Friday 9 April 2010

codkaaga wax ku beddel. oo udub shan kale ha ugu darin

Dalku Isbedel ayuu u baahanyahay
Waxaynu maanta kala dooraneynaa horumar iyo shan sanadoo oo dambe oo rafaad ah. Waxaynu kala dooraneynaa in aynu kharajka yar ee dalka soo gala aynu daaro dabaqada ah kaga dhisno Paris , shaariqa, iyo afrikada bari oo aynu udub doorano. iyo in aynu ku dhisno gobolada cusub ee oodweyne, gabiley , badhan, baligubadle, caynabo iyo saylac oo aynu kulmiye doorano. Doorashada iyo codkaag u ma sahlana, ee ogaw. In aynu wadada odweyne dhisno waxay ku xidhantahay codkaaga.Waxaa xaqiiqa ah hadaad codkaaga siiso UDUB, waxaa lagaa qaada iyo waxa ummadaha kale ku siiyaanba waxay sii kordhinayaan dabaqyo laga sii dhiso yurub .
Tahriib, shaqo la.aan, ciidamu bilaa darajo ah, lacagta giimbaarta ah ee burco, daryeel la,aan caafimaad iyo waxbarasho. Musumaasaq, cadaalad daro, ganacsi koota, run aan la sheegeyn, wado ciid la dhigaayo , iyo warshad sibidh oo dhagax la dhigaayo waa udub dooro. Intaas oo aynu wax ka qabano wax ka beddelo waa kulmiye dooro. Labadaa wado way kala cadyihiin. Codkagaa oo aad meel khaldan mariso aad mar kale udub doorataa waa naftada oo aad khiyaameysay ama waa garashola,aan.

Thursday 8 April 2010

Saturday 3 April 2010

Dhabtii libaaxa oo riyaale laga kiciyay, siilaanyo ku fadhiyo


Hargeysa(saraarnews) Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa galabta xaflad aad u balaadhan oo ay ku qabteen Huteelka KAAH ee Barriga Hargeysa waxay ku soo dhaweeyeen isbedel doonka aqoonyahanada, siyaasayiinta, ardayda jaamacadaha iyo culimo awdiinka Beesha Habar Yoonis oo ku biirtay xisbigaasi.

Xafladan waxa kale oo ka soo qeyb galay Guddoomiyaha KULMIYE, Guddoomiye Ku Xigeenkiisa Koowaad, labada sarkaal ee xisbiga KULMIYE u qaabilsan olalaha doorashada iyo in ku dhow kun qof oo ka tirsan beesha Habaryoonis kuwaasi oo sheegay inay ku biireen xisbigaasi waxaanay xukuumada ku eedeeyeen inay ku fashilantay inay wax ka qabato adeegyada bulshada ee Gobolka Oodweyne iyo guud ahaan deegaanada ay beeshaasi degan tahay, oo ay xukuumada ku eedeeyeen inay ka baxday balan qaadkii ay u samaysay doorashadii madaxtooyada ee hore.

Maxamed Xasan Dirir iyo Mustafe Ibraahim, oo ka mid ahaa dhalinyaradii ku hadlayay magaca ardayda Jaamacadaha dalka ee ku biiray xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in wadanku uu u baahan yahay isbedel siyaasiya waxaanay xukuumada ku eedeeyeen inay ku fashilantay oo ay ka baxday balanqaadyadii hore ee ay samaysay xiligii la galayay doorashadii hore. Waxaanay tusaale u soo qaateen lacagta Giimbaarta ah oo aanay ka bedelin gobolada bari iyo Biriijkii labaad ee Hargeysa oo sanado badan dunsan ummaddana dhibaato badan ku haya.

Dhalinyaradaasi waxay sheegeen in Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee beeshooda kaga jira Xukuumaddu ay isku dayeen inay dhalinyaradaasi si dhalanteed ah u sasabtaan isla markaana ay u qaadaan balamo kale oo ay xuseen inaan la fulinaynin.

Guddoomiyaha Olalaha doorashada ee gobolada barriga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlay xafladaasi ayaa si weyn u soo dhaweeyay taageereyaashaasi ku soo biiray oo uu tilmaamay inay u baahnaayeen.

