Tuesday 19 January 2010

20050321 qoraal dr.cabdi aw daahir



Talo soo jeedin uu soo qoray Dr Cabdi Aw Dahir Cali Posted to the web 02:19 Mar 21 2005

(Somaliland Net) - Waxaan mahad balaadhan u soo jeedinayaa dadka reer Somaliland meelkasta oo ay jogaan ee ku hawlan dib u-diska dalka gaar ahaan waxaan ku boorinayaa shacabkeena dibada jooga inaad sii wadaan, siina kordhisaan waxtarka joogtada ah ee dhaaqale iyo talo ee aad ummaddiina iyo dalkiina ku dhisaysaan.

Walaalayaal, waxaan muddo hadda laga joogo qiyaastii hal sano aan ku soo qoray warbaahinta Somaliland qoraal dheer oo wajiyo badan leh oo ay ugu muhiimsanaayeen afar qodob oo kala ah:


1 - Qabashada doorashada baarlamaanka.


2 - Arrimaha bariga sool iyo sanaag bari.


3 - Mowqifka xidhiidhka aynu la leenahay dawladaha aynu jaarka nahay gaar ahaan Itoobiya iyo jabuuti.


4 - Iyo sidii aynu uga hortagi lahayn mamulka lagu soo dhoodhoobay imbigaati


Afartaa qodob, xukuumadeenu bal ha joogto talaabo ay ka qaadaane ,waxaa mugdi ku jiraa mowqifka ay ka taagan tahay, waxay ka damacsantahay ,iyo sidii ay u wajahi lahayd ,walina sidii ayay u taagantahay.

Hadaba Siyaasaddu aad bay uga duwantahay arimaha Sirdoonka.Sirdoonku waa arrimo qarsoon , balse siyaasadu waa arrimo cadcad, oo leh mawaaqiif, yool la higsaanaayo, aragtiyo lagu kala duwanyahay iyo ummadda oo si cad loogu soo bandhigo halkay xaaladda dalku marayso.

Waxaan maanta doonayaa inaan qoraalkaygan aan kaga warramo qabashada doorashada baarlamaanka waxa hortaagan iyo sida loo xalilaayo.

Arrinka doorashada baarlamaanka, sidaad la wada socotaan, waa arrin u mihiima siyaasadda dalka Somaliland, kobcinta iyo dhamaystirka dimuqraadiyada .Arrinkaas qabashada doorashada baarlamaanku wuxuu baryahan dambe keenay xasaaasiyad iyo buuq aad u fara badan oo aan loo baahnayn walina aan laga gudbin dadkana loogu fasiray si khaladan, lagana dhex abuuray khilaafaad iyo iska horimaad siyaasadeed. Taasi waxay mugdi galisay xaqiiqda dhabta ah ee hortaagan qabashada doorashada baarlamaaanka waxaana la hareer marayaa sidii loo xalin lahaa mashaakilka asaasiga ah.

Haddaba, waxaa jira laba arrimood oo u ah aasaasi qabashada doorashada baarlamaanka. Waxaan u dhigayaa sidan su,aasha ah:

1: Maxaa hortaagan in la qabto doorshada baarlamaanka ? Jawaabtu waa arrin kaliya. Waa saami qaybsiga tirada xubnaha baarlamaanka ee gobolada dalka. qodob kale oo aan kaa ahayni ma jiro mana yaalo.

2: Yaa hortaagan in la qabto doorashada baarlamanka? Jawaabtu waa qof kaliya waa Madaxwaynaha mudane Daahir Riyale Kaahin, qof labeeya iyo gole labeeyaa ma jiro, xataa wasiiradiisu kulama jiraan.

Walaalayaal, qodobka saami qaybsigu waa kii sababay in dib loo dhigo xeerka doorashada baarlamaanka sanad kii 2001 laguna ekaysiiyay xeerkii doorashada deegaanka iyo madaxtooyada .

Qodobkaa saami qaybsiga waa lagu kala gadisnaa. mudadaa afarta sanaadooda ee ugu danbaysay .Laba fakir ayaa is barbar yaalay

1: In wax qaybsiga lagu saleeyo sidii inoogu danbaysay doorasho baarlamaan oo ah sidii wax loogu qaybiyay lixdankii, lixda gobol ee dalka oo markaa ahaa lix degmo.

2:Iyo fikirka labaad oo ah, bacdamaa muddo dheeri kasoo wareegtay in dadka la tira koobo,qolo walibana tirada u soo baxda ay ku qori qadato

Fikirka labaad ee tirokoobka oo ahaan lahaa haday si fiican u dhacdo ta cadalada ugu dhaw , may dhicin ,mana dhacdo. Markaa waxay noqotay fikir muran dhaliya, oo marar badan loo arko inuu yahay ama noqdayba fikir carqaladeeya dhicitaanka doorashadaa baarlamaanka.

