Saturday 23 January 2010
KULMIYE’s Top Diplomat Speaks of his US Visit 2010012010
KULMIYE’s Top Diplomat Speaks of his US Visit
London (JMG)- After meeting with the United States officials and the Somaliland Diaspora, KULMIYE’s top diplomat, Dr. Mohamed A Omar, has today arrived in London and said his party is best placed in advancing Somaliland interest internationally.
Speaking to the media on his arrival, Mr. Omar stated that the delegation led by KULMIYE’s Chairman, Mr. Ahmed Silanyo, of which he was a member of, had been warmly received by the Obama administration officials and Congressman Donald Payne in Washington.
He added that the discussions they had with the US officials mainly focused on “Somaliland’ needs for economic and political support and on ways of reducing the security concerns in the region”.
KULMIYE’s Foreign Affairs Spokesman said that their delegation had presented their foreign and security policy initiatives to the US officials ahead of Somaliland’s upcoming presidential election and had asked for increased US aid to Somaliland.
“In a well attended conference held in Washington in honour of the delegation, Mr. Silanyo has talked about Somaliland’s achievements as well as challenges ahead, and requested the international community to double the support it gives to his country,” said Mr. Omar.
While in Washington, the delegation has met with the former US Assistant Secretary of State, Hon. Princeton Lyman, Congressman Donald Payne, Mr. David Shinn, former US ambassador to Ethiopia, USIAD and State Department Officials and members from the Foreign Relations Council and the National Endowment for Democracy.
In a concluding statement, Mr. Omar said that he was astonished by President Rayaale’s accusation of the American administration and Congressman Payne as being anti-Somaliland. He added that KULMIYE party is well connected with the US and the international community and therefore best placed in advancing the interest of the Somaliland people internationally.
Jamhuuriya Online
Ururka Mujaahidiinta SNM oo xukuumadda Uga Digay Xadhiga Biri-ma-gaydadii Dalka u soo Halgamay
Ururka Mujaahidiinta SNM oo xukuumadda Uga Digay Xadhiga Biri-ma-gaydadii Dalka u soo Halgamay
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay Afhayeenka ururka midnimada mujaahidiinta SNM Mujaahid
Hargeysa (GNS)- Ururka Midnimada Mujaahidiinta SNM, ayaa xukuumadda Rayaale uga digay xadhigga iyo cago-jugleynta ah mujaahidiinta biri’magaydada ah ee u soo halgamay xorreyntii dalka, iyaga oo sheegay in aanay u dulqaadan doonin xadhig iyo hanjabaado lagula kaco mujaahidiinta.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay Afhayeenka ururka midnimada mujaahidiinta SNM Mujaahid Kayse Ismaaciil Cali (Hirka) oo uu xalay soo gaadhsiiyey wargeyska Jamhuuriya, kaas oo u qornaa sidan;
“Waxaannu u sheegaynaa, ugana digaynaa xukuumadda haddii ay hore isaga xidhxidhay rag ka mid ah mujaahdiinta dalka u soo halgantay iyo birimagaydii dalku lahaa, isla markaana cid kasta oo karaamo iyo maamuus dalkan ku lahayd ay ka ergaysay xadhiggaa dulmiga ahaa. Balse Rayaale aanu cisayn dadka kala duwan ee ergada ugu taga mujaahidiinta uu xidhxidho, iyada taariikhdu ay xusi doonto Yawn Minalayam.
Haddaba sidaa daraadeed, maanta ka oggolaanmayno dulmi iyo sharci-darro iyo handado loo gaysto birimagaydii halkankii SNM iyo cid kasta oo muwaadin ah oo sifo sharci-darro ah lagu dulmiyo. Shacbiga Somaliland waxaanu u sheegaynaa inay ka digtoonaadaan xaalad-abuurka iyo iska horkeenka ay kula dhex jirto xukuumaddu.”
