Friday 9 April 2010

codkaaga wax ku beddel. oo udub shan kale ha ugu darin

Dalku Isbedel ayuu u baahanyahay
Waxaynu maanta kala dooraneynaa horumar iyo shan sanadoo oo dambe oo rafaad ah. Waxaynu kala dooraneynaa in aynu kharajka yar ee dalka soo gala aynu daaro dabaqada ah kaga dhisno Paris , shaariqa, iyo afrikada bari oo aynu udub doorano. iyo in aynu ku dhisno gobolada cusub ee oodweyne, gabiley , badhan, baligubadle, caynabo iyo saylac oo aynu kulmiye doorano. Doorashada iyo codkaag u ma sahlana, ee ogaw. In aynu wadada odweyne dhisno waxay ku xidhantahay codkaaga.Waxaa xaqiiqa ah hadaad codkaaga siiso UDUB, waxaa lagaa qaada iyo waxa ummadaha kale ku siiyaanba waxay sii kordhinayaan dabaqyo laga sii dhiso yurub .
Tahriib, shaqo la.aan, ciidamu bilaa darajo ah, lacagta giimbaarta ah ee burco, daryeel la,aan caafimaad iyo waxbarasho. Musumaasaq, cadaalad daro, ganacsi koota, run aan la sheegeyn, wado ciid la dhigaayo , iyo warshad sibidh oo dhagax la dhigaayo waa udub dooro. Intaas oo aynu wax ka qabano wax ka beddelo waa kulmiye dooro. Labadaa wado way kala cadyihiin. Codkagaa oo aad meel khaldan mariso aad mar kale udub doorataa waa naftada oo aad khiyaameysay ama waa garashola,aan.

Thursday 8 April 2010

Saturday 3 April 2010

Dhabtii libaaxa oo riyaale laga kiciyay, siilaanyo ku fadhiyo


Hargeysa(saraarnews) Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa galabta xaflad aad u balaadhan oo ay ku qabteen Huteelka KAAH ee Barriga Hargeysa waxay ku soo dhaweeyeen isbedel doonka aqoonyahanada, siyaasayiinta, ardayda jaamacadaha iyo culimo awdiinka Beesha Habar Yoonis oo ku biirtay xisbigaasi.

Xafladan waxa kale oo ka soo qeyb galay Guddoomiyaha KULMIYE, Guddoomiye Ku Xigeenkiisa Koowaad, labada sarkaal ee xisbiga KULMIYE u qaabilsan olalaha doorashada iyo in ku dhow kun qof oo ka tirsan beesha Habaryoonis kuwaasi oo sheegay inay ku biireen xisbigaasi waxaanay xukuumada ku eedeeyeen inay ku fashilantay inay wax ka qabato adeegyada bulshada ee Gobolka Oodweyne iyo guud ahaan deegaanada ay beeshaasi degan tahay, oo ay xukuumada ku eedeeyeen inay ka baxday balan qaadkii ay u samaysay doorashadii madaxtooyada ee hore.

Maxamed Xasan Dirir iyo Mustafe Ibraahim, oo ka mid ahaa dhalinyaradii ku hadlayay magaca ardayda Jaamacadaha dalka ee ku biiray xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in wadanku uu u baahan yahay isbedel siyaasiya waxaanay xukuumada ku eedeeyeen inay ku fashilantay oo ay ka baxday balanqaadyadii hore ee ay samaysay xiligii la galayay doorashadii hore. Waxaanay tusaale u soo qaateen lacagta Giimbaarta ah oo aanay ka bedelin gobolada bari iyo Biriijkii labaad ee Hargeysa oo sanado badan dunsan ummaddana dhibaato badan ku haya.

Dhalinyaradaasi waxay sheegeen in Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee beeshooda kaga jira Xukuumaddu ay isku dayeen inay dhalinyaradaasi si dhalanteed ah u sasabtaan isla markaana ay u qaadaan balamo kale oo ay xuseen inaan la fulinaynin.

