisaa'I siiyee, ayaa ilaa imika ay xidhan yihiin dad Wasiirka Daakhiligu uu mac-mal u xidhay oo uu ku xidhay waxay ehel yihiin dad Xisbiga KULMIYE ah sidaa uu hadalkiisa ku sheegayo oo uu ka mid yahay Inan yar oo Xaaskaygu Habaryar u tahay oo uu Sheekh ka xidhay oo wax alla wax lagu hayaa aanu jirin. Waa dadkuu ka hadlayey ee uu lahaa Kulmiyaa ka dambeeyey.
"Maanta baadhista socota kalsooni badan oo lagu qabi karaa ma jirto, sababtu waxa weeye, haddii aan dad dibadeed loo yeedhin, ama aan si muuqata aan wixii loo baadhin, Maalin walba waxa aad suuqa ka maqlaysaa tolow nimankii (argagixisadii dishay Haweenaydii reer Kenya ee u shaqaysanaysay GTZ) kuwii falka gaystay ma yihiin mise waa la beddelay, maxaa Sawirkooda loo soo bandhigi waayay? Maxaa dadka loo tusi waayay? Waxaa yaableh maalin baan Madaxweynekuxigeenka weydiiyey, wuxuu yidhi anigu isku deyey oo waan qabaa in dadkaa sawirkooda iyo magacooda iyo waxooda kuli bannaanka la soo dhigo si ummaddu u garato raggaasi waxay yihiin. Taasi ma dhicin.
"Waxaan kaloo idiin sheegayaa in la doonayo curdan-dhadhinta axsaabta. Waxaa ka mid ahaa talooyinkii guddiga doorashooyinku soo jeedisey, taloyinkii axsaabtu berigaa wada gaadhey in axsaabta dhaqaale loo sameeyo, maadaama ay yihiin axsaab qaran oo dastuuri ah oo ummaddu u baahan tahay. Ilaa waqtigaa wax alla wax laga fuliyey ma jirto, miisaaniyadda maanta ku jirto. Ayaan dhoweyto dowladdu waxay sheegtay - markii anagu aannu u tagnay Madaxweynekuxigeenka oo aanu nidhi arrimihii ballankaa ku jirey maxaa laga yeelay - waxaan filayaa in M/weynekuxigeenka dedaalkiisii waxoogaa yar raadiyowga laga sheegay oo la yidhi waa loo ogolaaday. Laakiin, miisaaniyadda meel axsaabtu ay kaga jirtaa oo ay ka muuqataa ma jirto. Macnuhu waxa weeye meel baa lagu liqaaminayaayoo kolkaa hadhow haddii la doonona waa loo diidi, haddii la doonona waa la siin. Waxa loo qoondeeyey ee la sheegayaana wax wax ka taraya horumarin axsaabeed iyo waxtarkooda mid alla mid ay tahayna ma jirto, waa waxa la yidhaahdo "Hafar".
"Qodobkii ugu weynaa baan u imanayaa ee sida axsaabta iyo dimoqraadiyadda loola dagaalamayo; ma doorashooyinkii baa, ma dhaqaalihii baa, ma dacaayaddii la dacaayadaynayey baa, ma cabudhin baa, waxa ugu daran ee ugu weyni waxa weeye, Qaranku Radiyow buu leeyahay. Waxa jirta iyana jariirad Maandeeq la yidhaahdo oo ummadda xoolaheeda lagu bixiyo, ummaddoo dhan bay ka dhexeeyaan Raadiyowga iyo Maandeeq oo xoolihii qarankaa ku baxa. Labadaa oo la tartamaya jaraa'idkii iyo Tvyadii dadka gaarka ahi lahaa ee ay xoolahooda ku bixinayeen. Intaba waxa loo adeegsadaa cayda iyo xumaynta xisbiyada mucaaridka ah, ilaa intii doorashadu socotey waad ogtihiin. Qodobkaasi waa qodob xaaraan ah. BBC-da oo ka mid ah idaacadaha ugu caansan ee la yaqaanno lama ogola in Wasiir maamulo, guddi madax banaan ayaa maamusha oo wasiir ma leh. Caqliga ma gasho, wax suuragal ahna ma aha in warbaahintii qaranka Xisbi keli ahi adeegsado oo dhaleecaynta iyo ceebaynta iyo eedaynta shakhsiyaadka iyo axsaabta kale loo adeegsado ma aha meeshana kuma jirto. Waa gardarro, waa xaqdarro, waa Kelitalisnimo (dictatorship). Waa tii Siyaad Barre samayn jirey lafteeda.
"Waa ogtihiin, maalin dhoweyd xubin ka tirsan Xisbiga KULMIYE, Cabdi Aw Daahir oo dibadda jooga ayaa jaraa'idka ku soo saaray talooyin iyo qiimayn siduu xaaladda siyaasadeed ee dalka u arkayey, talooyin badan oo wax-ku-ool ahna u soo jeediyey Xukuumadda oo dadkii runtii akhriyey oo dhami ay u qushuuceen oo ay u arkeen waxtar. Laba maalmood oo isku xigta ayuu Raadiyo Hargeysa caayay Cabdi Aw Daahir iyo KULMIYEba. Haddii uu raadiyow xalaal ah yahay sow may ahayn in uu wixii Cabdi Aw Daahir-na sheego, wixii uu ugu jawaabayo Wasiirka Warfaafintu markaa ha ugu jawaabee. Maxaa jawaabta keliya looga akhriyey ee wixii Cabdi aw Daahir yidhi looga sheegi waayey? Taasi ma caddaalad baa, taasi ma sinnaan baa?.
Warqad baannu u qornay aanu u leenahay wixii aad ummadda maqashiisay ee aad ku dhaleecaysay xisbiga KULMIYE iyo madaxdiisa in aanu ka jawaabno ee waqti ha nala siiyo aanu ka hadallo Raadiyow Hargeysa. Waannu ogeyn in aanu yeelayne waannu ku xujeynayey. Dabaduu nagaga soo dhacay. Waxaanu ku nidhi waar bal qoraal uun na sii inaad noo diiddey, ma jirto buu yidhi Cabdillaahi Yare (Wasiirka Warfaafinta) wax qoraal ah oo aan idin siinayaa.
"Qolada kale ee aanu hadda xujeynaynaa Iminka waxay noqon doontaa Maxkamadda Dastuuriga ah - inkastoo maxkamaddaa dastuuriga ay wax na soo kala mareen oo si aanu ku aamino aanaan garanayn oo aynu xaalkeeda ogeyn haddana iyada uun baa sharciyan jirtee arrimaha noocaas ah inaanu sharciga u raacno ayaanu doonaynaa. Sidii tii horeba yeeli jirtey iminkana ha tidhaahdo dowladda iyo xisbiga UDUB baa ku shuqul lehe intiina kale shaqo kuma lihidin, Maxkamadda afkeeda ha ka soo yeedho. Arrintaa waxaannu geynaynaa maxkamad. Waxaanu leenahay hantidaa ku baxaysa Maandeeq iyo Raadiyow Hargeysa waa xaaraan. Mar haddii aan ummadda iyo shacbigu u sinnayn xisbi buu u adeegayaa, qaranimaduu marin hufinayaa, dimoqraadiyaduu marin hufinayaa, dadnimaduu marinhufinayaa, baanu leenahay. Waa in loo sinaadaa.
"Warbaahintii kale ee la tartamaysey waa la xidhay. Sharciga iyo dastuurku wuxuu leeyahay waa la ogol yahay ... wax alla wax laga oggol yahay ma jirto. Waad ogtihiin in Ceerigaabo laga furay idaacad oo la xidhay, Burcaa lays yidhi ka fura waa laga xidhay. Waxaannu leenahay waa qayra-distoori.
"Markaa arrimahaas oo dhan waxaannu u aragnaa inay tahay in adhaxda laga jebiyo oo la curdin dhadhiyo dimoqraadiyadii iyo asxaabtii la baabi'iyo. Arrintaana shacbi weynow haddii aan wax laga qaban waxa inoo dambeeya waynu garanaynaa waxa uu yahay."
SIYAASADDA DIBADDA
Axmed Siilaanyo markuu ka hadlayey siyaasadda Arrimaha Dibadda, waxa uu sheegay in ay waxoogaa firfircoon tahay, taasna waxa uu sheegay inay ka wada shaqeeyeen axsaabta mucaaridka ah, xukuumadda iyo qurba-joogga Somaliland. Laakiin, waxa uu sheegay in aanay gaadhsiisnayn meelo badan oo muhiim ah oo loo baahnaa. Waxa uu sheegay in aanu jirin xidhiidh fiican oo xukuumaddu la samaysay dalalka Carabta oo ah kuwa ugu adag ee hortaagan qaddiyadda Somaliland, loona baahan yahay ayuu yidhi in la fahamsiiyo, lagana hawlgalo sidii looga dhaadhicin lahaa. Sidoo kale, kooxaha faraha badan ee Soomaaliya ayuu sheegay in loo baahnaa in xidhiidh lala sameeyo oo wax laga kasbado. Dalal kale oo badan oo Afrika ayuu iyana sheegay in xidhiidhkeennu ku yar yahay.
MAAMULKA DALKA IYO NABADGELYADA
Mr. Siilaanyo oo Iftiiminayay Dhaliilaha Xukuumadda ee ku wajahan Maamul-fidinta Gobollada, waxa uu yidhi; "Maamulka dalku Maalin walba wuu soo koobmayaa halkii uu ka sii fidi lahaa, waar markii Ina Rayaale (Madaxweynaha Somaliland) Laascaanood tegay Gobolaka Sool Dawladda Somaliland Maamulkeeda ayuu gacanta ugu jiray, oo qayb Somaliland ka mid ayuu ahaa. Dhinaca Xadka Jabuuti-na Kastamkeenu Lowyocado ayuu joogay. Waxaan anigu arkaa ilaa Maalintii Rayaale cagaha dhigay Laascaanooid oo uu yidhi Maamulkaba Laascaanood ka soo rara oo Caynaba soo dejiya, in Maamulkii iyo xadkii soo koobmay. Dhawaana dhinaca Galbeedka waa aynu ognahay oo waa laga soo wada guurayaa. Markaa waxa Dawladdu ka hadashaa fidin Maamul, waar aniga (Siilaanyo) iima muuqato fidin Maamul oo socota ee wuu soo koobmayaa, ma laga yaabaa in aynu Hargeysa isugu wada nimaadno.
"Waxa kale oo iyana jirta Wasaaradaha tirada badan ee aan tayada lahayn ee la wada sheegay, awal wuu dafiri jiray Madaxwaynuhu, laakiin beryahan waxaan arkayay hadalo laga soo werinayo Madaxweynaha oo uu leeyahay shacbigaa igu khasbay, shacbiga Madaxweynaha ayaa loogu talo-galay in uu hoggaamiyo, inuu yidhaahdo Shacbigaa igu khasbay maaha. Shacbigu wax sax ah buu kugu khasbi karaa. Shacbigu waxay ku yidhaahdeen dowlad noo samee, waad ballan qaaday, dowlad kooban oo tayo leh oo ilaa gudo ilaa dibad lagaala hadlay. Taasay ahayd inaad samayso, tiina laguma dhaqaaqin".
"Waxa aynu haysanay nabadgelyo aad iyo aad u wanaagsan. Nabadgelyadii waynu ognahay Maanta meesha ay marayso oo waxa innagu dhacay waynu ka war qabnaa, siyaabo farobadan baa la inoo soo farogeliyey ama haddii aynaan digtoonaan baqdinteeda ayaan qabnaa oo haddii dalkii qaybo badani maqan yihiin, oo waxa ay ku sugan yihiin aynaan garanayn oo aynu maqalnay Ceerigaabo Hub iyo Lacag foojari ah baa lagu soo rogaa. Waxyaalahaas oo dhammi waxa ay calaamad u yihiin Nabadgelyo-darridu meesha ay ka iman karto iyo meesha ay ku socoto waynu aragnaa .
"Waxaynu kaloo ognahay marka maamulka aynu ka hadlayno, waar qaska iyo labka lagu hayo dowladihii hoose, meel qudha oo dowladihii hoos iyo maamulkoodii u dhisan yihiin ma jirto. Meel qudha oo aanay Wasaaradda Daakhiligu faraha kula jirini ma jirto, meel walba waxa qasaya oo sharcigii burburinaya ee indhaha ka tuuraya waa dowladda. Waxaanu leenahay dowladda Dhexe ha u deyso dadkii la doortay inay hawsha ummaddu u igmatay ee u dooratay u maamulaan".
Axmed Siilaanyo, waxa uu intaas ku daray, Garsoorka oo uu sheegay in xukuumaddu faragelin ku hayso iyo xeerka Xukunka degdegga ah ee guddiga nabadgelyadu dadka ku xidhxidhaan, xeerkaas oo uu sheegay in Baarlamaanku laalay. Waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatooyinka ka jira Xabsiyada oo uu sheegay in Guddiyada Baarlamaanku ay ka soo warbixiyeen dacdarro badan oo ka jirta iyo dad badan oo xukun la'aan ugu jira.
DHAQAALAHA
Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in uu dalka ka socdo dedaal badan oo horumar lagu doonayo, taasna waxa uu ku ammaanay shacbiga Somaliland iyo ganacsatada yar iyo kuwa waaweyn oo jecel inay dalkooda maalgashadaan. Laakiin waxa uu sheegay in aanay jirin wax dhiirrigelin ah oo dhinacnaba ay dadkeennu ku qabaan dowladda.
Isaga oo ka hadlaya Miisaaniyadda 2004 ee dhowaan golaha xukuumaddu ansixiyey iyo musuqmaasuqa badan ee ku dhaca hantida Qaranka, waxa uu yidhi;
"Waa tii Maxamed Xaashi Cilmi (Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland), oo xog-ogaal ahaa Maalintii dhawayd aad iyo aad uga waramayey Miisaaniyadda Maanta taagan. Waxa ka muuqda Corruption (Musuq-maasuq) ciiddaa ka badan oo xisaab aan loo haynin oo aan gelin kana maqan tahay khasnadda dawladda, weliba qaar Maxamed Xaashi sheegay iyo qaar aanu sheeginba way jiraan. Waana qaar lagu wada qanacsan yahay oo muddo badan la ogaa. Halkan anaga laftayadu waxaanu ku haynaa waraaqo muuqjinaya inaan xisaabaha lagu shubin . ma aha kuwii la sheegay oo keliya ee shariikadaha laga qaaday. Waxa jira lacag Maraakiibta Saylac laga qaadayay, oo iyagana aan lagu shubin Qasnadda Dawladda. Waxa jirta sharci darrada lagu dhaqay markii Iskaraabkii la iibinayay. Waan dhegeysanayey Wasiirka Maaliyadda (Shirkiisii Jaraa'id) waxa uu yidhi; ‘Iskaraabka Wasiirkii hore ayaa bixiyey' laakiin, waxa aan soo ogaaday ninka saxeexay in uu yahay Wasiirka Maaliyadda ee imika jooga (Xuseeen Cali Ducaale), midda kale markii la yidhi, maxaad Qandaraas ugu bixin weyday waxa uu yidhi; ‘Waan u badheedhay' markaa waxa weeye sharci jebin buu u badheedhay, haddii Wasiirkii hore khaldanaa inuu isagu sharciga saxo weeye. Lacagtii Iskaraabkana, waxaa ka mid ahaa jawaabtiisa markii la weydiiyey lacagtaa ‘Marka Iskaraabku baxo ayaa lacagta lagu shubayaa khasnadda dowladda'. Sidaan ka warqabo Iskaraabkii wuu baxay, wax khasnadda dowladda lagu shubayna ma jirto.
"Waxaa iyaduna jirta oo waxaba ka weyn ee aanu ka jawaabin Wasiirka Maaliyaddu, labaddii sannadood ee 2002-2003, waxa soo baxay lacag lagu qiyaasay $18 Bilyan iyo in kale oo iyaduna dheeraad ah oo ka soo baxday Miisaaniyaddii lacagta dheeraadka ahayd, waxa ay ahayd in Baarlamaanka la geeyo si loo xalaaleeyo kharash-garaynteeda. Taa wuu qirtay, malaha waxa uu isleeyahay Rayaale aad ku xujaysid marka uu ku eryo. Lacagtaa waxa weeye haddii aan Sublementary Budget, Baarlamaanku u samayn waa in Miisaaniyadda ku xigta dakhli ahaan loogu soo daraa.
Waxa kale oo iyana jirtay lacag la yidhaahdo Hadhaa, oo ah lacag ay ahayd in la kharash gareeyo oo iyada la sharciyeeyo oo aan la kharash garayn. Labadaa midna xisaabteedii kuma jirto, labadaa sannadood Qasnada dawladda, arrintaa jawaabteeda waa loo baahan yahay. Wixii Maxamed Xaashi ku tuman mayo, wax fara badan bay ahaayeen".
Axmed Siilaanyo hadalkiisa shirkaa Jaraa'id oo aad u dheeraa waxa uu ku soo gebagebeeyey:
"Waan leeyahay, Waar dadweynaha reer Somalilandow aayihii dalkiinu gacantiinna wuu ka sii baxayaa, furfur baa bilaabmay oo socda dadkii halgankii oo keliya la baabi'in maayee, ummaddii la baabi'inayo oo loo cagajugleynayo oo la madal-hufinayo oo la isku dirayo oo hub loo soo dejinayo oo hubkaa cadow lagu daafici maayee iyaga laysugu dhiibayo oo inay isku dilaan la doonayo.
"Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa ummadan iyo dalkani luggooyo dambe uma baahna, dariiqa ay hayaan ee raga maanta hoggaaminayaan hayaan-na kay u soo dhinteen iyo kay soo yagleeleen iyo kay calanka u taageen maaha, iyaguna maha kuwii hawshaa soo galay ee rag kalaa soo qabtay."
Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.

20040506Iskeerse Oo Sheegay In Aan Xisbigoodu Ka Aamusayn Dhalliilaha Xukuumadda, Taariikhda Ummadda-na Aanay Ogolaanayn In La Qariyo

Iskeerse Oo Sheegay In Aan Xisbigoodu Ka Aamusayn Dhalliilaha Xukuumadda, Taariikhda Ummadda-na Aanay Ogolaanayn In La Qariyo
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 6 May, 2004
--------------------------------------------------------------------------------

Hargeysa - Mr. Maxamed Cabdi Iskeerse oo xubin ka ah Guddiga Fulinta ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa sheegay in aanay xisbi ahaan cidina uga waabanayn in ay sheegaan, dadkana u tilmaamaan dhalliilaha xukuumadda, taasina ay tahay shaqada xisbi mucaarid ah.
Mr. Iskeerse oo dalka ku soo laabtay Khamiistii toddobaadkii hore, 29/04/2004, isaga oo gebagebeeyey socdaal shaqo oo uu ku marayey dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka waxa uu sidaa ku sheegay waraysi khaas ah oo uu siiyey shabakadda ee Somaliland.org, waxana uu ka hadlayey eedaynta had iyo goor ay xukuumaddu u jeediso madaxda iyo siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE iyo wax uu ku tilmaamay siyaasad cabudhin ah oo ay ku dhaqmayso, taas oo ay ugu dambeysey jawaab dhaleecayn ah oo uu Wasiirka Warfaafintu ka bixiyey qoraal uu dhowaan faafiyey Dr. Cabdi Aw Daahir oo hadda ku sugan London, UK oo uu ku dhalliilay xukuumadda iyo warar arrintaa la xidhiidha oo sheegaya in xukuumaddu amartay in la xidho Cabdi Aw Daahir marka uu dalka ku soo laabto.
Maxamed Cabdi Iskeerse oo dalka ka dhoofay dabayaaqadii July 2003, waxa uu sheegay in muddadii uu dalka ka maqnaa oo Sagaal bilood gaadheysa uu ku soo noqday xaalad si weyn uga duwan tii uu dalku marayey markii uu ka tegey oo ay u muuato inuu hoos u dhacay dhinac walba. Waxana uu intaa ku daray in ay saxaafadda kala socdeen wixii dalka ka dhacayey mudadii ay dibadda marayeen isaga iyo siyaasiyiinta kale ee xisbiga ka tirsan, isla markaana ay maqlayeen eedaymo iyo isku dayo lagu cabudhinayo dadka, laguna aasayo taariikhdii dalkan oo xukuumadda ka soo baxayey.
"Waxa nagu maqaalo ah lama soo hadal qaadi karo ayaa la yidhi taariikhdii ummaddan," ayuu yidhi Iskeerse isaga oo daba jooga hadal uu Madaxweyne Rayaale ka sheegay shir jaraa'id Dec. 6,2003 oo farayey shacbiga Somaliland inay iska daayaan isticmaalka saddex eray, kuwaas oo ah: "Hebel Xasuuqa buu geystey, Hebel Faqash buu ahaa iyo Xamar buu inoo jiidayaa".
"Waddan waliba taariikh buu leeyahay. Taariikhda ummaddan in la qariyo oo la aaso lama aqbali karo," ayuu yidhi. Waxana uu xusay in dhowaan caalamka oo dhan looga dabaaldegey Toban guuradii ka soo wareegtey xasuuqii ka dhacay Rwanda, 1994. Sidoo kalena dadka reer Somaliland ay soo mareen dhibaatooyin iyo rafaad badan tan iyo markii xorriyadda la qaatay, taas oo uu sheegay inay taariikhda gashay, isla markaana loo baahan yahay in qof waliba ogaado oo iskuuladda lagu dhigto si jiilasha dambe uga digtoonaadaan in wixii hore u dhacay ay mar kale ku dhacaan.
"Anigu waxaan idiin sheegayaa in aanan ninna uga waabanayn caruurtayada iskuulada ku jirtaa in ay taariikhdooda ogaadaan iyo wixii ku dhacay aabayaashood iyo hooyooyinkood iyo awoowyaashood," ayuu raaciyey Mr. Iskeerse. Waxana uu sheegay in dadka dibaduhu ay aad uga werwersan yihiin arrintaas.
Waxa kale oo uu sheegay in muddadii uu dibadda ku maqnaa ay dalka ka dhaceen Afar dil oo lagu laayey dad ajnebi ah, isla markaana ay maqleen, jaraa'idkana ay ku arkeen in dad iyo xisbiyo lagu eedeeyey, iyadoo laga wada war hayo ayuu yidhi sidii waxaasi u dhaceen ee ay noqdeen.
"Haddaba, haddii aannu nahay Xisbiga KULMIYE waxaan idiin caddaynayaa aniga oo hoggaanka dhaqaalaha ka madax ah in aanaan wixii dhalliil ah ee aanu aragno aanu sheegi doonno oo aanaan qarinaynin, sidii loo sixi lahaana aanu tilmaami doonno taasina ay shaqadayada tahay," ayuu yidhi.
"Halkan maalintii aan ka tegey oo ahayd 31 July 2003, iyo maanta faraqa u dhexeeya waan garan karaa. In badan baad moodda in Somaliland hoos waxa ugu dhinmeen, taas waanu tusaynaa dadka siday wax ku dhinmeen, waa in sidii wax loo sixi lahaana la sheegaa," ayuu yidhi Iskeerse.
Waxana uu sheegay in aan lays cabudhin karin oo taas aanu oggolayn dastuurka Qaranka.
"Shakhsi anigu taaban maayo, qofna soo hadal qaadi maayo, laakiin waxaan ka hadlayaa System iyo maamul baan ka hadlayaa. System-kaa iyo maamulkaa kama aqbali karno ama kama yeelayno in la yidhaahdo taariikhna lama soo qaadi karo, waxna lama sixi karo, dadkana waxba looma sheegi karo," ayuu dhaabadeeyey Mr. Iskeerse.
Mr. Maxamed Cabdi Iskeerse waxa kale oo uu xukuumadda ku dhaliilay in ciddii isku dayda inay maamulka toosiso ay ku eedayso in ay is-hortaageyso aqoonsiga Somaliland. Waxana uu sheegay in muddadii ay dibadda marayeen isaga iyo siyaasiyiinta kale ee KULMIYE ay ku dedaalayeen sidii aqoosi loo heli lahaa, si ay caqabaddaasi meesha uga baxdo. Waxa uu sheegay in iyagu ay ictiraafka Somaliland ku doonayaan dimoqraadiyadda dalka ka jirta ee aanay ku raadinayn cabudhin iyo kelitalisnimo.
Waxa uu Iskeerse carrabka ku dhuftay in uu halkan ugu yimi warar sheegaya in Madaarka la dhigay warqad lagu amrayo in la qabto Dr. Cabdi Aw Daahir marka uu dalka yimaaddo. Waxana uu sheegay in aanu taa u arkayn wax macquul ama suurtagal ah.
Waraysigan oo Mr. Iskeerse kaga hadlay arrimo badan oo la xidhiidha hawlihii uu dibadda ka soo qabtay, booqashadii Weftigii Madaxweyne Rayaale ku tegey UK iyo dhalliilaha xukuumaddu dhalliishay sidii ay u dhaqmeen saraakiisha KULMIYE ee joogey Ingiriiska waqtigaa waxaad kala socon doontaa Somaliland.org.
Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.

