Wednesday 3 February 2010

siilaanyo oo socdaalkiisii maraykanka reer somaliland warbixin ka siinaaya hotel Maansoor- Daawo Sawirada 20100203

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Guddoomiyaha Kulmiye Ku Soo Bandhigay Aqoonyahan, Siyaasiyiin Iyo Waxgaradka Somaliland Socdaalkiisii USA Iyo Ethiopia



Hargeysa-(iftin news)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Munaasibad ballaadhan oo uu xisbigiisu u qabtay hal-door aad u fara badan oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada waxa uu xog-waran dhammaystiran ka bixiyeydhawr ah oo ay ka mid nuxurka iyo muhiimadasocdaalkii uu dhawaan ku tegay dalka Maraykana iyo mawqifka xisbigiisa ee ku wajahan marxalada uu waqtigan dalku marayo.
munaasibadan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa waxa kaso qeyb-galay Siyaasiyiin ka tirsan Saddexda xisbi Qaran, Urur Siyaasadeedka UDHIS, Madax-dhaqameedyo iyo dadweyne kale ayaa soo dhaweyn xamaasad leh oo ka qeyb-galayaashu

ku soo dhaweeyeen Axmed-Siilaanyo, waxa uu sheegay masuulliyiintii reer Maraykan ee uu la kulmay waxyaabaha ugu waa weyn ee uu kala hadlay inay ka mid ahaayeen sidii

shacabka iyo xukuummadda Maraykanka loogu qancin lahaa inay u arkaan Somaliland wadan cagihiisa ku taagan, kana madax bannaan Soomaaliya inteeda kale iyo sidii Qarankan looga taageeri lahaa qabyo-tirka haykalka dawlad-nimo iyo adeegyada aasaasiga ee arrimaha bulshada.
“Masuuliyiinta Dawlada Mareykanka waxaan kala hadlay in Somaliland laga taageero dhinacyada dhaqaalaha iyo farsamadda ee hireglinta hannaanka doorashada madaxtooyadda ee fooda inagu soo haysa, sidii Somaliland loogu ogolaan lahaa ka mid noqoshada ururada caalamiga ah .”Waxyaabaha kale ee uu sheegay Siilaanyo inay ka wada hadleen Maraykanka waxaa uu xusay inuu ka codsaday sidii Somaliland loogu ogolaan lahaa ka mid noqoshada ururada caalamiga ah iyo sidii looga caawin lahaa dhinaca tacliinta. oo ay fursado waxbarasho oo bilaasha u heli lahaayeen dhallinyarada Somaliland.
Guddoomiye Siilaanyo waxa uu si weyn u dhalliilay hannaanka maamul ee madaxweyne Rayale oo uu ku sifeeyey mid taag daran oo tabcaana, islamarkaana wakhtigoodu gabaabsi yahay “Maamulka Maanta jiraa waa tabcaan wakhti koobana wuu u hadhay, daallaadhacooda iyo dambaabidhadoodu waxba u joojin mayno” sidaa waxa yidhi Axmed Siilaanyo oo qaab duur xul ah uga jawaabayay qaabka uu xisbigiisu uu waajahayo dacaayadaha qaar ka mid ah wasiiradda xukuummadu ka faafiyaan.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu hambalyo u diray ciidanka qaranka Somaliland, gaar ahaan wuxu ugu hambalyeeyey munaasibadda 16aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii ciidanka qaranka, oo maanta ku beegnayd, isagoo Siilaanyo wax laga xummaado ku tilmaamay inaan illaa hadda loo sammayn darajooyinkii ay kala lahaayeen, islamarkaana wuxu ballanqaaday inay siin doonaan xuquuqda dadka iyo dalka ay ka mudanyihiin ciidanku.

