Wednesday 20 January 2010

Dr. Cabdi Aw Daahir oo Daboolka ka Qaaday Sababta uu uga Maqnaaday Xafladdii KULMIYE u Sameeyey Xubno Beeshiisa ah20071205


Dr. Cabdi Aw Daahir oo Daboolka ka Qaaday Sababta uu uga Maqnaaday Xafladdii KULMIYE u Sameeyey Xubno Beeshiisa ah
Burco (Jam)- Dr Cabdi Aw Daahir oo ka tirsan guddiga fulinta xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE oo aan isagu ka dhex muuqan xafladdii KULMIYE u sameeyay xubno miisan leh oo ka mid ah Beelaha Garaxajis oo maalintii Axaddii ku biiray xisbigaas, ayaa wariye Kayse Axmed Digaale wax ka waydiiyay sababaha uu uga maqnaa kulankaas iyo siduu u arko xaaladda siyasadeed ee xisbigiisa iyo arrimo kale oo xiiso badan, waxaannu waraysigaasi u dhacay sidan:
Su’aal: Maxay tahay sababta aad uga qaybgeliweyday munaasibaddii xisbigiinu u samaynaayay xubnihii miisaanka lahaa ee ku biiray?
Jawaab: Wxaa ii qorshaysneyd inaan soo baxo 5:00 subaxnimo ee malintaa, gaadhiguna waa ii shidaalaysnaa. Waxaa dhacday arrin degdeg oo cafimaad una baahnaa qalliin deg-deg ah oo isla dhaqaaqaygii la kulmay, dabcan, waxaan go’aansaday inaan qofkaa badbadiyo, sidaas ayaanan ku baaqday.
S: waxa la sheegayaa inaad adiga iyo xubno kale oo aan ka qaybgelin munaasibaddaa aad doonayseen in shuruudo lawado galo inta aan laysku biirin taas maxa ka jira?
J: Horta shuruud aan ku xidhaayo soo biiritaanku maba jiri karto, waayo waxaan ahay kuwa lagu soo biiraayo, ee ah hoggaankii xisbiga. Xubnaha kale ee muhiimka ah ee aan maalintaa aan ka soo qayb gelin kulankaas intaan hubo waxaan ogahay in ay ka go’an tahay ka mid noqoshada xisbiga kulmiye, yihiinana hormoodkii fikirka ku biiridda kulmiye waxaanay ka mid yihiin ergada shirweynaha. Ujeeddadooda ugu weynina tahay kulmiye oo la xoojiyo laysugu tago si isbeddel loogu sameeyo maamulkan ragaadiyay dalka. Wixii arrin ah ee dan la moodo xisbiga gudihiisa ayaa lagaga arrinsanayaa,ee horumarka dalkanu ku jiro
S: Dr. Cabdi, waxaa kale oo la sheegayaa in aad meesha ka arki weyday damacaagii siyaasadeed, ka dibna aad ka hadhay ergadii Burco ka baxaysay sidaa miyaa?
J: Horta haddii nasiib siyaasadeed jiro maalin aan ka nasiib wanaagasanahay ma jirto, iyo maalin aan ka faan badanahay. Waayo wax aan shan sannadood hortood aan ku baaqaayay, kelina aan in kooban ku ahayn, haddii beelweyntii Garxajis xooggeedii nala gartay, inta hadhayna nala garantoonto insha Allah, wax iga dhiman aniga maanta ma jirto, al xamdulilaah. Taasu waa Guushii kowaad oo aan helay, ta labaadna waa kulmiyoo Guulaysta, taladana gacanta ku dhiga, taasoo ahna guusha caam ahaanba ummadda. Damacaygu waa waxa ugu dambeeya. Xataa haddaan mihnadayda dhakhtarnimo ka shaqeeyo oo Kulmiye guulaysto waa igu filantahay.
S: Adigu sidaad u aragtaa ku biiritaanka xubno culus oo beeshaada ah ee kulmiye ku biireen?
J: Horaan taa kuugu sheegay, oo waa guusha ummadda Somaaliland, Waa guusha Xisbiga Kulmiye, Waa guusha beelweynta Garxajis, Waana guusha iyo faanka aniga iyo xubno kale oo kooban noo gaarka ah.
S: Miyaad qawaday siyaasadda xisbiga Kulmiye ee xilligan?
J: Maalin la qawadaba ma joogo Kulmiye. Xooggii hore u joogay iyo xoogga ku soo biiray mid la qawado maaha. Dimoqradiyadda ka aloosan dhaxdiisuna mid la qawado maaha. Barnaamijkiisa siyaasadeedna mid la qawado maaha, anna qawad maanta waa iga dheeryahay .
S: Waxaa la hadalhayay muddooyinkan dambe inaad isku soo sharixidoonto M/ku xigeenka kulmiye ee isu soo taagaya doorashada soo socota arintaa maxa ka jira?
J: Inkastoo aan xaq u leeyahay in aan jago kasta oo xisbigu leeyahay isu soo sharaxi karo, haddana weli fagaarana kamaan sheegin, in gaar ahna kulama fiqin, xataa naftayda si gaar ah ugulama fiqin. Sidaan hore kuugu soo sheegay damacayga gaar ahaaneed wuxuu noqonayaa shayga ugu dambeeya. Balse arrimaahaas iyo arrimaha kale ee Istraatiijiga ah ee guusha xisbigu ku jirto taladeeda si xoog leh ayaan uga qaybqaatay, ugana qaybqaadan doona insha Allah.
S: Dad badan ayaa dhaliila siyaasadda xisbigiina, kuna sheega in qorshihiina siyaasadeed ee ugu weyni uu yahay ku fadhiisiga kursiga oo kaliya oo aan waxba idiinka danbaynin, sidaa adigu ma qabta?
J: Horta dad sidaa leh oo wax garad ah maan maqal, hadaanay ahayn xubnaha UDUB ee aadka u xagjira. Inaanan kuwaa ahayn wax ugu yar ee kuu caddayn karaa waxaa ka mid ah sida xooga iyo miisaanka leh ee beelihii ugu waaweynaa Somaliland iyo xubnihii siyaasiyiinta ugu firfircoonaa ugu soo biirayaan, taas ayaa markhaati cad ah. Waxaa kale oo Kulmiye axsaabta kale kaga duwan yahay Dimuqraadiyadda, xiwaarka, furfurnaanta ka jirta gudihiisa oo aan maanta xisbiyada kale cid hadal-haysaaba aanay jirin. Dabcan baratankayaga iyo qorshahayaga waa ku jirtaa in aanu talada dalka aan si dimoqraadi ah oo ah doorasho xor ah gacanta ugu dhigno, balse waxaa nooga dambeeya barnaamij cad oo siyaasadeed oo aanu dalkan insha Allah ku horumarin doono. Waxaan talo u soo jeedinayaa inta horumarka dalkan jecel ee hadhay, inay Kulmiye ku soo biiraan.
S: Sidaad u aragtaa arrinta gobolka sool ka jitrta?
J: Waa guul uu gaadhay shacabka reer Sool iyo ciidankeena qaranku. Waana guul u soo hoyatay dhammaan shacabweynaha iyo qaranka reer Somaliland. Maalintaas oo kalena waajibaad ayaa la kala leeyahay. Shacabka iyo axsaabta waxaa ku waajib in arrinkaas si midaysan loo wajaho. Madaxweynahana waxa ku waajib ah in uu arrinkaas ku mideeyo ummadda, taladana uu ballaadhsado. Waxa qudha ee muhiimka ahi marka la soo koobo waa in guushaa ciidanka ay raacdo siyaasad hufan oo garab socota, lana jaanqaada.


Jamhuuriya Online

Magaalada Borco oo uu ka dhacay shir balaadhan oo isugu yimaadeen Siyaasiyeen, aqoonyahano iyo odayaalba. 20070818


Magaalada Borco oo uu ka dhacay shir balaadhan oo isugu yimaadeen Siyaasiyeen, aqoonyahano iyo odayaalba.
18 Aug, 2007 -

Burco – Shir balaadhan oo ay ka qayb-galeen Salaadiin, xildhibaano Golaha Wakiillada ka tirsan, siyaasiyiin Mucaarad ah iyo Gudiga midaysan ee lagu magacaabo gudiga beelaha Burco, ayaa shalay ka dhacay Hoteelka City Plaza ee magaalada Burco, kaasoo la sheegay inuu socday illaa 11:00-kii habeenimo ee xalay.



Sida ay sheegeen wararka kulankaas naga soo gaadhay, ugu horayn waxa shirkaas ka hadlay gudiga midaysan ee beelaha Burco, kaasoo tiradiisu gaadhayso illaa 30-xubnood. Warku waxa uu intaa ku daray in xubnaha gudigaa u hadlay ay ka warameen xaalada guud ee Gobolka Togdheer iyo guud ahaanba duruufaha qalafsan ee haysta nolosha bulshada Gobolkaas. Gudigu waxay tibaaxeen in sababta loo aas-aasay ee keentay baahida midowgoodu ay tahay mid la xidhiidha dhibaatooyinka deegaankaa ka jira sidii wax looga qaban lahaa. Islamarkaana gudigu waxay sheegeen, inay udub-dhexaad u yihiin sidii ay bulshada Gobolka ugu horkici lahaayeen mid-nimo, ay iskaga kaashanayaan wax-ka qabashada arrimaha dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan iyo guud ahaanba duruuf kasta oo la soo gudboonaata inay mid-nimo kaga hor tagaan. Gudigu waxa kale oo ay muujiyeen in tafaraaruqa iyo kala qaybsanaantu ay bulshada Gobolka hore u daashatay, islamarkaana ay gayaysiisay horumar la'aan, faa'iido la'aan siyaasadeed iyo hana-qaad la'aan adeeg-yadii guud ee noloshaba. Laakiin, waxay intaa ku dareen in reer Togdheer haatan ay ku baraarugeen dhibaatooyinka haysta, islamarkaana ay midnimo wax ku goosanayaan.

Kulankaas waxa kale oo iyana ka hadlay dhawr xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada, kuwaasoo ka warbixiyay xaalada guud ee siyaasada dalka, khilaafaadka siyaasadeed iyo is-maandhaafka dhinaca sharciga ka taagan ee u dhexeeya Golaha Wakiillada iyo xukuumada Madaxweyne Rayaale. Xildhibaanada kulankaas ka qayb-galay oo kala ahaa, Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo), xildhibaan Cali Mareexaan, Xildhibaan Maxamed Caraale (Duur), iyo Xildhibaan Khadar Ambassador, waxay faah-faahin ka siiyeen kulankaas qodobada haatan khilaafka xoogiisu ka taaganyahay ee miisaaniyada iyo labada xubnood ee komishanka doorashada ee Golaha Wakiillada kalsoonida ka waayay. Islamarkaana waxay ku doodeen oo ay ku eedeeyeen xukuumada inay ku tumatay shuruucda iyo qawaaniinta dalka, imikana ay u tafaxaydan tahay bur-burinta Golaha Wakiillada.

Dhinacyadaas ka sokow waxa kale oo kulankaas ka hadlay xubno siyaasiyiin ah oo ka tirsan xisbiga KULMIYE. "Ina Rayaale maxaa ugu wacan dhaga adayga intan leeg, ma awood uu haystaabaa, mise shakhsiyadiisaa sidan u dhalatay?" Sidaa waxa is waydiiyay af-hayeenka Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo su'aashaasi qayb ka ahayd hadal uu kulankaas ka jeediyay. Maxamed Kaahin wuxu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi. "Rayaale waxa uu is leeyahay dadka Argagixiso ayaad ku sheegi, sidaana cudud dibadeed ayaad ku heli. Taa xidhiidhka dibadana anagaa uga xogogaal badan oo wax jira maaha. Qoladan Qaran ee xidhan wuxuu ku sheegay argagixiso iyo in ay aas-aaseen Urur xag jir ah. Awood gudeed ma haysto umanuu dhalan hal adayg ee intuu isku halaynayaa waa intaas." Ayuu yidhi

Waxa kale oo isna kulankaas ragii ka hadlay ka mid ahaa Dr, Cabdi Aw Daahir oo isna sidaas oo kale hujuunka mucaaradku xukuumada ku hayo sii anba-qaaday. "Annigu hal waan ka naxaa, hal-na waan ku farxaa. Markaan eego wakhtigii doorashada inta ka hadhay waan ka naxaa. Markaan eego cududa mucaaradka ee soo kordhaysana waan ku farxaa. Waxaanse ka baqayaa ta ugu daran, dhiiranida ina Rayaale, xoog kasta oo is biirsaday oo mucaarad ah oo jiraba, inuu doorashadaba qaban waayo. Markaas, waxaynu u baahanahay in mucaaradka la mideeyo." Sidaas ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir

Dhinaca kale, kulankaas waxa ka qaybgalay Salaadiin ay ka mid ahaayeen Suldaan Cismaan Suldaan Cali, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire iyo Suldaan Cabdiraxmaan Qodax oo dhamaantoodba ka mid ah salaadiinta Gobolka Togdheer. "Labadan Beelood (Galbeedka iyo Bariga) marka siyaasada la gaadho ayuunbay kala faag-faagtaane, maanta waxaan leeyahay waa in la isu soo dhawaado waxna la wada qabsado, anaguna sidaas ayaanu salaadiin idiinku noqonaynaa." Sidaa waxa yidhi Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar oo kulankaas ka hadlay. Suldaanku wuxuu intaas ku sii daray oo uu yidhi "Maanta waxaynu taaganahay meel ka xun halkii aynu ka bilownay halgankii, markaa waa inaynu dadkeena u bislaynaa iyadoon damac laga hadlaynin oo aynu cod isaga kor qaadnaa waxa maanta ina haysta." Ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa isna halkaa hadal ka jeediyay Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo sheegay in duruufaha maanta jiraa ay u baahan-yihiin in loo midoobo oo wada jir wax lagaga qabto. "Duruuf adag ayaynu maanta ku jiraa, islamarkaana waxaynu u baahanahay inaynu barnaamij samaysano. Barnaamijyadaas oo ka kooban mid dhaqan iyo mid siyaasadeed-ba, waxaynu u baahanahay in la is waafajiyo meel kaliyana la isugu tago, damacana aan lala dudin." Sidaana waxa yidhi Suldaan Maxamuud Guuleed Mire.

Kulankaas oo saacado door ah socday guud ahaan marka la soo koobo doodihii iyo khudbadihii halkaa la isku waydaarsaday, waxay gabi ahaanba ka turjumayeen korodhka mucaaradada Gobolka Togdheer ka jirta, taasoo lid ku ah xukuumada talada haysa ee xisbiga Udub.



Source: Ogaal

Waa calaamad aad u fool-xun in la yidhaahdo Maxaabiis xidhan, la booqan maayo"20100805

Waa calaamad aad u fool-xun in la yidhaahdo Maxaabiis xidhan, la booqan maayo"
Dr, Cabdi Aw Daahir


Hargaysa (Ogaal)- Dr, Cabdi Aw Daahir iyo Dr, Cabdi-qaadir Xaaji Muuse ayaa shalay la iska hortaagay inay booqdaan maxaabiista ku jirta Jeelka Mandheera, Islamarkaana laga celiyay bar Kaantarool oo laga sameeyay duleedka magaalada Sh. Abdaal.
Dr, Cabdi Aw Daahir oo xalay khadka Telefoonka ugu warmay Ogaal isaga oo Jooga magaalada Burco waxa uu sheegay in xayiraada booqashada maxaabiista ku jirta Mandheera oo ay ka mid-yihiin Hogaankii Urur siyaasadeedka Qaran loo sheegay inay amreen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo taliyaha ciidanka. "Waxaanu aheyn aniga iyo Dr. Cabdi qaadir, saakaanu (shalay) halkan (Burco) iska raacnay, Sh. Abdaal baanu tagnay, Abdaal baanu ka leexanay, dee markii hore waxa naloo sheegay in la tegi karo meesha, Abdaal markaanu ka leexanayna magaalada kooneheeda waxaanu ku argnay kaantarrool, 7-ba askari ayaa joogay waxay yidhaahdeen meeshan la mari kari mayo, hada waxa naga tagay bay yidhaahdeen Wasiirkii iyo Taliyii ciidamada. Markaa cid Wasiirka Arrimaha Gudaha ka soo qaadata Ruqsad (ogolaansho) mooyaane cidd kale ma geli karto."Sidaas ayuu yidhi Dr, Cabdi Aw Daahir isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, "Markaa, waxaanu la hadalay Taliyihii ciidanka ee joogay halkaa (Mandheera), markaa waanu isu sheegnay oo waxaanu nidhi Dhakhaatiir baanu nahay oo waxaanu doonaynaa in aanu maxaabiista soo booqano. Markaa wuxu yidhi halkan waxa yimid oo joogaTaliyii ciidamada, markaa waa naloo diiday inay ciddi timaado. Waxaanu noo sheegay inaanay suuragalayn inaanu galo meesha. Waanu ka soo noqonay oo Magaaladii Sh. Abdaal ayaanu nimid, markaa waxaan la hadlay Wasiirkii arrimaha gudaha. Waan la hadlay nin Cabdi aw Daahir la yidhaahdo ayaan ahay, oo dhakhaatiir baanu nahay oo waxaanu doonaynaa inaanu soo booqano Odayaasha xidh-xidhan. Nimankii aanu meesha ugu tagnayna waxay yidhaahdeen Wasiirka arrimaha gudaha idinka oo amar ka haysta mooyaane ma galaysaan, markaa waxaanu doonaynaa kol haday caynkaa tahay anaga oon xagna ahayn, in aanu soo booqano nimankaas. Wuxu yidhi dee anigu ma waxaan ahay ciidamada Asluubta. Waxaan idhi ninkii Taliyaha jeelka ahaa ee ciidamada Asluubta waan waydiiyay, oo waan la hadlay oo wuxuu yidhi amar baa jira Wasiirka arrimaha gadaha ah. Wuxuu yidhi, Adeer la isuma ogala'e iskaga noqo dibaanu markaa uga noqonay."
Dr, Cabdi Aw Daahir waxa uu tilmaamay in aan in dhihiisu qaban wakhtigaa cid kale oo u socotay booqashada maxaabiista. Islamarkaana laga celiyay oo loo diiday sidooda oo kale, waxana uu tilmaamay inay aad uga xumaadeen dhacdadan, "Talaababa, talaabay ka sii daraysaa, oo mar xadhigaad canaanaysaa oo aad odhanaysaa wuu qaldan yahay, marna xadhiga siyaayiinta ayaad odhanaysaa waa mid sharci-darro ah. Markaa waxa ugu daran booqasho la'aanta, oo ah xaalad dareenkeeda gaarka ah leh, oo ka duwan calaamadihii hore. Laakiin marka intaas oo ciidana la is daba dhigo ee la yidhaahdo qofna yaanu soo eegin, soona salaamin, waa dareen aad u xun." Sidaas ayuu yidhi Dr, Cabdi Aw Daahir oo ka hadlayay sida ay u arkeen talaabadan,
Waxana uu u soo jeediyay Xukuumada in sida ugu dhakhsaha badan loo sii daayo hogaanka Urur siyaasadeedka Qaran, "Xukuumada waxaanu u soo jeedinaynaa oo aanu odhanaynaa marka hore in la soo daayo Masuuliyiintaas, oo xoriyadoodii loo soo celiyo sidaanu horeba u sheegnay, oo odhan mayno kaliya dhaqankan ka daaya'e, horta marka horeba sharci-darray ku xidhan yihiine waa in la siidaayaa. Balse waa calaamad aad u fool-xun in la yidhaahdo Maxaabiis xidhan, oo maalin Jimca ah in la soo booqdo, loo yimaado oo salaama calayku la soo yidhaahdaana, in la diidaa, waa wax dhaqanka, sharciga, Asluubta iyo qaynuunka intaba ka baxsan weeye. Markaa waa inay soo daayaan, Xoriyadoodii u soo daayaan nimankaa Odayaasha ah, ee siyaasiyiinta ah, ee waxa loo haystaana ay tahay dareenkooda siyaasadeed, ee wax Dambiya oo ay galeena aanu jirin." Sidaa ayuu yidhi, įį
į

Xalkii Dalku Wuxuu Ku Xidhmay Maskax Qufulan Oo Aan Wanaag Doonayn,'' Dr. Cabdi Aw Daahir20070802



Xalkii Dalku Wuxuu Ku Xidhmay Maskax Qufulan Oo Aan Wanaag Doonayn,'' Dr. Cabdi Aw Daahir
Posted on Thursday, August 02 @ 14:55:42 EDT by admin


Burco,August 02, 2007 (Somalilandtoday)- Dr. Cabdi Aw-Daahir Cali oo ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ah, isla markaana ka mid ah Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE, ayaa muranada siyaasadeed ee dalka ka jira ku eedeeyay Xukuumadda M/weyne Rayaale, waxaanu xadhigga Masuuliyiinta Ururka Qaran ku tilmaamay mid aad u fool xun. Isla markaana wuxuu sheegay in Xukuumadda uu waajibkeedu ahaa in ay wax ka qabato arrinta muranada ee Gobollada Sool iyo Sanaag bari iyo sidoo kale lacagta Giimbaarta ah ee Burco. Balse aanay ahayn inay Siyaasiyiinta qaar ka mid ah xidho.

Waxaanu sidaa ku sheegay Dr. Cabdi Aw-Daahir Waraysi uu siiyay wargeyska madaxa banaan ee Ogaal, waraysigaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhacay sidan: S: Ugu horeyn Dr Cabdi Aw Daahir sideebad u aragta Xaaladaha Siyaasadeed ee Maanta Somaliland ka taagan?
J: Runtii aad bay u adagtahay waxaana dhacay falal badan oo is daba jooga oo kasii daraaya maalinba maalinta ka danbeysa waxad arkaysa Miisaniyadii la ansixiyay oo aanay xukuumaddi ku dhaqmaynin, komishankii xubnihii la ansixiyay oo la dhaarin la'yahay, xadhiga siyaasiyinta Qaran oo sharci daro ah. Iyadoo markii horaba ay taagnaayeen arrimo adag oo waxqabad la'aan ah, oo ay kamid yihiin arimaha Sool bari iyo Sanaag bari. Waxaanad mooddaa in maalinba maalinta ka danbeysa xukuumadu ka sii darayso.
S: Wasaaradda Daakhiligu waxay ku eedaysay in Ururka Qaran bilaabay ololayaal siyaasadeed xilli xataa aanay Asxaabtiiba bilaabin, markaa inay ololahaas bilaabaan miyaanay danbi noqon Karin?
J: Ololaha Siyaasadda kolba iyaga si u turjunta Xukuumadu'e cid walba waa loo ogol yahay xataa yaanay Ururba ahaanine, waxa la ogol yahay in dadku is-abaabuli karo banaanbaxyo sameyn karo, mafxalo sameeyo, kulamo iyo fadhiyo gaar ah sameyn karaan. Kaanbaynkuna waa ka bilaha doorashada dhaca, ee inaad xafiiskaga hortiisa dadka kala hadashid inaad ka hadasho arimaha Siyaasada, Waxbarashada, Caafimaadka iyo ganacsiga wax xaarantimaynaya ma jiraan ee waa lagu marmarsiyoonayaa.
S: Sidee ayay kula tahay in lagu xallin karo arrimaha Murugga Siyaasadeed?
J: Wixii xalka ah waa la yidhi, oo la yidhi, lakiin waxa dhibaato ah nin aan dhagaha waxba uga daloolin oo wixii la yidhaahdo dhib u arkaaya Todoba xubnood oo Komishan ah ayuu baarlamaanku diiday, maxkamadda ayay u dacwoodeen, maxkamaddiina go'aanbay gaadhay oo waxay tidhi, mid-mid u ansixiya, ka dibna baarlamaankaa lagu soo celiyay. Way aqbaleen oo xubin-xubintii bay u ansixiyeen, shan bay ogolaadeen, oo labadii Xubnood ee guurtida ayay diideen. Bal maxaa Madaxweynaha Sudhay labada xubnood ee Guurtida? Waana muuqdaa xalkii, laakiin waa maskax quful ku xidhan yahay oo aan wanaag doonayn, xalkuna waa Guurtida oo soo badasha labadii xubnood, Miisaniyada la ansixiyay oo sideedi loogu dhaqamo iyo Siyaasiyiinta xidhan oo la siidayo, Maxkamada Dastuuriga ahina go'aan ka gaadho
Waxana loo baahna in xal loo raadiyo arimaha Sool, Sanaag bari arinta Lacagta Burco iyo Arimaha doorashooyinka ee maaha in la yidhaahado "Labada nin ee Yurub looga yeedhay oo komishan noqda mooyaane wax suuro galaya ma jiraan" Xalkuna Daahir Rayaale ayuu agyaal ee ha keeno. Waxanoo dhamina waa carqalad dalkoo dhan haysata, arintan Rayaale xukumadiisu waddo waxaanad mooda in Siyaasad ahaan carqalada iyo dhibatooyinka oo dhami ku soo jahaysan yihiin beesha aan ka soo jeedo, iyadoo Somaliland oo dhan la qabto arimaha burburka, hadana waxaad mooda siyaasad ahaan si gaar ah loo soo eegayo oo la doonaya in aanay dhanba u dhaqaaqin oo ay UDUB u dabranaadaan. Xaaladan ku dhacday Dr Gaboose, Maxamed Xaashi iyo Jamaal, gaar ahaan Dr Gaboose waxa weeye siyaasadda Beesha aan ka soo jeedaa meel aan UDUB ahayn yay marin. Taasina ma suuro galayso oo way maraysaa, waanay kaceen dadkii.
S: Waxa la sheegay in shirweyne Beesha aad ka soo jeeddo ah la qabanayo, arrintaas maxaad kala socotaa?
J: Kollay anigu waxaan ogahay in la hadal hayo in shir Burco lagu qabto, waana dareenno soo baxaya. Waxa kale oo aan ogahay in Suldaan Cismaan Suldaan Cali uu Yurub ka imanayo waana Suldaanka Guud ee beesha. Waxaanan maqlayay in Shirkaas Burco lagu qabanayo. Markaas shirkaas ayaana jira. Hadda waxaan maqlay qaar leh mid baa Odweyne lagu qabanaya. Waana waxyaabaha Reerka kharbudaadda ku keenaya ee ay waddo xukuumaddu. Waxaanan qabaa hadday arintaasi jirto, in laga midoobo oo layskaga yimaado
S: Xisbiyada qaarkood waxay sheegeen in haddaan tiro-koob la sameyn aanay doorashada ka qayb galaynin, markaa sidee tiro koob u dhici karaa, ayay kula tahay?
J: In Tiro koob la qabtaa waa sidaanu jeclnahay, xilkuna xukuumadduu saaran yahay, laakiin saddexdii doorasho ee hore midna tiro-koob ma jirin. Hase ahaatee, haddii la qaban waayo tirakoob, waa inaanay doorashada u baaqan, ee waa in la qabta Doorashada Deeganka xiligeedii. Ta Madaxweynahana Xiligeedii bilaa shuruud, Xukuumadduna iyadaa ka seexatay waajibaadkeedii?
S: Xisbiga KULMIYE waxa soo baxaya in rag badan Musharixiin yihiin, marka adigu ma kamid tahay siyaasiyiinta doonaya inaay Doorashooyinka 2008 isku taagan xilalka madaxtinamada?
J: Horta jaraa'idka ayaa aad u faalleeya, Xisbiga KULMIYE waa mala-awaal uun, Xisbiga Udub oo kale waxaad mooda inuu yahay xisbi xidh-xidhan oo labada nin ee Madaxweynaha ah iyo ku xigeenka mooyaane aanay cid kale iska soo sharixi karin. KULMIYE waxa uu kaga duwan yahay ilaa hadda ma jiro cid musharixiin si rasmi ah loo magacabay. Laakiin, dhaqdhaqaaqa xisbiga oo ah mid furan oo ballaadhan awgeed ayaa qof walba la yidhi, hebel waa musharax, waana faallooyinka joornalka oo kaliya. Aniguna Doorashada 2008 waan is qiimayn doona inaan ka mid noqdo musharixiinta iyo in kale. Waxaanan ka mid ahay siyaasiyiinta xisbiga. Arrintan falooyinkuna waxay ku tusaysa sida xisbiga cidwaliba uga qayb qaadan karto jagada madaxweynaha iyo ku xigeenka cid walbana waa u furan yahay.
Liibaan Maaweel Shire
Somaliland Today
Hargeysa.