Fikirka koowaad oo ah in saami qaybsiga lagu saleeyo sidii lixdankii, inkastoo aanu dadka qaar raali galin, hadana wuxuu noqday mar walba fikirka soo hadha, ee xalna noqda, suurana galin kara qabashada doorashada. Kolba intaan xasuusto afar goor ayaa si midaysan laysuga raacay fikirkaa, marka laga bilaabo 2001 aynay ugu dambaysay tii saddexda xisbi qaran iyo komishanka qaranka. Jawaabta su ,aasha koowaad ee ah saami qaybsiga waxay noqonaysaa xalka keliya ee ay doorashado ku hirgalayso. Waa in dhinac layska dhigo danta gaar ahaaneed ha noqoto mid shakhsiyaadeed, kooxeed, qoleed iyo goboleed, si taa loo gaadhana waa inuu yimaadaa tanaasulaad loo taanaassulaayo danta qaranka, waana in la raacaa lana aqbalaa saami qaybsigii ay soo jeediyeen komishanka qaranka iyo saddexda xisbi qaran.

Su,aashii labaad ee ahayd yaa hor taagan qabashada doorashada baarlamaanka, waxaan ku soo koobayaa wixii dhacay mudoonyinkii u danbeeyay. Bal horta waxaan idiin sheegayaa inuu yahay Mdaxwayne Riyaale dadka aadka uga ololeeya, una diidan fikirkaa lixdankii.

Madaxwayne Riyaale markii hore wuxuu aad ugu ololeeyay fikirki ay ansixiyeen golaha baarlanaanku ee ahaa in dadka la tirikoobo intaanay doorasho dhicin. Wuxuu ku isticmaalay dhammaan awoodihiisii kala duwanaa ee madaxwaynanimo dhinac kasta oo ay ahaataba ; waxaanu adeegsaday xubnihiisi taageerayaasha ahaa ee ku jiray golaha baarlamaanka oo ah aqlabiyada golaha. Golihii waxay ansixiyeen xeerkii doorashada baarlaamaanka oo dhamaystiran oo ay ku jirto dadka hala tirakoobo, taasooo ahaa fikirkii asaasiga u ahaa Madaxwaynaha.

Fikirkaasi muu helin inta ugu yare ee taageerada dadwaynaha, balse shacabwaynihii si xoog leh ayay uga soo horjeesteen, una arkeen inuu yahay carqalad dib loogu dhigaayo qabashada baarlamaanka .

Isaga Madaxwayne Riyaale waaki iska aamusay, iskana qabtay Afrikada koonfureed.

Waxaase mudan, marka koowaad.in la hambalyeeyo komishanka qaranka , mudnaanta labaadna waxaa leh saddexda xisbi qaran. waxaana ammaan gaar ah leh xubnihii markaa hogaaminayay xisbiga Udub. Saddexda xisbi qaran iyo komishanka qaranku waxay soo saareen go;aan lagu heshiiyay oo dhaxal gal ah.

Waxay dhinac iska dhigeen, iskagana tanaasuleen wixii u dhaxayn lahaa ee ay afkaaro ku kala duwanaan lahaayeen , ha ahaadeen fakir qofeed, xisbi,gobol , ama beeleed . Waxay ku dhiiradeen inay soo saaraan fakir qaran oo ay ka midaysan yihiin. go;aankaa taariikhiga wuxuu la magac baxay "saami qaybsiga axsaabta & komishanka qaranka".

Madaxwayne Riyaale wuxuu dalka ku soo noqday oo uu ka soo laabtay dalka Afrikada koonfureed iyadoo ay yaalaan laba arrin oo kala ah laba daran mid dooro:

1:Arrinka koowaad oo ah dadka ha la tirakoobo oo ay baarlamaanku ansixiyen ahna fikirka dhabta ah ee Madaxwaynuhu watay, hase yeeshee ah arrin aan dadka haba yaraatee aa wax taageero ah ka haysan.

2:Arrinka labaad oo ah go;aankii saddexda xisbi qaran & komishanka qaranka oo ah fakir uu Madaxwayne Riyaale uu aad uga soo horjeeday.

Waxay noqotay sidaan soo sheegay labo daran mid dooro.

Madaxwaynuhu xal qaran ma keenin, talo balaadhana ma qadan.Wuxuu qaatay talo qof kaliya oo aan la labayn oo ah Cawil cali ducaale, waxaanu kula taliyay in labadaba la tuuro, bacdamaa midna ka hor imanaayo fikirka Madaxwaynaha, midna Madaxwaynaha dadka ka hor keenaayo. Maxakamadii waatii laashay qodobkii tirakoobka.

Muxuu yahay fikirka cusub ee uu soo jeediyay Cawil ee uu Madaxwayne Riyaale na ku raacay? Wuxuu noqday in dadku marka hore codeeyo, dabadeedna gobol walba wixii waraaqa ah ee sanaadiiqdiisa ku shubto loo tiriyo ,sidaana gobol walba ku qayb qaadato Arrinkaa waxay ku heshiiyeen, in Madaxwaynuhu digreto ku soo saaro.