Guddoomiyaha Olalaha doorashada ee gobolada barriga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlay xafladaasi ayaa si weyn u soo dhaweeyay taageereyaashaasi ku soo biiray oo uu tilmaamay inay u baahnaayeen.

Dr. Gaboose wuxuu sheegay in Wasiiro ka tirsan xukuumadu ay Madaxweyne Rayaale been u sheegi jireen kuna odhan jireen dhab libaax ayaad ku fadhidaa taasi oo uu tilmaamay inay beenowday.

Guddoomiyaha olalaha doorashada xisbiga KULMIYE ee gobolada barriga Somaliland wuxuu sheegay in xukuumadu taayiro iyo dhagaxaan ay wadooyinka u dhigto Guddoomiyaha KULMIYE halkii looga fadhiyay inay ummadda wax u qabato.

Dr. Cabdi Aw- Daahir, oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay taageereyaasha aadka u faro badan ee ku soo biiray KULMIYE oo uu xusay inuu muddo badan isagu beeshiisa kaga jiray maantana lala arkay wixii uu Xukuumada iyo UDUB kaga biyo diiday.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo taagereyaashan ku soo biiray oo isugu jiray Aqoonyahano, waxgarad iyo arday Jaamacadeed, waxaanu si weyn ugu mahad celiyay mulkiilaha Huteelkaasi oo uu sheegay inuu gaashaanka ku dhuftay dalabkii xukuumadu ku doonaysay inay ka hor istaagto xisbigiisa xafladan.

Guddoomiyuhu wuxuu u balan qaaday dhalinyarada in Barnaamijkiisa siyaasadeed ay ugu jirto sidii wax badan oo ugu qaban lahaa isla markaana uu ka horqaadi lahaa caqabadaha dhinaca sharciga ee ka hortaagan inay ka qeyb galaan Goleyaasha hoggaaminta.

Md. Axmed Siilaanyo wuxuu xafladaasi kaga dhawaaqay haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxtooyada inuu furi doono ururada siyaasada si tallada dalka cid waliba uga qeyb qaadato.

Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu Taliyaha Booliska uga digay inaan loo adeegsan burburinta iyo xadgudubyada loo geysanayo Xisbiyada mucaaridka ah.

Dhinaca kale, waxa abaaro 3:30 galabnimo la xidhay wadooyinka u dhow Hudheelkii Xafladan lagu qabanayay ee KAAH oo ku yaala bariga Magaalada waxaana halkaasi la dhigay Dhagaxaan faro badan oo ay masuuliyiintii KULMIYE gacantooda kaga gureen. Iyadoo Huteelka Hortiisana ay gaaf wareegayeen Ciidamada Booliska.

Mulkiilaha Huteelkaasi oo gaashaanka ku dhuftay amar Boolisku ku siiyeen inaan lagu qaban shirar siyaasadeed, waxaanu sheegay inuu xor u yahay ganacsigiisa isla markaana xisbigii u yimaadaba uu ka kirayn doono.

Sunday 28 March 2010

Alshabaab iyo caalamka


Hillary Clinton oo sheegtay in Kooxda Alshabaab ay halis ku tahay ammaanka Mareykanka iyo dadka Soomaalida intaba .

Coventry City(Golisnews.com-Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Haweeneyda lagu magacaabo Hillary Clinton ayaa waxa ay ku sheegtay Xarakada Alshabaab ee Soomaaliya mid dhibaato ammaan ku ah jiritaankeeda dalka Mareykanka , maadaama uu xiriir kala dhaxeeyo Ururka Alqaacida .


Hillary waxa ay kaloo sheegtay in Alshabaab ay halis ku tahay muwaadiniinta Soomaaliyeed oo lagula dhaqaaqo howlo rabshado leh iyo kutumasho xuquuqdooda ,iyadoo la gooynayo qaar ka mid ah Xubnaha jirkooda , taasina ma ahan ayey tiri wax la aqbali karo.



Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Haweeneyda lagu magacaabo Hillary Clinton oo weriyeyaasha kula hadleysay Magaalada Washington gelinkiii dambe ee shalay ayaa waxa ay tilmaantay laga maarmaanshaha in la taageero Xukuumadda KMG ah ee hadda ka jirta dalka Soomaaliya si loo xaqiijiyo ammaan , loona soo celiyo deganaanshihii Soomaaliya oo ay ka qeyb qaadanayaan beesha caalamka iyo Midowga Africa .



Dowladda Mareykanka ayaa iyadu raadineysa waddo ay kaga taqalusto Xarakadda Alshabaab sida ay sheegayaan ilo wareedyo laga helay Sirdoonka dibadda ee wadankaasi.Hillary Clinton hadalkan markii ay ku dhawaaqeysay ayaa waxaa garab fadhiyay Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Robert Gates.



Ilaa iyo hadda ma cadda qorshaha Mareykanka uu la damacsan yahay Soomaaliya , iyadoo lagu wado in cishooyinka soo aadan uu Magaalada Washington uu u safro Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo , halkaasoo lagu wado in kulan uu kula yeesho saraakiisha ammaanka wadankaasi.





Golisnews Suleiman Saeed Kabadhe

Friday 26 March 2010

warbixin guddidii isbitaalka Hargeysa ee la kala eryay

Hargasya(Ramaas) Mar.25, 2010 - Guddidii Cisbitaalka Guud ee Hargaysa ee todobaadkan madaxwaynuhu kala diray kadib markii uu ku eedeeyay in ay sidii sharcigu ahaa xilkoodii u gudan waayeen oo ay xidhiidhkii ka goosteen wasaaradda caafimaadka iyo shaqada oo xukuumadda uga wakiil ah siyaasadda caafimaadka, ayaa ka hadlay waxqabadkoodii iyo xadgudubyo ay ku eedeeyeen in uu guddida ka galay wasiirkii hore ee Caafimaadka Mudane Cabdi Haybe Maxamed.

Guddoomiyaha guddida madaxa banaan ee cisbitaalka guud ee Hargasya Mudane Maxamed Xuseen Caabi iyo Suldaan Xasan Warsame Shire (Barre) ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabteen xaruntooda magaalada Hargaysa waxay ku sheegeen in ay xilka banaynayaan, hase yeeshee muddadii ay shaqaynayeen oo ahayd muddo toban sannadood ah ay horumar iyo is bedel ku sameeyeen maamulka iyo muuqaalka Cisbitaalka guud ee Hargaysa, wax wayna ay ka badeleen adeegii uu bulshada u hayay.

Guddidani waxay sheegeen in ay dayac tir iyo dib u dhis ballaadhan ku sabeeyeen waadhadhka cisbitaaka guud ee Hargaysa, isla markaana ay ku soo kordhiyeen lix waadh oo cusub oo bukaan jiif ah, qaybta caruurta, qaybta umulaha, qabta dhimirka iyo labaatan qol oo ah kuwa gaarka ah, Istoodh wayn iyo qolka shirarka iyo tababarada.

Guddidu waxay sheegeen in ay si dhamaystiran u qalabeeyeen shan waadh oo kuwa qalliinka ah oo uu ugu deeqay dalka Kuwayd, Mishiin wayn oo ah nooca Oxgen-ka dhaliya, oo isagana uu cisbitaalka ugu deeqay dalka Kuwayd.

Guddidaasi waxa kale oo ay sheegeen in ay Cisbitaalka ku soo kordhiyeen shan gaadhi oo saddex kamidi yihiin Ambalaas, isla markaana ay dawooyin jaban keeneen si cisbitaalku dhaqaale uga helo, waxaanay intaa ku dareen in ay kabeen gunnooyinka shaqaalaha Cisbitaalka, isla markaana tababaro dalka gudihiisa iyo dibadiisaba isugu jiray u direen qaar kamida shaqaalaha isbitaalka.