TALO WAXAY KA NOQOTAY INA RIYAALE WAXBA LA XIDHAA WARAYSI DR.CABDI AW-DAAHIR20070802


TALO WAXAY KA NOQOTAY INA RIYAALE WAXBA LA XIDHAA WARAYSI DR.CABDI AW-DAAHIR


Dr.Cabdi Aw Daahir oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee xisbiga mucaaridka ee Kulmiye, ayaa ku tilmaamay xadhigga masuuliyiinta ururka QARAN inuu yahay xadgudub lagula kacay, isla markaana dawladda talo ka noqotay xadhig, kaasoo ah rafadkeedii u dambaysay, waana calaamad lagu yaqaan maamul liita oo kali-talis ah, marka uu waayo taageerada dadweynaha.
Haddaba, wariyaha Jamhuuriya ee Gobollada Bariga Soamaliland oo xalay waraysi dhinacyo badan ah la yeeshay Dr.Cabdi Aw Daahir waxa uu dhacay sidan:
Su�aal: Dr.Cabdi sidaad u aragtaa xadhigga masuuliyiinta QARAN?
Jawaab: Waxaan u arkaa xadhig sharci-darro ah, gef lagula kacay iyo xadgudub loo geystey muwaadiniintii, siyaasiyiintii, aqoonyankii, waxgaradkii iyo halgamayaashii ummadda, waxaanse hubaa in cawaaqibkiisa ay heli doonaan Dahir Ryaale iyo maamulkiisu, ha dhawaato hase dheeraatee.
S/ Maxaad u malaynaysaa inay xukuumadda xadhiggan ku keliftay?
J/ Waa calaamadda lagu yaqaanno maamul liita oo diktaatoori ah markuu sii dhacayo. Wuxuu ogaaday in uu lumiyay taagaaeradii dadweynaha, wuxuu ogaaday in mucaaridaddii xooggaysatay. Talona waxay ka noqotay inuu ku rafto oo miciin ka dhigto xadhig. Waxase la hubaa maalmo waad sii rafan, haseyeeshee bilo badan sii waari maysaan.
S/Waxaa la sheegayaa in dawladdu doonayso in ay masuuliyiintaa xidhan ay ku eedeyso in ay argagixiso yihiin, xiidhiidhna la lahaayeen maxkamadihii, hadday sidaasi dhacdo, maxay kuula muuqanaysaa adiga?
J/ Siyaasiyiintan waaweyn ee lagu xad-gudbay waxay yihiin waa la yaqaan, caalamkaa yaqaan, ummaddaa taqaan. Waa halgamayaashii dalkan, waa dibudhisayaashii dalkan, waa kuwa u taagan isbeddeldoonka. Ujeedaadooda keliya ay la wadaagaan mucaaridka wanaagsan, waa isbeddeldoon dalkan iyo dadkan lagu hormariyo. Ka khasaari doona maaha iyaga, waa kuwa xumaanta iyo qaska u taagan ee maanta maamulka gacanta ku haya.
S/ Tallaabadani deganaansha iyo xasilloonida miyaanay wax u dhimaymayn?
J/ Maalin walba waxa ka soo baxaa kooxdan maamulka haysaa waa wax dalkan burbur iyo khalkhal hor leh u geysanaaya. Mabda�ooda koowaad waa IGAMA QUDHUNTO. Ilaahay baa og waxa uu uga jeeedee, horta nimankan talada hayaa maaha qaar tacab badan ka galay dalkan, arrinkooduna waa ama haysanay oo gacantayada ha ku jirto, ama nagama dambayso. Noqonse mayso, hortiin jiraba waa.
S/ Ma u malaynaysaa in dawladdu taageero ku helayso xadhigga masuliyiinta QARAN?
J/ Haba sheegin, waa rafadkeedii iyo dhammaadkeedii. Taageerana daaba. Waxaa tallaabadaa qaaday qaar badan oo ka horeeyay oo aan maantana meel ay joogaan laga warhayn.
S/ Maxaad talo ahaan soo jeedinaysaa?
J/ Waxaan umadda reer Somaliland u soo jeedinaya in ay midoobaan, isku duubnaadaan, ilaashadaan nabaddooda iyo tacabka badan aad dalka galiseen. Argagax yuu idin gelin cagajuglaynta iyo rafadka maamulkan aynu ku khasaarnay. Maanta ayay soo dhawdahay markaad awoodda lahaydeen. Waa in la xoojiyo mucaaridka isbeddeldoonka, iyadoo loo maraayo habka dimuqraadiyadda iyo doorasho xalaal ah. Waxaanan idiin sheegayaa cabudhintoodu in aanay waqti dheer qaadanayn.
S/ Ma laga yaabaa in xadhigga madaxda QARAN keentay dawlada oo ka cadhootay isku soo dhawaanshaha xisbiga kulmiye iyo ururka QARAN?
J/ Dabcan, labadooduba waa mucaaradad isbeddeldoon ah oo ka mideysan in si dhakso ah loo gaadho himilooyinkii ay ummaddanu higsanaysay ee uu ku guuldaraystay maamulka Rayaale. Waxaase hubaal ah in aanay joojin karayn rabitaanka dadweynaha nooc kasta oo xadhig iyo cagajuglayn ay sameeyaan. guuldarradu iyagay ku dambeynaysaa.




Jamhuuriya Online

BURCO:SHIRKII XALAY IYO HESHIISKA WADAAGISTA XISBIGA KULMIYE20070619


BURCO:SHIRKII XALAY IYO HESHIISKA WADAAGISTA XISBIGA KULMIYE


Kulan la sheegay in heshiis lagu gaadhay ayaa xalay ku dhex maray hoteelka City palaza ee magaalada Burco xulufo ka soo jeeda beesha galbeedka Burco iyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, saraakiil iyo odayaal ka tirsan xisbiga KULMIYE oo ka soo jeeda beesha Bariga Burco.

In kasta oo kulankaas la sheegay in uu ahaa mid saxaafada aad looga fogeeyay, islamarkaana aanay jirin xogo si toos ah uga soo baxay oo saxaafadda la siiyay, haddana, sida ay tibaaxeen xogo aanu ka soo xiganay ilo xogogaal ah oo aad ugu dha-dhawaa kulankaasi, waxa la sheegay in ay ka qayb galeen dhowr iyo toban xubnood oo ay iska dhex doorteen xulafada mucaaradka ah ee beesha Galbeedka Burco, kuwaasoo qaarkood ay horeba uga tirsanaayeen xisbiga KULMIYE, sida Dr. Cabdi Aw Daahir. Balse, waxay ilahaasi tibaaxeen in badi xubnaha kale ka soo jeedeen mucaaradka Ururka Qaran ee Gobolka Togdheer iyo wufuud ka tagtay magaalada Hargaysa.

Dhanka bariga Burcana sida ay ilahaasi tibaaxeen waxa shirkaa ka fadhiyay dhowr iyo toban xubnood oo isugu jiray odayaal, siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan xisbiga KULMIYE. Sida ay tibaaxeen xogo aanu si dadban uga soo xiganay ilo lagu kalsoon-yahay, kulankaas waxa la sheegay in dhinaca Galbeedka Burco ay uga hadleen xubno la sheegay in ay ka mid ahaayeen Cabdi Burco, Dayr Maxamed Cilmi, Dr. Cabdi Aw Daahir, iyo Soodaani. Islamarkaana waxay ilahaasi tibaaxeen inay halkaa ka jeediyeen badheedhe cad oo lagu macneeyay inuu la xidhiidhay sal-balaadhinta iyo wadaagista xisbiga KULMIYE.

Xoguhu waxay intaa ku dareen in dhinaca kalena ay ka hadleen xubno la sheegay in ay ka mid ahaayeen Gudoomiye Axmed Siilaanyo Maxamed Kaahin Axmed iyo xubno kale. Islamarkaana waxay ilahaasi tibaaxeen in ay aqbalaad ku soo dhaweeyeen badheedhaha dhinaca kale, is af garad buuxana ay labada dhinac iskula gaadheen kulankaas. Hasa yeeshee lama sheegin nuxurka waxa kulankaas la iskula qaatay, balse waxay illo xogogaal ahi tibaaxeen in loo balamay kulan kale oo balaadhan oo labadaa dhinac iyo dhinacyo kaleba ay ka qayb geli doonaan, kaasoo la filayo in uu ku qabsoomo Hargaysa. "Ma jirin shir balaadhan oo dhacay, laakiin wuxuu ahaa kulan aanu ku sii sagootiyaynay Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE oo maanta u anba baxaya dhinaca Hargaysa. Sidaa aawadeed xaflad casho sharaf ah ayuu kulanku ahaa." Sidaa waxa yidhi xubin ka tirsan xisbiga KULMIYE oo ka soo jeeda beesha galbeedka Burco.

Hasa yeeshee sida aanu ilo xogogaal ah ka soo xiganay kulankaasi waxa uu ahaa mid lagu tilmaamay in uu miisaankiisu cuslaa oo axdi buuxa ay labada dhinac iskula gaadheen. Laakiin, lama sheegin war si toos ah uga soo baxay oo kala qalaya jiritaanka xaqiiqooyinka kulankaas la xidhiidha.

Dhinaca kale waxa magaalada Burco wali ku sugan wasiirka howlaha guud Siciid Sulub Maxamed oo maalmahanba ku sugnaa halkaas iyo wasiirka maaliyada Cawil Cali Ducaale oo isna Sabtidii doraad socdaal ku tagay Burco. Sida ay tibaaxeen xogo kala duwan oo naga soo gaadhay magaalada Burco, labada wasiirba waxa loo aanaynayaa inay halkaa u tageen arrimo la xidhiidha wax iska caabin siyaasadeed oo ku lug leh, cududa mucaaradka beesha ay ka soo jeedaan ee Galbeedka Burco oo haatan lagu tilmaamay inuu u egyahay awood ahaan mid barro saaraya muxaafid-nimadii hore xukuumada Udub ugu qabtay beeshaas.

Xogo aanu ka soo xiganay illo lagu kalsoonyahay oo ku dhow-dhow waftigaa wasiiradda ah, ayaa tibaaxay in labada wasiir oo hadafka guud isku ujeedo ahi, hadana aanay isku san banaanayn oo aanay lahayn siyaasad midaysan oo ay iskaga caabiyaan mucaaradka.

Isla markaana waxay ilahaasi tibaaxeen in shirar hoosaadyo gooni-gooni ah ay la kala leeyihiin labada wasiir ardaayo hoose oo ka tirsan beelaha Habar-yoonis ee ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan labadooduba. Inkasta oo ay xogahaasi jiraan hadana, wasiirka howlaha guud Siciid Sulub Maxamed wuxuu ku adkaystay in socdaalka uu halkaa ku joogaa uu la xidhiidho dhismaha wado caro kaawo ah oo xidhiidhinaysa Oodweyne iyo Hargaysa, taasoo ka soo jeeda balan qaad hore, balse la rumaysan-yahay in xiligan loogu talo galay kaanbaynka.

Sarkaal kale oo waftiga ka tirsan dowlada, ayaa isna ku dooday, in wasiirka Maaliyadu aanu halkaa u tegin kaanbayn balse uu u tagay arrimo la xidhiidha shaqada wasaaradiisa. Hase ahaatee xogo kale ayaa iyana taas ku tilmaamay af gobaadsi siyaasadeed, islamarkaana ku macneeyay qasdiga socdaalkiisa, mid la xidhiidha, ka hor taga awooda mucaaradka galbeedka Burco.

Guud ahaan marka la isu geeyo wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaadhay magaalada Burco, waxa la rumaynayaa in ilaa hada xaalada mooshinada siyaasadeed ee ka socota deegaankaasi ay shabahayso mid guul darro ku ah xisbiga talada haya ee Udub.


Source: Wargeyska Ogaal

Date: 2007-06-19
Readed 781 Times

ANIGU ODHAN MAAYO,KELMADA AH UDUB TOGDHEER WAY UGA DHAMAATAY,LAAKIIN.....WARAYSI DR CABDI AW-DAAHIR20070616


--------------------------------------------------------------------------------




Sooyaal News

ANIGU ODHAN MAAYO,KELMADA AH UDUB TOGDHEER WAY UGA DHAMAATAY,LAAKIIN.....WARAYSI DR CABDI AW-DAAHIR


Dr. Cabdi Aw Daahir oo ka tirsan Gudida fulinta xisbiga KULMIYE, ayaa beeniyay eedaymo xukuumadu ugu jeedisay in ay xisbi ahaan kaga ololaynayaan magaalada Burco arrimo qabyaaladeed. Islamarkaana waxa uu ku riixay Xisbiga Talada haya iyo masuuliyiinta Xukuumada arrintaasi.

Cabdi Ow daahir oo aanu xalay waraysi aanu kala yeelanay khadka telefoonka isaga oo jooga magaalada Burco, waxa uu sheegay oo kale in aanay lug toos ah xisbi ahaan ku lahayn gudida beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco ku midoobeen ee lagu dhawaaqay.

Waraysigaas oo dhamays tiranina waxa uu dhacay sadan:

Ogaal: Waxa jiray guddi lagaga dhaawaqay kulan ka dhacay Hoteel City Plaza ee Burco, adiguna kulankaa hadal baad ka jeedisay maxay tahay ujeedada gudidaasi?

Cabdi Aw Daahir: Annagu guddida kamanaan mid ahayn, laakiin waa nalagu casuumay, ujeedada ugu muhiimsanayd ee gudidaa loo sameeyayna waxay ahayd inay iska kaashadaan wixii mustaqbalka aayahooda ah reer Burco, wixii turxaan ah hadday jirtana lagu saaro, arrimaha jirana laysaga soo dhawaado, danta gobolka, danta siyaasada danta beesha intaba in laga midoobo.

Ogaal: Arrimaha laysaga soo dhawaanayo danta siyaasada ka mid ah miyaa?

Cabdi Aw Daahir: Haa danta siyaasadaa ka mid ah.

Ogaal: Markaa macnuhu ma wuxuu noqonayaa in Xisbiga KULMIYE la wada taageero miyaa?

Cabdi Aw Daahir: Lama odhan karo KULMIYE, maaha siyaasada laga hadlayaa taa, waxa weeye in lays arko, la tashado, la wada hadlo, laga wada tashado mustaqbalka dalkan sidii isbedel loogu samayn lahaa. Markaa weli layslama dhigin meel ama toos looma taaban KULMIYE. Laakiin, waxa weeye in danta guud iyo siyaasadu ka mid noqon karto waxyaabaha laga wada tashanayo.

Ogaal: Marka hore fikirka samaynta gudidan yaa alifay?

Cabdi Aw Daahir: Arrintani waxay ka timi dhinaca Bulshada. had iyo goor maaha oo kan oo keliya ee waa kii ugu dambeeyay ee caadifadaa gobolku keento, markii hore waxa jiray guddiyo midaysan oo xagga dhaqaalaha ah, xagga hor-u-marinta, xagga nabadgelyada guddiyaal midaysan oo wada jir ah intaasiba way soo jireen, maanta waxay noqotay in la gaadho heer guddi gaar ah oo arrimaha horena sii adkeeya, arrimaha siyaasadana ka wada hadli kara in la sameeyo, markaa waxay ka dhalatay duruufaha jira iyo shucuurta iyo xaalada iyo isbedelada siyaasadeed ee soo socda dareenkeeda.

Ogaal: Markaa idinku lug kumaydaan lahayn miyaa?

Cabdi Aw Daahir: Annagu lug toos ah kumanaan lahayn. Laakiin, bulshada gobolkana waanu ka tirsanahay, dadka gobolka meeshii aanu u aragno inay u wanaagsan tahayna waxaanu ku yeelanaynaa fikirkayaga. Laakiin arrintani waa dareen ka yimi dadka oo lug toos ah kumanaan lahayn.

S: Laakiin, miyaan loo arki Karin adigaa ka qayb-galay, Gudoomiyihii Kulmiyaa ka qayb-galay, siyaasiyiinta ka qayb-gashayna waxa la sheegayaa inay ahaayeen dhinaca Xisbiga KULMIYE, markaa miyaan la odhan Karin waa abaabul xisbigiinu sameeyay?

Cabdi Aw Daahir: Walaahi waxa weeyaan kolba dambayshu meel bay u jeedaa, marar badan oo laga yaabo inaan arrimahaasi ka qayb-galku noo suuro-galeen baa jirta. Laakiin, waxa weeyaan dabayl soconaysa ayaa jirta, awood aad u fara badan oo KULMIYE xiliyadii hore aanu ku lahayn Burco ayuu iminka ku yeeshay. Xagga shacbigana way ka timi, annaga laftayadu markaanu aragno wax danta gobolka iyo danta siyaasadoodu ay ku jirto, waanu caawinaynaa, waanan u baarikaynay shirkoodii.

Ogaal: Ma waxaad u jeedaa Udub gobolka Togdheer way uga dhamaatay?

Cabdi Aw Daahir: Anigu odhan maayo kelmada way uga dhamaatay, laakiin waxa weeyaan talada maanta waxa la moodaa inay aad iyo aad isu bedelayso oo awooddii Udub aad uga soo yaraanayso gobolka Togdheer.

Ogaal: Waxay xukuumadu ku eedaynayaa Xisbigiinu inuu ku ololaynayo magac qabyaaladeed oo isaaq ah oo aad ka duulaysaan taas maxaad ka leedahay taas?

Cabdi Aw Daahir: Iyagaa taa ku ololaynaya, shalaytana waan ka sheegnay markii shirkii golaha waanu ka sheegnay.

KULMIYE-na istiraatijiyadiisa siyaasadeed maaha mid ku ololaynaya isaaq iyo qolo way ka balaadhan tahay oo waa Somaliland oo dhan siyaasadiisu. Laakiin, kolba meesha la joogo xisbi waliba shirarka wuu la yaalan karaa, ururo, beelo, haween kolba meeshii la joogo.

Haddii maalintaa Boorame la joogana beelaha Booramaa lala kulmayaa, haddii Burco la joogana beelaha Burco.

Ogaal: Tartankii aad ka hadhay ee Wakiillada, waxa loo aaneeyaa sababta ugu wayn ee laguugu codayn waayay inay xidhiidh la lahayd ku biiritaankaagii Xisbiga KULMIYE, haatan ma waxaad leedahay waxaan ahay nin taageero badan helay oo dadkiisii ay taageereen Xisbiga?

Cabdi Aw Daahir: Istiraatiijiyadda siyaasadeed ee KULMIYE xiligaaba way ii muuqatay xaaladu waanaan ogaa in mustaqbalka ay isbedeli doonto oo wakhtigeeda ay qaadan doonto, markaa waxa weeye maan ahayn nin meel iska jooga oo aan ku xisaabtamayn xaalada maalintaasi. Isla-markaana waxaan ahaa nin garan kara waxa soo socda, markaa waxa la moodaa inay isbedelayso waa wax waaqiciya oo jira. Markaa maalintaa hore dadka Galbeedka Burco Xisbiga KULMIYE kaga jiray may badnayn, laakiin, maanta aad bay u badan yihiin waana waaqici isbedelaya, maaha aniga oo keliyaa wax ku waayay ee waa xaqiiq la og yahay oo loo jeeday.

Ogaal: Maanta ma waxaad leedahay isbedel badan baa dhacay oo waxay taageerayaan Xisbiga KULMIYE?

Cabdi Aw Daahir: Weli arrimuhu may kala miirmin, laakiin, waxa weeyaan dadku waxay arkeen inaan xisbigan maanta talada hayaa inuu shan sano oo dambe talada sii hayo waxay dadku u arkeen in aanay dantu ku jirin iyadoon wax dhibaato ahiba jirin. Waxaanay dadku u arkaan oo arrimaha u muhiimsan ee dadku qabo ka mid ah in dalka Xisbiga KULMIYE taladiisa la wareego. Laakiin maaha mid ay Cabdi Aw Daahir gaar ahaan ugu taageerayaan iyo mid aan dan gaar ah ka leeyahay. Laakiin waxa weeye waa arrinta jirta ee shucuurta reer Somaliland ay ka midaysan tahay, xalalka ay goosatay oo KULMIYE ka mid yahay inuu wax bedeli karo.

Ogaal: Haddiiba ay dhacdo oo taageeradaa badan beeshaadu u hayso KULMIYE , adigu shakhsiyan xil kuu astaysan oo Xisbiga KULMIYE aad ka doonaysaa ma jiraa ama ma is-sharaxaysaa?

Cabdi Aw Daahir: Laba guulood oo waaweyn ayaan mudnaanta siinayaa. Ta koowaad KULMIYE oo guulaysta oo aan u arko inuu dalka dan u yahay, ta labaad beeshaydii oo Xisbiga KULMIYE taageersan guul wayn baan u arkaa.

Ta kale xuquqda siyaasadeed wax shakhsiyan ii go'an iminka ma jiro. Laakiin waxaan ka ahay siyaasi qaybtayda ayaan ku leeyahay, laakiin taasi waxa weeyaan ta ugu dambaysa.
Source: Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

Date: 2007-06-16
Readed 580 Times

Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco Oo Ku Dhawaaqay Guddi Wadajir Ah Oo Ay Yeelanayaan 20070615


Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco Oo Ku Dhawaaqay Guddi Wadajir Ah Oo Ay Yeelanayaan
Somaliland.Org — Burao, Somaliland — 15 June, 2007
--------------------------------------------------------------------------------
Burco (Somaliland.org) � Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco ayaa ku dhawaaqay guddi wadajir ah oo ay yeelanayaan, kaas oo ka shaqayn doona danaha iyo midnimada beelahaas.
Guddidan waxaa lagaga dhawaaqay xaflad xalay lagu qabtay magaalada Burco oo ay ka qaybgaleen, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo iyo siyaasiyiin reer Burco ah, odayaal iyo waxgarad kale.
Sheekh Shariif Abokor iyo Axmed Soodaani oo ka mid xubnihii qabanqaabada dhismaha gudiga Midaysan ee beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco ayaa halkaas ka caddeeyay in samaynta gudigani ka dambaysay shirar muddo soo socdey oo labada beelood yeesheen, Ujeedadeeduna tahay isu soo dhawaanshaha shucuurta labada Beelood ee la kala fogeeyay, islamarkaana labada beelood iska kaashan doonaan Horumarinta dhinacyada Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo arrimaha bulshada.
Waxay sheegeen in guddidu ka koobnaan doonta 21xubnood, balse magacyada xubnaha �gudiga iyo qorshayaashiisaba dib ka soo sheegi doono.
Xafladaas waxa iyaguna ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo iyo Dr. Cabdi Aw Daahir oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Burco ee xisbiga KULMIYE, waxayna soo dhoweeyeen dhismaha guddidan wadajirka ah oo ay ku dhiirrigeliyeen inay ka shaqeeyaan iskaashiga iyo danaha dadka reer Burco.

Axmed-Siilaanyo oo la hadlayey Haweenka Togdheer 20070614




Axmed-Siilaanyo oo la hadlayey Haweenka Togdheer
Posted to the web Jun 14 2007, 09 30 Printable view | Email this Article | Translate | Submit article


Jun 14 2007 - Burco (Somaliland Net)- Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulan ballaadhan shalay kula yeeshay haweenka Gobolka Togdheer Huteel City Plaza ee magaalada Burco.





Kulanka shalay oo ka dhacay hoteelka City Plaza ee magaalada Burco, waxa uu qayb ka yahay kulamo is-daba-joog ah oo uu Axmed-Siilaanyo maalmihii la soo dhaafay la yeenayey qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Togdheer.

Hadal kooban oo uu Guddoomiyaha KULMIYE ka jeediyey kulanka uu la yeeshay haweenka reer Burco, ayaa tilmaamay in kulankani qayb ka yahay kulamadii kala duwanaa ee uu maalmihii la soo dhaafay la yeelanay waxgaradka beelaha Gobolka Togdheer, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay ku dhammaadeen isfaham.

Isaga oo arrintaa sii faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; “Mar haddii aan raggii reer Togdheer la shiray waxaa lagama maarmaan noqotay inaan haweenkana la kulmo oo aaraahda iyo fikradaha is dhaafsano. Shirarkii aannu kula yeelanay waxgaradka beelaha gobolka may ahayn kuwo lagaga wadahadlay in wax lagu xumaynayey, balse waxay ahaayeen kuwo lagaga hadlay danaha Gobolka, xaaladda dalka iyo hirdanka ka dhacaya Geeska Afrika inaanay saamayn innagu yeelan oo aynaan isku dhicin walaalaheena koonfureed, iskuna dhicin dariskeenna.”

Waxaannu Axmed-Siilaanyo intaa ku daray; “Tuhun baa jira, xog uma hayno waxa dalkeenna ka socda, baqdinta ugu wayn ee gudo iyo dibadba la hadal hayaa ee dadku leeyihiin waxa weeye yaa inoo hadlaya haddii laynoo yimaaddo.” Axmed-Siilaanyo oo sii wata hadalkiisa waxa uu intaa raaciyey; “Isbedelka aan doonaynaa maaha mid ku yimaadda fawdo iyo nabadgelyo-xumo, balse waxaannu doonaynaa mid ku yimaadda doorasho, innaga oo ilaashanayna nabaddeenna iyo wadajirkeenna.” Waxaannu ugu dambayntii kula dardaarmay haweenka inay ilaashadaan wadajirkooda oo aragti midaysan ka yeesha wax kasta oo soo wajaha.

“Dhallinyarada ee badda ku dhimanaysaa waxay u badan yihiin reer Togdheer, sidaa darteed maadaama aad hooyooyinkii tihiin waa inaad ka waanisaan oo aydaan odhan orda inoo shaqotaga,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Guddoomiyaha KULMIYE.
Dr.Cabdi Aw Daahir oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee Xisbiga KULMIYE kulankaa ka hadlay, ayaa ku tilmaamay in xisbigooda oo doorashada ku guulaystaa aanay ahayn macno weyn lahayn, balse loo baahan yahay in la helo isbeddel iyo horumar, “Barmaamijka siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye ma aha qolo, mid qofeed, balse waa mid qaran oo horseedaysa isbeddel cusub iyo horumar,” ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir, waxaannu intaa raaciyey; “Maanta way dhaaftay dhaliil iyo wax-sheegid, haseyeeshee waxa loo baahan yahay in dalka la badbaadiyo.”

Marwo Sahra Maxamed Xuseen oo ka mid ah garabka Haweenka Kulmiye ee Gobolka Togdheer oo faahfaahin ka bixinaysay ujeeddada kulanka, ayaa sheegtay dumarka goobtan isugu yimi ay yihiin haweenkii Gobolka Togdheer oo dhan, balse aanay ahayn oo qudha taageerayaasha xisbiga KULMIYE, “Haweenkani waa reer Togdheer oo dhan haweenkii UDUB, UCID iyo KULMIYE waa loo dhan yahay, waxaanuna ka midaysanahay danta gobolkayaga iyo horumarkiisa,” ayey tidhi Marwo Sahra Maxamed Xuseen.

Marwo Canab Cumar Ileeye oo Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye oo iyana halkaas ka hadashay ayaa sheegatay in loo baahan yahay shacbigu xisaabtamo, “Caano daatay dabadood la qabay oo xilkuna waa meertee yaynaan haddiyad cid kale u siin waxaynu xaq u leenahay ee aynu qaadano. ”Waxaanay intaa ku dartay; “Maanta laydh caafimaad ayaa socota ee waa inaynu gacmaha is qabsanaa oo aynu mid keliya noqonaa,” ayey tidhi Marwo Canab Cumar Ileeye.

Kayse Axmed Digaale, Burco.kdigale@yahoo.com

wareysi Dr cabdi aw daahir 20070311


waraysi madaxbanaan oo lala yeeshay dr. mj. cabdi aw daahir madaxda xisbiga kulm
waraysi madaxbanaan oo lala yeeshay dr. mj. cabdi aw daahir madaxda xisbiga kulm


--------------------------------------------------------------------------------

Waxa waraysi khaas ah lala yeeshay Mj. Dr.Cabdi Aw Daahir oo ka mida siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ee Kulmiye JSL. Hadaba weriye Kayse Axmed Digaale oo Dr Cabdi Aw Daahir ku waraystay Burco ayaa wax ka waydiiyay xaalada siyaasadeed ee dalku marayo, muranka ka dhex oogan dawladda iyo sida uu hadda yahay xidhiidhka Ethiopia iyo JSL.


Waxaanu waraysi khaasa la yeelanay Dr.Cabdi Awdaahir oo ka mida siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ee Kulmiye,hadaba weriyahe Kayse Axmed Digaale oo Dr Cabdi Awdaahir ku waraystay Burco ayaa wax ka waydiiyay xaalada siyaasadeed ee dalku marayo ,muranka ka dhex oogan

Madaxweynaha,Komishanka,Wakiilada iyo xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland ,waraysigaa oo xiiso badan waxa uu udhacay sidan.

S/ Muddooyinkan u dambeeyay waxaad ku sugnayd Burco, maxaad hawla ee aad qabataa?

J/Waxaan ku shaqeeya mihnadaydii dhakhtarnimo; labada gelinbana waxaan u adeega dadweynaha u baahan daryeelka caafimaadka gaar ahaan gobolka Togdeer, cusbitaalka guud ee Burcona waxaan ku sameeyaa qalliino markii loo baahdo.

S/ Waxa maalmahan danbe soo baxaaya khilaafyo u dhexeeya Md. Rayaale, golaha wakiilada, komishanka iyo kulmiye, sidaad u aragtaa arrinkaas?

J/ Somaalidu waxay tidhaahdaa arrin murugsan haddaad aragto ama midh aan ku jirin ayaa la soo geliyay ama midh ku jiray ayaa laga saaray.

Hadaba layskuma hayo in madaxweynaha, Guurtida, iyo axsaabto uu sharcigu wadar ahaan u wadaajiyay in ay soo magacaabaan xubnaha Komishanka. Hase yeeshee go’aanka kama dambeysta ah ee ansixintooda waxa gebi ahaanba iska leh golaha wakiilada cid uu sharcigu kula labeeyay ma jirto.
Sidaad la socotaan golaha wakiiladu may ansixin 6dii xubnood ee cusbaa ee la soo hordhigay . Waxay ahayd in madaxweynuhu ku qanco oo sharciga u hogaansmo ,oo uu garto waar sida adigaba laguu aqbalaayo wixii awood sharcigu ku siiyay, dee adna aqbal wixii u golayaasha sharcigu siiyey, balse wuxuu doortay tii ugu foosha xumayd oo wuxuu sharci darro u adeegsaday ciidankeenii, inqilaabna ku afgambiyay Komishankii.
Komishankuna waa hayadda ugu madaxbannaani badan qarankan, sharcina way ku joogayaan ,sharcina way ku tagayaan, hase yeeshee qori , jujuub iyo awood maroorsi laguma kaxayn karo.

S/Arrinkani ma abuuri karaa muran siyaasadeed oo khatar ku keeni karaa Somaliland. Haddii xal loo waayo?

J/ Horta arrinku qaybtiisii hore wuxuu haystay waddadii sharciyada iyo dimuqraadiyadda oo qoladii komishanka soo jeediyay xaq bay u lahaayeen, kuwii ansixin waayayna xaq bay u lahaayeen, golaha wakiiladuna in ay komishankii hore u cusboonaysiiyaan xaq bay u lahaayeen. Waxaa inagala baxay waddadii madaxweynaha , oo maalintii jimcaha inoo adeegsaday ciidankii qaranka oo komishankiina inqilaabay. Khatarta arrinkaasu keeni karana madaxweynaheeniii ayaa ina geliyay. Xalkuna waa mid keliya, oo waa madaxweynaha oo aan adeegsanin ciidanka ee sharciga u hoggaansama, aqbalana go,aanka wadarta golaha wakiilada..

S/ Talaabadan baarlamaanku ugu kordhiyay komishanka qaranka way ku degdegeenmiyaan la odhan karin? la odhan karaa?

J/ horta marka soo jeedinta laga tago, go,aanka kama dambaysata ah ee ah ansixinta,ama ansixin la’aanta, cusboonaysiinta intaba waxaa iska leh golaha wakiilada. Waxaan qabaa markay kuwii cusbaa ee la soo gudbiyay ay golaha wakiiladu diideen, ayay sharciyan muddadii u korodhay Komishankii hore, oo meeshu ma banaanaanayso. ee waa in kuwii hore loo cubooneysiiya, sida ku cad xeerka 20aad qodobkiisa 11aad, xarafkiisa 1c oo odhanaaya komishanka hawshoodu waxay ku dhammaanaysaa marka golaha wakiiladu komishan cusub ansixiyo , kuwii horena waa loo cusbooneysiin karaa, haddii kuwa cusub la ansixin waayo.

S/Marka laga tago dhaliisha iyo canbaaraynta xisbiyada mucaaridku u jeediyo xukuumadda, ma keenaan qorshe lagaga gudbi karo dhibaatooyinka dalka taagan?

J/ Haa, immisa arrin ayay axsaabtu talooyin,iyo qorshe ka soo jeediyeen. talooyinkii arrimaha bariga somalilaand, talooyinkii arrimaha ku soo kordhay mandaqada, talooyinka la dagaalanka musuqmaasaqa, talooyinka kordhinta mushaharka ciidammada iyo shaqaalaha,talooyinka darajaynta ciidamada, talooyinka istraatiijiyadda xidhiidhka dawladaha aynu jaarka nahay, talooyinka xorriyadda saxaafada, iyo lahaanshaa idaacado madaxbannaan, talooyinka beddelka lacagta giimbaarka ee Burco, lama soo koobi karo.
Immisa go’aan ayay golaha wakiiladu soo saareen, intaba xukuumadda ayaa diiday inay fuliso. Waxaynu fulin doonaa, insha allah markaynu talada kala wareegno maamulkan oo aynu dhisano maamul mayalsan oo caqliga wax ku xukuma , curfi iyo mitidnimo intaba ka fog waxna xeeriya, shacabkuna uu na siiyo codkooda.

S/Dad badan ayaa qaba baarlamaankan wixii loo doortay ee ummaddu ka sugayso in uu wax ka qabto uu gabay, isla markaana buuq kale ayuu soo kordhiyay. Sidan ma u aragtaa adigu?

J/ Baarlamaanku waxay leeyihiin awoodda sharci dejinta , soo saaridda go,aamada muhiimka ah ,ansixinta arrimaha muhiimka ah ee qaranka, hase yeeshee ma leh awoodda fulineed, waxa allalyo wixii ay go,aamo iyo talooyin ay gaadheen waxa fulin waayay amaba ciidan iyo xoog kaga horyimi qoladii lahayd fulinteeda iyo ayidaadeeda oo ah xukuumadda; golaha wakiilada waa la garbaduubay, waxay u baahanyihiin awoodda iyo taageerada shacabka si ay go,aamadoodu u fulaan, haddii kale dee maalin walba waa la inqilaabayaa go,aamadoodii sharciyaeed ee dalka wax u taraayay,

Waxaana suuragal ah ifafaalaha ka muuqda xukuumaddan, haddii golaha wakiiladu miisaaniyadda 2007 ansixin waayaan in iyagana ciidamo lagu wareejiyo. qasabna la yidhaahdo ku ansixiya.

S/ Axsaabta siyaasadda qaranku waxay noqdeen kuwo fadhiid ah oo ku kooban Hargeysa oo keliya, xilliyada doorashada oo keliya yimaada gobolada dalka halkii looga baahnaa inay xafiisyadoodii ka furmaan ilaa heer tuulo oo taageerayaashooda diiwaan geliyaan oo sii wacyigeliyaan ,markaa miyaa la odhan karaa kursiga madaxtooyada ayuunbaa la kala kacsanayaa waxqabad ummadeed ma jiro?

j/ Mid waxbaa ka jira, oo ta fadhiidnimada iyo gaabiska axsaabta guud ahaanba muxaafid iyo mucaaridba waan qirayaa. Duruufo gaar ahaaneed oo saameeyaana way u weheliyaan, ha noqoto mid farsamo , curdinnimo, iyo mid dhaqaalaba ,gaar ahaan xisbiyada mucaaridka. Mid baan se idiin sheegayaa ma beddelayno oo keliya kursiga madaxtooyada , ee haddii aan talada qabano waxaan la iman doonnaa haddii eebe idmo barnaamaj dhab ah oo isbeddel ku sameeya dalka iyo dadkaba, waxaan hubaa ilaahaybaa wax hubee in aanu tub ka wanaagsan ,ka horumarsan, ugana lexejeclo badan dalka ku hagi doonno, ka imminka maamaulkano ku hago..

S/Haddii madaxweynuhu ku adkeysto xubnaha kommishanka ee cusub baarlamaankuna diido, xalku siduu noqonayaa?

J/ Horta xeerka doorashooyinku wuxuu u oggolyahay golaha wakiilada in ay ansixiyaan ama diidaan xubnaha cusuub ee la horkeeno , hase yeeshee xeerku ma siinin madaxweynaha in uu ku sii adkeysto wax la ansixin waayay, ee waa in uu hogaansamaa go,aanka golaha wakiilada. Xalkuna waa kaas . haddii se madaxweynuhu ku sii adkeysto oo ciidan isticmaalo, waa in dadweynuhu yidhaahdaan xoog maya, haddii uu dhawaaqa shacabka diido waa bilaayo labaad oo inagu habsatay, iyaduna taladeed ayay leedahay.

S/ Dr. Cabdi, Arrinkii Saamayn weyn oo qaran ayuu yeeshee, ma aragtaa xal dhexdhexaad ah oo dhinacyada qanciya , sharcigana waafaqsan?

J/ Marka kowaad ,waa in mabda ahaan madaxweynuhu oggolaadaa go,aanka wakiilada oo uu xasuustaa in uu golaha soo hordhigay golihiisii wasiirada oo loo ansixiyay, oo uu miisaaniyadii 2006 soo hordhigay oo loo ansixiyay , oo uu guddoomiyihii sare ee maxkamadda soo hordhigay oo loo ansixiyay. Intaba wuxuu yidhi Haggaag ,Guddoon, Haddaba waa in u filan karaa in mid lugu diidi karaa ay jiri karto, tanna ay noqotay, iyadana waa in uu yidhaahdaa sida seddexda arrin ee hore oo kale, hagaag iyo guddoon.
Waxaan se raacin lahaa In Madaxweynaha, shirguddoonka baarlamaanka, labada guddoomiye ee xisbiyada, iyo guddoomiyaha komishanku ay isu yimaadaan, dabadeed laga tashado sidii loo qorqori lahaa xubnihii hore ee goluhu dib u ansixiyay, iyadoo sharciga la waafajiyo, cod midaysanna intoodaasu dadka gaadhsiiyaan, uu madaxweynuhu dhigo seeftan mintidka ah ee af iyo addinba leh, marna uu awood ciidan isticmaalaayo, marna hayadihii qaranka ugu mudnaa uu ku yidhi, kana dhigay, wax fulayaal ah ,wax beenaalayaal ah iyo wax nacasya ah. Madaxweynuhu waa inaanu maqlin kuwa mar walba carinaaya ee talana uga dhigay yaan lagaa badsan, ee waa inuu u jajabnaada talada dadweynaha iyo sharciyadda.

S/Itoobiya xidhiidhka Somaliland ay la leedahay waxay ka danaysaa ka ay la leedahay Puntland iyo k/soomaaliya. Madaxdooduna waxay marar badan ku celcelisay in aanay aqoonsanayn weligeed, markaa maxay tahay faa,iidada inoogu jirta xidhiiddhka Itoobiya?

J/ Marka hore dan weyn baa inoogu jirta in aynu xidhiidh sokeeye , jaarnimo, deriswanaag, nabadgelyo, iyo wax wada qabsi la yeelano dalka iyo dawladda itoobiya, hase yeeshee waa dhab oo shalay (waqtigii marxuum cigaal) Itoobiya waxay odhan jirtay haddaanu noqon weyno qolada ugu horreysa ee idin ictiraafta ,waxaanu noqonaynaa qolada labaad, maanta( waqtigan rayaale) Itoobiya waxay ku celcelisaa sidaad sheegtay in aanay weligeed Somaliland aqoonsanayn. Haddaba maamulka Itoobiya waa maamulkii , ee waxa isbedelay waa maamulkeennii
. Sidaa aynu u aragno in safarrada madaxdeenna ay ugu badantahay dalxiis iyo tamashle oo aan lahayn ujeeddooyin iyo himilooyin waaqici ah oo ay higsanayaan iyo dareenka rabitaan la,aaned ee qadiyadda somaliland ee ka muuqda hogaangeena, ayuu caalamkuna si ka sii badan oo ka xuuraan dheer sideenna ula socdaa. Waxaanan aaminsanahay markaanu talada ka beddelo maamulkan Insha allah kal dambe, mawqifka dawlada farabadan oo ku wajahan qaddiyadda somaliland waxay isu beddeli doonaan sidan si ka toosan.

S/Waxaad tahay siyaasi mucaarid ah oo si weyn loo yaqaan, kana mid ahaa xukuumaddii M/Cigaal. Haddaba maxay tahay sababta inaga hortaagan inaynu xidhiidh la yeelano dalalka Jabouti , Eriteriya, suudaan iyo Waddamada carabta oo inagu koobay Itoobiya?

J/ Horta Itoobiya lafteeda xidhiidhkeenu waa ka aynu horey u soo sheegnay ee maaha mid qoto iyo istraatiijyad dhab ah iyo miisaan isu dheelitiran leh. Su’aashana haddaan si caam ah uga jawaabo, waa arrin ka turjumaaya majara la’aanta dhabta ee ka jirta siyaasadda arrimaha debedda ee maamulkanu dalka ku hagaayo.
Waxaan qabaa in loo baahanyahay in dhammaan dalalkaa aad sheegtay xidhiidh wanaagsan lala yeesho, mid iskii iskaga kaa soo taagta mooyee.Waxaanan qabaa haddii eebe idmo oo aan talada ku guuleysanno in aanu dejin doonno siyaasad cad oo qeexan oo ku wajahan siyaasaddeenna arrimaha debeda iyo sidii aynu dalalka dantu inaga dhaxayso xidhiidh wanaagsan oo daneed ula yeelan lahayn.

S/Haddii M/weyne rayaale isu soo taago doorashada madaxtooyada , miyaanay habooneyn in axsaabta mucaaridku soo sharraxaan siyaasiyiin cusub mar haddii hore uga guulaystay guddoomiyayaasha mucaaridka?

J/ Xisbigayagu kolay wuxuu isu diyaarinayaa Shirweynahoodii labaad, kolay kaas ayuu ka soo bixi doonaa, ama lagu gorfeyn doonaa cidda la soo sharixi doonaa. Aragtidayda markaan cabiro musharraxiintu la soo saarayaa laguma xulan doono ma qaar cusubaa mise waa kuwii hore, waxaase la qiimayn doonaa yaa maanta aynu miidaanka keena oo dalka wax ugu filan , baratankana ka baxaaya.
Hase yeeshee mid kastoo la keenaba, kolay hawsha xisbigayagu waxay noqonaysaa mid wadareed ee ma noqonayso mid madaxtooyada oo keliya fadhida , lagana soo yeedhiyo halkaas, hadaanu guuleysano insha allah.

S/Waxaa dhawaanahan la hadal hayay shirweyne ay isugu timaado beelaha H/Y, arrintan maxaad kala Socotaa?

J/ Ma filaayo, manaan maqal in nooc Shirweyne oo ballaadhan ,sidii kuwii dhici jiray oo kale la qabanaayo. Hase yeeshee meel kasta oo ay joogaan beelaha H/Y waxay isweydiinayaan siday walaalahooda kale ee reer Somalilaandba isu weydiinayaan Masiirka dalkan, iyo doorkooda muhiimka ah siday doorashooyinka soo socda uga qayb qaadan lahaayeen.

S/Maxaad Umadda talo u soo jeedin lahayd lagaga bixi karo dhibaatada dalka ka jirta.

J/ Waxaan shacabka reer Somaliland u soo jeedinayaa midnimadiina adkeeya iyada ayaa horumar lagu gaadhaa ,tafaraaruq guul ma keeno, nabaddaas aynu ku fadhino ee aynu ku caanamaalay xejiya oo hareeraha iska taaga,, colaadi waa burbur iyo qof inaga baxa.
Dalkan horumarkiisa iyo lexejecladiisa aynu u feejignaano, oo aynu keyd u sameyno jiilka jiilkiisa tagooga ku jira. Arrinka maantana ee adagna waxaynu kaga bixi karnaa isbeddel la sameeyo, oo waddada maanta la maraayo ee maamulkanu inagu hagaayo aan beddelo ,waddo ka duwan aynu ummadda u jeexno oo horumar fiican lagu gaadho insha allaa, taasuna waxay ku imanaysa shacabka oo aayihiisa ka tashada, Isbeddelkaana u diyaargaroba, haddii eebe idmo.

S/waxaad ku celcelisay markaanu guulaysano ayaanu waxaas qabandoono markaad maxaad ku ogaatay inaad doorashadan ku guulaysan kartaan?

J/ilaahay baa og qadarka imanaya oo cidi kama warami karto,balse ifafaalaha muuqdamarkaad eegto ee dalka qiimaynku samayso iyo dhawaaqa ka soo baxaya dadweynaha oo ay dhabahaan u arkaan in isbedel loo baahan yahay waxa ii muuqata inshallaahu in xisbiyada mucaaridku guulaysanayo oo weliba kaayagu guulaysanayo.

Togdheer News

Kumanaan Qof oo iskugu soo baxay banaaanbax weyn oo ka dhacay magaalada Burco20070116



Kumanaan Qof oo iskugu soo baxay banaaanbax weyn oo ka dhacay magaalada Burco

SDWO (Burco 16/01/07) Kumanan Qof oo Reer Burco ah ayaa Saaka Saladi Hore Isugu Soo Baxay Sharacyada Magaalada Isu Soo Baxan oo aha Mid Dhaman Gobolada S/land oo Dhan ka Dhacay ayna Dadweynaha Reer S/land Ku Mujinayeen Shucurtoda iyadaa oo ay Ka Xunyhin Hadaladi Dhowan Ka soo Yedhay Qaar Ka Mida Dawlada C/lahi yuusuf Dadkan oo Aad u Fara Badna ayaa Iyaga oo Bodhadha Wawayn Sita ayna Ku Qoranyihin hal Ku Dhagyo ay Ku Mujinayaan Darenkoda S/landnimo Ku Soo Waregay Sharacyada Magaalada iyada oo Kumanankan Qof ay Marki Danbe Isgu Soo Biyo Shubten faragaraha Khayriyada Halkaas oo ay Kala Hadlen masuliyin Kala Duwani , Ugu Horayna waxa Fagaraha Ka Hadlay Duqa Magaaladda Burco Maxamuud Axmed Xasan (Maxamud Dhago lab) oo ka hadalay Isusobaxa ayaa hadalkiisa ku bilaabay "Maanta waa maalin weyn oo aynu muujinayno shucuurteena waxa aynu goosanay oo dib ula soo noqonay Madaxbanaanideena 18 may 1991 Waxa uu intaas ku daray Aduunku waxa uu aasay Xuquuqdeeni maanta ma ah maalin farxadeed ee waa maalin murugo oo aynu ka murugonayno xuquuqdeena ay aasayaan Ururka Afrika, Carabta, Midawga Yurub, iyo Qaramada midoobay oo ay inugu qasbayaan dalkii aynu ka go’nay markaa waa in aynu shucuurteena muujina ee ma ah dheel dheel iyo kaftan.

Waxa uu Duqa Magaaladda BurcoMr Dhaglab, hadalkiisa ku soo koobay " Dadweynoow nabad gelyada iyo Xashiloonida ilaaliya"Waxa kale oo isna halkaasi ka hadalay Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo kamid ah Gudida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye waxana uu yidhi "Soomalilaand iyo Soomaaliya waxa kala guumaysan jiray Ingiriiska iyo Talyaaniga Ala ha u naxariiste Madaxweyneheeni Geeryoda Maxamed X. Ibrahin Cigal ayaa nooga sheekeyay Taariikh waxana uu nagi yidhi inaka waxa layna odhan jiray Soomaali land iyagan waxa la odhan jiray Soomaali (A) markii aynu midoownay ayaa waxa magaceeni laga reebay Land tii iyagana waxa laga reebay A marka waxa loo bixiyay dalkii Somali Republic markaa marna maynaan noqon Somalia markii uu dalkii bur buray ee aynu inakuna madaxbanaanideni la soo noqnay ayay A dii ku darsadeen oo la baxeen Somalia inakuna land tii ayaynu la soo noqonay Ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir.

Waxa kale oo u yidhi Cabdi Aw Daahir Maamulada Koonfurta waxa laga wada Raaca Mid kastaa waxa uu dhaha Somaliland maamulkayga ha hoos timado Cali Mahdi baa u horeyay oo waxa uu markiiba yidhi Somaliland ha ku soo biirto Maamulkayga Maalmaba masii joogin Caydiid ba ku xigay oo isagu ug sahlana waxan uu yidhi Somaliland Waan Xaal marinaynaa Somaliland ma ah Wax xaal la siiyo ee waxay leedahay Xuquq siyaasadeed


Cabdi Qaasina markii muqdisho ay ku soo dhaweeyen 300 oo kun oo qof ayuu dalkii maamulan kari wayaay oo uu markiiba yidhi waa in ay maamulkayg ay hoos yimaadan min Raaskamboomi ilaa Saylac waatii markiiba badweyntu liqday isaguna Qoladan hada haysataan iyaadan Xamarba soo gaadhin bay Markiba dheheen Laan Laan hay sheegin ee Dalku waa Wada Somalia Waxa uu Dr Cabdi Aw Daahir uu Talooyin u soo jeediyay Somalia.
Waxana uu hadalkiisa ku soo koobay in Somaliland maanta u baahantahay Talo Qaran

Waxa kale oo isna halkasi ka hadlay Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo kamid ah Xildhibaanada Xisbiga UCID ee laga soo doortay Gobolka Togdheer waxan uu yidhi "Waxan Salaan idinka sida Golayaasha Baarlamaanka, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCId Faysal Cali Waraabe oo Dhambaalo Salaan ah idin soo diraaya" ayuu yidhi Xildhibaan Naasir Waxa uu intas raaciyay Xildhibaan Naasir "Dagaalkii labaad ee dunida waxa laga daagalamayay waxay ahayeed Dawlado yidhi Dawlado kale ayaanu qabsanaynaa oo xaqooda ku duulayay" somaliland wixii Dawlad looga baahna oo dhan way dhamaystirtay waxan doonayna in ay Somaliland u noqoto Astaan Dahab ah oo laga barto sida ay u hirgalisay Dimuqraadiyada ismaamulka wanaagsan iyo waxbadaqabsiga" Waxa uu Xildhiban Naasir hadalkiisa ku soo koobay Burcooy sanadkan laba waxa oo Madow labadaba waanu idinka qaadayna Mid waa Lacagta Giinbarta ah (Shilin somaligii hore) midna waa TV ga iyo Idaacadu inay Burco soo gaadhan" ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Xildhibaanku.

Waxa isna halkaasi ka hadlay Maxamed Cumar Sabriye oo kamid ah Masuuliyiinta Xisbiga UDUB waxana uu yidhi " waa inayanu maanta Shucuurteena muujina oo aduunka gaadhsiina qadiyadeenana difaahna ayuu yidhi Md Sabriye.Waxa kale oo isna Halkaasi Xildhibaan Ibraahin Raygal ka hadlay waxan uu yidhi " Dadka Soomaalida ah eek u dhaqan Geeska Africa waxan leeyahay dhagaysta Codka Shacabka Somaliland Waan kan codkoodo" Waxa uu intaas ku daran Xildhibaan Raygal " Dhawaan waxan tagay Australia waxanan baarlamaankooda ka jeediyay qudbad ay kamid tahay eryadani " Somaliland waa Dal jiran waana kan Calankiisu, Somaliland Dal jira waan kan Map kiis Somaliland waa Dal jira waan tan lacagtiisi Somaliland waa dal jir waana kan Buuga Bank Somaliland waa Dal jira waankan liiskan baaburta lagu wada" Waxa uu intaas Raciyay Xildhibaanku " Umada Reer Somaliland ee maanta halkan taagan iyo meelo kale oo badan waxay codkooda gaadhsiinayan UN. AU. EU, USA iyo dhamaan aduunka oo ay leeyihiin xaqayaga ha dahirina ee xaygana aanu helno"Waxa Gunaandkii Baanbaxa Hadalka soo xidhay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere waxan uu yidhi " Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Dhamaan Caruur Ciroole haween iyo Dhalinyaraba sida wanaagsan ee aad Maanta Reer Togdheerow uga soo qayb gasheen banaanbaxan balaadhan ee aynu ku miijinayno Shucuurteena iyo Qadiyadeena














Shiine Cilmi Kaahin SDWO Reportar Hargeisa,

Shiine@somaliland.com

somalilandaw guushu waa talo mideysan 20060902

Somalilandaw Guushu Waa Talo Midaysan
Posted on Saturday, September 02 @ 10:48:56 EDT

Walaalayaal, maanta lama joogo maalin lays canaanto,xaalado adagna way ina soo foodsaareen. Waxse in lays tusaaleeyaa meesha ayay ku jiraan, si bal laysugu dayo in arrimaha soo kordhay meel layskula ogaado, meelna lays la dhigo.

Xukuumadeena oo ah taynu talada uu dhiibanay, oo madaxweynaheenuna yahay Dahir Rayaale Kaahin waxay leeyihiin wax aynu ka warwarna ma jiraan, wax kastaana waxay u socdaan sidii loogu talagalay. Ummaddiina maalin walba qaylo-dhaan ,iyo wax hor leh oo soo kordhaaya ayay arkayaan. Waxay soo gaadhay in aynu dawladdii aynu saaxiibka ahayn ee Ethiopia ay istaagtay mawqif siyaasadeed oo hiil ah oo aan gabasha lahayn oo ay doonayso in ay Laascaanood awood ciidan ugu xalaalaysay maamulka Puntlaand. .Weli ma waxaynu nidhaahna waa caadi. Waa afar sanadood oo maalinba maalinta ka dambaysa ay ka soo darayso , axsaabta mucaaridkuna ay lahayd waar xukuumadeey, fulinta idinkaa leh, laydinkuma haysto, waar talada waynu wada leenahay, waar waxa gudaheena aynu ku kala duwanaano, waar waxa debeda ee saameeya arrimaha qarannimada Somaliland aynu iskaga mid ahaano , cod midaysan aynu yeelano, adaana noogu oday ahi, madaxweyne na hogaami.
Mudane madaxweyne, waxaad ku jawaabtaa hadalo ay ka dhadhamayso ficiltan , ee aan u muuqan odygii reerka. “ Ninkii imanaaya albaabkaygu waa u furanyahay” waa hadal ficiltan , oo talo oday way ka maqantahay, “ May yimaadaan xafladaha madaxtooyada lagu qabto”. In ku filani way tagtaa, dhibina kuma jirto inla tagaa, waxaanse ka hadlaynaa taa maaha. Waxaa ka mid ah odhaahyadaadii ugu dambeeyay “ Wakiiladu xeerka -dejintiisa oo keliya ayay shaqo ku leeyihiin, xisbiyadu bisha ugu dambeeya ayuunbaa hadal loo ogolyahay, meelahaas ayyuunbay ka dhurmayaaan.” Madaxweyne , maaha malinteedii , milgaheedi iyo munasabadeediidii midna, kamana muuqato codkii oday reer, oo wax ururinaaya.Madaxweyne, udhaahyadaasu , iyo qaar kaloo badani waxay ka mid ahaayeen waraysigaagii ugu dambeeyay. Waxaa xaqiiiq ah in aanay ka muuqan hadalkii aad u jeedin lahayd ummadda aad odaygoodii iyo madaxweynahoodii tahay. Waxaa ku dheehnaa ficiltan, iskacaabin, mitidnimo, iyo xintan. Waxaa ku talinayaa in aynu talada halkaa ka beddelno. Bal hadda ogoobay ragna way isku keen urursadeen , isna ururiyeen, waxaanay ku soo duulaan yihiin qarannimadeennii, iyo taladeennii.
Mudane madaxweyne, waa tan fikradayadu oo aan lahahayn wax laaxin ah waxanay ku salaysantahay talada guud ee qananka:
Bal marka hore waxaad tahay madaxweynahayagii cid halkaa manta madaxtinnimadaada ka wada hadalaysaana ma jirto, waxaana waajib in laguu daba galo dhammaan arrimaha qaranka , haddii aad talo ,iyo jihayn aad la timaado oo aad ogaato sidaan u ogaannay in arrinkii alamtara soo dhaafay.Madaxweyne, marka laga tago arrimaha badan ee dayacan ee gudaheena ee ay waajib tahay in aanu idin nidhaahno saxa oo aan ceeb ahayn, arrimaha maanta yaalaa waxaaba way ka weynyihiin, waa arrimo qarannimadeenii saamaynaaya oo u baahan in talo qaran oo deg deg ah laga galo.Waana kuwa maalin walba aan ku dhawaaqaynu, oo aad u aragtaan yooyootan. Waxaan si shakhsi ah mar hore aan u soo jeediyay sagaal qodob iyo sagaal bilood oo midnimo qaran ah. Bal maantana aan soo jeediyo qodobo aan u arko in lagaga gudbi karo xaaladahan adag ee ina foodsaaran:
1) Waa in la sameeyaa guddi heer qaran ee arrimaha bariga soomaali land oo guddoomiye ka yahay Madaxweyne ku –xigeenku.
2) Waa in la sameeyaa gudddi heer qaran ee arrimaha cusub ee mandiqada ku soo kordhay oo uu guuddoominaayo shir guddoonka golaha Wakiiladu 3) Waa in la sameeyo guddida arrimaha aqoonsiga Somalilannd oo uu hogaaminayso wasaaradda arrimaha debedda
4) Waa in la soo afjaraa khilaafaadka ka abuurmay arrimaha distooriga ah ee isukordhinta golaha guurtida oo lala mideeyaa doorashadooda tan golaha deegaanka.
5) Arrimahaas oo dhan waxaa hogaaminaaya Madaxweynaha , inteena kalana aan u dabajoogno.
6) Qodobada kor ku qoran waa mabaadi guud, wixii talooyin ah iyo arrin ah guddiyada la magacaabo ayaa ururin doona mid walbana qaraar ka gaadhi doona,haddii eebe idmo.
Madaxweyne, talooyinka maalin walba ay mucaaridku ,iyo shacab badan oo kale ku soo jeeddinayaan waa kuwaas iyo qaar kale oo dalka iyo qarankaba uga sii muhiimsan.
Madaxweyne, ha u qaadan qaar adiga lagugu qardoofeynaayo, ama yooyootan, ee laftooda haddaad wax ka beddelyso, wax ku kordhinayso, mid ka duwan haysid , sheeg oo waxaad tidhaahdaa waar aniga sidan ayay ila tahay, oo adigu isu ururi, oo isugu yeeddh Ummadda, halkaad leedahay albaabadu waa idin furanyihiin. Oo aan ahayn hadal maalintiisii iyo milgihiisii, iyo madaxtinimadii midna lahayn.
Waxaan kaloo aan hadalkayga ku soo gebogabeynayaa waar warbaahinay waad mahadsantihiin, xilkiiniina waad ka soo baxdeen. Waar qaylo dhaan, iyo abaabul intan ka badan ayaa laydiinka baahanyahay. Waar arrimuhu sidayay u socdaan adayg badan ayaa ku jira.
Ilaahay dhammaanteen talada toosan has garansiiyo.
Dr. Cabdi Aw Dahir Cali
Guddiga Fulinta ee KULMIYE
Burco, Somaliland

Xildhibaanno Iyo Salaadiinta Togdheer Oo Ka Warbixiyey Xaaladda Dalka20060818


Xildhibaanno Iyo Salaadiinta Togdheer Oo Ka Warbixiyey Xaaladda Dalka
Somaliland.Org — Burao, Somaliland — 18 August, 2006
--------------------------------------------------------------------------------

Burco (Jam)- Kulan balaadhan oo xubnihii baarlamaanka ee Togdheer laga soo doortay ay ugu warmayeen bulshada xaalada dalku marayo,ayna ka soo qaybgaleen Maasuuliyiinta Gobolka,Salaadiinta,Golaha degaanka,Xubno Qurbajooga, siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo dadaweyne badan ayaa manta lagu qabtay Huteelka CityPlaza ee Magaalada Burco.
Kualankan ayaa ugu horayntii waxa ka hadlay Cali Maxamed Xasanayaa hadalkiisii waxa uu ku bilaabay,Horta waxaanu u tagnay Anagu Distoor Xidhan oowax badani qabyo ka yihiin ,dhaqan wax badan yaalay oo ah dadkii oo aan si wanaagsan u fahan sanayn Baarlaamnka ay soo doorteen waxkastana u yaqaana wasiirada,waxa uu intasi raaciyay inay hawlbadan u galeen sidii G/Togdheer looga badali lahaa lacagtan Giimbaarta balse ayna helin jawaab ay ku qancaan ,waxaanu kaloo ku dadaalnay sidii Miisaaniyada loo dagaamaynlaha si gobol kastaa uu waxa uu lee yahay halakaas uga arko,oo aanay waxkastaa ku xidhnaan gacan kaliya taasna kumaanu guulaysan ,waxaase naloo balan qaaday in sanadka dambe miisaaniyada la dagaamayn doono madaama ay idinka horaysay.
Xildhibaan Cali isagoo ka hadlaya dhinaca Hayadaha waxa uu sheegay in 72 hayadood fadhiyaan,Burcana SCF/UK,oo kaliaya waxaana noo qorshaysan sidii badhkood loo keeni lahaa maadaama caawimooyinka dalka yimaada ay qayb kayihiin,Hayada WFP,waxay bixisaa raashin loo yaqaan food for work,waxayn75%la siiyaa gobolka Awdal. Anagu Gole ahaan waxaanu ka wakiil nahay dadweynaha ,hawshayaduna waxay tahay gole xeer dejineed,inaanu ilaalino siyaasada dawlada,asaxino qorshayasha dawlada,haseyeeshee xeerar badan oo aanu soosaarnay waxa is hortaagtay xukuumada waxkastoo aanu qaban lahayna waxy ku dadaashay inay carqaladayso,sidaas darteed maadaama aad tihiin dadkii na soo doortay waxaanu goaansanay inaanu idiin waramo islamarkaana wixii talo ah ee aad nagu biirinaysaana qaadano,Ayuu ku soo koobay hadalkiisii.
Xildhibaan Maxamed Nuur caraale oo isagu ka mida xildhibaandaXisbiga Udub ee G/Saaxil lagu soo doortay oo isaguna kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inkastoo uu ka soo baxay Saaxil hadana uu degan yahay Gobolkan,waxaanu tilmaamay in qofkasta markii uu doorashada uu ku jiray uu sameeyay waxkasta oo uu ku soo bixi karo,bulshaduna ay rajaynaysay in baarlamaanka cusibi waxbadan u qaban doono isbadelana keeni doono,waxaase aanu ka mid noqonay dhadhaar ka mida dawladii tabarta yarayd ee dhaqaale xumadi u haysay,Ayuu yidhi Xildhibaan Duur.Waxa kale oo intaas ku daray inay lagama maarmaan tahay inay markasta Taladu dhaliil waayin Anagana(Baarlamaan )ahaan xaqiiqdii naga luntay markii aanu noqonay Mcaarid iyo Muxafid sidaas darteed waxa loo baahan yahay inaynu sidii aynu si dhaba ugu waji lahaynsidaynu uga dabalan lahayn isbedelka siyaasadeed ee Soomaaliya ka bilabmay,isdhaiilidun ma aha Xal.Ayuu ku soo koobay hadalkiisii.
Sidoo kale Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka mida xildhibaanda Xisbiga Ucid ka soo baxay oo isaguna halkas ka hadlay ayaa sheegay inay dadaalkasta oo ay u galeen sidii Dalka iyo Dadka waxa loogu qaban ay ishortaagtay xukuumadu Awoodna isugu gaysay sidii ay Golaha khilaaf uga dhex abuuri lahayd "Xukuumadii wax qabadkeedii wuxuu noqday sidii golahayaga muran uga abuuri lahayd taasna waanu ka nabad galnay"Ayuu yidhi.Waxa kale oo Xildhibaan Jaamac intaas ku daray in siyaasadii Dibada ma cada Xaalkuna waxa weeye "Baadidaa ninbaa kula daydaya daalna ka badiya,aana rabin daain abidkaaye"Sidaas Awgeed waxaanu manta kulan idiinku qabanay inaanu idiinka warano xaalada dalku ku sugan yihiin Tala Qarana la yeesho sidii loo badbaadin lahaa,Ayuu ku soo koobay.
Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar oo isaguna Maanta kulankaas ka hadalay ayaa si weyn u dhaliilay Xukuumada kuna tilmaamay mid aan ku shaqaynayn rabitaanki dadka waxana uu hadalkiisi ku bilaabay Dawlad baynu dhisanay, Golayashiibayanu sameynay, dastuurkiibaynu sameynaya waxaynu ka filaynay hogaamin fiican oo nidaamkii iyo sharcigii umadu lahayad ka turjunta, laga soo bilaabo ilaa xilgii Boorama waxaynu hayna wado Qariban taa weeye xaqiiqdu
Suldaanku waxa uu intaas ku daray Xaqiiqda Runta ahi waxay tahay in la helo Dawlada rabitaanka dadka ka turjumaysa oo ah dawlada Kooban oo tayo leh oo waxa qabanaysa isla markaan Saddexdeed qaybood ay wado shaqeyn wanaagsani ka dhaxayso hadii kale ay xilkii loo igmaday iska casilaan oo talada dadka lagu soo celiyo Talooyin baanu bixinaynay mudooyin badan kuwii ugu danbeeyay dhawaan ayaanu bixinay hadaanu nahay Salaadinta waxna kam hirgalin ee Runtu waxa weeye inaynu qiimayan sameyno halka Xaalada Dalku marayso "Ma jirto Maamul Dawladeed oo dadka u shaqeynaya halka aynu manta maraynaana waxan ku masaali kara Inay la mid tahay Doonidi Nabi Nuux ee Dagaysay Waxanan leeyahay Saddexdiina Qaybood aanigu kala saari maaye xilkii umadu idiin dhiibtay ee Salaadin ahaana Odayaasha idiinku ahayeen inaad raacaysaan iyo in kale ayan idinka fadhinaa"
Waxan Suldaan Cismaan hadalkiisi ku soo koobay kuwiinan talada jeedinayaa kun talo ayaanu jeedinee maxa laga fuliyay, ee xaqiiqdu waxa weeye inaynu qiimayan sameyno.
Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen oo isaguna kulankaas ka hadlay ayaa waxa uu yidhi "anigu waxanan garanaynin cida talada loo jeedinaayo ee Jawaabta laga sugaayo,dhawaan waxan jaraa'iidka ku arkay Xooghaye Burco laga badelaayo oo Madaxweyne Ku xigeenku soo faro galiyay taasina waa dhibaato. Suldaanku waxa uu intaas ku daray Baarlamaankii aynu dooranay way inoo warameen Warbixina way ina siiyeen, Waxa la yidhi hadii labo wadaad is qabsadaan waxa la odhan jiray soo qaata kutubtiina kadibna kii qaldanba la odhan jiray Shiikh aloow ka dhaqaaji, Dimuqraadiyada Bayskeedu waxa weeye hadii shacbigu dadkay doorteen ka waayan waxay u doorteen iyaga jawaabta bixiya, hadana waxaad moda in Baarlamaanki Jawaab sugaayo Dawladii, Guurtidii, Dadkii Jawaaba wada sugaayo hadaba cida Jawaabta laga sugayana aan la garanaynin, Aniga waxay ila tahay in dadka Jawaabta laga sugaayo. Suldaanku waxa kale oo uu intaas raciyay Salaadiintayada ayaa beri dhaweyad talo ku soo jeedisay in Dadka Mukhadaraadka keena iyo Dadkan Dilka ku xukuman ee xabsiga ku xidhan waxa laga qabto Waxa kale oo noo qarsoonayad in Badhasaabka Gobolkana la badelo Arimahaasoo dhan waxa laga qabtay ma jirto Markaa waxan la yaabanahay cidan aad Jawabta ka sugaysaan ee waxaan leeyahay aynu dib isugu noqono oo Go'aan gaadhno ayuu ku soo xidhay hadalkiisi
Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo isaguna halkaa ka hadalay ayaa waxa uu yidhi " Markii hore arin kaynu isugu nimi waxa uu ah inaynu is waraysano balse arinkii waxa uu isku badalay sidii Caawa Caqli keen oo kale isagoo dab jooga Hadal uu yidhi Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen oo ah waxanan garanaynin cida talada loo geynayo ee jawaabta laga sugaayo waxa uu yidhi Gudoomiyuhu " halkii ilaahay u gartay ee aad markii hore gayseen ayaa laga sugayaa" Gudoomiyuhu waxa uu intaas ku daray Beribaa labo nin oo mid salad sax yahay midna taarik yahay ayaa isa soo raacay markaasa cunto loo soo dhigay markaasa kii Salaad saxa aha yidhi war anigu waxaba kula wadaagi mayo ninkaagan ah taariku salaadka kii kala intuu qoslay yidhi anigabaa wxaba kula wadaageynoo waxan ka shakisanahay halkii aad markii dhaweyad gacanta galinayasay Markaa Salaadiintiinan waxan leeyahay war marka hore idinka kala qaybsane bal idinku isku mid noqda wayna jiraan Salaadin kale oo Gobolka ah oo iyagu aan siyaasadda ku dhex jirin sidaa darteed waxan idinkula talin lahaa inaad ku koobnaatan wixii laydiin doortay oo aad faraha kala baxdaan arimaha siyaasada sidaasa ayuu Badhasaabkuna ku soo koobay hadalkiisa
Intaa kadib hadalkii waxa uu ku wareegay xubnihii kulanka ka soo qayb galay waxana halkaa isagu talo ka soo jeediyay Dr Cabdi Aw Daahir Cali taaso oo ka koobnayad dhawr qodob oo ahaa
In golaha wakiilada miisaniyada 2007 sii dhigaan qorshe hor leh oo ka duwan kii hore ee ay iska ansixiyeen.
In la furo Dastuurka oo uu noqdo mid ina jiheeya taladana loogu horeysiiyo
In aanay Wakiiladu ansixin Wasiirada ka badan 50 waa inay Madaxweyne Rayaale ku celiyaan Wasiirada uu soo dhisay oo uu keeno ugu badnaan 13 Wasaaradood. In dib loo eego xeerka Dooroshooyinka iyo ka asxaabta oo ila hada mugdiyo badan ku jiraan in Golaha Wakiiladu qaatan hogaaminta arinta ku saabsan Golaha Guurtida oo iyagu sameeyan kordhinta ilaa Dec 2007 oo isku mar dhacaan Wakhtiga Doorashooyinka dawladaha hoose Inay Reer Burco mudnaanta koobaad siiyan Jaamacadda Burco iyo Cisbitaalka Burco . Dr Cabdi intaas ayuu ku soo koobay taladiisi
Faarax Yuusuf Xadhigle ayaa isaguna taladiisa ku soo jeediyay in Waxbarashada debeda ee Ardayda Somaliland la siiyo ay intooda badan qaatan Gobolada Galbeedku Marka loo bahan yahay in si siman Gobolada loogu qaybiyo Waxa kale oo intaas ku daray Md xadhigle in Xildhibaanda Reer Togdheer intoodi badnayand ay Hargeysa u wada Guureen taasina ayna haboonayn ee intii guurtay loo bahan yahay inay xafiisyo ka furtaan Gobolka si ay ula socdaan xaalada Gobolkooda .
Prof. Csalaan Yasiin ayaa isagu taageray taladii Dr Cabdi Aw Daahir soo jeediyay balse waxa uu raaciyay in dhibaatada ugu weyn ee dalka taala tahay Qaadka taas oo loo bahan yahay in waxa weyn laga qabto sidii umada Aafada looga qaban lahaa.
Source: Jamhuuriya

Ciidamada C.I.D-da oo qoraal yeedhmo ah u gudbiyay Eng. Maxamed Xaashi iyo jawaabta uu ka bixiyay20100120


Ciidamada C.I.D-da oo qoraal yeedhmo ah u gudbiyay Eng. Maxamed Xaashi iyo jawaabta uu ka bixiyay
January 20th, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Ciidanka Baadhista dambiyada ee Hargeysa, ayaa Qoraal yeedhmo ah u diray Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, taas oo uu jawaab ka bixiyay.

Laanta dembi-baadhista Hargeysa, ayaa qoraal ay u dirtay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi kaga dalbatay in uu Xarunta dembi-baadhista ee Hargeysa tago maanta oo ay taariikhdu tahay 20, January, si wax looga waydiiyo hadallo ka soo yeedhay isaga laf ahaantiisa.

Qoraalkaas oo dhammaystiran ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Anagoo tixraacayna bayaankaagii aad warbaahinta siisay sida Wargeyska Saxansaxo Cadadkiisa 828 ee soo baxay 11/01/2010, oo aad sheegtay inuu jiro qorshe la rabo in lagu laayo rag ka tirsan mucaaridka, adigoo masuul waddaniya ah, waxaanu kaa codsanaynaa inaad timaado xafiiskan qeybta baadhista dambiyada Hargeysa si aad gacan nooga siiso baadhista arrintaas halista ah ee aad ka digtay.

Waxaanu mar kale kaa codsanaynaa in aad timaado Taariikdu markay tahay 20/01/2010-ka saacadu markay tahay 9:00 subaxnimo iyadoo yeedhistani waafaqsan tahay Qod.24 XHC.”

Dhinaca kale, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa jawaab ka bixiyay qoraalka yeedhmada ah ee uu ka helay xarunta dembi-baadhista Hargeysa. Waxaanu sheegay in aanu u hoggaansamayn yeedhmadaas ooh ore loogu xidhay mid uu sidan oo kale ugu hoggaansamay, taas oo uu muddo shan bilood ku dhaw ku xidhnaa xabsiga Mandheera. “Waraaq bay C.I.D-da layga keenay oo lagu yidhi waxaad Xarunta timaaddaa 20-ka bishan January ilaa 9:00-ka Subaxnimo. Inankii waraaqda ii keenay waxaan ku idhi Anigu ma imanayo CID-da, Maxkamad jeebka lagu sito hore ayaan u arkay, wax dambi ah oo aan galay ma jirto, kolkaa qaska aad dalka ka waddaan ayey tana ka mid tahay, kolkaa tii hore ee Cabdilaahi Cirro sameeyey ayaan isku qoomameeyaa, kolkaa mar dambe kama yeelayo.” Ayuu yidhi Maxamed Xaashi oo u waramay Telefishanka HCTV, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Maxkamd aan tagayaa ma jirto, Xafiiskoodana ma tagaayo, Askari ay leeyihiina raaci maayo, jawaabtiina sidaas ayaan ugu diray, odhaahdiina waa tan, kolkaa waxa weeyaan dadka ayaa lagu jahawareerinayaa oo doorashadii lagu sugaayey ayaa dadka kolba dhinac loo jeedinayaa, 26 June iyo Maanta Cirraan odhanayaa (Wasiirka daakhiliga), awal waxaan odhan jiray Wasiirka.”

Eng. Maxamed wuxuu eedayn u jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale. “26-June kan ayaa KULMIYE ka soo baxay shaqayn mayso ee Ammaankii dalka khatar ayuu ku jiraa, iyagaana xumanta wadda, markaa dalka inta ummad ajani ah oo joogta ayaa cidaa ka badan.” Ayuu yidhi, waxaanu sheegay in weeraradii argagixisada ee Somaliland lagu fulliyey ay ahaayeen kuwo nidaamsan, isla markaana nabadgalyada ka dhan ah, taas oo barbar dhigay Mudaharaado is-daba joog ah oo Hargeysa hore uga dhacay iyo dilkii Taliyihii qaybta 12aad ee Laascaanood iyo Walxihii laga helay jidka u dhaxeeya magaalada sheekh iyo Burco, waxaanu shaaca ka qaaday in Xukuumada ay talaabooyinkan uga dan leedahay sidii ay doorashooyinka u baajin lahayd.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo la weydiiyey bal waxay tahay cadaynta laga sugayo ayaa waxa uu yidhi “ Ninka Laascaanood ku xidhan ee booliska ah oo Kiiska oo dhan loo haysto Maxkamad ha soo joojiyaan iyagaa cadayn laga sugayaaye.”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

Wefdigii siilaanyo ee mennisota(USA) 20100117

Munaasabad xogwaran iyo soo dhoweyn ah ayaa lagu qabtay Hilton Hotel Minneapolis habeenimadii Axadii ee taariikhdu ahayd 01/17/2010 (Sawiro)



War saxaafadeed Xisbiga Kumiye ee Minnesota

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen State Sanetors iyo legislators iyo madax badan oo ka mid ah Stateka Minnesota iyo boqolaal dadweynaha jaaliyada Minnesota oo ay hormuud u yihiin taageerayaasha xisbiga Kulmiye ayaa waxay ahayd munaasibadii ugu horaysey ee nooceeda ah ee lagu qaybto Stateka Minnesota.

Waxaa munaasabadan ka soo jeediyey khubado iyo xog waran Madaxda Xisbiga waxaana warbixin qiimo badan ka soo jeediyey Xoghaya Arimaha Debeda oo aad uga xogwaramay siyaasada arimaha dibeda ee xisbiga Kulmiye kuna soo bandhigay siyaasada xisbiga ee arimaha debeda iyo xidhiidhada caalamiga ah ee Xisbiga wuxuuna ku soo dhoweeyey Gudoomiyaha Xisbiga mudane Siilaanyo
Gudoomiyaha xisbiga ayaa lagu soo dhoweeyey Xamaasad iyo sacab iyadoo dadweynihii u sarakacay iyakoo ku dhawaaqaya ereyo ay ka mid ahaayeen soo dhowoow mujaahid korna u taagaya calanka iyo astaanka Xisbiga , waxaa muddo socday sacabka iyo ruxida calanka Kulmiye.

Gudoomiyaha ayaa aad ugu mahadnaqay soo dhoweynta qiimaha leh ee loo sameeyey waxaana hadalkiisii ka mid ahaa, Jaaliyada Minnesota aad iyo aad ayaan idiinku mahad naqayaa waxaanan aad ugu faraxsanay isku duubnida Jaaliyada iyo midnimada aad muu jiseen , waxaan aad ugu mahadnaqayaa masuuliyiinta hawshan isku soo dubariday.

Gudoomiyuhu wuxuu ka waramay xaalada siyaasadeed , nololeed iyo dhamaan duruufaha wakhtigan xaadirka ah ka jira S/land, Gudoomiyuhu isagoo ka waramaya arimaha siyaasada iyo Dimoqradidaya , doorashooyinka dib u dhacay wuxuu yidhi , dimoqradiyadu waa wixii loo soo halgamay ee aynu naf iyo maalba u soo horay ee halgankii aynu ogayn aynu soo galay sidaa aawadeed marna ma yeelayaan shacabka S/land inay mar danbe ku noqdaan maamul kali talisnimo shacabkuna iyaka ayaa ilaashanaya dalkooda oo aan marna ogolayn in la afduubo masiirkooda oo cidi maroorsato awooda iyo talada dalka, waxaa maamulka hadda jiraa sharci darro ku joogay sadex sano oo dhowdhow ka dib markii ay dhamaaday mudadii sharciga ahayd , waxaanu u soo jeediyey maamulka fadhiidka ah ee dalka la fadhiistay in uu dhamaaday dulqaadkii shacabku sidaa aawadeed aan marna laga yeeli doonin kordhin danbe iyo doorashada oo dib uga dhacda wakhtiga ugu suurta galsan ee aynu sugayno inay ku dhawaaqaan Komishanka Qaranku waxaanu ka digay farogelinta xukuumadu ku hayso golaha guurtida oo uu ku tilmaamay khalkhal iyo qas la doonayo in lagu xagal daaciyo doorashooyinka aynu sugayno.


Munaasibadaas waxaa kale oo hadalo ka soo jeediyey waayeel iyo wax garad badan oo ka mid ah Jaaliyada Minnesota oo ay ka mid yihiin Xasan Giir oo hadal qiimo leh oo taariikhiya ka soo jeedshey munaasibada, waxaa kale oo ka hadlay Maxemed Sayid oo aad uga hadlay halgankii SNM iyo la soo noqashada madax banaanida S/land iyo Maxamed Kaahin oo si weyn ugu soo dhoweeyey Minnesota Gudoomiyaha iyo waftigiisa.


Guul iyo Gobanimo
Saeed Suleiman
Minnesota