Monday 25 January 2010

SOMALIA: Plan to integrate ex-militias into security forces

SOMALIA: Plan to integrate ex-militias into security forces

NAIROBI, 25 January 2010 (IRIN) - Mogadishu residents have welcomed plans by the interim government to step up the integration of an earlier, ousted, regime's security forces into its own army.

"People are fed up and are tired of the daily attacks and miserable living conditions in the camps [for the internally displaced]; the insurgents enjoy very little, if any, support," a local journalist told IRIN. "The population will support any plan that may get them back into their homes."

In the past, said Sheikh Abdulkadir Ali Omar, Minister of Interior in the Transitional Federal Government, forces of the former President Abdullahi Yusuf and those of the Islamic courts [ousted in December 2006] operated in different commands, "even though they were supposed to be one. What we are now doing is to make sure that there is only one command structure and one cohesive force," he told IRIN on 25 January.

He said the forces' integration was part of an all-out mobilization to get a grip on the security situation in the city and the country at large.

"By the time we finish, there will be an effective force that will deal with and defeat the anti-peace elements," Omar said.

He said there would be no chance that Al-Shabab or any other group would be able to infiltrate the force. "We know who the Islamic court forces are and there will be no possibility that someone from Al-Shabab will infiltrate."

The militant Al-Shabab group is one of two insurgents that has been waging war against government troops in Mogadishu and in parts of southern and central Somalia.

A civil society source in Mogadishu, who requested anonymity, told IRIN the government had to move with speed to reorganize its forces.

"What we now have is a combination of two forces that don't work well together," the source said, adding that the government needed not only to find a way of integrating the two but removing criminal elements within them. "There have been numerous complaints by civilians that people within the government forces were committing crimes."

Mogadishu has been experiencing daily attacks and fighting between government forces and the insurgents, leading to the displacement of hundreds of thousands.

Training force

At the same time, the European Union (EU) announced it would train 2,000 members of the Somali security forces in Uganda.

However, the civil society source said the offer, although welcome, was not enough. "That kind of force will not be enough if they are to subdue the insurgents and take full control of the country."

Interior Minister Omar said the government welcomed the offer. "We will take full advantage of it," he added.

Omar said the government saw regaining full control over Mogadishu as a top priority. "I cannot give you an exact date but I am confident that we will regain full control of the city."

Previous attempts by transitional governments to secure Mogadishu have failed.

Madaxweyne wixii xad-gudub ah kulama leh beesha jibriil-yoonis


Bismilaahi Raxmaani Raxiim


Anaga oo ah gudida ku meelgaadka ah ee dhalinyarta jibriil yoonis ee ku dhaqan qaaradan yurub waxan halkan marka hore salaan uga soo gudbinaynaa guud ahaan shacbiga Somaliland iyo saxaafada dalka tan gobolka iyo ta guudba. waxanan ilaahay uga baryaynaa shacbiga Somaliland in uu ilaahay SWT siiyo nabad galyo waarta oo ay ka reebanyihiin xumaan iyo xasadba, somalilandna ha noqoto tii cadaalad ku caana maasha, Amiin.Waxa kale oo aan shacbiga xasuusinaynaa in haduu maamul xumaado la badali karo laakiin ay adagtahay in la badalo cadaalad xun oo bulsha dhan dhaqan u noqota, waxanan ku buurinaynaa shacbiga somaliand ta wanaagsan oo ah in wanaaga la is faro xumahana la iska waaniyo ilaahayna dhamaanteen ha ina waafajiyo khayrka AAMIIN.
Hadaan u gudubno ujeedada baaqayaga anaga oo ku hadlayna magaca dhalinyarta Jibriilyoonis ee qaarada yurub kadib kulan telefoon (telconference) oo xidhiidh ah wax badanna la iskaga xog-waramay fadhiyo iyo kulamo ay dhalinyartu gooni gooni u yeesheen, waxay dhalinyarta beesha Jibriilyoonis ee qaarada yurub isku raaceen inay kala noqdaan kalsoonidii ay u hayeen Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Ujeedada Qoraalka: Baaq iyo Cambaarayn
Waxan marka hore Madaxwayne Rayaalow ku ogaysiinaynaa in dhalinyarta Jibriilyoonis ee qaarada yurub oo mudo badan dabka iskugu ridi jirtay difaaca iyo taageeradaadu ay maanta waji gabax ka joogaan wixii tageera ahaa ee ay kuu hayeen kadib markii aad ku kacday ama aad ku guuldaraysatay inaad fuliso arimahan soo socda.
Qodobka: 1 ) Madaxwayne waxad ku fashilantay in aad ka midha dhaliso xasuuqii iyo dhagartii lagula kacay dadkii wadaniga ahaa ee sida axmaqnimada ah ee badheedhka ah loo laayay iyaga oo dalkoodii hooyo oo ay nabad moodayeen dhex socdaalaya.Madaxweyne waxan ognahay inaad qoysaskii dadka laga laayey qoys walba odayadii u xigay u dirtay ood tidhi maanta anigaa midida daabkeeda haya,dalkana cid iiga saraysaa ma jirto inuu dagaal sokeeye dushayda ka dhaco oo dalkani maanta gacanteena ku burburo ma doonayo ee tolkayow anigaa nimankaa dhagar qabayaasha ah soo qabanaya oo waa niman qaranka dambi ka galaye ii samra,Waxad ilaa imika ka qabatayna ma jirto.
Madaxwayne waxan kuu bayaaminaynaa dhagartaa kalabaydh ee dhiigeedii aad bi’isay hadii aad sida ugu dhaqsaha badan wax uga qaban waydo dhalinyarta beeshu waxay u cadaynaysaa kuna dhiiri galinaysaa bulshada reer Awdal/Selel iyo eheladoodiiba in goor ay noqotaba adiga lagaala xisaabtamo.
Qodobka: 2)Madaxwayne barahayn dambe waxad si badheedh ah u cadaysatay oo aad ku kacday falal xun oo ay kamid yihiin in aad si gaara sharafta uga qaado una cadaadiso waayeelka iyo waxgaradka gobolada Awdal/Selel.Anagoo ka jawaabayna erayadii dayl-qaafka ahaa ee dhawaan kaa soo yeedhay ee aad ku sheegtay in dawlada oo kali ah ka masuul tahay go,aankasta oo lagu iibinayo ama lagu kiraynayo dhulka shacbiga ka dhexeeya isla markaana aad sheegtay in aanay salaadiintu shuqul ku lahayn waxna laga waydiin karin aaya ka talinta dhulkooda,waxan kuu sheegaynaa in hadaladaa iyo fikirkaa, aad kaga dhawaajisay aanay ka turjumayn xaqiiqada iyo waayaha maanta soomaaliland ay ku sugantahay.
Waayo A- Somaliland maaha dal la aqoonsanyahay dawladeeduna maaha mid caalamka laga aqoonsanyahay oo shacbigeeda baahi walba ka haqab tirikarta.
B- Adigu ma tihid madaxwayne awood u leh in aad damaanad qaado nabad galyada shacbiga oo waan wada ognahay in afar wiil oo yar yar ay xukumadaadu maaro ay ku soo qabato u wayday.
C- waxa kale oo aan wada ognahay in dawladaada maamulkeedu aanu Burco wada gaadhsiisnayn waxana taa daliil u ah lacagtii giimbaarka ahayd ee Boorama xooga lagaga ururshay ayaa burco haatan laga isticmaalaa.
D- dawladaadu awood uma laha ay gobolada Awdal/Selel ku maal galiso ama wax ugu qabato oo taana waxa daliil u ah dhacdadii RIIGA ee hargaysa ka dhacday markii la maqlay Booramaa la gaynayaa.
E- Shacbiga soomaliland waa beelo isku tagay cidwalbana aayaha dhulkeeda iyadaa cidwalba uga lexejeclo badan taasina waa ta kugu kalifta mar walba in aad aaqilada reer Sool ama gobolada kaleba la socodsiiso talaabo kasta oo aad wax kaga qabanayso ama qaadayso. Markaa inaad tidhaa Awdal iyo Salal cidna wax ka waydiin maayo anigaa sidaan doono ka yeelaya cidda ka hadashayna waxba maaha waa ayaan darro kale oo aan loo dulqaadan karin.
Qdobka: 3) Madaxwayne waxad caadaysatay in aad maamul dhaqanxun oo laga baxay wakhtigan xaadirka loona baahnayn kula dhaqanto shacbiga gobolada Awdal/Salal adiga oo salaadiinta iyo waayeelada iyo beelaha goboladaa ku dhaqan ee walaalaha ah ee isku dhiiga ah u adeegsanaya dantaada gaarka ah iskana horkeenaya.(Qaybi oo xukun)
Qodobka: 4) Madaxwayne waxa kaloo noo muuqata in aad iska dhaadhicisay in aanay jirinba cidkale oo danaha Awdal/Selel lagala xisaabtami karo ama lagala hadli karo oo aan adiga ahayni taasina waa sharaf dil kale oo aad ugaysanayo dadka boqolaalka kun ah ee ay ku jiraan dabcan dad kaa cilmi badan kaana caqli badani.
Qodobka : 5) Madaxwayne waxan ognahay in madaxnimadaadii lagu hungoobay oo hoos u dhac wayn ay kala kulmeen dadka aad ka dhalatay,dhulkoodana aanad waxba kusoo kordhin adigoo aaminsan hadii aad wax u qabato inaad waayeyso kalsoonida gobollo kale. Waxan ognahay waxad uqabato bulshada gobolada Awdal/Selel iskadaaye in aad carqalad ku noqotay wada jirkoodii iyo jiritaankooda iyo taariikhdoodiiba. Oo markii ay waxba adiga iyo dawladaada ku waydiisanwaayeen aad ugu timiday wixii kali ahaa ee ay ku faanayeen taas oo ah dhulkooda taariikhiga ah.
Qodobka: 6) Madaxwayne marnaba dhalinyarta beesha iyo bulshada goboladuba kama soo horjeesanayaan wixii wax u faa’iidaynaya dadka iyo dhulkoodaba laakiin dadku wada jaahiliin maaha oo meel dad gaara loo ooday iyo meel bulshada camal looga furayna isku muuqaal maaha. Sacadiin iyo ceebaadna hadii dadka camal looga furayo oo ay faa’iido bulshada ugu jirtana kama aad dhigteen sir, kamana horjoogsateen awqaasha iyo waayeelada dalka.
Gaba gabadii waxan kuusoo jeedinaynaa Mudane Madaxwayne sida aad adigu kaligaa wax u arkayso arimaha Awdal iyo Selel maaha. Taariikhdu way is bedashaa umase muuqato taariikhda aad hada wadaayi mid wanaag kuusoo jiidaysa. Aduunkuna waa maalin iyo habeen hadii ay kula dheeraato xaqdaro aad bulsho ugaysanaysaana waa mid aad mar uun ka jaabi doonto ama aad macnayn doonto aakhiro iyo if mid ay noqotaba.
Waxa kale oo aan ku xasuusinaynaa in bulshadii meel daganiba ay leedahay wax ay ku faanto somalilana ay tahay sida caalamka kale bulsho iyo gobolo isku yimid oo uu nin walba meel daganyahay dawladii dadkeeda ushaqaynaysana waxa la gudboon in ay la tashato dadka meesha dagan.
Mudooyin badan waxad ku eedaysay xisbiyada macaaridka inay qabiil adeegsadaan adiga oo adigu isa saaraya fooqa qaran-nimo, laakiin hadii aan xaqiiqada ka hadalo ta aad reer Awdal kula dhaqmaysaayi eed dhiigoodii ku bi’isay eed dhulkoodana ku xaraashtay awqaashoodana sharafta kaga qaadaysaayi waa tu ku salaysan qabiil.
Sobobtoo ah maadaaba aad Awdal ka soo jeedo umaba aragtid in ay waxba xaq kuugu leeyihiin dadka reer Awdal iyo Selel taasina waa mid ka xun qabyaalada muuqata ee qof wax kugu yeeli karo.
Madaxwayne waxan kusoo gaba gabaynaynaa aragtidayadan in aanay madax meel kasaraysa oo la taabtaayi jirin isla markaana wixii bulshada reer Awd/Selel ay tabanayaana uu adiga dushaada yahay. Waxanan u cadaynaynaa buldhada ree Awd/Selel iyo beelaha kale ee reer soomalilanda in waxaad adigu gasho ee xad gudub ihi adiga kugu kooban yahay oo aanay beesha jibriilyiinis waxba kugula jirin maadaaba aanay jirin cid aad talo ka qaadato ama wax waydiiso oo reer Awdal/Selel ahi
Gudiga ku meel gaadhka ah ee dhalinyarada Jibriir Yoonis ee qaarada Yurub.

1) Dr.Cabdisalaan Xuseen Cawaale

2) Dr.Khaalid Xasan Aloore

3)Cabdale Faarax Sigad

4) Jawhar Cabdisamad Qalinle

5) Dr.Cabdiraxmaan Nuur Cige

6) Cabdiraxmaan Cali

7) Samaroon Rooble Hassan

8)Eng.Rashiid Mux.Meygaag

9) Eng. Yuusuf Xassan

Wabilaahi Tawlfiiq
Xigasho: Boramanews

Wefti uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland oo Gaadhay Dalka Faransiiska 20100125

iyo sidii loogu soo dhaweeyay.