Jamhuuriya
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay Afhayeenka ururka midnimada mujaahidiinta SNM Mujaahid
Hargeysa (GNS)- Ururka Midnimada Mujaahidiinta SNM, ayaa xukuumadda Rayaale uga digay xadhigga iyo cago-jugleynta ah mujaahidiinta biri’magaydada ah ee u soo halgamay xorreyntii dalka, iyaga oo sheegay in aanay u dulqaadan doonin xadhig iyo hanjabaado lagula kaco mujaahidiinta.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay Afhayeenka ururka midnimada mujaahidiinta SNM Mujaahid Kayse Ismaaciil Cali (Hirka) oo uu xalay soo gaadhsiiyey wargeyska Jamhuuriya, kaas oo u qornaa sidan;
“Waxaannu u sheegaynaa, ugana digaynaa xukuumadda haddii ay hore isaga xidhxidhay rag ka mid ah mujaahdiinta dalka u soo halgantay iyo birimagaydii dalku lahaa, isla markaana cid kasta oo karaamo iyo maamuus dalkan ku lahayd ay ka ergaysay xadhiggaa dulmiga ahaa. Balse Rayaale aanu cisayn dadka kala duwan ee ergada ugu taga mujaahidiinta uu xidhxidho, iyada taariikhdu ay xusi doonto Yawn Minalayam.
Haddaba sidaa daraadeed, maanta ka oggolaanmayno dulmi iyo sharci-darro iyo handado loo gaysto birimagaydii halkankii SNM iyo cid kasta oo muwaadin ah oo sifo sharci-darro ah lagu dulmiyo. Shacbiga Somaliland waxaanu u sheegaynaa inay ka digtoonaadaan xaalad-abuurka iyo iska horkeenka ay kula dhex jirto xukuumaddu.”
Jamhuuriya
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo Deedafeeyay Hadal ka Soo Yeedhay Ku Xigeenkiisa.20100123
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo Deedafeeyay Hadal ka Soo Yeedhay Ku Xigeenkiisa.
“Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waa Murashax Madaxweyne, Xisbi iyo ummad dhan ayuu ka wakiil yahay, Anaga Sharaf ayuu Naga Mudan Yahay”.
“Wax la Yidhaahdo ha Lagu Joojiyo iyo ha lagu Dhaleeceeyo midna ma Hayno”
Hargeysa(Ramaas) Jan. 23, 2010 - Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa maanta gaashaanka ku dhuftay hadal ka soo yeedhay Wasiir Ku Xigeenkiisa Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Keyse) oo sheegay inaanu dalka dib ugu soo laaban karin Guddoomiyaha KULMIYE haddii aanu raali gelin ka bixin wax uu ugu yeedhay mab’diisa Faderaalka ah.
Wasiirka Arrimaha dibadu wuxuu sheegay in Axmed Siilaanyo uu yahay duq weyn oo Somaliland u maqnaa kana mudan Xukuumada Somaliland sharaf.
Wasiirka Arrimaha dibadu wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa waxaanu ka hadlay hadalka ka soo yeedhay Wasiir Ku Xigeenkiisa waxaanu yidhi “Waxa weeye arrintaasi arrin xukuumada ka suurto gasha ma aha, arrin xukuumada ka timidna maaha, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE maanta waa murashax Madaxweyne, xisbi iyo ummad dhan ayuu ka wakiil yahay waa muwaadin reer Somaliland ah Anaga sharaf ayuu naga mudan yahay. Taariikhda iyo aragtida dadka ayaa sheegaysa waxa uu yidhaahdo iyo qiimayntiisa. Anagu wax maanta la yidhaahdo ha lagu joojiyo iyo halagu dhaleeceeyo midna ma hayno,”ayuu yidhi Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale isagoo hadalkiisa sii watayna wuxuu yidhi “Waa odaygaas naga mudan sharafta waxaanu rajaynaynaa inuu dhakhsana dalkiisa ugu soo noqdo haddii uu dibad ku maqnaana uu wanaag dalka ka sheegay oo uga hawl galay qadiyada Somaliland cidii uu arkayba waxaanu ognahay inuu la kulmay Donald Payne.
Waxa kale oo aanu ognahay inuu arkay ninka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somalia/Somaliland waxaanu rajaynaa inuu ahaa duq u maqnaa qaranka, marka uu yimaadana uu noo waramo oo uu na soo maro oo uu xidhiidhada dawladaha halka ay marayso warbixin naga siiyo.”
Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale waxa uu ka waramay socdaaladii uu ku tagay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti waxaanu tilmaamay inay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga cilaaqaadka ka dhexeeya Somaliland iyo wadamada gobolka.
Wasiirka arrimaha dibada oo la weydiiyay aragtidiisa la xidhiidha warar sheegayay in Madaxweynaha Jabuuti uu dagaalo ka abaabulayo gobolada barriga Somaliland gaar ahaan magaalada Laas-caanood waxaanu yidhi “Horta waa nasiib darro oo waa warar aan jirin oo aan sal iyo raadtoona lahayn. Oo waliba nin madaxweyne ah oo ah dal jaar ah oo la isku xidhan yahay in la aflagaadeeyo. Ismaaciil-na kama suurto gasho arrintaasi, wax olale ah oo aanu odhan karno dawlada Jabuuti waxaasi ayay wadaa kumaanu arag. Waxaan odhan karaa illaa halgankii gacan saar ayaa naga dhexeeyay. Todobaadkii u dambeeyay Wasiiro labada dal ah ayaa ku shirayay Degmada Saylac.”
