Wednesday 20 January 2010

Baaq: Sagaal Qodob Iyo Sagaal Bilood Oo Midnimo Qaran c Dr. Cabdi Aw daahir Cali 20060703

Baaq: Sagaal Qodof Iyo Sagaal Bilood Oo Midnimo Qaran
Dr. Cabdi Aw Dahir Cali — Burao, Somaliland — 3 July, 2006
--------------------------------------------------------------------------------


Waxaynu soo galnay waqti aad u xasaasiya gaar ahaan aaga aynu degganahay.
Arrimuhuna waxay isubeddelayaan si áxawliya. Waxaa kaloo jira in dedaalkii
madaxweynuhu waday safaradii ugu damabeeyay áay carqaladeeyeen kooxda
imbigaati iyo dawlada ka soo horjeeda qadiyadeena sidii uu uga qaybgeli
lahaa shirka AU-da ee Gambia.


Sidaa darted, maantoo kale waxa loo baahanyahay midnimo qaran, , iyo hakin
muddaysan oo afkaaraha kala duwan ee axsaabta. Waxaan soo jeedinayaa áqorshe
sagaal qodob iyo sagaal bilood oo midnimo qaran ah. Afar qodob waxay á
afjarayaan áfikirka aynu isku khilaafsanahay, shan qodobna waxay dejinayaan
qorshaha midnimadaas.

1) Waa in á9 bilood ála mideeyo fikirka, oo la hakiyo xataa fikirada
muxaafid iyo mucaarid ee warbaahinta. Arrin, af iyo adduunba waa in la
mideeyo
2) ) In la abuuro guddiga qaranka arrimaha bariga Somaliland oo
madaxwene-xigeenku hogaamiyo

3) In la abuuro guddiga qaranka ee la socodka arimaha ku soo kordhay
mandaqada, dagaalkii muqdisho dabadeed oo shirguddoonka golaha wakiiladu
hoggaamiyo

4) In la abuuro guddiga qaranka ee baadigoobka aqoonsiga oo wasiirka
arrimaha dibedda uu hoggaamiyo


5)Waa in áloo kordhiyaa waqtiga golaha guurtida áilaa diisambar 2007 oo ay
isku waqti noqdaan ágolaha deegaanka , golaha wakiiladuna ansixiyaan.

6)Waa in qiimaha shiidaalka halkiisii hore lagu soo celiyaa.

7) In madaxweynuhu soo dhiso dawlad, shardiga keliya yahay in ay koobnaato ,
áhaba wada noqdeen kuwa manta jooga. Golaha wakiiladuna ay ansixiyeen

8) In uu madaxweynuhu soo magacaabo Xeer ilaaliye guud, hantidhawrka guud,
guddoomiyaha baanka, xisaabiyaha guud, guddoomiyaha iyo guddikga shaqaalaha,
waa in ay noqdaan xubno ku sifoobay in ay siyaasadda, iyo áafkaarta
xisbiyada dhex ka yihiin, Golaha wakiiladuna ay ansixiyaan..

9)qodobada aan kor ku xusay waa in madaxweynuhu hogaanka qabtaa inteena
kalena ku deba joognaa..

Waxaan soo jeedinayaa áin madaxweynaha iyo golayaasha qaranku ay aqbalaan;
saxaafada, axsaabta iyo dadweynuhuba Qodobadan taageeraan.

Dr. Cabdi Aw Dahir Cali
Burco, Somaliland

No comments:

Post a Comment