Paris(Ramaas) Jan. 25, 2010 - Weftigii uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane, Axmed Yuusuf Yaasin, ayaa xalay oo ay taarihkdu aheyd 24.01.2010 waxa uu kasoo degay gegida Dayaaradaha calamige ee Charles De gaulle ee Magaalada Paris, halkaasi oo ay Madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisa ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka socday Dawladda Fransiiska iyo safiirka Somaliland u fadhiya Dalkan mudane Cali Ismaaciil Xasan iyo wasiirku xigeenka wasaarada caafimaadka ee JSL mudane Mahdi Cusmaan Buuri.


Madaxweyne kuxigeenka waxa uu soo marey dalka Jabuuti waxa uuna kulan la yeeshey daljiraha dalka France ee fadhigiisu yahey Jabuuti. Waxeyna ka wada hadleen dano ka dhaxeeya labada Wadan. Weftigu waxa uu uga sii gudbey dawlada Emirate ka halkaas oo uu kula kulmey madaxda Emirate ka waxayna isla afgarteen inay kulan danbe isla yeeshaan.

Madaxweye ku xigeenka iyo waftigiisuba waxaa isla markiiba loosii gudbiyey Huteelkii loogu tala galey, waxa uu madaxwayne ku xigeenku uga sii gudbi doonaa dalka France wadamo kale oo Europe ah.



Allaa Mahad Leh

Mahdi Cusmaan Buur

Wasiir kuxigeenka a Wasaaradda Caafimaadka ahna

Af-hayeenka Weftiga Madaxweyne kuxigeenka JSL, Paris, France.

ciyaaryahankii soomaaliyeed ee u horreeyay ee ka ciyaara kooxaha kowaad ee Ingiriiska

Ciyaar aad u wanaagsan oo galabta si toos ah looga daawanayay Televisionada caalamka oo dhan iyo dalka Ingiriiska oo ay dhaxmareysay kooxaha kale ah Manchester City iyo Scunthorpe koobka FA ee dalkaan ayaa waxaa markii ugu horeysay galabta lagu dhax arkay Wiil Soomaaliyeed oo la yiraahdo Abdi Salaan Ibraahim Cadaay, kasoo watey funaa
nada lambarkeedu yahay 48 islamarkaana ka mid ahaa ciyaartooyda kooxda Man. City.

Kooxda Man City oo ah koox weyn islamarkaana ay u dheelaan laacibiin heer Qaran ah ayaa waxaa leh hantiile Carab, ka mid noqoshada kooxdatan iyo inaa hadane noqoto 11 ciyaaryahan ee lagu bilaabayo ciyaarta ayaa ah wax aan sahlanayn, marka aad milicsato heerka kooxda ka joogto horyaalka dalka Ingiriiska oo aan oran kara mid ka mid ah horyaalada caalamka ugu xiisaha badan.

Cabdi Salaan Ibraahim Caddaay ayaa noqonaya Soomaaligii ugu horeeyay ee ka ciyaara dalkan iyo koobka FA oo ah koobabka caalamka ugu faacaweyn islamarkaana ugu caansan.

Run ahaantii magaalada London bahda isboortiga oo meelo kale duwan ka joogay magaalada ayaa dhamaantood ila soo xariirey islamarkaana aad ugu faraxsan inay arkaan wiil Soomaaliyeed oo garoonka ka dhaxmuuqda, iyadoo wariyaha ciyaarta sheegayay uu xusay inuu yahay Ciyaaryahan ku dhashay dalka Soomaaliya ciyaaryahan C/salaam Yare.

C/salaam oo numberka 48 xirta ee kooxda MAN CITY iyo Ayub Da’ud oo xirta isna number 47 ee kooxda Juventus ayaa waxaa oran karaa kuwo u noqon kara tusaale ay kaga daydaan (Rol Model ) dhalinyrada Soomaaliyeed.







Kooxda Man City iyo kooxda Scunthorpe ayaa waxay ciyaartii ku soo dhamaatey in kooxda Ibrahim ay ku badiso 4 goal, halka kooxda kalane ay keensatay 2 goal.

Markii ciyaarta dhamaatey ayaa waxaa wareysi bixiyay macalinka kooxda Man City Roberto Mancini oo u dhashay dalka Talyaaniga, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay guusha maanta iyo ciyaartoydiisa.

Waxaa la sadaalinayaa mustaqbalka dhaw in Soomaali badan lagu arki doono garoomada waawayn iyo kooxaha ka dheela madaama ay u soo gudbeen ciyaartooy da’yar Soomaaliyeed heerka kowaad ee kooxaha wiilashan halka waalidiinta Soomaaliyeedna looga fadhiyo inay caruurtooda gacan ku siiyaan sidii ay ku gaari lahaayeen heerar sar sare.

W/D:YUSUF YUSUF
Sports editor of SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com

seddex wasiir oo hadallo isburinaaya isweydaarsaday 20100125

Xukumada Somaliland ayaa muddo todobaad laga joogo dadaal iyo wakhti badan ku bixisay inay bulshada Somaliland ka dhaadhiciso hadalo Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye kaga hadlay wakhtigii halgankii SNM,




Madax weynaha Somaliland oo Shir jara’id qabtay ayaa ku dhaleeceyey Mudane Siilaanyo inu sheegay wakhtigii SNM , inuu amin sana nidaamka Fadaraalka in lagu dhaqo Somaliya,isagoo shaki galiyay inuu ilaa hada aaminsan yahay arintaasi.

Balse taasi waxa si cadho leh uga jawaabay Kusimaha Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu ku eedeyay Madaxwayne Rayaale inuu wakhtigii SNM iyo Siilanyo degalamayeen uu ka mid ahaa Xukuumadii kaligii taliye Maxamed Siyaad Bare.

Dhinaca kalena waxa hadalo is burinaya oo ay ka muuqato kala daadsanaan siyasadeed iyo khibrad la,aan dhinaca siyasada ah isku waydaarsaday warbaahinta ku hadasha afka xukuumada Saddex Wasiir oo ka tirsan Xukuumada.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Axmed Aadan Ismaciil oo xilkaasi dhawaan loo magacaabay ayaa hadalo ku qalafsan dhinaca siyaasada iyo nidaamka Dimuqraadiyada Axmed Siilanyo isagoo sheegay inaanu dalka soo gali Karin hadii aanu raali galin ka bixinin Mudane Siilaany hadalada uu kaga hadalay fikradii faderalisamka ee uu aaminsamnaa wakhtigii halgankii snm.