Muuqaallada xusuustu ku dheehnayd ee sida weyn u dareen geliyey ka soo qaybgalayaashii munaasibadaas, ayaa waxa ka mid ahaa markii siyaasiga weyn Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ay boqollaal qof fadhiga uga kaceen markii uu soo galay madashaas, islamarkana lagu soo dhaweeyey sacab iyo weedho loogu muujiyey taageero. taasoo laga dheehan karayay digniin amma farriin ku socota xukuumadda oo dhawaanahan la hadal-hayey inay xadhig la damacsantahay Eng. Xaashi hadaba isku soo wada duuboo socdaalkaa gudoomiye siilaanyo ayaa moodaa inuu u soo kordhiyey wax wayn iyo taageero badan xaga caalamka iyio xaga dadwaynay reer somalind waxaan lag dheehana soo dhaway tuu kal kulmay dadka reer hargisa tasoo aad moodo in xukumdu maalinba marka mid hadlo uu ka kaxaynay taageerayaal badan daba eegnaa bal halkay marto

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun


Haloo midoobo talada qaranka.
Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Maanta arrimaha nabedgelyado dalku waxay marayaan in ay meel adag. In arrimahaa laga midoobo meel leyska wada taago waa waajib qaran. Weliba waxaan shacab-weynaha ku leeyahay waa in gacan la siiyaa booliiska shaqeynaaya. Ciidamada amniguna waa iney heystaan macluumaad ku filan oo ay si fiican u shaqeeyaan sirdoonka dalka oo ay ku jihoobaan dhinaca cadawga dalka ayney sirdoonka loo tusin in cadawga kowaad ee dalku yahay xisbiyada qaranka.
Khudbaddii dhaweyd ee madaxweye Rayaale waxaa la filaayey in uu umadda u jeediyo khudbad ku jiheysan amniga iyo khilaafaadka qaranka. Inta badan madaxweynuhu warbixintiisu waxay aheyd mid difaac ah oo qodobkuu soo qaadaaba ay tahay naftii difaac . Ciduu iska difaacayayna waa axsaabta qaranka ( Kulmiye iyo Ucid ). Waxay aheyd, ilayn waa madaxweynihii qarakee, inuu ka hadlo wax ummada mideeya, xaaladaha adage ee dalku ku jirna u mideeya. Weli waxaa ka maqan aanu garan in uu madaxwene u yahay siilaanyo iyo feysal cali waraabe.
Mudane madaxweyne, annagu haddaanu mucaaridka nahay meelkasta oo aanu joogno debed iyo gudo waxaanu ka shaqeynaa midnimida ummadda, aqoonsiga Somaliland, walaaleynta shacbka iyo horumarinta dalka. Waxaase dhab ah in aanu ummadda mid guda jooga iyo mid debed joogaba aanu u sheegno,ugana warano in maamulkanu uu dayacay dalkii iyo dadkiiba, loonana baahanyahey isbeddel dhab ah . Dadkuna dayaca maamulkan waa ogyahey. Isbeddelna iyagaa dadku u diyaara ee ha ogaadeen.
Wuxuu maalintii dhaweyd madaxweynuhu yidhi waxaa nala yidhaa wixii xunba Xaawa leh. Haddi sidaas aad u markhaati furtey haddii aad wax wanaagsan qaban laheyeen waxey noqon laheydeen wixii wanaagsan Xaawa leh. Wuxuu aad u difaacaayey dayacii doorashadu dib ugu dhacdey oo ay masuul ka ahaayeen . khilaafka guurtida oo madaweynu kaw ka yahay, dhulka iyo gasiiradaha la iibiyey oo sharci darada ah,siyaasadooda liidata ee arrimaha debeda, arrimaha nabargelyo xumo ee ka soo korodhay bareha. Wuxuu madaxweynuhu arrimahaas iyo qaar kale oo uu soo qaatey ayuu ku tilmaamey in ay mucaaridkuu nagu canaanayaan haddey laba digaagood suuqa isku qabsadaan . Madaxweyne arrimaha aanu ka waaweyn laba digaagood oo isdiley ee waa arrimihii ugu cuslaa qarankan aad madaxweynaha ka tahay.Waxaasoo dhanna ama ka galgalo amma ha ka galgalane masuuliyaddeeda adiga leh. Waana sababta dalkanu ugu baahanyahay isbeddelkas si arrimahaas aad dayacdey loo badbaadiyo ilaahay ayaa wax badbaadiya.
Dr.Cabdi Aw Daahir Cal

siilaanyo oo socdaalkiisii maraykanka reer somaliland warbixin ka siinaaya hotel Maansoor- Daawo Sawirada 20100203

Somaliland-Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Kulan Taarikhiya Gudomiyaha Barlamanka S-Land Iyo Dhigiisa Dalka Sweden 20100203

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Kulan Taarikhiya Gudomiyaha Barlamanka S-Land Iyo Dhigiisa Dalka Sweden



Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden waxa uu sheegay in uu ku farxsanyahay horuumarka fiican ee ka socda Somaliland. Taasina

Stockholm(GNS)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Mudane Abdirahman M Abdillahi(Cirro) ayaa maanta oo bishu tahay 2 february lagu qaabilyey Baarlamaanka Sweden.

