Tuesday 19 January 2010

20090710 Cabdi Aw Daahir oo loo duuliyey Addis-ababa

.Cabdi Aw Daahir oo loo duuliyey Addis-ababa
(Jul 10, 2009 at 06:23 PM) - Contributed by Qarannews - Last Updated (Jul 10, 2009 at 06:27 PM)
Hargeysa(Qarannews)-Xoghayihii ugu horeeyey ee xisbiga Udub,isla markaana ahaan jiray wasiirkii caafimaadka ee
xilligii Marxuum Maxamed X.Ibraahin Cigaal AHUN, xilliyadii u dambeeyeyse xubin firfircoon ka ah xisbiga mucaaradka
ee Kulmiye Dr.Cabdi Aw Daahir oo dhowaanahanba ku xanuunsanayey magaalada Hargeysa ayaa maanta loo duuliyey
magaalda Adds-ababa ee dalka Itoobiya kadib markii xaaladiisa caafimaad dhakhaatiirtu ka deyriyeen,xanuunkuna ku sii
siyaadey.
Dr. Cabdi Aw Daahir oo dhakhtar caan ah ka ah guud ahaan gobolka Togdheer gaar ahaana caasimadda gobolkaasi ee
Burco ayaa wuxuu ka mid yahay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga mucaaradka Kulmiye,si aad ahna ugu ololeeya
xisbigaasi, khaasatan xiliyada doorashooyinka.
Haddaba su,aasha isweydiinta mudan ayaa ah saamayn intee le'eg ayay Kulmiye ku yeelanaysaa doorashada soo
socotaa maqnaashaha Dr.Cabdi Aw Daahir iyo weliba dhaawaca soo gaadhay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye isla
markaana ah musharax madaxweynaha ee isla xisbigaas Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo)?
Iskusoo wada duuboo shilalkan ayaa kusoo beegmay xilli xasaasi ah oo doorashadii madaxtooyda waqti yari ka hadhay.
Qarannews desk


No comments:

Post a Comment