Tuesday 19 January 2010

20050411 banaanbax burco kulmiye


"Aniga Waxa La I Daba Dhigay Siciid Sulub, Cabdillahi Maxamed Ducaalena Waxa Lagu Beegay Axmed Siilaanyo," Dr. Cabdi Aw Daahir
Somaliland.Org — Burao, Somaliland — 11 April, 2005
--------------------------------------------------------------------------------

Burco (SL.Org) Isu soo bax dadweyne oo lagu taageerayo go'aankii xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE soo saaray ee ka dhanka ahaa xukuumada ayaa Khamiistii ka dhacay magaalada Burco.
Kumanaan qof oo ka cadhaysan talaabadii xukuumadu ku fulisay xarunta xisbiga KULMIYE ayaa isugu soo baxay barxada xafiiska KULMIYE ee Burco, halkaas oo masuuliyiinta KULMIYE uga jeediyeen khudbado xambaarsan dhalliilo iyo cambaarayn xukuumada ku wajahan.
Dr Cabdi Aw Daahir oo ka tirsan Gudida Fulinta ee xisbiga KULMIYE ayaa khudbad dhinacyo badan leh oo uu ka jeediyay fagaarahaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay,
"Iyadoo doorashadii baarlamaanku soo socoto oo ay tahay ta ugu mihiimsan, haddana waxa jira hawlo kale oo badan oo qaranka horyaala oo dalka horyaal oo ay muhiim tahay inaan wax isaga sheegno, gaar ahaan haddaynu nahay Reer Togdheer ,arinta koowaad waa mushkilada bariga Somaliland (Sool iyo Sanaag bari), haddii aynaan is waydiin oo ka tashan doorashada ka hor waxa aan qabaa arrinta bariga Somaliland, markii hore gobolka Sool oo aynu gacanta ku haynay maamulkiisa maantana Caynaba ayaynu joognaa, gacanteenana si dhakhso ah ayuu uga baxay. Reer Somaliland waxa kaloo aan idiin sheegayaa maanta Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa (UN) berigii hore caawimada Laascaanood iyo bariga kaleba la geynayo waxay soo mari jireen Somaliland, Berrito oo bisha abriil 8 tahay wixii ka dambeeya Jamciyadda Quruumaha ka dhexaysa go,aan bay soo saartay wixii samafal ah ee Hargaysa ka iman jiray in laga soo wareejiyay oo loo wareejiyay Boosaaso (Puntland).
Isaga oo arrintaas ka sii hadlaya, waxa uu raaciyey Dr. Cabdi Aw Daahir, “Ilaa 2002dii intii maamulka madaxwayne Riyaale tegey Laascaanood wixii ka dambeeyay maalintaa sidii maalinba maalinta ka dambaysa looga soo baxayey Bariga waynu ka soo guurnay, markaa waxaan usoo jeedinayaa shacabwaynaha reer Togdheer maadaama Burco tahay xudduntii Somaliland ee Bari iyo Galbeedba xidhiidhisa odayaasha gobolka Togdheer hala shiraan kulanna halagu macsuumo reer Laascaanood Salaadiintiina Hargaysa joogta haloo yeedho oo hala yidhaahdo kaalaya reer Laascaanood maanta waa ogol yihiin wada hadal oo arimaha Laascaanood aynu dhammayno, xalna halaga gaadho maanta. Doorashadu baarlamaanku inta aanay dhicin, 6da bilood ee soo socda dhammaan inaynu dhirindhirino oo aynu geesinimo qaadano baan rabnaa, xukuumaddana waa qasab inay kala shaqayso”.
Dr. Cabdi Aw Daahir, waxa kale oo uu ka hadlay dhacdadii isu soo baxaas sababtay ee 4tii April ciidamada Boolisku ku galeen, kuna baadheen xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE, magaalada Hargeysa. Waxana uu yidhi, “Waxaan kaloo inyar ka odhanayaa arrimihii dhacayay ayaamahan u dambeeyey iyo maamulka. Xukuumaddan maanta jirta anigu beri hore ayaan ka quustay waxanan ahaa UDUB markaan laba bilood joogay baan gartay inaan maamulku talada uu dalka u hogaaminayo in ay tahay mashquul ay ina mashquulinayso oo waqtiga inagaga luminayso madadaalo, waxna aanay qaban karayn. Muddo sadex sanadood ah bay waday wax kale may qabane, laakiin waxa shaqada ugu weyn ee ay qabataa waxaa weeye in ay iskahorkeento dadka. Madaxwanuhu intuu meel fadhiistay ayuu nin walba nin daba dhigay, wayse is-dhaamaan oo qolada Barigaaba la qaatee, Aniga Siciid Sulub (Wasiirka Hawlaha Guud) baa laygu beegay, isaguna inta kale waa ka wanaagsan yahay oo wax dhibaato ah ma sameeyo, laakiin marka aan warqad qoro ayuu warqad iga soo daba qoraa. Cabdillaahi Maxamed Ducaale (Wasiirka Warfaafinta) isagana Axmed Siilaanyo ayaa lagu beegay, waxba ma yeelee marka uu Siilaanyo hadlo ayuu isna ka daba hadlaa. Ismaaciil yare (Wasiirka Arrimaha Gudaha) marka la diro Daloodho (Xaafad ka mid ah magaalada Hargeysa, dhinaceeda waqooyi) oo dhan ayuu soo rogaa, isagu taasuu kaga daran yahay.
Arrinta kalee la yaabka lihi waxaa weeye UDUB, KULMIYE, UCID, KOMISHANKA iyo Baarlamaankuba oo go 'aamo qaatay ,oo yidhi; doorashadii halaga qabto deegaan walba,ayaa maanta xukuumadfii waxay bilowday borobagaandho iyo idaacad Horyaal la yidhaahdo in laynagu mashquuliyo”.
Waxaa isaguna halkaa dadka kala ahadlay gudoomiyaha gobolka Togdheer ee xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, Cali Xasan Maxamed waxaanu cambaarayn kulul u jeediyay talaabadii bolisku Isniintii la soo dhaafay ka fuliyeen xarunta xisbiga KULMIYE ee Hargaysa taas oo uu ku tilmaamay inay ahayd argagixiso.
Waxa uu sheegay in xukuumaddu ku tumatay dastuurka iyo shuruucdii dalka, taasina ay tahay tallaabo horseed u ah kelitalisnimo sidii Siyaad Barre cagta u mariyey shuruucdii dalka markii uu Soomaaliya inqilaabka ku qabsaday.
Cabdirisaaq M. Dubad, Hargeysa.

No comments:

Post a Comment