Wednesday 20 January 2010

Axmed-Siilaanyo oo la hadlayey Haweenka Togdheer 20070614




Axmed-Siilaanyo oo la hadlayey Haweenka Togdheer
Posted to the web Jun 14 2007, 09 30 Printable view | Email this Article | Translate | Submit article


Jun 14 2007 - Burco (Somaliland Net)- Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulan ballaadhan shalay kula yeeshay haweenka Gobolka Togdheer Huteel City Plaza ee magaalada Burco.





Kulanka shalay oo ka dhacay hoteelka City Plaza ee magaalada Burco, waxa uu qayb ka yahay kulamo is-daba-joog ah oo uu Axmed-Siilaanyo maalmihii la soo dhaafay la yeenayey qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Togdheer.

Hadal kooban oo uu Guddoomiyaha KULMIYE ka jeediyey kulanka uu la yeeshay haweenka reer Burco, ayaa tilmaamay in kulankani qayb ka yahay kulamadii kala duwanaa ee uu maalmihii la soo dhaafay la yeelanay waxgaradka beelaha Gobolka Togdheer, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay ku dhammaadeen isfaham.

Isaga oo arrintaa sii faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; “Mar haddii aan raggii reer Togdheer la shiray waxaa lagama maarmaan noqotay inaan haweenkana la kulmo oo aaraahda iyo fikradaha is dhaafsano. Shirarkii aannu kula yeelanay waxgaradka beelaha gobolka may ahayn kuwo lagaga wadahadlay in wax lagu xumaynayey, balse waxay ahaayeen kuwo lagaga hadlay danaha Gobolka, xaaladda dalka iyo hirdanka ka dhacaya Geeska Afrika inaanay saamayn innagu yeelan oo aynaan isku dhicin walaalaheena koonfureed, iskuna dhicin dariskeenna.”

Waxaannu Axmed-Siilaanyo intaa ku daray; “Tuhun baa jira, xog uma hayno waxa dalkeenna ka socda, baqdinta ugu wayn ee gudo iyo dibadba la hadal hayaa ee dadku leeyihiin waxa weeye yaa inoo hadlaya haddii laynoo yimaaddo.” Axmed-Siilaanyo oo sii wata hadalkiisa waxa uu intaa raaciyey; “Isbedelka aan doonaynaa maaha mid ku yimaadda fawdo iyo nabadgelyo-xumo, balse waxaannu doonaynaa mid ku yimaadda doorasho, innaga oo ilaashanayna nabaddeenna iyo wadajirkeenna.” Waxaannu ugu dambayntii kula dardaarmay haweenka inay ilaashadaan wadajirkooda oo aragti midaysan ka yeesha wax kasta oo soo wajaha.

“Dhallinyarada ee badda ku dhimanaysaa waxay u badan yihiin reer Togdheer, sidaa darteed maadaama aad hooyooyinkii tihiin waa inaad ka waanisaan oo aydaan odhan orda inoo shaqotaga,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Guddoomiyaha KULMIYE.
Dr.Cabdi Aw Daahir oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee Xisbiga KULMIYE kulankaa ka hadlay, ayaa ku tilmaamay in xisbigooda oo doorashada ku guulaystaa aanay ahayn macno weyn lahayn, balse loo baahan yahay in la helo isbeddel iyo horumar, “Barmaamijka siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye ma aha qolo, mid qofeed, balse waa mid qaran oo horseedaysa isbeddel cusub iyo horumar,” ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir, waxaannu intaa raaciyey; “Maanta way dhaaftay dhaliil iyo wax-sheegid, haseyeeshee waxa loo baahan yahay in dalka la badbaadiyo.”

Marwo Sahra Maxamed Xuseen oo ka mid ah garabka Haweenka Kulmiye ee Gobolka Togdheer oo faahfaahin ka bixinaysay ujeeddada kulanka, ayaa sheegtay dumarka goobtan isugu yimi ay yihiin haweenkii Gobolka Togdheer oo dhan, balse aanay ahayn oo qudha taageerayaasha xisbiga KULMIYE, “Haweenkani waa reer Togdheer oo dhan haweenkii UDUB, UCID iyo KULMIYE waa loo dhan yahay, waxaanuna ka midaysanahay danta gobolkayaga iyo horumarkiisa,” ayey tidhi Marwo Sahra Maxamed Xuseen.

Marwo Canab Cumar Ileeye oo Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye oo iyana halkaas ka hadashay ayaa sheegatay in loo baahan yahay shacbigu xisaabtamo, “Caano daatay dabadood la qabay oo xilkuna waa meertee yaynaan haddiyad cid kale u siin waxaynu xaq u leenahay ee aynu qaadano. ”Waxaanay intaa ku dartay; “Maanta laydh caafimaad ayaa socota ee waa inaynu gacmaha is qabsanaa oo aynu mid keliya noqonaa,” ayey tidhi Marwo Canab Cumar Ileeye.

Kayse Axmed Digaale, Burco.kdigale@yahoo.com

No comments:

Post a Comment