Monday 18 January 2010

20091227shir kulmiye bristol sawiro





















200912 19shir kulmiye west london














Xildhibaano Iyo Madax Sare oo Xibsiga KULMIYE Ka Tirsan oo Shir Loogu Qabtay West London
Xildhibaano Iyo Madax Sare oo Xibsiga KULMIYE Ka Tirsan oo Shir Loogu Qabtay West London



Shir ballaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen xisbiga KULMIYE ee UK ayaa shalay lagu qabtay degmada Hayes ee galbeedka London.

Shirkan ayaa lagu soo dhaweeyey xildhibaano KULMIYE ka tirsan oo kala ah Siciid Cilmi Rooble iyo Dr. Axmed Maxamed Diiriye NacNac oo muddo labo toddobaad ah haatan ku sugnaa carriga Ingiriiska. Waxa iyaguna shirkaa goob joog ka ahaa madax sarsare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Cabdulqaadir, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE, Maxamed Cabdillaahi, xoghayaha arrimaha debedda ee KULMIYE, Dr. Cabdi Aw Daahir, xoghayaha caafimaadka ee xisbiga KULMIYE, guddoomiyihii hore ee komishanka qaranka, Axmed Xaaji Cadami, Axmed Cali Aadan (Goodir), Xildhibaan Ikraan X. Daa'uud oo iyagu dhammaan hore u sii joogay carriga Ingiriiska iyo Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo ka timi waddamada Scandanavian-ka oo ay booqasho ku maraysay.

Shirkan ayaa waxa lagaga hadlay isbeddelka loo baahan yahay ee uu KULMIYE samayn doono haddii uu ku guulaysto doorashada madaxtooyada waddanaka. Isbeddelada la samayn doono ayaa waxa lagu sheegay inuu noqon doono mid aad qoto dheer oo baahsan saamayn doonana dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin caddaaladda, maaliyadda, arrimaha debedda iyo bulshada, iyo dastuurka oo wax laga beddelo si siyaasadda waddanku aanay mugdi iyo mamadow dambe u galin mustaqbalka.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Dr. Axmed Maxamed Diiriye NacNac ayaa sheegay inay farriinta ay sidaan aanay ahayn inay dadweynaha u sheegaan waxa maamulka maanta jira ka qaldan iyagoo sheegay inaan taasi tahay mid aan la dhammeyn karin haddii maalmo dhan laga hadlo balse farriinta ay sidaan ay tahay in loo diyaar garoobo doorashada madaxtooyada oo taageerayaasha xisbigu taageero maaliyadeed iyo maskaxba ay isla daba taagaan xisbiga. Waxay aad ugu nuuxnuuxsadeen in dawladda ay wax kastaa gacanta ugu jiraan ayna u adeegsan doonto doorashada madaxtooyada hase ahaatee waxay sheegeen in KULMIYE uu iska halleynayo tabaruca taageerayaasha xisbigiisa ee qurba jooga gaar ahaan carriga Ingiriska






20091227 Shir balaadhan oo xisbiga kulmiye ku qabtay galbeedka magaalada Bristol

Shir balaadhan oo xisbiga kulmiye ku qabtay galbeedka magaalada Bristol maalintii axadii ay bisha disambar ahayid 27kii . 27/12/09 .Tageerayaal iyo dadweyne reer Somaliland oo aad iyo aad u tira badan ayaa ka so qayb kalay shirka. Shirkaasi oo xisbiga ugu so bandhigaayey tageerayaasha xisbiga iyo qurbajooga
reer Somaliland ee ku nool Cariga boqortooyad Ingriiska Isbadalka iyo waxa qabadka u xisbiga kulmiye rabo in uu ka qabto dalka Somaliland Isbadalkaasi oo dalka Somaliland ubahan yahay waqtigan xaadirka yahayna midka ugu haboon .
Madax balaadhan oo ka tirsan xisbiga kulmiye oo iskugu jirtaa heer qaran, golaha wakiilada qaranka ,heer UK iyo gudiyada laamaha UK .Odayaasha xisbiga iyo tageerayaal badan ayaa shirka kaso qaybkalay
Shirka waxa hadlo qiimo wayn leh oo xan baarsan isbadalka u rabo xisbiga kulmiye in dalka Somaliland kasameeyo uso bandhigay una so jeeday tageerayaashii iyo qurbajoogi halka isku yimid, halkasina ka hadlay gudoomiya ku –xigeenka labaad ee xisbiga qaranka kulmiye cabdiraxmaan cabdul qaadir i ,Xoghayaha Arimaha Bulshada Dr cabdi Aw Daahir,Gudoomiyaha Arimaha Gudaha Wakiilada Qaranka Xildhibaan Saciid Cilmi rooble,Xildhibaan Axmad Nacnac,,Gudida fulinta Ilhaan, . Gudida Uk —— Gudoomiyaha Gudida Fulinta Ibrahim Hussein,Gudoomiye –ku-xigeen cabdi bacaw , Khasnajiga gudida fulinta yurub qaalib ,Afhayeenka Gudida Fulinta jibril Cali Muse .cali xaamud gudida fulinta,cadare gudida fulinta , maxamad yoonis gudoomiyaha idaacada horyaal iyo Maxamuud xaashi odayaasha xisbiga iyo farax xasaan jagac gudoomiyaha Manchester iyo gudoomiyaha Bristol xusseenn caydiid..Shirka waxa dadihinaayey Gudoomiye –ku-Xigeenka Gudida Fulinta Suldaan Gabedhe iyo Xoghayaha Gudida Fulinta Cabdiraxmaan Maxamad Adan.
Shirkaasi balaadhan waxa xisbigu ka soo saaray baaq ku wajahan qaybo ka mid ah waxa qabadka iyo isbadalka kulmiye u rabo doorashada dabadeed

Dabargooyinta musuqmaasaqa


Xisbiga kulmiye wuxu diyaar u yahay in u dalka cidhib tiro musuqmaasaq dalka bahasan ee ka jira isaga oo xisbigu ka bilabayo madaxwaynaha qaata lacagta inta u doono kuna badali doono madaxwayne qaadan doona mushahar cayiman oo la wada og yahay.

Madaxweynaha dalka

Waxaanu diyaar u nahay in aanu Madaxtooyada fahdhiidka ah ku badalno Madaxtooyo fir fircoon oo had iyo jeer ka war haysa xaalada dalka oo dhami ku sugan yahay . kormeer joogtaha ku kala bixisa gobalada dalka oo dhan Umadana si joogtaha ula hadasha.Sido kalena madaxatooyo aan had jeer la murmin isna qabsan golaha wakiilada oo ay had jeer wada shaqayn iyo xil wada gudash ka dhaxayso si danta umada lo fuliyo lona hagar baxo

Caafimaadka


Waxaanu diyaar u nahay in aanu caafimaadka Somaliland oo dheeli tiran ka hawlkalo sidii Hooyo yinka iyo Caruurta daycan iyo bukaan daryeel la’aanta cafimaad qaba ayaanu diyaar u nahay dhamaan u samayno adeegi, qalabkii, xoogii, aqoontii iyo dawadii tayada lahayd iyo dhakhtaradii iyo xirfadlayaashii kale ee caafimaadkooda daryeeli lahaa.

Waxabarashada


Waxabarashadu waa lafdhabarka dhimaha dalka Somaliland . oo Somaliland horemar iyo dhisme ummadnimo ma gaadhi karto hadii aanay waxabarasho tayo leh ka haqabtirin kana simaan dhalinyarada iyo ubadka so koraayaa.xisbiga kulmiye isaga oo ka dulayaa ahmiyada iyo qiimaha ay waxabarashadu u leedahay qaranka iyo qaranimada, jiritaanka iyo horemarka Somaliland hiigsanayso ayuu xisbiga kulmiye waxabarasho bilaashah oo tayo leh oo maskaxdooda kobcisaa, diintooda iyo dhaqankooda ilaalisa igana si wanaagsan u anfacda.
Maceeshada iyo shaqo la’aanta


Maceeshada qaali karowda iyo sicibararku waxay keenta caafimaad daro taso ku timaada in dadku awoodi wayaan waxyaaabihi nolasha asaaska u aha iyo waxbarasho la’aan oo ardaydii nafaqo daro awkeedi hoos udhac ku yimaado waxabarashadii iyo fahamkii.Shaqo la’aanta balaadhatay ku dhacday barbaarti waxabaratay iyo barbaarta suuq wareegaysa taaso u horseeday in tahriban kuna madhaan badaha amba isku dadiyaan. Xisbiga kulmiye wuxuu diyaar u yahay in xil xilkasnimo iska saaro arimaahsi oo dhan sidii maceeshada dalka wax loga qaban laha oo maceeshad jaban oo dhamaan dadka oo dhami awoodo caashuurtana laga daayo iyo in

barbaartaasi xil dheeraad ah iska saari doono sidii shaqo logu abuuri lahaa iyo nolol

