Friday 22 January 2010

Maraykanka oo Sheegay in Qiimayn Lagu Sameenayo Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland 20100122


Maraykanka oo Sheegay in Qiimayn Lagu Sameenayo Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland
January 22nd, 2010

Maraykanka oo Sheegay in Qiimayn Lagu Sameenayo Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland lana soo Hordhigo Doono Congresska Maraykanka

Mas’uuliyiin dawladda Maraykanka u qaabilsan arrimaha sharciga ayaa sheegay in ay qiimeenayaan waddooyinka loo mari karo aqoonsiga Somaliland.

(Washington DC, Somaliland.Org) Guddoomiyha Xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo, oo uu weheliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo dhawaanahanba booqosho rasmi ah ku joogay dalka Maraykanka ayaa intii ay joogeen Maraykanka la kulmay Guddoomyaha Guddida Arrimaha Afrika ee Baarlamaanka Maraykanka, Mudane Donald Payne iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Hadaba waxaa dhawaanahan soo ifbaxaya xogo meelo kala duwan ka imanaya oo dhamaantood tibaaxaya arrimihii ugu waawaynee ee ay kawada hadleen labada dhinaca, waxaana la sheegayaa in arrimaha ugu waawayn ee socdaalka Gudoomiyahu daba socoto dhowr qodod.

Waa ta hore waxay Wasaarada Arrimaha Dibadu ee Maraykanku siinaysay masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka qorshe saraakiisha dawlada Maraykanka u qaabilsan arimaha sharciga ku hawlan yihiin oo la xidhiidha qaabkii ama wajigii dawlada Maraykanku ku caawin lahayd Somaliland si toos ah marka doorashada Madaxtooyada ee dhawaan dhacaysaa dhamaato. Waxayna masuuliyiinta Maraykanu u sheegeen waftiga Kulmiye in Dawlada Maraykanku dhawaan daah furi doonto siyaasad cusub oo ay ku wajahan Somaliland, lana baadhayo dariiqyada sharci ahaan loo mari karo aqoonsiga Somaliland .

Waxaa kale oo la sheegay in kulankii waftigu la yeeshay Congressman Donald Payne, oo ah mudane awood wayn ku leh siyaasad madaxwayne Obaama ee Afrika ahaa mid lagaga wadahadalay sidii Congressman Donald Payne uu u horkeeni lahaa qaddiyadda aqoonsiga Somaliland Aqalka Kongresska Maraykanka.Wuxuuna u balan qaadayCongressman Donald Payne waftiga uu hogaaminayo Guddoomiye Axmed Silaanyo in qiimayn lagu samayn doono arrimaha Somaliland, wafti Maraykanina uu iman doona dalka wakhtiga doorashada madaxtooyadu dhacayso. Waxaa kaloo la ogyahay in Donald uu u olalynayao madaxbanaanida Koonfurta-Sudan oo dhawaan dawladdu Maraykanku ka soo saartay siyaasada cusub, lana doonayao in afti laga qaado dadka ku dhaqan Koonfurta Suudaan.

Arrinta sadexaad ayaa la dheegay inay la xidhiidho kaalmo xaga dhaqaale ah oo la xidhiidha sidii loo kobcin lahaa geedi socodka dimuqraadiadeed ee Somaliland ka bilaabmay. Waxaana jira warar sheegaya in dawlada Maraykanku ku talo jirto in kaalmo dhaqaale u fidiso xisbiyada mucaaridka ee Somaliland wakhtiga olalaha doorashada socoto, maadaama xisbiga UDUB isagu isticmaalo dhaqaalaha iyo war baahinta qaranka ka dhaxaysa. Kaalmadaas oo la filayo in loo soo marin doono ururada samafalka ee Somaliland iyo Afrika ka hawl gala.

Washington DC, USA

Somaliland.Org

Reception to Welcome Chairman Siilanyo In Columbus, Ohio And Live Telecast For Toronto Somaliland Community



Reception to Welcome Chairman Siilanyo In Columbus, Ohio And Live Telecast For Toronto Somaliland Community


Waxaa lagugu martqaadayaa soo dhawaynta gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Siilaanyo eemagaalada Columbus, Ohio.

Gud. Ahmed Mohamed Mohamud (Siilanyo)

You are cordially invited to attend a reception to welcome
Chairman of Kulmiye, Mr. Ahmed Mohamed Mohamud (Silanyo) to
Columbus, Ohio

Saturday, January 23, 2010

at 6pm thru 11pm

The Location of this reception is:

Hyatt Regency
350 N High St
Columbus, Oh

Contact Info:
Saxardiid: 614 975-9934
Osman : 614 805-9231
Ali : 614 517-6810

shir kulmiye Bristol 20091227

shir kulmiye west london

Deeq Waxbarasho oo loogu deeqay Jaamacada Burco 20100122



Burco(Togdhnews)-Haweenka ku dhaqan Gudaha Nairobi Kenya, ayaa Deeq Waxbarasho u fidiyay Jamacada Burco ,deeqdan oo loogu tallo galay shan hablood oo dhamaystay Dugsiyada ,


kuwaasoo gali doona afar kuliyadood oo kala ah Shareecada islaamka Xanaanada Xoolaha Ganacsiga iyo Tababar Macalinimo.


Gudoomiyaha jamacada Burco Dr C/raxmaan Jaamac Ducaale oo faahfaahin ka bixiya arintan ayaa waxa uu yidhi “deeqdani waa mid ay hablaha reer Togdheer ee jooga Nairobi ay ugu deeqeen hablaha dhameeyay dugsiyada sare, taas oo ay nasiib u heleen Hablaha Togdheeri”.


Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaanu ku xulanaynaa hablahaasi in ay yihiin dan yar oo anay awood u lahayn inay Jaamacad galaan in ay yihiin qaar dhamaystay Dugsiyada sare oo hore u helin deeq waxbarasho”.


Gudoomiyuhu waxa kale oo xusay in uu Sanadkan Cusub ku soo kordhin doono Jaamacada Burco qaybo kale oo cusub oo aan hore uga jirin.



TogdheerNews.Burco.

Fadhigii Golaha Guurtida Oo Aan Qabsoomin Khilaafka Dartii Iyo Xukuumadda Oo Sheegtay Inaan Axmed Siilaanyo Dalka Ku Soo Laaban Karin 20100122


Saaka Iyo Hargeysa Jimce 22/01/2010: Fadhigii Golaha Guurtida Oo Aan Qabsoomin Khilaafka Dartii Iyo Xukuumadda Oo Sheegtay Inaan Axmed Siilaanyo Dalka Ku Soo Laaban Karin



Hargeisa(GOLISNEWS) 22/01/2010 Khilaafkii u dhexeeyay shirgudoonka golaha guurtida ayaan weli xal loo helin khilaafkan oo sababay in kalfadhigii 39aad ee golaha guur ku yeeshay ka dib markii uu gudoomiye ku xigeenka goluhu isku shaandhayn ku sameeyay gudiyada kala duwan ee golaha mar uu gudoomiyuhuna kumaqnaa debeda oo fasax caafimaad ugu baxay,markii uu gudoomiyuhu soo noqdayna uu laalay isku shaandhayntaas, hadaba khilaafkii ayaan weli xal loo helin shirar ay wada galeen gudoomiyahah iyo labadiisa kuxigheena waxay ku dhamaadeen natiijo la'aan kadib markii ay 2da gudoomiye kuxigeen ay ku adkaysteen inay arintan fulinteeda u mareeen xeerhoosaadka oo aanay ka tanaasulayn ayuu gudoomiyuhuna sii adkeeyay inaan sharci loo haysan isla markaana aaanay gaadhin waqtigii laysku bedelayay, waxaa GOLISNEWS u suura galay in saaka aan wax ka waydiino mudanayaal golaha ka tirsan oo labada dhinac kala taageersan xubnahani waxay noo cadeeyeen in aan khilaafkii ilaa hada aan la demin oo uu halkiisii taagan yahay 3shir oo ay wada qaateen labada dhinacna ay isku mari waayeen, waxayse xubnahani noo sheegeen in loo balan san yahay in shirkii afaraad laysugu yimaado maalinta sabtida ee berito si khilaafka xallooga gaadho, wixii sabtida ka soo kordhana waanu idinla socodsiin doonaa hadii ilaahay iskeen waafajiyo

dhinaca kalena wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha debeda mudane Ahmed Adan Ismaciil ayaa mar uu xalay u waramayay telefishanka xukuumada somaliland waxa uu sheegay in uu Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE uu denbi qaran galay oo uu sameeyay buu yidhi arin shacabka iyo xukuumada iyo golayaasha qarankuba ay go'aan ka soo saareen oo ah qofkii somalia taageera in aanu cago soo dhigan karin somaliland ilaa uu cafis dawlada waydiisto shacabkana u cadeeyo, sidaa darteedbuu yidhi "waxaanu xukuumada iyo wasaarada arimaha gudahaba ugu baaqaynaa inaanu dalka ku soo noqon ilaa uu cafis waydiisto dawlada oo isagu musharxbaabu ka hadlayaa iyo inuu madaxweyne isu soo sharaxee waa in laga gutaa waajibaadka qaran"


suleiman abdisitaar dubad
weriyaha GOLISNEWS ee hargeysa

Maxkamadda Sare ee Maraykanka oo loo Gudbiyay Badheedhaha Dambiyo uu gaystay Maxamed Cali Samatar


Maxkamadda Sare ee Maraykanka oo loo Gudbiyay Badheedhaha Dambiyo uu gaystay Maxamed Cali Samatar
Qareeno ugu awooda badan Maraykanka oo u doodaya oo si wada jira ah u gudbiyey dambiyada Cali Samatar iyo maxkamadda oo dhawaan u fadhiisan doonta dhegaysiga kiiskan


Washington (Jam) – Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Ururka Caalamiga ah ee Caddaaladda iyo Masuuliyadda (Center for Justice and Accountability ‘CJA’) Ms. Pamela Merchant, ayaa war ay shalay siisay saxaafadda dalka Maraykanka ku xaqiijisay in garyaqaano caalami ah oo ka kala socda ururkeeda CJA, xarunta garyaqaanada caalamiga ah ee lagu magacaabo Akin Gump Strauss Hauer & Feld iyo Isbahaysiga qareenada Maraykanka ee Cooley Godward Kronish ay si wadajir ah ugu gudbiyeen Maxkamada Sare ee dalka Maraykanka badheedhahooda dacwada lidka ku ah General Maxamed Cali Samatar, taasi oo la xidhiidha dambiyo aadaminimo iyo xadgudubyo baahsan oo dhinaca xuquuqda aadamiga ah oo uu ka gaystay dalka Somaliland sanadihii sideetamaadkii, markaasi oo uu General Samatar ahaa Wasiirka Gaashaandhiga iyo madaxwayne-ku-xigeenka dawladii Maxamed Siyaad Barre ee dalka Somaliya.

Agaasimaha Xarunta Caddaaladda iyo Dabo-galka (CJA) oo arrintan faahfaahinaysa, waxay tidhi; “Dacwadan waxa ay Maxkamadda Sare ee dalka Maraykanku go’aan ka gaadhi doontaa madaxda wadamada adduunka ee markii ay talada dalalkooda hayeen amray jidh-dil, kufsi, qudh-gooyo dad rayid ah oo aan dambiyo galin – in marka lagala wareego taladii dalalkooda ay u doortaan dalka Maraykanka meeshii ay noloshooda inta ka hadhsan ay ku qaadan lahaayeen, iyagoo diidan in ay u hoggaansamaan shuruucda dalka Maraykanka iyo in ay ogolaadaan masuuliyada ficiladii ay sameeyeen.”

Warka agaasimaha CJA Ms. Pamela Merchant ayey siisay warbaahinta Maraykanka, gaar ahaan wargeyska The Huffington Post, waxa uu iosaga oo faahfaahsan u qornaa sida; “General Samatar oo hada kuna nool magaalada Fairfax ee Gobolka Virginia ee dalka Maraykanka ayaa lagu eedeeyay in uu isagu maamulayay, isla markaana masuulka ugu sareeyana uu ahaa Gaashaandhigga xukuumad iyadu ku kacaday jidh-dil baahsan, xadhig sharci-darro ah, qudh-gooyo wadareedyo rayidka dalka Soomaaliya loo gaysanayayay sannadadihii siddeetamaadkii (1980). Macalimiin, arday iyo reer-guuraa, ayaa xukuumaddii General Samatar ay qudha ka goysay, kadib markii ku eedaysay in ay taageersan yihiin mucaaradka.

General Maxamed Cali Samatar markaasi waxau uu ahaa taliyaha ciidankii xooga dalka Somaaliya oo u gaystay weeraro aan kala sooc lahayn dadka rayidka, shaqsi ahaan General Samatar waxa uu maamulayay badhtamihii sanadkii 1988 garaacistii dhinaca hawada ee diyaaradaha dagaalka ee dalka Somaaliya iyo duqayn culus oo dhinaca madaafiicda goobta ah oo ciidanka xooga dalka Soomaaliya ku qaadeen magaalo madaxdii labaad iyo magaaladii labaad ee ugu balaadhnayd dalka Soomaaliya, iyagoo in ka badan 5,000 oo ruux oo rayidkii deganaa magaalada qudha kaga jaray weeraradaasi.

Kadib markii ay dhacday dawladii Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991, General Ali Samatar waxa uu u qaxay Europe kadibna waxa uu u sii gudbay dalka Maraykanka. Waxanu isagu ka mid yahay qaar badan oo ka mid ah madaxdii hore ee dawladaha wadamada adduunka qaarkood oo gaystay xadgudubyo aadami iyo dambiyo dagaal, kuwaasi oo hadda six or ah ugu nool dalka Maraykanka sidii muwaadin Maraykan ah oo kale.

Dhawr wiig kadib, Maxkamada Sare ee dalka Maraykanku waxay u fadhiisan doontaa dhegaysiga doodaha dacwadan, kadibna waxay go’aan ka gaadhi doontaa madaxda wadamada adduunka sida General Maxamed Cali Samatar oo kale – ee u yimi dalka Maraykanka in ay degaan kuna raaxaystaan faa’iidada ah in ay ku noolaadaan Ameerika – in ay ka sareeyaan qaanuunka taasi oo dalkan dimuquraadiga ah ee Maraykanka aanu awood u heli karin ruux kasta oo kale. Dacwadan lidka ku ah General Samatar waa dacwadii xuquuqda aadamiga ah tii ugu horaysay nooceeda ee loo gudbiyo maxkamad taasi oo la xidhiidha xadgudubyadii ay gaystay xukuumadii kali taliye Siyaad Barre.

Dacwadan ayaa waxa dhibanayaal ka ah shan ruux, go’aan kasta oo lid ku ah General Samatar wuxuu noqon doona mid u keena caddaaladdii ay aadka ugu baahnaayeen dhibanayaashan laftigoodu iyo dadka ka samato-baxay xadgudubyada noocan oo kale ah ee dunida cidhifyadeeda ku nool, hubaal waxa kale oo ay dacwadani fariin u diraysaa dambiilayaasha dagaalada ee isku daya in ay ka helaan dalka Maraykanka gabood ay ku badbaadaan.





Jamhuuriya Online

Hadii uu Rayaale daacad u yahay Somalilandnimada maanta kamuu shaqeysteen dalka iyo dadka : saylici






Hargeysa - Murashaxa Jagada Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin shir jaraa’id oo uu shalay qabtay ku sheegay in Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Siilaanyo uu aaminsan yahay nidaamka fadaraalka.


Md. Saylici waxa uu si kulul u cambaareeyey hadalkaasi ka soo yeedhay Rayaale oo uu ku tilmaamay mid xaasidno ka keentay, isla markaana cid waliba ogtahay in Axmed Siilaanyo uga lexejeclo badan yahay dalka iyo dadkaba.


“Dadweynaha reer Somaliland waxaan u sheegayaa in ninka Ilaahey gacanta u galiyay taladii ummada uu yahay nin hinaase xun oo mar walba xasad dheeraad ahi ka buuxo kana xumaada Guusha ragga uga aqoonta iyo kartida badan dalkan iyo dadkani caalamka ka kasbadaan, waxaanan si adag u dhaleecaynayaa hadalka uu marmarinayo Guddoomiye Siilaanyo oo si martabad caalami ah loogu soo dhaweeyay wadanka Mareykanka, taasoo ay muuqato in Axmed Siilaanyo wareysiga uu sheegayo uu kaga waramayey taariikh hore haseyeeshee, aanay marnaba noqon karin mawqif uu aminsan yahay, waxaanan leeyahay sida cadceeda ayey muuqataa inuu Axmed Siilaanyo, isaga uga lexejeclo badan yahay dalkan iyo dadkan oo uu u soo halgamey isna uu joogay halkii lagu go’aamiyay gooni isutaaga, markaas oo Rayaale ka mid ahaa raggii dalka laga qabsaday ee qoxootiga ku ahaa Laaascaanood,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici oo u waramayey shabadka Interka ah oo la yidhaa HornPress, waxaannu intaa raaciyey, “Xaqiiqdiina hadii uu Rayaale daacad u yahay Somalilandnimada maanta kamuu shaqeysteen dalka iyo dadka ee wuu u shaqeyn lahaa, waxayna taasi muujineysaa halka uu ka taagan yahay umada.”


Jamhuuriya