Tuesday 19 January 2010

20050526 Dhoolo tuskii Xisbiga Kulmiye ee Burco

Dhoolo tuskii Xisbiga Kulmiye ee Burco
Thursday, 26 May 2005
Burco (Ogaal) Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa shalay isu soo bax balaadhan oo ay ka qayb galeen dadweyne tiro badan ku qabtay fagaaraha xarunta xisbigaasi ku leeyahay magaalada Burco, halkaas oo ay dadka kala hadleen madaxda sare ee xisbigaas oo uu hormood ka ahaa Axmed Maxamed Siilaanyo. siduu noo soo tebiyay weriyahayaga Gobolka Togdheer, siday muujinayeen khubadihii fagaarahaa laga jeediyay ujeedadii ugu waynayd ee isu soo baxaas loo qabtay waxay ahayd sidii taageerayaasha Xisbigaas loola socodsiin lahaa doorashada Barlamaanka ee soo fool lehiyo xaaladdaha u danbeeyay ee dhinaca siyaasada ee hadda ka aloosan Hargeysa.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo hadal uu halkaa ka jeediyay wuxuu si wayn ugu faahfaahiyay dhaliilo badan oo uu isu daba dhigay xukuumadda Madaxweyne Rayaale, waxa kale oo uu ka hadlay khubadii 18 May ee Rayaale, taaso uu ku tilmaamay inay ahayd mid uu ku weeraray Kulmiye. "Reer Burcow waxa laydinku tilmaamay khayimiin idinkoo aha dadkii halganka u suntanaa" ayuu yidhi Axmed Siilaanyo

Axmed Siilaanyo isaga oo ka hadlaya mooshinka maamuus ka xayuubinta ee beryahanba hadal hayntiisu jirtay wuxuu sheegay in mooshinkasi yahay mid ay wataan wakiiladdu , balse aanu lug ku lahayn xisbiga Kulmiye, hase yeeshee wuxuu xusay inay tahay arrin sharci oo loo maro xil ka qadista maasuulka xilkiisa ka soo bixi waaya. "Waa sharci maamuus ka xayuubintu, hadday distoorka ku xun tahayna maamuus ka xayuubinta laguma soo dareen sharciga" ayuu yidhi gudoomiyaha Kulmiye.

Sidoo kale isaga oo ka hadlaya dhinaa doorashada baarlamaanka wuxuu ugu baaqay dadka reer Burco inay soo xushaan dadkii u xalaalayn laha waxa ay doonayaan, isla markaana wuxuu ugu baaqay inay Kulmiye codkooda siiyaan, waxa kala oo Axmed Siilaanyo ka hadlay mashaariicda shacbiga ah ee dadka reer Burco ka wadaan deegaankoda, waxaanu amaanay guddi madax banaan oo maamusha barnaamijada horumarinta ee dadku iskood halkaa uga wadan sida Biriij labad oo dhismihiisu socdo iyo qaar kale. Gudoomiyaah Kulmiye wuxuu xusay in barnaamiyadaasi yihiin kuwii loo baahnaa inay xukumadu qabato balse ay ka baaqsatay sida aawadeed waa idiinku hambalyaynaynaa waxaa aad qabsateen ayuu yidhi. Axmed Siilanayo wuxu sheegay in Kulmiye u gaadh ka haynayo danta dalka, isla markaana uu wadayo sidii ay wadada ugu toosin lahaayeen dawlada.

Dr, Cabdi Awdaahir oo sina halkaa dadka kala hadlaya ayaa sii amba qaday dhaliilaha uu xisbigasi u jeediyay xukuumada. "Somaliland go'doon bay tahay xuduudaheediina xukuumadu way soo koobtay" ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir. Wuxuu intaa raciyay in xadkii bari Caynaba la keenay, kii Lawyo caddana Saylac la keenay "Markaa Jabuuti Madaxweynaha ayaa la saaxiib ah ee Somaliland lama saaxiib aha".

Isla markaana wuxuu xusay inay meesha ka baxday taladii Cigaal ee dhinaca Itoobiya ee ahayd ayuu yidhi, "Dalkii haddaa qaadateen dadka degani waa anaga" taasoo uu uga jeeday kililka 5aad, dhinaca Xisbiga UDUB mar uu soo qaadayna wuxuu ku baanay intii uu UDUB joogay inuu marar badan fagaarayasha tegay oo uu dadka kala hadlay, hase ahaateen markii uu ka tegay ay ugu danbaysay xisbiga UDUB inuu fagaarayasha tago.

Md. Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaash Golaha Wakiilada isla markaana ka mid ah xubnaha ugu ad adag ee u ololaynaya mooshinka maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha, oo isna ka mid ahaa xubnihii xisbigaa ee halkaa ka hadlay, ayaa u sheegay dadkii fagaarahaa isugu soo baxay in arrinta maamuus ka xayuubintu tahay mid sharci ahaa ay xaq u leeyihiin oo ay oogi karaan, waxa kale oo uu xusay in xidhitaanka shirka goluhu wuu ahaa mid sharci darro ah oo qayb ka mid ah shirgudoonku ay kula saaxiibtay ayuu yidhi Madaxtooyada, isla markaana wuxuu ugu baaqay dadka reer Burco inay ku taageeraan mooshinkaa maamuus ka xayuubinta ah. Sidoo kale Masuuliyin kale oo tiro badan ayaa iyana ka hadlay fagarahaa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, Siciid Faahiye iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Burco Cali M. Xasan.

No comments:

Post a Comment