.
Ciidmada qalabka sida


Ciidamada Somaliland waa cidmo daacad iyo heegan u ah difaac dalkooda Cidmada Somaliland waa ciidamo xukumaddu dayacday oo aan daryeel iyo darjo lahayn. Xisbiga kulmiye wuxuu mudnaata kowbaad siin doonaa daryeelka iyo darjada ciidamada waxaanu ku badali doonaa ciidamo daryeell qaba iyo darjo leh, mushar ficana lo qoro

Mucaaridka iyo xuguumada


Waxa u maamulka riyaale u arga mucaaridka cadawgiisa kowaad, hase yeeshe hadii u qabto kulmiye hogaanka dalka waxaanu ku bedali doona wada shaqayn iyo maamul wada toosan ummada u jeexa, leh siyaasad jihaysan oo firfircoon oo midaysa ummada , cadawgoodana u arg mucaaridka, balse u arga dhibta kowaad aqoonsi la’aanta,jahliga, cafimaad darrida, musuqmaasaqa, shaqo la’aanta,sicir bararka maceeshada, tahriibta iyo cadaalad darrida dalka hadheysay

Siyaasada dibada iyo Qurbajooga


Qurbajooga reer Somaliland dhaqaale aad iyo aad u farabadan ayey u so diran Somaliland , waxa la oran kara boqoley aad u badan oo aan ka yaren boqolkiiba 60% ayaa dadka reer Somaliland ku tiirsan yihiin qurbajooga
Istirtyjiyada kulmiye waxa ka mid in ummada reer Somaliland ee qurbaha ku nool laga mideeyo in caqligooda iyo cududooda isla ka shadaan si ay dalkooda wax uga qabtaan dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba Loona sahli laha gacanna loga siin laha sidii ay dalka u maal kashan lahayeen.Dadka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan lo mideyn lahaa si qofkasta oo reer Somaliland u noqon lahaa safiir dalkiisa ku metela raadista
Taas waxa dheer in Kulmiye siyaasadda arrimaha debedda ee fahiidka ah ee maanta jirta ku beddeli doono mid istraatiijiyad toosan leh, mudnaan kala siinaysa meesha aqoonsigeenu ku xidhanyahy , hadday yihiin wadamada aynu jaarka nahay, Afrika , ama caalamka kaleba.


Gaba gabadi baaqa way in ay hawl yartahay haddi ilaahay nala qabto sidii waxaasoo dhan loo qaban lahaa. Waxay u baahantahayna ay tahay oo keliya , go,aan adag, daacadnimo, isxilqaan, isku duubnaan, ilaahay oo aad la kaashatid iyo hogaamin toosan.Caalamka laftiisu wixii wax qabsada ee wax hagaajiya waxbay la qabanayaan. Wax deeq laynoo siiyo. Wax maalgashi lagu sameeyo, wax layna amaahiyo iyo wax inaga caawiya mashaariicda horumarineedba. Marka ay u arkaan in aynu nahay ummad jirta oo wax qabsan karta xataa waa layna aqoonsanayaa .Dalkeenu waa hodan wuxuu u bahan yahay oo kilya isbadal , isbadalkana waxaa keeni karaa kulmiye oo ilaahay la gaashada.





Submit by:-Abdirahman

Copyright © KULMIYE

20090912 shir cabdi aw daahir bariga london


September 17th, 2009 in Kulmiye_party, Press leave a response


Shir lagu qaybtay xaafada East London lagu cambreynayey dhacdadii foosha xumayd ee sabtidii 12/09/09 xukumada riyaale ku laysay mawadiniin reer Somaliland,isla maarkaasina shirkaasi lagu tacsiyaday mawdiniintaa xaqdarada iyo dulmiga lagu dilay. Waxa shirkaasi ka so qayb kalay Dr cabdi aw daahir, gudida fulinta Uk, laamaha xisbiga kulmiye ee uk , taageerayaasha xisbiga, odayaal iyo dad badan reer Somaliland ah oo jecel horomarinta iyo kobcinta dimuqradiyada, joogtaynta iyo siwadida geedi socodka dimuqradiyada Somaliland, iyo cadaalada , xaqsoorka qofkasta oo mawadin, ku dhaqanka distuurka iyo sharciga dalka udajisan, min madaxwayne ilaa qofka caadiga ah. Sido kale jecel nabada, daganaashaha , xasiloonida iyo dhamaan horomarka guud ee Somaliland mid bulsho, dhaqaale , dhaqan dhaqaale, cafimaad, waxabarash , mid guud iyo mid gaar ba.

Shirkaasi xaga saxaafada waxa goobjoog ka ah warkana duubayey ETN TV iyo RR TV oo katirsan North America Minnesota iyo web saydho badan oo kale .
Shirkaasi waxa hadal ka jeediyay Dr Cabdi Aw Daahir oo ka mid ah madaxda sare xisbiga kulmiye booqasho cafimaadna ku jooga dalka Borqortooiyada Carigga Ingriis..Wuxuu guud ahaan ka hadlay marxaladihi taariikhiga ah dalka Somaliland soo maray min halkankii ilaa manta ( ilaa 12/-09/-09 dhacdadii foosha xumayd ee lugu dilay lagu daadiyay diigii mawdiniinta qaaliga ah).
Wuxuu sharaxaad ka bixiyay dhacdooyinkii waqtigii min (1982-ilaa 1993) kuwaaso dhamaan laxidhiidha una kala saaray kacdoonkii shacabka Somaliland,,abuuristii iyo ku dawaaqistii SNM,halgankii hubaysna,xorayntii SNM dalka Somaliland , dib u heshiisiintii beel Somaliland, ku dhawaaqistii gooni istaagaiyo talawareejintii SNM ku wareejisay beelah Somaliland maamulkii iyo talada dalka Somaliland.

Wuxuu kalo ka war bixiyay wax qabadii xukumadii Marxuun Ina Ibrahim Cigaal Alah unaxariiste taaso ku tilmaamayo in waqtigaasi min (1993- ilaa 2002) jirtaanka Somaliland salka loodhigay oo wax badan oo la taaban karo la qabtay, waxa u ku tilmaamay waxyabihi u qabtay in ay ka mid ahayeen 1) hubka dhistii iyo qaramayntii ciidan beleedkii 2)samaynta lacag qarameydka Somaliland 3)soo afjaridii coladii so keeyo iyo khilafaadkii siyasadeed 4)dhisid maamul iyo haykal dawladeed iyo fidinta maamulkaiyo gaadhsiinta gobolada dalka oo dhan 5) gaadhsiinta saladhig nabadeed oo taam ah 6) Gaadh siinta dalka aqoonsi caalami wax qabad (defacto) oo ah mid aan buuxin ee ku dhisan wax qabadka iyo mucawinada bulshada caalamku uso gudbinta Somaliland 7)Samaynta ururada qaranka iyo diyaarinta kharashkii doorashada madaxtooyada iyo dawladaha hoose
Waxa oo ugu dambayntii si faah fahsan uga waramay xaalada manta iyo dibu dahaci uu dalka gaadhsiyey daahir riyaale intii oo dalka xukmaayey ilaa manta iyo dhacdadan foosha xun. Min 2003 ilaa 2009 oo ay ugu dambaysay xidhitaankii golaha wakiilada iyo rasaas oogta kaga qaadka iyo dilka mawadiniinta qaaliga ah.Waxa u ku tilmaamayo in intii daahir hayey dalka in dalku galey kuna baahadaadsaday dibu dhac aan la koobi Karin oo ay kamid yihiin:
-Tahriibta iyo shaqlo la’aan—kumaankun dhalinyaro ah oo badaha ku qaraqma iskuna midaamiyaa iyo shaqo la’aan iyo macluul dalka hadhaysay
-Kootada xoolaha –xoolahii oo kooto lagu siiyey carab sacuudi ah
–Sicir barar ka shidaalka iyo maceeshada
-dhagax –dhigid joogto ah iyo mashaariic aan tisqaadin
- darjo la’aanta ciidamada qaranka Somaliland
- -keenida iyo ku wareejinta lacagta adag madaxtooyada
- wada shaqayn la’aanta madaxtooyada iyo wakiilada
- mushahar yaraanta shaqaalaha iyo ciidamada : mar walba wuu sheegaa in la kordhin doomo waxana kama hirgalaan
- Iibinta dulka qaranka, iyo dib udhac doorashada iyo korarsimo doonis joogto ah
- Iyo dhacdadan ugu dambeysay ee ka dhacday xidhitaankii golaha wakiilada