Inkastoo aanu fikirkaasi soo shaac bixin ,waxaa ka horyimi jamhuurkii shacabwenaha Somaliland. Markaas inuu si hawl yar ku soo saaraa way adkaaatay.

Kaddib Madaxweyne Riyaale wuxuu qaybiyay guddi 10 xubnood ah oo xukuumaddiisa ah kana kooban madaxweyne ku-xigeenka iyo sagaal wasiir. Guddidii xukuumaddu waxay raaceen una arkeen macquul fikirkii axsaabta iyo komishanka qaranka, taas ayaynay dib ugu soo bandhigeen Madaxwaynaha.

Madaxwaynuhu arrinkaas iyo taladii raggiisa kuma qancin. Xubnahaasu aad ayay ugu mahadsanyihiin taladaa qaran ee ay garteen. Waxaanse idinku kordhinayaa inaad ku dhiirataan, kuna dhiirisaan madaxwaynahu inuu yeelo, qaatana go'aankaa laysku wada raacay, ummadda inteeda kalena qadariyo, siday doorashadu u dhacdo waqtigii loogu talogalay.

Madaxwaynuhu hadda oo ugu dambaysay wuxuu qasriga madaxtooyada qado iyo fadhi ugu sameeyay dhawr iyo konton xubnood oo mudanayaasha golaha wakiilada ah. dhawr iyo labaatan xubnood oo kalena muu casuumin.

kulankaa waxaa loogu magacdaray "kulankii is cafinta. Waxa madaxwayanaha uga sharaf badnaan lahayd inuu qasriga madaxtooyada kuwada casuumo dhamaan mudanayaasha Baarlamaanka. Madaxwaynuhu wuxuu fadhigaa si dadban u muujiyay inuu ka tanaasualayo inuu digreto ku soo saaro saami qaybsigii oo arrinka xeer dajintii ku celiyo . Hase yeeshee wuxuu soo jeediyay inuu keenaayo mooshin, golahana ka codsaday in farta loo taago.

Madaxwaynuhu saddex arrin mid uun buu keenin, laba waa burbur midna waa badbaado:

1:Inuu gobol wax ka qaado oo gobol u raro oo noqota cadaalad daro.
2:Inuu yidhaahdo qolo waliba waa waxay sanaaduuqda ku ridato oo dalku fawdo galo.

waxaan filayaa in labadaa aan midna golaha wakiiladu u codaynayn.

Ta saddeexaad waaa haduu taladan soo socota qaato, waana badbaado iyo guul dalka u soo hoyatay Madaxwaynahana waa u sharaf.

Mudane Madaxwayne,


1: Laba bilood oo kaliya yaa ka hadhay wakhtigii xiliga golaha wakiilada, eel bal ogow culayska inagu soo fool leh hadaanad doorashada qaban.

2:Madaxwayne ku dhiiro inad isugu yeedho inta arrimuhu khusayso haba badin ee koob waxbana hakala qarin ee duhur dharaareed isugu yeedh

3:waxaan soo jeedinayaa inaad kulan u qabatid

b:Shirgudoonka labada gole (xubno kooban)


t: Madaxda saddexda xisbi qaran (xubno kooban)


j:Madaxda komishanka qaranka


x:Madaxwayne ku-xigeenka


Waxaad ku tidhaahdaa, sidaynu wax nidhaahnaa, talaa kasoo bixidoonta muddo aan kabadnayn afar &labaatan saacadood

4:Madaxwayne qaabka saami qaybsiga ee ay soo jeediyeen saddexda xisbi qaran iyo komishanku aqbal oo horkeen golaha sharci dajinta.

Labada golana waxaan ku boorinaynaa inay mudo kooban ku ansixiyaan.

5: Markaas waxa inoo hadhay inaad kharashkii ay u baahnayd doorashadu aad u gudbisid komishanka qaranka , iyaguna markaa ay u noqon lahaayeen maamulayaal wanaagsan iyo siidhiwale wacan oo inoo dhex- dhexaadiya doorashda,

6:Hadaynu markaa ay inaga hortimaado arrin sharciyeed oo iska horimaad ku keenta mudaynta wakhtiga doorashada iyo xiliga dhamaadka mudada gloaha ,inagoo midaysan baan markaa xeerka aynu waafajin doonaa.

7. Waddadaa hadaynu qaadno adna aad nagu hoggaamiso waa inoo guul.,tii kale se waa baadi iyo habaw illaahay haynaga badbaadiyo

Waxaan rajaynayaa in illaahay dhamaanteen wadada wanaagsan ina waafajiyo

Dr. Cabdi Aw Dahir Ali

No comments:

Post a Comment