Gudoomiye Cirro waxa qaabilyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden Mudane Per Westerberg oo si wacan u maamuusan u qaabiley Mudane Cirro. Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden Mudane Per Westerberg waxa uu Gudoomiye Cirro u sheegay in uu ku faraxsanyahay inuu qaabilo wefdiga uu hoggaaminayo Mudane Abdirahman M Abdillahi.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland waxa weheliyey kulankaas Xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa iyo Wakiilka Somaliland ee Sweden Mudane Eidarus Sh Adan. Mudane Cirro waxa uu warbixin ku saabsan Barlamaanka Somaliland iyo geedi socodka dimuqraadiyada siiyey Gudoomiye Per Westerberg.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden waxa uu sheegay in uu ku farxsanyahay horuumarka fiican ee ka socda Somaliland. Taasina ay tahay mid la dhiiri geliyo. Waxca uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden Mudaane Per Westerberg ku ballan qaaday in uu ka shaeqeyn doono sidii aqoon isweydaarsi loo sameyn laha ku saabsan labada Gole.

Booqashada uu Gudoomiye Cirro iyo xildhibaan Ibrahim Mahdi Buuba ay ku tageen dalka Sweden waxa ka dembeeyey casuumad ka timi Baarlamaanka Sweden. Intaaney labada gudoomiye kulmin waxa uu Gudoomiye Cirro la kulmey madax ka socota Gudida Distoorka ee Barlamaanka Sweden. Halkaas oo looga waramey sida ay Gudiyada Baarlamaanku u shaqeeyaan guud ahaan, khaastana Gudida Distoorka.

Gudoomiye Cirro intaa uu booqashada rasmiga ah ee uu ku joogo Sweden waxa uu la kulmi doona madax ka socota Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Sweden. Waxa kale oo uu booqan doona Gudida Dorashada ee Sweden (Swedish Election Authority).

Waxa kale oo maalinta jimcaha5 february ka dhici doona Baarlamaanka Sweden siminaar ku saabsan doorashada Madaxweynaha ee soo socota. Siminaarkaasna waxa ka soo qeybgeli doona madax ka socota Arrimaha Debedda ee Sweden iyo Xildhibaano ku jira Baarlamaanka Sweden iyo Hayaddo u hadla xuquuqda Aadamaha.

Booqashadan Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somalialnd uu ku joogo Sweden waa mid taariikhi ah. Waa markii ugu horeysay ee Gudoomiye Cirro lagu qaabiley heerka ugu sareeya. Taasina waxa ay tuseysa in Dawladda Sweden iyo Baarlamaanka Sweden ay rabaan in ay wax la qabsadaan Baarlamaanka iyo shacbiga Somaliland.

Mohamed Abdilahi Hassan
Freelance Journalist
Stockholm Sweden
Eidarusadan@hotmail.com




Dawladda Sudan oo shuruud ku xidhay Ictiraaf Caalami ah oo ay Somaliland hesho 2010

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Dawladda Sudan oo shuruud ku xidhay Ictiraaf Caalami ah oo ay Somaliland hesho




Addis-Ababa (Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Sudan Deng Alor ayaa sheegay in walaaca badan ee ay Afrika ka qabto xasilooni darada ka taagan dalka Soomaaliya ay horseedi karto in loo jeesto Somaliland oo labaatankii sannadood ee u dambeeyay uu ka jiray xasilooni iyo nabadgeliyo.