Wasiir ku xigeenku waxa uu ku tilmaamay hadalka siilanyo danbi qaran loogana baahan yahay inu xukuumada cafis waydiisto,dhinaca kalena hadalkaasi kasoo yeedhay Wasiir ku xigeenka ayay dadwayne badani ka qadeen anfariir siyasadeed,waxaana si deg deg ah uga hadalay Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Ducaale .

Wasiir Ducaale waxa uu raali galin ka bixiyay hadalka ku xigeenkiisa, isagoo sheegay inuu yahay nin wadanka qiimo ku leh halgankii lagu xoraynayayna qayb wayn kasoo qaatay,dadka iyo dalkan ka mudan sharf iyo qadarin ahana mushar ax madaxwayne oo u tartamaya mansabka dalka ugu sareeya,shacabka Somaliland tageero kudhex leh.

Isla saacado kadib waxa isaguna arintaai ka hadalay wasiirka wasarada warfaafinta Somaliland mudane Axmed Xaaji Daahir Cilmi o isaguna ku eedeyay Axmed Siilanyo waxyaabaha uu ka hadlay taasi oo uu sheegay in looga baahan yahay inuu caafis waydiisto xukuumada,waxaau intaasi ku daray in dhamaan siyasiiyinta Somaliland lasoo wada shaqeeyeen dawladii maxamed siyaad bare, cidgaarana aan lo nisbayn Karin arintasi.

Hadaba siyaabaha kala duwan ee ay uga hadleen wasiiradani arinta la xidhiidha axmed siilanyo ayay dadwayne badan ka mujieen saluug siyasadeed balse waxa haatan cadaatay kala dadsanaanta iyo qorsho la,aanta siyasadeed ee xukuumadu ku faanaysay inay nidaam leedahay.

Iyadoo marka loo noqdo hadalaa wasiirada ay tahay fadeexad siyasadeed oo hor leh soona wajahday xukumada iyadoo bulsho wayntuna ilaa haatan iswaydiinayaan ka ay qaadan karaan hadalkiisa wasiirada arintani ka kala hadalay oo kala fikrad ah iyo ka rasmiga ah eek u hadalaya afka xukuumada.

Dhinaca kalena marka loo eego siyasada Somaliland iyo xiligani halka at marayso ayaanay ku haboonayan in axmed siilanyo ka hadlo fikrad uu aaminsanaa muddo 20 sano ka hor ah markii uu degaalamayay ururkii snm iyadoo dhinaca kalena aanay haboonayan in xalada siyasadeed ee dalka ka jirta wakhtigani darted aanu ka hadal waxa uurkiisi ku jiray wakhtigaasi iyadoo kalmada faderalna dhibaato badan u gaysatay dalkani curdinka ah ee Somaliland.

Siilanyo oo lagu tiriyo rug cadaa siyaasiya una taagan tartanka doorashada madaxtinimada Somaliland inuu ku simbirixooda kalmada sababay in dhinaca ay iska so horjedaan ga f aidaystaan tartan dhinaca doorashada ah iyo tageero shacbi,iyadoo ilaa haatan aanay cadayn dhaawaca siyasdeed ee ay ku keeni karto xisbiga kulmiye kalmada faderal oo la siyasadeeyay oo xukuumadu ka faidaysatay sidii loo dhigay qaab aan ahayna ay bulshada ugu sheegatay.

Balse madaxawane rayaale laftiisa oo arintani ka hadalay ayay ku tahay dhabar jab siyasadeed oo dhinaca haykalka dawladnimo ah inay ka daba hadalaan wasiiro ka tirsan xukuumadiisa oo waliba isku khilaafay durida xisbi si wayn ay isku hayaan,iyagoo hadaladani iska horimanayaa noqonayan qaar khilaaf iyo kala tagsanaan ka dhex abuuraya xukuumada Somaliland iyadoo meesha ka baaysa tageeradii siyaseed ee ay bulshada kaga doonayeen inay kaga helaan.

Hadalaka Madaxwayanaha aya ahaa mid u ku doonayo inu ku helo tageero siyasadeed oo dhinaca dorashada ah kadib markii uu ku eedeyay mudane Siilanyo inuu aaminsan yahay nidaamka faderalka ah in Somalia lagu dhaqo,balse waxay tahay sheekada xiisaha lihi ee arintani dadwaynuhuna ka dhursugayan Siilanyo ma waydiisan donaa Xukuumda Rayaale Cafiska ay ka dalbanayso ,muxuuse ka odhan doonaa hadlada is burinaya ee wasiirada xukuumadu ku kala jabeen.

Maxamed Cabdi Ilig

Horn cable tv

www.ilig05@hotmail.comThis e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
burco togdheer

Diyaarad ay leedahay shirkada duulimaadka ee dalka Itoobiya ee Ethiopian Airlines, ayaa saaka arooryadii kusoo dhacday Xeebta dalka Lubnaan 20100125

Diyaarad ay leedahay shirkada duulimaadka ee dalka Itoobiya ee Ethiopian Airlines, ayaa saaka arooryadii kusoo dhacday Xeebta dalka Lubnaan.


Diyaaradan oo kasoo duushay Airporka Caasimada Lubnaan ee Bayruut, ayaa kusii jeeday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Diyaaradan rakaabka siday oo nooceedu ahaa Bowing (Boeig) 737, ayaa la sheegay inay ku dhacday bada Maditareeniyanka kadib markii ay hawada gashay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkayeen diyaarada oo dab qabsaday oo kadib bada ku dhacday.

Mr.Ghazi Aridi oo ah Wasiirka Gadiidka ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in diyaarada ay ku dhacday bada meel 3.5km u jirta xeebta.

Maraakiib kala gedisan ayaa ku baxay goobta diyaarada kusoo dhacday, ayagoo isku dayaya inay u gurmadaan dadkii diyaaradaasi saarnaa.Diyaarada ayaa waday 83 rakaab ah iyo 7 Shaqaalo, ayadoo dadka diyaaradaasi saarnaa ay ahayeen muwaadiniin wadamo badan kasoo kala jeeda.

Waxaa dadkaasi ku jiray 54 qof oo u dhalatay dalka Lubnaan, 22 u dhashay Itoobiyaa, British, Syrian iyo muwaadiniin Faransiis ah.

Illaa iyo hada waxaa bada laga soo saaray meydka 10 qof, ayadoo ehelada dadkii diyaaradan saarnaa ay soo buuxiyeen airporka Beyruut.

Gurmadka lagu doonayo in lagu badbaadiyo dadkii diyaaradaasi saarnaa ayaa si gaabis ah u socda, ayadoo ay saameyeen jawiga Hawada oo aad u xun, oo ay da’ayo roob xoogan iyo biyaha bada oo kacsan.