20040421 Dr Abdi Aw-Dahir Oo Qoraal Uu Kaga Waramayo Xaalada Dalka U Soo Gudbiyay Saxaafada Somaliland.

Dr Abdi Aw-Dahir Oo Qoraal Uu Kaga Waramayo Xaalada Dalka U Soo Gudbiyay Saxaafada Somaliland.
Dr Abdi Aw-Dahir — London,UK — 21 April, 2004
--------------------------------------------------------------------------------

Dr Abdi Aw-Dahir oo iminka ku sugan wadanka Ingiriiska, ayaa qoraal uu kaga waramayo xaalada dalka u soo gudbiyay Saxaafad Somaliland. Qoraalkii oo dhan, ayaan halkan hoose idinku soo gudbinay.

----------------------------------------------------------------
Waxaan mahad ballaadhan u jeedinaayaa ummadda reer somaaliland meel kasta oo ay joogaan, waxaan idinku boorinayaa inaydun isku duubnaataan. Oo aynu dhismaha dalkeena curdinka ah aynu meel uga soo wada jeedno. Taas ayaynu guul ku gaadhaynaa oo aynu inaguna insha Allah wax ku noqonaynaa, ubadkeena ubadkiisana anfici doona.
Intaa dabadeed, waxaa iyana muhiim ah in la doodo, afkaaro lays waydaarsado. Waliba taas waxa ina faraaya qaabka aynu qaadanay ee dimoqraadiyadda iyo axsaabta badan oo macnaheedu yahay in lagu kala duwanaado afkaarta ,waxna lagu kala doorto wax qabadka , waxaana muhiim ah in ay dhaliishu noqoto mid ku salaysan wax qabadka arrimaha(issues),ee aanay noqon cambaarayn shaqsi iyo wax la mid ah. Haddii aynu giddigeen sacabka tunno waxay Ina dhaxalsiinaysaa marxaladdii afweyne oo inagoo ku taagan meel dumaysa aynu nidhaahno waa leexo; goor dambe aynu nidhaahno sida maan moodayn. Isla markaana qaabkan aynu qaadanay wuxuu awoodda siinayaa dadwaynaha wax doortay. Waxaana waajib ah in aan dhinacyadu (xukuumadda iyo mucaaridkaba) ay qolana ummadda u soo bandhigaan waxay qabteen iyo talagalkooda, qolada kalena ay sheegaan siyaasadda ay kaga duwan yihiin, iyo dhaliisha waxqabad, ee xukuumadda siyaasadda dalka lagu hogaaminaayo. Waa inaanay qolana, ummaddii dooratay waxba ka qarin. Siyaasaddu ma laha qarsoodi, qaranka waxaa sirta u haya sirdoonka, oo isagu ka madaxbannaan garabyada siyaasadda.
Manta waxaan doonayaa inaan halkan ku soo bandhigo afkaartayda, iyo talooyin aan u arko in ay yihiin muhiim oo xal u noqon Kara arrimo culus oo Ina horyaalla. Arrimahaas xukuumadda uu hogaaminaayo mudane Dahir Riyaale way ku guuldaraysatay inay wax ka qabato. Maalinba maalinta ka dambaysa way ka soo darayaan. Waxaana la moodaa arrinkoodu inuu yahay ku sug. Dalkanu maanta waxa uu u baahanyahay dhiiranaan, go'aan qaadasho iyo mawaaqiif adag oo xaraj ah oo lagaga gudbo arrimaha adage e ina haoryaalla, lagana go'aan qaato. Oo aanay noqon Madaxweyne suge ah, iyo lixdan wasiir oo ag fadhiya oo aan doonayn in wax isbeddelaan. Arrimahaas la daawanaayo ee xasaasiga ah ee u baahan in talo dhiiranaan ah iyo isbeddel laga qaato waxaa ka mid ah meelaha ugu xasaasisan oo lug ku leh siyaasaddeenna gudaha, dibedda, nabadgalyada, doorashada baarlamaanka, dhaqaalaha, caddaaladda, Biyaha, iyo maamulka
I. Siyaasadda arrimaha gudaha :
Siyaasaddeenna arrimaha gudaha waxaa saldhig u ah; fidinta maamulka, gaar ahaan Sool, iyo bariga Sanaag. Waxaan shaki ku jirin, in gobolka Sool uu gacanta maamulkeenna ku jiray 95%, taariikhdu markay ahayd 6 DECEMBER 2002.Waxaana mahaddeeda leh wafdigii ballaadhnaa ee Somaliland ee isugu jiray Salaadiinta, Guurtida,Siyaasiinta iyo waxgaradka kale ee hawlgalka qaran ka qabtay gobolka Sool bilihii August,Septemper iyo October ee sanadkii 2002. Markay taariikhdu ahayd 8 DECEMBER 2002, waxaa gacanta maamulkeenna kaga jiray in ka yar 20%. Waxay wax kastaaba isu badaleen dhinaca kale markii Madaxweyne Riyaale, uu safarka kadisada ah ku tagay Laascaanood, oo uu Cabdillahi Yuusuf weerarka waxashnimada ah soo qaaday. Wuxuu ahaa Safar dhicis ah oo aan loo baahanyn oo wax allaalyo wixii ay odayaasho ay qabteen maalin kaliya ku dumiyay.
Tallaabooyinkii ka dambeeyay ee uu qaaday madaxwaynuhu midna ma ahayn mid wax tarta. Wuxuu ka ansixiyay golayaasha baarlamaanka xeer degdega ah, oo nuxurkiisu ahaa, in dhammaan maamulkii, iyo ciidammadii laga soo raro Laascaanood, loona soo raro Caynabo. Wax allaalyo wixii astaamo aynu ku lahayn Laascaanoodna ay ka soo dhammadeen. Tii labaad markii seddexda xisbi ay soo sareen qaraarka ay u dhanyihiin 4.7.2003, oo ahayd istraatiijiyad dhab ah oo arrinkaas wax lagaga qabanaayo, aanu guddoominaayay Madaxweyne ku xigeenku. Arrinkaas oo aad loogu guuxay, laganana midaysnaa waxaa fulin waayay Madaxweynaha oo si uu u dedafeeyo keenay arrin hor leh oo uu ku magacaabaayo guddi ka kooban golihiisa xukuumadda, oo uu guddoomiye uga dhigay madaxweyne ku- xigeenka; oo ahaa shirguddoonkii guddidii midaysnayd ee axsaabta qaranka. Guddidaas, wuxuu uga dhigay xarun magaalada Burco. Inkastoo aan taladaas la soo dhaweyn, haddana lafteedii muu hirgalin. Markay taasuna dhaqaaqi weyday tii guud ee axsaabtana la yeeli waayay, wuxuu ku dhiiraday Cabdillahi Yuusuf inuu ku fidiyo maamulkiisa dhammaan inta badan gobolka Sool. Wixii ka dambeeyay madaxwaynaha iyo maamulkiisa kaleba waxaa ka soo baxaayay hadalo aan ilaa imminka aan saldhigin. Maamulku muu dejin siyaasad iyo straatiijiyad cad, ha noqoto mid nabadeed, mid colaadeed iyo mid siyaasadeed toona. Waxaana la mooda maamulku inuu arrinkaas aanu Rabin inuu si dhab ah u wajahaan. Waana wax Ina horyaala oo u baahan in la waajaho. Waxaa la yidhi waxaad qarsataa way ku qarsadaan.
Waxaan soo jeedinayaa in ay xukuumaddu arrinkaas Istraatiijiyad dhab ah iyo mowqif cad ka yeelato, isla markaana la qaabeeyo sidii looga hawlgeli lahaa. Haddaydaan haynin, talada ummadd u soo bandhiga, iyagaa xal ka gaadhaayee. (Amma taliya, Amma talada qaata), labadaaba waan idinka ogolnahay.wixii kale waa hagardaamo, idinka yeeli mayno, ummadduna idinka yeelimayso . Mana aha in arrinkaas ay xukuumaddu kolba wax aan jirin inagaga mashquuliso
.0
II. Siyaasadda arrimaha debeda:
Waxaa dhab ah in intii maamulkan Riyaale talada qabsaday in ay hoos u dhacday xidhiidhkii wanaagsanaa ee aynu la lahayn dalal muhiim ah oo aynu jaarnahay. Markaan arrinkaas intaa ku dhaafo qaabka uu maamulku u wajahay siyaasadeena arrimaha debedda waxaa la moodaa in ay la mid tahay qaabkii uu u wajahay arrimihii Laascaanood ee aan kor ku xusay. Waxaa arrin aad loo xuso ah oo qiimo wayn lahayd socdaalkii mudanayaasha Baarlamaanku ay ku yimaadeen dalka iyo soo noqoshadoodii ay warbixinta ballaadhan ka jeediyeen aqalka baarlamaankooda kaasoo ay si qiimo leh ugu soo bandhigeen caalamka iyo xukkuumaddooda qaddiyaddeena. Waxaanay wadeen in ay arrinkaas dhirin dhiriyan. Waxaa ka dambeeeyay safarkii Madaxweynaha oo iyadoo aan la casuumin markiiba yimi dalka Ingiriiska, isagoo weliba watay wefdi aad u xad dhaafa. Arrinkaasu waxay hadhaysay ololihii ay qaadeen mudanayaasha Baarlamanka Ingiriisku. Waliba waxaa nasiib darro ahayd markuu Madaxweynuhu meel fagaare ah ka sheegay inaan la casuumin iyo inaanu aqoonsigu ahayn mudnaanta kowaad.
Waxaan qabaa in siyaasadda maamulkani uu yahay mid fudud oo aan la jaanqaadi Karin isbedelada, isla markaana caadifad iyo hambag wax ku wada. Waxaa loo baahanyahay in ay xukuumaddu soo bandhigto Lana timaado siyaasad dheelitiran oo ku salaysan qaabka aynu u waajahaynu dawladaha xidhiidku inaga dhaxeeyo, gaar ahaan markay noqoto qadiyadda Somaaliland, isla markaana aynu ka faa'iidaysano dhacdooyinka wax tarka ah ee Ina soo mara.