Guddidu waxay gaashaanka ku dhufteen oo ay iska leexiyeen eedihii Madaxwaynuhu u soo jeediyay ee la xidhiidhay in ay xilkoodii u gudan waayeen sidii sharciga ahayd, waxaanay sheegeen in wasiirkii hore ee Caafimaadku uu guddida iyo cisbitaalkaba ka galay xadgudubyo badan oo ay ka mid ahaayeen bedelkii agaasimihii hore, gaadiidka Cisbitaalka oo uu lambaradii ka bedelay, Dhakhaatiirtii Cisbitaaka oo uu dhex galay qaarna eryay, nidaamkii dawada cisbitaalka oo uu bedelay iyo raashinkii bukaan jiifka ee WFP oo ay ku eedeeyeen in uu dhiniciisa ka istaagay.

Guddidu waxay sheegeen in ay xilkii baneeyeen, isla markaana wixii ay hanti lacageed ay u hayaan Cisbitaalka ay ku wareejin doonaan Hanti dhawraha guud, waxaanay ku dardaarmeen in loo baahan yahay in la ilaaliyo oo aan la xagal daacin nidaamka cisbitaaka u dejisan ee la xidhiidha dhinaca maamulka iyo horumarinta.




Ramaasnews Desk
Hargaysa

gabadh yar oo garoowe laga soo dhacay oo burco lagu qabtay

Booliska Togdheer oo Gacanta ku Dhigay Gabadh Yar oo Laga soo Xaday Garoowe
Tuesday, 23 March 2010
Gabadh 13 jir ah oo kooxdii xaday kaga badbaaday xannuun dhinaca beerka ah oo laga helay









Burco (Togdhnews)- Ciidanka booliska magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa shalay gacanta ku dhigay gabadh yar oo la sheegtay in muddo laba bilood ka hor laga soo xaday magaaladda Garoowe ee maamul-goboleedka Puntland, taasi oo laga soo celiyey dhinaca dalka Itoobiya, kadib markii kooxdii loo geeyey oo baadhitaan caafimaad mariyey ay ka heleen xanuun dhinaca beerka ah.

Sida uu galinkii dambe ee shalay Jamhuuriya u xaqiijiyey madaxa baadhista saldhiga dhexe ee magaaladda Burco Cismaan Warsame Diiriye, waxa boolisku guri ku yaal magaalada Burco ku qabteen inanta yar ee la soo xaday oo la yidhaahdo Nimco Maxamed Xuseen, da’deeduna tahay 13 jir iyo gabadhii haysatay, kuwaasi oo hadda lagu hayo saldhiga dhexe ee Burco.

Madaxa baadhista saldhiga dhexe ee magaalada Burco oo sharaxaad ka bixiyey qaabka boolisku u qabteen inanta la soo xaday iyo haweenayda haysatay, ayaa tilmaamay in dadka xaafadda lagu hayay u soo gudbiyeen booliska, sidaana ay ku qabteen inantan yar iyo gabadhii haysayba.

Sarkaalkan booliska ahi waxa uu intaas ku daray in gaadha yari sheegtay in laga soo xaday Garoowe, isla markaana muddo bil ah ah lagu hayey dhinaca dalka Itoobiya, isaga oo xusay in gabadha yar ay shaybaadh caafimaad mariyeen kooxdii haysatay, kadibna ay ka heleen beer xannuun, sidaana ay isaga soo celiyeen, lana keenay dhinaca magaalada Hargeysa oo looga soo gudbiyey Burco.

Waxa kale oo Sarkaalkani, tilmaamay in gabadhii haysay inantan yar ee boolisku soo qabtay ay sheegtay in saddex dumar ah oo niqaam xidhani ay uga soo dhiibeen magaalada Hargaysa , kuna yidhaaheen Burco gee, isaga oo hadalkiisa ku soo koobay in laanta baadhista dambiya ee booliska Burco kiiskan gacanta ku hayaan, isla markaana baadhitaankiisu socdo.