Shirkada Ethiopian Airlines ee diyaaradan lahayd ayaa sheegtay inay u dirtay dalka Lubnaan guddi soo baara sababta keentay diyaaradan inay dhacdo.

Raysalwasaaraha dalka Lubnaan Sacaad Xariri, ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay maalin baroordiiq ah, waxaana la joojiyey shirkii todobaadlaha ahaa ee Xukuumada dalkaasi yeelan jirtay.

Warqabadka Togaherer

Pakistan

HomeAbout usPhoto GalleryGabayoYAA CAAWINAYAQuraanReportsContact us
All rights Reserved by TogaHerer News Network (Shabakada wararka ee Togaherer.com)

“Warsaxaafadeed,Warsafeexadeed iyo Warfadeexadeed iyama?”By A. Geeljire

“Warsaxaafadeed,Warsafeexadeed iyo Warfadeexadeed iyama?”


“Warsaxaafadeed,Warsafeexadeed iyo Warfadeexadeed iyama?”

By A. Geeljire



Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Iyada Arrintii Wasiir ku xigeenka Arrimahu ka hadlay waxba ku noqon mayno oo waxa masaxay hadalkii Wasiirka arrimaha Dibaddu uu ka yidhi hadalkaase waxaan idiin sheegayaa inta nooc ee ay u qaybsan yihiin warsaxaafadeedadu.

Doolaal:Maxay u qaybsan yihiin

Dubbe:Waar horta nimanyow aad idiin sheegee waxa kala jira warsaxaafadeed, warsafeexadeed iyo warfadeexadeed.

Doolaal:maxay kala yihiin waxaad shubaysaa?

Dubbe:ii kaadi qoladan baan u wadaaye. Warsaxaafadeedku waa kii aynu naqaanay ee milgaha iyo shaafta iyo xigmadda xambaarsanaa ee farriinta siday. Warsafeexadeed kuna waa ka Ina Rayaale jeediyo oo sidii ciyaalkii dibjjirka ahaa ee safeexadda yar hoosta soo gashan jiray ee ku shiriqaadi jiray carruurta aanay sida kale ugu babac dhigi karayn weeye; oo wydinka arkay markuu saxaafadda la hadlayo inta bdhaasuq ee iska dhex tuuro. Warbaahinta cay, xisbiyada cay, madaxdhaqameedyada cay. Xikmad yare.

Doolaal:Ta kalena waa maxay?

Dubbe: ii kaadi qoladan baan u wadaaye. Ta kalena waa warfadeexadeed oo waa ta UDUB ta hoose Sida Jug-soo-Dhacay, Cismaan Hindi , Ina Xaaji Daahir,Cunaqabad Caddaani Mooge(ccm) iyo qaar kaloo badan oo aanu Cali Guray ku jirin.

Doolaal:idinku maxaa sheegtaan?

Dubbe: ii kaadi qoladan baan u wadaaye. Markaa horta caddaaladda darradana inaga ilaaliya oo bodhaaqii Ina Rayaale qodob wanaagsan baa ku jiray ee aan kaa isna tilmaano.

Doolaal:Muxuu ahaa.

Dubbe: ii kaadi qoladan baan u wadaaye.

Doolaal:waar muxuu u jeedaa maanta?

Dubbe: ii kaadi qoladan baan u wadaaye. Maya. Maya. Hay garan waayina. Dee horta adeerrayaal lama boodo ee ha fudaanina. Anigu Ina Rayaale amaani maayo ee waxba ha ka xanaaqina. Caddaaladda ayuumbaan ku dadaalayaa midhka xaqa ah waa la sheega.

Doolaal:waa maxay xaqaad sheegaysaa?

Dubbe: ii kaadi qoladan baan u wadaaye. Adeerayaal, inkasta oo aanan jeclayn waxii laga heshiiyay in dib loogu noqdo mar hadduu Ina Rayaalahii dhuuman lahaa isagii banaanka is keenayo,waan idinku raacsanahay in markii uu Axmed Siilaanyo halgamaayay inuu Ina Rayaale ahaa kuwa dumarka garayska ka gooya ee kelbadda naasaha kaga qabta raggana xiniinyaha (NSS). Waa runtiine been buu sheegayay markuu lahaa khilaafka Guurtida kama dambeeyo. Waa runtiine. Waa runtiine xaq umuu lahayn inuu saxaafadda caayo marna yidhaahdo ma akhristo marna ii soo urura aan war idin faree, su’aalana hay waydiinina.

Doolaal:saxaafaddu iyagaa qaldane.

Dubbe: ii kaadi qoladan baan u wadaaye. Waa runtiine madaxdhaqameedyada may ahayn inuu aflagaadeeyo. Waa runtiine may ahayn inuu aaska madaxda qaranka tegi waayo, waa runtiine may ahayn inuu wasiirkii India ku dhintay ee Kalluumaysiga ee Garaad la odhan jiray(ahn) meydkiisa diido inuu soo celiyo sidii uu u soo celiyay inantii u shaqayn jirtay oo sax uu ku ahaa. Waa runtiine …

Doolaal:maxaa runtood ah?

Dubbe: ii kaadi qoladan baan u wadaaye. Waa runtiine inuu qurbajoogga oo dalka iyo dadkuba ku nool yihiin caayo may ahayn. Waa runtiine inuu wakiilka Somaliland ee Maraykan fadhiya, Sacad Sheekh Nuur may ahayn inuu u diro khaarajiyadda dalkaa oo uu yidhaahdo Axmed Siilaanyo inaan cidi qaabilin ka codso(way diideene. iyagaana sheegaye. Xiiqo weeye) Laakiinse qofka xumi hadduu hadal wanaagsan sheego isla waa la qiimeeyaa. Ninkaasi markuu yidhi waar Golayaashii waqtigii baa ka wada dhacaya ee aan ka tashano. Ilaahay magane waa mid meesha ku jira.

Waa inoo qoraalka xiga haddii Eebe idmo.

A. Geeljire

BURCO: Agaasimaha Guud ee Maaliyadda oo Amray in Cashuur laga Qaado Dugsiyada iyo Maamulayaasha oo Ganafka ku Dhuftay 20100125


BURCO: Agaasimaha Guud ee Maaliyadda oo Amray in Cashuur laga Qaado Dugsiyada iyo Maamulayaasha oo Ganafka ku Dhuftay


Burco (Jam)- Maamulayaasha dugsiyada Waxbarshada Gobolka Togdheer ayaa ganafka ku dhuftay hadal kasoo yeedhay Agaasimaha guud ee Wasaradda Maliyadda Mr. Axmed Daa’uud, kaasoo uu ku sheegay in cashuur laga qaado dugsiyada waxbarshada kuwa gaarka looleeyahay iyo kuwa dawladda ee Gobolka Togdheer.


Qaar ka mid ah maamulayaashaa dugsiyada, ayaa waragayska Jamhuuriya u xaqiijiyay inay dedefeyeen dalab ka soo yeedhaya Agaasimaha Guud oo uu ku doonayay in lacag laga qaado dugsiyada waxbarshada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawladaba.


Maamulayaashani waxay intaa ku dareen in tallabadani ay u arkaan mid laga xishoodo, madaama waxbarshadu u baahan tahay gacan qabasho iyo dhiirrigalin, iyagoo xusay in gaadhsiiyeen arintan guddoonka waxbarshada Gobolka Togdheer oo iyagu ku tilmaamay arrin khaldan oo aan la qaadan karin.


Waxgaradka iyo aqoonyahanka ayaa si u cambaareeyay tallaabadan Agaasimaha Guud Maaliyadda iyagoo sheegay inuu muddooyinkan dambe magaalada Burco ka waday siduu uga dhallin xasilooni-darro, isla markaana hore isku dayay inuu kala qaybiyo xarunta Wasaaradda Maaliyadda Burco, balse laga diiday.


Waalidiinta ardayada dugsiyada ayaa iyagu dareen cadho leh ka muujiyay cashuurtana agaasimuhu ka rabo dugsiyada waxbarshada,”Hooyo dawlada miyaanay is-qaban, kii adhigeena lahaa waa afar kilo ayay nu ogayn, ka yidhi dugsiyadii lacag ha laga qaado ayay arkaynaa, lkuwani dawlad maahee waa xoogsato is urursata.” Sidaa waxa tidhi Cibaado Geelle Warsame oo kamid waalidiinta ardayada.


Sidoo kale, Cabdilaahi Cilmi Bullaale oo ka mid ah waalidiinta oo arintan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Agaasimuhu cashuur-doonis ka hayne uu rabay in mar kaliya mudaharaad iyo rabshado is-qabsadaan Burco oo sidii 1981 ardayadu mar kaliya ka soo dhaqaaqaan dugsiyadooda,oo ay isku bulato.”


Sida warar xogo-gaal ahai u xaqiijiyeen Jamhuuriya guddoonka Waxbarshada Gobolka ayaa la sheegay inuu arintan iska taagay meel adag, iyagoo sheegay iananay suurtagal ahayn in cashuur iyo liisamo loo sameeyo dugsiyada waxbarshada gobolka.


Amarradan ka soo yeedhay agaasimaha guud ayaa ah kuwo uu sii bixiyay badhtimihii bishan markii uu safarka ku yimi magaalada Burco, kuwaasoo ay fulinayaan Saraakiil ka tirsan Wasaarada Maaliyadda oo uu kaga tagay Magaalada ,iyagoo ku hawlan fulinta awaamiirta uu faraya Agaasimuhu.


Saraakiishan ayaa la sheegay inay qayb ka haayeen kooxo kormeer ku marayay Gobolada dalka, kuwaasoo hawlwadeenadii kale dib ugu laabteen gobolada ,haseyeeshee la sheegay kooxadani uu agaasimuhu si gaara u dhigtay Burco


Agaasimaha guud ee maaliyada ayaa isagu mudooyinkan ku hawlan xasirad ka abuurida magaalada, iyadoo la sheegay inuu wali u qarsoon yihiin dabino badan oo kale oo uu wali umaleegayo, agaasimaha guud oo ah astaan musuqmaasuq u taagan ayaa Bulshadu ku sifaysaa Mabuuta seko-sekaha Somaliland, ayaa dadweynaha degaanka togdheer si weyn ula socdaan qorshayaashiisa dhagaraysan.


Safarkii uu dhowaan ku yimi Agaasimaha Maaliyaddu magaalada Burco ayaa uu kala kulmay fadeexado is-barkan oo hadheeyay socdaalkiisa. Waa markii u horeysay ee lacag cashuureed iyo Liisan lagu soo rogo dugsiyada waxbarshada somalilanad, waxayna arrintani noqotay mid si weyn uga yaabisay dadweynaha, kana hor yimaaddeen





Jamhuuriya Online
Printable version Email this to a friend

Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Isku Gadaamay Tuulada Hol-Hol .12 Garaad-Na Ku Qabtay Iyo Garaad Jaamac oo u fakaday Deegaanka Saalax-Dheer

Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Isku Gadaamay Tuulada Hol-Hol Ee Lagu Shirinayay Garaadada Dhulbahante, 12 Garaad-Na Ku Qabtay Iyo Garaad Jaamac Oo U Fakaday Deegaanka Saalax-Dheer



“Ciidanku Waxay Goobtaasi U Tageen Inaan Shirkaasi Lagu Qaban Cid La Soo Qabtayna Ma Jirto, Ciidankuna Wali Halkaasi Ayay Ku Sugan Yihiin”

Badhasaabka Sool Faarax Askar Xuseen

Hargeysa, January 25, 2010 (Haatuf) - Ciidamada qaranka Somaliland ayaa shalay ku ruqaansaday islamrkaana isku gadaamay tuulada Hol-Hol ee garaadada beesha Dhulbahante ay ka abaabulayeen sidii shir lagaga soo horjeedo qaranimada Somaliland ay ugu qaban lahaayeen, taas oo markii ciidamada qaranku ay gaadheen goobtaasi ay gabi ahaanba joojiyeen shirkaasi uguna tageen laba iyo toban garaad halka la sheegay in Garaad Jaamac garaad Cali oo kali ahi u fakaday tuulada Saalax dheer ee degmada Buuhoodle.

Ciidamada qaranka Somaliland ee jiida Laascaanood oo uu wehelinayo badhasaabka gobolka Sool Faarax Askar Xuseen ayaa la sheegay markii ay tuulada Hol-Hol ee shirkaasi laga qabanqaabinayay gaadheen ay ugu tageen laba iyo toban garaad oo ay ka mid ahaayeen garaad Abshir Xasan Saalax, garaad Jaamac Ismaaciil Ducaale islamarkaana ay digniin ugu jeediyeen in shirkaasi ay gabi ahaanba joojiyaan, balse sida ay sheegayaan ilo xogogaal ah oo aanu ka helnay deegaankaasi ay sheegeen in garaadada Dhulbahante ay iyaguna ku adkaysteen in shirkooda ay qabsanayaan oo aanay joojinayn, islamarkaana ay ciidamada qaranka Somaliland ay isku gadaameen goobta ay ugu talo galeen shirka oo ay ku sugan yihiin laba iyo toban garaad oo la sheegay in garaad Jaamac garaad Cali oo isaguna ka mid ahaa garaadada ku sugnaa Hol-Hol markii ciidamada qaranku soo galeen ka hor uu u baxsaday tuulada Saalax Dheer ee deegaanka Buuhoodle.

