Thursday 4 February 2010

82-ka Mudane ee golaha guurtida Soomaaliland oo Isku Calool xaadhay Xaflad Qado sharaf ah oo uu u sameeyay gudoomiye ku xigeen kooda koowaad 20100204


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

82-ka Mudane ee golaha guurtida Soomaaliland oo Isku Calool xaadhay Xaflad Qado sharaf ah oo uu u sameeyay gudoomiye ku xigeen kooda koowaad

Hargeysa (Ramaas) Feb. 04, 2010 - Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida somaliland ayaa maanta qaddo sharaf huteelka xaraf ee magaaladda Hargeisa ugu sameeyay 82-ka xildhibaan e golahaasi ka koobanyahay.
Xafladii qaddo sharafta ahayd ka dib hadal kooban oo uu ka jeediyay gudoomiye ku xigeenka koowaad Md. Sheekh Axmed Sh. Nuux Furre waxa uu yidhi “ Maanta waxaan golaha iskugu yeedhay dadku waa kuwii inagu sheekaysanayee bal inay yidhaahdaan imika nimankii waxbay wadda cunayaan(guurtida), oo nimankii colba maahee, oo sidaynu moodaynayba maaha, ha layidhaahdo ayaan is leeyahay”
“Hadalka iyo waxii wax isku sheeg ahna golaheenii ayanu la tagi haddi Alle yidhaahdo. Barigii aynu xereta ahaan jirnay waxa la odhan jiray labadda kitaab wadda akhrisatay waa laba naas wadda jaqday oo kale, dadka labadii isku gole ahiba waa walaalo ee wadda shaqaysaa.” Ayuu yidhi sh. Furre
Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay xafladii qado sharafta ahayd wuxuu aad ugu mahadnaqay gudoomiye ku xigeenkiisa oo si shakhsi ah kaligii u marti qaaday golaha oo dhan, isagoo arintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi” Sheekhu wuu ku mahadsanayahy haddii uu maanta iskugu keen yeedhay, oo uu yidhi waar baryahan inaynu isku mid nahayba waad ilowdeen, haduu yidhi aad iyo aad ayuu markale ugu mahadsanyah, wixii talo iyo wax isku sheeg ahna sidii sheekhu u sheegay golaheeni ayaynu la tagaynaa”
Dhinaca kale, Xaaji Cabdi Xuseen Xaaji Cabdi Waraabe iyo mudane Cabdil aahi Ibrahim xirsi(Dhugad), oo labaduba ka tirsan mudanayaasha golaha guurtida ayaa uga mahadnaqay gudoomiye ku xigeen ka kowaad casuumadda uu u sameeyay.
Labadaas xildhibaan waxay sheegeen in la soo gaba gabeeyay khilaafaadkii ka jiray golaha, waxaanay xuseen in goluhu u midaysanyahay gudashada waajibaadka shaqadda.

Ramaasnews Desk
Hargeisa

qaraxii Laascaanood oo galaaftey kii qarxinaayey 20100204


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

WASIIRKA DAAKHILGA OO SHAACA KA QAADAY IN QARAXII XALAY UU KU HALGAASAMAY NINKII KA DANBEEYEY QARXAYADII LAASCAANOOD

WASIIRKA ARIMAHA GUDDAHA SOMALILAND MUDANE CABDILAAHI CIRO AYAA SHIR JARAID KU QABTAY MAGAALDA LAASCAANOOD

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md C/laahi Ismaaciil Cirro oo ku sugan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa saaka shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Hotel Xamdi laascaanood ku soo bandhigay cadaymihii qaraxii iyo Ninkii Habeenkii Xalay ku dhintay qarax uu soo maleegay, damacsanaana in uu qarxiyo oo isagii ku qarxay ninkan oo ahaa sida uu Wasiirku sheegay ninkii ka danbeeyey Qarxyadii hore ee ka dhacay Magaaladda Laascaanood wasiirka ayaa soo bandhigay Mobile iyo Remote uu u adeegsanyay ninkani qaraxan .