Ramaasnews Desk
Hargeisa
Shacabka hargeysa ayaa saaka mar kaliya indhaha ku kala qaaday hadal dhawaan ka soo yeedhay wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha Dibada Md Kayse.201
Hargeysa (Saraarnews.com), Shacabka hargeysa ayaa saaka mar kaliya indhaha ku kala qaaday hadal dhawaan ka soo yeedhay wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha Dibada Md Kayse.
Hadaladaasi ayaa saaka waxaa lagu soo daabacay bogaga hore ee joornalada ka soo bax hargeysa, gaar ahaan wargayska caanka e Geeska Afrika, in kastoo ay hore u baahiyiyeen baraha internet-ku.
Wargayska ayaa saaka aroorti hore guud ahaan laga waayey suuqyada lagu iibiyo joornaalada waxaana kor u kici gaadhay qiimaha lagu iibiyo.
Warkan ayaa waxa uu saamayn weyn ku dhex yeeshay caasimada Somaliland, meel kasta xaafadaha, basaska la raaco ee qaada rakaabka, maqaaxiyaha lagu gorfeeyo siyaasada
Saamayntaas ayaa keentay in mar kaliya markii warkaasi saaka soo if-baxay shacabka reer hargeysi ay isa soo dhoobo wadooyinka iyo meherada hortooda.
Shacabka ayaa waxay door bideen in ay dhigaan mudaharaadyo salmi ah, isla markaana ay socod ku maraan wadooyinka iyo jidka hor-mara madaxtooyada Somaliland.
Dareenka shacabka ayaa ilaa iyo abaaro 12:30 duhurnimo isa soo taraayey. Hase ahaatee wasiirka wasaarada arrimaha dibada Md C/laahi Maxamed Ducaae ayaa faro cidideed ku fashiliyey is abaabulka shacbka.
Wasiirka ayey khasab ku noqotay in uu hadalka ku xigeenkiisa ka soo yeedhay beeniyo, isga oo eegay maslaxada dadweynaha iyo karaamada masuulka la weeraray.
C/laahi Maxamed Ducaale ayaa si deg deg u gaadhay idaacada iyo Tv-ga ku hadla afka xukumada madaxweyne Riyaale, dadweynahana u sheegay in aanu wasiir-ku-xigeenku afkiisa ku hadli Karin, arrinkaas uu sheegayna aanay waxba ka jirin.
Si kastaba ha ahaatee dadweynuhu markii ay warkaasi maqaleen waxay u kala qado doonteen guryahoodii, waxaana baaqday mudaharaadyadii ay dhexdooda ka soo abaabulayeen.
Ilaa hada ma jiraa wax rabshado ah oo ka bilaabay magaalada hargeysa, waxaana degen goobihi saaka laysku uruursanaayey oo hada u muuqdo goobo caadiya.
Saraarnews
Hargeysa/Somaliland
Reported by:- Ibraahim Abdirahmaan Qaasim
Fadhigii Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta markii labaad baaqday 20100123
Hargeysa(Ramaas) Jan. 23, 2010 - Fadhigii Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta markii labaad baaqday ka dib markii ay Golaha ka soo xaadiri waayeen Xildhibaanadii muxaafidka ahaa ee taageera xukuumada Madaxweyne Rayaale ee uu hoggaaminayay Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad Sh. Axmed Sh. Nuux Furre.
Fadhigii maanta loo balansanaa ayaa waxa ka soo xaadiray 20 Mudane oo kaliya oo ay ku Jiraan Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiye Ku Xigeenka labaad Md. Siciid Jaamac Cali.
Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, oo Mudaneyaashii Golaha yimid hadal kooban u jeediyay ayaa sheegay in maanta oo loo balansanaa in Goluhu fadhi yeesho ay Xildhibaano badani iman waayeen oo ay ka baaqdeen waxaanu tilmaamay inaanu garanayn waxay uga baaqdeen fadhiga.
Guddoomiyuhu wuxuu Xoghaynta Golaha faray inay diiwaan geliyaan Mudaneyaasha golaha yimid iyo kuwii ka soo xaadiri waayayba, waxaanu Xildhibaanada ku wargeliyay inay maalinta barri ee Axada ay u soo diyaar garoobaan fadhigii Golaha.
Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hadal kooban oo uu u jeediyay Xildhibaanada wuxuu ku bilaabay oo uu akhriyay Suurtul Faatixa waxaanu yidhi “Waxaan Anigu quraanka u akhriyay iyadoo ay fadhiyaan culimadii inoo akhriyi jirtay waxa weeye maanta waa fadhigii labaad ee Golaha lagu kala maqan yahay iyadoo Goluhu fadhi uu lahaa.”
Wararkii ugu Dambeyay ee Golaha Guurtidda 20100123
Wararkii ugu Dambeyay ee Golaha Guurtidda iyo Khilaafkii Golaha oo La Filayo inuu Dhamaado
Hargaysa(iftinnews)01/23/2010Golaha Guurtida Somaliland ayaa la filayaa inay maanta isugu yimaadaan fadhi ku xidhiidhsan kalfadhigooda caadiga ah, Islamarkaana ka madax-banaan khilaafaadka qaybiyay Xildhibaanadda iyo shirgudoonka Golahaasi.
Warar aanu ka soo xiganay illo kala duwan oo ku arroora Golaha Guurtida ayaa tibaaxay in todobaadkii aynu ka soo gudubnay tiraba dhawr jeer ay kulmeen shirgudoonka Golahaasi, kuwaasoo ka arinsanayay Is maandhaafka ka dhex taagan. Waxaana xogahaasi tibaaxeen in ugu danbeyn Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan iyo labadiisa Gudoomiye Ku xigeen lagu dhexdhexaadiyay in ay Golaha dibaddiisa ku soo dhameeyaan khilaafka ka soo cusboonaaday Guurtida. Islamarkaana fadhiga maanta laga ilaaliyo in lagu soo qaado arrintaasi, balse uu ku ekaado oo lagaga doodo Ajandayaashii caadiga ahaa ee Goluhu ka hadlayay kalfadhigan 39-aad. In Kasta oo wararku sidaa sheegayaan, haddana ma jiro dhinac rasmi ahaan u xaqiijiyay arrintan iyo xataa cid damaanad qaadi karrta in fadhigani turxaan la’aan ku dhamaan doono iyo in kalle maadaama khilaaf xoog lihi jiro.
Is-maandhaafka Guurtida ayaa soo shaacbaxay ka dib markii Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, Is bedel ku sameeyay guddi hoosaadka Golaha Guurtida, iyadoo uu dalka dibada kaga maqan-yahay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aaden. Toosoo ay guddiga joogtada ahi ku gacan-saydheen, soona dedejisay imaanshaha dalka ee Gudoomiyaha Guurtida.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md Saleebaan Maxamuud Aaden, ayaa sharci darro ku tilmaamay talaabadda lagu bedelay guddiyadda, waxaana la sheegay in uu labadiisa guddoomiye ku xigeen ka dalbaday inay ka noqdaan isku shaandhayntaasi, hasse ahaatee waxaa la sheegay in aan ilaa hadda la isla meel-dhigin arrintan oo Xildhibaanadda Guurtida laftoodu ku kala qaybsan-yahay.
Wararku waxaa ay sheegayaan in kullamadii ugu danbeeyay ee shirgudoonka la iskulla gartay in wadda-hadaladu dibadda ka socdaan Islamarkaana Goluhu hawlihiisa caadiga ah sii watto. Iyadoo aanay Golaha ka soo xaadiri doonin inta laga heshiinayo, sida xoguhu tibaaxeen affar muddane oo ku xigeenadda Gudoomiyuhu hore uga joojiyeen Fadhiyadda Golaha , balse Gudoomiye Saleebaan dib ugu qoray qoraal uu ku burinayo xayiraadaas hore loogu soo rogay.
Heshiiskan guud ka sokow, waxaa jiray ollole iyo dedaal xoogan oo labadan dhinac ku kala jiidanayaan Xildhibaanadda Guurtida oo la sheegay inay aragti ahaan kala taabacsan-yihiin Gudoomiyaha Guurtida oo mucaaradku u arrko in lagaga soo duulay Madaxtooyadda iyo Labada Gudoomiye ku xigeen oo muxaafadka dhabarka ku haya.