Haweenayda haysatay inanta yar ee boolisku qabtay, ayaa iyaduna Jamhuuriya u sheegtay in Nimco yar ay Hargaysa uga soo dhiibeen saddex dumar oo niqaaman oo aanay wax aqoon ah u lahayn, balse ay ka codsadeen inay ilaa Burco sii kaxeeyo, kadibna ay gayso biriishka weyn ee Burco agtiisa, sidaana gabadha yari ku garana doonto gurigooda.

Balse, markii ay halkii loo tilmaamay gaysay ay inanta ayri u sheegtay in aanay magaalada kala garanayn, sidaana ay ku haysay.

Sidoo kale Nimco Maxamed Xuseen ayaa Jamhuuriya u xaqiijisay in magaalada Garoowe oo ay walaasheed kula noolayd laga soo ka xaystay muddo hada laga joogo laba bilood, kadib markii gabadh niqaam xidhan oo wejiga xidhatay inta ay sanka wax u saartay soo kaxaysatay.

“Walaashay ayaan kula noolaa magaalada Garoowe, kadibna maalin ayaa waxa ii timi gabadh niqaam xidhan oo aanan garanayn oo inta ay sanka wax ii saartay ayay I kaxaysatay, waxayna I gaysay dalka Itoobiya oo aan ilaa hadda garanayn meesha aan ka joogay, waxaana la iigeeyey carruur badan oo koox dumar ahi hayeen.

Carruurtii meeshay joogtay ayaa maalin shaybaadh caafimaad la wada mariyey, aniga markii la I baadhayna waxa la iga helay beer xannuun, waxayna kooxdii na baadhaysay yidhaahdeen tani way xannuun sanaysaaye inaga celiya, sidaa ayaana la iigu soo celiyey Hargeysa oo markii dambena Burco la ii keenay, aniga aabay waxa uu joogi jiray Xamar, hooyaydayna way dhimatay, waxaanan la joogay walaashay oo aan hadda xaafadeedii karanayo, hadii Garoowe la I geeyo,” ayey tidhi; Nimco Maxamed Xuseen oo ah inanta yar ee laga soo xaday magaalada Garoowe.

Geesta kale waxa Maxkamadda Degmadda Burco hadda ka socdda kiis u dhexeeyalaba qoys oo kasoo kale jeeda Maamul-goboleedkka Punthland iyo Itoobiya, kuwaasoo isku haysta Ilmo Shan jir oo qoyska reer Boosaaso ku doodeen in laga soo xaday Ilamaha balse qoyska Reer Itboobiya oo Oromo ahina ku doodeeninay iyagu dhaleen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Degmadda Burco, ayaa isaguna hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ka dalbaday inay gacan ka gaystaan sidii Ilmaha looga qaadi lahaa hidasidaha loo yaqaan DNA, si loogu kala saaro labadan qoys.

Tallaabadan lagu xadayo carruurta yaryar amma ay laba qoys isku qabsanayaan ayaa u muuqata kuwo haantan ku soo badanayaa Gobolka Togdheer, mana aha markii koowaad ee kiiskani oo kale ayuu boolisku qabtaan oo ay gacanta ku hayaan.

TogdheerNews..Burco

ucid oo taageero badan ka kasbatay burco

Maxaa ka soo if-baxay Loolankii Xisbiyadu ku Muujinayeen Cududa Taageerayaashooda Gobolka Togdheer?



Warbixin..Kayse A.Digaale Burco (syl)- Todobaadyadii u dambeeyey, waxa magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheet, laga dheehanayey loolanka siyaasadeed ee saddexda xisbi qaran ka wadaan, kuwaa soo mid kasta dhiniciiga ugu muujinayo cududda taageerayaashiisa uu isku halaynayo doorashadda madaxtooyada.

