Wednesday 24 February 2010

By A.geeljire


By A. Geeljire
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:..........

’aar inaadeerow aan is raacsado ee ii kaadi. Doolaal:
Bal wad waayahay eh.
Dubbe:
Horta yaynaan dhaqankii mafrishka ka tegin ee wadaadkeenii KU-Xigeenka ahaa ee Axmed Yusuf Yaasiin ee dhakhtarka France ku galay u duceeyaa in Ilaahay caafimaad siiyo oo uu nabad qab inoogu soo noqdo. Ta labaade saddex nin saddexdaba arrin aan ka maqlay waxbaan ka odhan.
Doolaal:
Waa kuwee?
Dubbe: Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar
waxaan maqlay Cawil baa kaxeeyay oo Ina Rayaale u geeyey, haddana . si ay u heshiiyaan oo uu UDUB ugu diga rogto haddana. Waxaan idhi anigu Suldaannka waan aqaan oo nin Ina Rayaale iyo Cawil oo tay kuu faleen la ogaa ku hoos noqonaya maaha. Ta kale
qudh ahaan waa u suldaan Somaliland ah, xisbi ahaanna waa u Kulmiye ee waxa ka maqani waa maxay? Ma inuu kolba sida saaxiibkay Cali Guray marka albaabka laga horjoogsado yidhaahdo "waar waa maxay inan gumeedyadan aanu u nimi." Buu doonayaa?
Doolaal:
Haye?
Dubbe:
Waa ka labaade; waxaan ka arkay bahalkan Televisionka la yidhaahdo askari Maraykan ah oo kaadhi wadada kolba dhan uga baxaya meel cidla ah oo laba magaalo dhexdood ah ku joojiyay. Kii oo darawalkii la hadlaya oo u xidhay inuu khamri cabbay gaadhina kaxeeyay ayuu gaadhi kale isa soo daba taagay. Askaragii baa gaadhigii kale u tegey, darawalkii buu weydiiyay wuxuu isu taagay isaga oo aan cidi joojin. "ishaaradan cas ayaan iska taagay." Buu ugu jawaabay intuu laydhkii gaadhiga booliska dushiisa ka bilig lagaa tilmaamay. Isaagii buu askarigii baadhay mise kii horeba ka sakhrad weyn. Isna waa xidhay.
Doolaal:
maxaad uga socotaa?
Dubbe:
Haaaaa! Waxaan uga socda inagoo jawaabtii Cali Sanyare, wasiirka Qorshaynta, ee ku saabsanayd safiirkii Masriga ahaa ee Somaliland aflagaadeeyay la yaabban ayuu Cabdillahi Ducaale, Wasiirka Khaarajigu, hadlay oo yidhi "xidhiidhkeena Masar wuu isa soo tarayaa oo Safiirka anigaa fool ka fool ula kulmay." Ninkaa gaadhiga booliska is daba taagay baan soo xusuustay.
Waxaanse idiin sheegayaa. Ha yaabina. Arrintu waxay ka socotaa waxa dalka xukuma Madaxweyne cid walba u rahman oo u habranaya. Ka Djibouti baasaboor buu ka qaatay. Ka masar dalkiisa ayuu lacagtii uu inaga qaatay ku qarsaday badhna daaro kaga dhistay. Kuwa kalena sheegi maayo hadda.
Doolaal:
Waxaasi waa waxaagii xilka lahaaye waa kuma ka saddexaad?
Dubbe:
Waxaan maqlay Monsieur, Jug-soo-Dhacay Jamac Yasiin Faarax oo ku khudabadaynaya "kuwa bulshada isku diraya ha dhegeysanina."
Waxaan idhi sawkaa is tilmaamay ee dadkii intii ku hadhay iska eryay. Hadda waa ninka madaxda ka ah xisbiga UDUB ee siyaasaddiisa doorasho ka kooban tahay saddex qodob oo keliya. 1) "ciddii Habar Yoonis ahay dagaalkii sokeeyey xusuusnaada weligiin oo ciddii Isaaqa kale ah ee kursii doonaysa haw codaynina." 2)Samaroonow haddii Kulmiye guulaysto beeraha iyo lo’da ayay idinka qaadayaan. 3) "yaa damiirkiisa iyo dadnimadiisa gadaya oo lacag raba oo noo codaynaya."
Doolaal:
Sii wada meel baan yar gaadhayaa aan qolo kula ballan sanaaye.
Dubbe:
Sii wadimaynee fadhiiso ninkii Qurba joogga ahaa baanu kuu dhammaynaynaa sheekadiisiiye. Wallaahi inaanad kacayn waanigaa dhaartaye.....
Inyar markaanu soconay buu yidhi "waar qaar aan jaad ugu ballan qaaday baan ilaabay ee kolaygan inagu du’." Waan duway. Gaadhi taagan baa daaqadiisa geedh jaad ah laga soo maguujiyay oo gabadhii iibinaysay indhaha kaga dhacay. Gabadhii oo anfariirtay baa tidhi. "Waar dee qaadka haygu tuurin Wasiir ee iga bedel uun qunyar i dhe." "waar ninka jaadka gabadha indhaha kaga dhuftay muxuu ahaa." Buu yidhi. "Waa Idris,Wasiirkii Maxjarka baan idhi." Kuye. "oo gabadha miyaad garanaysaa?" "haayoo Mujaahid naafo ah baa qaba oo ay isaga iyo carruurtiisii qaadka ku masruuftaa." Baan idhi. "oo berigii halganka Idris muxuu ahaa?" Buu yidhi. Intaanan u jawaabin ayuu gaadhi isa soo taagay oo uu ka soo degay nin gaaban oo uur buuran oo dadka wax lagama sheegee, Ilaahay haynaga dhaafee, aad moodo Nayl yar oo qasaasil cabbay. "waar kanna muxuu ahaa ."buu yidhi. "Waa wasiirkii Ciyaaraha." ayaan idhi. "adigu ma magaaladoo dhan baad na odhan kanna muxuu ahaa?" baan u raaciyay. "mayee lambarka gaadhigiisa ayaan gartay oo xalay isagoo luuq madaw taagan oo wax ka dhex qoslayaan aan dad iyo dacwooyin u kala garan waayay ayaan soo agmaray." Buu yidhi. "wallaahi xareediskaa horaan u maqlay" baan idhi. "Idris bay saaxiib yihiin." baan u raaciyay.

Doolaal:
Waar xishood oo madaxda shakhsi weerarka ka daa. Inaa’r haddaba aan kaco. Wallaahi dad baan meel kula ballamay.
Dubbe:
waa dhamaade dhegayso. Markaanu dhaqaaqnay ee aanu inyar soconay buu yidhi "waar hudheelkii igu celi aan lacag ka soo qaatee." "hayee cid dambe hay weydiin." Baan idhi. Gaadhi dumar badani ku buuqsan yihiin oo nin gaadhiga ku jira ay gadhkiisa tiigsanayaa si ay u qabtaan oo u baryaan kolna gacmaha cirka u taagaya sidii wax Ilaahay u cabanaya ayaanu ku soo baxnay. Halkiisii buu ka miisay oo "maxay ahaayeen?" buu yidhi. "kulligood wada garan maayo ee illaa tobaneeyo ayaan garanayaa." baan idhi. "Taa shalmadda cas lihi waa Muj. Cabdi hooyadii. Taa bidixda ka xigtaa ee dirica basaliga ah gashani waa Muj. ibrahim Habar yartii. Ta gaadhigu taayirka cagta ka marin gaadhay ee ku tiirsani waa Muj.Cali walaashii. Taa ilmada iska duugaysaa waa Muj. Daahir hooaydii. Ta aamusiinaysaa waa Muj. xirsi walaashii. Taa lleh "hoogay oo tacabkay khasaarayeey" waa Mujahidkan gooladda baabuurtu ka leexato seexda hooyadii. Taa askariga ilaadada ahii gambada ka tuuray ee cirrada u qaawiyay waa Muj. Cabdi hooyadii. Taa leh "Ilaahay iyo rag inoo kaca waynu leenahay ee inaga keena." Waa Muj. Xasan inaadeertii. Labadaa dib u yar joogsaday ee murugada iyo amakaaggu ka muuqdaa waa Muj.Maxamed iyo Muj. Axmed hooyooyinkood. Taa taagnaan kari weyday ee dhulka fadhiisatay waa Muj. xuseen hooyadii. Labada biyaha siinaya eek u fooraraa waa Muj. siciid iyo Muj. Bashe hooyooyinkood. Ta leh "naa laydha u baneeya." Waa Muj. Diiriye habar yartii." Baan idhi. " waxay wax tar ka doonayaan xukuumadda oo Intaas oo mujaahid oo aan kuu sheegay ama waa naafo laxaad ama naafo maskaxeed qaarna waa shihiideen." Baan u raaciyay.
"Oo ninka Gaadhiga lagu sidaa ee ay baryayaanna waa kuma?" buu yidhi. "Waa Wasiirkii Daakhilga Cabdillahi Cirro." Baan idhi. "berigii halganka muxuu ahaa?" buu yidhi. "AHN tee haddii uu Suldaan Boqor Yusuf Dhegaweyne noolyahay su’aashaadaa wuxuu kaga jawaabi lahaa "Haaye. You never eh. You never understand eh. People in the Jail eh. Beating hard eh. My testicles eh" dee xiniinyaha ayuu ragga jeelkii godka la odhan jiray kaga saari jiray.
Waar maxaynu jiidhnay? Ma ri’ baa? Ta kale maxaad la ooyaysaa waa caadiye. Waar raggu ma ooyo ee adkayso waxba maad arage. "waar bal goodhidan yar igu du’ aan biyo ka iibsadee." Buu yidhi. Markaan joogsaday buu haddana yidhi. "oo daartan dheer ee cirka ku jaran yaa leh." "Madaxweyne Dahir Rayaale Kaahin." Baan idhi. "Goodhidanna yaa leh."buu yidhi.
"Mujaahid Ismaaciil oo naafoo ah ayaa leh." Baan idhi.
Waa inoo qoraalka xiga. Haddii Eebbe idmo
A. Geeljire

harar on February 24 2010 10:25:23 ·

Qubane