Badhasaabka gobolka Sool Faarax Askar Xuseen, oo isagu ciidamada qaranka horkacayay markii ay gaadheen tuulada Hol-Hol oo 60-Km dhinaca galbeed kaga beegan Laascaanood kana tirsan degmada Xudun ee gobolka Sool, oo aanu xalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay isaga oo ku sugan Laascaanood, kana soo laabtay tuuladaasi ayaa isagu wargeyska Haatuf u xaqiijiyey, in ciidamada qaranku ay deegaankaasi u tageen sidii ay shirkaasi u joojin lahaayeen, isagoo intaa ku daray in xubno garaado ah oo aan badnayn ay goobtaasi ugu tageen ciidamadu, islamarkaana ay gebi ahaanba ay joojiyeen shirkii laga abaabulayay Hol-Hol.

Badhasaabka Sool oo ka warwareegay inuu si faahfaahsan uga hadlo dhacdadii ay kala kulmeen Jiidaasi ayaa si kooban isagoo uga hadlaya arrintaasi waxa uu yidhi “qaar ka mid ah deegaanka oo waday in ay shirkaasi ku qabsadaan deegaanka Hol-Hol ayaa ciidamada qaranka iyo anigu aanu u gaadhnay sidii aan tuuladaasi wax shir ah loogu qaban, qaar ka mid ah garaadadaasi ayaa goobtaas joogay, shirkiina gebi ahaanba waa la joojiyey ciidamada qarankuna deegaankaasi ayay ku sugan yihiin, waana deegaan Somaliland ah oo maamulka Somaliland uu gacanta ku hayo”

Badhasaabka Sool oo aanu weydiinay in garaadadii ciidamada qaranku ay goobtaa ku qabteen, in qaar ka mid ah loo soo qaaday magaalada Laascaanood waxa ka jira wararkaasi sheegaya in xabsiga loo soo taxaabay, waxa uu sheegay inaanay haba yaraatee jirin xubno xabsiga loo taxaabay, islamarkaana lasoo qaaday, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “wax garaado ah oo la-soo qaaday iyo cid xabsiga loo taxaabay toona ma jirto waana been abuur aan sal iyo raad lahayn”

Mar aanu weydiinay badhasaabka Sool tirada garaadada goobtaasi ay ugu tageen ciidamadu marka laga reebo garaad Jaamac Cali oo isagu u fakaday tuulada Saalax-dheer waxa uu yidhi “Runtii marka hore umay dhamayn garaadadu oo qaar ka mid ah oo aan badnayn ayaa goobtaas ku sugnaa, aniguna barito (maanta) ayaan ku laabanaya Hol-Hol ”

Dhinaca kale wafti ka tirsan xubnaha golaha wasiirada oo ay weheliyaan gudoomiye ku xigeenka labaad ee wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade ayaa xalay safar guuro gala ugu baxay tuulada Hol-Hol ee ciidamada qaranku isku xeereen, kuna sugan yihiin laba iyo toban ka mid ah garaadada beesha Dhulbahante, taas oo la doonayo in lagu shiriyo.

Dhinaca kale ilo-wareedyo aanu ka helay xalay dad goob joog ku ah tuulada Hol-Hol ayaa sheegay, in ciidamada qaranku ay ku gadaaman yihiin goobta loogu talo galay in shirka lagu qabto iyo guud ahaanba deegaanada ka ag-dhow degmada Xudun.

--------------------------------------------------------------------------------

--------------------------------------------------------------------------------

--------------------------------------------------------------------------------

Qarax Miino ah Oo Sadex Askari Ku Geeriyoodeen, Tiro Kalena Ku Dhaawacmeen Oo Ka dhacay Magaalada Laascaanood 20100125

Qarax Miino Oo Sadex Sakari Ku Geeriyoodeen Tiro Kalena Ku Dhawacmeen Oo Kadhacay Magaalada Laascaanood



Qaraxan oo ay ku waabariisteen dadka magaalada ayaa waxaa ku dhintay sadex kamid ah askarta booliska saldhiga laascaanood ....

Waxaa saaka qarax banbaano oo aad u xoog badan uu ku qaraxay saldhiga wayn ee Magaalada Laascaanood hortiisa qaraxan ayaa ka dan beeyaay kadib markii hiirtii hore ee saka ay shacabka Magaaladu ku war galiyeen ciidanka Boliska in ay miino la dhigay meel wadada qarkeeda ah halkaasi oo looga dago masaaji.


kadim markii ay Ciidamada amaanku qaadeen miinadii loona qaaday xaga saldhiga wayn ee Magaalada ayay miinadaasi ku qarax day askartii siday waxaana wararku sheegayaan in halkaa wax yeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaadhay ilaa 6 askari oo ka mid ahaa kuwii miinada siday.


Qaraxan oo ay ku waabariisteen dadka magaalada ayaa waxaa ku dhintay sadex kamid ah askarta booliska saldhiga laascaanood waxaa dhaawacyo xoogan ay kasoo gaadheen qaar kale oo kamid ah booliska.

Warar aan la hubin ayaa sheegaya inay dhimashadu tahay afar askari mid ka mid ciidanka oo aanu wax ka waydiinay sidda uu qaraxu u dhacay ayaa yidhi “ qaraxu wuxuu u dhacay markii hore qarax waanu helay markaanu soo qaadnay ee keenay saldhiga wayn ayuu qarxay )
Qaraxan ayaa ahaa mid kuwa hormuudka laguu hago waxaanna qaraxan oo kale hore loogu dilay taliyihii qaybta 12 aad

Wixii warar ka soo kordha kala soco Gabiley News...

Gabiley News Desk
lasanod Office

weligay intaan noola maan arag xukuumad tani ka liidata waa cun, seexo oo soo toos"| Daawo Sawirada 'Feysal Cali Waraabe'-birmingham

Madal Mucaarid Iyo Muxaafid Ah Oo Reer Birmingham Ku Soo Dhaweeyeen Gudd. UCID Faysal Cali Waraabe "weligay intaan noola maan arag xukuumad tani ka liidata waa cun, seexo oo soo toos" Daawo Sawirada

Birmingham (Golisnews.com)-24/01/2010- Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham ee xarunta labaad ee dalka ingiriiska ayaa si weyn oo aan loo kala hadhin markii ugu horaysay taariikhda magaaladaasi waxay usoo dhaweeyeen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga UCID Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan iyo saraakiil sar sare oo xisbiga UCID ka tirsan.

Kulankani balaadhan oo ay jaaliyadda Somaliland ee reer Birmingham ku soo dhaweeyeen madaxda xisbiga UCID ayaa wuxuu ka dhacay hotelka Hilltop, waxaana madasha hadalo aad u dhaadheer ka jeediyey Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo musharaxa madaxweyne ku xigeenka Maxamed Rashiid Sh. Xasan

ugu horayn Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Xuseen oo hadal ka jeediyey madasha ayaa wuxuu u mahad celiyey jaaliyadda reer Birmingham, wuxuuna uga tacsiyadeeyey hadalkii dhawaan madaxweyne Rayaale ku durray jaaliyaddaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalka dibadiisa isagoo taasi ka hadlaya wuxuu Eng. Faysal Cali waraabe yidhi "walaalayaal waxaan idiinka mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad noo soo dhawayseen ilaahay ha idin sharfo waad na sharafteene, walaalayaal waxaan doonaya inaan idiinka tacsiyadeeyo hadal uu madaxweynaha Somaliland idinku yidhi oo ahaa inaad lacagaha aad nagu taageertaan aad ku burburinaysaan Somaliland, waa hadal meel waayey, waa hadal aan u qalmin nin masuul ah oo ummad dhan iyo qarran dhan madaxweyne u ah inuu afkiisa ka soo baxo, jaaliyadaha reer Somaliland walaalayaal waa kuwii dalkaasi dhisay, maanta dalka dhan ee Somaliland wuxuu dhaqaale ahaan %80 ku tiirsanyahay waa gacantiina waa taageeradiina, idinka waddanka dhisay, xaasha eh hadalkaasi idinkama gayo waanan idinka tacsiyadaynayaaye ka raali ahaada" ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga cadaaladda iyo daryeelka Somaliland wuxuu si ba'an u weeraray xukuumadda Madaxweyne Rayaale isagoo ku tilmaamay mid keliya iskugu uruurtay cun, seexo oo soo toos isagoo taasi faah faahinayana wuxuu yidhi Eng. Faysal Cali waraabe "weligay intaan noola ee aan jiray ee aan arkaayey xukuumado xita tii ina siyaad barre-na ku dhaho ma arag xukuumad tani rayaale ka liidata, waxay hawshoodii iskugu soo uruurtay cun, seexo oo soo toos, wax kale oo la qabto ma laha, xafiiskii madaxweynahu wuxuu noqday meel loo sheeko tago, afar afmiishaar oo uu wasiiro ka dhagtay ayuunba dhegta wax ugu sheega" ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.


Guddoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu sheegay in xukuumadda Rayaale ay marmarsiiyo ka dhiganayso inay abuurto khilaaf dalka ka dhaca si looga durko doorasho dhacda "maalin kasta waxaanu u taaganahay inaanu khilaaf xalino, haddana mid kale ayaa la hurinaya, tii koomishanka ayaad ogaydeen, tii wakiiladda ayaad ogaydeen, imikana waa guurtidii, wax kale oo noo hadhi ma jiro eh ilaahay ha na dhaafiyo ina rayaale" ayuu yidhi Faysal

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo sharaxaad ka bixinaya qaabkii keenay muranka diiwan gelintii cod bixinta wuxuu sheegay in ay jirtay afar waxyaabood oo is dhinac ordaya isagoo taasi ka hadlayana wuxuu yidhi "horta dhibtu waxay ka timid inaga dhexdeena, mid ay sababayeen goboladu oo gobol kastaaba ka kale yaanu ka cod badan lahaa, iyo mid ay reeraha iyo qabaa'ilku ay sababayeen oo ahayd yaan reerna reerka kale ka badan, iyo mid ay sababayeen ashkhaas tuugo ah oo doonaayey inaan dalkani degin" ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu eedda khaladkii ku dhacay codbixintii diiwangelinta dusha uga saaray xubin ka mid ahayd koomiishankii dhawaan xilka wareejiyey oo aanu magaciisa sheegin "mida ugu weynayd ee dhibta keentay waxay ahayd nin koomiishankii xilkasnimada darra ka mid ahaa ayaa farta ku walaaqay, oo haddii cadaalad timaado aan anigu maxkamad keeni doono" ayuu yidhi Eng. Faysal Cali waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu sheegay in Somaliland ay weli ka kaban laadahay wuxuu ku tilmaamay kala qaybsanaan bulsho iyo siyaasadeed oo midnimadii ay Soomaaliya la gashay ku keentay "walaalayaal weli waxaynu ka kaban laanahay oo ka soo bogsan laanahay nimankii aynu la midawnay ee inagoo aan dawlad ahayn intaynu u tagnay sida birta ina calaashaday kala qaybsanaantii iyo kala qoqobnidii ay inagu beereen, waxay inagaga tageen kooxo is wada haysta oo midba ka kale eegaayo" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal wuxuu ka hadlay qaabka uu xisbigiisu dalka u maamuli doono haddii la doorto wuxuuna sheegay inuu dhisi doono dawlad aad u tiro yar oo ka kooban ayuu yidhi 18 wasiir wuxuuna markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in haweenku ay golahaasi wasiiradda ku yeelan doonaan 5 wasiir.

Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay musharaxa madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan oo sheegay in xisbigooda dhexdoodu ay isku dhaarsadeen in ay barnaamijka siyaasadeed ee ay dalka ku xukumi doonaan haddii la doorto ay sidiisa u fulinayaan, dhinaca kalana wuxuu ka hadlay Dr. Maxamed Rashiid qaabkii islaamku usoo gaadhay Somaliland isagoo ku tilmaamay in islaamku soo gaadhay Somaliland intaanu madiina soo gaadhin "markii nebi muxumed C.S.W oo u diray asxaabtii oo uu ku yidhi taga ardul xabash waxaa idin nabad gelin doona boqor caadil ah oo halkaasi jooga eh, waxay ka soo degeen saylac, wakhtigaasi diintu may gaadhin Madiina, markaa in maanta la yidhaahdo Somaliland ayaa diin loo keenaya waa waxaan caqliga iyo garaadku qaadan karin" ayuu yidhi Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan

Waxaa iyaguna madashaasi ka hadlay guddoomiyayaasha xisbiyada Kulmiye iyo UDUB ee gobolka Midland ee dalka ingiriiska, gebi ahaanba madasha ayaa ahayd mid aan hore usoo marin magaalada Birmingham oo ay dadweynaha ku kala aragti duwan hanaanka siyaasadda Somaliland ay u dhamaystirnaayeen.

ugu danbayntiina waxaa jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Birmingham iyo nawaaxigeedu ay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo musharaxa madaxweyne ku xigeenka Maxamed Rashiid Sh. Xasan ay guddoonsiiyeen shaahado sharaf reer birmingham ay u dhamaystiran yahiin

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Golisnews, Birmingham