Wednesday 20 January 2010

ANIGU ODHAN MAAYO,KELMADA AH UDUB TOGDHEER WAY UGA DHAMAATAY,LAAKIIN.....WARAYSI DR CABDI AW-DAAHIR20070616


--------------------------------------------------------------------------------




Sooyaal News

ANIGU ODHAN MAAYO,KELMADA AH UDUB TOGDHEER WAY UGA DHAMAATAY,LAAKIIN.....WARAYSI DR CABDI AW-DAAHIR


Dr. Cabdi Aw Daahir oo ka tirsan Gudida fulinta xisbiga KULMIYE, ayaa beeniyay eedaymo xukuumadu ugu jeedisay in ay xisbi ahaan kaga ololaynayaan magaalada Burco arrimo qabyaaladeed. Islamarkaana waxa uu ku riixay Xisbiga Talada haya iyo masuuliyiinta Xukuumada arrintaasi.

Cabdi Ow daahir oo aanu xalay waraysi aanu kala yeelanay khadka telefoonka isaga oo jooga magaalada Burco, waxa uu sheegay oo kale in aanay lug toos ah xisbi ahaan ku lahayn gudida beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco ku midoobeen ee lagu dhawaaqay.

Waraysigaas oo dhamays tiranina waxa uu dhacay sadan:

Ogaal: Waxa jiray guddi lagaga dhaawaqay kulan ka dhacay Hoteel City Plaza ee Burco, adiguna kulankaa hadal baad ka jeedisay maxay tahay ujeedada gudidaasi?

Cabdi Aw Daahir: Annagu guddida kamanaan mid ahayn, laakiin waa nalagu casuumay, ujeedada ugu muhiimsanayd ee gudidaa loo sameeyayna waxay ahayd inay iska kaashadaan wixii mustaqbalka aayahooda ah reer Burco, wixii turxaan ah hadday jirtana lagu saaro, arrimaha jirana laysaga soo dhawaado, danta gobolka, danta siyaasada danta beesha intaba in laga midoobo.

Ogaal: Arrimaha laysaga soo dhawaanayo danta siyaasada ka mid ah miyaa?

Cabdi Aw Daahir: Haa danta siyaasadaa ka mid ah.

Ogaal: Markaa macnuhu ma wuxuu noqonayaa in Xisbiga KULMIYE la wada taageero miyaa?

Cabdi Aw Daahir: Lama odhan karo KULMIYE, maaha siyaasada laga hadlayaa taa, waxa weeye in lays arko, la tashado, la wada hadlo, laga wada tashado mustaqbalka dalkan sidii isbedel loogu samayn lahaa. Markaa weli layslama dhigin meel ama toos looma taaban KULMIYE. Laakiin, waxa weeye in danta guud iyo siyaasadu ka mid noqon karto waxyaabaha laga wada tashanayo.

Ogaal: Marka hore fikirka samaynta gudidan yaa alifay?

Cabdi Aw Daahir: Arrintani waxay ka timi dhinaca Bulshada. had iyo goor maaha oo kan oo keliya ee waa kii ugu dambeeyay ee caadifadaa gobolku keento, markii hore waxa jiray guddiyo midaysan oo xagga dhaqaalaha ah, xagga hor-u-marinta, xagga nabadgelyada guddiyaal midaysan oo wada jir ah intaasiba way soo jireen, maanta waxay noqotay in la gaadho heer guddi gaar ah oo arrimaha horena sii adkeeya, arrimaha siyaasadana ka wada hadli kara in la sameeyo, markaa waxay ka dhalatay duruufaha jira iyo shucuurta iyo xaalada iyo isbedelada siyaasadeed ee soo socda dareenkeeda.

Ogaal: Markaa idinku lug kumaydaan lahayn miyaa?

Cabdi Aw Daahir: Annagu lug toos ah kumanaan lahayn. Laakiin, bulshada gobolkana waanu ka tirsanahay, dadka gobolka meeshii aanu u aragno inay u wanaagsan tahayna waxaanu ku yeelanaynaa fikirkayaga. Laakiin arrintani waa dareen ka yimi dadka oo lug toos ah kumanaan lahayn.

S: Laakiin, miyaan loo arki Karin adigaa ka qayb-galay, Gudoomiyihii Kulmiyaa ka qayb-galay, siyaasiyiinta ka qayb-gashayna waxa la sheegayaa inay ahaayeen dhinaca Xisbiga KULMIYE, markaa miyaan la odhan Karin waa abaabul xisbigiinu sameeyay?