Dr. Gaboose wuxuu sheegay in Wasiiro ka tirsan xukuumadu ay Madaxweyne Rayaale been u sheegi jireen kuna odhan jireen dhab libaax ayaad ku fadhidaa taasi oo uu tilmaamay inay beenowday.

Guddoomiyaha olalaha doorashada xisbiga KULMIYE ee gobolada barriga Somaliland wuxuu sheegay in xukuumadu taayiro iyo dhagaxaan ay wadooyinka u dhigto Guddoomiyaha KULMIYE halkii looga fadhiyay inay ummadda wax u qabato.

Dr. Cabdi Aw- Daahir, oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay taageereyaasha aadka u faro badan ee ku soo biiray KULMIYE oo uu xusay inuu muddo badan isagu beeshiisa kaga jiray maantana lala arkay wixii uu Xukuumada iyo UDUB kaga biyo diiday.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo taagereyaashan ku soo biiray oo isugu jiray Aqoonyahano, waxgarad iyo arday Jaamacadeed, waxaanu si weyn ugu mahad celiyay mulkiilaha Huteelkaasi oo uu sheegay inuu gaashaanka ku dhuftay dalabkii xukuumadu ku doonaysay inay ka hor istaagto xisbigiisa xafladan.

Guddoomiyuhu wuxuu u balan qaaday dhalinyarada in Barnaamijkiisa siyaasadeed ay ugu jirto sidii wax badan oo ugu qaban lahaa isla markaana uu ka horqaadi lahaa caqabadaha dhinaca sharciga ee ka hortaagan inay ka qeyb galaan Goleyaasha hoggaaminta.

Md. Axmed Siilaanyo wuxuu xafladaasi kaga dhawaaqay haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxtooyada inuu furi doono ururada siyaasada si tallada dalka cid waliba uga qeyb qaadato.

Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu Taliyaha Booliska uga digay inaan loo adeegsan burburinta iyo xadgudubyada loo geysanayo Xisbiyada mucaaridka ah.

Dhinaca kale, waxa abaaro 3:30 galabnimo la xidhay wadooyinka u dhow Hudheelkii Xafladan lagu qabanayay ee KAAH oo ku yaala bariga Magaalada waxaana halkaasi la dhigay Dhagaxaan faro badan oo ay masuuliyiintii KULMIYE gacantooda kaga gureen. Iyadoo Huteelka Hortiisana ay gaaf wareegayeen Ciidamada Booliska.

Mulkiilaha Huteelkaasi oo gaashaanka ku dhuftay amar Boolisku ku siiyeen inaan lagu qaban shirar siyaasadeed, waxaanu sheegay inuu xor u yahay ganacsigiisa isla markaana xisbigii u yimaadaba uu ka kirayn doono.

Sunday 28 March 2010

Alshabaab iyo caalamka


Hillary Clinton oo sheegtay in Kooxda Alshabaab ay halis ku tahay ammaanka Mareykanka iyo dadka Soomaalida intaba .

Coventry City(Golisnews.com-Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Haweeneyda lagu magacaabo Hillary Clinton ayaa waxa ay ku sheegtay Xarakada Alshabaab ee Soomaaliya mid dhibaato ammaan ku ah jiritaankeeda dalka Mareykanka , maadaama uu xiriir kala dhaxeeyo Ururka Alqaacida .


Hillary waxa ay kaloo sheegtay in Alshabaab ay halis ku tahay muwaadiniinta Soomaaliyeed oo lagula dhaqaaqo howlo rabshado leh iyo kutumasho xuquuqdooda ,iyadoo la gooynayo qaar ka mid ah Xubnaha jirkooda , taasina ma ahan ayey tiri wax la aqbali karo.



Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Haweeneyda lagu magacaabo Hillary Clinton oo weriyeyaasha kula hadleysay Magaalada Washington gelinkiii dambe ee shalay ayaa waxa ay tilmaantay laga maarmaanshaha in la taageero Xukuumadda KMG ah ee hadda ka jirta dalka Soomaaliya si loo xaqiijiyo ammaan , loona soo celiyo deganaanshihii Soomaaliya oo ay ka qeyb qaadanayaan beesha caalamka iyo Midowga Africa .