Wasiir Deng, oo shalay xarunta Midowga Afrika ugu waramay saxafiyiin reer Somaliland ah oo shirkaas ka qayb galaya, waxa uu ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, mustaqbalka Somaliland iyo weliba doorashooyinka soo socda ee la filayo inay dhawaan ka dhacaan koonfurta dalka Sudan oo uu isagu ka soo jeedo, “Jiilal badan ayaynu ku weynay Soomaaliya, waana masuuliyadda hoggaamiyayaasha Afrika inay talaabo adag ka qaadaan sidii Soomaaliya loogu soo celin lahaa kala dambayntii.” ayuu yidhi Wasiirku, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas raaciyay, “Meel kasta oo qaaradda ah waxa ka jira walaac Soomaaliya ah, tallaabadii laga qaadi lahaana wada hadal ayaa ka socda. Markaas walbahaarka Soomaaliya ee meel kasta laga ogyahay werwerkiisu saamayn weyn ayuu ku leeyahay haddii ay tahay Hargeysa, Muqdisho iyo meel kasta. Hargeysa [Somaliland] had iyo jeer waa nabadgeliyo, waxa ka jirta Somaliland xasilooni iyo ammaan rejo gelinaya dadka, laakiin sidaas oo kale waa laga hirgelin karaa Muqdishana.”

Dalka Sudan ayaa xubin firfircoon ka ah Urur-gobolleedka IGAD ee Afrika iyo sidoo kale Midowga Afrika oo isna xubin ka yahay.

Mar la weydiiyay in Somaliland ay fure u noqon karto dhibaatada Soomaaliya ka taagan, waxa uu yidhi, “Haa, run ahaantii waxa ka dhacaya Somaliland way kaga dayan karaan Soomaaliya, xaqiiqdiina taasi waa ta rajada gelisay dadka, sababtoo ah haddi ay taasi Somaliland ka jirto, maxay Soomaaliyana uga hirgeli weyday.”

Mar la weydiiyay sababta ay Afrika uga dhego adaygayso qaddiyadda aqoonsiga Somaliland oo ah dal labaatanki sannadood ee u dambeeyay u halgamayay ictiraaf uu ka helo bulshada caalamka, waxa uu shuruud uga dhigay in ay Somaliland iyo Soomaaliya ka wada-hadlaan arrintaas, waxanu yidhi, “Horta Afrika iyo Midowga Afrikaba waxa wax lagu maamulaa qawaaniinta ururka u yaala, dadkuna way qabaan dareenka Somaliland, aakhirkana waxay noqon doontaa in la eego Somaliland. Dadka reer Somaliland waxay la soo dagaalamayeen aqoonsi siyasadeed la’aan, laakiin waxa sidaas kula shaqaynayay gobalka, AFrika iyo beesha caalamka, islamarkaana sumcad wanaagsan ayay gobalka ku dhex yeesheen. Balse aqoonsigu wuxuu muhiim ku yahay inay dadku kula shaqeeyaan. Arrinta aqoonsiga Somaliland cidina ma doonayso inay ka hadasho Soomaaliya kala qaybsan, balse taasi waxay ku xidhantahay uun go’aan Soomaaliya iyo Somaliland ka wada gaadhaan arrintaas, waana markaas marka cid kastaanba aqoonsanayso Somaliland.”

Wasiirka Arrimaha dibadda Sudan oo la weydiiyay mudada uu filayo inuu aqoonsiga Somaliland baadi goobkiisu qaadan karo, waxa uu yidhi, “Sidaan hore u sheegay aqoonsiga siyaasadeed waa taageero, laakin aqoonsiga aan rasmiga ahayni waa sida ay Somaliland kula shaqayso dalalka gobalka iyo beesha caaalamka, waana aqoonsi aan rasmi ahayn oo muujinaya in bulshadan [Somaliland] ay dhab ka tahay qaddiyadoodu, islamarkaana ay tahay in la caawiyo. Ma sheegi karno mudada ay qaadanayso, laakiin waxay ku xidhantahay uun hadba siday noqoto xaaladda Soomaaliya, sababtoo ah xataa xaaladaha Soomaaliya saamayn bay ku leeyihin Somaliland.”

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Dalka Sudan, waxa kale oo uu fikir xaqiqo ahayn ku tilmaamayn hadal uu Madaxweynaha Liibiya Qaddaafi ka sheegay shirjaraa’id oo uu qabtay, kaas oo ahaa in haddii ay xiitaa dadka koonfurta Sudan u codeeyaan inay ka go’aan Sudan uu dagaal dhex mari doono dadka koonfurta Sudan. “Maya, wax jira maaha.” ayuu yidhi Wasiirku.

Xigasho: Wargeyska Ogaal

siilaanyo oo socdaalkiisii maraykanka reer somaliland warbixin ka siinaaya hotel Maansoor- Daawo Sawirada 20100203

Somaliland-Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun