Tuesday 19 January 2010

SIYAAD BARE MADHOODHADIISA CID BU ODHAN JIRAY FARTA UTAAGA LAAKIIN INA RIYAALE INTA UU SUBAX TOOSAY AYUU YIDHI.......WARAYSI DR CABDI AW DAAHIR


SIYAAD BARE MADHOODHADIISA CID BU ODHAN JIRAY FARTA UTAAGA LAAKIIN INA RIYAALE INTA UU SUBAX TOOSAY AYUU YIDHI.......WARAYSI DR CABDI AW DAAHIR


Shabakada wararka ee hadhwanaag ayaa maanta magaaalada Burco waraysi kula yeelatay Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo ka mida xisbiga mucaaridka ee kulmiye warays DR cabdi waxa uu imika degen yahay magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer.
waraysigana waxa uu kaga hadli doona arimo badan ooxasasiya


S/ ugu horayn Cabdi maxaad qabataaa?

J/ imika waxan ka shaqeeyaa caafimadka oo dad weynaha reer Burco ayaan u shaqeeyaa Cisbitaalkana waan tagaa private clinic na waan ka shaqeeya,

S/ marxalada siyaasaded ee dalku maraayo sided uragtaa ?

J/ siyaasada dalku wajiyo fara badan ayay leedahay siyasada gudaha iyo ta debeda marka hore Somaliland siyaasad ahaan iyo shacbi ahaan iyo xisbi ahaanba meel fiicanbay maraysa alxamdi ilaahi rabil caalamiin Laakin arimo fara badan ayaa ina horyaal oo u baahan dadaal iyo wada tashi waxa ka mida arimaha siyaasaded ee cusub ee mandaqada ku soo kordhay oo ubaahan in si gaara loo eego waxa kale oo iyana u baahan in sigaara loo eego arinta gobolada bari waxa kale oo ubaahan arimaha shidaalka iyo dhaqaalaha waxa kale oo ubaahan arimaha sharciga ku saabsan ee golaha guurtida ee isu kordhiyay arimo fara badan oo u baahan talooyin iyo in go,aamo laga gaadho oo laga yaabo in ay sidaa wanaagsan ee maanta nabadgelyadaa h ee dalkeenu u socdo carqaladayn karta hadaan si dhakhso ah wax looga qaban

S/ Adigu Cabdi AWdahir ahaan sideed u aragtaa siyaasada uu madaxweyne Riyaale dalka ku hogaaminaayo?

J/siyaasada uu madaxweyne Riyaale dalka ku hogaamiyo horta marka hore waa madaxweynaheeni alxamdu lilaah sidaa marka la eegona waxa uu inaga mudan yahay sharaf iyo amaan inan xurmayno ayuu inaga mudan yahay isaguna qof ahaan waa qof wanaagsan weeyaan laakin sida uu wax u xukumaayo iyo talada uu hayaa maaha taladii wanaagsanayd marka la eego siyaasadiis gudaha iyo ta debda ta dhaqaalaha marka la eego maaha siyaasad wanaagsan mana qabo in uu wadadii wanaagsanayd maraayo waxa ugu danbaysay markad eegto eed qodob qodob u eegto arimaha isku kodhinta Guurtida waa xaalad aan abidkeed aduunka soo marin

dee dadka uun iyo golayaashii kale ayaa jSomaaliland badbaadadeda jecel waxan qabaa teelo sharciyeed oo hadhay ma jirto xitqaa isku kordhintu xeerkeedu sharciga ma waafaqsana xitaa waxyaala qaarkood ma dhoodho madhoodhayn ayaa la yidhahdaa marka ma dhoodhada lafteeda ayaa kala wanaagsan oo siyaad bare sidaasuu u madhoodhayn jirayoo dadka oo waxa uu odhan jiray qaar kale ayuu odhan jiray farta u taaga. daahir riyaale isagu subax uunbuu tooso inta uu kacay golaha guurtida u tagay isku kordhiya afar sanadood isku kordhiya markii danbena waxa uu yidhi sharcigay waafaqsan tahay meel ay dastuurka kaga jirtaana ma jirto bal hadaba dhiirananta faraha badanina burburin weyn weeye waa dhiiranan aynan arag oo aynan maqal marka waxan qabaa in ay xaalad adag tahay dhanka kale xaaladah bariga somalialnd xagay ku danbeeyeen afar sano horteed xagay marayeen maanta xagay marayaan is bedelbay u baahntahay . waxa kale oo jir dhawan barlamaan ayaynu dooranay sharcigu waxa uu dhigayaa wax alaale iyo waxii madax ah ee ay ka mid yihiin xeer ilaaliyaha guud qaranka Handti dhawrka guud Gudoomiyah baanka agaasimayaasha guud in la horkeeno madaxweynahuna magacaabistiisu leeyahay golaha wakiiladuna ansixinteeda ayay leeyihiin ma jirto muraad kama leh marka hadi u qofku muraad ka yeelan waayo waxkasta dee wado wanagsan marimaayo markas waxan leeyahay oo an taas kaga jawaabayaa sidee loo bedalayaa markaas anigu ma rabo in fawdo iyo waxa kale lagu badalee waxan waxan qabaain loo diyaar garoobo sidii loo bedeli lahaaa oo wado ka wanaagsan lagu bedeli lahaa

S/ Madaxweynaha waxad ahaydeen sxb mudo waa sidee imika xidhiidhkiinu mudooyinkan udanbeeyay marna ma wada xidhiidheen ?

J/horta Riyaale sxb maanan ahayne waxanu ka wada shaqayn jirnay dawlada imika laakin xidhiidhkayaga siyaasaded dee siyaasada waa ku kala duwan nahay siyaasada ana xisbiga kulmiye ayaan ahay isna waa xisbiga udub dee mar waa madaxweynahaygi oo an a waxan imika ka tirsanay xisbiga Kulmiye dhinac isku qadiyadbaanu ka nahay dhinac isku aragti baanu ka nahay dhinacna isku dad iyo dalbaanu ka nahay dhinacse fikirka siyaasada oo aan ahayn dee loolan ana sidaa u dhisaaya iyo anaa sidaa u dhisaaya ayaanu isku haynaa sxb tinimo horena may jirin oo noo dhaxaysay cadaawad maantana ma jirto laakin difference baa jira aanu ku kala duwanahay oo aan leeyahay talada sidiii aad u wadaa sidii toosnayd maaha horena aan u idhi imikana aan leeyahay marnaba markii aanu dawlada kuwada jirnay mooyee anagoo isku xisbiya ayaan markiiba gartay in aanan xoghaye guud u noqon karin Dahir Riyaale oo aanan u arkayn in uu dalka si wanaagsan ku hogaaminaayo

S/ Doorashadii golaha wakiilada waxad ahayd musharax u tartamaayay golaha wakiilada laakin maad soo bixin oo waad hadhay , hadhitaankaaga waxa u sabab ahaa ayay leeyihin bulshadu wasiir Siciiid Sulub oo dhinici hogaaminta beesha kaala wareegay arintaa adigu maxad ka leedahay ?

J/horta anigu sigaara u taaban maayo wasiir siciid doorka uu ku lahaa laakin kolay qolada xukuumadu dhaqaale fara badan iyo fikir fara badan ayay kaga qaadatay sidiii aanan usoo bixi lahayn . laakin imika siciid sulub gaar waxba u odhan maayo

S/ dhinaca xisbiga kulmiye waxad ka ahayd xubin firfircoon laakin mudooyinkan danbe laguma dhex arag arintaa maxa ugu wacan?

J/ Badanan xisbiga waa ku jiraa aragtidayda iyo fikirkaygaba waa ka gaystaa xubin firfircoona waan ahay gudida fulintana waa ku jiraa laakin arimo farsamo ayaa laga yaaba in aan ula joogin iyo waliba xaruntii dhexe oo aanan joogin anoo shaqadii dhakhtarnimada ku mashquulsan taasaa ugu wacan in aanan doorki markii hore oo kale aanan qaadan karin

S/ Cabdi AW daahir Somaliland 16 oo ay dawlad ahayd waxa ictiraafa may helin markaa wax bidhaan ictiraafa oo kuu muqdaa majirtaa /

J/Horta mark hore sida aynu wax uwada qabsano marka la eego rajadeenu ad iyo adbay uwanaagsan tahay marka waa in aynu tataawil ku noolaana oo aynu niyada dadka u dhisnaa oo aynu dadaalo oo aynu ku midawno oo aynan ku qancin wax yar ee maalin walba dhaca taa waxan qabaa tataawil wanagsani waa jiraa isla markaa hadana hadaan talo dhaba la keenin aan miiska la horkeenin xaalada ina hor taagan an hogaanka marka talada hayaa odhan maxaa inaga qarsoon maxaa inaga dhiman xagay wax inaga si yihiin siday wax isku badaleen siyaasadii africa maxaa iska bedelay tii debada maxa iska bedalay hadaan taa lakeenin oo aynu walac ku nolaano oo aynu nidhaahno wax kasta guulba laga gaadhay way ficantahay aynu waligeen ku noolaano waxa laga yaba dee wax badan la qaban maayo midnimo la midoobo oo arinkaa qadiyada somaliland laga midoobo oo hogaankeeda madaxweynaheedu yeesho oo asxaab iyo shacab weyne garab taagan yahay oo laga faaloodo oo arinkeeda miiska lakeeno oo lanaqdiyo oo la yidhaahdo halkeebaa inoo wanaagsan halkeebaa inaga xun maxaa inaga dhiman taas lagu guul gaadhayaa oo laakin inta aynu dusha ka warwareegayno oo maalin walba madaxweynuhu inta uusafar tago lasii dhaweyo oo hadana sifiican loo soo dhaweeyo farxad badan iyo bashbash iyadoo lagu jiro mar dhawna la maqlo guulbaa la gaadhay hadana laba cisho uun xorki ku dhamaado taasi waxa laga yaabaa in aanay waxba tarayn

markaas taas waxa weeyaam ictiraafka waaa helaynaa laakin waxay u baahan tahay talo inta ka balaadhan oo ka midaysan ooka dadaal badan ayaynu ku helaynaaa

S/ adiga Dr Cabdi awdaahir waa maxay mawqifkaaga mudo kordhinta golah guurtidu ee somaliland ?

J/ waa su,aal wanaagsan laakin mudo kordhin maaha ee waa isku kordhinta golaha guurtida waa sharci daro madaxweynuhu waxa uu sameeyay arinki ugu adkaa ee sharci dara ee dalka soo mara ama aan anigu idhaahdo waa arinki maskaxdaydu ama caqligaygu ma suurayn karo waxyaalo badan oo sharci dara waa dhacaan oo aduunyada ka dhacaan laakin sharci darada caqligaa suurayn kara

oo qofka caadigaa ayaa isagoon sharciba eegin garankara ma galo guurtibaa isku kordhin kara ku odhaaaya .

markaa imika wixii dhacay dhace waxan la arkaynbaa dhacay waxan caqligu suuurayn karinbaa dhacay haatan dhace in la xaliyo weeye imika madaxweynuhu isagu yaanu u arkin madaxweynaha waxa ku kalifay isku kordhinta waxa ku kalifay sidaan qabo ficil yaroo shir gudoonka mucaaridku helay subax uunbuu soo toosay jawaabtuna waxay noqotay looma fadhi ilaa imika waxay ku dhiiran yihiin oo leeyihin mar hadii aynu nidhi yaynaan khaldamin oo aana odhan hadiii aynu caynkaa wax ka badalo waa laynaga badsanayaaa maaha marlaa waxam qabaa in madaxweynuhu talaabo tan ka duwan qaado golaha guurtidu qaadaan golaha wakiiladu qaadan arinkan layskaga yimaado ta ugu horaysaana noqoto waa in golaha guurtidu ka noqdaan oo isku kordhintan ay leeyihin sharcigay waafaqsan tahay dee ma waafaqsanee waa in ay ka noqdaan oo dalka u tudhaan

2. Madaxweynihu daruufaha jira ayuu marar badan aan saamaxayn mararka qarkood waa macquul meelo badan waan ku raacsanahay laakinse waa in ay noqoto wax caqliga gali kara isku kordhintu waa in ay caqliga gali kartaa yaa kordhinaaya marka waxan anigu ku soo gabgabaynayaa waxan odhan lahaa oo aan ku talinayaa waa in ay isku kordhintu noqotaa ilaa dawlada hoose si iyada iyo ta dawladaha hoose isku mar loo wada qabto

3. waa in golaha wakiilada la hordhigaa

4. waa in golaha wakiiladuna sidaasi ku ansixyaan

markaa waa in aan gudoomiyaha golah wakiiladu marna jaraidka ka hadal marka kal guurtidu marna madaxweynahu jaraaidka ka hadal waa in inta ay isku yimaadaan ay yidhaahdaan waar maxaa suuuragala ay yidhaahdaan oo yidhaahdaan wakhtigaasa suuura gala yaa inoo sharciyayn kara waxa inoo sharciyayna kara golaha wakiilada marka madaxweynah warqadbuu soo saarilahaa golaha wakiiladuna waa kordhin lahaayeen sanad iyo badhbaa la kordhin lahaa markaa sidaasay ku hagaagi lahayd

S/ Cabdi sideed u aragtaa xaalada siyaasadeed ee ku soo koradhay magaalada Muqdisho?

J/waa isbedel siyaasadeed oo hor leh oo aan aduunka laga naawili karin horta inaga waxii xaalad ah ee ku soo kordhay muqdisho waxa saldhig inoo ah danta somaliland sidee ayuu ku yahay ayaa aniga saldhig ii ah waxkasta waxa ka horeeya danta somaliland aniga siyaasadaydu saldhigbay leedahay saldhigaasina waxaasi sidee danta somaliland ku yahay hadii uu qadiyada somaliland taageeraayana waa soo dhaweynayaa qadiyada somaliland hadaanu taageerayna ka soo horjeedaa

Qoladii hore waa aragnay kuwana waa eegaynaa hadii ay qadiyada somaliland taageerayaan waa soo dhaweynaynaa hadii kale waxunbay la mid noqonayaan kuwii hore .

anigu waxan qabaa in aynu xaalada ka yeelano talo qaran oo madaxweynahu inoo qabto madaxweynahuna waa in uu awoodaa in uu iskugu yeedho ka ugu fog iyo ka ugu dhaw labada oo uu dhahaa keena talo qaran waana in uu kala gartaa maalinta talo qaran loo baahn yahay iyo maalinta la loolamaayo



S/ Mudooyinkan danbe waxa jiray sicir barar dhinca shidaalka arintaa sided u aragtaa?

J/ Arimahas hore oo dhan waxa ka mihiimsan nolol maalmeedka ha noqoto siyaasada arimah gudah ta debeda arinta sharciyada iyoxaaladaha inagu soo kordhay intaba waxa ka mihiimsan xaalada nololeed maanta haday xukuumadu ogaan lahayd xaalada aynu maanta ku jirno Burco ookale hadaan ka soo qaato wax aananay saamayni ma jirto ha noqoto laydhka Gaadidka Biyihi caanihi dhuxushi dhamaan adeegyada aasaasigaa .

Total iyo xukuumaduna heshiis ayay ku yihiin in ay maalin kasta kordhiyaan shidaalka

waxa arintaa ka mihiimsan inta aanad wax kale qaban in aad nolosha aasaasiga e mujtamacaaga ka sheekayso

Waxaan soo jeedinyaa Madaxweyne inta aanad waxa kale qaban ee anad debed u dhoofin ogaw ama ha ogaanine waa arin qoys walba saamaynaysa markaa waxa ka horeeya in aad go,aan gaadhaa oo la dhimaa qiimaha shidaalka waaa in aanu xaalku noqon qof waliba wuu keeni karaa shidaal oo hadana hoosta ka dabran shidaalkana Total oo qudha aya keenta xukumaduna way ku taageersan tahay anigu waxan qabaa inta aan wax kale la qaban in shidaalka wax laga qabto waayo aasaska bulshadu waa qoyska .
Source Hadhwanaagnews.com

Date: 2006-06-29
Readed 1050 Times

Talo Ku Socota Golayaasha Qaranka, Axsaabta Iyo Dadweynaha Somaliland



Talo Ku Socota Golayaasha Qaranka, Axsaabta Iyo Dadweynaha Somaliland
Dr.Cabdi Aw Dahir cali — Burao, Somaliland — 26 June, 2006
--------------------------------------------------------------------------------

Waxaan hambalyo, iyo salaanba u soo jeedinayaa ummadda reer somalilanad
meelkasta oo ay joogaan munaasibada 26ka juun awggeed..waxaan ilaahay inooga
beryayaa sannadkaa sannadkiisa �bash-bash iyo barwaaqo Halkan waxaan maanta
doonayaa �in aan fikirkayga iyo talooyinkaygaba kaga soo jeediyo qodobo aan
u arko inay leeyihiin mudnaan siyaasadeed ,dhaqaale,iyo sharciyadeedba, iyo
sidii wax looga qaban lahaa:
1) �Arrimaha isukordhinta golaha guurtida, ee golaha wakiiladuna ay cod
aqlabiyad �ah ku diideen �iyo sidii loo heli lahaa xal dhinacyada oo dhan
wada qanciya ,sharcigana waafaqsan, iyo talo soo jeedin ku saabsan qodobada
asaasiga u ah xeerka doorashooyinka golaha guurtida ee soo socda
2) �Sicir bararka shiidaalka, iyo saamaynta uu ku yeeshay danaha guud ee
dadweynaha iyo nolol maalmeedkooda, iyo doorka looga baahanyahay Total iyo
maamulkaba.