Dowladda Mareykanka ayaa iyadu raadineysa waddo ay kaga taqalusto Xarakadda Alshabaab sida ay sheegayaan ilo wareedyo laga helay Sirdoonka dibadda ee wadankaasi.Hillary Clinton hadalkan markii ay ku dhawaaqeysay ayaa waxaa garab fadhiyay Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Robert Gates.



Ilaa iyo hadda ma cadda qorshaha Mareykanka uu la damacsan yahay Soomaaliya , iyadoo lagu wado in cishooyinka soo aadan uu Magaalada Washington uu u safro Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo , halkaasoo lagu wado in kulan uu kula yeesho saraakiisha ammaanka wadankaasi.





Golisnews Suleiman Saeed Kabadhe

Friday 26 March 2010

warbixin guddidii isbitaalka Hargeysa ee la kala eryay

Hargasya(Ramaas) Mar.25, 2010 - Guddidii Cisbitaalka Guud ee Hargaysa ee todobaadkan madaxwaynuhu kala diray kadib markii uu ku eedeeyay in ay sidii sharcigu ahaa xilkoodii u gudan waayeen oo ay xidhiidhkii ka goosteen wasaaradda caafimaadka iyo shaqada oo xukuumadda uga wakiil ah siyaasadda caafimaadka, ayaa ka hadlay waxqabadkoodii iyo xadgudubyo ay ku eedeeyeen in uu guddida ka galay wasiirkii hore ee Caafimaadka Mudane Cabdi Haybe Maxamed.

Guddoomiyaha guddida madaxa banaan ee cisbitaalka guud ee Hargasya Mudane Maxamed Xuseen Caabi iyo Suldaan Xasan Warsame Shire (Barre) ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabteen xaruntooda magaalada Hargaysa waxay ku sheegeen in ay xilka banaynayaan, hase yeeshee muddadii ay shaqaynayeen oo ahayd muddo toban sannadood ah ay horumar iyo is bedel ku sameeyeen maamulka iyo muuqaalka Cisbitaalka guud ee Hargaysa, wax wayna ay ka badeleen adeegii uu bulshada u hayay.

Guddidani waxay sheegeen in ay dayac tir iyo dib u dhis ballaadhan ku sabeeyeen waadhadhka cisbitaaka guud ee Hargaysa, isla markaana ay ku soo kordhiyeen lix waadh oo cusub oo bukaan jiif ah, qaybta caruurta, qaybta umulaha, qabta dhimirka iyo labaatan qol oo ah kuwa gaarka ah, Istoodh wayn iyo qolka shirarka iyo tababarada.

Guddidu waxay sheegeen in ay si dhamaystiran u qalabeeyeen shan waadh oo kuwa qalliinka ah oo uu ugu deeqay dalka Kuwayd, Mishiin wayn oo ah nooca Oxgen-ka dhaliya, oo isagana uu cisbitaalka ugu deeqay dalka Kuwayd.

Guddidaasi waxa kale oo ay sheegeen in ay Cisbitaalka ku soo kordhiyeen shan gaadhi oo saddex kamidi yihiin Ambalaas, isla markaana ay dawooyin jaban keeneen si cisbitaalku dhaqaale uga helo, waxaanay intaa ku dareen in ay kabeen gunnooyinka shaqaalaha Cisbitaalka, isla markaana tababaro dalka gudihiisa iyo dibadiisaba isugu jiray u direen qaar kamida shaqaalaha isbitaalka.

Guddidu waxay gaashaanka ku dhufteen oo ay iska leexiyeen eedihii Madaxwaynuhu u soo jeediyay ee la xidhiidhay in ay xilkoodii u gudan waayeen sidii sharciga ahayd, waxaanay sheegeen in wasiirkii hore ee Caafimaadku uu guddida iyo cisbitaalkaba ka galay xadgudubyo badan oo ay ka mid ahaayeen bedelkii agaasimihii hore, gaadiidka Cisbitaalka oo uu lambaradii ka bedelay, Dhakhaatiirtii Cisbitaaka oo uu dhex galay qaarna eryay, nidaamkii dawada cisbitaalka oo uu bedelay iyo raashinkii bukaan jiifka ee WFP oo ay ku eedeeyeen in uu dhiniciisa ka istaagay.

Guddidu waxay sheegeen in ay xilkii baneeyeen, isla markaana wixii ay hanti lacageed ay u hayaan Cisbitaalka ay ku wareejin doonaan Hanti dhawraha guud, waxaanay ku dardaarmeen in loo baahan yahay in la ilaaliyo oo aan la xagal daacin nidaamka cisbitaaka u dejisan ee la xidhiidha dhinaca maamulka iyo horumarinta.




Ramaasnews Desk
Hargaysa

gabadh yar oo garoowe laga soo dhacay oo burco lagu qabtay

Booliska Togdheer oo Gacanta ku Dhigay Gabadh Yar oo Laga soo Xaday Garoowe
Tuesday, 23 March 2010
Gabadh 13 jir ah oo kooxdii xaday kaga badbaaday xannuun dhinaca beerka ah oo laga helay









Burco (Togdhnews)- Ciidanka booliska magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa shalay gacanta ku dhigay gabadh yar oo la sheegtay in muddo laba bilood ka hor laga soo xaday magaaladda Garoowe ee maamul-goboleedka Puntland, taasi oo laga soo celiyey dhinaca dalka Itoobiya, kadib markii kooxdii loo geeyey oo baadhitaan caafimaad mariyey ay ka heleen xanuun dhinaca beerka ah.

Sida uu galinkii dambe ee shalay Jamhuuriya u xaqiijiyey madaxa baadhista saldhiga dhexe ee magaaladda Burco Cismaan Warsame Diiriye, waxa boolisku guri ku yaal magaalada Burco ku qabteen inanta yar ee la soo xaday oo la yidhaahdo Nimco Maxamed Xuseen, da’deeduna tahay 13 jir iyo gabadhii haysatay, kuwaasi oo hadda lagu hayo saldhiga dhexe ee Burco.

Madaxa baadhista saldhiga dhexe ee magaalada Burco oo sharaxaad ka bixiyey qaabka boolisku u qabteen inanta la soo xaday iyo haweenayda haysatay, ayaa tilmaamay in dadka xaafadda lagu hayay u soo gudbiyeen booliska, sidaana ay ku qabteen inantan yar iyo gabadhii haysayba.

Sarkaalkan booliska ahi waxa uu intaas ku daray in gaadha yari sheegtay in laga soo xaday Garoowe, isla markaana muddo bil ah ah lagu hayey dhinaca dalka Itoobiya, isaga oo xusay in gabadha yar ay shaybaadh caafimaad mariyeen kooxdii haysatay, kadibna ay ka heleen beer xannuun, sidaana ay isaga soo celiyeen, lana keenay dhinaca magaalada Hargeysa oo looga soo gudbiyey Burco.

Waxa kale oo Sarkaalkani, tilmaamay in gabadhii haysay inantan yar ee boolisku soo qabtay ay sheegtay in saddex dumar ah oo niqaam xidhani ay uga soo dhiibeen magaalada Hargaysa , kuna yidhaaheen Burco gee, isaga oo hadalkiisa ku soo koobay in laanta baadhista dambiya ee booliska Burco kiiskan gacanta ku hayaan, isla markaana baadhitaankiisu socdo.

Haweenayda haysatay inanta yar ee boolisku qabtay, ayaa iyaduna Jamhuuriya u sheegtay in Nimco yar ay Hargaysa uga soo dhiibeen saddex dumar oo niqaaman oo aanay wax aqoon ah u lahayn, balse ay ka codsadeen inay ilaa Burco sii kaxeeyo, kadibna ay gayso biriishka weyn ee Burco agtiisa, sidaana gabadha yari ku garana doonto gurigooda.

Balse, markii ay halkii loo tilmaamay gaysay ay inanta ayri u sheegtay in aanay magaalada kala garanayn, sidaana ay ku haysay.

Sidoo kale Nimco Maxamed Xuseen ayaa Jamhuuriya u xaqiijisay in magaalada Garoowe oo ay walaasheed kula noolayd laga soo ka xaystay muddo hada laga joogo laba bilood, kadib markii gabadh niqaam xidhan oo wejiga xidhatay inta ay sanka wax u saartay soo kaxaysatay.

“Walaashay ayaan kula noolaa magaalada Garoowe, kadibna maalin ayaa waxa ii timi gabadh niqaam xidhan oo aanan garanayn oo inta ay sanka wax ii saartay ayay I kaxaysatay, waxayna I gaysay dalka Itoobiya oo aan ilaa hadda garanayn meesha aan ka joogay, waxaana la iigeeyey carruur badan oo koox dumar ahi hayeen.

Carruurtii meeshay joogtay ayaa maalin shaybaadh caafimaad la wada mariyey, aniga markii la I baadhayna waxa la iga helay beer xannuun, waxayna kooxdii na baadhaysay yidhaahdeen tani way xannuun sanaysaaye inaga celiya, sidaa ayaana la iigu soo celiyey Hargeysa oo markii dambena Burco la ii keenay, aniga aabay waxa uu joogi jiray Xamar, hooyaydayna way dhimatay, waxaanan la joogay walaashay oo aan hadda xaafadeedii karanayo, hadii Garoowe la I geeyo,” ayey tidhi; Nimco Maxamed Xuseen oo ah inanta yar ee laga soo xaday magaalada Garoowe.

Geesta kale waxa Maxkamadda Degmadda Burco hadda ka socdda kiis u dhexeeyalaba qoys oo kasoo kale jeeda Maamul-goboleedkka Punthland iyo Itoobiya, kuwaasoo isku haysta Ilmo Shan jir oo qoyska reer Boosaaso ku doodeen in laga soo xaday Ilamaha balse qoyska Reer Itboobiya oo Oromo ahina ku doodeeninay iyagu dhaleen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Degmadda Burco, ayaa isaguna hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ka dalbaday inay gacan ka gaystaan sidii Ilmaha looga qaadi lahaa hidasidaha loo yaqaan DNA, si loogu kala saaro labadan qoys.

Tallaabadan lagu xadayo carruurta yaryar amma ay laba qoys isku qabsanayaan ayaa u muuqata kuwo haantan ku soo badanayaa Gobolka Togdheer, mana aha markii koowaad ee kiiskani oo kale ayuu boolisku qabtaan oo ay gacanta ku hayaan.

TogdheerNews..Burco

ucid oo taageero badan ka kasbatay burco

Maxaa ka soo if-baxay Loolankii Xisbiyadu ku Muujinayeen Cududa Taageerayaashooda Gobolka Togdheer?



Warbixin..Kayse A.Digaale Burco (syl)- Todobaadyadii u dambeeyey, waxa magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheet, laga dheehanayey loolanka siyaasadeed ee saddexda xisbi qaran ka wadaan, kuwaa soo mid kasta dhiniciiga ugu muujinayo cududda taageerayaashiisa uu isku halaynayo doorashadda madaxtooyada.

Wafti ballaadhan oo uu horkacayey guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo uu weheliyo guddoomiyaha golaha wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa iyagu kala kulmay Burco soo dhaweyntii ugu balladhnayd ee lagu soo dhaweeyo, iyada oo ay u muuqatay in xisbigu taageerayaal badan oo aanu filayn uga soo xeroodeen Togdheer.

Hadaladii uu guddoomiyaha UCID u jeediyey taageerayaashiisa soodhaweeyey, ayaa si weyn dadka u soo jiidatay, kadib markii uu farta ku fiiqay sida xukuumadda Riyaale ula dagaalamayso horumarka gobolka, taasoo uu tusaale u soo qaatay ganacsadaha Carbeed ee mashruuca naaxinta ka waday Burco ee uu madaxweynuhu xabsiga dhigay,kaasoo la sheegay inuu muddo 40 maalmood gaadhaysa xidhan yahay.

Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa farxaddii uu ka qaaday cududda taageerayaashii Burco ku soo dhaweeyey, waxa uu ku dhaqaaqay inuu si dhoollo tus ah isaga iyo guddoomiyaha wakiilladu socod lug tamashlayn ah ku mareen jidadka iyo goobaha bunka laga cabbo ee magaalada Burco, kuwaasoo dadku aad u sallaamayeen.

Sidoo kale, guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan xubno sarsare oo xisbiga ka tirsani, ayaa iyagana si weyn loogu soo dhaweeyey Burco, iyaga oo taageerayaashooda oo isu soo bax ay ku soo dhawaynayaan ku qabtay barxadda xafiiska xisbiga KULMIYE ee Burco.

Xubnaha waftiga KULMIYE ayaa hadalladii ay taageerayaashooda u jeediyeen liishaanka ku saaray dhaliisha xukuumadda iyo siday uga gaabisay wax u qabashada bulshada, isla markaana ku guuldaraysatay beddelaadda lacagta giimbaarta ah ee aafaysay dhaqaalaha gobolka.

Hadalladdii dareenka dadka soo jiitay ee ka mid ahaa khudbaddii Muse Biixi Cabdi, ayaa ahayd mid uu ku sheegay in xisbiyada tartamayaa ay yihiin labada xisbi mucaarad, balse xisbiga UDUB aanay haysan waji uu bulshada cod ku weydiisto.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga tallada haya ee UDUB, ayaa iyaguna Gobolka Togdheer soo gaadhay, kadib markii soo dhaweynta ballaadhan loo soo sameeyey weftiga UCID, masuuliyiintaasi oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha Ololaha doorashooyinka UDUB Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-hindi) oo uu wehelinayo Kayse Cali Geedi oo isagu dhawaan ku biiray xisbigaasi UDUB, kadib markii uu ka baxay xisbiga UCID.

Xubnahan ayaa socdaalkooda habeenimada ah lagu tilmaamay mid ka dhashay hinaasaha iyo saska ay ka qaadeen cududda taageerayaasha xisbiga UCID ee ka muuqday magaalada Burco, waxayna culays weyn saareen sidii ay xubno muhiim ah oo ka tirsan xisbiga UCID u hanan lahaayeen, balse ay ku guuldarraysteen.

Inkastoo masuuliyiinta UDUB goob fagaare ah aanay kala hadlin taageerayaashooda, hase yeeshee waxay guul ka dhigteen kooxo dhalinyaro iyo odayaal ah oo ay xafladd soo dhaweyn ah u sameeyeen, kuwaasoo ay ku tilmaameen inay ka soo diga rogteen xisbiyada UCID iyo KULMIYE, Mauuliyiinta UDUB ayaa hadalada ka soo yeedhayay ay ku tilmaamayeen cadhada xoogan ee ay u qabaan UCID, kuna ballanqaadayay sidii ay u dhulka u dhigi lahaayeen Xisbigaasi

Loolankan ismuujineed ee saddexda xisbi qaran mid kastaaba si dadban dhoolatuska u samaynayey, isla markaana miisaanka saarayey inta ay le’eg tahay baaxadda taageerayaashiisu, ayaa soo ifbixiyey cuddudda taageerayaasha xisbiyada mucaaridka ahi ku leeyihiin Gobolka Togdheer, gaar ahaan xisbiga UCID oo dadku aad ula yaabeen taageeradda ballaadan ee uu ka kasbaday reer Togdheer, taasina ay noqotay hadal haynta ugu badan ee todobaadyadii u dambeeyey ka jiray Burco.

Tallabadan sii kordhisay taageerayaasha mucaaridka ee gobolka ayaa la sheegay inay sabab u tahay, arrimo ay ka mid yihiin ganacsatadii xoolaha Burco oo shaqadoodii xukuumaddu u leexisay ganacsade Al-jaaburi, beddelaad la’aanta lacagta giimbaarta ah iyo xadhigga loo gaystay ganacsadihii maalgelinayey mashruuca naaxinta xoolaha ee Burco.

Arrimahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa sababay inay sii yaraato taageeradii xukuumadda iyo xisbiga UDUB ku lahaayeen magaalada Burco.





Jamhuuriya Online