Wasiirka ayaa sheegay in ay saaka ugu dul tageen ciidamadu goobtii qaraxu ka dhacay nin,Ninkaas oo ahaa ninkii damcasanaa in uu fuliyo qaraxaa balse ay u suurta gali wayday oo ay ka fashilantay , hadalada wasiirkana waxaa ka mid ahaa .

“Xalay waxa dhacay 7:30 Fiidnimo qarax nasiib wanaagse Maadama oo ay habeen ahayd waxaanu goosanay in aanu ciidamda ku wareejino goobta oo ay heegan ka galaan eeriyada oo aan cidi u dhawaan anaga oo ka cabsi qabnay in kii waynaa uu qarsoon yahay oo marka la isu soo baxo oo madax iyo ciidamoba wixii yimaada inay ku qarxiyaan sidii caadada u ahayd nasiib wanaag xalay oo dhan ciidanku meeshi gaadh ayuu ka hayay saaka subaxnimadii waxa lagula kulmay nin mayd ah oo ah ninkii dhigayay miinadaasi ama walxahaas qarxa waxaana la yidhaa miinaystuhu mar kaliya ayuu khaldamaa markaasna uu dhintaa isaga oo islahaa wax galaafo ayay isaga galaaftay nasiib wanaag macluumaad badan ayaa laga helay oo baadhis ku jirta oo aanu baadhista ka dib uun sheegi doono waxaanuse ummadda reer Somaliland gaar ahaan reer laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool ba uga mahad celinayanaa sida feejigan ee ilaa hadeer ay uga taxadirsan yihiin isuguna duuban yihiin waxaanu ka codsanaynaa kuna adkaynaynaa nabadgelyadu qof kasta waa u dan ganacsatda waa u dan oo wadaadka waa u dan oo masaajidka la tagi mayo oo madaaarista la tagi maayo oo iskuul la tagi mayo oo shaqo la tagi mayo oo wax talaabo laga qaadin oo la isku duubnaan markii shalay aynu isu nimi waxaynu Alle ka barinay in Alle fashiliyo cida wax wada waxaana muuqata in uu Alle inaga aqbalay fashilaadaas ayaana ku timi ninkii isku dayay in uu waxan sameeyo arintuna baadhis ayay ku jirtaa macluumaad fiicaan oo raad raac fiican lehna waanu ka helanay inshaa Allah na way soo gabogaboobmi doontaa ”

Warqabadka ToggaHerer

Hargeisa

Somaliland

HomeAbout usPhoto GalleryGabayoYAA CAAWINAYAQuraanReportsContact us
All rights Reserved by TogaHerer News Network (Shabakada wararka ee Togaherer.com)

Qarax xoog weyn oo gebi ahaanba gilgilay magaalada Laascanood 20100204

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Qarax Weyn Oo Gilgilay Caawa Magaalada Laas-Canood Wakhti Ay Ciidamadda Ammaanku Bandoo Saareen Magaalada




Laascanood (Golisnews.com)-- Qarax xoog weyn oo gebi ahaanba laga maqlaayey magaalada Laascanood ayaa caawa fiidkii gilgilay badhtamaha magaalada wakhti ay ciidamadda ammaanka ee magaalada Laas-canood ay ku jireen hawl gallo ay ku hayeen magaalada gudaheeda isla markaana is gaadhsiinta magaaladdu ay go'antahay.

Weriyaha Golisnews ee magaalada Laascanood oo aanu goor dhawayd kula xidhiidhnay khadka isgaadhsiinta ee la shaqeeya Satteliteka ee loo yaqaan Thuraya ayaa noo xaqiijiyey in qaraxaasi uu dhaca wakhti gebi ahaanba dhaq dhaqaaqii magaalada ay joojiyeen ciidamadda ammaanku, Weriye Kabadhe ayaa noo sheegay in aanu xaqiijin karin khasaaraha uu gaystay qaraxani iyo welib goobta uu ka dhacay iyadoo ciidamadda ammaanku sababo amaanka la xidhiidha ay joojiyeen isku socodkii magaalada ee xilliga habeenkii.
wixii warar ah ee ku soo kordha qaraxani kala socda Golisnews

Golisnews, Laascanood


info@golisnews.com

Wasiirka Xannaanadda Xoolaha oo Diiday Inuu u Hoggaansamo Dastuurka Somaliland 20100204

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Wasiirka Xannaanadda Xoolaha oo Diiday Inuu u Hoggaansamo Dastuurka Somaliland





Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa qoraal canaan iyo digniin culus xambaarsan u diray Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, isla markaana dalbay inuu golaha yimaad maalinta Sabtida ee soo socota, kadib markii sida la sheegay uu ka dhego-adaygay qoraallo ay dhawr jeer hore u direen guddi-hoosaadka dhaqaalaha wakiillada si ay wax uga weydiiyaan arrimo la xidhiidha cashuuro wasaaraddiisu ka qaado dhoofka xoolaha nool.

Qoraalka Md. Cirro u diray Dr. Idiris oo ku taariikhaysan 1 January 2010, kuna beegan Axaddii toddobaadkan ka hor intii aannu guddoomiyuhu u ambabixin socdaal uu ugu kicitimay dalka Sweden oo uu kaga qaybgelayo shir caalami ah, waxa uu Wasiirka Xannaanada Xoolaha ku adkeeyey inuu Sabtida foodda innagu soo hayso hortago Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiillada si uu tafaasiil uga bixiyo lacago aan sharci ahayn oo wasaaraddiisu ka qaado xoolaha nool ee ka dhoofa dekedda Berbera, isla markaana masuuliyadooda hore wasaaradda maaliyaddu hore isaga fogaysay.

Qoraal guddida dhaqaaluhu 30 January 2010 ku socodsiiyeen Guddoomiyaha Wakiillada oo Jamhuuriya helay nuqul ka mid ah, ayaa lagu sheegay in wasiirka xannaanadda xooluhu diiday inuu u hoggaansamo dastuurka Somaliland, kadib markuu si badheedh ah u diiday inuu horyimaad guddida dhaqaalaha sida uu waajibinayo qodobka 53aad ee dastuurka qaranku.

Qoraalka guddida dhaqaaluhu u gudbiyeen guddoomiyaha Golaha waxa uu u qornaa sidan; “

“Ku: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

Ujeeddo: Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo Diiday inuu u hoggaansamo Distuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiye, waxaan suurtogalayn hawlgudashada guddida haddii aan hawlwadeennada xukuumaddu ku dhaqmayn Distoorka Qaranka.

Waxa Guddoomiye, qoraallo iyo xidhiidho badan oo aannu la sameynay Wasiirka Xannaanada Xoolaha, taas oo keentay in Wasiirku si cad oo badheedha u diiday inuu guddida horyimaaddo, si guddidu u waydiiso xogta ku saabsan takaaliifta iyo lacagta laga qaado xoolaha dhoofaya, taas oo sababtay cuno-qabatayn iyo takoor ganacsatada dhexdooda ah, iyadoo xaqii ganacsiga xooluhu gacanta u galay cid gaara ah amma kooto (Monopoly).

Haddaba, Guddoomiye arrinka Wasiirka iyo xogta ganacsiguba waxay ku xidhan tahay tallaabada Goluhu ka qaado.”

Hadaba markii Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) arkay warqadda guddida dhaqaalaha, waxa uu wasiirka xannaanadda xoolaha u diray qoraal uu ku xasuusinayo in masuulkasta oo marka loo yeedho Golaha horiman waayaa uu ka baydhay haybada iyo hannaanka dawladnimo, isla markaana uu si caddaan ah u baalmaray dastuurka iyo shuruucda dalka u yaal, isaga oo wasiirka ka dalbaday inuu guddida horyimaado maalinta Sabtida ee taarikhdu tahay 6 February 2010.

Warqadda canaanta iyo digniinaha is-huwan ah ee Guddoomiye Cirro u qoray wasiirka, ayaa sida qoraalka ka muuqata ka dambaysay qoraal guddiga dhaqaalaha ee Wakiilladu guddoomiyahooda kaga codsadeen 30 Janu 2010 inuu Dr. Idiris ku amro inuu horyimaad, kadib markii uu dhegaha ka furaystay inuu u hoggaansamo ilaa shan qoraal oo guddi-hoosaadka dhaqaaluhu kaga codsadeen inuu horyimaad si ay wax uga weydiiyaan lacago aan qaadisteedu ansaxsanayn, isla markaana ku jirin miisaaniyadda dawladda oo Wasaaradda Xannaanada Xooluhu ka qaaddo xoolaha ka dhoofa dekedda Berbera.

Qoraalka Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu si kulul ugu canaantay Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay shalay, waxa uu ku wargeliyey wasiirka hadduu ka baaqsado inuu guddiga dhaqaalaha hortago Sabtida in Golaha Wakiilladu ka qaadi doono tallaabada ku habboon ee sharciga ah, waxaannu dalbay inuu u hoggaansamo shuruucda dalka u yaal.

Qoraalka Guddoomiyaha Wakiilladu u qoray wasiirka waxa uu u dhignaa sidan; ““Mudane Wasiir, aniga oo tixraacaya warqadda tirsigeedu yahay GW/G/19/18/2010, kuna taariikhaysan 30/01/2010, taas oo guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilladu iigu soo wargeliyeen in aad ka baaqsatay kulamo shaqo oo guddidu kuugu yeedhay. Qoraalladaas oo dhammaantood ogaysiin ay guddidu hore ii siisay oo aan ka warqabay.

Haddaba, sida ku cad dastuurka qaranka qodobkiisa 53aad, farqadihiisa 6aad iyo 7aad oo qeexaya in golaha iyo guddiyada goluhuba ay awood dastuuriya u leeyihiin inay u yeedhaan masuuliyiinta qaranka si ay wax uga waydiiyaan hawshalaha ay qaranka u hayaan.

Masuul kasta oo golaha hor ima waaya marka uu goluhu amma guddi u yeedho waxa uu si caddaana u baalmaray dastuurka iyo shuruucda qaranka u degsan, waxaannu ka baydhay haybadii iyo hannaankii dawladnimo, taas oo ay ka dhalanayso qawaaniin hor leh.

Sidaa darteed, waxaan kugu wargelinayaa in aad ka soo qaybgashid kulanka shaqo ee guddidu kaa dalbatay maalinta Sabtida 06/02/2010, 9:39am, si ummadda loogu wada adeego qaranka loogu shaqeeyo.”

Dastuurka Somaliland oo dadweynuhu 31 May 2001 ku ansixiyeen 97%, ayaa waajibinaya in Golaha Wakiiladda iyo guddiyada Goluhu u yeedhi karaan wasiiradda ama madaxda dawladda si wax looga weydiiyo gudashadda xilkooda, iyada oo masuulkii arrintaa didaana jabinayo qodob dastuuri ah oo uu ku mutaysan karo maamuus ka xayuubin iyo in maxkamad la soo taago sida ku cad qodobka 96aad ee dastuurka.

Qodobka 53aad ee dastuurka qaranka ee ka hadlaya awoodaha iyo waajibaadka Golaha Wakiilladu, isla markaana awood u siinaya inay u yeedhi karaan masuuliyiinta dawladda, waxa uu u qoran yahay sidan;

“1. Waxa waajib ah inuu oggolaansho Golaha Wakiilada ka helo qof kasta oo loo magacaabo Wasiir, Wasiir-ku-xigeen, iyo Madaxda Hay’adaha Dawladda, iyadoo la raacayo Dastuurka.

2. Golaha Wakiiladu waxa kale oo uu awood u leeyahay ka doodista, wax -ka¬sheegista, celinta oo sababaysan iyo ansixinta Barnaamijka Xukuumadda.

3. Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soo¬saarid ama wax-ka beddelid qaanuun.

4. Golaha Wakiiladu waxa uu u gudbinaya Golaha Xukuumadda tallooyin iyo tilmaamo ku saabsan siyaasadda guud ee hogaaminta.

5. Ku-soo rogida dalka, ama qayb ka mid ah xukun deg-deg ah, waxa Golaha Xukuumaddu uu waydiisanayaa labada Gole (Golaha Wakiilada & Golaha Guuritda) oggolaansho.

6. Golaha Wakiiladu waxa uu awood u leeyahay inuu u yeedho Xukuumadda ama hay’adaheeda iyo wakaaladaheeda, si uu wax uga waydiiyo gudashada xilkooda.

7. Guddiyada Golaha Wakiiladu waxay awood u leeyihiin in ay Wasiirka ama madaxda hay’adaha Dawladda ama madaxda sare ee kale ee Qaranka ee hawshoodu khusayso, in ay wax ka waydiiyaan gudashada xilkooda.”

Masuuliyiinta dawladda iyo xukuumadda talladda haysaa hadii ay u hoggaansami waayaan qodobka 53aad ee dastuurka iyo 7-da farqadood ee uu ka kooban yahay, waxay mutaysan karaan in lagu qaado qodobka 96aad ee dastuurka oo ka hadlaya eedaaynta iyo maamuus-ka-xayuubinta madaxweynaha, madaxweyne-ku-xigeenka iyo wasiiradda.

“1. Haddii Madaxweynaha iyo ku-xigeenka madaxweynaha lagu soo oogo dembiyada kala ah:¬

b. Khiyaamo Qaran (High Treason) ama

t. Ku xad gudubka Dastuurka.

Waxa ku soo oogi kara madaxweynaha ama/iyo madaxweyne-ku-xigeenka dambiyada ku xusan faqradan ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha ka tirsan Golaha Wakiilada; iyaga oo eedaynta u gudbin doona Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Golaha Wakiiladuna waxuu ku ansixin karaa cod tirada xubnaha Wakiilada badhkood iyo mid ah {Absolute Majority).

2. Golaha Wakiiladu wuxuu igmanayaa guddi aan ka badnayn toban (10) xubnood oo eedeynta M/weynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka kaga oogta Golaha Guurtida hortiisa, wuxuuna Golaha Wakiiladu adeegsan karaa qareemo madax¬bannaan oo arrintaas eedaynta ka kaalmeeya.

3. Waxa u fadhiisanaya xukunka eedayntaas Golaha Guurtida oo uu Guddoomiye ka yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhagaysanaya dacwadda ay soo oogayaan Guddida ay igmadeen Golaha Wakiiladu, iyadoo Madaxweynahu ama Madaxweyne-ku-xigeenku isaguna yeelanayo qareemo gaar ah oo difaaca. Golaha Guurtidu wuxuu ku ansixin karaa eedayntaas cod 2/3 (saddex meelood laba meelood) oo tirada guud ee Golaha ah.

4. Haddii Xeer-ilaaliyaha guud ku soo eedeeyo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen dembi ka mid ah dambiyada ku sheegan faqradda koowaad ee qodobkan, waxaa warbixinta eedda uu Xeer- ilaaliyaha Guud u gudbin doonaa Madaxweynaha. Haddii Madaxweynuhu ku qanco warbixinta waxa uu Wasiirka ama wasiir-ku-xigeenka ka xayuubin doonaa dhowrsannaanta. Haddii uu ku qanci waayo madaxweynuhu warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud, wuxuu amrayaa inuu Xeer-ilaaliyaha Guud la noqdo dacwadiisa.

5. Waxa eedda Ia xidhiidha Wasiirada qaadi doonta Maxkamadda Sare ee Cadaaladda (High Court of Justice), Maxkamadaas oo ka kooban Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; afar garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare iyo afar xubnood oo ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka oo Gole waliba soo doorto laba xubnood.”

Xigasho: Wargeyska Jamhuuriya

Munaasibad lagu xusay Geeridii Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale oo Hal Sanno ka soo wareegtay laguna qabtay Hargeisa 20100204

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Munaasibad lagu xusay Geeridii Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale oo Hal Sanno ka soo wareegtay laguna qabtay Hargeisa.



"Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu balan qaadkii uu agoonta u sameeyay u fuliyo waa nasiib darro inaan wali waxba loo qaban" Suldaan Maxamed C/qaadir


Kulan Baroor diiq ah oo lagu xusayo Sannad Guuradii koowaad ee ka soo wareegtay Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale(Xoghayihii Guud ee Xisbiga Udub) oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa. Kulankan oo ka qabsoomay Huteel Imperial ee Caasimada Hargeysa

Waxana Masuuliyiin tiro badan oo ka soo qayb galay ay si ba’an u weerareen Xukuumada Madaxwayne Rayaale gaar ahaan Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin oo ay sheegeen in uu ka baxay balantii uu qaaday dhimashada Xoghayaha guud ka dib in Agoontii uu Xoghayuhu in loo dhiso Guri Hanti ah.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa tallaabada Madaxwayne Rayaale ku tilmaamay mid ayaan daro ah in Madaxwaynuhu uu sidaa ku dhaqaaqo kana baxo balantii uu dhigay. Taasina ay ka sii daran tahay In dayntii uu Xoghayuhu u soo galay Xisbiga ilaa maanta loo haysto Eheliyada Dadkii uu ka tagay Marxuum Bulaale. “Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu balan qaadkii uu agoonta u sameeyay u fuliyo waa nasiib darro inaan wali waxba loo qaban. Waxaan leeyahay Madaxweyne wixii aad balan qaaday fuli ama waxba uma qaban karo dheh.”


Waxa kale oo isaguna Xuskaasi hadal ka jeediyay Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray ayaa isaguna muujiyay sida uu uga xun yahay in Madaxwaynuhu aanu u qiimayn Marxuumkaasi “ oo ahaa” buu yidhi “Nin Xisbiga iyo Qarankaba ku wayn, hadii aanu fullin karaynin ha noo caddeeyo anaga ayaa Guri u dhisi Caruurtii Marxuumkee, Dayntii uu u galay Xisbiga Udubna ka bixin doonee”

C/laahi Ibraahim Xaaji Xasan, oo ku hadlayay Magaca Dhallinyarada Xisbiga Udub ayaa sheegay in ay tahay arin laga qoomamoodo iyada oo la xusayo Xoghayaha guud ee Xisbiga Udub in ay Madasha ka maqnaadaan Masuuliyiintii Xukuumada, arintanina ay caddaynayso in Xisbiga aanay joogin cid garanaysa milgaha iyo Xurmaha qof ahaaneed hadii uu dhinto iyo hadii uu Nool yahayba. Jagadii ama Xilkii uu Marxuum Bulaale banneeyayna aan loo dhiibin cid buuxin karta.

Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo Gaadiidka Somaliland Saciid Sulub Maxamed oo ka mid ahaa Dadkii baroor diiqdaasi hadalka ka jeediyay ayaa yidhi “Xuska Shahiid Maxamed Ismaaciil Bulaale ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee cidii soo abaabushay aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin. laakiin Maxamed nin xisbi iyo nin qabiil waligii muu ahayn oo wuxuu ahaa mid hawl qaran uun hayay illaa maalintii uu ka geeriyooday. Waxaan ka codsan lahaa qoladii xafladan soo abaabushay inay xaflad labaad loo sameeyo oo tan ka balaadhan oo ay ka soo wada qeyb galaan dadkii yaqaanay taariikhdiisa ee reer Somaliland oo dhami.”
Waxaanu Wasiirku ka gaabsaday in uu sheego in Xukuumada Madaxwayne Rayaale ay balantii kaga baxday iyo hadii ay bixinayso labadaba. isagu ka gaabsada


Xafladaasi oo ahayd mid Baroor diiq ah ayaa waxa ka soo qeyb galay Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray, Suldaan MaxamedC/qaadir, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Md. Siciid Sulub Maxamed, Salaadiin, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah carruurtii iyo ehaladii Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale.