Tuesday 19 January 2010

20041207 faalo keyse digaale



Taabgaabnimadda Badhasaabka iyo Tafaxaydashada Shacbiga Burco - Warbixin, Kayse Axmed Digaale

Posted to the web 12:57 Dec 07 2004




Dec 07 2004 (Somaliland Net) - Shacbiga Burco ayaa u tafaxaytay sidii ay u horumarin lahaayeen gobolkooda isla markaana laga faa'iideeyo muruqa iyo maskaxda bulshada, iyada oo layska ilaawayo in wax laga sugo cid kale, taasina waxay keentay in lagu tallaabsado, arrimo dhinacyo badan oo horumar leh, bal haddaba aan si kooban uga hadalo waxyaalaha ay shacbigu qabsadeen iyo duruufaha kale ee ku xeeran.


Posted by Kayse A Digale.


--------------------------------------------------------------------------------



Aynu mid mid u eego arrimahaas aan kor sheegay.

Waxbarashada:

Dhinaca Waxbarashada ayaa ahayd meelaha waaweyn ee Magaalada dhibaatooyinku ka gaadheen kuna burburay dagaaladii kala dambeeyay eeka dhacay halkaasi, taasina sababtay bulshada reer Burco ay ka dambeeyaan, gobolada kale ee Somaliland, balse, waxa lagu tilmaami karaa in ay Burco si weyn uga soo kabatay dhibaatadii dhinaca Waxbarashada kadib markii dib-u-dhis iyo dayactir lagu sameeyay dugsiyaddii waxbarashada, gaadhayna ilaa heer Jaamacadeed, waxa xusid mudan, hay'adda SCF/UK oo fadhigeedu yahay Burco, wada shaqayn joogto ahna la leh Wasaaradda Waxbarashada Gobolka Togdheer ay kaalin weyn ka qaadatay dib u soo noolaynta waxbarashada gobolka Togdheer, iyagaoo dib-u-dhis iyo qalabayn ku sameeyay dugsiyada Waxbarashada gobolka Togdheer ilaa heer tuulo, waxay tababaro siisaa Macalimiinta Dugsiyada si kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadda macalinka, waxa kale oo hay'addaasi diyaarisay qorshaha iyo istiraatijyada waxbarasho ee saddex sano ee socda ee Gobolka Togdheer, taas oo ah gobolka keliya ee Somaliland ee ka sameystay istiraatijiyad waxbarasho, sidaas darteed Gobolka Togdheer waxa lagu tilmaamaa in uu hadda ka horumaray gobolo badan oo Somaliland ah oo ka horreeyay.

Caafimaadka:

Dhinaca Caafimaadka ayaa ka mid ah goobaha sida weyn u shaqeeya kadib markii Cisbitaalka Burco oo gebi ahaanba burburay dib-u-dhis ay ku sameeyeen shacbiga Burco, waxaana ku yaal Magaalada laba Cisbitaal oo kala ah Cisbitaalka guud iyo Cisbitaalka TB-ga iyo dhowr xannaano, waxaanay xarun caafimaad u noqotay gobollada Bariga Somaliland, waxa hadda yaal Cisbitaalka Burco qalab caafimaad oo kala duwan oo ay dhowaan ugu deeqeen jaaliyadda reer Togdheer ee degan carriga Ingiriisku. Waxa xusid mudan in Dr. Cabdi aw Daahir oo mar ahaa wasiirak Caafimaadka ee Somaliland, haddana ka mid aha masuuliyiinta sare ee Xisbiga KULMIYE ahna dhakhtar qalliinka ah uu maalin kasta saacado ka mid ah wakhtigiisa u fadhiisto dhakhtarka si tabaruc ahna, isla markaana sameeyo qaliino culus, taas oo soo jiidatay indhaha shacbiga Burco, kuna kasbaday bulsho badan. Isu duwaha Caafimaadka ee Gobolka Togdheer, Dr. Cabdi Yaasiin, ayaa isagu dedaal weyn ugu jira kor u qaadid dhinaca Caafimaadka ee Togdheer, waxauu qaaday tallaabooyin lagu kala saarayo Goobaha Caafimaadka ee gaarka ah dadka leh iyo shaqaalahoodu in ay yihiin kuwo aqoon caafimaad oo buuxda leh iyo kuwo u furtay si ganacsi ah, isla markaana loo sameeyo sharci caafimaad, kuwa si ganacsi u furtayna laga baabiiyo, waxayna arrintani ka dhalatay kadib markii ay bateen dhibaatooyin halis leh oo ay sababeen goobahaasi caafimaad gaar ah, waxa kale oo Dr. Cabdi Yaasiin hormood ka ahaa samaynta Cisbitaalka Degmada Caynaba. Haddaba, Waxa keliya ee Cisbitaalka Burco hadda u baahan yahay ee la dareemayaa waa tabobaro iyo siminaaro la siiyo hawl-wadeenada caafimaadka ee Cisbitaalka si kor loogu qaado xirfaddooda caafimaad iyo Cisbitaalkii dadka Waalida oo la sameeyo, waxa kale oo jirta guddi caafimaad oo madax bannaan oo Cisbitaalku leeyahay.

Dhaqaalaha:

Magaalada Burco ayaa ahayd goob si weyn dhaqaalaheedu ugu xidhan yahay Xoolaha, kuna taalo sayladda Xoolaha ugu weyn Somaliland, haddaba, tan iyo intii Sucuudigu xayiraadda saaray xoolaha Soomaalida waxa saamayn weyn ku yeelatay gobolka Togdheer, waxaana sii kordhay shaqo la'aantii, horeba uga jirtay Magaalada, taas oo la odhan karo shacbiga 1% ayaa ka shaqa taga, waxa kale oo dhaqaalaha gobolkaasi la sii degay Isticmaalka lacag Soomaalidii hore, waana goobta keliya ee Kotonkii, iyo boqolki lacag Soomaaligii hore ka shaqeeyaan. Marar badana ganacsatada Burco waxay Xukuumadda iyo hay'addaha ku shaqada leh sida Maaliyadda iyo Baanka ka dalbadeen in laga beddelo lacagta Soomaalida, lana keeno shillinka Somaliland si meesha looga saaro lacagtaas hore. Balse, inkasta oo ay ballanqaadeen, haddana ma hirgein arrintaasi, waana sababaha ugu waaweyn ee ganacsiga gobollada Bari ugu xidhmeen Dekedda Boosaaso.

Miinadda:

Waxay Burco ka mid ahayd goobaha ay sida weyn ugu xabaalnaayeen Miinada, sababtayna dhimasho iyo dhaawac badan, inkasta oo ay ka hawlgaleen laba hay'addood oo miino baadhis ah, kuwaasi oo sheegay in ay sifeeyeen goobihii ay Miinadu ku jirtay, balse, waxa jirta in weli taagan tahay halistii Miinadu kadib, markii bilihii u dambeeyay ay dad iyo duunyaba miino ku dishay.

Meelihii ay hay'adduhu sheegay in ay baadheen, duqa Magaalada Burco, Cabdi Axmed Iidle, ayaa marar badan qaylo dhaan ka bixiyay in halista iyo dhibaatada Miinadda ku jirta isaga oo tilmaamay in roobabkii dhowaan ka da'ay Burco ay dibadda u soo saareen Miino badan oo ku jirtay qaybo ka mid ah Magaalada, lagna xayirayinay maraan dadka iyo Gaadiidku, waxa kale oo Maayarku sheegay in ay saddexdii bilood ee u dambeeyey ay dad iyo duunyo badan laysay.miinadu.

Horumarka:

Dhinacyada ay Horumarka ka sameysay Magaalada Burco, waxa ka mid ah Biyaha, iyada oo si weyn uga haqab la', isla markaana waxa jirta in dad badani ay qoteen, ceelal riigaga kuwaas oo labaataneeyo gaadhaya, waxa kale oo Magaalada laga sameeyay laba wershadooda oo kala ah; Wershadda Hilibka:_ oo la furay bishii Oktoobar, taas oo maalintii qasha xoolo gaadhaya ilaa 1000 neef, loona dhoofiyo dalalka Carabta, abuurtayna in dad badani shaqo ka helo, isl amarkaana Sayladii Xoolaha ee Burco dhaq-dhaqaaq kala iibsiga xoolahu ka bilaabmo, waxa kale oo iyana hore u jirtay Wershadda Hargaha, iyada oo ay waxsoosaarkeedu taab gaaban yahay ilaa haddana kooban yahay , lana sheegay in mudda ay jirtay mar keliya dibadda wax u dhoofisay, wershadda sameyn doonto, saabuunta ayaa iyana dhismaheeda laga bilaabay Burco.

Maamulka Gobolka Togdheer ee ka jira xilligan, ayaa ah mid lagu tilmaamo kii ugu awooda liitay ee soo mara gobolka, waxa uu noqday mid ku guuldarraystay inuu hago hadafkii Siyaasadeed ee Dowladda, taasina ay keento in shacbiga iyo Xukuumadda gaabweyni u dhaxeeyo, siina kala fogaadaan, waxa sii kordhay ku milmidda, maamulka iyo muranka dhuleed ee jira, taasina ay keento in guddigii Nabadgelyada iyo Madaxdii hay'addaha Dowligu iyo guddoomiyaha gobolku, kala durkaan kadibna wadashaqayntoodu lunto.

Taab-gaabnida iyo ku xidhnaan la'aanta Bulshada ee Badhasaabku waxay keentay in hawlihii Adeega Bulsho ee uu hagi lahaa guddoomiyaha Gobolka lunto kadibna ay kaalintii buuxiyaan, guddiyo abuurmay, kuwaas oo muujiyay tallaabooyin horumar leh oo wax weyn u tara bulshadda, arrinaha guddiyadaasi hirgeliyeen waxa ka mid ah Jaamacadda Burco, dhismaha Biriijka iyo waxqabadka Abaaraha iyo arrimo kale, guddigan oo lagu magacaabo guddiga Horumarka Burco ayaa waxa hormood ka ah badhasaabkii iyo Maayarkii hore, Burco, Maxamuud Aadan Dheri iyo Maxamed Xuseen Aadan, oo iyagu oo dedaal weyn ugu jira horumarka Burco.

Si kastaba ha ahaatee, arrimahan horumar leh ee ka jira Burco, ayaa ah qaar ka dhashay dedaalka shacbiga, kuwaas oo go'aansaday in muruqooda iyo maskaxdooda, reer Burco oo laysku geeyo ay abuurayso in lagu guulaysto horumarinta gobolka layskana ilaawo in cid kale wax laga sugo.



Posted by Kayse A Digale.

No comments:

Post a Comment