III. Nabadgalyada:
Nabadgalyadu waa gogosha aadamaha, waana tiirka maanta Soomaliland ku dhisantahay. Intii uu maamulka Madaxweyne Riyaale uu talada gacanta ku dhigay waxaa aad hoos ugu dhacay xaaladdii nabadgalyada dalka. Waxaa dhacay 4 dil oo waxashnimo ah oo loo gaystay hay'adaha samafalka ee ka shaqeeya dalka oo ay ugu horraysay ninkii Swiss-ka ahaa ee lagu dilay xaafadda Calaamadaha ee magaalada Hargaysa, gabadhii Talyaaniga ahayd (Anallena) ee lagu dilay Boorama, labadii lamaane ee Ingiriiska ahaa ee lagu dilay Sheekh, iyo tii ugu dambaysay ee lagu weeraray hay'addii GTZ, ee gabadha Kenyan-ka ahayd lagu dilay, ninka Jarmalka ahna lagu dhaawacay. Muddadaa sannadka ah waxa ay xukuumaddu ka qabato daayoo, waxaa la ogaaday ciddii dilkaa ka dambaysay markii uu dhacay falkii u dambaysay. Waxaa manta caddaatay in falalkaas ay inagaga yimaadeen soona agaasimeen jaararkeenu. Sirdoonkeennu wuu awoodi kari waayay inu muddo ka badan hal sano garto meesha wax inooga yimaadeen.Taas macnaheedu maaha sirdoonkeenna ayaan aqoontii loo baahnaa lahayn, balse waxaanay ka madax bannaanayn maamulka gaar ahaan wasiirka arrimaha gudaha oo arrin kasta siyaasadaynaaya oo halkuu cadawga ka eegi lahaa , ka dhammaan waayay mucaaridka iyo gudaheenna. Dhaliishiisa waxqabad la'aaneedna cid kale marmariya. Waxaan soo jeedinayaa arrimahan soo socda in la qabto:
1) In hay'adda sirdoonku ka madax bannaanaato siyaasadda, Lana magacaabo agaasime guud oo madax inooga ahaada arrimaha sirdoonka. Shuruudaha lagu xulaayo ay ka mid yihiin b) in uu yahay khabiir aqoon iyo waayo aragnimo u leh hawsha sirdoonka t)In isaga iyo hawshiisuba ay ka madaxbannaanaadaan garabyda siyaasadda j) iyo inuu yahay qof aan ummadda ka gelin dembi qaran x)Inuu yahay qof leh dhaqan iyo akhlaaq wanaagsan .
Waxaan soo jeedinayaa in qaabka, iyo shuruudaha lagu soo xulaayo xeer ka soo saaraan golaha baarlamanku
2) Waa in ciidamada ka shaqeeya ammaanka iyo sirdoonka loo kordhiyo gunnada ay qaataan oo maanta ka yar 20 Doolar bishii; tababarrada loo kordhiyo, iyo qalabka ciidammadu adeegsadaan.
3) In Wasiirka Arrimaha gudaha haddii aanu iscasilayn, uu ummadda horteeda ka sheego inuu xilgii loo igmaday ee nabadgalyada ka soo bixi waayay
.
IV. Doorashada baarlamaanka
Doorashada baarlamaanku waxay tahay dhammaystirka dimoqraariyadda curdinka ee aynu aasaasnay, iyo helida hogaamid isu dheelitiran, waxaanay u tahay fure muhiim ah, bud-dhigna u ah siyaasaddeenna arrimaha debedda, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha Aqoonsigeenna. Waxaan idinla socosiinayaa in ay laba meelood aad looga dedaalay, sidii arrinkaas doorashadu sida ugu dhakhsaha badan loogu dhammayn lahaa, oo kala ah kulankii seddexda xisbi, iyo dawladda Ingiriiska.
1) Kulankii seddeda xisbi qaran ee scday muddada labada bilood ah waxaa lagu soo saaray qaraarkii taariikhdiisu ahayd 4.7.2003. Waxyaabaha lagu go'aamiyay waxaa ka mid ah in muddo kooban oo sida ugu dhakhsaha badan lagu qabto doorashada baarlamaanka. Xeerarka iyo waxii kale ee loo baahnaana lagu dhammeeyo muddo 6(lix) bilood gudaheed oo ka bilaabmaysay 1dii August 2003, oo haddii sidii lagu heshiiyay loo fulin lahaa,waxaa lagu dhammaystiri lahaa bishii aynu soo dhaafnay ee January 30keedii ee 2004. Ta kale seddexda Xisbi qaran waxay xallileen oo ay meel isla dhigeen sidii gobollada wax loogu qaybin lahaa oo ah arrinkii ugu adkaa ee doorashada horyaallay. Waxaan idinla socodsiinayaa in arrinkaas u qaybinta mudanayaasha ee gobollada aanay qabyo ka oolin ee seddexda xisbi aragti ahaan ku heshiiyeen. Waxaa kaliya u hadhsan in wixii lagu heshiiyay in sharciyan loo soo hordhigo golaha baarlamaanka si loo ansixiyo. Taasu waxay aad uga duwan tahay oo xaqiiqda ka fog hadalka ay sheegaan maamulka Riyaale ee yidhaahda sidii wax loogu qaybin lahaa gobollada ayaa nagu adkaatay.
2) Qolada labaad ee xilka wayn iska saartay waa dawladda Ingiriiska, gaar ahaan safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya iyo mudanayaasha golaha baarlamaanka Ingiriiska ee inoogu yimid dalka.Waxaanay si toos ah u ballan qaadeen inay bixinayaan dhammaan kharajka ku baxaaya doorashada. Kollayba laba goor baan xasuusanahay uu safiirku uu yimid Hargaysa uu axsaabta, baarlamaanka iyo xukuumadda ku dhiirigaliyay in doorashada la qabto badhtamaha sannadkan ee 2004. Arrimahaas waxay ka hirgeli la'yihiin dhinaca maamulka Riyaale. Madaxwaynuhu, waa qofka keliya, ee dastuurku xaqa u siinayo inuu ku dhawaaqo maalinta doorashada la qabanaayo. Waxaa la moodaa inaan ilaa hadda Madaxwaynaha Aanay ka go,nayn in ay doorashadii baarlamaanku qabsoonto. Waxaa loo baahanyahay arrinka doorashada in hawlgalkiisa iyo muddayntiisa ay dhinaca Madaxwaynaha ka timaado oo aanay sidoodii odhan waa nala doortay oo wax kale waxba nagama gelin
V. Caddaaladda
Caddaaladdu waa saldhigga nolosha aadamaha. Horumar iyo nabadgalyo ma jirayso haddanay jirin caddaalad dhab ah oo aan cid gaar ah tixgelin; siyaasad, qabiil, dhaqaale iyo dano kale toona. Markii uu ugu horraysay ee Madaxweyne Riyaale talada la wareegay bishii may ee 2002, wuxuu ballan qaaday in uu tallaabo ka qaadaayo arrimaha la xidhiidha caddaaladda. Tallaabadii, ugu horraysay ee uu qaaday, ayaa ahayd mid caddaaladda duminaysa. Waxaana dhacday in ay xukuumaddu ay eriday in ka badan 70 garsoore, magacawday 70 hor leh. Waxay noqdeen garsoorayaal aan ka madax bannaanayn maamulka; halkii ay dooran lahaayeen guddiga Caddaaladdu. Waxaanay maanta maxkamaduhu marayaan halkii ugu darnayd ee taariikhdu garsoorku soo maro. Caddaaladda wax ka qabashadeedu maaha magacyo la kala beddalo ee waa in si asaasi ah oo dhab ah loo eego xal u helida arrimaha saamaynta ku leh jawr falka caddaaladda oo kuwa ugu mudan ay ka mid tahay in maxkamaddu ka madax bannaanaato dhammaan arrimaha saamaynta ku yeelan Kara, oo waddada sharciga ka duwi Kara.
VI. Dadka qurbaha jooga
Dadka qurbaha joogaan maanta waa saldhigga dhaqaalaha e dalka, hadday noqon lahayd dib u dhiska, maal -gashiga, hantida ay soo diraan iyo arrimo badan oo siyaasi ah oo ay dalka ay taraan, kuna biiriyaan. Dadkaasu ma dhib la'a. Dhulkay joogaana waa ku qaxxooti ama waa muwadin aan xoog ku lahayn. Dalkiisii waa Somaliland. Waxaa loo baahanyahay in loo sameeyo barnaamaj gaar ah oo dhab ah oo muuqda oo ay kana qayb qaataan iyagana loogu faa'iidaynaayo oo u qeexaaya mustaqbal ay ku higsadaan dhinac kasta, iyagana lagaga faa'iidaysto, waddankana u faa'iideeya dhinac aqooneed, Horumar iyo dhaqaale.
VII. Arrimaha Maamulka
1) Madaxweyne Riyaale wuxuu magacaabay golihii wasiiro ee ugu badnaa ee soo mara Somaliland. Halkay aad uga yaraan lahayd xukuumadihii ku dhisnaa qaab beeleedka. Waxaanay halis ku keeneen dhaqaalahii yaraa ee markii horeba dhutinaayay. Muu fulin ballantii uu qaaday, diyaarna hadda uma aha in uu qaato go'aan geesinimo leh oo u ku dhiso xukuumad ka yar labaatan wasiir. Oo dalkana wax u qabta hawshana soo ururiya, hantida ummaddana u dhawra.
2) Ilaa imminka oo aynu ku jirno bishii 4aad ee 2004 maamulka Madaxweyne Riyaale ma hor keenin Baarlamaanka miisaanayaddii dawladda oo macnaheedu yahay intii la doortay xisbi ahaan may keenin miisaaniyad. Dastuuriyan way jabiyeen oo waxay ahayd in ay bishii oktoobar soo gudbiyaan miisaaniyaddooda. Siyaasi ahaana way guul-dartraysteen, waayo miisaaniyaddu waa astaanta iyo sawirka kowaad ee laga sahamiyo dawlad, markaa maxaa ka badan ee aan ka filnaa,
3) Dalku wuxuu marayaa xaalad shaqo la'aaneed tii ugu darnayd ee dalka soo marta. Xooggii iyo dhallinyaradii dalku waxay wareegaalaysanayaan suuqyada iyadoo aan dhinacna loo jahayn loona dhigin wax qorshe ah. Sida ugu dhakhsaha badan haddaan wax looga qaban arrinkaas, waxay keenaysaa cawaaqib xumo aan dhakhso looga soo kaban. Maamulka Madaxweyne Riyaale ilaa hadda arrinkaas in yarna iskama waydiin. Waxaan hubaa meelaha kale iska daayoo in Caasimada Hargeisa aanay qadayn maalintii 90%. Waa in talo dhab ah oo degdega ah loo helo, oo aanay noqon ha fadhido faraw. Iskaa wax u qabso oo dadka la kiciyo, la abaabulo, dhawaaqa aan lagala dhex bixin ayaa wax taraysa. Hadday arrin kale ay u waayeen ma abaabul iyo dhiirigalin ayay waayeen. Dalkanu wuxuu u baahanyahay ka kacaay iyo dhawaaaq wax qabad oo aan marnaba lagala dhex bixin. Nasiib darro wax la qabto daayoo Madaxweyne Riyaale intuu ummadda wax u sheego ayaaba dhif ah hadday jirtaba; maxaad wax kaleba uga doonin. Sidaana dalkan hawshiisa kuma wadi karaan
4) Maamulku ma laha siyaasad cad oo dalka lagu kobcinaayo dhaqaalaha dalka. Haddaan dhaqaalaha guud ee ummadda la kobcinna kharajka dawladduu ma kobcaayo. Bal wax korodhsi kale ha dambeeyee waxaynu haysano e gacanteena ku jira waa inaynu dayaca ka ilaalinaa oo ay u sameeyaan qaab lagu dhiirigalinaayo maal-qabeenka iyo dadka dalka wax gashanaaya lana abuuro shaqooyin iyo xirfada gaar ah. Isla markaana hantida qaranka la ilaaliyo, xisaabtan dhab ah oo madax bannaan loo sameeyo meelaha hantida ummadda saamaynta weyn ku leh sida dekkedaha, kastamada, iyo garoommada dayuuradaha. Waa in sida uu dastuurku tilmaamaayo xeer gaar ah laga soo saaro gunnada uu Madaxweynuhu iyo Madaxweyne ku-xigeenku ay qaadanayaan ee aanay noqon madaxaa bannaan. Ilaa taa wax laga qabtana wax qabsoomayaa ma jiraan.
VIII. Biyaha
Qofna loo sheegimaayo in ay biyuhu yihiin asaaska nolosha, waxaa maalin walba soo kodhaaya qaylo dhaan biyo la'aaneed, gaar ahaan muddadii uu maamulka Riyaale xilka la wareegay. Waxaanay noqotay arrin aan mar qudh ah ka bixin warbaahinta gudaha iyo ta caalamka. Caasimaddii Hargaysa ayaa maalin kasta dhawaaqeeda biyo la'aaneed taaganyahay, melihii kalena hadalkooda daa. Xukuumaddu waa inay si dhab ah wax uga qabataa biyo la'aana isa soo taraysa ee ay dhagaysanayso.