Cabdi Aw Daahir: Walaahi waxa weeyaan kolba dambayshu meel bay u jeedaa, marar badan oo laga yaabo inaan arrimahaasi ka qayb-galku noo suuro-galeen baa jirta. Laakiin, waxa weeyaan dabayl soconaysa ayaa jirta, awood aad u fara badan oo KULMIYE xiliyadii hore aanu ku lahayn Burco ayuu iminka ku yeeshay. Xagga shacbigana way ka timi, annaga laftayadu markaanu aragno wax danta gobolka iyo danta siyaasadoodu ay ku jirto, waanu caawinaynaa, waanan u baarikaynay shirkoodii.

Ogaal: Ma waxaad u jeedaa Udub gobolka Togdheer way uga dhamaatay?

Cabdi Aw Daahir: Anigu odhan maayo kelmada way uga dhamaatay, laakiin waxa weeyaan talada maanta waxa la moodaa inay aad iyo aad isu bedelayso oo awooddii Udub aad uga soo yaraanayso gobolka Togdheer.

Ogaal: Waxay xukuumadu ku eedaynayaa Xisbigiinu inuu ku ololaynayo magac qabyaaladeed oo isaaq ah oo aad ka duulaysaan taas maxaad ka leedahay taas?

Cabdi Aw Daahir: Iyagaa taa ku ololaynaya, shalaytana waan ka sheegnay markii shirkii golaha waanu ka sheegnay.

KULMIYE-na istiraatijiyadiisa siyaasadeed maaha mid ku ololaynaya isaaq iyo qolo way ka balaadhan tahay oo waa Somaliland oo dhan siyaasadiisu. Laakiin, kolba meesha la joogo xisbi waliba shirarka wuu la yaalan karaa, ururo, beelo, haween kolba meeshii la joogo.

Haddii maalintaa Boorame la joogana beelaha Booramaa lala kulmayaa, haddii Burco la joogana beelaha Burco.

Ogaal: Tartankii aad ka hadhay ee Wakiillada, waxa loo aaneeyaa sababta ugu wayn ee laguugu codayn waayay inay xidhiidh la lahayd ku biiritaankaagii Xisbiga KULMIYE, haatan ma waxaad leedahay waxaan ahay nin taageero badan helay oo dadkiisii ay taageereen Xisbiga?

Cabdi Aw Daahir: Istiraatiijiyadda siyaasadeed ee KULMIYE xiligaaba way ii muuqatay xaaladu waanaan ogaa in mustaqbalka ay isbedeli doonto oo wakhtigeeda ay qaadan doonto, markaa waxa weeye maan ahayn nin meel iska jooga oo aan ku xisaabtamayn xaalada maalintaasi. Isla-markaana waxaan ahaa nin garan kara waxa soo socda, markaa waxa la moodaa inay isbedelayso waa wax waaqiciya oo jira. Markaa maalintaa hore dadka Galbeedka Burco Xisbiga KULMIYE kaga jiray may badnayn, laakiin, maanta aad bay u badan yihiin waana waaqici isbedelaya, maaha aniga oo keliyaa wax ku waayay ee waa xaqiiq la og yahay oo loo jeeday.

Ogaal: Maanta ma waxaad leedahay isbedel badan baa dhacay oo waxay taageerayaan Xisbiga KULMIYE?

Cabdi Aw Daahir: Weli arrimuhu may kala miirmin, laakiin, waxa weeyaan dadku waxay arkeen inaan xisbigan maanta talada hayaa inuu shan sano oo dambe talada sii hayo waxay dadku u arkeen in aanay dantu ku jirin iyadoon wax dhibaato ahiba jirin. Waxaanay dadku u arkaan oo arrimaha u muhiimsan ee dadku qabo ka mid ah in dalka Xisbiga KULMIYE taladiisa la wareego. Laakiin maaha mid ay Cabdi Aw Daahir gaar ahaan ugu taageerayaan iyo mid aan dan gaar ah ka leeyahay. Laakiin waxa weeye waa arrinta jirta ee shucuurta reer Somaliland ay ka midaysan tahay, xalalka ay goosatay oo KULMIYE ka mid yahay inuu wax bedeli karo.

Ogaal: Haddiiba ay dhacdo oo taageeradaa badan beeshaadu u hayso KULMIYE , adigu shakhsiyan xil kuu astaysan oo Xisbiga KULMIYE aad ka doonaysaa ma jiraa ama ma is-sharaxaysaa?

Cabdi Aw Daahir: Laba guulood oo waaweyn ayaan mudnaanta siinayaa. Ta koowaad KULMIYE oo guulaysta oo aan u arko inuu dalka dan u yahay, ta labaad beeshaydii oo Xisbiga KULMIYE taageersan guul wayn baan u arkaa.

Ta kale xuquqda siyaasadeed wax shakhsiyan ii go'an iminka ma jiro. Laakiin waxaan ka ahay siyaasi qaybtayda ayaan ku leeyahay, laakiin taasi waxa weeyaan ta ugu dambaysa.
Source: Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

Date: 2007-06-16
Readed 580 Times

No comments:

Post a Comment