Sunday 14 February 2010

Wargeyska ogaal

Wararkii Wargeyska Ogaal Cadadkiisii Maanta oo Axad ah



Guddigu weli wax talooyin ah ma ku celiyeen Shirguddoonka?

Guddoomiyaha Guurtida oo ka hadlay geedi-socodka dhexdhexaadinta khilaafka golahaas
“Hawshaa mar haddii guddi loo xil saaray, guddi waa tii hawsheeda loo dhaafaa, ilaa ay…” Gudd. Guurtida……..WARAYSI GAAR AH

Guddigu weli wax talooyin ah ma ku celiyeen Shirguddoonka?
Guddoomiyaha Guurtida oo ka hadlay geedi-socodka dhexdhexaadinta khilaafka golahaas
“Hawshaa mar haddii guddi loo xil saaray, guddi waa tii hawsheeda loo dhaafaa, ilaa ay…” Gudd. Guurtida……..WARAYSI GAAR AH
Hargeysa 14, Feb.2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadam, ayaa ka hadlay hawsha guddi loo saaray xal-u-helida khilaaf muddooyinkii u dambeeyay ruxay golahaas.
Guddigaas oo ka kooban sagaal Mudane oo Guurtida ka tirsan, waxa uu goluhu magaacabay Arbacadii aynu ka soo gudubnay, ka dib markii xubnaha Shirguddoonku golaha ka hor caddeeyeen in aanay wax natiijo ah ka gaadhin wadahadalo la xidhiidhay khilaaf muddooyinkii u dambeeyay u dhexeeyay, isla markaana golaha ugu soo celiyeen si xal guud looga gaadho.
Hase yeeshee, Guddoomiyaha Guurtidu waxa uu sheegay in guddigu aanay weli wax talo ah Shirguddoon ahaan ku soo celinin. “Hawshaa mar haddii guddi loo xil saaray, guddi waa tii hawsheeda loo dhaafaa, ilaa ay wax soo celisana aniguna ka qaadi maayo, cid kale inay ka qaadana ma ogoli,” ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadam oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay hawsha dhexdhexaadinta khilaafka Guurtida. “Guddigu weli way maqan tahay, dhakhsana waanu uga filaynaa inay talooyinkooda keenaan,” ayuu raaciyay.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in aanu jirin waqti cayiman oo ay guddiga ku balansan yihiin inay talooyinkooda ku keenaan. “Kollay, maalin walba waanu isu imanaynaa, subax walbana waanu tagnaa meesha – halka ay marayaan. Markaa hadda wax war ah oo la idinka siin karaa ma jiree, marka guddigaasi ka soo baaraan degto ee talooyin keento ha inoo ahaato,” ayuu yidhi.
Mar la waydiiyay in waxyaabaha ay Shirguddoon ahaan isku hayaan, iskuna afgaran waayeen ay ka qoto dheer tahay khilaafkii ka dhashay wax-ka-bedelkii guddiga Joogtada ah, waxa uu ku jawaabay; “Kollay, khilaaf golaha saameeyay baa ka dhashay (bedelkii guddiga), taas baana daawo loo rabaaye, wixii guddigu keento ka hordhici maayo,” ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.
Dhinaca kale, Xildhibaan Aadam Shire Faarax oo ka mid ah guddiga loo saaray dhexdhexaadinta khilaafkaas, waxa uu sheegay in aanu jirin wax ay weli guddi ahaan isla qaateen. “Walaahi, Ilaahay baa og, ilaa haddeerna ma cadda, mana garan karto inta ay qaadan karto,” ayuu yidhi Xil. Aadan Shire oo uu xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhay Wargeyska Ogaal. “Waxba kumaanu celin (Shirguddoonka), waxbaba maanu gaadhin oo markaanu wax gaadhno uun baanu wax celin karnaa,” ayuu raaciyay.
Mar la waydiiyay inay jiraan qodobo guddi ahaan ay isku mari la’yihiin, waxa uu ku jawaabay; “Wax kasta oo la isla maroba, waxa nuxurku yahay waxa la isla gaadho, waana in natiijo la isla gaadho ama la islaba gaadhi waayo.”

Mudane ka tirsan golaha Wakiillada oo ku baaqay in casuumad loo fidiyo Senator Donald Payne

Hargeysa 14, Feb.2010 (Ogaal)- Xoghayaha guddida Joogtada ah ee golaha Wakiilada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), ayaa Xukuumadda Madaxweyne Rayaale uga digay hadalada ka dhanka ah Senator Donald Payne oo ka tirsan aqalka Congress-ka Maraykanka.
Xildhibaan Nacnac oo shalay warsaxaafadeed kooban soosaaray, waxa uu Shirguddoonka golaha Wakiilada ka codsaday in golahoodu martiqaad u fidiyo Senator Donald Payne oo uu sheegay inuu xidhiidh la leeyahay shacbiga Somaliland. Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan; "Si loo taabo geliyo loogana midho dhaliyo himilada qarankan Somaliland ee Ictiraaf-raadinta, waxa aan Xukuumadda uga digaynaa ereyada ka dhanka ah mudanaha Donald Payne iyo dawlada Maraykankaba.
Waxa kale oo aanu u soo jeediyaa dadka Soomaalida ah ee ay diinta iyo dhaqankaba wadaagno ee ku haysta afduub lamaanaha Ingiriiska ah, inay siiyaan xoriyadoodii kuna sii daayaan si bilaa shuruud ah, iyagoo eegaya sharafta iyo karaamada kumanaanka Soomaalida ah ee ku nool cariga Ingiriiska.
Waxa kale oo aan Golaha Wakiilada iyo Shirgudoonkaba ka codsan lahaa in gole-weynuhu martiqaad rasmi ah u fidiyo Senator-ka ruug caddaaga ah ee Donald Payne, maadaama oo uu xidhiidh iyo damqasho la leeyahay reer shacabka Somaliland."

London: Guddi loo magacaabay taakulaynta Abwaan Boon Xirsi

London 14, Feb.2010 (Ogaal)- Guddi la sheegay inay taakulayn u raadin doonaan Abwaan Boon Xirsi, ayaa shalay lagaga dhawaaqay magaalada London.
Boon Xirsi oo ka mid ah jilayaasha loogu jecel yahay dhinaca masrax faneedka, waxa todobadii sannadood ee u dambeeyay deris la ahaa indho la’aan soo wajahday.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kooban oo shalay laga soosaaray London, guddigan oo ka kooban taakulayn iyo abaabul loo samaynayo wax u qabashada Abwaan Boon Xirsi (Bawdyo-gaab), waxa laga dhisay dalal ka tirsan qaarada Yurub iyo Ameerika. Qoraalkaas oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan; “Kulano iyo xidhiidho waayadan u socday waxgarad, aqoonyahano, odayaal , abwaano iyo weliba masuuliyiin ka tirsan Qurbajooga Somaliland, ayaa lagu gorfeeyey xaalada Abwaanka weyn ee Boon Xirsi oo ku sugan caasimada Somaliland ee Hargeysa , islamarkaana u baahan Dhakhtar Caafimaad oo wax looga qabto dhinaca Indhaha.
Kulamadan iyo xidhiidhadan ayaa dhamaantood ku saabsanaa sidii Abwaanka Somaliland loogu gurman lahaa, gaar ahaana Qurbajooga Somaliland ee Qaarada Yurub oo looga baahanyahay in ay la xidhiidhaan gudida guud ee loo magacaabay.
Gudidan guud ee la unkay ayaa tilmaamay inay Bulshada Somaliland ay wax is tari karaan hadii ay isu kacaan, gaar ahaana Qurbajooga Somaliland waajib ay ku tahay inay dadaal u galaan sidii ay dadkooda ay wax u tari lahaayeen, gaar ahaan Abwaan Boon Xirsi oo qiimo gaara ku leh bulshadeena guud ahaanba.
Ugu dambayntii waxaa la sameeyey gudi ka kooban 11-xubnood oo leh Gudoomiye, islamarkaana loogu magac daray Gudida Abaabulka iyo taakuleynta ee Abwaan Boon Xirsi.
Gudiga Abaabulka & Taakulaynta Abwaan Boon Xirsi ee Qaarada Yurub:-
1- Salebaan Cumar Ku-joog, London UK (guddoomiye)
2- Abwaan Maxamed Xasan (Dheglas), London UK
3- Abdirisaq Sh. Ibraahim Kooshin (alpha) – Bristol UK,
4- Suldaan Cabdilaahi Sweden, Leicester, UK,
5- Abdiraxmaan Muuse Qaraami, Coventry, UK
6- Maxamed Diiriye Nuur (Fariid), Birmingham, UK.
7- Maxamed Sh. Ibraahim (Xujaale) Shefeild, UK
8- Axmed Xasan Carwo, Cardiff, UK
9- Abwaan Ismaciil Aw-Adan Jaamac UK.
10- Maxamed Jaamac Cilmi (Jaruur) Milton Keynes, UK
11- Cabdi Awr Fuul –Shootali, Manchester UK.
Gudiga kale ee abaabulka & taakulaynta Abwaan Boon Xirsi ee Qaarada Waqooyiga Ameerika;-
1. Ismaciil Faarax Ibraahim, Canada (guddoomiye)
2. Oday Axmed Juuq-Dhawr, Canada
3. Omar Axmed .
4. Mustafe Cabdi Cartan.
Dhamman Jaaliyadaha reer Somaliland ee Qurba jooga, gaar ahaan Qaarada Yurub iyo Waqooyi Ameerika, waxaa si naxariis leh looga codsanayaa inay ka soo qayb qaataan taakuleynta dhaqaale ee loo wado Abwaan Boon Xirsi oo u baahan gurmad deg deg ah, lana xidhiidhaan gudiyada laba qaraadood oo ah qaar isku mida hawsha ay wadaan.
Hadaba, muwaadiniinta Somaliland ee Qaarada Yurub ee ku tabarucaya gargaarka Abwaanka, waxaa laga codsanayaa in si toos ah ugu diraan tabarucooda Account looga furi doono xafiiska sharikada Dahabshiil ee magaalada London oo ay ku ururayso tabarucaadkaasi, masuulna uu ka yahay Gudoomiyaha Gudida Qaarada Yurub Salebaan Cumar Ku-joog.”

Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada oo ka dayriyay xaaladda Xabsiga Berbera

Hargeysa, 14 Feb, 2010 (Ogaal)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee laga soo doortay Gobolka Saaxil, ayaa ka dayriyay xaaladda Xabsiga magaalada Berbera ee xarunta Gobolkaas. Waxaanu baaq u jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in xaaladda Xabsiga Berbera ay liidato. “Xabsiga Berbera arrintiisu waxay maraysaa meel khatar ah, waxa loogu talo-galay in lagu xidho Maxaabiista mudda yar ilaa 6 bilood xidhnaanaysa, maaha xabsi ballaadhan..Xabsigani maanta wuu ciir-ciirayaa, waxaana halkaa ku xidhan dadkii falalka Argagixiso loo xukumay..Sidoo kale waxa lagu soo xidhay Xadhigyo ad-adag oo dhawr iyo labaatan sanno ilaa xabsi-daa’in u dhaxeeya dad ku xukuman.” Ayuu yidhi Xildhibaan Qabile.
Xil. Maxamed Faarax Qabile wuxuu Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay in dhacdooyinka Laascaanood doonayso inay ku daboosho arrimaha Berbera, waa sida uu hadalka u yidhiye. “Xabsiga Berbera waxaan qabaa in aanu qaadi karin culayska intaa le’eg, aniga oo ku hadlaya Afka Xildhibaannadii ka soo baxay Gobolka Saaxil. Waxaan leeyahay arrinkaasi waa arrin qoto-dheer oo aanay Xukuumadda Rayaale ujeedada la gaadhayn, xaalad-abuurka loo tuhunsan yahay in ay iyadu ka dambayso ee ka dhacaya Laascaanood, waxay doonaysaa in arrinta Berbera ka soo socota lagu iloobo waxa ka dhacay Laascaanood.” Ayuu yidhi Xildhibaan Qabile.
Xildhibaan Qabile waxa uu baaq u jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo masuuliyiinta Xabsiyada dalka. “Waxaan leeyahay maamulka Xabsiyada dalka, sharcigu wuxuu dhigayaa in fal kasta lagu xukumo halka uu ka dhaco meeshii aan nabad-gelyo darteed aan loogu hayn karin..Lama waayin meel lagu xidho Maxaabiista intaa le’eg ee tiradaa leh..” ayuu yidhi Xil. Qabile, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan ka dayrinayaa, una soo jeedinaya maamulka dalka inay maxaabiista sidii sharcigu ahaa ka soo raraan magaalada Berbera ee loogu talo-galay Maxaabiista xadhig-yaraha ah oo culayska intaa le’eg laga soo dul qaado.”

Muqdisho: Mudane ku biiray Kooxaha ka horjeeda Dawladda Shariifka oo ka hadlay sababta uu ugu biiray

Muqdisho, 14 Feb, 2010 (Ogaal)- Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil (Badbaado) oo ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Dawladda Shariif Sh. Axmed ee Soomaaliya ayaa shalay sheegay inuu ka baxay maamulkaas, kuna biiray Kooxaha ka horjeeda Dawladda Shariifka.
Xildhibaan Badbaado oo ka shir-jaraa’id shalay Magaalada Muqdisho ku qabtay, ayaa sheegay in uu ka baxay Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana wuxuu eedayn culus u jeediyay Baarlamaankii uu ka tirsanaa iyo Dawladda Shariifka oo uu sheegay in ay ka been sheegeen ballan ay hore u galeen oo ah in shareecada lagu dhaqo Koonfurta Soomaaliya. “Sababta koowaad ee aan uga baxay dawladda waxay tahay inaan helo goob laga fulinayo sharciga Islaamka, waanan imid." ayuu yidhii Saalax Badbaado oo sheegay in uu ku badbaadi waayay guri uu ka deganaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan qeybta ay maamusho dawladdu.
Saalax Badbaado wuxuu Ciidamada Dawladda Shariifka ku eedeeyay in ay dhibaataynayaan Bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan degmooyinka ay ka taliyaan. "Ciidamada dawladda dadku way ka nabadgeli waayeen, waayo waxay kala dagaan Gaadiidka dhac ayayna u geystaan, waana waxyaabaha aan u adkeysan waayay oo igu kalifay inaan kasoo baxo dowladda" ayuu yidhi Saalax Badbaado.
Sidoo kale wuxuu dhaleecayn u jeediyay Ciidamada AMISOM oo uu ku eedeeyay inay Madaafiic ku garaacaan deegaano ay degan yihiin dad shacab ah oo ka tirsan Magaalada Muqdisho. Waxaanu Dawladda Shariifka ku sheegay in aanay lahayn awood ay ku hanan karaan Koonfurta Soomaaliya.
Waa Xildhibaankii koowaad ee ka baxa dowladda Shariif Sh. Axmed ee Sooamaliya, waxaanu Badbaado maalmihii la soo dhaafay laga la’aa Magaalada Muqdisho, hase ahaatee, aakhirkii wuxuu caddaystay in uu ku biiray kooxaha ka horjeeda Shariif Sh. Axmed.