Walaalayaal, waxaan hadalkayga ku soo gebogabaynayaa, inaynu ku dhiirano oo aynu si walaaltinimo ah ugu nidhaahno waar wax qabta, maydaan qabane. Oo Bari doona, idinkaa lumiyee. Aqoonsi Caalami ah raadiya oo dadka dhab u sheega. Nabadda gacacanta ku dhiga farihii ka baxdaye. Doorashadii sameeya haynoo dhamaystiranto dimoqraadiyadii. La yimaadda siyaasad dhaqaale oo cad, hantitada ummaddana ilaaliya. Caddaaladda suga oo sharciga aad baalmaraysaan ee idiin xayiran joojiya oo halkii afweyne ha marina. Ummadda debedda joogtaa way ina sugaysaa wax u qabta hawlna galiya. Dadka kiciya, abaabula oo shaqo geliya. Haddii kale waxba qaban mayno dhaha, dadka iyo Dalkana
ha hoosaasinina intay goori goortahay.
Dr. Abdi Aw Dahir Ali
Wa billaahi tawfiiq
UK

20040313Xisbiga KULMIYE Oo Beeniyey In Cabdi Aw Daahir Iyo Muuse Biixi Ku Biirayaan Weftiga Madaxweyne Rayaale Ee Tegaya Ingiriiska

Xisbiga KULMIYE Oo Beeniyey In Cabdi Aw Daahir Iyo Muuse Biixi Ku Biirayaan Weftiga Madaxweyne Rayaale Ee Tegaya Ingiriiska
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 13 March, 2004
--------------------------------------------------------------------------------

Hargeysa - Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa beeniyey war laga siidaayey Idaacadda Dowladda ee Radio Hargeisa oo sheegayey in laba xubnood oo ka tirsan Guddiga Fulinta ee Xisbiga KULMIYE, Dr. Cabdi Aw Daahir iyo Muj. Muuse Biixi Cabdi oo hadda ku sugan UK ay London kaga biiri doonaan weftiga Madaxweyne Rayaale hoggaaminayo ee ku sii jeeda dalka Ingiriiska.
Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo galabta shir jaraa'id ku qabtay xarunta xisbiga ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in wax xidhiidh iyo wadatashi ah aan lagala yeelan xisbiga rrimaha weftiga. Sidaas darteed ayuu yidhi Maxamed Kaahin "Waxaannu ka xunnahay in inagoo marxaladdan oo kale ku jirna oo weftigeenii tegayo dalal dibadeed in warka noocan oo kale ah lagu baahiyo Warbaahinta Qaranka."
Maxamed Kaahin waxa uu sheegay in xataa xubnahaas la magacaabay aan lala xidhiidhin oo aan arrintaas lala soo qaadin, wax ka jiraana aanay jirin.
Hase yeeshee, Waxa uu sheegay in xisbigu taageersan yahay booqashada Madaxweynaha, wuxuuna mar kale ugu baaqay taageerayaasha iyo xubnaha xisbiga ee dibadda jooga inay si weyn uga qaybqaataan soo dhoweynta Madaxweynaha, lana shaqeeyaan.
Waxana uu yidhi isaga oo arrintaas ka hadlaya; "Marka ugu horraysa xisbgia KULMIYE wuxuu soo dhoweynayaa socdaalka Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu ay ku tegayaan dalka Ingiriiska, isla markaana waxaannu u arkaynaa socdaalkaas oo ah socdaal ahaan kii u horreeyey ee aan dalkaa ku tagno, waana bilow diblomaasiyadeed oo haddii kuwaas kuwo la mid ah aynu helo ama dalal kale oo la mid ah aynu ku tagno noqon karaya kuwo midha dhala".
Waxa uu sheegay in socdaalkani ka dhashay booqashadii weftigii ka socdey Baarlamaanka Ingiriisku dhowaan dalka ku yimi. Waxana uu intaasi ku daray;
"Xisbiga KULMIYE isaga oo tixgelinaya siyaasadda nidaamka dimoqraadiyadda ee furfuran. isagoo tixgelinaya wadatashiga distoorka qaranka lafdhabarta u ah. Isagoo tixgelinaya adkaynta midnimada qaranka, gaar ahaan mararka aynu helo fursadaha sidan oo kale ah. Booqashada Baarlamaanka Ingiriiska lagu tegayo inkastoo ay ku wanaagsanayd in ay u dhammaadaan axsaabta qaranka oo maadaama golaha laynaga casuumay uu yahay gole Baarlamaan oo ay axsaabi fadhido, weftigii inoo yimina uu ka socdey baarlamaan ka wakiil ah saddexda xisbi Qaran ee Ingiriiska - haddana xisbiga KULMIYE isaga oo tixgelin weyn siinaya qaranimada Somaliland iyo ahmiyadda socdaalkani yeelan karo, siduu horeba ugu adkeeyey taageerayaashiisa jaaliyadaha dibadda wuxuu mar labaad farayaa inay si weyn uga qaybqaataan una soo dhoweeyaan Madaxweynaha iyo weftigiisa".
Maxamed Kaahin waxa uu sheegay in sida Madaxweynuhuba sheegay markii uu ka dhoofayey madaarka cidda la casuumay ay tahay xukuumadda wax curshi ahna aanu u arkayn haddii laga reebay axsaabta.
Warka raadiyow Hargeysa ayaan la ogeyn meesha laga soo xigtey. Inkastoo wargeysyada qaarkood ay sheegeen in Marwo Edna Aadan ay sheegtay.
Cabdirisaq M. dubbad, Hargeysa.

20040325Xubno Ka Tirsan Guddiga Fulinta Ee KULMIYE Oo Lagu Casuumay Aqalka Odayaasha Ee Dalka Ingiriiska, Baarlamaankana Ka Hadlay

Xubno Ka Tirsan Guddiga Fulinta Ee KULMIYE Oo Lagu Casuumay Aqalka Odayaasha Ee Dalka Ingiriiska, Baarlamaankana Ka Hadlay
Somaliland.Org — London, UK. — 25 March, 2004
--------------------------------------------------------------------------------

Muj.Musse Biixi iyo DR.Abdi Aw Dahir oo ka tirsan Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE, haatanka ku sugan cariga Ingiriiska ayaa Arbacadii qado loogu sameeyay Aqalka House of Lords Dhexdiisa, iyaga oo Isniintiina ka hadlay Aqalka Baarlamaanka dalkaas.
Martqaadka waxaa u fidiyay Xunahan Lord MOORE oo Aqallka odayaasha ee Boqortooyada Ingiriiska ka tirsan. Xafladdaas oo ay kala soo qaybgaleen odayaal kale waxaa si ballaadhan looga hadlay qaddiyadda goonni-isu-taagga Somaliland. Xubnaha Aqalka Odayashana waxay u sharraxeen qoddobadan;
1. In Somaliland ku fadhidu sharciga dawladaha Africa oo dhammi ku dhisan yihiin ee aad ku ogoshihiin.In ay sidaa tahayna Markhaatigeeda kowaad uu yahay aqalkan aynu maanta joogno. Barlmaankan Ingriiskuna waa kii sameeyay xuduudah Somaliland. Waa Qarankii u aqoonsaday Qaran gaar utaagan 1960kii. Reer Somaliland waxay magan idiinka yihin in aad Adduunka u sheegtaan keli in Somaliland tahay Dawlad hore u jirtay
ee aanay ahayn mid cid ka goaysa. Markhaatiga magan baanu idiin ka nahay. Waxaa kale oo naga codsi madaama aad xogogaal yihiin in aad xukuumaddiina ku cadaadisaan Aqoonsiga Somaliland.
2. Dadka S/l way u hiiliyeen UK maalintii xaalku ku xuma dagaalkii labaad.Iyaga oo boqolaal qof oo reer Somaliland ku dhinteen difaacii boqortooyada. Dadkaasi wax xuquuqa may helin ehelkoodii. Maanta oo Somaliland burbur wayni ku dhacay Waxaannu idinka doonayanaa in taageero dhaqaale oo dalka lagu dhiso aad na tartaan. Waxaana noogu daran Biyaha, Abaaraha iyo cimiladii oo isbedashay. Nafaqodarada caruurta iyo hooyada, shaqo la’aanta, Xoolaha Xayiran, Xoojinta Maaulka. Arrimahan taageero toos ah ayaa wax ka tari kara ee dawladda nagula galgalgasha.
Waxa la ISLA GARTAY in la xoojiyo xunihi baarlamanka Ingiriiska ee tegay Somaliland oo la abaabulo xubno ka kooban labada aqal oo Somaliland si badheedh ah oo caalami ugu hawlgala.
Muj. Muuse Biixi Cabdi iyo Dr. Cabdi Aw Daahir waxa kale oo Isniintii bishu ahayd 22/3/2004 lagu martiqaaday baarlamanka dalkan ingriiska, halkaas oo ay warbixin tan la mid ah ku siiyeen mudanayaasha Aqalka Baarlamaanka.
Labadan xubnood oo ka tirsan Guddiga Fulinta ee Xisbiga KULMIYE oo socdaal ku jooga dalkaas waxaa casuumaddaas u fidiyey mudanayaasha baarlamanka ingriiska qaar ka mida oo ay ku jiraan mudanayaashii dhowaan booqashada ku tagay dalka soomaliland iyo kuwa halkan joogay. Waxaana fadhigan aad loogu lafa guray qadiyada gooni isu taagga Somaliland iyada oo aad loo iftiimiyay in Somaliland ay hore u ahayd qaran jira, kuna dhisan xuduudihii 1960 ee afrika.
Casuumadan oo dabada ku haysay casuumadii hore ee
madaxwaynaha Somaliland lagu casuumay gurigan baarlamanka Ingriiska waxa kale oo muddo saacad ah loo ogolaaday waftigan inay dhagaystaan doodii maalintaa ee golaha Baarlamanka Ingriiska u gaarka ahayd si ay waaya aragnimo uga helaan sida dimuqraadiyada leh ee ay u doodayaan xisbiyada dalkan ingriisku.
Casuumadaas iyo wada hadaladan dhax maray labada dhinac oo socday mudo afar saacadood ah kadib waxa ay cusbtaalka uu yaalo ku booqdeen gudoomiyaha Guurtida Somaliland mudane Sh. Ibraahin Sh.Yuusuf Sh. Madar oo ka mid ahaa weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Riyaale.
CABDICASIIS ADAN HABANE, LONDON, UK

20040220Madaxda Xisbiga KUMLIYE Oo La Kulmay Jaalliyadda Reer London

Madaxda Xisbiga KUMLIYE Oo La Kulmay Jaalliyadda Reer London
Jamhuuriya — London,UK — 20 February, 2004
--------------------------------------------------------------------------------

Madaxda Xisbiga KUMLIYE oo la kulmay Jaalliyadda reer London
London (Jam)- Masuuliyiin sare oo ka tirsan Xibiga KULMIYE oo beryahanba booqasho ku joogay dalka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa waxay maalintii Axadadii ee February 15, 2004, kula shireen Jaalliyadda reer Somaliland ee London xaafadda Kingsbury.
Kulankaas oo ay qaybgaleen dad aad u badan, waxa warbixintan nooga soo diray Cabdixakiim Maxamed Sheekh iyo Khadar Xasan Cali oo ka tirsan Xafiiska Jamhuuriya ee London.
“Masuulyiinta sare ee Xisbiga KULMIYE, ayaa kullan ay la yeesheen Jaalliyada reer Somaliland ee London, kaga waramay arrimo badan oo isugu jira Xaalada Gobolka Sool, qabyada Somaliland u taalla, doorashada Baarlamaanka iyo waliba dardaaran ay u soo jeediyeen qurba joogga reer Somaliland.
Waxaana Aayado Qur’aan ah ka dib, erayo kooban oo soo dhawayn ah ka jeediyay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee UK, Maxamed Yoonis. Intaas ka dibna waxa hadalkii la wareegay Dr.Cabdi Aw-Daahir, oo halkaas ka jeediyay warbixin dheer oo uu kaga waramay Somaliland waxa u qabsoomay iyo waxa ka dhiman. Waxaanu sheegay, in Somaliland saddex marxaladood soo martay, kuwaasi oo uu ku macneeyay xilligii SNM, oo uu yidhi, “Wax wayn ayay inoo qabteen oo ah gacan ku dhigiddii dalka, walaalayntii Beelaha Somaliland, iyo dib ula soo noqoshadii xorriyadda.” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay in xilliga 2aad ahaa kii Xukuumaddii Beelaha (1993-2003), oo sida uu yidhi ahayd in Beelaha reer Somaliland inta ay isu yimaadaan tanaasulaad iyo is oggolaansho wax lagu dhammeeyo, taas oo sida uu sheegay dhalliisheeda iyo kacaa-kufkeedaba lahayd, hase yeeshee, waxa uu qiray, in wax badan lagaga soo gudbay oo ujeedadeedu ahayd sugidda nabadgalyada, dhismaha hay’addaha dawladda oo salka loo dhigo-yaanayba dhammaane, aftidii distoorka, doorashadii dawladdaha hoose, iyo tii Madaxtooyada.
Isaga oo tilmaamaya marxaladda saddexaad ee Somaliland soo martay, Dr. Cabdi, waxa uu yidhi; “Maanta waxaynu joognaa dawladdii axsaabta oo saddex Xisbi, ay ku guulaysteen oo ah kuwa dalka taladiisa qabanaya, marka waxba dib ugu noqon maayo qaabkii loo maamulay doorashadaas”. Waxaanu intaas ku daray in xilligan dalka ay ka jirto nabadgalyo wanaagsani, laakiinse, waxa uu xusay in haddii aan halkaas laga sii qaadin oo tallo lagu darin in aanay tii hore soconayn. Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay sida loogu baahan yahay, in isbeddel siyaasadeed iyo bulsho oo dalka ka dhaca. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay kobcinta dhaqaalaha, daryeelka bulshada, aqoonsi Somaliland hesho, daryeelka dadka qurba joogga ah ee baahsan. Xukuumada Somaliland waxa uu ku dhaliilay in aanay firfircooni badan ka muuqan oo ay tahay mid fadhiid ah, isla markaana waxa uu sheegay in haddii aan Somaliland aqoonsi Caalami ah loo helin shanta sannadood ee soo socda aanu dalku Beesha caalamka muddo intaa ka badan ka sii maqnaan karin. Sidaa dareedna loo baahan yahay istaraatijiyad siyaasadeed oo firfircoon si aynu u helo aqoonsi, haddii kale waxa uu yidhi xataa nabadgalyadaas aynu hayno ayaa halis galaysa, waana in aynaan Xukuumaddaas ku halayn. Sida uu sheegayna waxa ay ka kow tahay siyaasadda Xisbiga KULMIYE iyo taageerayaashiisa in aqoonsiga Somaland loo maro wada kasta oo lagu heli karayo. Cabdi Aw-Daahir, waxa kale oo uu ku nuux-nuuxsaday sida ay lagama maarmaan u tahay doorashada Baarlamaanka in la qabtaa, taasi oo ah buu yidhi, dhammaystirka dimuqraadiyadda. Waxaanu sheegay in uu aragti ahaan qabo in la kordhiyo Baarlamaanka iyo awooddiisaba oo wax laga beddelo distoorka, si looga badbaado noocan dimuqraadiyadda ee diktaatooriga ah ee lagu dhaqmo iminka.
Qurba-joogga Somaliland-na waxa uu ugu baaqay in ay dalka maalgalin ku samaystaan oo is kaashadaan, isla markaana aanay ka daallin dirida boqolka doolar, oo aanay telefoonada ka xidhan dadka, isaga oo qiray sida loogu tiirsan yahay Shilimaadka ay soo diraan. Waxaanu kula kaftamay bal in aanay boqol doolar uun soo dirine bal ay tallo soo raaciyaan oo is urursadaan, iyaga oo ku samaysanaya ururo jaalliyadeed oo middeeya. Ugu dambayntii waxa uu kula dardaarmay dadka qurba joogga ahi in ay u midoobaan danta Somaliland oo bal ugu yaraan daqiiqado yar u fikiraan dalkooda, waayo, buu yidhi, waxa maanta dalkii iyo dadkiiba u baahan tallo iyo sidii loo horumarin lahaa, loogana badbaadin lahaa duruufaha adag ee innagu gadaaman. Wuxuuna ku adkeeyay in ay ilaaliyaan dhaqanka iyo diintaba, raggana waxa uu ugu duurxalay in aanay u qaadan in ay dalkii joogaan ee xasuustaan duruufaha qurbaha kaalmeeyaana haweenkooda oo Qaadka iska daayaan shaqaystaana., Haweenkuna aanay raggooda sii riixin.
Intaas ka dibna, waxa hadalkii la wareegay Maxamed Cabdi Iskeerse, oo ku bilaabay hadalkiisii in maanta dalkii duruufo adag ku jiro oo Xaaladda dagaal ee aloosan, uu ku talliyay in mudnaanta la siiyo oo la qiimeeyo mustawaha sare ee aynu caalamka ka joogno, taasi oo sida uu sheegay aynu ku gaadhnay dulqaad iyo samir.
“Waayo,” buu yidhi; “Annagu KULMIYE ahaan ma rumaysnin in doorashadii la naga helay, laakiinse duruufaha awgood ayaanu dulqaad iyo tanaasulaad ka muujinay. Qurba jooggana waxaanu ku amaanaynaa sidii ay uga hor tageen meel marintii sharcigii cabudhinta Saxaafadda”. Dhanka ictiraafkana waxa uu yidhi; “Waxa looga baahan yahay qurba joogga reer Somaliland in ay dabagal ku sameeyaan warbixintii dhawaan Mudanayaasha Baarlamaanka dalkan Ingiriisku soo saareen”. Waxaanu intaas ku daray in ay tahay si ay dhammays u noqoto dimuqraadiyada oo loo dheeli tiro in la qabto doorashada Baarlamaanka, waayo, buu yidhi; “Maanta waxaynu haysanaa Baarlamaan Beelaysan iyo Madaxwayne dimuqraadiyadaysan oo aan is qaban Karin. Waxaanu ugu u soo jeediyay in ay culays ku saaraan Xukuumadda iyo Golayaasha Qaranka sidii ay u qabsoomi lahayd doorashada Baarlamaanku.”
Xaaladda Gobolka Sool, waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay in lagu dhammeeyo si diblamaasiyadeed oo nabadgalyo ah, isaga oo faahfaahin ka bixinaya waxa uu yidhi; “Cabdillaahi Yuusuf iyo Moorgan oo aynu ognahay in la rabo in Maxkamad Caalami ah la soo joojiyo oo gaystay xasuuq, waxay u socdaan waxay arkeen in Somaliland socotay, waana carqalad uun waxa ay wadaan ay is leeyihiin khalkhal ku galiya aqoonsigeena, markaa waxa la moodaa in aynaan ka tabaabushaysan arrintan oo dagaal uun aynu ku dhawaaqnay aynaan u diyaar garoobin, dee haddaadan ka diyaar garoobin waa lagaa diyaar garoobayaa.”
Waxa isaguna erayo kooban halkaa ka soo jeediyay Muuse Biixi Cabdi oo ka waramay waxyaabaha xisbiga KULMIYE kaga duwan yahay Xisbiyada kale. Waxaanu hadalkiisii ku bilaabay. “Xisbiga KULMIYE, waxa uu u taagan yahay taariikhda waddanka iyo mustaqbalka Somaliland ee soo socda. KULMIYE, waxa uu u taagan yahay kacaankii ama halgankii Somaliland soo gashay ee SNM hoggaaminaysay midhihiisii inuu ka dhignaado, waxaanu ka soo horjeedaa fikradda odhanaysa ha la tirtiro taariikhda Somaliland, sida ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ee ah, yaan Faqash la soo qaadin, yaan Dhagar qabe la soo qaadin. KULMIYE labadaba wuu soo saarayaa lama arag ummad taariikhdeedii la yidhaahdo yaan la soo qaadin, oo dadkii dambiga ka galay ka baqata, oo yidhaahda yaan la soo qaadin. Caalamku kuwii dagaalkii 1aad iyo 2aad ayay raadinayaan. Halkii aynu ka baqanay waxa ku mahadsan Baarlamaanka Ingiriiska oo soo qaaday, wayna ku mahadsan yihiin. KULMIYE, waxa uu u taagan yahay, in cidkasta oo dalkan dhagar ka gashay oo dambi ka gasahay in aanay nabad gallin wakhti kasta ha gaadhee. KULMIYE, waxa uu u arkaa in distoorku u baahan yahay in lagu noqdo sida Jinsiyadda oo halka uu odhanayo ruuxa dhalasho kale haystaa ma noqon karo Madaxwayne laga beddelo, maadaama, ay ku xusan tahay in ruux kasta oo labadiisa waalid ay joogeen Somaliland 26-kii, 1960. Sidaa daraadeed, waxaanu aaminsanahay in doorashada Madaxtooyada loo sinnaado. Waxaanu intaas ku daray, in KULMIYE u taagan yahay oo hirgaliyay isaga oo guddoomiye xigeen ka dhigtay Gabadh in la hawlgaliyo haweenka oo 60% dadkeena ah. Waxaanu sheegay in la xasuusto maalmaha taariikhda ah ee la xuso oo ay innagu soo fool leedahay maalintii Dhagaxtuurka ee 20-ka February, oo la xasuusto. KULMIYE-na waxa uu diidan yahay ayuu yidhi, in la yidhaahdo dalka nabad baa jirta oo ictiraaf ayaa la keenay in dadka lagu afduubo. Muuse Biixi, waxa uu intaas ku daray in dadka qaar ku cannaanteen maxaad u samaysan waydeen Xoghayayaal (Shadow ministers), taasi oo uu ku fasiray in caqliyadda dalkii taallaa tahay in ninka aan UDUB ahayni aanu Muwaadin ahayn, daliilna waxa u ah buu yidhi nimankii hirgaliyay nabadgalyadii doorashaduna waxay ahaayeen Taliyayaashii ciidamada Cabdisamad iyo Cabdiqaadir labadaba waxa lagu eryay UDUB baad raaci waydeen oo dhex-dhexaad baad ahaydeen. Markaa waxa uu yidhi xil baa innaga wada saaran inteena ka naxaysa in dalka hoggaankiisa la toosiyo.”

20040131TALO SOO JEEDIN KU SOCOTA GOLAHA WAKIILADA OO KU SAABSAN MIISAANIYADDA SANNADKA 2004 EE LA HORKEENAAYO GOLAHA.

TALO SOO JEEDIN KU SOCOTA GOLAHA WAKIILADA OO KU SAABSAN MIISAANIYADDA SANNADKA 2004 EE LA HORKEENAAYO GOLAHA.






WASAARADAHA IYO WASIIRADA oo LA DHIMO AYAA KEENI KARA MIISAANIYAD DHEELITIRAN OO HORUMAR KEENTA

Qaabkan cusub ee dimoqraadiyaddu waxay Ina faraysaa in ay jiraan axsaab kala afkaar duwan oo ummaddu ay ku kala doorato afkaarahooda kala duwan. Hore waxaan u sheegay afkaartayda siyaasadeed ee aan kaga duwanahay maamulka talada haya iyo talooyinkaygiiba dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, nabadgalyada iyo arrimaha Bulshada. Maanta Waxaan halkan ku soo bandhigayaa fikirkayga ku wajahan miisaaniyadda cusub ee sannadkan oo aad uga duwan ta ay xukuumaddu soo bandhigtay kana dheelitiran, uga waxtar badan qaranka, ahna miisaaniyad horumarineed. Waxaan u soo jeedinayaa Golaha Wakiilada in ay taladan aan soo jeediyay ay aad u dhuuxaan iyo talooyinkii kale ee wax ku ool ah ee loo keeno wixii waxtaraaya ka qaataan. Kolay waxaan u arkaa in ay qaabka ay xukuumaddu u soo qorshaysay miisaaniyadda aanay ahayn mid dalka iyo daka midna anfacaysa.

Miisaaniyaddu sida dastuurku dhigaayo waxaa soo dhiga xukuumadda, waxaana ansixinteeda leh golaha Barlamaanka oo ah kuwa dadka ka wakiila oo ka kooban dhammaan axsaabta qaranka. Inkastoo aanay weli jirin Baarlamaan dadku soo doortay, haddana dadweynaha iyo axsaabta waxaa ka wakiil ah baarlamaanka maanta jooga ee lagu soo doortay qaab beeleedka inta la soo dooranaayo baarlamaan ka kooban axsaabta oo aan filaayo haddii ilaahay ka dhigo inay ansixin doonaan miisaaniyadda tan ku xigta. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in axsaabta iyo aqoonyahanka kale ee wax ku biirin karaa ay fikraddooda u soo bandhigaan golaha wakiilada: golahuna ay soo dhaweeyaan fikradii waxtaraysa si aad u ansixisaan miisaaniyad dhab ah, oo dheelitiran.

Miisaaniyaddu waxay si dhab ah uga turjuntaa siyaasadda ay xukuumaddu ay dalka ku hagayso. Hadday noqon lahayd soo Gelinta (income), iyo hadday noqon lahayd kharajka (expenditure). Miisaaniyadda ay xukuumaddu soo dhigtay oo ay ka maqanyihiin meelihii ugu muhiimsana oo aan si dhab ah loogu soo darin sida dekkedda; haddana haddaynu miisaaniyaddan ay xukuumaddu soo dhigtay ee ah 22 Malyan ee doolar oo keliya lafteeda sida ugu habboon loo isticmaalo, loona qorheeyo waxaa lagu gaadhi karaa horumar wenyn.

Marka laga tago arrimo badan oo daldaloolo ka muuqdaan, waxaa jira 5(Shan) meelood oo asaasi ah oo wax ka beddelkeedu iyo go’aan ka qaadashadeedu ay miisaaniyaddu ku noqonayso mid waxtaraysa oo horumar dalka iyo dadkaba u keenta, oo kala ah:

1) Wasaaradaha iyo xafiisyada la-taliyayaasha oo ka badan soddon (30) waa in lagu soo koobo oo laga dhigo ugu badnaan 13 wasaaradood.

2) Golaha wasiirada iyo la taliyayaasha ka batay 60(lixdanka) oo laga dhigo ugu badnaan 20 xubnood

3) Dhaqaalaha dekkedda ka soo baxa oo hoos taga wasaaradda maaliyaadda.

4) Lacagta adag ee laga qaado dhoofinta xoolaha iyo dayuuradaha oo sarrifka suuqa lagu iibiyo iyo sarrifka wasaaradda maaliyadda lagu siiyaa ay isku mid noqdaan, halkay imminka laban-laab u kala badan yihiin.

5) Hantida badan ee qaabab kala duwan loogu daro miisaaniyadda madaxtooyada oo loo beddelo inteeda badan maalgelin.



Mudanayaal, sidaa ogtihiin shaqaalaha dawladda iyo ciidamada ka diiwaan gashan mushaharka ee miisaaniyaddan lagu soo saaray way ka badan yihiin 30.000(soddon kun) oo inta badan aanay shaqo toos ah hayn ama aanay jirin. Mushaharku waa qiyaas ahaan 60% miisaaniyadda dalka, hadddana askarigu wuxuu bishii mushahar ugu jira wax aan waxba ka badnayn 20(labaatan) Doolar. Halka Mushaharka shaqaalaha intiisa badan ay qaataan 30(soddon) Doolar bishii. Haddaba haddii aynu intan imminka xukuumaddu soo dhigtay ee ah 22ka malyan ee Doolar si haboon oo aad uga duwan siday imminka u jaangooyeen loo qorsheeyo loona shaxeeyo, waxaa la hubaa in ay daboolayso meelaha ugu muhiimsan ee aynu u baahanahay Haddii tirada ciidamada iyo shaqaalaha lagu soo koobo inta dhabta ah iyo inta ay shaqadu u baahantahay oo ah ilaa qiyaas ahaan 13.000 oo qof, waxay suuragalinaysaa in ay shaqaaluhu helaan mushahar u dhaxeeya 70 Doolar ka ugu hooseeya ila 2000 Doolar ka ugu sarreeya oo noqonaaya Madaxweynaha. Qaabkanu wuxu siinayaa golayaasha qaranka Mushahar ku filan oo ay hantida qaranka ku ilaaliyaan, iskana ilaaliyaan, ummadana ugu shaqeeyaan oo aanay cidna u daba fadhiisan hawlahooda. Soo jeentaasu waxay u cayimaysaa xubnaha golayaasha qaranka lacag dhan 300 oo Doolar bishiiba ; wasiirada 500 oo Doolar bishiiba, Shirguddoonka iyo ku-xigeenadiisa (750-1000) Doolar Bishiiba. Soo jeedintaasu waxay u xalaalaynaysaa sida dastuurku dhigaayo Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa mushahar cayiman oo ka duwan ta hawl-maalmeedka kharajka madatooyada oo ah (2000) oo Doolar oo madaxweynaha ah iyo 1000 Doolar oo ku-xigeenka ah bishiiba, halkay miisaaniyadda ay mushaharku u qoranyahay soo bandhigeen ay awoodoodu tahay madaxaa bannaan.

Talo soo jeedintan miisaaniyaddanu waxay qeexaysaa qorshe miisaaniyadeed oo sanndaka lagu samayn karo mashaariic tiradoodu dhantahay 38 mashruuc oo ka ugu yar yahay 50.000 oo Doolar, ka ugu badanina yahay 500. 000 oo Doolar .Waxaa ku baxaaya lacag dhan qiyaas ahaan 4.000.000 oo Doolar. Haddii lacagta Dekadda, iyo lacagta adag ee faraha badan ee ka soo gala xoolaha nool ee sarrifkoodu aanu isdaboolin lagu darana waxaa laga samayn karaa in ka badan (100) mashruuc oo muhiim ah sannadkii.

Halkan waxaa ku lifaaqan shaxo is-sharaxaaya oo ay si fiican ugu muuqdaan soo jeedinta aan u soo gudbinaayo Golaha Wakiilada. Markaa Mudanayaasha sharafta leh waxan ka codsanyaa in ay qaataan go’aan wadaninimo oo ay ugu caqli celin doonaan xukuumaddan oo ay miisaaniyaddan QARQOORTA ka diidaan .Golahuna soo saaro miisaaniyad dheelitiran iyagoo ku darsanaaya taladooda afkaaraha loo soo jeediyo. Mudanayaal, waxaa mudan in ay miisaaniyadda soo saartaan ugu yaraan afar shay oo muhiim ay xambaarsanaata, dabooshaana:

1) Waa in dakhliga ummadda laga ururiyo ee aan miisaaniyadda si toos loogu qeexin lagu soo daro, Lana soo xareeyo: sida Dekedda iyo Lacagta adag ee Xoolaha la dhoofiyo

2) Waa in mushahar ugu yaraan wax tari Kara shaqaalaha iyo ciidamada loo qorsheeya; sida soo jeedintan ku xusan.

3) Waa in ay miisaaniyaddu xambaarsanaataa mashaariic maalgelineed iyadoo la siinaayo mudnaanta arrimaha daryeelka bulshada (caafimaadka, waxbarashada, biyaha iwm), iyo nabadgelyada,

4) Waa in ay Xisaabiyaha Guud iyo Hantidhawrka Guud soo bandhigaan xisaab- xidhkii sannadkii hore ee 20003, isla markaana ay hayadaha dawladdu ay mid waliba keento xisaab-xidhkeeda. Miisaaniyaddu waa mala-awaal waxaa keliya ee muujin kara in sideedii loo isticmaalay waa xisaab-xidhka. Waxaan soo jeedinayaa intaan miisaaniyadda cusb la ansixin, in miisaaniyaddii 2003 la xisaab-xidho. Waxaana weeye wax umadduna xaq u leedahay idinkana uu dastuurku idiin baneeyay.

Mudanayaal, sida caalamka oo dhan ka jirta , awoodda ugu wayn ee miisaaniyadda waxaa iska leh Golaha wakiilada oo ah meesha kowaad ee astaanta u ah wada shaqaynta iyo isudheelitirnaanta labada gole ee fulinta iyo sharci dejinta. Miisaaniyad fiican oo aad dejisaan sannadka 2004, iyo xisaab –xidh quman oo miisaaniyaddii 2003, oo aydaan cidna ku tacadiyayn waxaan hubaa in ay dadka iyo dalka wax tarayso; xukuumadda lafteeda waxtarayso; Idinkana wax idin tarayso oo aad baal dahab ah taariikhda ka gelidoontaan. Ilaahay waxaan idiinka baryayaa in uu hawsha culus ee ummaddu idiin igmatay idiin fudydeeyo; wixii hore aad ugu qabateenna ilaahay idinka abaal mariyo.

WAXAA HALKAN KU LIFAAQ JAANTUUSYO QEEXAAYA TALO SOO JEEDINTAYDA KU SAABSANMIISAANIYADDA 2004.



WA BILLAAHI TAWFIIQ.

Dr.Abdi Aw Dahir Ali. (London UK)

E-mail, dr_gaax @hotmail .com

MADAXMadax
TIRO
MUSHAHAR
BISHII
SANNADKII
%

MUSHAMUSHAHAR
12.688
86.68
1.099.500
13.200.000
60.00%

1.1.CIIDA1.1.CIIDAMADA GUUD
9050
75.70
685.000
8.226.000
37.36%

1.1.1. Ciidank1.1.1. Ciidanka(A)
100
200 Doolar
20000
240.000
1.09%

1.1.2. Ciidanka(b1.1.2. Ciidanka(b)
300
150 “
45000
540.000
2.45%

1.1.3. Ciidanka(C1.1.3. Ciidanka(C)
500
100 “
50000
600.000
2.73%

1.1.4. Ciidanka( 1.1.4. Ciidanka(d)


8150
70 “
570000
6.846.000
31.12%

1.2.SHAQ1.2.SHAQAALAHA
3611
114.88


414.500
4.974.000
22.61%

1.2.1. Shaqaalah1.2.1. Shaqaalaha
3350
100 Doolar
335.000
4.020.000
18.27%

1.2.2 AG/ MAA1.2.2 AG/ MAAR
35
200 “
7.000
84.000
0.38%

1.2.3 Garsooren1.2.3 Garsoore
40
200 “
8.000
96.000
0.44%

1.2.4 Wasiiradav1.2.4 Wasiirada
20
500 “
10.000
120.000
0.55%

1.2.5 Golayaasha1.2.5 Golayaasha
160
300 “
48.000
576.000
2.62%

1.2.6 Shirguddoo1.2.6 Shirguddoon
2
1000 “
2.000
24.000
0.11%

1.2.7 K/shirgudd1.2.7 K/shirguddon
2
750 “
1.500
18.000
0.08%

1.2.8 Madaxwey1.2.8 Madaxweyne
1
2000 “
2.000
24.000
0.11%

1.2.9 K/madaxwe1.2.9 K/madaxweyne
1
1000 “
1.000
12.000
0.05%

GUUD 2. KHARAJKA GUUD GUUD





8.800.000
40%

2.1 K2.eee2.1 Kh.MAAL Kh.MAALGELINTA

GELINTA





3.960.000
18%

2.1.1 KH.MAAL G CIIDAMADA



1.188.000
5.4%

2.1.2 KH.MAAL G. HAYADA KALE



2.772.000
12.6

2.2. Kh 2.2. Kh.HAWLHA

-H





3.300.000
15%

2.2.1. KH. 2.1.1 KH.MAALG CIIDADAMADA CIIDAMADA



990.000
4.5%

2.2.2. KH. HAWL2.1.2 KH.MAALG. HAYADAHA KALE



2.310.000
10.5%

2.3. K 2.2. Kh.HAWLAHA





660.000
3%

2.4 KH. M2 2.21. KH.HAWL.CIIDAMADA

2.2.2. KH. H 2.2.2 KH. HAWL. HAY’ KALE

2.3. Kh. 22.3 Axsaabta

2.4 KH. 2.4 KH MADAXTOYADA

2.5.KH.G 2.5.KH.GOBOLADA






33



#3




220.000



660.000

220.000


1%



3%

1%











2.5.KH.G 2.5.KH GOBOLADA
6


660.000
3%

ISUGAYNISUGAYN



22.000.000
100%




HAYADAHA DALKA
HAWLAHA SOCDA
MAALGELINTA
ISUGAYN

GOLAHA GUURTIDA
66.000
132.000
198.000

GOLAHA WAKIILADA
66.000
132.000
198.00

WASAARADA DAWLADAHA
3.102.000
3.564.000
6.666.000

HAYADAHA KALE
66,000
132,000
198.000

ISUGAYNTA GUUD
3.300.000
3.960.000
7.260.000




SHAQAALAHA
AQOON IYO HAWL




TIRO


MUSHAHAR
BISHII
SANNADKII

A1
AG.GUUD AMA LA MID AH


30
200
6000
72.000

A2
JAMICI, HAYA MAAMUL


100
180
18.000
216.000

A3
JAAMICI AMA U DHIGMA


300
150
45.000
540.000

B
DUGSI SARE


1100
120
132.000
1.584.000

C
DUGSI DHEXE


1050
80
84.000
1.008.000

D
XIRFADLE


800
70
56.000
672.000

ISUGAYN



3.380
100( CELCELIS)
341.000
4.092.000


Tiro
TIRO
WASAARAHA DALKA TIRADOODA
A1
A2
A3
B
C
D
ISUGAYN


1.
CAAFIMAADKA
2
18
71
261
260
188
800


2
WAXBARASHADA Iyo BARBAARINTA
2
30
105
395
370
278
1180


3.
MAALIYADDA
4
12
35
130
124
95
400


4.
GAASHAANDHIGA
1
2
4
16
15
12
50


.5.
ARR.GUDAHA
7
7
27
100
93
71
305


6.
HAWLAHA GUUD IYO GAADIIDKA
3
4
13
47
47
36
150


7.
BEEERAHA,XOOLAHA iyo KALLUUNKA
1
3
9
33
30
24
100


8.
GANACSIGA,MACDANTA iyo WERSHADAHAHA
3
4
5
16
10
12
50


9
QORSHAHA,DHAQAALAHA iyo SHAQAALAHA
1
6
4
13
14
12
50


10
CADDAALADDA iyo DIINTA
1
3
9
33
30
24
100


11.
WARFAAFINTA,DALXIISKA iyo ISGAADHSIINTA
2
3
9
31
31
24
100


12.
ARR. DEBEDDA iyo AQOONSIGA
6
7
5
10
10
12
50

DIBUDEJINTA
2
2
4
14
16
12
50



ISUGAYNTA GUUD EE SHAQAALAHA WASAARADAHA
35
100
300
1100
1050
800
3415






Webmaster@SomaliLandFuture.com








Powered by WayrahNET
Copyright ©SomaliLand Future