3) Safarrada badan ee debedda ee madaxweynaha iyo midhodhalkooda.

4) Isbeddellada �siyaasadeed ee caalamiga iyo goboleed ee mandaqada ku soo
kordhay ee ay sababtay dagaaladii ka dhacay mogaadisho iyo agagaargeedu iyo
saameynta ay ku yeelan karto Somaliland.
5) Wadashaqaynta sharciyeed ee u dhaxaysa golaha fulinta ee madaxweynuhu
hoggaamiyo,iyo golaha wakiilada ee shirguddoonku hoggaamiyo.
6) �Halkay marayso,iyo isbeddelka ku yimi �arrimaha beriga Somaliland
muddadii u dhaxeysay 2002-2006, iyo sidee xal dhab ah oo waara loogu heli
karaa.
7) Talo iyo farriin ku socota dadweynaha,Axsaabta, iyo golayaasha qaranka
sidii laysugu habayn lahaa �isbeddel dhab ah oo horumarineed oo ummaddan
lagu hago oo ka duwan qaabkan iyo maamulkan manta jira. Inta ka horreysana
dastuurka la furo lana saxo halkii u baahan.

Haddaba qodbada aan kor ku soo ururiyay aan waxoogaa faahfaahin ah ka
bixiyo, kuna bilaabo sidatan:

b) Walaalayaal,'' Golihii Guurtida ayaa afar sanadood u kordhiyay isla
golihii guurtida'' maaha arrin sharciga waafaqsan ,xataa maaha arrin lagu
masanuunin karo wax sharci �u eg. Iska daa sharciye ee caqligu ma suurayn
karo. Siyaad Barre oo ahaa keligii talis aad u gurracan markuu wax sidaas oo
kale ah qolo wax ugu madhoodhaynaayo, �qolo kale ayuu ku odhan jiray farta u
taaga .Tani iyadu sharci darro way ka tagtay ee waa ugub taariikhheed '
guurtidii ayaa u kordhisay guurtidii.' �Golaha wakiiladu waxay qaadeen
go�aankii �loo baahnaa , waxaana ku soo dabaasheen sharciyadii.,
talooyinkaygana xagga dambe ayaan kaga darsan doonaa.

t)Shiidaalku waa badeecad aad u muhiim ah(strategic item) ay ku dhisantahay
waqtigan casriga ah dhammaan nolol maalmeedka qof kasta.Sababtoo ah wuxuu
saameeyaa dhammaan badeecadaha ,iyo adeegyada kale. Biyihii la cabaayay,
raashinkii la cunaanaayyay, dawadii , laydhkii, gaadiidkii la raacaayay, mid
yar, mid weyn iyo mid bas ahba, telelefoonadii, adeegyadii bulshada, iwm.
Wax uu dhaafayaa ma jiro. Muddadii uu talalada hayay mudane Daahir Riyaale
sideed jeer ayaa maamulkiisa iyo Total �kordhiyeen qiimaha shidaalka.
Qof og iyo qof aan ogeynba, arrinkanu wuxuu noloshii ummadda u saameeyay
sidii abaartii ''Debadheer'' ,oo dabkii qoysaska u shidnaa midna wuu
bakhtiiyay, midna bakhti ayuu ku dhawyahay. Mana u arko in uu yahay arrin ku
dhammaan kara suaalo Golaha wakiilado weydiiyaan Agaasimaha guud ee
ganacsiga oo aan wax badan ka ogayn, kana beddeli Karin, iyo hadal afka
baarkiisa ah oo shuruudo ku dabran oo ah cid weliba way keeni kartaa. Balse
go�aan uu qaato madaxweyne Riyaale, oo qiimaha uu caadigiisii ku soo celiyo
,waxay dhab ahaan soo celin kartaa nolosha boqolaal kun oo qoys oo reer
Somaliland ah oo sicir bararkaas shiidaalku toos noloshoodii wax u yeelay,
xaalad adagna ku jira. �Madaxweyne, arrinkaasu maaha mid aad garan �weydo,
ka hadli weydo , yeelina weydo.

j) Madaxweynuhu wuxuu u baxaa safaro badan. �lixdii bilood ee u dambeeyay oo
keliya afar jeer ayuu baxay. Markuu tegaayo , afhayeenka madaxtooyadu wuxuu
sheegaa in madaxweynuhu �helay �martiqaad rasmi ah. Ujeeddada socdaalkuna ay
tahay arrimaha siyaasadeed oo lug ku leh qadiyada Somaliland. Markuu
madaxweynuhu soo noqdo, isagoo �difaac ka muuqdo �ayuu qolka nasashada ee
garoonka, saxaafadda inta badan ugu sheegaa in ay heshiisyo la soo geleen
shirkado ganacsi, ama wuxuu yidhaahdaa waa sir. Afartaa sannadoodna
shirkadahaas lama arko ,sirtaasna lama maqlo, midnana ma midho dhaliyo
Safarkii u dambeeyay isagu wuu ka duwanaa kuwii hore, oo marka horeba qaabka
loo agaasimay wuxuu xambaarsanaa fakir cusub oo qofeed oo hor leh, waxaxaana
ku baxay dhaqaale caqligu aanu masanuunin karin. Haddaba �si kastaba ha u
bilaabmee, waxaa saameeyay dhacdooyinka �cusub ee ku soo kordhay mandaqada,
dagaalka muqdisho awgii.. Booqashadaana marka laga tago soo dhaweynta iyo
naash-naashka kale, nuxurkeedu �wuxuu dhacday kulankii gaarka ahaa ee ay
wada yeesheen madaxweyne Kibaaki iyo madaxweyne Riyaale. . Farriintaas uu
siday Kibaaki waxay xambaarsanayd ��arrimo siyaasadeed oo aad u adag,
madaxweynuhuna warkiisii marna kuma soo qaadin wixii waqtigaas shirka gaarka
ah dhacay ee aan wasiiradiisuna la ogeyn., saxaafafada wuxuu u sheegay
halhaystii joogtada ahayd oo ahayd guul ayuu ku dhamaaday . Dadweynuhu
madaxweynahooda si fiican ayay u sii sagootiyaan, una soo dhaweeyaan. Hase
yeeshee Madaxweynuhu safaradiisa mugdiga kama saaro, oo xoor laba maalmood
ku shiikha ayay ku dambeeyaan iyo hirdan isaga iyo saxaafadda..

x).labada gole ee fulinta iyo wakiilada marka kowaad waa inay si midaysan
uga shaqeeyaan arrimaha qaranka. Mar labaadka waa laba gole oo
waajibaadkoodu kala duwanyahay, looguna talogalay inay is miisaamaan, isna
saxaan. Mar seddexaad waxay ka soo kala jeedaan dhammaan �axsaabtii kala
duwanaa,oo loo baahanyahay sharciyan in taladii ummaddu ka wada muuqato .
Bal haddaba eeg qodobada (53,90,113,114 )oo �asaas u ah waajibaadkooda iyo
wada shaqayntooda. Waxay tilmaamayaan �in madaxda sare ee hay�adaha dawladda
uu magacaabistooda leeyahay madaxweynuhiu, oggolaanshahooda, iyo
ansixintoodana �uu leeyahay golaha wakiiladu.
Madaxdaasu waa hantidhawrka guud, guddoomiyaha baanka dhexe, guddoomiyaha
iyo guddiga hayada shaqaalaha, xisaabbiyaha guud, Agaasimayaasha guud, iyo
taliyayaasha ciidamada iyo ku xigeenadooda. Imminka �dhammaan kursigay �ku �
fadhiyaan waa sharci daro. Ma sidaas ayaynu isaga daynaa �oo waxaynu ka
dhiganaa dhaqan �dastuurka ka sareeya, oo ka dambe ee madaxweyne ah ee
yimaadaana sidaas ayuu iska yeeelin, mise madaxweyne, dastuurkaad inoo
waafajin oo waad soo magacaabin, wakiiladuna way ansixin iyana sharcibay ku
fadhiyin. Aniga waxay ila tahay ta dambe , ta horena waxaan u arkaa xaaraan
iyo qarqoor, bal adna aan sugno sida kula tahay

kh) Laascaanood �gacanta Somaalilaand ayay ku jirtay 90% dabayaaqadii 2002.
waa taa ogeydeen oo wefdiga Somaliland ee salaadiinta,guurtida , siyaasiintu
ay muddo seddex bilood ah dhex fadhiyeen, ka talinayeen ,ka garnaqayeen.,
calankeenuna ka dul babanaayay. Maxaa ka dambeeyay? Waa tii uu habeen saqdii
dhexe madaxweynihii talo la'aan ku guureeyey , dagaal nacasnimo ahi qabsaday
.Maxaa ka dambeeyay? Waa kii maamulkii xarun uga dhigay Caynabo.
Dibdambeysana �looma soo hadal qaadin �wax �aan ka badnayn goolaaftan. Maxaa
ugu dambeeyay? �Caleemo saarkii ugu dambeeyay ee garaadka waxaa dheeraa quus
goyn. �Waa kii Cadde Muuuse si badheedh ah �u goolaaftamay, una �dhoola
tustay. Maalmahanna ficilo hor leh oo milatari ayuu la yimi. Cadde wuxuu
arkooday maamulkeena jilicsan , ee bahardaada. Maaha arrin la dhayalsado.
Talooyin:
Madaxweynha:
Madaxweyne, ma hawl yara xilkaad haysaa ,oo nin xil qaaday eed qaad, mar
labaadka �adaa mansabkan isu soo sharaxay ,dadkiina way ku doorteen. Mar
seddexaadka �ballamihii aad qaaday �maad fulin. Mar afraadka qodobada aan
kor ku soo sheegay waqtigaagii ayay giddi qaloocsameen ,qaar kalena
waqtigaagii ayay �hirgeli waayeen. Markaa walaw �aad madaxweynahayagii �
tahay ,sharafna naga mudan tahay .dhaliil weyn ayaa ku saaran, marar badanna
�qalad weyn oo siyaasadeed iyo sharciyeed �ayaad ka gashay ummaddan iyo
qarankaba.
Mudane madaxweyne , arrimaha aan kor ku soo xusay wax ka qabo oo sidaas wax
dheh ku odhan maayo ,oo hore ayaa badankooda layskala soo daalay, waa
talooyinka aan dadwaynaha iyo qaybaha kale ee bulshada u soo jeedin doono,
ee adiga �laba qodob uun baan tala kuugu soo jeedinaaya, oo u baahan in talo
midaysan oo loo dhan yahay wax lagaga qabto, adna aad hogaankeeda qabatid..
Waa arrinka isu kordhinta golaha guurtida, iyo arrimaha cusub ee siyaasadeed
ee mandaqada ku soo kordhay.
Madaxweyne, arrinka isukordhinta golaha guurtida, waxaa jira in hawshaa aad
ku dhaqaaqday aanay ka badnayn arrin kuugu muuqday ka ficil qaadasho, oo la
xidhiidha �doorashadii shirguddonka �ee golaha wakiilada, hase yeeshee
falkaa aad ku dhaqaaqday uu aad uga weynyahay, ugana culusyahay wax lagu
xintamo, balse uu yahay sharci jabin nooc aan taariikhda caalamka soo marin,
xataa kuwa ugu keligii talisaysnaa, oo waxaad noqotay qofkii ugu horeeyay ee
si qunyar ah subax uun iska yidhi� guurti isu kordhi�. Waxaa kale oo
ficiltankaasu �ina geyeysiiyay inaad �maxkamaddi wax kala xukumi lahayd
haddii lays qabsado wax kala saari lahayd aad tidhi lifaaq ii raaciya oo
xataa aad sugi wayday mar dhaw hakuuba xukuntee, sawirka khaldan ka daa.
Maxkamadda sare marnaba lagama filayn garsoor, oo beryahanba si gurracan �
ayay cadaalada uga janjeedhay, ee adna waxaad ka sii qaaday oo aad ka �
xayuubisay xataa magacii afka ahaa ee ay u ekayd..

Madaxweyne, waa dhaqanka , iyo curfiga madaxtinimo in uu masuulka sare
yeesho dusha.. Waxaan ku talinayaa inaad dadka iyo dalka badbaadisid oo aad �
la soo noqotid qoraalkii �isukordhinta ee aad u gudbisay golaha guurtida, ee
golaha wakiiladuna ay cod aqlabiyad ah ku diideen sharciyadiisa. kadibna la
tashatid waxgaradka ,salaadiinta , xukuumadaada, wakiilada,guddida
doorashooyinka, xisbigaaga udub, Xisbiyada mucaaridka, wixii aad caqli
moodid, iyo golaha guurtida laftooda, �taana aad ku beddeshid anaa lay
doortay, anaa garanaaya, �iyo wax la mid ah, dabadeena wixii oo aad
lafagurtay, oo laga midaysanyahay, aad qoraal u gudbisid ��golaha �
wakiilada. Waxaan qabaa inaanay waxba kaa xumaynayn wax ay kuu hagaajiyaan
mooyaane. Waa laga yaabaa inay qaar ku yidhaahdaan haddaad sidaa yeesho waa
laynaga badsanayaa.Kuwaas ha maqlin sidan ayaad ku badsanaysaa, guurtidana
ugu badinaysaa ,dadka iyo dalkuna ku badbaadayaan.

Arrinka isbeddelka xaaladda siyaasadeed ee caalamiga iyo goboleed ee ay soo
kordhisay dagaalada ka cusboonaaday Mogadisho iyo agagaarkeeda. oo saamenyn
weyn oo siyaasadeed inagu yeelanaaya waa in sida ugu dhakhsaha badan talo
midaysan �oo qaran laga yeeshaa, oo aan u adeegeen afkaaraha �iyo loolanka
siyaasadeed ee xisbiyeed..
Madaxweyne , adigoo hogaanka u haya, u yeedho intaad leedahay fikir ahaan
waa isugu dhawdihiin iyo intaad isleedahay waa u kala fogtihiin ee axsaabta
mucaarika, iyo intii waxgarad ah ee talo kordhinaysa ee ku kala jira qaybaha
kala duawan ee bulshada. Debadeed guudi midaysan ha la sameeyo oo markasta
la socda isbeddelada soo kordho, talo iyo go�aam midaysan �ha soo gaadheen
adna aad u guddoomisid.
Guurtida
Mudanayaasha golaha guurtida aad ayaad ugu mahadsantihiin hawlihii badnaa ee
qarankan u soo qabateen. In laydin xuso, laydin xurmeeyana markastana xaq
baa u leedihiin. Waxaase maanta meesha aan ku jirin oo lama filaan ummaddii
ku noqotay in aydun dantii qaranka iyo tii sharcigaba tiinii ka
horeysiiseen. Lama dan la'a oo hunguri siyaasadeed marwalba iyo meelwalba
waa joogaa. Haddaba waxaan idinkula talinayaa in aad sidan yeeshaan:
b) korodhsiga haddii laga maarmi waayo waa inuu noqdaa �waqti macquul ah oo
kooban oo si cilmiya loogu saleeyo inta aynu xallilayno arrimaha waaqiciga
ah ee ina horyaala,adkayn karana qabashada doorashada waqtigeedii, xag
farsamo,dhaqaale, iyo sharciba . Waqtigaasu kama badnaan karo haddaynu aad u
faxaaxsano sannad iyo laba sannadood muddada u dhaxaysa Insha allah, taasoo
aynu sharciyadda waafajinayno, golaha wakiiladuna inoo ansixiyaan.
Markaa mudanayaal, qoraalkii ku celiya madaxwaynaha. dabadeed ha u gudbiyo
golaha wakiilada. Iyaguna wixii macquul ah ha yeeleen, oo guurtidii ayaa isu
kordhisay ha ku beddalanto qaranka ayaa u kordhisay guurtidii
j) Mudanayaasha sharafta leh ee guurtida waxaan kale oo ka codsanaynaa in
aanay warbaahinta mar dambe �ka odhan, isukordhintayadu dastuurka ayay
waafaqsantahay


Golaha wakiilada
Aad baad ugu mahadsantihiin muddaddii aad �shaqaynayseen hawlaha badan ee
aad qabateen. Waxaa idin horyaala arrimo aad u badan oo qarankanu idiinka
sugaayo, waxaan filayaa inay wax badan oo aad qaban lahaydeen aanay idiin
saamaxayn durrufaha �idinku gadaaman awgeed waxaanse idinka codsanayaa
kolleyba in arriimahan soo socda wax ka qabataan:

1) In dastuurka �furtaan, wixii daldalool leh iyo wixii aan dalka iyo dadka
anfacayna ka beddeshaan, wixii wax u taraayana ku kordhisaan .Xeerarka badan
ee aad ku hamiyaysaan isagaa saldhig u ah ; isaga ku bilaaba. Waa ku �
guulaysanaysaan haddii eebe yidhaahdo; dadkuna waa idinku taageerayaan.
2) Waxaa iyana mudnaanta siisaan oo ugu horeysiisaan wixii xeer ah ee ku lug
leh dooroshooyinka, ha noqdo ka �Golaha guurtida, daldaloolooyinka xeerarkii
doorashooyinka, xeerarka �arrimiha axsaabta,xeerarka jihayn kara sidii ay
doorashooyinku cadaalad ugu dhici lahaayeen, xeerka diiwaangelinta
codbixiyayaasha. Waxaan arrimahaa ugu horreysiinayaa waa kuwa ugu badan ee
muranka sharci badanaa ka yimaado, oo markastana inugu keena carqalad.
Haddaan imminka aydaan tafatirin, khalakhal badan ina gelin kara, tubta aynu
haysano inaga leexin kara.

3)Mudanayaal, arrinka sharciyeed ee ku saabsan isukordhinta guurtida �,
waxaa qaadeen tallaabadii ugu wanaagsaneyd ee sharciyeed, �dalkana sidaas
ayay badbaadadiisu tahay. Isagoo go'aan halkaa yahay, haddana ha ka �daalina
qolooyinka kale ee wax idinla garan la�, in markasta wax tusaalaysaan ,una
caqli celisaan. Madaxweynaha u taga ,ha ka qoobqaadina, dhinac walba wax ugu
dhiga. u sheega in aanay ficil dhexdeena ah ummaddu,iyo qaranku inagaga
burburin. Waxaad u sheegtaan in wixii macquul ah lagugu diideyn, hase
yeeshee waddada sharciga ah lagu hagaajinaayo, si goleheena qiimaha badan ee
guurtidu iyagoo sharciya kursiga inoogu fadhiyaan. waxaan rajaynayaa in uu
aqbali doona, ilaahay ha garansiiyo.
4)Mdanayaal, xeerka doorashada golaha guurtida si dhakhso ah u soo saara.
Waxaan qabaa in aanu u hawl badnayn sida madaxweynuhu u sheegay, anna halkan
waxaan ka soo jeedinayaa fikirgayga sidaan u arko in qodobada ugu adag ee
xeerkan loo dhigi karo, waana sidan:

b) Waa in lagu soo doortaa qaabka doorashada tooska ah, ee tartanka axsaabta
t) Waa inay isku maalin qabsoomaan doorashada golaha deegaanka,iyo ta golaha
guurtidu oo noqonaysa badhtamaha December 2007 insha allah.
j) Waa in saamiyada gobolada loo qaybsadaa sidii golaha wakiilada, inta
diiwaangelinta codbixiyaha la helaayo
x) Waa in ay �warqad- doorasho oo �keliya wada leeyihiin doorashada golaha
deegaanka ,iyo doorashada golaha guurtida oo la kala dooranaayo magacyada
axsaabta
kh), Xisbiyaduna liiska magacyada musharixiinta golaha guurtida u soo
gudbiyaan guddida doorashooyinka oo goboleysan, halka golaha deegaanka loo
soo gudbinaayo isagoo deegaameysan ka hor waqtiga doorashada .
d). liiska waxaa loo kala horreysiinayaa sida loo kala helaayo, siday ahayd
doorashadii golaha deegaanka.
r) Axsaabtu golaha guurtida waxay u kala helayan saamiga uu mid weliba �
gobolkaa ka helo, halka golaha deegaanka loogu kala helaayo saamiyada
degmeda laga helo.
s). Qodobadu waxay saamaynayaan doorashada soo socota oo keliya, bacdamaa
kuwa dambe lagu xidhay diiwaangelinta'.
Xisbiyada mucaaridka
Xisbiyadeenna mucaaridku ma dedaal yarin. Waxaa dhab ah in aynaan marnaba
dadweynaheena ka hakran wacyi-gelin joogta ah iyo wax tusaalayn. Marnaba �
inamay dhibin inaynu mawaaqiifteena �kaga hakano caga juglayn inagaga
timaada xagga maamulka. Marnaba inamay hakin awooda qaran ee dhaqaale,
warbaahineed iyo maamul ee xisbiga xukuumadu istcimaalaayo. Marnaba inamay
wiiqin xaalada dhaqaale xumo ee ina haysataa iyo dadka oo aan weli u bislaan
qaabkan xisbiyada. Waxaase hubaal �ah in aynaan marnaba isu diyaarin
,tubteediina aynaan weli hayn sidii aynu maamulkan u beddeli lahayn insha
allah. Mustaqbalka soo socda sidaynu ummaddan uga badbaadin lahayn ilaahbaa
wax bedbaadshee xaaladahan adag ee horyaala. Sidan hadaynaan �wax ka
beddelin waxaa suuragal ah in ay �dalka qoladani sidan iyo si ka sii daran �
u sii dhex dabaalan doonaan, meel laga soo qabtana la waayi doono. Waa in
xisbiyada mucaaridku si midaysan, iyo si gaar gaar ahba laysugu yimaadaa,
kulano dhakhso ah la qabtaa, oo iyana isku habeeyaan, ummaddana ugu jeexaan
barnaamijkii ay dalkan ku hagi lahaayeen mustaqbalka, �hadii ilaahay la
qabto, maamulkanna loogu beddeli laha doorashada soo socota.
Xisbiga udub
Xisbiga udub waxaa ku jira �dad badan oo aan caqli xumayn, hase yeeshee
maamulkii aad dhisteen wuxuu raacay waddadii ugu habawsanayd ee ummad la
mariyo, idinkuna waxaa odhan kari waydeen waar waddo khaldan ayaa maraysaan
ee tubta toosan raaca..waxaan qabaa in ay �furantahay weli, in aad ku
tidhaahdaan �maamulkaa dhisteen, sidan aad ku socotaan �beddela. Hadday idin
yeeli waayaan laftiinu aydun gudihiina isbeddel xisbiga ah ku samaysaan oo
lafteedu noqon karta �dariiq labeeya (alternative) ama kaaba kan �ay wadaan
axsaabta mucaaridku oo isagaba lagu baxsan karo .
Dadweynaha
Dadwaynuhu iyagaa go�aanka kama dambaysta ah leh. Waa kuwa ay waxna ka
xumaanayaan waxna u wanaagsanaanayaan. Ma nasiib xumin oo ilaahay baynu
leenahay, dad wanaagsan oo daacad ahna waynu nahay. Mana nasiib fiicnin oo
ciddi aydun xilka u dhiibateen �waxay qaadeen waddo aad u khaldan. �Waxay ku
talaabsadeen wax yaabaha aan kor ku xusay, iyo qaar fara badan oo kale oo
idinkuba ogtihiin. Waxa loo bahan yahay Isbeddel. Isbedelkaana waxa looga
baahanyahay in aydun �idunku samaysaan. Mana ku talinaayo in uu
isbeddelkaasu ku yimaado �fawdad, nabadgalyo xumo iyo Khalkhal, waa inaa la
sugtaan �codkiina ��ay ka hadhsantahay waqtiga kooban. Waa inaad si wadar ah
oo geesinimo leh oo badbaadada dalku ku jirto, oo aad maamulkanna ku
tidhaahdaan maalintaas codkiinna aad bixinaysaan Maya, idin dooran mayno. oo
aad si dhab ah u tustaan abaalkooda sidii aynu ugu hungawnay. Maalintaas
qudha ayay gacantiina ku jirtaa inaad naftiina iyo dalkiina u hiilisaan, si
aydaan mar dambe isugu canaanan. Haddaad maalintaas sidaas yeeli weydaan
ilaahay inuguma keenee ,meel fog ayaydun ka doonidoontaan. Walaalayaal
doorta ciddii kale ee aad moodaan in ay dadkan iyo dalkan anfaci doonto.
Cidda aad dooranaysaan isagaa la iman doona qaabkii iyo siyaasaddii uu
dalkan ku hagaayo, kagana duwanaanaayo kuwan maanta jooga. Idinkaana markaas
qiimayndoona insha allah. Waxaanse halkan ku tilmaamayaa �in kooban oo aan u
arko in uu asaas,iyo saldhig u yahay qofka aynu u dooran doono haddii eebe
idmo hogaanka sare ee dalka.
Xubintaas �aad hogaanka ugu sareeya ee dalka u dooranaysaan kolay waa in
aanu noqon mid Talada, dhaqaalaha, iyo sharcigaba �iskii u xambaarta, balse
uu noqdaa mid leh maamul toosan oo dhaqaale, sharciguna si toos ah uu uga
madax bannaanyahay, talada dadka ururin kara,lehna go'aan adag �, oo aan
fududayn, ficil iyo xinna ku dhisnayn . Wixii uu ummadda la guddoonsadana
ficil u rogi kara, fulinna kara. Hawsha uu fuliyayna ay noqotaa mid cad oo
qof walba u muuqan karta.
Geb-gebo
Waxaan hadalkeygan gun uga dhigayayaa , �waxaynu arrimahan adag ee ina
horyaala kaga bixi karnaa waa midnimo buuxda oo gudaheena ah. Hoggaaminta
midnimadaasu waa xilka iyo waajibka cidda aynu markaas ka dhigano masuulka
sare oo ah madaxweynaa, inta kalena ay ku hareero joogto. Waxaynu ku kala
duwanaanaa waa �in ay noqotaa waxoogaaga tartanka ah, oo ah, anaa hasha
haaneedka qabanaaya oo dadka kaaga lisi og ee adigu misgeedka qabo, iyo anaa
qabanaaya, taasoo ah curfiga nidaamka aynu qaadanay ee dimoqraadiyada . oo
aan �turxaan lahayn.

Haddaba �anigoo aad u adkeynaaya in arrimaha ina horyaala ee saamaynta
deg-dega ah leh lagaga bixi karo talo mideysan, haddana waxaa muhiim ah in
arrimaha siyaasadeed gudo, debed ,iyo dhaqaale, �u baahanyihiin isbeddel,
iyo istraatiijiyad dhab ah oo ay hagaan maamul cusub oo aan kan maanta ahayn
oo heegan u noqda dhisida qarankan yar ee curdinka ah,.loona diyaar noqdo
axsaab iyo dadweynaba, in isbeddelkaas la sameeyo doorashada soo socota
insha allah.
.
Walaalayaal sida ula socotaan waqtiga madaxtooyadu ee shanta sano ahi waxay
u qaybsanyihin, sida dastuurkeenaba meelo kaga tilmaaman, laba weji oo ah
seddexda sano ee hore �oo lagu masalo �ta buurta la �koraayo, loona
baahanyaha in wax la qabto, iyo labada sano ee dambe oo ah ta la soo
daadegaayo. Imminka waxaynu �ku jirnaa labadii sano ee dambe,.Maamulkan
maanta jira waxaan ka sugnaa oo keliyi waa isagoo daadeggoodu innakana waxba
ina yeelin, iyaguna �aanay waxba isyeelin. Kuwa maanta u baahan �in la
ballamiyaa waa qolada dambe ee koraaya �insha allah .Markaas �Axsaabta
mucaaridka ayaa looga baahanyahay in ay isudiyaariyaan isbeddelkaas.
Dadweynaha waxaa looga baahanyahay in ay noqdaan kuwa isbeddelkas sameeya.
Labada gole ee baarlamaanka waxaa looga baahanyahy in ay Dastuurka furaan
,wixii xeer ah ee arrimahaas la xidhiidha ay dhammeystiraan iyagoo midaysan.
Ilaahay dhammaanteen talada toosan iyo tawfiiqda hayna garansiiyo.

Dr.Cabdi Aw Dahir Cali
Burco,Somaliland

20050831 aragti

Horta Cawil iyo Ina Sulub yey metalaan(Ma UDUB baa mise Ma ah)


Posted to the web 11:02 Aug 31 2005 Opinions and Articles,(Somaliland Net) - Waxaa hadaa dhexda looga jira loolanka doorsahda baarlamaanka waxaan is bedel weyni ku yimi taageeradii xibsiyadu doorashooyinki hore ku lahaayen magaaloyinka somaliland waxaanad mooda in isbedel weyn yimid oo dadki fahmay una bislaaday dimuqraadiyaada waloow ay qabyaaldi ay weli dabrayso dimuqraadiyada curdinka ah oo doorashdiiba loo roogay reer reer hadaab waxaan yar jeclaystay inaan in yar taabto. laba wasiir oo reer togdheer ah waa maaliayda Mr Cawil iyo hawlaha guud Mr sulub
Waxaan garan waayaay ciday metelaan hada waxaanad mooda in la gaadahy xiligi uu madxweynuhu ka tuuri lahaa daaqada maadama ay noqdeen dad aan cidna hanan karin isla markaasina ay boogo aan bugsimo lahayn ay u geysteen xisibiga UDUB ee talda dalka hayaa waxaa dhacaday in labduba ay iyagoo taageero doona ay yimadeen magaalda Burco ka dibna lo soo hordhigay wixii ay dhib u geysteen besha ay ka soo jeedan oo naf iyo maalba u hurtay UDUB xiligii doorashada Madxtooyada.

Lakiin ay a baalkeed noqday mid aan hoosba loo eegin dantii iyo sumcadii beeshan waxaa ku shaqeysta oo dano gaar ah ku fushada wasiiro aan iyagu aan dan ka lahayn reerka wakhtigii ay joogen Burco.

Waxa loo sheegay in beshu aanay dib u taageerayniin UDUB oo ay ku biya shubtay inteeda badani xisbiga UCID oo ay u arkeen inuu yahay xisbi xalaala badhkoodan ay galeenba xisbiga kale mucaaridka ah ee KULMIYE waxad mooda in madaxweynah ay uga talaabsadeen jar dheer oo uu ku jabo hadaa wasiirka maaliyadu waxa uu si weyn uga soo hor jeeda musharaxa ay isku reer yihiin oo ka sharaxan UDUB.

Waxaan la sheegay inuu taagersan yaahy mid ka sharaxan UCID taasi waxaay ku tusaysaa inay xisbiga UDUB ay doonayaan ina gubaan oo ay under Zero la geeyo waxaanad ,ooda in hada daku ka jeesteen UDUB ragani waxay madaxweynah isag dhigaan libaaxyo lakiin hadii anu iska qabaan wuxuu geli doona Goddheer oo bil af ah waan lagaag caraabi doona.

Waxaan leeyahay haday madaxweyne yihiin libaaxyo waa libaaxyo bila ilko man laha wax cidiyo ah ee iska ilaali intaanu ku dilin libaax weyn ee cidiyah badani.

Mr siciid Sulub waxaa uu ku dooda inuu ahsyto taagerada degmada odwayne lakin waxaay taasi soo afgoday markii waftiga kulmiye ee uu ka dhex muuqday Dr: cabdi aw daahir sida weyne luugu soo dhaweeyay
ee siciid sulub is yidh adna tii mid ka badan ka doono odwayeyne ee marki cid u bixi weyday tikinkada dalbada ee damcay inuu khal kahl geliyo.

''waxaan leeyahy siciidoow xaalal iftibaa la qashaa ''

Waxaan uga jeeda wuxuu siciid marku reer odwayne la hadlaayay yidhii Dr cabdi aw dahir wuu baqaayay markuu yimid Odwayne oo waa kii maalinta cad idiin yimi anigun maan baqayan oo habeen ayaan soo galy Odwayne markaad caqliyaan eegto ninka baqayaay ma maalintu socda mise habeenka tuug iyo danbiilah dadka ka baaqaayay ay socdaa habeenki lakiin ninka is hubaa dharaar cad oo cirole iyo ciyaalba joogan buu soo badheedha lakin waxaad mooda in siciid is yidhi faan oo uu isagu is fashiliyaay.

Waayo muu garaan in ninka maalin cad yimaad odwayne iyo ninka saqdhexe soo gal ay kal mudan yihiin oo ka habeenka socdaa ka baqaayo in dadku ku qyaliyaan oo uu sugaayay xiligay seexdaan dadku
waxan leyahy siciid Dr cabdi aw daahir reer Odwayne aad iyo aad bay uyaqaanan oo adigu markii aad reer Odwayne aad xabda ku soo ridayasay isagu wuxuu ahaa ninkii daweynaayay dadkuna waay kal yaqaanaan ninka waxa u tara iyo ninka tikinikada u dalbada adigun waad taqaan Dr cabdi oo waa kii kugu sood aray maslaxa siyaasada ee may ahayan inaad caydo ee waxay ahayd inaad amaanto waayo waa ninkii adigu Burco iska dhex jooga aan amran hiigsan haykal dawlad nimo ku geeyay xisbiga UDUB ee aad wasiirka ka noqtay aakhirkii hadab Gubntii iyo gabo gabodii.

Waxaan leeyahy siciid sulub iyo cawil cidna ma metelaan reer koodina iyag dayacay oo sababay inay ka baxaan UDUB ee yaanay UDUB eersan cidkale oo an ahayn kuwa iyad ku dhex jira ee marwalba iyagu gacantooda ku dil guusha xisbiga anigu waxaan ahy taageerayaasha UDUB ee sida weyn u taageersan dooroshooyinki hore lakiin maanta arkay in UDUB iyadu is reebayso kan baxay waxaan ku soo koobay maqaalkan heesti caanka ahayad ee ::NINBA BAADI KULA DAY DAY DAALNA KA BAADIYA OO AN RABIN INAAD HESHA DAAIN ABIDKAYE OO DADKUN MOODI DUUL WADA SOCOOD AN WAXA U DAHSOONAYNE HADII LOO KIDAB DAYO WAA DUL NAAREEDE::

The Author: ENG: Jimacaale Maxamed.
Authors Location: London UK

20050824 shir jaraaid Dr. Cabdi Aw Daahir


24 Aug, 2005 -

Burco - Dr.Cabdi aw Daahir, oo kamida Masuuliyiinta sare ee Xisbiga KULMIYE, ayaa maanta shir jaraaid oo ku qabtay, burco si kulul ugu eedeeyay xukuumada inay abuurayso xaalada nabadgelyo daro , oo ay ku baajiso Doorashada baarlamanka ee dhowaan la qabandoono ,waxaanu ku tilmaamay in nabadgelyo daradaa ka wado dawladu degaanka Odweyne.Hadaba waxa uu ku bilaabay hadalkiisii Dr.Cabdi Aw daahir....

Waxaan aad uga xumahay in dawladu wado xaalado dalka ku keenaya ,nabadgelyo daro iyadoo weli la gaadhin wakhtigii doorashooyinka,waxaan hore u sheegay in Gobolkan Togdheer Sadexda Xisbi ay ugu awood badan yihin labada Xisbi ee mucaaridku , taasina ay keentay in dawladu abuurto khal khal nabadgelyo ,waxa uu intaas ku daray ,in sababta ku keliftay abuurida nabadgelyo daridu ay tahay marka ,xisbi meel lagaga awood bato ,uu isticmaali waayo caqli ee uu cunfi isticmaalo.Isagoo oo arintaas sii faahfaahinaya waxa uu yidhi “ Anagoo Xisbiga Kulmiye ah ayaanu tagnay Odweyne , Caano iyo Caleemo qoyan ayaa nalagu soo dhaweeyay , waa dimuqraadiyad ,rag muhiima oo reer Odweyne ah ayaa ka sharaxan Xisbiga , awoodweyn baanu ku leenahay , taasi waxay dhalisay inxukuumadu u soo dirto Odweyne Wasiiro wata ciidan iyo tikniko, waxay inay u soo dirto, X oghayaha xisbigooda ,oo wata calamo iyo mikirifoono.”Laakiin maaha in ciidan iyo hub la keeno oo la shaqayo iska horkeenka bulshada , Dr.Cabdi oo sii tilmaamaya waxa uu yidhi “Madaxwenahaa maalin dhoweyd odayaal reer Odweyne ah oo la kulamay ku yidho , ciidan iyo tikniko ayaan u diray Odweyne ,uu iga soo dalbaday ,Siciid Sulub.”sidaas darteed Udub iyo Xukuumada waxaau uga digaynaa inay ka foojignaataan inaad dalka xaalada nabadgelyo daro ka abuurtaan.



Dr. Cabdi ,waxa kale oo ka hadlay inay dawladu wado hawlo ay ku faro galinayso maamuladii degmooyinka , kuwaasoo ay ka mid yihiin , hada Odweyne waxay ka wadaan inay bedelaan maamulkii, duruqsi ,waxay bedeleen ,maayirkii iyo xoghayihii ,iyagoo ,u sibir saaraya waxay isku reer yihiin rag ka sharaxn Xisbiyada Mucaaridka,taasna waan ka soo horjeedna ,waa ficil xun oo bilow ,waa wax laga xishoodo.waxa taas ka daran marka qofkii xisbiyada Mucaaridka sacabka u tuma ,ee shaqaale ahba tidhaahdo ha la bedelo, kuwa iyaga ,ilaa wasiir ada iyo shaqaalaheeda keleba , ma arkayso ,lamana eryayo.waxaana la socod siinayna Komishanka Inay arimahaas o dhan la socoto.



“Madaxweyne waanu kaa helaynaa Doorashada ,hadii eebbe nala qabto , waxaana ku gabay raga kula shaqeeya , waana ayaandaro in markaad ku guuldaraysatay kasbashadii shacbiga inaad ku meeraalaysato xaalad abuur ,meelo hoose oo aad halmaansan tahay in xoog wax lagu hantiyo .” Ayuu yidhi Dr.Cabdi daahir ,oo si gaara u la hadlaya Madaxweyne Rayaale.waxa kale oo intaas ku daray in Xisbiga Kulmiye , ay markasta ka goantahay ilaalinta Nabada , taageerayaashadana aanu markasta ku baraarujinayno adkaynta nabada iyo xasiloonida. Waxa uu Dr ,Cabdi ,u jeediyay Komishanka , Madaxweynha ,Xisbiyada ,iyo Bulshadaba oo aan maanta warbaahinta u marinayaa , in dhamaan laga wada shaqeeyo ,Nabada iyo Deganaashaha mudada yar ee ka hadhay Doorashada, ugu dambayntiina ,Waxa uu ugu baqay Wasiir Siciid Sulub , Inuu Ciidanaka iyo Tiknikadaba kala baxo Odweyne , farahana ka qaado xaaladan iska horkeenka bulshada Odweyne ,oo Ogaado ianay Nabadu macaantahay.

20050623 Bullaalow Riyaalaad Ka Farxisay, Waa Se Dhalanteed

Bullaalow Riyaalaad Ka Farxisay, Waa Se Dhalanteed
Maxamud Caydiid Lafcanbe — Toronto,Canada — 23 June, 2005
--------------------------------------------------------------------------------

Mr Bullaale, Kula yaabi maayo oo waxaad tahay shakhsi raalli galinaya kii madaxa u ahaa, mr Bullaalle waxaad tahay shakhsi mudiic u ahaa madaxdiisi laga soo bilaabo xukunkii faqashtii. Xukuumadda madaxweyne
Riyaale waa mid aan horta lugo ku taagnayn, waa mid adna saxiib aad been iyo guulwadayn aad Riyaale u tusayso. UDUB waa faashil, adna saaxiib faashil baad tahay, waliba daba socda madaxweyne fashilmay! Dr Cabdi aw Daahir, waa nin miisaan leh oo deegaanka uu ka soo jeedo wax u qabadkiisa la arkay. Dr Cabdi aw Daahir u malayn maayo innuu difaac maanta cidna ka rabo, waayo shacabka reer Togdheer ee uu ka soo jeedo ayaa ka manafacaadsaday adeegga caafimaad ee uu shacabkiisa u taray. Halka Cabdi aw Daahiir uu reer Togdheer dawaynayay adna mr Bullaallow, waxaad ku heesaysay inaad Riyaale ama ka qosliso ama ka farxiso. Adiga iyo Siilaanyo ma tihidin laba qof oo siman, mana tihidin laba qof oo isu jawaabi kara. Mr Bullaale, waan garan karaa in Siilaanyo cay ,ad xooga ku helayso, waxa kale oo aan garan karaa in aadan ra'yigaaga gaarka ah u madax banaanayn ee uu marna ku xidhan yahay mansabka xisbi marna Riyaale ka qosli xaaladdaadu tahay. Markaad leedahay anaga kursiga kaa xigna, bal is sheeg oo waa adiga iyo kuwee ha lagula arkee? Saaxiib adiga dagaal ooge Somaliland way ka soo gudubtay. Madaxweyne Riyaale, Somaliland maalin kasta oo si xukumo waxba ka sii dhacaya, ummadduna 65% waxay dooranaysa UDUB waa hadday waallantahay oo dalka iyo dadka midna aanay rajo ka hayn. Riyaale iyo Siilaanyo ILLAAHII aabuuray ma simin., mid kastana taariikdiisii hore waa loo wada joogay haddaanad is yeeyeelayn, kula se yaabi maayo waayo xisaab guulwadyn ayaa lagaa rabaa !
inna

Maxamud Caydiid Lafcanbe
Toronto,Canada

20050526 Dhoolo tuskii Xisbiga Kulmiye ee Burco

Dhoolo tuskii Xisbiga Kulmiye ee Burco
Thursday, 26 May 2005
Burco (Ogaal) Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa shalay isu soo bax balaadhan oo ay ka qayb galeen dadweyne tiro badan ku qabtay fagaaraha xarunta xisbigaasi ku leeyahay magaalada Burco, halkaas oo ay dadka kala hadleen madaxda sare ee xisbigaas oo uu hormood ka ahaa Axmed Maxamed Siilaanyo. siduu noo soo tebiyay weriyahayaga Gobolka Togdheer, siday muujinayeen khubadihii fagaarahaa laga jeediyay ujeedadii ugu waynayd ee isu soo baxaas loo qabtay waxay ahayd sidii taageerayaasha Xisbigaas loola socodsiin lahaa doorashada Barlamaanka ee soo fool lehiyo xaaladdaha u danbeeyay ee dhinaca siyaasada ee hadda ka aloosan Hargeysa.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo hadal uu halkaa ka jeediyay wuxuu si wayn ugu faahfaahiyay dhaliilo badan oo uu isu daba dhigay xukuumadda Madaxweyne Rayaale, waxa kale oo uu ka hadlay khubadii 18 May ee Rayaale, taaso uu ku tilmaamay inay ahayd mid uu ku weeraray Kulmiye. "Reer Burcow waxa laydinku tilmaamay khayimiin idinkoo aha dadkii halganka u suntanaa" ayuu yidhi Axmed Siilaanyo

Axmed Siilaanyo isaga oo ka hadlaya mooshinka maamuus ka xayuubinta ee beryahanba hadal hayntiisu jirtay wuxuu sheegay in mooshinkasi yahay mid ay wataan wakiiladdu , balse aanu lug ku lahayn xisbiga Kulmiye, hase yeeshee wuxuu xusay inay tahay arrin sharci oo loo maro xil ka qadista maasuulka xilkiisa ka soo bixi waaya. "Waa sharci maamuus ka xayuubintu, hadday distoorka ku xun tahayna maamuus ka xayuubinta laguma soo dareen sharciga" ayuu yidhi gudoomiyaha Kulmiye.

Sidoo kale isaga oo ka hadlaya dhinaa doorashada baarlamaanka wuxuu ugu baaqay dadka reer Burco inay soo xushaan dadkii u xalaalayn laha waxa ay doonayaan, isla markaana wuxuu ugu baaqay inay Kulmiye codkooda siiyaan, waxa kala oo Axmed Siilaanyo ka hadlay mashaariicda shacbiga ah ee dadka reer Burco ka wadaan deegaankoda, waxaanu amaanay guddi madax banaan oo maamusha barnaamijada horumarinta ee dadku iskood halkaa uga wadan sida Biriij labad oo dhismihiisu socdo iyo qaar kale. Gudoomiyaah Kulmiye wuxuu xusay in barnaamiyadaasi yihiin kuwii loo baahnaa inay xukumadu qabato balse ay ka baaqsatay sida aawadeed waa idiinku hambalyaynaynaa waxaa aad qabsateen ayuu yidhi. Axmed Siilanayo wuxu sheegay in Kulmiye u gaadh ka haynayo danta dalka, isla markaana uu wadayo sidii ay wadada ugu toosin lahaayeen dawlada.

Dr, Cabdi Awdaahir oo sina halkaa dadka kala hadlaya ayaa sii amba qaday dhaliilaha uu xisbigasi u jeediyay xukuumada. "Somaliland go'doon bay tahay xuduudaheediina xukuumadu way soo koobtay" ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir. Wuxuu intaa raciyay in xadkii bari Caynaba la keenay, kii Lawyo caddana Saylac la keenay "Markaa Jabuuti Madaxweynaha ayaa la saaxiib ah ee Somaliland lama saaxiib aha".

Isla markaana wuxuu xusay inay meesha ka baxday taladii Cigaal ee dhinaca Itoobiya ee ahayd ayuu yidhi, "Dalkii haddaa qaadateen dadka degani waa anaga" taasoo uu uga jeeday kililka 5aad, dhinaca Xisbiga UDUB mar uu soo qaadayna wuxuu ku baanay intii uu UDUB joogay inuu marar badan fagaarayasha tegay oo uu dadka kala hadlay, hase ahaateen markii uu ka tegay ay ugu danbaysay xisbiga UDUB inuu fagaarayasha tago.

Md. Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaash Golaha Wakiilada isla markaana ka mid ah xubnaha ugu ad adag ee u ololaynaya mooshinka maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha, oo isna ka mid ahaa xubnihii xisbigaa ee halkaa ka hadlay, ayaa u sheegay dadkii fagaarahaa isugu soo baxay in arrinta maamuus ka xayuubintu tahay mid sharci ahaa ay xaq u leeyihiin oo ay oogi karaan, waxa kale oo uu xusay in xidhitaanka shirka goluhu wuu ahaa mid sharci darro ah oo qayb ka mid ah shirgudoonku ay kula saaxiibtay ayuu yidhi Madaxtooyada, isla markaana wuxuu ugu baaqay dadka reer Burco inay ku taageeraan mooshinkaa maamuus ka xayuubinta ah. Sidoo kale Masuuliyin kale oo tiro badan ayaa iyana ka hadlay fagarahaa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, Siciid Faahiye iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Burco Cali M. Xasan.

20050411 Waxaa Maanta Majaraha u haya Dalka kuwo aan Dul-badnayn oo Xarfaan ku ah Abuurista Mashaariicda Lagu Boobo Hantida Dr. Cabdi Aw Daair


Waxaan Maanta Majaraha u haya Dalka kuwo aan Dul-badnayn oo Xarfaan ku ah Abuurista Mashaariicda Lagu Boobo Hantida Qaranka" Dr. Cabdi Aw Daahir
Monday, 11 April 2005
Burco (Jam) Dr. Cabdi Aw Daahir, o ka tirsan guddiga fulinta ee xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa waraysi uu Jamhuuriya la yeeshay Khamiistii la soo dhaafay, waxa uu kaga hadlay xaaladda Gobolada Bari ee Somaliland, Doorashada Golaha Wakiilada ee aan weli la cayimin wakhtiga la qabanayo, siyaasadda Xisbiga UDUD, iyo xidhiidhka ka dhexeeya Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweynaha Jabuuti, Md. Ismaaciil Cumar Geelle, oo uu ku tilmaamay mid aan saaxibtinimo dhaafsiisnayn.

Su'aalihii Dr. Cabdi Aw Daahir Wariyayaasha weydiiyeen iyo Jawaabihii uu ka baxiyay waxa ay u dhaceen sidan:-

S. Dr. Cabdi Aw. Daahir, khudbadii aad khamiistii ujeedisay dadweynihii isagu soo baxay barxadda xafiiska Xisbiga Kulmiye ee Burco, waxa aad ka sheegtay in reer Togdheer Casuumad u fidiyeen Garaadada iyo waxgaradka kale ee Gobolka Sool, si loo soo afjaro mushkiladda Gobolka Sool, ma kula tahay in arrintaasi suurto galayso xilligan oo doorasho loo diyaar garoobay?

J. Horta arrintaasi wakhtiga ay dhammaanayso ma bil bay noqonaysaaa ma sannad bay noqonaysaa ma laba sannadood, ma shan sannadood, dad waxa dhisaya ayaynu nahay, intii ay doonto ha innagu qaadatee, waxa weeye hala yeesho dareen, dhaqaaq iyo bilow, innaga oo aan doorashada galin.

Barnaamujyo siyaasadeed oo kala duwan kuu dadku leeyahay, markaa odhan mayno maalinba mid baanu laabaynaa midna waynu qabanaynaa markaa xaaladdu halka ay maanta marayso calaa-aqal haddii aynu nidhaahno arrinta aan ka wada tashano, oo inta aan iskugu nimaadno wax qabsano, oo caqliga ka faa'iidaysano, waxa fulintu waa go'aan qaadashada, laakiin taladu waxay taalaa meel kasta ardaa kasta. Boorama ayay taala, Laas-caanood bay taala markaa taa haddii la ururiyo waxaan qabaa in aynu ku guulaysanayso xukuumaddu.

S. Sidee ayaad u aragtaa siyaasadda Xisbiga UDUB ee aad xoghayaha guud ka ahaan jirtay, mase kuu muuqdaa wax horumar ah oo la taaban karo oo ku soo kordhay xisbigaas muddooyinkan dambe?

J. Horta Xisbiga UDUD, ma aha maanta Xisbigii aan ogaa iyo mid u dhow toona, sababta oo ah raggii miisaanka lahaa ee Aasaasaayaasha ahaa kuma jiraan, sida Madaxweynihii Geeriyooday Marxuum Cigaal. Mudane Axmed Yuusuf Ducaale (Wasiirkii Waxbarashada)_, Md. Maxamed Siciid Gees, (Wasiirkii Maaliyadda), Md. Rashiid Xaaji Cabdillaahi (Wasiirkii Ganacsiga) iyo aniga (Dr Cabdi Aw Daahir) Xoghayihii guud ee UDUB.

Iminkana waxa ku jira Ismaaciil Yare, (Wasiirka Daakhiliga), Cawil Cali Ducaale (Wasiirka Maaliyadda) iyo Maxamed Ismaaciil Bulaale (Xoghayaha Guud ee UDUB), markaa arrinta wakhtigan ka Faallon maayo, laakiin aragtidii xiligaas taalay maanta ma taalo, sawirkii markaa yaalay ma yaalo, bidhaantii markaa taalayna ma taalo, waa bidhaamo kale maanta.

S. Wakhtiga aad adigu (Cabdi Aw Dahair) ahayd Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB, himiladiinu maxay ahayd?

J. Run ahaantii himaladayadu waxa ahayd mid aad iyo ad u dheer waxay lahayd barnaamujiyo fulineed, tusaale ahaan qaybtii hore waxa ka mid ahaa qabsoomidii doorashooyinkii Golayasha Degaanka iyo Madaxtooyada, kuwaas oo loo sii ururiyaya dhaqaale fara badan oo ah kii lagu hir geliyay.

Markaa siyasadayadu waxay ahayd mid cad oo baallaadhan, waanu dul badnayn, waanu ka lexejeclo badnayn ragaa maanta majaraha u haya xisbiga UDUB, oo ah kuwo aan dul badnayn, laakiin, xarfaan ku ah sida loo abuuro mashaariicda iyo qandaraasyada xaalad abuurka ah ee lagu boobo hantida Qaranka.

S. Wakhtiga aad wasiirkaa ka ahayd maamulkii xukuumaddii uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal maxay ahayd siyaasadiina ku wajahan Jabuuti?

J. Dawladda Jabuuti waxa aanu u aragnay inay tahay Dowladda ugu muhiimsan haddii ay ictiraaf noqoto iyo haddii ay meel kale tahay, ee walaalkeen ah, oo ka mid ah ummadda Soomaaliyeed, waayo, waa Soomaalida qudha ee maanta Dowladdooda Caalamku Aqwoonsan yahay.

Dowladda Somaliland waxay aad u garaabi jirtay inay yeelato siyaasaddo furfuran oo wax nala qabato, laakiin waxa aanu ogaanay in siyaasadda Ismaaciil Cumar Geelle (Madaxweyanah Jabuuti) tahay ama danta Dowladdiisu ha ku jirto in aan Soomaaliya kala go'in waa mid iminkana cad.

Annaga Xukuumaddii Cigaal mawaaqiftayadu waxay ahayd inay Jamhuuriyadda Somaliland aqoonsi hesho, markaa waa laba mowqif oo is diiddaya. Annagu markaa siyaasadda dalka Somaliland ayaanu raacaynay iminkana way tahay laakiin siyasadda xukuumadda Madaxweyne Riyaale, waxa kaga duwan tahay waxa weeye siyaasadii dalka Somaliland iyo siyaasadii Jabuuti way kala duwan yihiin, labadii Madaxweyne (Riyaale iyo Geelle) waa saaxiib saaxibnimada iyo siyaasadduna waa laba mawqif oo kala

20050411 banaanbax burco kulmiye


"Aniga Waxa La I Daba Dhigay Siciid Sulub, Cabdillahi Maxamed Ducaalena Waxa Lagu Beegay Axmed Siilaanyo," Dr. Cabdi Aw Daahir
Somaliland.Org — Burao, Somaliland — 11 April, 2005
--------------------------------------------------------------------------------

Burco (SL.Org) Isu soo bax dadweyne oo lagu taageerayo go'aankii xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE soo saaray ee ka dhanka ahaa xukuumada ayaa Khamiistii ka dhacay magaalada Burco.
Kumanaan qof oo ka cadhaysan talaabadii xukuumadu ku fulisay xarunta xisbiga KULMIYE ayaa isugu soo baxay barxada xafiiska KULMIYE ee Burco, halkaas oo masuuliyiinta KULMIYE uga jeediyeen khudbado xambaarsan dhalliilo iyo cambaarayn xukuumada ku wajahan.
Dr Cabdi Aw Daahir oo ka tirsan Gudida Fulinta ee xisbiga KULMIYE ayaa khudbad dhinacyo badan leh oo uu ka jeediyay fagaarahaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay,
"Iyadoo doorashadii baarlamaanku soo socoto oo ay tahay ta ugu mihiimsan, haddana waxa jira hawlo kale oo badan oo qaranka horyaala oo dalka horyaal oo ay muhiim tahay inaan wax isaga sheegno, gaar ahaan haddaynu nahay Reer Togdheer ,arinta koowaad waa mushkilada bariga Somaliland (Sool iyo Sanaag bari), haddii aynaan is waydiin oo ka tashan doorashada ka hor waxa aan qabaa arrinta bariga Somaliland, markii hore gobolka Sool oo aynu gacanta ku haynay maamulkiisa maantana Caynaba ayaynu joognaa, gacanteenana si dhakhso ah ayuu uga baxay. Reer Somaliland waxa kaloo aan idiin sheegayaa maanta Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa (UN) berigii hore caawimada Laascaanood iyo bariga kaleba la geynayo waxay soo mari jireen Somaliland, Berrito oo bisha abriil 8 tahay wixii ka dambeeya Jamciyadda Quruumaha ka dhexaysa go,aan bay soo saartay wixii samafal ah ee Hargaysa ka iman jiray in laga soo wareejiyay oo loo wareejiyay Boosaaso (Puntland).
Isaga oo arrintaas ka sii hadlaya, waxa uu raaciyey Dr. Cabdi Aw Daahir, “Ilaa 2002dii intii maamulka madaxwayne Riyaale tegey Laascaanood wixii ka dambeeyay maalintaa sidii maalinba maalinta ka dambaysa looga soo baxayey Bariga waynu ka soo guurnay, markaa waxaan usoo jeedinayaa shacabwaynaha reer Togdheer maadaama Burco tahay xudduntii Somaliland ee Bari iyo Galbeedba xidhiidhisa odayaasha gobolka Togdheer hala shiraan kulanna halagu macsuumo reer Laascaanood Salaadiintiina Hargaysa joogta haloo yeedho oo hala yidhaahdo kaalaya reer Laascaanood maanta waa ogol yihiin wada hadal oo arimaha Laascaanood aynu dhammayno, xalna halaga gaadho maanta. Doorashadu baarlamaanku inta aanay dhicin, 6da bilood ee soo socda dhammaan inaynu dhirindhirino oo aynu geesinimo qaadano baan rabnaa, xukuumaddana waa qasab inay kala shaqayso”.
Dr. Cabdi Aw Daahir, waxa kale oo uu ka hadlay dhacdadii isu soo baxaas sababtay ee 4tii April ciidamada Boolisku ku galeen, kuna baadheen xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE, magaalada Hargeysa. Waxana uu yidhi, “Waxaan kaloo inyar ka odhanayaa arrimihii dhacayay ayaamahan u dambeeyey iyo maamulka. Xukuumaddan maanta jirta anigu beri hore ayaan ka quustay waxanan ahaa UDUB markaan laba bilood joogay baan gartay inaan maamulku talada uu dalka u hogaaminayo in ay tahay mashquul ay ina mashquulinayso oo waqtiga inagaga luminayso madadaalo, waxna aanay qaban karayn. Muddo sadex sanadood ah bay waday wax kale may qabane, laakiin waxa shaqada ugu weyn ee ay qabataa waxaa weeye in ay iskahorkeento dadka. Madaxwanuhu intuu meel fadhiistay ayuu nin walba nin daba dhigay, wayse is-dhaamaan oo qolada Barigaaba la qaatee, Aniga Siciid Sulub (Wasiirka Hawlaha Guud) baa laygu beegay, isaguna inta kale waa ka wanaagsan yahay oo wax dhibaato ah ma sameeyo, laakiin marka aan warqad qoro ayuu warqad iga soo daba qoraa. Cabdillaahi Maxamed Ducaale (Wasiirka Warfaafinta) isagana Axmed Siilaanyo ayaa lagu beegay, waxba ma yeelee marka uu Siilaanyo hadlo ayuu isna ka daba hadlaa. Ismaaciil yare (Wasiirka Arrimaha Gudaha) marka la diro Daloodho (Xaafad ka mid ah magaalada Hargeysa, dhinaceeda waqooyi) oo dhan ayuu soo rogaa, isagu taasuu kaga daran yahay.
Arrinta kalee la yaabka lihi waxaa weeye UDUB, KULMIYE, UCID, KOMISHANKA iyo Baarlamaankuba oo go 'aamo qaatay ,oo yidhi; doorashadii halaga qabto deegaan walba,ayaa maanta xukuumadfii waxay bilowday borobagaandho iyo idaacad Horyaal la yidhaahdo in laynagu mashquuliyo”.
Waxaa isaguna halkaa dadka kala ahadlay gudoomiyaha gobolka Togdheer ee xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, Cali Xasan Maxamed waxaanu cambaarayn kulul u jeediyay talaabadii bolisku Isniintii la soo dhaafay ka fuliyeen xarunta xisbiga KULMIYE ee Hargaysa taas oo uu ku tilmaamay inay ahayd argagixiso.
Waxa uu sheegay in xukuumaddu ku tumatay dastuurka iyo shuruucdii dalka, taasina ay tahay tallaabo horseed u ah kelitalisnimo sidii Siyaad Barre cagta u mariyey shuruucdii dalka markii uu Soomaaliya inqilaabka ku qabsaday.
Cabdirisaaq M. Dubad, Hargeysa.

20050321 qoraal dr.cabdi aw daahir



Talo soo jeedin uu soo qoray Dr Cabdi Aw Dahir Cali Posted to the web 02:19 Mar 21 2005

(Somaliland Net) - Waxaan mahad balaadhan u soo jeedinayaa dadka reer Somaliland meelkasta oo ay jogaan ee ku hawlan dib u-diska dalka gaar ahaan waxaan ku boorinayaa shacabkeena dibada jooga inaad sii wadaan, siina kordhisaan waxtarka joogtada ah ee dhaaqale iyo talo ee aad ummaddiina iyo dalkiina ku dhisaysaan.

Walaalayaal, waxaan muddo hadda laga joogo qiyaastii hal sano aan ku soo qoray warbaahinta Somaliland qoraal dheer oo wajiyo badan leh oo ay ugu muhiimsanaayeen afar qodob oo kala ah:


1 - Qabashada doorashada baarlamaanka.


2 - Arrimaha bariga sool iyo sanaag bari.


3 - Mowqifka xidhiidhka aynu la leenahay dawladaha aynu jaarka nahay gaar ahaan Itoobiya iyo jabuuti.


4 - Iyo sidii aynu uga hortagi lahayn mamulka lagu soo dhoodhoobay imbigaati


Afartaa qodob, xukuumadeenu bal ha joogto talaabo ay ka qaadaane ,waxaa mugdi ku jiraa mowqifka ay ka taagan tahay, waxay ka damacsantahay ,iyo sidii ay u wajahi lahayd ,walina sidii ayay u taagantahay.

Hadaba Siyaasaddu aad bay uga duwantahay arimaha Sirdoonka.Sirdoonku waa arrimo qarsoon , balse siyaasadu waa arrimo cadcad, oo leh mawaaqiif, yool la higsaanaayo, aragtiyo lagu kala duwanyahay iyo ummadda oo si cad loogu soo bandhigo halkay xaaladda dalku marayso.

Waxaan maanta doonayaa inaan qoraalkaygan aan kaga warramo qabashada doorashada baarlamaanka waxa hortaagan iyo sida loo xalilaayo.

Arrinka doorashada baarlamaanka, sidaad la wada socotaan, waa arrin u mihiima siyaasadda dalka Somaliland, kobcinta iyo dhamaystirka dimuqraadiyada .Arrinkaas qabashada doorashada baarlamaanku wuxuu baryahan dambe keenay xasaaasiyad iyo buuq aad u fara badan oo aan loo baahnayn walina aan laga gudbin dadkana loogu fasiray si khaladan, lagana dhex abuuray khilaafaad iyo iska horimaad siyaasadeed. Taasi waxay mugdi galisay xaqiiqda dhabta ah ee hortaagan qabashada doorashada baarlamaaanka waxaana la hareer marayaa sidii loo xalin lahaa mashaakilka asaasiga ah.

Haddaba, waxaa jira laba arrimood oo u ah aasaasi qabashada doorashada baarlamaanka. Waxaan u dhigayaa sidan su,aasha ah:

1: Maxaa hortaagan in la qabto doorshada baarlamaanka ? Jawaabtu waa arrin kaliya. Waa saami qaybsiga tirada xubnaha baarlamaanka ee gobolada dalka. qodob kale oo aan kaa ahayni ma jiro mana yaalo.

2: Yaa hortaagan in la qabto doorashada baarlamanka? Jawaabtu waa qof kaliya waa Madaxwaynaha mudane Daahir Riyale Kaahin, qof labeeya iyo gole labeeyaa ma jiro, xataa wasiiradiisu kulama jiraan.

Walaalayaal, qodobka saami qaybsigu waa kii sababay in dib loo dhigo xeerka doorashada baarlamaanka sanad kii 2001 laguna ekaysiiyay xeerkii doorashada deegaanka iyo madaxtooyada .

Qodobkaa saami qaybsiga waa lagu kala gadisnaa. mudadaa afarta sanaadooda ee ugu danbaysay .Laba fakir ayaa is barbar yaalay

1: In wax qaybsiga lagu saleeyo sidii inoogu danbaysay doorasho baarlamaan oo ah sidii wax loogu qaybiyay lixdankii, lixda gobol ee dalka oo markaa ahaa lix degmo.

2:Iyo fikirka labaad oo ah, bacdamaa muddo dheeri kasoo wareegtay in dadka la tira koobo,qolo walibana tirada u soo baxda ay ku qori qadato

Fikirka labaad ee tirokoobka oo ahaan lahaa haday si fiican u dhacdo ta cadalada ugu dhaw , may dhicin ,mana dhacdo. Markaa waxay noqotay fikir muran dhaliya, oo marar badan loo arko inuu yahay ama noqdayba fikir carqaladeeya dhicitaanka doorashadaa baarlamaanka.

Fikirka koowaad oo ah in saami qaybsiga lagu saleeyo sidii lixdankii, inkastoo aanu dadka qaar raali galin, hadana wuxuu noqday mar walba fikirka soo hadha, ee xalna noqda, suurana galin kara qabashada doorashada. Kolba intaan xasuusto afar goor ayaa si midaysan laysuga raacay fikirkaa, marka laga bilaabo 2001 aynay ugu dambaysay tii saddexda xisbi qaran iyo komishanka qaranka. Jawaabta su ,aasha koowaad ee ah saami qaybsiga waxay noqonaysaa xalka keliya ee ay doorashado ku hirgalayso. Waa in dhinac layska dhigo danta gaar ahaaneed ha noqoto mid shakhsiyaadeed, kooxeed, qoleed iyo goboleed, si taa loo gaadhana waa inuu yimaadaa tanaasulaad loo taanaassulaayo danta qaranka, waana in la raacaa lana aqbalaa saami qaybsigii ay soo jeediyeen komishanka qaranka iyo saddexda xisbi qaran.

Su,aashii labaad ee ahayd yaa hor taagan qabashada doorashada baarlamaanka, waxaan ku soo koobayaa wixii dhacay mudoonyinkii u danbeeyay. Bal horta waxaan idiin sheegayaa inuu yahay Mdaxwayne Riyaale dadka aadka uga ololeeya, una diidan fikirkaa lixdankii.

Madaxwayne Riyaale markii hore wuxuu aad ugu ololeeyay fikirki ay ansixiyeen golaha baarlanaanku ee ahaa in dadka la tirikoobo intaanay doorasho dhicin. Wuxuu ku isticmaalay dhammaan awoodihiisii kala duwanaa ee madaxwaynanimo dhinac kasta oo ay ahaataba ; waxaanu adeegsaday xubnihiisi taageerayaasha ahaa ee ku jiray golaha baarlamaanka oo ah aqlabiyada golaha. Golihii waxay ansixiyeen xeerkii doorashada baarlaamaanka oo dhamaystiran oo ay ku jirto dadka hala tirakoobo, taasooo ahaa fikirkii asaasiga u ahaa Madaxwaynaha.

Fikirkaasi muu helin inta ugu yare ee taageerada dadwaynaha, balse shacabwaynihii si xoog leh ayay uga soo horjeesteen, una arkeen inuu yahay carqalad dib loogu dhigaayo qabashada baarlamaanka .

Isaga Madaxwayne Riyaale waaki iska aamusay, iskana qabtay Afrikada koonfureed.

Waxaase mudan, marka koowaad.in la hambalyeeyo komishanka qaranka , mudnaanta labaadna waxaa leh saddexda xisbi qaran. waxaana ammaan gaar ah leh xubnihii markaa hogaaminayay xisbiga Udub. Saddexda xisbi qaran iyo komishanka qaranku waxay soo saareen go;aan lagu heshiiyay oo dhaxal gal ah.

Waxay dhinac iska dhigeen, iskagana tanaasuleen wixii u dhaxayn lahaa ee ay afkaaro ku kala duwanaan lahaayeen , ha ahaadeen fakir qofeed, xisbi,gobol , ama beeleed . Waxay ku dhiiradeen inay soo saaraan fakir qaran oo ay ka midaysan yihiin. go;aankaa taariikhiga wuxuu la magac baxay "saami qaybsiga axsaabta & komishanka qaranka".

Madaxwayne Riyaale wuxuu dalka ku soo noqday oo uu ka soo laabtay dalka Afrikada koonfureed iyadoo ay yaalaan laba arrin oo kala ah laba daran mid dooro:

1:Arrinka koowaad oo ah dadka ha la tirakoobo oo ay baarlamaanku ansixiyen ahna fikirka dhabta ah ee Madaxwaynuhu watay, hase yeeshee ah arrin aan dadka haba yaraatee aa wax taageero ah ka haysan.

2:Arrinka labaad oo ah go;aankii saddexda xisbi qaran & komishanka qaranka oo ah fakir uu Madaxwayne Riyaale uu aad uga soo horjeeday.

Waxay noqotay sidaan soo sheegay labo daran mid dooro.

Madaxwaynuhu xal qaran ma keenin, talo balaadhana ma qadan.Wuxuu qaatay talo qof kaliya oo aan la labayn oo ah Cawil cali ducaale, waxaanu kula taliyay in labadaba la tuuro, bacdamaa midna ka hor imanaayo fikirka Madaxwaynaha, midna Madaxwaynaha dadka ka hor keenaayo. Maxakamadii waatii laashay qodobkii tirakoobka.

Muxuu yahay fikirka cusub ee uu soo jeediyay Cawil ee uu Madaxwayne Riyaale na ku raacay? Wuxuu noqday in dadku marka hore codeeyo, dabadeedna gobol walba wixii waraaqa ah ee sanaadiiqdiisa ku shubto loo tiriyo ,sidaana gobol walba ku qayb qaadato Arrinkaa waxay ku heshiiyeen, in Madaxwaynuhu digreto ku soo saaro.

Inkastoo aanu fikirkaasi soo shaac bixin ,waxaa ka horyimi jamhuurkii shacabwenaha Somaliland. Markaas inuu si hawl yar ku soo saaraa way adkaaatay.

Kaddib Madaxweyne Riyaale wuxuu qaybiyay guddi 10 xubnood ah oo xukuumaddiisa ah kana kooban madaxweyne ku-xigeenka iyo sagaal wasiir. Guddidii xukuumaddu waxay raaceen una arkeen macquul fikirkii axsaabta iyo komishanka qaranka, taas ayaynay dib ugu soo bandhigeen Madaxwaynaha.

Madaxwaynuhu arrinkaas iyo taladii raggiisa kuma qancin. Xubnahaasu aad ayay ugu mahadsanyihiin taladaa qaran ee ay garteen. Waxaanse idinku kordhinayaa inaad ku dhiirataan, kuna dhiirisaan madaxwaynahu inuu yeelo, qaatana go'aankaa laysku wada raacay, ummadda inteeda kalena qadariyo, siday doorashadu u dhacdo waqtigii loogu talogalay.

Madaxwaynuhu hadda oo ugu dambaysay wuxuu qasriga madaxtooyada qado iyo fadhi ugu sameeyay dhawr iyo konton xubnood oo mudanayaasha golaha wakiilada ah. dhawr iyo labaatan xubnood oo kalena muu casuumin.

kulankaa waxaa loogu magacdaray "kulankii is cafinta. Waxa madaxwayanaha uga sharaf badnaan lahayd inuu qasriga madaxtooyada kuwada casuumo dhamaan mudanayaasha Baarlamaanka. Madaxwaynuhu wuxuu fadhigaa si dadban u muujiyay inuu ka tanaasualayo inuu digreto ku soo saaro saami qaybsigii oo arrinka xeer dajintii ku celiyo . Hase yeeshee wuxuu soo jeediyay inuu keenaayo mooshin, golahana ka codsaday in farta loo taago.

Madaxwaynuhu saddex arrin mid uun buu keenin, laba waa burbur midna waa badbaado:

1:Inuu gobol wax ka qaado oo gobol u raro oo noqota cadaalad daro.
2:Inuu yidhaahdo qolo waliba waa waxay sanaaduuqda ku ridato oo dalku fawdo galo.

waxaan filayaa in labadaa aan midna golaha wakiiladu u codaynayn.

Ta saddeexaad waaa haduu taladan soo socota qaato, waana badbaado iyo guul dalka u soo hoyatay Madaxwaynahana waa u sharaf.

Mudane Madaxwayne,


1: Laba bilood oo kaliya yaa ka hadhay wakhtigii xiliga golaha wakiilada, eel bal ogow culayska inagu soo fool leh hadaanad doorashada qaban.

2:Madaxwayne ku dhiiro inad isugu yeedho inta arrimuhu khusayso haba badin ee koob waxbana hakala qarin ee duhur dharaareed isugu yeedh

3:waxaan soo jeedinayaa inaad kulan u qabatid

b:Shirgudoonka labada gole (xubno kooban)


t: Madaxda saddexda xisbi qaran (xubno kooban)


j:Madaxda komishanka qaranka


x:Madaxwayne ku-xigeenka


Waxaad ku tidhaahdaa, sidaynu wax nidhaahnaa, talaa kasoo bixidoonta muddo aan kabadnayn afar &labaatan saacadood

4:Madaxwayne qaabka saami qaybsiga ee ay soo jeediyeen saddexda xisbi qaran iyo komishanku aqbal oo horkeen golaha sharci dajinta.

Labada golana waxaan ku boorinaynaa inay mudo kooban ku ansixiyaan.

5: Markaas waxa inoo hadhay inaad kharashkii ay u baahnayd doorashadu aad u gudbisid komishanka qaranka , iyaguna markaa ay u noqon lahaayeen maamulayaal wanaagsan iyo siidhiwale wacan oo inoo dhex- dhexaadiya doorashda,

6:Hadaynu markaa ay inaga hortimaado arrin sharciyeed oo iska horimaad ku keenta mudaynta wakhtiga doorashada iyo xiliga dhamaadka mudada gloaha ,inagoo midaysan baan markaa xeerka aynu waafajin doonaa.

7. Waddadaa hadaynu qaadno adna aad nagu hoggaamiso waa inoo guul.,tii kale se waa baadi iyo habaw illaahay haynaga badbaadiyo

Waxaan rajaynayaa in illaahay dhamaanteen wadada wanaagsan ina waafajiyo

Dr. Cabdi Aw Dahir Ali

20050320Hadalka Ficil Ha Lagu Daro

Hadalka Ficil Ha Lagu Daro
Dr Yusuf Dirir — The Netherlands — 20 March, 2005
--------------------------------------------------------------------------------

Miyaad qabtaa akhristaha sharafta lehow?
1- Inu maamulku UDUB yahay mid dheli tiran oo si daran- doori ah wax u wadda.
2- In wada-tashi iyo qorshe u yaalo maamulka oo ay meel u wadda jeedaan xubnihiisu.
3- In wax yaala ay dawladu wasiiradeeda qaar ku kacayaan ama Madaxweynuhuba ay yihiin inay isku kalsooni u geeysey iyag oo wada maslaxad qaran .
4- In maamulka UDUB u ka shaqaynayo daryeelka iyo isku duubnidda umada.
Hadii ay jawaabtaada mid ka mida ama qaar ka badani yehiin HAA, waxaad akhristow aad ka mid tahay kuwa kalsoonida ku qaba maamulka UDUB, ee waxaan ku odhan lahaa dib wax u jaleec. Waxaan kale oo kugu darayaa hadii aad u aragto qoraalkan “been abuur”, jeexjeex oo dhabarkaaga ka tuur, dadkana uga dig in ay akhristaan..
Dawlada UDUB ma jiro wadda shaqayn iyo xidhiidh joogto ah oo u dhexeya Madaxweyna iyo wasiiradiisa. Wasaaradaha dhexdooda ma jiro xidhiidh wada shaqayneed oo ka dhexeyaa. Isna ma jiro xidhiidh wada shaqayneed oo ka dhexeya wasaarad kasta gudeheeda. Taas waxa u marag ah: Sidaynu ku aragnay is af garan waagi dhex maray Wasaradda Hawlaha guud iyo Arimaha Gudaha ,ee la xidhiidha shilkii foosha xumaa ee Hargeysa ka dhacay. Waa marag ma doon, waraysigii u bixyey Wasiir k/xigeenka Mudane Talaabo. Hadalada is dabraaya ee joogtadda uga soo baxaya Madaxweyne ku xigeenka dhinac iyo Wasiiradda kale,gaar ahaan wasiirka maaliyadda, ayaa iyaguna cadaynaya in aan wada shaqayni ka dhaxayn maamulka. Heshiiskii dhawaan dhex maray sadexdda xisbi, ee Madaxweynuhu gaashanka ku dhuftay,wuxuu astaan u yahay; qadarin la’aantii iyo meel ka dhaca uu Madaxweynuhu ku hayo madaxda xisbigiisa. Waxa reer Somaliland amakaaga ku ridey, war murtiyeedkii uu soo saaray af hayeenka xisbigu ee ku saabsanayd kontonkii xubnood ee ka tirsanaa Golaha Dhexe ee UDUB, taasi waxay muujisay in xisbigu qadarin gooni ah kala siiyo xubnihiisa, iyadda oo loo eegeyn fikradooda, ee loo egaayo gobolka am beesha ay ka soo jeedaan. Waxa kale oo dhamaanteen aynu xasuusana sidii UDUB dibadda ugu tuuray Dr.Cabdi Aw Daahir, isaga oo dhismaa xisbiga UDUB ka soo qaatay qayb libaax. Ma rumysantahay akhristow, dembiga Dr. Abdi Aw Dahir UDUB lagaga eryey in uu ahaa Dhakhtarka oo haweystey in uu madaxtinimadda xisbiga Riyaale kula tartamo. Taasina waxay ka marag kacaysaa in ay ceeb u yaqaaniin xisbiga UDUB, in xitaa si Dumoqraadi ah loo gu tartamo kol ay ku tahay jaranjaradda xisbiga dhexdiisa. Waxa isweydiin leh lacagtan marwada Riyaale ku yaboohday in ay Gabiiley hore ugu marinayso. Lama oga halka lacagtaasi ayay ka timid. Ma miisaaniyadii Wasaaradaha ayay la wareegtey oo qudha, mise xilka ayay ku aamine weeydey wasiradda ay arintanu khusayso?. Hadii lacagtanu ka soo baxday jeebka reer Riyaale oo anay khasnadda dawlada ka soo bixin, waxa waajib ah in Madaxweynuhu cadeeyo. Filmaayo in ay lacagtaasu tahay amaaha ka soo xerootay meheradii qaadka ee madaxweynuhu ku khasaaray intaanu xukunka qaban. Dhacdadan iyo kuwa kale maamulku ku kacayaa ma cusba,ee waa caado ay ka simanyehiin maamulada keligii taliska ahi, meel kastaba ha joogeene. Laakiin maanta waxa cadaatay in reer Riyaale, mudo aad u gaaban orod ku dhaafeen reer Siyaad Barre. Wasiradaas shaqadooda loo dabo maray wax ku haboon in ay xilka wareejaan,waa hadii ay magacoodda iyo karamadooda danaynayaan. Hadii ay lacagtani ka timid lacagtii Mudane Moxamed Xaashi Tilmaamay, ee aan khsanada gelina Waxa haboon in Madaxweynaha xilka laga xayuubiyo maxkamadna la soo taago.
Ma jirto wadda shaqayn toos ah, oo ku dhisan maamus oo u dhaxaysa UDUB dawladiisa iyo Xisbiyadda mucaaradka ah. Dawlada iyo mucaaradku waxay ahayd in ay isku diidaan wadada loo maraayo horumarka dalka, ee ma aha in lays kaga hor yemaado in dalka hore loo mariyo iyo in kalle. Taasna masuuliyadeeda waxa iska leh maamulka UDUB. Waayo Maamulku wuxuu u arkaa mucaaradaka cadow ka soo hor jeeda maslaxdooda gaarka ah, ee uu uma arko in mucaaradaka loo doortay in ay farta ku fiiqaan khaladaadka maamulka dawlada hayaa galo. Taas waxa ka marag ah: Cabudhinta iyo cagojugleeynta joogtada ah uu Maamulku ku hayo mucaaradka. Waxay kale oo ay ku cadahay hadaladda Wasiirka Gudaha ee odhanaaya: “waa laydin ka adkaaday” iyo “ma quustee naftiisa ayaa quus ah iwm” oo micneheedu yahay, danta dalka kama hadli kartaan inta aanu xukunka hayno.Arinta werwerka lihi waxay tahay, iyadoo aan la ogeyn in Madaxweynuhu la qabo fadexadahaas wasiiradiisa,in aanu shaqadiisa garanayn ama in aanu awood u lahyn in uu seetadda u gaabiyo ama uu eryo wasiiradaas ka talabsaday sharciga. Hadii madaxweeynuhu talaabo degdeg ah ka qaadan waayo dadkaas, ha ogaado in u isagu ka jawabi doono dhibaatadda ay dadkaasi keenaan oo aan cid kale loo raaci doonin.
Akhristoow, ma jiro xidhiidh wada shaqayneed oo ka dhexeeya dawlada UDUB iyo Golyaasha sharci dejinta oo ku dhisan maamuus. Taas wax u marag ah ; muranka ka taagan xeerka doorashadda Wakiilada ee golyaashu gudbiyeen. Madaxweynuhuna isaga oo aan la kaashan lana gorgortamin xisbiyada mucaaradka ah iyo golayaasha ayuu xeer kaas mariyey halkii aan toosnayn. Golyaasha sharci dejinta sidaad u ogtihiin waxa u badan xisbiga UDUB, oo xitaa shir gudoonadda waxa gacanta ku haya dad UDUB ku abtirsada. Markaas shaki ku ma jiro in aan xidhiidh u dhaxayn labadaas laamood ee dawladda Somaliland iyo siyaasyeenta UDUB dhexdooda toona .
Ugu dambayntii, UDUB hagardaamo mooyaane reer Somaliland uma gelin wax hawl ah , oo la xidhiidha hore u markooda. Waxa laga yaaba inaad is weydiiso “Hagardaamo?”. Hadaba aan ku gu celiyo suaashee; adigu ii sheeg hagardaamadda ka weyn in malaayeen dollar laga xado xoolaha qaranka, iyada oo caruurtii iyo cirolihii reer Somaliland caafimaad daro,aqoon la’aan iyo macaluul malin kasta u dhintaan? Waa maxay mudarada ka weyn in loo baaheeyo raashinka ciidanka hor fadhiya cadawga, madaxweyne Riyaale na boqolaal kun oo dollar Konfur Afrika iyo Jabuuti ku tamashleeyo? Waa maxay mudaradda ka weyn in madaxweynuhu yidhaa: “ Insha Alaah cidamadda kuwii dhintay bilado ayey heli doonaan”. Isaga oo ka hadlaaya askartii iyo saraakiishii naftooda ku waayey iyagoo Mandeeq difacaaya? Madaxweynaha in uu taas afkiisa soo mariyaa kumay haboonayn, ee waxa ku haboonayd in uu kafaalo qaato agoontii,xaasaskii iyo waalidkii ay geesiyaashu ka tageen,intuu kumanaanka dollar ku bixinaayo laalushka, si uu maslaxadiisa gaarka ah ugu hore mariyo.
Gabagabadii, uma arko Madaxweeynuhu, inuu gutey shaqadiisi laga filayey. Wasiirada iyo madaxda kale ee xisbiga UDUB uma arko in ay guteen hawshoodii loo xil saaray. Sidaas darteed arimahan aan halkan ku soo koobay iyo qaar kale oo badan ayaa ka marag ah inaanu UDUB tayo lahayn, dalkana ka saari karayn marxaladan adag, iyada oo indhii aduunku inagu soo jeedaan, sida uu sheegay rais-alwasaraha Ingiriisku. Uma arko in la sugo maaweelada UDUB ee odhanysa: “ maantana far baan maydhayaa ee hay fadhiyo geelu”. Somaliland wakhti badan ayaa ka lumay,wakhti kale oo ka lumana ma qaadi karto. Hadaba burmadka Somaliland wuxu u yaal; Golayaasha sharci dejinta, Xisbiyadda mucaardka, inta damiirka leh ee reer UDUB ee danaynaysa dalkooda iyo dadkooda. Waxa kaloo intaba ka muhimsan oo loo baahan yahay in la maqlo; codka qof kasta oo reer Somaliland ah.

20050318 Xisbiga KULMIYE Oo Fagaare Kala Hadlay Dadweynaha Reer Burco

Xisbiga KULMIYE Oo Fagaare Kala Hadlay Dadweynaha Reer Burco
Somaliland.Org — Burao, Somaliland — 18 March, 2005
--------------------------------------------------------------------------------

Burco (Sl.org) Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa shalay hadal u jeediyey kumanaan dad ah oo iskugu soo baxay faagaraha xurunta xisbiga ee gobolka Togdheer, magaalada Burco.
Barnaamujkaas oo ahaa kulan wacyigelin aha waxa soo qabanqaabiyey Xafiiska Xisbiga ee Gobolka, waxaana kala qaybgalay oo halkaasi ka hadlay masuuliyiin ka tirsan hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE oo iskugu jiray qaar Hargeysa ka yimi iyo kuwa gobolka hore ku sugnaa.
Waxa ugu horayn halkaa ka hadlay, Jaamac X. Maxamuud Digaale oo ka mid ah madaxda xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi, "Waynu ognahay dawladii dalka la doonayo in ay dalka horumar gaadhsiiso sida ay u dhaqmayso iyo waxa ay ku hadlayso Radio Hargaysa, maalin walba waxaa laga sii daynayaa Samo diidoow dabin baa kuu qoolan. Waxa ay dawladu abaabushay dad oo warbaahinta laga sii daayo oo ay yidhaahda rag aan Hargaysa u dhalan ayaa Hargaysa wax ka dhex leh. Tan (Burco) iyo Hargaysina waa isku dal oo waa isku dan gacanina kaligeed wax ma qaban karto Hargaysa iyo Burcana waa mataano mid kastoo dhibaato gaadhaana waa wax wada gaadhay. Dadka waxan isticmaalayana waa wax magarato mana aha in dadka curfiyo iyo ducufnimo la dhex dhigo waxa aan leeyahay shacbiyoow qof xanuunsanayaa marka uu xanuun ku dhaco wuu taahaa markaa qofka xanuunsanayaa ha taahin lama odhan karo
"Qofkii culays kaga taahinaya ayaa saaran dawlada waxa aan leeyahay dee marka aan aragno dhibaatada dalka iyo dadka waan taahaynaa dalkana dadweynoow idinkaa leh ilaashanayana ninkii doonayaa in uu meel kale u duso ama dano gaara doonaya ka doonayoow hor taa-jireba waa. Waa in aynu dalkeena ilaashano".
Mr. Digaale, waxa uu intaasi ku daray oo uu hadalkiisa ku soo qaaday dhibaato beryahan dambe ka aloosnayd bariga Berbera, halkaas oo uu sheegay in la doonayo in dagaal laga huriyo, dhiig dadna ku daato, isaga oo ka waramaya ciidamo laxaadleh oo dowladdu u dirtay kooxo kalluumaysato ah oo dhowaan shaqaaqo dhexmartay.
Waxa isaguna halkaa ka hadlay Dr. Cabdi Aw Daahir oo ka tirsan gudiga fulinta ee xisbiga, kuna sugnaa magaalada Burco, waxana uu ka hadlay xaalada dalka iyo doorashada. Waxa uu yidhi, "Haddii aan xaalada dalka si kooban uga hadlo waxa ay shacabku dhisteen dawlad isku taagta cagaheeda iyo nabadgalyo iyo kala danbayn hasa yeeshee waxa dalka ku soo fool leh hadaynaan ka digtoonaan halis inugu keeni karta dhibaato waa taynu sugayanay in ay doorashada baarlamaanku dhaco ee aynu ku doonaynay ictiraafka iyo horumarka dalka."
Balse, waxa uu sheegay in qaabka xukuumaddu u maamushay ay abuurtay khilaaf.
"Waxaan doonayaa in aan halkan fariin uga gudbiyo maamulka maanta jira. Waxaa xaqiiqo ah sida muuqata hadaan maanta xaqiiqada lasu sheegina qoloda maamulka haysa ma doonayaan in ay doorashadu dhacdo sababta doorashada baarlamaanku u dhici la' daahayna waxa weeye saamiqaybsigii oo markaa la garan la'yahay sidii saamiga loo qaybasan lahaa taa weeye qodobka hor taagani e maaha riyaale iyo Goloyaasha oo is haysta iyo Saleebaan iyo cid kaloo is haysata ee ta ina haystaa waa taa in laysugu yeedho asxaabta ayaan Talo ahaan ugu dhigayaa, jiroo ay xukuumada maanta jirtaa ka xanaaqdo dhaliisha in mudanayaasha iyo asxaabta loo yeedho oo la yidhaado waar maxaa inaga dhiman Maamulka maanta jira ma doonayo in doorashdu dhaco waxaasoo dhamina waa mid maamulku dan gaara ka leeyahay mana dhacayso in Talada Dalka Dan gaara Laga yeesho waxaana uu maamulku doonayaa inuu doorashada musuq maasaqo dabadeedna lays laayo waxaanu se leenahay sidaa ha laga daayo. Haddii aanu KULMIYE nahay waxaan qabaa in boqolkiiba sagaashan aynu inagu ku guulaysanayno asxaabtu waxay soo jeedisay qaab saami qaybsi oo Komishankuna ku raacay. waxa aan maqlay inuu maxadwaynuhu u saaray madax weyne ku xigeenka iyo 10 wasiir ayna sidaa ku raaceen balse aanay suuroobin waxaana Daahir riyaale u gudbinayaa sidii doorashadu u dhici lahayd Riyaaloow waxaa lagaa rabaa sidii doorashadu u dhici lahayd," ayuu hadalkisi ku soo xidhay Dr. Cabdi Aw Daahir.
Waxaa iyaduna halkaa ka hadashay Sahra Maxamed Xuseen oo ka Tirsan garabka Haweenka ee xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer, waxaanay tidhi "Xisbiga KULMIYE Doorashada Mawqaf ayuu iska taagay inay 29 March doorashadu dhici wayado in mudaharad dhaco diyaar baa loo yahay in khaastan Gobolkan. Waxaanu diyaar u nahay in aanu u dareerno Mudaharaadkaa waxaa maanta inoo talinaya xukuumad aan Mustaqbalkeena doonayn waan araganaa sida mustaqbalkeenu yahay ka yeelimayno in Somaliland noqoto calool qudha oo wax lagu guro mooye waxa kale qabanayn oo aan buuxsamayna hadaynaan iska qabana aakhirka inaga ayaa la inagu daraysaa".
Waxa kale oo halkaa dadka kala hadlay xubnihii hoggaanka xisbiga ee ka yimi Hargeysa oo ay ka mid ahaayeen Mr. Cabdi Haybe Maxamed iyo Mudane Maxamed Muuse Abees, waxayna dadka ugu warrameen xaaladda Hargeysa iyo halka ay iminka marayaan xaaladda la xidhiidha doorashada.

Cabdirisaaq M. Dubad, Burco.

20041207 faalo keyse digaale



Taabgaabnimadda Badhasaabka iyo Tafaxaydashada Shacbiga Burco - Warbixin, Kayse Axmed Digaale

Posted to the web 12:57 Dec 07 2004




Dec 07 2004 (Somaliland Net) - Shacbiga Burco ayaa u tafaxaytay sidii ay u horumarin lahaayeen gobolkooda isla markaana laga faa'iideeyo muruqa iyo maskaxda bulshada, iyada oo layska ilaawayo in wax laga sugo cid kale, taasina waxay keentay in lagu tallaabsado, arrimo dhinacyo badan oo horumar leh, bal haddaba aan si kooban uga hadalo waxyaalaha ay shacbigu qabsadeen iyo duruufaha kale ee ku xeeran.


Posted by Kayse A Digale.


--------------------------------------------------------------------------------



Aynu mid mid u eego arrimahaas aan kor sheegay.

Waxbarashada:

Dhinaca Waxbarashada ayaa ahayd meelaha waaweyn ee Magaalada dhibaatooyinku ka gaadheen kuna burburay dagaaladii kala dambeeyay eeka dhacay halkaasi, taasina sababtay bulshada reer Burco ay ka dambeeyaan, gobolada kale ee Somaliland, balse, waxa lagu tilmaami karaa in ay Burco si weyn uga soo kabatay dhibaatadii dhinaca Waxbarashada kadib markii dib-u-dhis iyo dayactir lagu sameeyay dugsiyaddii waxbarashada, gaadhayna ilaa heer Jaamacadeed, waxa xusid mudan, hay'adda SCF/UK oo fadhigeedu yahay Burco, wada shaqayn joogto ahna la leh Wasaaradda Waxbarashada Gobolka Togdheer ay kaalin weyn ka qaadatay dib u soo noolaynta waxbarashada gobolka Togdheer, iyagaoo dib-u-dhis iyo qalabayn ku sameeyay dugsiyada Waxbarashada gobolka Togdheer ilaa heer tuulo, waxay tababaro siisaa Macalimiinta Dugsiyada si kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadda macalinka, waxa kale oo hay'addaasi diyaarisay qorshaha iyo istiraatijyada waxbarasho ee saddex sano ee socda ee Gobolka Togdheer, taas oo ah gobolka keliya ee Somaliland ee ka sameystay istiraatijiyad waxbarasho, sidaas darteed Gobolka Togdheer waxa lagu tilmaamaa in uu hadda ka horumaray gobolo badan oo Somaliland ah oo ka horreeyay.

Caafimaadka:

Dhinaca Caafimaadka ayaa ka mid ah goobaha sida weyn u shaqeeya kadib markii Cisbitaalka Burco oo gebi ahaanba burburay dib-u-dhis ay ku sameeyeen shacbiga Burco, waxaana ku yaal Magaalada laba Cisbitaal oo kala ah Cisbitaalka guud iyo Cisbitaalka TB-ga iyo dhowr xannaano, waxaanay xarun caafimaad u noqotay gobollada Bariga Somaliland, waxa hadda yaal Cisbitaalka Burco qalab caafimaad oo kala duwan oo ay dhowaan ugu deeqeen jaaliyadda reer Togdheer ee degan carriga Ingiriisku. Waxa xusid mudan in Dr. Cabdi aw Daahir oo mar ahaa wasiirak Caafimaadka ee Somaliland, haddana ka mid aha masuuliyiinta sare ee Xisbiga KULMIYE ahna dhakhtar qalliinka ah uu maalin kasta saacado ka mid ah wakhtigiisa u fadhiisto dhakhtarka si tabaruc ahna, isla markaana sameeyo qaliino culus, taas oo soo jiidatay indhaha shacbiga Burco, kuna kasbaday bulsho badan. Isu duwaha Caafimaadka ee Gobolka Togdheer, Dr. Cabdi Yaasiin, ayaa isagu dedaal weyn ugu jira kor u qaadid dhinaca Caafimaadka ee Togdheer, waxauu qaaday tallaabooyin lagu kala saarayo Goobaha Caafimaadka ee gaarka ah dadka leh iyo shaqaalahoodu in ay yihiin kuwo aqoon caafimaad oo buuxda leh iyo kuwo u furtay si ganacsi ah, isla markaana loo sameeyo sharci caafimaad, kuwa si ganacsi u furtayna laga baabiiyo, waxayna arrintani ka dhalatay kadib markii ay bateen dhibaatooyin halis leh oo ay sababeen goobahaasi caafimaad gaar ah, waxa kale oo Dr. Cabdi Yaasiin hormood ka ahaa samaynta Cisbitaalka Degmada Caynaba. Haddaba, Waxa keliya ee Cisbitaalka Burco hadda u baahan yahay ee la dareemayaa waa tabobaro iyo siminaaro la siiyo hawl-wadeenada caafimaadka ee Cisbitaalka si kor loogu qaado xirfaddooda caafimaad iyo Cisbitaalkii dadka Waalida oo la sameeyo, waxa kale oo jirta guddi caafimaad oo madax bannaan oo Cisbitaalku leeyahay.

Dhaqaalaha:

Magaalada Burco ayaa ahayd goob si weyn dhaqaalaheedu ugu xidhan yahay Xoolaha, kuna taalo sayladda Xoolaha ugu weyn Somaliland, haddaba, tan iyo intii Sucuudigu xayiraadda saaray xoolaha Soomaalida waxa saamayn weyn ku yeelatay gobolka Togdheer, waxaana sii kordhay shaqo la'aantii, horeba uga jirtay Magaalada, taas oo la odhan karo shacbiga 1% ayaa ka shaqa taga, waxa kale oo dhaqaalaha gobolkaasi la sii degay Isticmaalka lacag Soomaalidii hore, waana goobta keliya ee Kotonkii, iyo boqolki lacag Soomaaligii hore ka shaqeeyaan. Marar badana ganacsatada Burco waxay Xukuumadda iyo hay'addaha ku shaqada leh sida Maaliyadda iyo Baanka ka dalbadeen in laga beddelo lacagta Soomaalida, lana keeno shillinka Somaliland si meesha looga saaro lacagtaas hore. Balse, inkasta oo ay ballanqaadeen, haddana ma hirgein arrintaasi, waana sababaha ugu waaweyn ee ganacsiga gobollada Bari ugu xidhmeen Dekedda Boosaaso.

Miinadda:

Waxay Burco ka mid ahayd goobaha ay sida weyn ugu xabaalnaayeen Miinada, sababtayna dhimasho iyo dhaawac badan, inkasta oo ay ka hawlgaleen laba hay'addood oo miino baadhis ah, kuwaasi oo sheegay in ay sifeeyeen goobihii ay Miinadu ku jirtay, balse, waxa jirta in weli taagan tahay halistii Miinadu kadib, markii bilihii u dambeeyay ay dad iyo duunyaba miino ku dishay.

Meelihii ay hay'adduhu sheegay in ay baadheen, duqa Magaalada Burco, Cabdi Axmed Iidle, ayaa marar badan qaylo dhaan ka bixiyay in halista iyo dhibaatada Miinadda ku jirta isaga oo tilmaamay in roobabkii dhowaan ka da'ay Burco ay dibadda u soo saareen Miino badan oo ku jirtay qaybo ka mid ah Magaalada, lagna xayirayinay maraan dadka iyo Gaadiidku, waxa kale oo Maayarku sheegay in ay saddexdii bilood ee u dambeeyey ay dad iyo duunyo badan laysay.miinadu.

Horumarka:

Dhinacyada ay Horumarka ka sameysay Magaalada Burco, waxa ka mid ah Biyaha, iyada oo si weyn uga haqab la', isla markaana waxa jirta in dad badani ay qoteen, ceelal riigaga kuwaas oo labaataneeyo gaadhaya, waxa kale oo Magaalada laga sameeyay laba wershadooda oo kala ah; Wershadda Hilibka:_ oo la furay bishii Oktoobar, taas oo maalintii qasha xoolo gaadhaya ilaa 1000 neef, loona dhoofiyo dalalka Carabta, abuurtayna in dad badani shaqo ka helo, isl amarkaana Sayladii Xoolaha ee Burco dhaq-dhaqaaq kala iibsiga xoolahu ka bilaabmo, waxa kale oo iyana hore u jirtay Wershadda Hargaha, iyada oo ay waxsoosaarkeedu taab gaaban yahay ilaa haddana kooban yahay , lana sheegay in mudda ay jirtay mar keliya dibadda wax u dhoofisay, wershadda sameyn doonto, saabuunta ayaa iyana dhismaheeda laga bilaabay Burco.

Maamulka Gobolka Togdheer ee ka jira xilligan, ayaa ah mid lagu tilmaamo kii ugu awooda liitay ee soo mara gobolka, waxa uu noqday mid ku guuldarraystay inuu hago hadafkii Siyaasadeed ee Dowladda, taasina ay keento in shacbiga iyo Xukuumadda gaabweyni u dhaxeeyo, siina kala fogaadaan, waxa sii kordhay ku milmidda, maamulka iyo muranka dhuleed ee jira, taasina ay keento in guddigii Nabadgelyada iyo Madaxdii hay'addaha Dowligu iyo guddoomiyaha gobolku, kala durkaan kadibna wadashaqayntoodu lunto.

Taab-gaabnida iyo ku xidhnaan la'aanta Bulshada ee Badhasaabku waxay keentay in hawlihii Adeega Bulsho ee uu hagi lahaa guddoomiyaha Gobolka lunto kadibna ay kaalintii buuxiyaan, guddiyo abuurmay, kuwaas oo muujiyay tallaabooyin horumar leh oo wax weyn u tara bulshadda, arrinaha guddiyadaasi hirgeliyeen waxa ka mid ah Jaamacadda Burco, dhismaha Biriijka iyo waxqabadka Abaaraha iyo arrimo kale, guddigan oo lagu magacaabo guddiga Horumarka Burco ayaa waxa hormood ka ah badhasaabkii iyo Maayarkii hore, Burco, Maxamuud Aadan Dheri iyo Maxamed Xuseen Aadan, oo iyagu oo dedaal weyn ugu jira horumarka Burco.

Si kastaba ha ahaatee, arrimahan horumar leh ee ka jira Burco, ayaa ah qaar ka dhashay dedaalka shacbiga, kuwaas oo go'aansaday in muruqooda iyo maskaxdooda, reer Burco oo laysku geeyo ay abuurayso in lagu guulaysto horumarinta gobolka layskana ilaawo in cid kale wax laga sugo.



Posted by Kayse A Digale.

20041126 Hadii Aynu Uun Iska Eegano Aqalka Madaxtooyada Xal La Gaadhi Maayo” Dr: Cabdi Aw-Daahir-


Hadii Aynu Uun Iska Eegano Aqalka Madaxtooyada Xal La Gaadhi Maayo” Dr: Cabdi Aw-Daahir-
Friday, 26 November 2004
Burco, Nov.24,2004 (Haatuf): “Ninka nabadda wadaana waa inuu yaqaano dariiqa uu nabadda u marayo, ninka dagaalka wadaana waa inuu yaqaan dariiqa uu colaadda u marayo, laakiin hadii..”, ereyadani waxay ka mid yihiin jawaabo uu Dr. Cabdi Aw-Daahir oo ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ka bixiyey arimo kala duwan oo la xidhiidha wacyiga siyaasadeed ee waqtigan xaadirka ah ku gadaaman Somaliland, isaga oo ka hadlay xaaladaha iyo dareenka colaadeed ee ka jira gobolka Sool, isla markaana farta ku fiiqay xal milateri iyo xal siyaasadeed ama nabadgelyo ka uu u arko in lagu maarayn karo xiisadda colaadeed ee u dhaxaysa Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland.

Cabdi Aw-Daahir waxa uu hadda fadhigiisu yahay magaalada Burco, waxaana halkaa waraysi kula yeeshay A. Ducaale (Tifaftire) oo dhowaan socdaal gaaban ku tegay magaalada Burco, wuxuuna Cabdi Aw-Daahir waraysigaa jawaabo kaga bixiyey su’aalo ay ka mid yihiin inuu hawlaha siyaasadda ku sii jirayo iyo inkale. Waxa kale oo uu soo qaaday doorashada baarlamaanka iyo aragtida uu ka qabo. Waxa kale oo uu soo hadal-qaaday istaraatijiyadda iyo qorshaha dawladda Somaliland ee ku wajahan xaaladda bariga Somaliland, isaga oo farta ku fiiqay sida uu u arko qorshaha dawladda ee xiisadda gobolka Sool iyo arimo kale oo xiise leh. Hase yeeshee ugu horayn Cabdi Aw-Daahir mar la waydiiyey su’aal ahayd “maxaad hadda qabataa” waxa uu ku jawaabay “hawlo caafimaad ayaan qabtaa ama magaalada dhexdeeda ha noqoto ama cusbataalka ha noqotee, hawlaha kale ee wacyi gelintana qayb baan siiyaa”.

Laakiin waxa hadana la waydiiyey “hawlaha caafimaad ee aad cusbataalka ka qabataa ma tabaruc baa”, wuxuuna yidhi “Haa, hawlaha aan cusbataalka ka qabtaa waa tabaruc oo dadkana waan qalaa, waadhadhkana waan maraa”.

Waxa kale oo la waydiiyey “waa noocma xanuunada ugu badan ee aad dadka ku aragtaan”, wuxuuna yidhi “marka la eego magaalada Burco xanuunada ugu faraha badan ee aanu ku aragnaa waxa ka mid ah: TB-da, Kaneecada, xanuunada caruurta oo uu shubanku u badan yahay, xanuunada dumarku marka ay uurka leeyihiin. Xanuunada hadda yaraaday ee aan dadka ku badnayn waxa ka mid ah, Xabadda oo dhawr iyo sagaashanaadkii halkan (Burco) ku badnaa, waxa kale oo yaraaday dhaawacyadii Toorida oo xiliyada qaar Burco ku badnaa”.

Intaa ka dib waxa kale oo la waydiiyey “muddooyinkan dambe waxaad ahayd nin dhinaca siyaasadda aad ugu firfircoon oo had iyo goor dhawaaqiisa la maqlo, laakiin inmuddo ah dhawaaqaaga lama maqal maxaad la aamustay”, wuxuuna ku jawaabay “aa macneheedu ma aha inaan siyaasaddii faraha ka qaaday oo xisbi ayaaban ku jiraa oo Kulmiye ayaan ka tirsanahay, balse duruufta maanta taal ayaad-ba moodaa inaanay hadal badan saamaxayn. Laakiin hadana lagama maarmaan ayey noqonaysaa in arimaha aan laga aamusi karayn ee aayaha dalka iyo dadka in laga hadlo oo wixii khaldan iyo wixii talo la tilmaamo, taasina waa waajib qaran”.

“Mushkiladda gobolka Sool ama bariga Somaliland xal siyaasadeed iyo xal milateri midkee baad u aragtaa in lagu waajaho”ayaa la waydiiyey, Cabdi Aw-Daahir, wuxuuna ku jawaabay “horta marka hore waxaan aaminsanahay, isla markaana ay muhimadda koowaad tahay in la ilaaliyo jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, lana sugo, lana ilaaliyo xadkeeda, taasina waa waajib qaran, waana waajib dastuuri ah, siyaasadda xisbigayaga iyo tayda shakhsi ahaaneed-na taas ayey ku qotontaa. Ta kale marka aad eegto siyaasadda maamulka Somaliland waxa kaaga muuqanaysa siyaasad aad mooddo jaho-wareer, waayo mar xaalad dagaal ayaad moodaa inay wadaan, marna xaalad nabadgelyo ayey wadaan. Sidaa darteed waxaan odhan karaa ma jihaysnin.
Laakiin wax kasta waxa ugu wanaagsan in nabad lagu gaadho. Balse hadii nabad waxba lagu gaadhi-waayo meesha kama saarayo wixii duruuri ah ee laga fursan-waayo, waxaase meesha taal ninka nabadda wadaana waa inuu yaqaan dariiqa uu nabadda u marayo, ninka dagaalka wadaana waa inuu yaqaan dariiqa uu u marayo, laakiin marka nabad-na la garan-waayo, colaad-na la garran-waayo, taas ayaa mid sub-xaanallah ah.

Waxaan qabaa inaynu ka guulaysanayno cidda inagu soo duushay ama inagu soo duulaysa, waxaase meesha taal oo dhinaceena loo baahan yahay talo iyo qorshe lagu midaysan si jaho-wareerka looga baxo”.

“Marka aad eegto arimaha iyo khilaafaadka u dhexeeya dawladda Somaliya loogu soo dhisay Imbagati iyo Somaliland sidee baad adigu u aragtaa in lagu dhamayn karo”ayaa mar kale la waydiiyey, wuxuuna yidh “horta qadiyadda Somaliland Ingiriis-na kuma xidhna, Maraykana kuma xidhna Itoobiyana kuma xidhna, ee inaga iyo waxa aynu qabsanno ayey ku xidhan tahay oo hadii aynu meel adag iska taagnona waa layna taageerayaa, waana ku guulaysanaynaa, hadii kalena way dayacmaysaa. Sidaa darteed hadii aynaan mawaaqiif siyaasiya oo cad yeelan cidina waxba inagu falimayso”.

“Sida ka soo yeedhay qaar ka mid ah beesha caalamka waxa la leeyahay arinta u dhaxaysa Somaliland iyo Somaliya wada xaajood ayaa lagu dhamaynayaa, markaa adigu ajande noocee ah ayaad u aragtaa in la isku soo horfadhiisan karo ama laga wada hadli karo” ayaa mar kale la waydiiyey, wuxuuna ku jawaabay “horta marka hore maamulka Somaliya loogu soo dhisay shirkii Imbagaati uma arko mid wax u soo kordhinaya Somaliya, inagana (Somaliland) waxa uu inoogu fillan yahay inuu dhibaato uun inagu soo kordhiyo. Anaguna xisbi ahaan iyo ummad badaniba waa tii aanu markii uu shirka Imbagaati socday ka sii qaylinay saamaynta uu Somaliland ku yeelan karo, balse markii uu hogaanka dalku nala yaabay ee yidhi wax saamayn ah inagu yeelan mayo ayaanu iska aamusnay. Laakiin iminka maalinta la helo dawlad Somaliya ah oo dhisan oo lala hadli karo, inaga (Somaliland) mawqifkeenu waa cad yahay, Somaliland-na waa dal iyo dawlad xor ah oo la soo noqotay xoriyadeedii lixdankii, isla markaana ay Somaliland iyo Somaliya noqdaan laba dal iyo laba dad oo walaalo ah oo uu xidhiidh wanaagsan iyo iskaashi ka dhexeeyo. Laakiin xoriyadeena iyo dawladnimadeena cidna uma daba fadhiisanayno, waayo iyagu (Somaliya) ma rabaan inay xoriyadeena iyo dawladnimadeena hoos yimaadaan ama inoo hoos fadhiistaan, taas darteed inaguna u dabafadhiisan mayno”.

Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa kale oo la waydiiyey su’aal ahayd “adigu markii hore waxaad ahayd nin dhakhtar ah, laakiin mar dambe ayaad arimaha siyaasadda soo dhex-gashay, aadna uga dhex-muuqatay, markaa iminka hawlaha siyaasadda ma halkaas ayaad ka sii wadaysaa, mise waxaad doonaysaa inaad ka hadho?

J: Hadda mawqifkaygu sida uu yahay kuma talo jiro inaan hawlaha siyaasadda ka baxo, waana sii wadanayaa oo hawlaha siyaasadda kama baxayo. Ta kale dhakhtar baan ahay, taasina waa Profishinkayga aqooneed, intii aan siyaasadda dhex-galayna marna kama aan dhex-bixin hawlaha caafimaadka, hadii ay tahay mar aan dhakhtar u ahaa, mar aan maamule ahaa iyo mar wasiir u ahaaba”.

Cabdi Aw-Daahir mar wax laga waydiiyey doorashada baarlamaanka ee la leeyahay hala qabto iyo sida uu u arko muhimadda doorashada baarlamaanka waxa uu yidhi “waxaan ku baaqayaa in la qabto doorashada baarlamaanka, waxaana ku talinayaa inay dadkii UDUB, taageersanaa arinta doorashada baarlamaanka ku taageeraan xisbiyada mucaaradka ah ee KULMIYE iyo UCID, waayo waxa loo baahan yahay in taladii la dheeli tiro, oo xukuumadda talada lala yeesho, taasna waxa lagu xalili karaa in helo baarlamaan awood leh, waxaana u arkaa in hadii aynu eegno uun aqalka madaxtooyada ee aanay wasiiradii ka tirsanaaba ka war-hayn waxa ka jira, taas xal lagu gaadhi mayo. Laakiin ma ihi nin duraya sharciyadda ay meesha ku yimaadeen hogaanku, waa madaxweyne la doortay oo sharci ku fadhiya, waxaanse ku baaqayaa in la doorto baarlamaan awood leh, una badan UCID iyo KULMIYE iyo UDUB oo maamulkii haysa, ka dibna uu baarlamaanku talada halkaa ka soo galo, lana helo talo meel lagu gaadho, hadii aan sidaa la yeelina waxa soo hadhay waa anaga (Xisbiyada) oo qaylina oo maalinba Haatuf iyo jaraa’idka wax ku soo qorna, taas oo aanay ciddina naga dhegaysanayn”.

“Wixii ka soo baxay doorashadii hore waa la dhaliilay oo waxa la leeyahay dadkii Loo baahnaa ma soo bixin, iminkana waxa laga wer-wersan yahay dadka ku soo bixi doona doorashada baarlamaanka ee aad leedahay hala qabto nooca ay noqon doonaan, markaa sidee baad u aragtaa in looga bad-baadi karo qaabkii hore oo kale” ayaa la waydiiyey Cabdi Aw-Daahir, wuxuuna ku jawaabay “marka hore xisbiyada waxa looga baahan yahay inay soo xulaan dad wanaagsan oo buuxin kara xilka loo doortay, iyadoo aan baarlamaanka maanta jooga la odhan karin waa dad liita dhamaantood ee dad wanaagsan iyo qaar kaleba waa leeyihiin”.

Laakiin Cabdi Aw-Daahir waxa kale oo la waydiiyey su’aal ahayd “Sidee baad u aragtaa in loo xuli karo dad ku haboon baarlamaanka”, wuxuuna ku jawaabay “waxaan odhan lahaa yaan liis la dooran ee qof ama shakhsi hala doorto, iyadoo uu qofka la dooranayaa mabaadi’dii xisbiga ku shaqaynayo”.

Ugu dambayn Cabdi Aw-Daahir waxa la waydiiyey su’aal la xidhiidha shirarka ku lidka ah qadiyadda madax banaanida Somaliland ee had iyo goor laga abaabulo dalalka debedaha, waxaana su’aalaha arintaa laga waydiiyey ka mid ahaa “sidee baad u aragtaa kelmadda ama siyaasadda Dir”, wuxuuna ku jawaabay “Dir waa siyaasad lagu burburinayo Somaliland, waxaana la doonayaa in lagu baabi’iyo taariikh siyaasadeed oo jirta, kelmadda dir waa kelmad khatar siyaasadeed xanbaarsan oo u baahan in laga dagaalamo”.

Ka soo Xiganay Haatuf.net