Friday 5 February 2010

Guddiga Nabadgelyada Gobolka Togdheer Oo Joojiyay Shir Ay Doonayeen In Ay Magaalada Burco Ku Qabsadaan Beel Ka Mid Ah Beelaha Gabooye 20100205

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Burco: Guddiga Nabadgelyada Gobolka Togdheer Oo Joojiyay Shir Ay Doonayeen In Ay Magaalada Burco Ku Qabsadaan Beel Ka Mid Ah Beelaha Gabooye Oo Rabtay In Ay Beelahaa Ka Go'do.




Burco(Ramaas) Feb.05, 2010 - Guddiga nabadgelyada gobolka Togdheer ayaa joojiyay shir ay doonayeen in ay magaalada Burco ku qabsadaan Beel ka mid ah Beelaha gabooye oo la yidhaado ilma kuul oo doonaayay in ay ka go'aan beelahaa, isla markaana ku talo jiray in ay sheegtaan in ay ku biireen Beel ka mid ah beelaha gobolka Togdheer .

Shirkan oo sida ay Ramaasnews u xaqiijiyeen dad xog-ogaal ah oo sheegay in la doonayay in magaalada Burco lagu qabto todobaadkii tagay shir ujeeddadiisa lagu sheegay in Beel ka mid ah Beelaha Gabooye iyo xubno tira yar oo dabada ka riixayay ay ku doonayeen in ay magaalada Burco kaga dhawaaqaan in Beeshani ka baxday Beelihii uu ka tirsanaa ee Gabooye, isla markaana ay ku biirtay Beelaha Galbeedka Burco, balse ay arintaasi ka horyimaadeen hormuudka Beelaha Galbeedka Burco.

Guddiga Nabadgelyada Togdheer ayaa la sheegay in ay shirkan qabsoomistiisa mamnuuceen, ka dib markii ay soo gaadheen qoraalo iyo baaqyo isdaba joog ah oo ay hormuudka iyo wax-garadka Beelaha Galbeedka Burco ay kaga soo horjeedaan shirkaa oo ay u soo gudbiyeen guddiga nabadgelyada gobolka.

Masuuliyiinta amaanka gobolka togdheer ayaa la sheegay markii ay fariimahani soo gaadheen in ay joojiyeen si aanay rabshado uga dhicin gobolka, isla markaana ay soo saareen qoraalo ay gaadhsiiyeen dadka shirkaa waday. Waxaanay ku amreen in aanay Gobolka ku qaban karin wax shir ah oo noocaas ah, hadii ay diidaana ay talaabo ka qaadi doonaan.

Dhinaca kale, marka laga tago diidmadan ay Beelaha Galbeedka Burco shirkan kaga hor yimaadeen iyo xayiraadan ay ku soo rogeen maamulka gobolka Togdheer waxa iyana shirkan ka qayliyay Beelaha Gabooye ee ku dhaqan gobolka Togdheer, kuwaas oo Salaasadii inadhaaftay cabasho ay shirkan kaga soo horjeedaan iyo Jilibka doonaaya in uu ka go'o la hortagay xarunta maamulka gobolka Togdheer, halkaas oo ay kula kulmeen Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar oo u sheegay in haba yaraatee shirkan wax ka soconayaa aanu jirin Beelaha Gabooyana aan la kala jarayn dadka shaxdaa wadaana ay yihiin dad lunsan ayna joojiyeen.

Ugu dambeyntii shirkan ay Jilibkan Gabooye ee Ilma Kuul ay doonayeen in ay Burco ku qabtaan ee la xayiray ayaa la sheegay in wadamada Yurub laga soo raray oo ay dadka qaar sheegeen in ay Quwado shisheeye dabada ka riixayaan ayaa magalaada Burco si weyn loogu hadal hayay labadii Bilood ee u dambeeyay, kaas oo ay dadka ku dhaqan gobolka Togdheer qof kastaba ka yaabisay. Reerkan doonaya in ay qabiilkoodii iyo asalkoodiiba ka kuuraan oo ay u diga rogtaan beel aanay ahayn, balse hadda waxay u muuqataa sida Burco laga dareemay in ay ciyaartaasi dhamaatay oo ay soo afgo'day.


Mahad Cabdillaahi Faarax
Ramaasnews Desk
Burao
harar on February 05 2010 19:54:16 ·

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland oo Markab Weyn Ka Badbaadiyay Budhcad Badeed 20100205

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland oo Markab Weyn Ka Badbaadiyay Budhcad Badeed




Hargeysa(Ramaas) Feb.04, 2010 - Markab weyn oo ah nooca xamuulka qaada oo lagu magacaabo MV Layla-S oo saaka waabarigii hore maraayey gacanka cadmeed ayaa waxaa weerar ku soo qaaday afar doonyood oo ay saarnaayeen budhcad badeed soomaaliyeed, waxaana ay isku wareejiyeen markabkaasi oo ay la socdeen 16 shaqaale ajaanib.
Saacad markii markabku u afduubna kooxdaasi balse aanay gudaha u gelin markabka ayaa waxaa goobta soo gaadhay laba doonyood oo ka tirsan ciidamadda Badda Somaliland oo wakhtigaasi maqlay qaylo dhaan uu markabku ku diray hoonka cida ah ee markabka, waxaana doonayahaasi ciidamadda Badda Somaliland ay rasaas oodda kaga qaadeen budhcad badeeda oo ka fakaday goobtaasi, waxaana u suurtagashay ciidamadda Badda Somaliland inay markabkaasi ammaankiisii la wareegaan isla markaana ay sababo ammaan dartood ugu soo xidheen dekedda magaalada Berbera sidaasina waxaa goor dhawayd shaaciyey wakaaladda Wararka ee lagu magacaabo phonophon post.
Markabka ayaa markii lagu soo xidhay dekedda Berbera saaka waxaa gudaha u gallay ciidamadda sirdoonka iyo kuwa ilaalada xeebaha Somaliland oo ku sameeyey baadhitaan, waxaana uu weli ku xidhan yahay markabkaasi Dekedda magaalada Berbera. waa markii labaad ee sidani oo kale ay ciidamadda Badda ee Somaliland u bad baadiyaan waxay ahayd uun dabayaqadii sannadkii hore markii markab laga lahaa dalka Shiinaha oo wadday shiidaal ayay ciidamadda Bedda somaliland bad baadiyeen.

Ramaasnews Desk
Hargeisa

Warkii ugu danbeeyay waftiga gudoomiye kuxigeenka golaha wakiilada 20100205

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun




Warkii ugu danbeeyay waftiga gudoomiye kuxigeenka golaha wakiiladaWaftigii Uu Hogaaminayo Gud. Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Shirka Common Wealthka Ee London Ka Socda.


Waftigii Uu Hogaaminayo Gud. Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Shirka Common Wealthka Ee London Ka Socda.

Gud. Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland mudane C/casiis Maxamed Samaale iyo wafti uu hogaaminayo ayaa si rasmiya loogu casuumay shirka wadamada Common Wealthka oo haatan si rasmiya uga socda magaalada London. Shrika waxaa ka qayb galay ilaa 40 dawladood oo dhamaantood xubno ka ah Common Wealthka.

Waxa ka mid ah waftiga Gud. Xigeenka la socda mudane Aadan Tarabi Oogle oo ah xubin ka mida ah Golaha Wakiilada isla markaana kasoo baxay xisbiga Udub. Aadan waa Gudoomiyaha Guddida la dagaalanka musuq-maasuqa ee Golaha Wakiilada.

Muhhimada ugu weyn ee shirkani waxay ahayd Dhisida Nabadgelyada iyo Xalinta Mashaakilaadka wadamada xubnaha ka ah ururkan. Intii uu shirku socday waxaa laga hadlay dhibaatootinka ka jira wadamada qaarkood iyo sidii loo xalin lahaa arrimahaasi.

Wafiga Somaliland waxay xalay qado sharaf loogu sameeyay magaalada Belfast ee gobolka Waqooyiga Ireland. Waxa waftiga si rasmiya u qaabilay isla mraka khudbad ka jeediyay hoolka shirarka ee Dawlad goboleedka Waqooyiga Ireland gudoomiyaha Golaha Waqooyiga Ireland mudane William Hay MLA Speaker of Northern Ireland Assembly.

Waftigu waxa ay joogi doonaan waqooyiga Ireland mudo laba cisho ah. Waxaana la filayaa marka uu shirka u dhmmaado inay kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaan masuuliyin ka tirsan baarlamaanka Britain iyo masuulyiin kaleba

Sawirada shirka London iyo hawlahii ay ka soo qabteen waqooyiga Ireland dhawaan ayaa la soo gudbin doonaa. Waxa kale oo laga heli karaa websiteka Northern

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin Oo La Filaayo Inuu Todobaadkani Yimaado Magaalada Birmingham, UK 20100205

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin Oo La Filaayo Inuu Todobaadkani Yimaado Magaalada Birmingham, UK



Birmingham (Golisnews.com)-- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay wehelinayaan safiiradda Somaliland u fadhiya dalalka ingiriiska iyo Ireland ayaa lagu wadaa in badhmtaha todobaadka soo socda ay kaga qayb gallaan magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka boqortooyada ingiriiska shirweyne caalami ah oo lagu wado inuu ka soo qayb gallo xogayaha arrimaha dibadda Britain David Miliband iyo Hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka David Cameroon.


Safarka M/weyne ku xigeenka oo aanay jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham iyo guud ahaan warbaahintu aanay waxba kala soconin ayaa hadal hayntiisu wuxuu ka soo baxay ilo diblomaasyadeedyo ku dhaw madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo hadda ku sugan magaalada Paris ee xarunta dalka faransiiska.


Shirweynahani caalamiga ah ee la filaayo inuu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ka qayb gallo ayaa sidoo kale waxaa iman doonta diblomaasiyiin iyo safiiro ka tirsan midawga yurub, dalalka xubnaha ka ah ururka barwaaqo sooranka (common wealth) iyo weliba diblomasiyiin ka socda dalalka waqooyiga iyo koonfurta amerika.


Sida warar lagu kalsoonyahay ay u xaqiijinayaan shabakadda Golisnews waxay wefdiga Madaxweyne ku xigeenku ku soo degi doonaan hotel ku yaalla badhtamaha magaalada Birmingham mana cadda in ay wax kulano ah la yeelan doonaan jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham oo bilahii ugu danbaysay si tallan taali ah usoo dhawaynaysay hogaamiyayaasha siyaasadda Somaliland.


wixii warar ah ee arrintani ka soo kordha waxaa idinla socodsiin doona xarunta warqabadka golisnews ee West Midlands la soco





Golisnews, Birmingham


info@golisnews.com