Ugu dambayntii warsaxaafadeed laga soo saaray shirka waxa baaq cambareyn ah loga so jeeday xukuumada daahir riyaale iyo faalalkii qawana ee cidamadu kula kaceen shacab reer Somaliland ee u so baxay mujinta tageero nabadaysan golaha wakiilada qaranka Somaliland.
Waxaanu cambaareynayna falkii foosha xumaa ee ay ciidamada qaranku kula kaceen kuna dileen mawdiniinta sida nabad galyada leh u so banana baxay si ay tageerada ay u hayaan u mujiyaan xildhibaanada golaha wakiilada ee shacabka reer Somaliland so doorteen sona wakisheen
Waxaanu ugu baqayna xukuumada in ay ka joojiso shacabka Somaliland cabudhida, cabsida , dilka iyo joogtaynta ku xadgudobka xuquuqda shacabka reer Somaliland
Waxaanu ugu baqayna daahir riyaale iyo xukuumada maamulkiisa in ay ka joogsadaan jabinta ,katalaabsiga ,iyo ku xadgudubka sharciga iyo shuruucda iyo distoorka dalka u yaal una dajisan.Waxaanu lenahay xukuumadu haka waantowdu kana fiirsato siyasadaheeda ku salaysan xaal abuur, qas abuur iyo xasilooni daro ka iman karata ku dhaqan la’aanta iyo ku xadgudobka sharciga ,shuruucda iyo distoorka dalka u dajisan iyo isku day awood shegashada taaso ay adeegnayso awooda ciidan qaran danaheeda siyasadeed
Waxaanu ugu baqaynaa in ay ka joojiso faragalinta iyo iska hortaagista xil gudashada sharci iyo distuuri ah golaha wakiiladu distuur qarameedku siiyay shacabka reer Somaliland una doorteen una idmadeen.
Waxaanu halkan ka tacsiyadaynayna mawdiniinta qaaliga ahaa ee 12/090/09 sida xaqdarada ciidamada qaranku ugu layeen iyago amar ka haystaa madaxwaynaha daahir riyaale. Waxaanu ilaahay uga baryeynaa ilaahay janada kawaraabiyo naxariistiisan taam uga yeelo ,eheladii iyo qarabadiina iyo dadka reer Somaliland oo dhan samir iyo imaan ka siiyo
Ugu dambayntii waxaanu halkan hambalyo u gudinaynaa shacabka geesiyada reer Somaliland ee mujiyey islana barbartaag tageerada golaha wakiilada laga xidhay dhisnihii iyo xafiisyadii iga oo u hilinayaa xaq iyo sharciga dalka lagu xadgubaayo
Somaliland.Org London UK


20091010Kulankii Dr Abdi Aw Dahir iyo C/Raxmaan C/qaadir ee London



KULANKII DR ABDI AW DAAHIR IYO GUDOOMIYE KU XIGEENKII LABAAD EE KULMIYE C/RAXMAAN




Kulankii Dr Abdi Aw Dahir iyo C/Raxmaan C/qaadir ee London


London (Longlivedsomaliland News)-Waxa manta guriga uu degan yahay C/raxm aan C/qadir ee galbeedka magaalada London kulan ku yeeshay C/raxmaan C/qa adir iyo Dr Cabdi Aw Dahir iyo odayaal kale oo ka mid ah Xisbiga Kulmiye ah ayna ka mid yihiin gudoomiyaha laanta kulmiye ee bariga London Kayse Geele Xidig iyo Cismaan xaji Jamac Guuleed oo ka mid ah asaasayaashii xisbiga kulmiye.
Waxa kulankaasi ku saabsanaa is arag iyo shirar ay dhawaanahanba qaban qabi nayeen oo ay ku doonayaan wacyi galin iyo xog waran ay doonayaan inay u qab taan shacbiweynaha reer Somaliland ee ku nool cardigan ingiriiska.
Waxa ay ahayn mudo laba bilood uun ka hor markii gaadhi ay saarnaayeen mada xda kulmiye oo uu ka mid ahaa gudoomiyahii u qaabil sanaa Xisbiga Kulmiye galb eedka Somaliland Ala ha u naxariistee Cali Maxamed Gulleed Cali Marshaal uu gaa dhi u usaarna ku qalibmay kuna geeriyooday iyadoo halkaasna uu ku dhawacmay C/raxmaan C/qadir oo ah gudoomiyaha 2aad ee xisbiga kumiye iyo Maxamed Xa ashi.
C/raxmaan C/qaadir oo caafimaadkiisu markii aan arkay uu aad u wacnaa waxa uu ii sheegay in uu aad u wacan yahay shaqadiisiina uu iminkaba bilaabay dalkiina dhawaan ku noqon doono shirarka ay qabanayaan ka dib.
Dr Cabdi aw Daahir oo isna aan wax ka weydiiyey safarkiisan London waxa uu ii sheegay in uu magalada u yimid arimo caafimaad iyo baadhitaano iminkana uu dhamaystay.
Guud ahaanba kulnkan ayaa ku dhamaaday jawi degan iyo is afgarad,waxaana la filayaa in labadan masuul ee ka tirsan Xisbiga Kulmiye ay dhowaan dib ugu laabtaan Dalkii Hooyo.



Xamse Axmed Salaan

20091026Dr. Cabdi Aw Daahir Oo Madal Ilyartu Is Qabatay Khudbad Uga Jeediyey Jaaliyadda Gobolka Galbeedka Midland



Dr. Cabdi Aw Daahir Oo Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye Oo Madal Ilyartu Is Qabatay Khudbad Uga Jeediyey Jaaliyadda Gobolka Galbeedka Midland e
--------------------------------------------------------------------------------

(Hadhwanaagnews) Monday, October 26, 2009
T“salaadiintii waddanku waxay maraysaa 500 oo suldaan, suldaan kasta waxaa loo iibiyey shan gaadhi oo nooca loo yaqaano Surf, marka mid loo iibiyo kii kale oo masayrsan ayaa madaxtooyada albaabkeeda garacaya oo odhanaya dee suldaan hebel loo iibiye anigana� Dr. Cabdi Aw Daahir.



London (Hadhwanaagnews.com)—Siyaasiga caanka ah ee Dr. Cabdi Aw Daahir oo mar ahaan jiray wasiirkii hore ee caafimaadka iyo shaqada iyo xoghayahii hore ee xisbiga tallada haya ee UDUB balse markii si ba’an ay isku maan dhaafeen Madaxweynaha tallada dalka haya Daahir Rayaale Kaahin ka dib markii uu isku sharaxay musharaxnimada xilka Madaxtinimada ee xisbiga UDUB ka dib geeridii Madaxweyne Cigaal markii danbana u xuub siibtay inuu ku biiro xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye sannadkii 2003-dii ayaa kulan balaadhan la yeeshay jaaliyadda Somaliland ee gobolka galbeedka Midland.




Dr. Cabdi Aw Daahir oo ah siyaasi ka af-gaabna xafiiltanka madasha siyaasadda muddooyinkii ugu danbeeyey ayaa todobaadyadii ugu danbeeyeyba wuxuu booqasho ku joogay boqortooyada ingiriiska waxaana maalinimadii axadii ee todobaadkani ee bishu ku beegnayd 25/10/2009 uu khudbad aad u dheer u jeediyey boqolaal qof oo ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee gobolka galbeedka Midland ee boqortooyada ingiriiska magaalada Birmingham, Dr. Cabdi Cabdi Aw Daahir wuxuu jaaliyadda gobolka Midland xoog waran buuxda ka siiyey xaaladda guud ee Somaliland khaas ahaan ta siyaasiga iyo mujtamaciga ahba wuxuuna si ba’an u weeraray Madaxweynaha Somaliland Daahir rayaale Kaahin oo uu ku tilmaamay Hogaamiye lagu khasaaray.
Dr. Cabdi Aw Daahir oo ugu horayn u duur xallaya xikmad ahaana ku matalaya Madaxweyne Rayaale ayaa wuxuu yidhi “dhaqanka soomaalida waxaa ugu wanaagsana oo ay ku faani jirtay waxay ahayd geella, soomaalidu geella aad ayey u dhaqi jirtay una jeclayd, dabadeed markay noqoto cida geella lagu darayo ee la raacinayo ee daryeelkooda iyo ka war hantooda loo xil saaraya waxay ahayd ninka reerka ugu weyn ee ugu macquulsan, markaasi waxaa la odhan jiray waar hebelow geella xer gee si uu diraacda uga soo bad-baado oo meel biyo iyo baad leh u geeyo, dabadeed markuu dhawr sanno la soo maqnaado ee roobku da´o ayuu reerkii kula soo noqon jiray waxaa la weydiin jiray hebelow geellii ka waran, dee hadduu yidhaahdo geellii badh shilinbaa cuntay, badh warabayaal ayaa la tagay, badh waa lumeen oo meel ay jaan iyo cidhib dhigeen la garan maayo, markaa ninka laguma day jirin waxaa la odhan jiray dayacdaye baaqiga ha israacin, markaa ninka ku xiga lagu eegi jiray oo loo dhiibi jiray, dee ninka geelli dayacay miyaa lagu dayn, waa maya, ina Rayaale dadkii iyo dalkii waa dayacay wax u hadhay ma jirto, waxaana loo baahanyahay in la yidhaahdo waar adeerow dalkii dayacdaye assalamu calaykum nabad gelyoâ€�.





Dr. Cabdi Cabdi Aw Daahir oo ka hadlaya siyaasadaha xisbiga uu ka tirsanyahay ee Kulmiye wuxuu sheegay in haddii sannadka ugu horeeya ay ku fashilmaan inay qaban waayaan wixii u qorshaysna uu isagu noqonayo ninka ugu horeeya ee ku baaqi doona in ay dawladdu is casisho isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi “dalku wuxuu maraya meel xaalad cakiran oo aan la eegan Karin, haddii aanu xukunka ku guulaysano oo sannadka ugu horeeya aanu wax ku qaban wayno, waad arkaysaan oo dawladda ina rayaale Impeachment-ka waxaa la yidhaahdo way ka xanaaqda, waxaan ballan qaadaya haddii aanu ku guulaysan wayno qoqrshahayaga dibu habaynta dalka waxaan noqonaya ninka ugu horeeya ee soo jeedinaya in ay dawladdu is casisho haddii kalana baarlamaanka impeachment loo gudbiyo� ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir.

Dr. Cabdi Aw Daahir Oo ka hadlaya xaaladda Somaliland wakhtigani halka ay marayso ayaa wuxuu yidhi “dadkii waxaa lagu mashquuliyey oo horumarkii iyo taabagalkii dawladnimo lagaga mashquuliyey shay nabad la yidhaahdo, nabaddu ma xuma oo ilaahay mahadlehe dadka keenay cid gooni u sheegan karta ma jirto, laakiin ilmadeerayaal nabaddu maxay nabadu ku noqonaysa marka hooyadii itaalka darrayd gaajo la il daratay, inankii maalintii aynu rijiimkii ina siyaad barre la dagaalamaynay qori qaatay ee ku fekeraayey in markuu dalkiisa xoreeyo uu helo mustaqbal fiican oo waxbarto dabadeedna dadkiisa iyo dalkiisa anfaco ee rajada balaadhan qabay waad arkaysaan maanta inay bedaha isku daadinayaan waayo waxaa go’day oo meesha ka baxday rajadii ay qabeen inay dalkooda ka helaan “ ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir.


Dr. Cabdi Aw Daahir mar uu ka hadlaayey haddii xisbiga Kulmiye ay doorashada ku guulaystaan waxyaabaha u qorshaysan ee seddexda bilood ee ugu horeeya ay qabanayaan wuxuu yidhi “waxaa noo qorshaysan seddexda bilood ee ugu horeeya xukunka xisbiga Kulmiye in aanu tayada booliiska Somaliland ee aanu ku hurudno aanu taayadooda kor usoo qaadno oo la siiyo culuum ku saabsan kobcinta habka ammaanka iyadoo aan la jaan qaadsiin doono tiknolojiyadda adduunka, tiro ahaana waxaanu xooga saarayna inaanu kordhino oo aanu qaadano ardayda jaamacaddaha iyo iskuuladda sare dhameeyey, mushahar ahaana waxaanu doonayna inaanu kordhino oo wiilka iyo gabadha askariga ahi ay helaan guno noloshada ku filan, annagu meel kale ka keeni maynee lacagaha laaluushka loo lunsado ayaanu u maamuli doona� ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir.



Dr. Cabdi Aw Daahir mar uu ka hadlaayey musuq maasuqa wuxuu yidhi “dhaqaalo la’aani ma jirto, waxaa jira musuq maasuq baahsan oo si caqli iyo dhego la’aan ah ninkani talladii ummadda loo dhiibay uu ku takri fallay bal meel kalaba ilmadeerayaal yeynaan ka eegine aynu usoo qaadano reer kasta oo Somaliland ah waxaa loo sameeyey 10-neeyo suldaan, salaadiintii waddanku waxay maraysaa 500 oo suldaan, suldaan kasta waxaa loo iibiyey shan gaadhi oo nooca loo yaqaano Surf, marka mid loo iibiyo kii kale oo masayrsan ayaa madaxtooyada albaabkeeda garacaya oo odhanaya dee suldaan hebel loo iibiye anigana, kii ka danbeeya loo iibiya, dadkii musuq maasuq ayaa lagu kala qaybiyey, hantideenii inaga la inagu kala qaybiyey si aynu iskugu mashquulo, hooyadii indhaha la’ayd ee odaygeedii dagaaladii ku dhintay ee suuqyada Somaliland ku iibisa basasha iyo baradhada ee maalin kasta laga qaado 500 shilinka Somaliland ah, waxaa lagu bixiya kharashka salaadiin beenalayasha ah ee ummaddani loogu tallo gallay in lagu kala qaybiyey, Kulmiye waxaa naga go’an inaanu baabiino dhaqankaasi hantideena sida foosha xun u lumaysa in ummadda loo maamulo oo la dhiso qaab dawli ah oo leh haykal dhamaystiran, waxaanu la dagaalami doona oo aanu dagaalka ugu badan la geli doona sidii musuq maasuqa loo dabar jari lahaa, meel aanu cudurka musuq maasuqu ka jirine ma jirto, cadaaladii ayuu gallay, madaxtooyada ugu badan ma koobi karo� ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir.



Mar uu ka hadlaayey Dekedda magaalada Berbera wuxuu sheegay in sannad kasta la kordhiyo cashuurta dekedda isagoo ka hadlaya wuxuu yidhi “sidee dekedda Berberi ay ula tartami karta dekedaha mandaqadda marka sannad kasta la kordhiyo cashuurtii ee Jibouti, Asmara, Boosaaso, Muqdisho iyo Port Sudan la jabinayo, maanta dhammaan dekedahaasi way inaga cashuur jabanyahiin, haddana haba la kordhiyo eh meel alla iyo meel ay tagto la garan maayo, waxaa loo qaata musuq maasuq 1 percentage kuma xarooto bankiga dhexe� ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir.

Dr. Cabdi Aw Daahir wuxuu tallo usoo jeediyey dadka qurbe jooga ah oo kula dar daarmay inay iska daayaan qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta wuxuuna xasuusiyey in dadka reer Somaliland aanay isku haynin reer, reer ee ay isku hayaan yaa dadka iyo dalka wax u qabanaya wuxuu isagoo arrintaasi ka hadlaya yidhi “waxaa dadku u baahanyahay nin wax u qabta, xisbigaad doontid ku jir, UCID ku jir, UDUB ku jir, KULMIYE ku jir, waar ilmadeerayaalow waxaa inaga dhexeeya ha ahaato yaa dadka wax u qabanaya ee dalka iyo waxbqadkiisa ka daacad ah, dadkeena qurbe jooga ah waxaan idinkala dar daarmaya in aad ka fogaatan qabiilnimada taasi waynu ka gudubnay aniga habarjeclo ah iyo aniga habaryoonis ah waa tii la soo dhaafay waxaa la maraya yaa wax u qabanaya dalka, nimankiina qurbe jooga ah ee dalka noogu yimaadana mid ayaan idinkula dar daarmaya oo ah inadeerkay ayaa ii magacaabaya xil heblaayo ka fogaado, waxqabad noola yimaada, markaad noo timaadan maxaad noogu sheegi waydeen Parking-yadani gawaadhida la dhigto ee waaweyn ee lacagta laga guranayo iyo waddooyinkani sida loo dhista, maxaa idinku saliday inaad noola timaadan wixii laga gudbay, naga daaya cudurkaasi qabyaaaladda ilmadeerayaal oo waxbaqabadkiina noola yimaadda� ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir.

ugu danbayntiina wuxuu ka hadlay Dr. Cabdi Aw Daahir siyaasadda wasaaradda caafimaadka ee u qorshaysan xisbiga Kulmiye wuxuu sheegay in siyaasadda xisbiga Kulmiye uga qorshaysani tahay in la sameeyo haayad madax bannaan oo ka madax banaan wasaaradda caafimaadka oo maamusha dawooyinka dalka soo gallaya, farmasiiyadda iibiya dawooyinkana laga qaado imtixaano lagu eegaayo inay u qalmaan inay dawo iibin karaan iyo inkale, waxaa u qorshaysan haayadaasi inay shaqaalaysiiso dad aqoon u leh cilmiga dawooyinka (Pharmacist) kuwaasi oo baadhitaan ku samayn doona dawooyinka dalka soo gallaya isla markaana eega tayadooda iyo dhicitaankooda waxaana ay haayadaasi noqon doonta ayuu yidhi mid bixisa laysan (Licence) wuxuuna sheegay in dawooyinka dalka soo gelaya ganacsade kasta mid gooni ah loo xil saaro, kuwa antibiotics-ka wuxuu sheegay in cid gooni ah loo saarayo, kuwa antipains-ka wuxuu sheegay in cid kale la siin doona licence-kooda wuxuu Dr. Cabdi Aw Daahir ballan qaaday in aanay dhici doonanin dawooyin ka yimaadda Muqdisho iyo Boosaaso oo Hargeysa yimaadda balse wuxuu sheegay in ay wasaaradda caafimaadku ay toos ula xidhiidhi doonto wershadaha dawooyinka sameeya.




Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Hadhwanaagnews, Birmingham City

shir kulmiye oo woolwich 20091102





























Xisbiga Kulmiye oo shir balaadhan ku qabtay xaafadda Woolwich ee magalada London

Shirkaasi waxa ka so qayb galay madax sare oo ka tirsan xisbiga kulmiye oo ay mid yihiin gudoomiye ku- xigeenka labaad cabdiraxmaan cabdulqaadir, xoghayaha cafimaad Dr cabdi aw daahir (Sawiro)

Shir balaadhan oo Somaliland oo ay ka so qayb galeen xubno badan oo kala gadisan oo ka socoda bulsha waynta reer Somaliland ee ku dhaqan xaafada Woolwich iyo London oo lagaga hadlaayey arimaha doorashada sosocota iyo wadciga siyaasadeed ee manta Somaliland maraysi kuna jirto.

Shirkaasi waxa ka so qayb galay madax sare oo ka tirsan xisbiga kulmiye oo ay mid yihiin gudoomiye ku- xigeenka labaad cabdiraxmaan cabdulqaadir, xoghayaha cafimaad Dr cabdi aw daahir ,golaha wakiilada xildhibaan cartan , gudida fulinta uk,
Iyo gudoomiyaasha laamaha magaalada London ,

Waxa kalo ka soqayb galay xubno ka tirsan xisbiga Ucid oo u ka mid yahay gudoomiyaha UK ibrahim rashiid iyo xubno kalo ka tirsan xisbiga udub iyo odayaal ka tirsan xafaada Woolwich, xaafadaha bariga iyo waqooyiga London

Waxa si balaadhan uga so qayb galay bulsho reer Somaliland ah oo ku dhaqan magaalada London oo iskugu jira aqoonyahano , waxa garad, dhalinyaro iyo haween.

Shirka waxa ka hadlay xoghayaha cafimaadka Dr cabdi aw daahir waxana hadalkiisa ka mid ahaa:

Dalka waxa hadheeyay musq maasuq baladhan oo ka socoda xaga xuguumada , cadaalad dare aan la goobi Karin, dareen la’aanta iyo wacyigalin la’aanta tahriibka dhalinyarada loona bahan yahay in dhalinyarada ay liqayso badu waxa laga qaybto. Arintaasi tahariibka waxay ku timid rajo la’aan , iyo waci la’aan aan losamayn dhalinyarada .Iska oo hadalkiisi si wata waxa u iswaydiyay su''''''''''''''''aalo ay ka mid yihiin.Maxa ku dhacay lacagtii ginbaarka ee gobalka burco dhawrka jeer ay xukumadu ku balan qaaday in ay badali doonto.Maxa ku dhacay degadii Barbara iyo xoolahii ka dhoofi jiray , Maxa ku dhacay briijika sanadah badan qabyada ahaa.Maxaa keenay biyo la’aanta ka tagaan Hargeysa iyo magaaloyinka kale.Arimahaasi oo dhami waxay ka tarjumayaan waxa qabad la’aanta iyo xil iska saaris la’aanta xukuumada riyaale madaxda u yahay


Dhibatooyinkaasi iyo qaar kale oo badan oo la xidhiidha arimaha dhan dhaqaale, dhaqaalaha iyo muceeshada cirk isku shareertay, cafimaadka , waxa barashada iyo cadaalad xumida dalka sibalaadhan u saameysay waxa masuul ka ah xukuumada riyaale

Waxa u hadalkisii ku so goobay in dalka Somaliland isbadal u bahan yahay cida isbadalkaasina keeni karta u yahay xisbiga kulmiye oo hogaanka dalka qaybta..

Walaalayaal kulmiye ha udoranina in silaanyo ku badashaan riyaale ee u doorta in maamul xumada jirta iminka aydin ku badashaan maamul wanaag.



Xildhibaan axmad yusuf cartan oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland aya isana halkaasi hadlay oo kuna booriyay in qurbajoogu kalintiisa ka sobaxo una hawlgalo raadinta isbadal ka dhaca dalka Somaliland .Waxa u sheegay in manta dalka Somaliland ay ka jirto nabad lakiin nabadaasi ay bahantahay in la xoojiyo, laguna xoojiyo isbadal iyo wax qabad dhinac walba samayn laxaadleh ku yeesha nolasha bulshada reer Somaliland





Waxa u sheegay in maamulka riyaale jecel yahay in aanay doorasho dhicin si ay xukumada riyaale xukunka dalka ku si hayso iska oo ka fa’idaysanayaa ducfiga , jaahilnimada iyo dhaqaala darada badanka dadka reer Somaliland ay ku noolyihiin



Ugu dambayntii waxa halkaasi ka hadlay gudoomiye ku –xigeenka xisbiga kulmiye Cabdiraxmaan cabdulqaadir sheegay in xukumada riyaale aanay ka warhayn dalka xaladiisa oo qudha ee aanay xata ka warhayn wasaaradaha iyo hay’ada ay maamusho . Waxa u yidhi maalin dhawayto ay madaxweyne ku-xigeenku kormeer ubaxay oo u ku tagay maxkamada dalka , waxa u madaxweyne ku-xigeenkii so noqday iska oo kacanta iyo dhabanka isa saaray oo yaaban,wuxu tagay maxkamadii oo aan haba yaarte cid naafaqa oo shaqaalihi joogin.oo albaabadii xidhan yihiin

Waxa kale oo u sheegay in ay jiraan hay’ado badan oo magac ahaan u jira oo hawlihii lo idmaday qaban. Waxa ka mid hantidhawrka guud dalka Somaliland oo haba yaarte aan hantidhawrin hay’adaha iyo wasaaradaha dalka dakhligooda iyo kharashgooda.Baniga dhexe Somaliland oo hawsha lo idmaday aan waxa ka fulin , bangigu waxa u xidhiidh lasameyay sarif layaash lacagah qalaad oo heshiisku yihiin marba sida ay ugu badinayso in ay doolarka u sarifaan taaso danyarta dalka dhibaato wayn ku haysa.Waxa kalo oo u sheegay in dagada Barbara aanay u shaqayn sidii larabay ,cashuurahana loqaadin sidii logu tala galay, lacagta ka so baxdana waxa la geeyaa madaxtooyada oo khasnada dowlada laguma shubo



Waxa u gudoomiye ku-xigeenku ku tilmaamayo nabada dalka ka jirta waqtigan xaadirka ah waxay la mid tahay aqal dhisme ku socodo oo qabyo ah oo marka roobku soda’o ku da’ayo oo aan ruuf iyo saqaf lahayn. Isbadalka iyo horemarka ka yimaada isbadalka hogaanka siyasadeed dalka ka dhacaa wuxu la midyahay dhamaystirka gurigaasi qabyada ah iyo qurxinta gurigaasi.



Waxa u hadalkisii kuso gabagabeeyay kuna buuruyey dadka reer Somaliland meelkasta oo ay jogaan qurbe iyo gudaba in aanay xisbina xoog u jecelaanina , midna xoog u necbaanina ee ay dhexdhaxaad noqdaan oo ay qimayn ku sameyaan oo midna qabiil ku raacin ee xisbigay rabaan waxqabadkiisa ku racaan .



Gaba gabadii shirka dadweynahii shirka ka so qeyb kalay ayaa su’aalo halkaasi madaxdii xisbiga kulmiye ku weydiiyey . Waxana ay kaga jawabeen in xisbiga kulmiye marka ay doorasha xor ah oo xalaal ahi dhacdo ee shacabka somaliland siyaan codkooda , una foteyaan kulmiye; xisbiga kulmiye wuxu si cadaalad iyo sinaansho leh ula dhaqmi doonaa mucaarid iyo muxaafid. umada reer somalilandna si cadaalad ah u kala xaqsoori doonaa midka xooga badan iyo midka daciifka kuna . Adeega guud iyo ka bulshaba iyo shaqada ka simi doona iyada oo lo eegayn xisbi, qabiil , mucaarid iyo muxaafid toonaa.

Gabileynews desk
London








20091109 cabdi aw daahir shir bariga london






Cabdi Aw Dahir oo jaaliyadda reer Somaliland kula shiray bariga magaalada London


London (Oodweynenews)- Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland haddana katirsan hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE mudane Cabdi Awdahir ayaa maalintii Sabtida jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool London kula shiray bariga magaalada London. Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen laanta KULMIYE ee bariga London waxaana kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada.
Mudane Cabdi Aw Dahir wuxuu ugu horrayn laanta bariga London uga mahadsanaqay sida fiican ee halkaas loogu soo dhaweeyey, waxaanu sheegay inay bariga London tahay meeshuu ka bilawday halgankii xoraynta dalku, waxaanu ku ammaanay inay haddana kamid yihiin laamaha ugu fir fircoon ee xisbiga KULMIYE ka helo taageero aad u balaadhan oo aan la koobi Karin.
Mudane Cabdi aw Dahir wuxuu kale oo sheegay in ujeedada socdaalkiisu isugu jiray arrimo caafimaad , hawlaha xisbiga iyo kuwa qarankaba oo sheegay in waxkasta ka horreeyaan. Sidoo kalena mudaduu joogay Ingiriiska uu la kulmay jaaliyadda Somaliland ee UK.

