Wednesday 3 March 2010

Jamhuuriya iyo EDC oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey 65 Suxufiyiin ah

Jamhuuriya iyo EDC oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey 65 Suxufiyiin ah


Hargeysa (Jam)- Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shalay shahaadooyin guddoonsiiyey 65 suxufi oo dhammaystay waxabarasho toddoba bilood socotay oo ay ku baranayeen qaybaha kala duwan ee culuumta saxaafadda, kaasi oo qayb ka ahaa barnaamijka SHAQADOON oo ay hirgelintiisa iska kaashadeen Jamhuuriya Media Group iyo hay’adda Maraykanka ah ee EDC.


Xaflad ballaadhan oo loo qabtay dhallinyaradii barnaamijkaa wax kabaray ayaa la gudoonsiiyey shahaadooyin ay ku mutaysteen muddadadii ay wax baranayeen oo lagu sheegay lix bilood, waxaanna ka ka qaybgalay masuuliyiinta matalayey labada dhinac ee Jamhuuriya iyo Hay’adda EDC.


Dhanka kale waxa munaasibadda xafladdaasi lagu marti qaaday madaxda xisbiyada mucaaradka ah iyo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac [Gaariye] Guddoomiyaha garabka siyaasadda ee xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax, ururka WIJA, masuul sare oo ka socday Wasaaradda Waxbarashada qaybta imtixaanaadka iyo marti sharaf kale oo farabadan.


Haddaba furitaankii shirkaa waxa ka hadlay Guddoomiyaha Wargayska Jamhuuriya Mr. Faysal Cali Sheekh Maxamed, waxaanu sheegay inkastoo ay duruufo dhaqaale dalka ka jiraan, haddana inuu wargeyska Jamhuuriya ku dedaalayo ilaa iyo markii saxaafadda madaxabanaan la aasaasay sannadkii 1991 inay soo baxaan suxufiyiin tayo fiican leh.


“Maanta waxa dalka ka jiraan jariiraradood tiro badan iyo TV wada madaxbannaan,” ayuu yidhi Faysal Cali Sheikh, isaga oo ka warramaya horumarka Somaliland ka gaadhay dhanka saxaafadda, waxa uu sheegay inay Somaliland kaga horumarsan tahay xagga nabadgaliyada, marka laga reebo xorriyadda saxaafadda.


Faysal waxa uu sheegay markii ay samaynayeen barnaamijkani inay eegeen baahiyaha saxaafadda horyaalla kuwa ugu daran, isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Runtii markii aanu bilaabaynay barnaamijkan waxaanu u eegnay meelaha ugu dal daloolada badan ee ay ka liitaan Suxufiyiinta Somaliland.”


Dhanka kale waxa uu ka warramay waxyaabihii kala duwanaa ee ay suxufiyiintaasi soo barteen, waxaannu yidhi; “Afar qaybood oo kala duwan bay soo barteen, waxaanay kala ahaayeen, Basic Jaournalism, Photo Journalism, Layout and Design iyo Marketing and Management.”


Guddoomiyaha Wargayeska Jamhuuriya Faysal Cali Sheekh waxa uu kula dardaamay dhallinyaradaasi la gudoonsiiyey shahaadadaasi inay ilaaliyaan, isla markaana ku camal falaan wixii ay soo barteen iyo inaanay noqon sida kuwo ka mida saxaafaddii hore oo wax ka badan 19 ilaa 20 sannadood ku soo jiray ee haddana aan maanta haddii la yidhaa wax qora aan waxba qori karayn.


Intaa dabadeed waxa halkaa ka hadlay madaxa mashruucaasi SHAQODOON Md. Cabdi Xaashi oo sheegay in hay’adda EDC tahay hay’ad Maraykan ah oo ka shaqaysa in ka badan 35 dal oo ku kala filiqsan adduunyada, waxaannu xusay in mashruucani yahay kii ugu horreeyey ee laga hirgeliyo Somaliland, ujeeddadiisuna tahay sidii tababaro iyo shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada.


Mr. Cabdi Xaashi waxa uu sheegay in dhallinyaro ay tababar siiyeen ee magaalada Hargeysa ka badan yihiin 1600 oo dhallinyaro ah, halka uu Burcana xusay inay ka tababareen in ka badan 420 dhallinyaro ah, isaga oo tilmaamay inay mashruucan sii wadi doonaan, isla markaana qorshaynayaan sidii ay xirfado ay ku shaqaystaan ugu abuuri lahaayeen saddex kun oo dhallinyaro ah.


Guddoomiyaha KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo munaasibadda 65-ka arday ee ka qallin-jabiyey barnaamijka SHAQODOON ka hadlay, ayaa u mahadnaqayaa cidkastoo mashruucan ka qaybqaadatay.


“Intaanan hadalkayga kale u gelin, waxaan halkan ka maqlaayey walaalkay Cumar Jaamac oo ka tirsan xisbiga UDUB oo si xammaasad leh uga hadlayey madaxbannaanida saxaafadda iyo caddaaladda, markaa ku darayey Tv Qaranka iyo Radio Hargeysa, weliba taynu ka hadlaynaa maaha tay UDUB toos u leedahay, waxaynu ka hadlaynaa waa waxay ku magacaabaan qaranka Somaliland ee lagu maalgeliyo cashuurta laga qaado shacabka, waanad wada aragtaan, oo aad wada dhegaysataan iyo oo aad wada maqashaan.


Cumar Jaamac ma waxa uu innaga dhaadhicinayaa in hay’adahaasi [TV Qaranka iyo Radio Hargeysa] u madaxbannaan yihiin saddexda xisbi qaran, waxay ila tahay waa laga wada warqabaa.” Sidaa waxa yidhi Axmed-Siilaanyo oo ka jawaabay hadal uu Cumar Jaamac ku lahaa saxaafaddu inay yidhi, kaas oo ahaa in ay warbaahinta madaxbannaani noqoto dhexdhexaad.


Guddoomiyaha KULMIYE ayaa sheegay inay saxaafaddu tahay sawirka keliya ee wixii dhaliil ah ee jira u soo gudbisa bulshada, isla markaana tahay horumarka dalka, waxa uu ku guubaabiyey dhallinyartada in aanay mihnadooda loo adeegsan.


“Waxaannu leenahay saxaafaddu meelkasta oo ay joogto waa meesha keliya ee sawirta wixii dhaliil ah iyo ciddii uu dhinac waxtarkeedu jiro, waanna waxyaabaha ugu waaweyn ee ummadda dal weliba ku faanno, waa meesha looga baahiyo horumarka uu dalku u baahan yahay, hadday tahay shaqo-sameynta, la dagaalkana aragagixisada iyo la dagaalka tahriibta, meesha laga hagi karaa waa saxaafadda, waanna meeshay ku soo ururto aaraahdaha culimada, siyaasiyiinta iyo bulshada inteeda kaleba.


Sidaa daraadeed, madaxbannaanidu aad iyo aad bay innoola weyn tahay caam ahaan, marka labaad tababarka iyo dadka dhallinyarada ah ee saxaafadda ka shaqeeyaa ee mihnad ahaanta u qaataa in yihiin dad mabaa’id, dareen iyo xasaasiyad leh.


Waxa ayaan-darro ah laba daahiradoodba waynu aragnaa oo way soo baxaan maalin walba, dad badan oo saxaafadda u shaqeeya oo magac iyo maamuus ku lahaa oo maalin walba xabsiga loo taxaabayo oo la xidho oo la caddaadiyo waynu aragnaa. Waxa kale oo aynu aragnaa dad saxaafadda ku magac-dheer oo wuxuu shalay qori jiray la ogaa, maanta waxa uu qorayana la og yahay, waayo waad ogtahay in xaaladiisii isbeddeshay oo uu mabaa’didii ka baxay,” ayuu yidhi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)


Ugu dambeyn, waxa uu kula dardaarmay Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in aanay dhallinyaradan cusub ee saxaafaddu ku sifoobin tilmaamaha uu sheegay, isla markaana noqdaan qaar ka shaqeeya dhexdhexaadnimada iyo horumarunta bulshada.


Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna u mahadnaqay wargeyska Jamhuuirya iyo cidkasta oo ka qaybqaadatay barnaamijka SHAQODOON, waxaannu sheegay inay saxaafaddu u kala qaybsantay laba qaybood.


“Barnaamijkani waxa uu muujinayaa inay Somaliland kortay, Jamhuuriya-na waxay taariikhda ku gelaysaa innaga oo burbur iyo dagaal ka soo noqonay waxay ahayd jariiradii ugu horreysay ee dalkeena ka soo baxda, maanta ay marayso ilaa heerkaa ay ardayda soo saarayso,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe, waxaannu intaa ku daray inay saxaafaddu xorriyad haysato, “Innaga saxaafadeena madaxabannaan xorriyad baynu haysanaa, waanna mid ku timi xorriyadda uu shacabku haysto, sidii Xasan Xiis u sheegay waa inaad ilaalisaan anshaxa warbaahinta, waad kala baxdeen oo waxa jira laba saxaafadood, ta dawladdu gacanta ku hayso oo lagu hawlgaliyo cashuurta ka soo baxa shacabka waa Tv-ga Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa, waxaad moodaa iska daa xeerka caalamku ku shaqeeyee in aannu sharciga Somaliland-ba ku shaqayn, sidii loo abuuray sharci ma leh, maareeyaa loo dhiibay, haddaad daawatid marnaba is odhan maysid dad bani’aadam ah oo anshaxii saxaafadeed leh ayaa maamula, waxaannu ka kooban yahay cayda shacabka, isku dirka qabaa’ilka, aflagaadada reeraha wax uu ka xishoodaa ma jiro, waxaananu jecel nahay in aannu arrinkaa ka hawlgalno oo uu kala noqdo Tv-gaasi mid uu qaranku leeyahay amma mid ciddi gaar ahi leedahay, waayo heerkii loo dulqaadanayey wuu dhaafay, UCID ahaan waannu fasixi doonaa idaacadaha dalka.”


Xoghayaha Siyaasadda xisbiga UDUB Mr. Cumar Jaamac oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa ugu horreyn si weyn u hambalyeeyey 65-ka arday ee ka qallin-jabiyey qaybaha kala duwan ee warbaahinta, isla markaana tilmaamay inay Somaliland waqtigan ay kaga horreyso waddamo badan oo adduunka dimoqraadiyadda saxaafadda, kuwaas oo uu sheegay in aan la cabudhin, wax hadidaad ahna loo geysan.


“Shacabka reer Somaliland waxa uu u baahan yahay war sugan oo xaqiiqo ah, waxaanna loo baahan yahay inaad yeelataan dareen masuuliyadeed iyo saxaafinimo, waayo waxaynu joognaa waddan curdin, haddaynu nidhaa ka hadla saxaafadda manta, waxaynu ka mid nahay waddamada ugu horumarsan dunida, lama weydiiyo waxay qoraan kuwa madaxabannaan iyo kuwa kaleba,” ayuu yidhi Mr. Cumar Jaamac.


Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo ka mid ah hal-abuurada waa weyn ee Somaliland oo xafladda loo sameeyey ardayda ka qallin-jabiyey mashruuca SHAQODOON, ayaa hambalyeeyey dhallinyarada ka qallin-jabisay qaybaha kala duwan ee warbaahinta, isla markaana ku guubaabiyey inay ku dedaalaan wax qorista iyo akhrisbka afsoomaaliga oo uu waqtigan oo uu saluug weyn ka muujiyey qaabka iminka loo qoro.


Abwaan Gaarriye oo ka hadlayey awoodda uu ereygu leeyahay, ayaa xusay in aannu jirin wax erayga hor istaagi karaa, isla markaana awoodda uu leeyahay ku sababeeyey bani’aadamka ku ciyaara ee si jaban, waxa uu ku sheegay raqiis, isaga tixo gabay ah ku tilmaamayana waxa uu yidhi;


“Soddon laguma baayaco


Boqor laguma caabudo


Biidhiqaatenimo iyo badhax waa ka xaaraan


Biri-magaydo weeyoo


Bogdooxeedu waa sino.


Maanso kale oo aan leeyahayna waxa ku jirtay;


“Wallee been ma qaayibo


Wallee gabay qardoofa ah


Amma iga qandoodsama


Qalbigayga kuma qorin


Wallee qalabka maansada


Heesaha qumbuladda ah


Uma qubo dhugmo la’aan


Magac waa qasaanade


Wallee qado ma dhaafsado


Hadba wiilka qooqee


Maalintaasi qoodha ah


Qushuuciisa ma akhriyo


Qofna kabaha uma tiro.”


Waxa kale oo halkaa ka hadlay Xasan Xiis oo ka mid ah suxufiyiinta waaweyn ee Somaliland, isla markaana wax ka dhiga saxaafadda, kana tirsan shirkadda Dahabshiil, ayaa ku dheeraaday taariikhda kala duwan ee saxaafaddu soo martay, isaga oo Jamhuuriya ku ammaanay inay tahay hooyada warbaahinta ilaa waqtigana ku hawlahan soo saarka wariyeyaasha, waxaannu hambalyo gaar ah u diray Jamhuuriya, EDC iyo dhammaan ardaydii ka qallin-jabisay.


Ayaan Cabdirisaaq oo ka tirsan ururka haweenka ee WIJA oo xafladda qallin-jabinta ka hadashay, ayaa si weyn ugu mahadnaqday wargeyska Jamhuuriya iyo hay’adda EDC, iyada oo hay’adaha kale iyo ganacsatada Somaliland ugu baaqay sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen shaqo-abuurista loo baahan yahay in da’yarta loo sameeyo.


Sidoo kale, waxa isaguna Sakariye Jaamac Muuse oo halkaa ka hadlay mid ka mid ah ardaydii wax baratay barnaamijka SHAQODOON, kaas oo sheegay in 65-ka arday ee wax bartay ay xirfadii ay barteen ku shaqo tagayaan, isla markaana mashruucani yahay mid ka badbaadiyey tahriibta, isaga oo ku guubaabiyey in halkaa laga sii wado, balse aannu noqon kii ugu dambeeyey.


Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ardayda shahaadooyinka guddoonsiiyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay maamulka Jamhuuriya Mediya Group oo fuliyey mashruuca SHAQODOON, Hay’adda EDC iyo cidkasta oo ka qaybqaadatay, isaga ku dheeraaday qiimaha saxaafaddu u leedahay horumarinta bulshada, waxaannu ku tilmaamay muraayada bulshadu ka daawato kolba halka uu dalkoodu marayo.


“Saxaafadda waxa loo geystaa tacadiyaad, waa la xidhaa, waa dilaa ilaa taariikhdii hore iyo ta maanta, maxaa loo dilaa, maxaa loo dulmiyaa? Waayo warku waxa uu u sheegayaa ummadda wixii dhabta ahaa ee jiray. Markaa waxaynu u baahannahay in warbaahinteenu inay ummadda ku dhisto run, wanaag iyo akhlaaq wanaagsan.


Ummaddu dhinacyo badan ayey u baahan tahay inay wanaag ka hesho, hadday tahay hoggaan, siyaasiyiin, axsaab, dadweyne iyo saxaafad wanaagsan oo ku wanaagsan waxa runta ah inay isku sheegaan, waxa beenta ahna iska reeba,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale.






Jamhuuriya Online
Printable version Email this to a friend



--------------------------------------------------------------------------------