Wednesday 20 January 2010

Magaalada Borco oo uu ka dhacay shir balaadhan oo isugu yimaadeen Siyaasiyeen, aqoonyahano iyo odayaalba. 20070818


Magaalada Borco oo uu ka dhacay shir balaadhan oo isugu yimaadeen Siyaasiyeen, aqoonyahano iyo odayaalba.
18 Aug, 2007 -

Burco – Shir balaadhan oo ay ka qayb-galeen Salaadiin, xildhibaano Golaha Wakiillada ka tirsan, siyaasiyiin Mucaarad ah iyo Gudiga midaysan ee lagu magacaabo gudiga beelaha Burco, ayaa shalay ka dhacay Hoteelka City Plaza ee magaalada Burco, kaasoo la sheegay inuu socday illaa 11:00-kii habeenimo ee xalay.



Sida ay sheegeen wararka kulankaas naga soo gaadhay, ugu horayn waxa shirkaas ka hadlay gudiga midaysan ee beelaha Burco, kaasoo tiradiisu gaadhayso illaa 30-xubnood. Warku waxa uu intaa ku daray in xubnaha gudigaa u hadlay ay ka warameen xaalada guud ee Gobolka Togdheer iyo guud ahaanba duruufaha qalafsan ee haysta nolosha bulshada Gobolkaas. Gudigu waxay tibaaxeen in sababta loo aas-aasay ee keentay baahida midowgoodu ay tahay mid la xidhiidha dhibaatooyinka deegaankaa ka jira sidii wax looga qaban lahaa. Islamarkaana gudigu waxay sheegeen, inay udub-dhexaad u yihiin sidii ay bulshada Gobolka ugu horkici lahaayeen mid-nimo, ay iskaga kaashanayaan wax-ka qabashada arrimaha dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan iyo guud ahaanba duruuf kasta oo la soo gudboonaata inay mid-nimo kaga hor tagaan. Gudigu waxa kale oo ay muujiyeen in tafaraaruqa iyo kala qaybsanaantu ay bulshada Gobolka hore u daashatay, islamarkaana ay gayaysiisay horumar la'aan, faa'iido la'aan siyaasadeed iyo hana-qaad la'aan adeeg-yadii guud ee noloshaba. Laakiin, waxay intaa ku dareen in reer Togdheer haatan ay ku baraarugeen dhibaatooyinka haysta, islamarkaana ay midnimo wax ku goosanayaan.

Kulankaas waxa kale oo iyana ka hadlay dhawr xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada, kuwaasoo ka warbixiyay xaalada guud ee siyaasada dalka, khilaafaadka siyaasadeed iyo is-maandhaafka dhinaca sharciga ka taagan ee u dhexeeya Golaha Wakiillada iyo xukuumada Madaxweyne Rayaale. Xildhibaanada kulankaas ka qayb-galay oo kala ahaa, Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo), xildhibaan Cali Mareexaan, Xildhibaan Maxamed Caraale (Duur), iyo Xildhibaan Khadar Ambassador, waxay faah-faahin ka siiyeen kulankaas qodobada haatan khilaafka xoogiisu ka taaganyahay ee miisaaniyada iyo labada xubnood ee komishanka doorashada ee Golaha Wakiillada kalsoonida ka waayay. Islamarkaana waxay ku doodeen oo ay ku eedeeyeen xukuumada inay ku tumatay shuruucda iyo qawaaniinta dalka, imikana ay u tafaxaydan tahay bur-burinta Golaha Wakiillada.

Dhinacyadaas ka sokow waxa kale oo kulankaas ka hadlay xubno siyaasiyiin ah oo ka tirsan xisbiga KULMIYE. "Ina Rayaale maxaa ugu wacan dhaga adayga intan leeg, ma awood uu haystaabaa, mise shakhsiyadiisaa sidan u dhalatay?" Sidaa waxa is waydiiyay af-hayeenka Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo su'aashaasi qayb ka ahayd hadal uu kulankaas ka jeediyay. Maxamed Kaahin wuxu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi. "Rayaale waxa uu is leeyahay dadka Argagixiso ayaad ku sheegi, sidaana cudud dibadeed ayaad ku heli. Taa xidhiidhka dibadana anagaa uga xogogaal badan oo wax jira maaha. Qoladan Qaran ee xidhan wuxuu ku sheegay argagixiso iyo in ay aas-aaseen Urur xag jir ah. Awood gudeed ma haysto umanuu dhalan hal adayg ee intuu isku halaynayaa waa intaas." Ayuu yidhi

Waxa kale oo isna kulankaas ragii ka hadlay ka mid ahaa Dr, Cabdi Aw Daahir oo isna sidaas oo kale hujuunka mucaaradku xukuumada ku hayo sii anba-qaaday. "Annigu hal waan ka naxaa, hal-na waan ku farxaa. Markaan eego wakhtigii doorashada inta ka hadhay waan ka naxaa. Markaan eego cududa mucaaradka ee soo kordhaysana waan ku farxaa. Waxaanse ka baqayaa ta ugu daran, dhiiranida ina Rayaale, xoog kasta oo is biirsaday oo mucaarad ah oo jiraba, inuu doorashadaba qaban waayo. Markaas, waxaynu u baahanahay in mucaaradka la mideeyo." Sidaas ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir

Dhinaca kale, kulankaas waxa ka qaybgalay Salaadiin ay ka mid ahaayeen Suldaan Cismaan Suldaan Cali, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire iyo Suldaan Cabdiraxmaan Qodax oo dhamaantoodba ka mid ah salaadiinta Gobolka Togdheer. "Labadan Beelood (Galbeedka iyo Bariga) marka siyaasada la gaadho ayuunbay kala faag-faagtaane, maanta waxaan leeyahay waa in la isu soo dhawaado waxna la wada qabsado, anaguna sidaas ayaanu salaadiin idiinku noqonaynaa." Sidaa waxa yidhi Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar oo kulankaas ka hadlay. Suldaanku wuxuu intaas ku sii daray oo uu yidhi "Maanta waxaynu taaganahay meel ka xun halkii aynu ka bilownay halgankii, markaa waa inaynu dadkeena u bislaynaa iyadoon damac laga hadlaynin oo aynu cod isaga kor qaadnaa waxa maanta ina haysta." Ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa isna halkaa hadal ka jeediyay Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo sheegay in duruufaha maanta jiraa ay u baahan-yihiin in loo midoobo oo wada jir wax lagaga qabto. "Duruuf adag ayaynu maanta ku jiraa, islamarkaana waxaynu u baahanahay inaynu barnaamij samaysano. Barnaamijyadaas oo ka kooban mid dhaqan iyo mid siyaasadeed-ba, waxaynu u baahanahay in la is waafajiyo meel kaliyana la isugu tago, damacana aan lala dudin." Sidaana waxa yidhi Suldaan Maxamuud Guuleed Mire.

Kulankaas oo saacado door ah socday guud ahaan marka la soo koobo doodihii iyo khudbadihii halkaa la isku waydaarsaday, waxay gabi ahaanba ka turjumayeen korodhka mucaaradada Gobolka Togdheer ka jirta, taasoo lid ku ah xukuumada talada haysa ee xisbiga Udub.



Source: Ogaal

No comments:

Post a Comment