Axmed Maxamed Siilanyo Oo La Kulmay Congresman Keith Ellison 20100123
Axmed Maxamed Siilanyo Oo La Kulmay Congresman Keith Ellison
January 23rd, 2010 Comments Off
(Somaliland.Org Washington DC USA) Goddoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Maxamed Siilanyo wuxuu maanta oo taarikhdu tahay Jan 21, 2010 kula kulmay aqalaka Kongreska ee Mareykanka xildhibaan Keith Ellison oo ah xildhibaanka ka soo jeeda ah gobolka Minnesota, gobolkaas oo ah meel Soomaalidu aad ay u deggen yihiin.
Congresman Keith waa xildhibankii ugu horreyay ee Mareykan ah oo diinta Islaamka aaminsan, isla markaasna qeyb weyn ka qaata hawlaha iyo arrimaha ku saabsan Soomalida dalka Mareykanka deggan. Si wanaagasan oo qalbi furan ayuu Mr. Ellison ku qaabilay guddoomiyaha isagoo isla markaa tilmaamay inuu u heeggan yahay inuu Somaliland wax la qabto. Arrimihii guddoomiye Siilanyo kala hadlay xildhibaan Ellison waxaa ka mid ahaa in taggeero buuxda laga helo waddanka Mareykanka sidii dhaqaalaha iyo difaaca Soomaliland loo kobcin lahaa. Waxaa kaloo guddoomiyu carrabka ku dhutay in la xoogiyo geddisoctka dimoqraadiyadda Somaliland oo doorashada madaxtooyada la hantiyo si wanaagsan oo buuxdana Mareykanku iyo EU duba uga qeyb qaataan si lo helo doorasho xor oo xalaal ah.
Ballan culus ayuu Congressman Keith qaaday inuu dadal cusub hawshaas dhexda u xirto, waxayna ku af jareen shirkii kuna heeshiiyeen inay khabaar joogta ah iyo xidhiidh adag labada dhinacba laga sameeyo.
Somaliland.Org
Washington DC USA
Axmed Siilaanyo Oo Si Weyn Loogu Soo dhaweeyay Columbus Ohio 20100123
Axmed Siilaanyo Oo Si Weyn Loogu Soo dhaweeyay Columbus Ohio
January 23rd, 2010 Comments Off
Soo Dhoweyntii Gudoomiye Axmed Siilaanyo Ee Magaalada Columbus Ohio
(Somaliland.Org Columbus Ohio USA ) Wefti uu hogaaminayo Gudoomiyaha xisbiga Siyaasiga ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo beryahanba booqasho ku marayay dalka Mareykanka ayaa maanta oo bishu tahay 23 January 2010 kasoo degay gagida diyaaradaha ee Columbus International Airport. Waxaa weftiga uu Axmed Siilaanyo hogaaminayo si diiran oo aan loo kala hadhin ugu soo dhoweeyey madaarka magaalada dad weyne aad farobadan oo ay hormood ka yihiin taageerayasha Kulmiye ee Magaalada Columbus.
Guddida Kulmiye Ee North America
January 23rd, 2010 Comments Off
Soo Dhoweyntii Gudoomiye Axmed Siilaanyo Ee Magaalada Columbus Ohio
(Somaliland.Org Columbus Ohio USA ) Wefti uu hogaaminayo Gudoomiyaha xisbiga Siyaasiga ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo beryahanba booqasho ku marayay dalka Mareykanka ayaa maanta oo bishu tahay 23 January 2010 kasoo degay gagida diyaaradaha ee Columbus International Airport. Waxaa weftiga uu Axmed Siilaanyo hogaaminayo si diiran oo aan loo kala hadhin ugu soo dhoweeyey madaarka magaalada dad weyne aad farobadan oo ay hormood ka yihiin taageerayasha Kulmiye ee Magaalada Columbus.
Guddida Kulmiye Ee North America
Hadduu wax ka qaban waayo wuu ogal yahay ama wuu ka ka danbeeyeyay Wareysi axmed siciid cige ka qaaday Muuse Biixi
Hargeysa, January 22, 2010 Haatuf – Ku simaha Guddoomiyaha KULMIYE isla markaana ah Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa dhaliilo waawayn xukuumada uga soo jeediyey xadhiga la sheegay in xukuumadu ay la maagan tahay mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi iyo dilkii ay dhawaan ciidanka bilayska Wajaale ay ku toogteen labadii marxuum ee dhalin yarada ahaa.
Waxa kale oo uu xukuumada dhaliilo uga soo jeediyey dilalka ay ciidamada Amaanku ay kula kacaan dadka shacabka ah oo uu tilmaamay inaanay hawsha ay hayaan u tababarnayn.