Mudane Cabdi aw Dahir wuxuu kale oo dhaliilay siyaasadda xukuumadda Riyaale oo ku tilmaamay mid fadhiid ah oo dayacday bulshadii reer Somaliland, wuxuu kale oo ku dhaliilay in xukuumadda Riyaale ay ku fashilantay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ahi, islamarkaasna ay kamasuul tahay dibudhaca badan ee ku yimid wakhtigii ay dhici lahayd doorashadu. Waxaanu sheegay in xukuumaddu oo hadda talada haysay muddo ka badan toddoba sanodood aanay fulin waxyaabihii ay hore ugu ballanqaaday wakhtigii ay socotay olalihii hore ee doorashadu, bulshaduna ay hadda ka ilbaxday ballanqaadyada joogtada ah ee aanay ka dhabayn xukuumadda talada haysaa.
Mudane Cabdi Aw Dahir wuxuu kale oo ka hadlay siyaasadda KULMIYE oo uu sheegay in barnaamijska siyaasadeed ee xisbigu uu ka turjumaayo baahida rasmiga ah ee bulshada. Marka ugu horreeysa ee KULMIYE talada qabtana uu deg deg wax uga qaban doona dhinacyada arrimaha bulshada ee caafimaadka iyo waxbarashada, sidoo kalena uu xisbigu ahmiyadda koowaad siin doono sidii Somaliland xubin rasmiya uga noqon layd jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa.
Wuxuu kaloo Mudane Cabdi sheegay in KULMIYE sugi doono ammaanka sidoo kalena adkayn doono nabadgelyada xuduudaha. Wuxuu kale oo Cabdi Aw Dahir sheegay inuu wax ka qaban doono oo xidida loo saari doono musuq maasuqa baahay ee ragaadiyey hay’adihii dawladda. Wuxuuna sheegay in cashuurta dadka laga qaadaa aanay ku dhici doonin jeebab gaar ah dakhliga Somaliland aan lagu ridi doonin khasnadda madaxtooyada ee la dhigi doono bankiga dhexe ee Somaliland si dadka wax loogu qabto.
Waxaa iyana halkaas ka hadlay Ismaaciil Xasan, Farax Maxamed Doodi, Ahmed Xasan( Cunaaye), Cabdi Dahir Cabdi ( Bacaw), Jamac Haybe, Farax Xasan Jagac, Maxamed Yusuf, Cismaan Siciid (Xoghayaha Kulmiye East London), Cabdiraxmaan Maxamed Aden dheri( Xoghayaha KULMIYE UK),Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Somaliland Ismaciil Aden Dibi( boos) iyo xubno kale oo badan. Waxaana dhammaantood ka sheekeeyey taarikhdii soo jireenka Somaliland, waxay kale oo xuseen wixii Somaliland u qabsoomay iyo wixii qabyo ah ee wali dhiman, waxaanay giddigood carrabka ku dhufteen in loo baahan yahay isbadal, isbadalkaasna uu keeni karo xisbiga KULMIYE oo ay sheegeen inay ku bahoobeen aqoon yahankii iyo waxgaradkii reer Somaliland.

Cabdi Dahir Cabdi ( Cabdi bacaw) oo ah guddoomiye ku xigeenka KULMIYE UK wuxuu sheegay in taageeridda xisbiga KULMIYE aad u korodhay muddadii udanbaysay, gaar ahaana intuu noo yimid Cabdi Aw Dahir oo uu sheegay in muddaduu joogay UK uu la kulmay dad aad u fara badan oo markii hore taageeri jiray xisbiga talada haya ee UDUB, oo hadda fahmay inuu fashilmay xisbigii talada hayey ee hore u taageeri jiray oo taageeridoodiina u leexiyey xisbiga qaranka ee KULMIYE.
Waxaanu sheegay inay jiraan dad badan oo kasoo jeeda gobolka cusub ee Oodweyne oo horuu u taageeri jiray xisbiga talada hayaa ay hadda kasoo digo rogteen oo ay taageeridda ula diyaar yihiin xisbiyada mucaaridka ah ee KULMIYE hormuudka u yahay. Waxaanu yidhi isagoo hadalkii sii wata : ‘waxaan fursadan uga faa’idaysanayaa inaan u mahadnaqo dadka fara badan ee dhawaan kusoo biiray xisbiga qaranka ee KULMIYE oo runtii ay si wayn ugu soo qulqulayaan dad horuu utaageeri jiray xisbul xaakimka, laakiin ogaaday in danta dadka iyo dalkuba ay ku jirto inuu yimaado isbadal siyaasadeed, waxaanu sheegay in isbadalkaas uu keeno karo xisbiga qaranka ee KULMIYE, oo runtii diyaar u ah inuu qaranka hago si ay uga baxaan dayaca badan ee haysta loona gaadho yoolka la hiigsanaayo ee ah horumar, caddaalad, sinnaan iyo barwaaqada dhulkeena hooyo ee Somaliland.

Cismaan Siciid
Xoghayaha Kulmiye East London
London UK

shir kulmiye ucid west london







KULAN XISBIYADA UCID IYO KULMIYE LONDON UK SAWIRO UCID IYO KULMIYE OO SHIRKU YEESHAY LONDON
Waxa ka dhacdey xalayto casho sharaf si heersare losoo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyen madaxda xisbiga UCID uk oo loogu talo galy soo dhaweynta Musharaxa madaxweynaha Somaliland ahna gudomiyaha xisbiga UCID oo ay kasoo qaybgaleen madax sare oo ka tirsan kale ee mucaaridkaa ee Kulmiye.
Shirkaa oo Aayado quraana lagu furay kadib waxa hadalka qaybinayey Maxamed Ibrahim oo ah xoghayaha Cadaalada iyo Garsoorka xisbiga Ucid oo hadalkii kusoo dhaweeyey gudoomiyaha Ucid UK Ibrahim rashiid oo madasha kazoo jeediyey hadalo muhiima kana waramay dalkii hooyo uu dhawaan kasoo noqday intaas ka dib waxa isna hadalkii qaatey gudoomiyaha Kulmiye ee Ibrahim Huseen oo Isna mahadnaq usoo jeediyey dadkii xafladan soo qaban qaabiyey waxa kale oo uu sheegay in ay muhiim tahay in labadan xisbi meel kasoo wada jeestaan si loo sameeyo isbedel dhameys tiran.
Intaas ka dib waxa intii aan loo guda galin waxa iyana hadalo ad u qiimo badan kazoo jeediyey dad dhalinyar ah oo ka tiran xisbiga oo jagooyin muhiimana ka haya oo dhawaantood hadaladii laga soo jeediyey maashu ay aad u qiimo badnayeen.
Cashadii ka dib waxa hadalkii lagu warejiyey Dr Cabdi Aw Dahir oo ah madaxda Xisbiga Kulmiye oo dhawaanahanba ku sugnaa dalkan ingiriiska waxa uu aad uga waramay xalada dalku maraayo iyo sida ay muhiim u tahay in isbedel yimaado. Isagoo sheegay in xumumada manta jirtaa ay shaqadeedii kaso bixiweyday.
Waxa isna madasha fadhiyey C/raxmaan C/qadir oo ah gudoomiyaha kuxigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye oo aad ugu mahadnaqay dadkii xafladan soo abaabulay intaas ka dib waxa uu isna madasha ka dhawaajiyey xaalada dalku marayo iyo in ay muhiim tahay in labadan xisbi ee mucaarid ay wada shaqeyn wanagsan sameeyaan si wixii khaldan si wada jir ay loo wajaho.
Waxa ugu danbeyntii madasha lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha ahna musharaxa madaxweynaha Somaliland Eng Faysal Cali Waraabe oo ku bilaabay in Ilahay laga baqo marka hore, isagoo si qoto dheer uga waramay arimaha dalkii ka soconaya iyo komishankan cusub masuuliyada saaran in ay tahay mid weyn oo hadii ay hawshooda kasoo baxaan dalka u horseedi doonta doorasho xor oo xalaal ah waxa kale oo uu Faysal Cali Waraabe sheegay in dalku u bahan yahay badbaado iyo in qofkasta oo reer Somaliland ay khuseeyso.
Sikastaba ha ahaatee waxa ay ahayd madal la isku arkay oo dadka meesha isugu yimid ay aad u sheekeysanayeen kana wada dhawaajinayeen in dalka wax loo qabto oo cadowgeenu aanu doonayn somaliland oo mid ah iyagoo ku dheeradey sida ay muhiim u tahay in doorsho dhacdo wakhtigeedana ku dhacdo.
Hamse Ahmed Salaan
London
Hamse100@yahoo.com




Isbeddelka kulmiye: Dr.cabdi aw daahir


Kulmiye ujeedadiisu waa Maamul wanaagsan ayenu maamul xun ku beddeleynaa ee maaha qof beddel :

Dr. Cabdi Aw daahir







Shacabka reer somaliland meelkasta oo daafa dunida ay ka joogtaan waan idin sallamaya as alamu caleykum(ascw) , Halkan walaalayaal waxaan doonayaa inaan idiinku soo banddhigo tu saalooyin ka mid ah isbeddelada uu doonaayo kulmiye inuu dalkan ku hago insha aallah .

Walaalayaal,kala dooranmayno seddex qof(Riyaale, siilaanyo iyo feysal), qolooyina kala door anmayno, gobolana kala doorammayno ee waxaynu kala dooranaynaa wadda toosan oo horu mar leh iyo wado qaloocan oo horumar la’an. Haddaba muxuu yahay hoggamiye toosan iyo ho ggaamiye qalloocan. Hogaamiyaha toosasani wuxuu kursigiisa ku ilaaliyaa wax qabadka umma dda. Keydna wuxuu ka dhigtaa maxaad dalka iyo dadka u qabatay .Hogaamiye qallocanina wu xuu kursigiisa ku ilaaliyaa hantida iyo awooda qaranka ee loo igmaday, keydna wuxuu ka dhig taa maxaad naftaada dalka uga qabsataa.. Ka waddada hore raaca waxay u horseeda umma dda oo jeclaata , ilaahay oo jeclaada iyo cisi iyo sharaf uu ku noolaado. Ka waddada labaad ra aca, waxa isu raaca kursiga uu waayo ,ummadda oo nacda iyo aakhiro seeg.. Waddada qallooc an ayuu maamulkan Riyaale hogaaminaayo qaaday.


Walaalayaal maanta waxaa fooda inagu soo haya waqtigii doorashada . Marka la eego macn aha doorashada, hawsha aad maalintaas qabanaysaa, ficil ahaan waa wax yar oo qalin ayaad warqdad ku xariiqaysaa, hase yeeshee micno ahaan waa wax aad u weyn una qiima badan. Waayo waxaad ka talisay , ilaahaybaa talo hayee ,masiirkii ummaddda Somaliland shanta sano ee soo socota, noqon karana mid horumar inoo horseeda, ama mid dhicis inagu noqda ,ilaahay inaguma keenee.


Walaalayaal , haddaba halkan waxaan doonayaa in aan waxoogaa dib aan idiin xusuusiyo wax yaabii ummadda reer Somaliland u qabsoomay sanadahii 1981-2002 oo lahaa isbeddelo aad u qiimo badan , iyo dayacii faraha badna ee dhacay intii uu maamulka uu hayay xisbiga UDUB ee uu hogaamiyo madaxweyne riyaale (2002-20009), qiimayntaasu waxay inoo tilmaamaysaa wa xa faraha baden ee u baahan in wax laga qabto, la beddelo. Kulmiye haddaanu nahayna noo ah isbeddelada aanu samayndoono insha allah naluguna xisaabtami doono;

Cahdigii Kowaad (Tobankii sanadood ee 1981-1991) waxaa uu ahaa tobankii sannnadood ee h alganka. Dalkiibaa la xoreeyay, shacabkii reer Somaliland ayaa lakala turxaan saaray, gooni isutaagii Somaliland ayaa salka loo taagay. Dawladii ugu horeysay ayaa salka loo dhigay. (guul iyo Isbeddelbaa la gaadhay)



Cahdigii Labaad (Tobankii sanadood ee 1993- 20002) waxay ahayd dawladdii shir beeleedka. Walaw ay jireen Kacaakuf .waxaa la sameeyay Isbeddeladii ugu muhiimsanaa kana mid ahaa yeen hubka dhigista, qaramayntii ciidamada, sameynntii lacagta Somaliland, fidintii maamulka gobolada dalka,afti u qaadidii dastuurka Somaliland, samayntii axsaabta qaranka, bixintii dhaq aalihii ku baxay labadii doorasho ee ugu horeeyay. Waxaa kale oo mudan in aan halkan ku xu so in nabadgelyadan salka manta Somaliland u dhigtay ,ilaahay ka sakaw ay tahay tii ka bilaa bmatay Gaashaamo, baalidhaye, Duruqsi, Waraabeeye, kuna gabagabawday Beer sannadidihii 1996-1997(Guul iyo Isbeddelbaa la gaadhay)


Cahdigii seddexaad (2002-Iminka) oo ahayd tii la filanaayay isbedddel horumar leh. Bacdamaa nabaddi salka loo taagay. Waxaynu dhaxalay Tahriib iyo shaqo l’aaan. Kooto ganacsigii shida alka iyo xoolaha. Sicir barar maciishadii daruuriga ahayd. Warshado iyo wadooyin la dhagaxd higaayo lana sameynayn. Ciidamo darajo iyo daryeel la’aan qaba. Musuqmaasuq hadheeyay dhamaan hay’adihii dawladda, asaasna ay u tahay madaxtooyada(lacagta adag ee ka soo ga sha dalka cashuurta xoolaha ,airportka, dekeda iyo haamaha shiidaalka waxay ku xerootaa madaxtooyada). Wada shaqayn la’aa madaxweynaha iyo golaha baarlamaanka. Beddel la’anta lacagta giimbaarta ee Burco ee sannadkasta lagu soo daro miisaaniyadda. Dayaca, iyo hoos u dhaca ku yimid dekedii Berbera. Iibibinta sharci darrada ee Dhulkii danta guud ee caasimadda IWM

Haddaba, inankii maalintii aynu rijiimkii ina siyaad barre la dagaalamaynay qori qaatay ee ku f ekeraayey in markuu dalkiisa xoreeyo uu helo mustaqbal fiican oo waxbarto dabadeedna dad kiisa iyo dalkiisa anfaco ee rajada balaadhan qabay iyo kuwii debadii kacayba , waad arkaysa an maanta inay badaha isku daadinayaan waayo waxaa go’day oo meesha ka baxday rajadii ay qabeen inay dalkooda ka helaan. dhaqaalo la’aani ma jirto, waxaa jira musuq maasuq baah san oo si caqli iyo dhego la’aan ah maamulkani talladii ummadda loo dhiibay uu ugu takri fallay si kala duwan, iyo hagis la’an. Taas macnaheedu waxa weeyaan qofkii ku qanacsan siidii todd obadii sanadood lagu jiray inaan ku sii jirno , Dahir Riyale (UDUB) ha doorto, qofka isbeddel do nayawna dooro axsaaabta mucaridka(kulmiye)


Sidaas darted waxaa xisbiga KULMIYE ballanqaadayaa ,haddii ilaahay nala qabto ,in aanu sam ayn-doono isbeddel. Maxaanu beddelayaa , maxaanuse ku beddeleynaa:

Walaalayaal, Maamul-xumo ayaan maamul-wanaag ku beddeleynaa. Musuqmaasaq ayaan han tida ummadda oo la ilaalyo ku beddelaynaa. Lacagta adag ee madaxtooyada lagu xareeyo si gaar ahna loogu tagrifalo ayaanu ku beddelaynaa iyadoo baanka la dhigo , ummaddana si caa m ah wax loogu qabto.

Walaalayaal, Dekkeda Berbera ee la cidleeyay ,cashuurtuna qaaliga tahay ayaan ku beddele ynaa deked camiran oo canshhuurto jabantahay. Shidaal koota ah iyo xool koota ah ayaan ku beddeleynaa suuq furan oo xoolaha iyo shidaalka ah. Maciishad qaali ah oo canshuur badan la saaray ayaan ku beddeleynaa mid canshuur jaban oo danyarta ilaalisa, looguna daryeelo. Lacagta giimbaarta ah ee Burco dhaqaalaheedii wax yeeshay ayaan ku beddeleynaa lacag Somaliland ah

Walaalayaal, Madaxweyne lacagta siduu doono u isticmaalo ayaan inshallah ku beddelynaa m id mushahar cayiman qaata, Madaxweyne aan ummadda la hadlin ayaan ku beddeleynaa mid si joogta ah ummadda ula hadla ,gobllada dalkana si joogta ah u kormeera . Madaxweyne ay had iyo goor ishaystaan baarlamaanka ayaan ku beddeleyna madaxweyne ay si fiican u wada sha qeeyaan baarlamaanka ,gaar ahaan xubnaha mucaaridka ah markaas.

Walaalayaal, Hooyo uuray ah , caruur daycan iyo bukaan daryeel la,aan caafimaad qaba aya an u diyarinaynaa dhammaan adeegii, qalabkii, xoogii, aqoontii, iyo dawadii tayada lahyd iyo dhakhaatiirtii iyo xirfadlayaashii kale ee caafimaadkooda daryeeli lahaa. Ubadkii soo kacaayey ee meel ay joogaanba wax barasho la,aan u jeelan ayaan insha allah u diyarinaynaa wax bara sho bilaash ah , mid tayo leh. mid maskaxdiisa kobcisa ,diintiisa iyo dhaqanka suuban ilaalisa, isna insha allah wax anfacda. Barbaartii kacday ee wax baratay iyo tii kale ee suuqa wareega ysa ama tahriibtay ee badda isku daadisay ayaan shaqo abuur u samaynaynaa, insha allah w axaanay noqonayaysaa mudnaantayada kowaad. Ciidamo dayacan, darajona aan lahayn ay aan ku beddeleynaa ciidamo daryeel qaba , darajo leh ,la dalacsiiyo, mushahar fiicanna loo qo ro.

Walaalayaal, Maamul isku wareegaalaysanaaya oo leh siyaasad fadhiid ah(reactive) oo difaac iyo mintid aan dhamaaneyn ku jira oo u arka cadawkiisa kowaad mucaaridka ayaan ku beddel eynaa maamul wadda toosan ummada u jeexa, lehna siyaasad jihaysan oo firfircoon(pro-act ive) oo mideeya ummadda cadawgiisa aan u arag mucaaridka , balse u arka dhibta kowaad A qoonsi L,aanata, jahliga, caafimaad darrida, musuqmaasaqa, shaqo l,anta, tahriibta iyo cadd alad darrida iwm.

Walaalayaal, Ummadda reer Somaliland ee joogta qurbabaha waxaanu ku mideyneyna in caqli gooda iyo cudududdooda isla kaashadaan si ay dalkooda wax ugu qabanlahaayen dhaqaaala ahaan iyo siyaasadsad ahaanba , oo loo sahli doono, gacanna laga siin doono sidii ay dalka u maal gashanl lahaayeen, loona mideyn doono si qofkasta oo reer Somaliland ah meel uu jooga uu u noqon lahaa safiir dalkiisa ku metela raadista aqoonsi caalimi ah. Taas waxa dheer in Kul miye siyaasadda arrimaha debedda ee fahiidka ah ee maanta jirta ku beddeli doono mid istra atiijiyad toosan leh, mudnaan kala siinaysa meesha aqoonsigeenu ku xidhanyahy , hadday yih iin wadamada aynu jaarka nahay, Afrika , ama caalamka kaleba.

Walaalayaal, Wado la,aanta gobolalada dhexdooda yaala ee inta ciida la dhigo layskaga tago ayaan u sameynayna qorshe dhaw iyo mid fog insha allah oo dhab ah. Waxaan samaynaynaa haddii alle ka dhigo waddoyinka gobolada dhexdooda sida waddada Hargeys-Burco, Burco-Ce erigaabo, Boorama – Saylac, Ceerigaavo-Maydh. Insha allah waxaynu abuuraynaa sanduuq gaar ah oo aan laga isticmaali karin waxnna lagala bixi Karin .caalamkuna waxbuu inoogu darin markaynu wax tusno ummaduna waa lagu wacyi gelin mid guda jooga iyo mid debedjoogaba si ay maal iyo muruq labadaba ugaga qaybqaadan lahaayeen, dhismaha waddooyinka.

Su,asaha nala weydiinayaa waxay tahay sidee baaad waxaas oo dhan u suura galineysaan, ma idinka faanbaa, mise ololaha doorashadoonbaa uga jeedaan? Waxaan qabaa in ay hawl yarta hay haddi ilaahay nala qabto sidii waxaasoo dhan loo qaban lahaa. Waxay u baahan tahayna ay tahay oo keliya , go,aan adag, daacadnimo, isxilqaan, isku duubnaan, ilaahay oo aad la kaa shatid iyo hogaamin toosan.Caalamka laftiisu wixii wax qabsada ee wax hagaajiya waxbay la qabanayaan. Wax deeq laynoo siiyo. Wax maalgashi lagu sameeyo, wax layna amaahiyo iyo wax inaga caawiya mashaariicda horumarineedba. Marka ay u arkaan in aynu nahay ummad jirta oo wax qabsan karta xataa waa layna aqoonsanayaa. Taasu aad ayay uga duwantahay tuu ku talaabsaday maamulka UDUB ee riyale. Waa ta ah yoolka uu ka duulayo inshaallah K ULMIYE oo ah ‘ DALKA IYO DADKA WAX U QABO SI CAALAMKU WAX INOOLA QABTO’. Yoolka labaadna waa ‘WACYI GELIN, ABAABUL IYO RAJO ABUURIS AY UMMADDU DALKEEDA IYO DAN TEEDA UGU SOO JEESATO’. Taas aan kor ku sheegay ayaa dhab ka dhigeysa in aynu wax qabs an karno dalkeenuna hodan yahay, ee loo baaahan yahay oo keliya isbeddel ilaahay lala kaashado.

Waxaan hadalkayga ku soo gabogabeynayaa mar labaad walaal taladu manta gacantiina ayay ku jirtaa. Waa dhismihii dalkaaga dadkaaga iyo ubadkaaga. Markaas kala dooro in aynu iskaga sii jirno sidan iminka aynu nahay oo idinkuna aydun ogtihiin anna dib u dhacaas jira aan meelo kor uga xusay oo dhabtii mugdi ah aan lagu sii jiri Karin loona adkaysan Karin, iyo in aynu isbe ddel samayno oo ay ka mid yihiin kuwa aan kor waxkaga soo tilmaamay iyo qaar kale oo bad an. Walaaal inshaallah aan u diyaargarawno isbeddel codkana aynu siino Kulmiye, anaguna w axaan ballan qaadaynaa in insha allah haddi ilaahaynala qabto, aaanu ka soo baxno ballantaas aan qaadnay , nagulana xisaabtamidoontaan. Ilaahay dhammanteen garakena ka galo. Diinta, dalka iyo dadkaba haynoo barakeeo.






Dr. Cabdi Aw Daahir Cali

20091230 Waxgarad reer Awdal oo soo dhaweeyey wefdi kulmiye

Kulmiye in UK – Waxgaradka iyo haldoorka gobollada Awdal/Selel iyo Gabily ee UK oo xaflad soo dhaweyn ah u qabtay wafti heer sare oo ka socday xisbiga Kulmiye
December 30, 2009 By: adal Category: News



Waxgaradka iyo haldoorka gobollada Awdal/selel/Gabilay ee deggan carriga ingriiska siiba magaalo madaxda London ayaa 28kii Bishatan xaflad soo dhaweyn ah oo si habsami ah loo agaasimay ku soo dhaweeyey Guddomiye K/xigeenka xisbig kulmiye iyo wafti culus oo ka kooban madaaxda sare ee xisbigaas oo ka soo kicitimay dalkii hooyo.
Waftigan oo ay ka mid yihiin: 1. Mudane Cabdiraxmaan cabdulqaadir G. k/xigeenka xisbiga kulmiye oo isagu horey u sii joogay 2.xildhibaan Siciid Cilmi Rooble3. 4. xildhibaan Nacnac 5. iyo Maxamad Yoonis Cawaale Madaxa Radio Horyaal.

Waxa halkaa ka hadlay oo erayo soo dhaweyn ah ka jeediyey Suldaan Yusuf Suldaan Cali, waxa kaloo iyaduna ka daba qaadatay hadalka xildhibaan Ikraam Xaaji Daa’uud Warsame oo nuxur aftahamo ku dheehanatahay halkaa ka jeedisay oo soo jiitay dhgeystayaasha. sidoo kale, waxa isaguna hadalkii qaatay Dr. Abuljabaar Maxamad Rabiile.
Soo dhaweyntan oo ahayd mid an loo kala hadhin waxa kaloo ka soo qaybgalay xeeryaqaan Cabdisamad Nageeyey, Maxamad Xaaji Daahir (shiine) Kamaal suldaan Nuur, xeeryaqaanad safiya M., Cabdiraxmaan daahir Ojor, ilyaas miishaar iyo martisharaf kaloo aad u farabadan oon halkan lagu soo wada koobi karin.
Dhinac kale, isagoo ku hadlaya afka waftiga waxa mahadnaq balladhan u jeediyey jaalliyadda Awdal/selel/gabilay mudane Cabdiraxmaan cabdulqaadir Guddomiye K/xigeenka xisbiga iyo Dr. Cabdi Aw Daahir oo isaguna si gaara ugu mahadceliyey qabanqaabiyeyaasha xafladdan iyada ah, isla markaana ka xogwarramay oo kale xaaladda siyaasadeed dalkeenii hooyo maanta u ku sugan yahay.
Xafladdan oo innnogu dhammaatay si farxad leh iyo jawi wanaagsan waxa qaybteedii kale lagu soo gabagabeeyey guriga xildhibaan Ikraam Xaaji Dauud oo ku yaal galbeedka London.
Xidhiidhiyaha xisbiga Kulmiye UK.
Cali Xaamud Jibriil