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu shalay la yeeshay wariye Axmed Siciid Cige,kaas oo uu sidoo kalena kaga hadlay khilaafka cakiran ee ka dhex aloosan shirgudoonka golaha guurtida oo uu ku baaqay in si dhakhso ah xal dhamays tiran looga gaadho.
waraysigaasina oo ugu horayn la waydiiyey, arinta ay C.I.D-du ugu yeedheen siyaasiyaga Eng: Maxamed Xaashi Cilmi iyo arinta laba qof ee todobaadkan ay bilaysku ku dileen dagmada Wajaale.
Isagoo ka hadlaya arintaasina waxa uu yidhi “waa nasiib daro wayn in maalin walba bilayskeenu laayo dad caadiya oo shacaba oo si khaldan uu u laayo, arintaa dhaliisheeda koowaad waxa leh xukuumada uu hogaamiyo Daahir Rayaale waxay ahayd bilayska in la tababaro, in loo sheego waxay qabanayaan, bilayska in loo tababaro ayey ahayd dadka inay nabad galiyaan cadawgana laayaan, imika tusaalaan kusiinayaa shalay (doraad) labaa laga keenay meyd ah Wajaale maalin dhawayd golaha wakiilada buuqii ka jiray laba meyd ah ayaa laga qaaday,maalintii ka horaysay xaafadaa Axmed Dhagax oo mudo haraaday labaa lagu dilay tii ka horaysay ee Riigiina labaa lagu dilay, tii kasii horaysay qolo dhul lagu haysto oo wasaarada hawlaha guud ay isku haysteen labaa lagu wada dilay, markaa waxa weeyaan laba qof oo gaadhi ku wada jira ama meel wada taagan ayaa markaaba layska tooganayaa. Inta ,mid mid loo dillay ee kiis caynkaas ah oo bilayska ka dhacay wuu faro badan yahay arintaasi eedeeda waxa leh madaxda xukuumada ayaan tababarin baan qabaa bilayska waayo dadkii inta dhimatay ee qof qof u dhimatayna tiradeeda imika ma hayo laakiin kolay sodon korbay u dhaafaysaa intii ay xukuumadu jirtay iyo tobankan, markaa arintaasi waa aafo qaran oo soo koradhay oo u baahan in si qaranimo ah looga hor tago xukuumadan dhaliisheedu dhan u dhaafi mayso.
S: Horta adigu sarkaal ciidankana waad ahayde sideebaad is leedahay waa looga baxayaa, oo xukuumaduba way joogtay oo madaxweynuhuna xataa tacsibuu u diray oo kuma faraxsana iyaga laftoodu, laakiin askarta waad ogtoo wax aan tababarnayn weeyaan ?
J: Madaxweynuhu waxa uu fadhiyey meesha todoba sano iyo badh uu madaxweyne ahaa iyo shan kuxigeen uu ahaa wuu tababari karayey ciidanka, in loo sheego ciidanka xilkoodu inuu yahay dadka inay nabad galiyaan cadawgana ay ka ilaaliyaan, waa in falsafadu horta taa ay noqotaa, askariga waa in la tababaraa wuxuu qabanayo, goormu xabad dhuunta gaynayaa,goormu ridayaa waxani waa shuruuc dhan oo la garanayo oo ragan ciidamada hayaa aanay garanayn laakiin waxa soo dhacday arin ka dhib yar nabad galyadaanu ilaalinaynay marka la dilo laba odaybaa loo yeedhaa oo la yidhaa 5 kun ka qaado magta dawladaa bixinaysee cashuurtiina magtay ku bixinayaan, dadkiina way adoominayaan oo way baqo galinayaan, taasina wax la qaadan karo maaha markaa waa inay xukuumadu siyaasad cad ka yeelataa, hadii aanay siyaasad cad ka yeelana Insha allahu qaar siyaasad cad ka yeesha oo ummada nabad galiya baa iman doona.
S: Waxa kale oo aad kusoo hadal qaaday hadalkaaga arinta ku saabsan siyaasiga Maxamed Xaashi Cilmi oo haatan KUMLIYE Ka tirsan oo maalmahanba ay jirtay in looga yeedhay xarunta C.I.D-da oo qoraal rasmiya la gaadhsiiyey oo Maxamed laftiisu uu cadeeyey bal ka waran arintaasi mawqifka xisbigiina ?
J: Arintaasi oo arin aad looga xumaado ah layaab malaha taariikhdan Somaliland aadbay u khaldan tahay Maxamed Xaashi iyo raga lamida ee halgankii naftooda dalka usoo huray inbadana inay wax wanaajiyaan noloshoodii ku dhamaystay ixtiraam iyo qadarin iyo muunayn bay dalka ka istaahilaan laakiin ummadanaa yaab leh oo dadkoodii karaamada laha maalin walba wax aanay gayin lagula kacayaa, qolodan maamulka haysa la yaabi maayo iyaga oo intaa u dhaafi maayo, caqligoodu waa kaa siiyey Maxamed Xaashi Cilmi xidha ee aan laba cali deero-deero hirdiyin hadana markale doonaya inay xidhaan iyaga caqligoodu waa kaa, laakiin ummadan dhan ee Somaliland ee dadkooda karaamada leh ee usoo halgamay lagu hor jiid jiidayo ayey sharaf jab iyo nusqaan ku tahay.
S: Sharciga saw looma sina oo hadii masalan wax uu qoray lagu haysto saw looma yeedhi karo ?
J: Tuugta iyo waxa dadka dila iyo waxa mushtamaca dhibaya ee Station-nada looga yeedhaa, Maxamed Xaashi iyo raga odayaasha ah iyo ninka oday ah hadii wax laga tirsanaayo hab loo soo maro bay leedahay oo maxkamadaa la geeyaa oo kiisku intuu leegyahay baa la eegaa, maxkamada waaran soo goysa oo wado lagu qanac sanyahay isna uu ku qanacsan yahay laakiin Maxamed Xaashi maaha tuugta (House browking) kuwa aqalada jabiya oo kale ah.
S: Xogogaal baad u tihiin oo Maxamed xisbigiinu ka tirsan yahay maxay tahay arinta loogu yeedhayo warqada ku qoran?
J:Warqada wax ku qoran ma jiro waxa weeyi C.I.D-da ku waraysanaysee askarigaa soo raac intaasa ku qoran, intiina wuu diiday wax la aqbali karana maaha.
S: Muuse waxa kale oo jirtay in maalmahan aad ku hawlanaydeen adigoo ah ku simihii Guddoomiyaha KULMIYE iyo ku simaha UCID Aadan Waqaf arintii khilaafkii Guurtida oo shirgudoonka aad isla jiid jiidayseen ka waran arintaasi halkay maraysaa ?
J: Horta arintaasi saamayn wayn bay dalka iyo inagaba inagu leedahay,waxa muuqata cid abuurtayba fidmo in laga dhex kiciyey Guurtidii oo gilgil wayni ka jiro, horta guurtidu xaga sharciyan waa aqalka sare labada aqal xubnaha joogaa iyaga ii dhig cidii wax ka sheegaysa dhaliisheeda kolba ciduun baa joogi doonta laakiin waa aqal distuuriyan iyo qanacaad wax walba u fadhiya khal khal wayn iyo buuq baa soo galay anagu markaa af iyo adinba waxaanu ka ordaynay in khal khalka la damiyo waayo doorashadii baynu u diyaar garoobaynaa, Guddoomiyihii iyo Guddoomiye ku xigeenkiiba iyo joogtadii ay isku qasbaan waxba noo socon maayaan, markaa waanu ka hawl galnay anagu waanu u tagnay labada oday ee isku xigaba labadaba waanu abiil garaynay inay arintaa dhulka dhigaan oo ay waxooda ku dhamaystaan gudahooda saxaafadana sidaasanu kala hadalnay kana hadhi mayno nin wal oo xubin Guurtida ah waxaanu leenahay waar arintaasi maanta inama anfacdo oo halkaa qaylo kama filaynee arintaa dhulka dhiga, sidaa baananu nin walba ka baryeynaa waayo xalkale waanu u garan waynay,nasiib daro waxay ahayd markuu shalay (doraad) ka hadlayey ninkan odayga ah ee madaxweynuhu waxaan qabaa arintaa kamuu gudan waajibaadkiisa oo muu damin dabkaa, anigu odhan maayo si uu ugu lug lahaa Ilaahay baa iga og laakiin muu damin dabkaa oo roolkiisa kamuu qaadan.
S: Labadiina xisbi mucaarid waxaad ku eedaysaan inay xukuumadu ka danbaysay arinta khilaafkan madaxweynuhuna shalay (doraad) wuxuu yidhi shuqul kuma lihin oo anagu arintaasi shirgudoonka golaha ayaa is haya iyagay u taalaa oo iyagay tahay inay heshiiyaan golahana ay heshiisiiyaan taa ka waran ?
J: Horta waxa lagu eedaynayaa madaxwenuhu hadaf qaran oo dhan buu masuul ka yahay markii meel mushkiladi ka timaado ama hay’ád ama gobol ama beel wuxuu xaq u leeyahay inuu dawo u doono, waxaanu ku dhaliilaynaa oo u eekaanaysaa haduu qaban waayana inuu ogal yahay ama ka danbeeyey, waxaanu ku dhaliilaynaa waxay ahayd markaaba hortayo in isaga laga arko dhaqdhaqaaq uu u caqli celiyo oo leeyahay maanta doorashadii baynu galaynaa dhaqdhaqaaq uma baahnin waar wixiina damiya taa lagama hayo, taa hadaan laga hayn muu jecel yahay inuu dabku socdo mise wuu soo abaabuley inuu dabku bakhtiyo ninka ku tuhmaa layaab malaha, imikadana waxaanu ka doonaynaa inuu damiyo, talaabana kamuu qaadin umana muuqato inuu daminayo colaada.
Haloo midoobo talada Caamka ee qaranka 20100123
Maanta arrimaha nabedgelyado dalku waxay marayaan meel adag. In arrimahaa laga midoobo meel leyska wada taago waa waajib qaran. Weliba waxaan shacab-weynaha ku leeyahay waa in gacan la siiyaa booliiska shaqeynaaya. Ciidamada amniguna waa iney heystaan macluumaad ku filan oo ay si fiican u shaqeeyaan sirdoonka dalka oo ay ku jihoobaan dhinaca cadawga dalka ayney sirdoonka loo tusin in cadawga kowaad ee dalku yahay xisbiyada qaranka.
Khudbaddii dhaweyd ee madaxweye Rayaale waxaa la filaayey in uu umadda u jeediyo khudbad ku jiheysan amniga iyo khilaafaadka qaranka. Inta badan madaxweynuhu warbixintiisu waxay aheyd mid difaac ah oo qodobkuu soo qaadaaba ay tahay naftii difaac . Ciduu iska difaacayayna waa axsaabta qaranka ( Kulmiye iyo Ucid ). Waxay aheyd, ilayn waa madaxweynihii qarakee, inuu ka hadlo wax ummada mideeya, xaaladaha adage ee dalku ku jirna u mideeya. Weli waxaa ka maqan aanu garan in uu madaxwene u yahay siilaanyo iyo feysal cali waraabe.
Mudane madaxweyne, annagu haddaanu mucaaridka nahay meelkasta oo aanu joogno debed iyo gudo waxaanu ka shaqeynaa midnimida ummadda, aqoonsiga Somaliland, walaaleynta shacbka iyo horumarinta dalka. Waxaase dhab ah in aanu ummadda mid guda jooga iyo mid debed joogaba aanu u sheegno,ugana warano in maamulkanu uu dayacay dalkii iyo dadkiiba, loonana baahanyahey isbeddel dhab ah . Dadkuna dayaca maamulkan waa ogyahey. Isbeddelna iyagaa dadku u diyaara ee ha ogaadeen.
Wuxuu maalintii dhaweyd madaxweynuhu yidhi waxaa nala yidhaa wixii xunba Xaawa leh. Haddi sidaas aad u markhaati furtey haddii aad wax wanaagsan qaban laheyeen waxey noqon laheydeen wixii wanaagsan Xaawa leh. Wuxuu aad u difaacaayey dayacii doorashadu dib ugu dhacdey oo ay masuul ka ahaayeen . khilaafka guurtida oo madaweynu kaw ka yahay, dhulka iyo gasiiradaha la iibiyey oo sharci darada ah,siyaasadooda liidata ee arrimaha debeda, arrimaha nabargelyo xumo ee ka soo korodhay bareha. Wuxuu madaxweynuhu arrimahaas iyo qaar kale oo uu soo qaatey ayuu ku tilmaamey in ay mucaaridkuu nagu canaanayaan haddey laba digaagood suuqa isku qabsadaan . Madaxweyne arrimaha aanu ka waaweyn laba digaagood oo isdiley ee waa arrimihii ugu cuslaa qarankan aad madaxweynaha ka tahay.Waxaasoo dhanna ama ka galgalo amma ha ka galgalane masuuliyaddeeda adiga leh. Waana sababta dalkanu ugu baahanyahay isbeddelkas si arrimahaas aad dayacdey loo badbaadiyo ilaahay ayaa wax badbaadiya.
Dr.Cabdi Aw Daahir Cal
Subscribe to:
Posts (Atom)