Wafti ballaadhan oo uu horkacayey guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo uu weheliyo guddoomiyaha golaha wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa iyagu kala kulmay Burco soo dhaweyntii ugu balladhnayd ee lagu soo dhaweeyo, iyada oo ay u muuqatay in xisbigu taageerayaal badan oo aanu filayn uga soo xeroodeen Togdheer.

Hadaladii uu guddoomiyaha UCID u jeediyey taageerayaashiisa soodhaweeyey, ayaa si weyn dadka u soo jiidatay, kadib markii uu farta ku fiiqay sida xukuumadda Riyaale ula dagaalamayso horumarka gobolka, taasoo uu tusaale u soo qaatay ganacsadaha Carbeed ee mashruuca naaxinta ka waday Burco ee uu madaxweynuhu xabsiga dhigay,kaasoo la sheegay inuu muddo 40 maalmood gaadhaysa xidhan yahay.

Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa farxaddii uu ka qaaday cududda taageerayaashii Burco ku soo dhaweeyey, waxa uu ku dhaqaaqay inuu si dhoollo tus ah isaga iyo guddoomiyaha wakiilladu socod lug tamashlayn ah ku mareen jidadka iyo goobaha bunka laga cabbo ee magaalada Burco, kuwaasoo dadku aad u sallaamayeen.

Sidoo kale, guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan xubno sarsare oo xisbiga ka tirsani, ayaa iyagana si weyn loogu soo dhaweeyey Burco, iyaga oo taageerayaashooda oo isu soo bax ay ku soo dhawaynayaan ku qabtay barxadda xafiiska xisbiga KULMIYE ee Burco.

Xubnaha waftiga KULMIYE ayaa hadalladii ay taageerayaashooda u jeediyeen liishaanka ku saaray dhaliisha xukuumadda iyo siday uga gaabisay wax u qabashada bulshada, isla markaana ku guuldaraysatay beddelaadda lacagta giimbaarta ah ee aafaysay dhaqaalaha gobolka.

Hadalladdii dareenka dadka soo jiitay ee ka mid ahaa khudbaddii Muse Biixi Cabdi, ayaa ahayd mid uu ku sheegay in xisbiyada tartamayaa ay yihiin labada xisbi mucaarad, balse xisbiga UDUB aanay haysan waji uu bulshada cod ku weydiisto.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga tallada haya ee UDUB, ayaa iyaguna Gobolka Togdheer soo gaadhay, kadib markii soo dhaweynta ballaadhan loo soo sameeyey weftiga UCID, masuuliyiintaasi oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha Ololaha doorashooyinka UDUB Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-hindi) oo uu wehelinayo Kayse Cali Geedi oo isagu dhawaan ku biiray xisbigaasi UDUB, kadib markii uu ka baxay xisbiga UCID.

Xubnahan ayaa socdaalkooda habeenimada ah lagu tilmaamay mid ka dhashay hinaasaha iyo saska ay ka qaadeen cududda taageerayaasha xisbiga UCID ee ka muuqday magaalada Burco, waxayna culays weyn saareen sidii ay xubno muhiim ah oo ka tirsan xisbiga UCID u hanan lahaayeen, balse ay ku guuldarraysteen.

Inkastoo masuuliyiinta UDUB goob fagaare ah aanay kala hadlin taageerayaashooda, hase yeeshee waxay guul ka dhigteen kooxo dhalinyaro iyo odayaal ah oo ay xafladd soo dhaweyn ah u sameeyeen, kuwaasoo ay ku tilmaameen inay ka soo diga rogteen xisbiyada UCID iyo KULMIYE, Mauuliyiinta UDUB ayaa hadalada ka soo yeedhayay ay ku tilmaamayeen cadhada xoogan ee ay u qabaan UCID, kuna ballanqaadayay sidii ay u dhulka u dhigi lahaayeen Xisbigaasi

Loolankan ismuujineed ee saddexda xisbi qaran mid kastaaba si dadban dhoolatuska u samaynayey, isla markaana miisaanka saarayey inta ay le’eg tahay baaxadda taageerayaashiisu, ayaa soo ifbixiyey cuddudda taageerayaasha xisbiyada mucaaridka ahi ku leeyihiin Gobolka Togdheer, gaar ahaan xisbiga UCID oo dadku aad ula yaabeen taageeradda ballaadan ee uu ka kasbaday reer Togdheer, taasina ay noqotay hadal haynta ugu badan ee todobaadyadii u dambeeyey ka jiray Burco.

Tallabadan sii kordhisay taageerayaasha mucaaridka ee gobolka ayaa la sheegay inay sabab u tahay, arrimo ay ka mid yihiin ganacsatadii xoolaha Burco oo shaqadoodii xukuumaddu u leexisay ganacsade Al-jaaburi, beddelaad la’aanta lacagta giimbaarta ah iyo xadhigga loo gaystay ganacsadihii maalgelinayey mashruuca naaxinta xoolaha ee Burco.

Arrimahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa sababay inay sii yaraato taageeradii xukuumadda iyo xisbiga UDUB ku lahaayeen magaalada Burco.





Jamhuuriya Online

Thursday 25 March 2010

Axmed siilaanyo oo khudbad dhinacya badan u soo jeediyay taageerayaal kulmiye ku soo biiray

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku dhaliilay wax-qabad-la’aan iyo tacaddiyo ay kula kacdo shacabka qaarkood. Isla markaana wuxuu ka hadlay kala-dirista Guddida Cusbatalka guud ee Hargeysa.

Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu ka waramay xaaladda dalka, isla markaana wuxuu dhaliil u jeediyay Xukuumadda. “Maanta dalkeenu marxaladda uu marayo ee uu taagan yahay waynu garanaynaa iyo waqtiga aynu joogno ee aynu u adkaysanay ee dadkii xilku ka saarnaa ee waajibku ahaa inay dalka Doorasho u qabtaan ee ay ahayd inay Dimuqraadiyadda hirgeliyaan ee ay ahayd inay horumarka dalka wax ka qabtaan oo ay caddaaladda sugaan, isla markaana Dhalinyarta Badda isku guraysa ee mustaqbalkoodii lumay ay ahayd inay mustaqbal u samayso oo ay niyadda u dhisto iyo maamulkii iyo dawladdii aynu uga baahnayn inay dadka qanciso oo ay rejo u abuurto oo ay dunida ina dhaadhiciso, waa ta aynu maanta arkayno maalin walba dhalinyaro Xisbiga KULMIYE ah ayay xaafad eryanaysaa oo ay Xabsiga u taxaabaysaa. Waa ta maalin walba xabbadda la dhacaysa, waa ta ay Saxaafaddii ka baxsan wayday, waa ta ay Hagbaddii (Lacagtii) yarayd eeay Haweenku halkaa dhiganayeen ka baxsan wayday.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo oo maanta ka hadlay Munaasibad loo qabtay taageerayaal cusub oo ku biiray KULMIYE.

Axmed-Siilaanyo waxa Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa ku dhaliilay tallaabo uu Madaxweynuhu ku kala diray Guddida Cusbatalka guud ee Hargeysa. “Waa ta maanta Cusbatalkii Hargeysa ee aynu ogayn waqtigii Dhalinyarta Hargeysa u gurman jireen ee dadku ay dhisi jireen ee halgankii SNM uu ka bilaabmay, waynu ognahay oo waa taa oo markii Madaxtooyadii ka soo horjeedday Cusbatalku ay wax u qaban wayday, guddidii, shacabkii iyo dadkii is-xil qaamay ee dibedda wax uga doontay ee dhaqaalaha dibedda uga soo ururisay ee maamulka wanaagsan u samaysay, waa ta Dawladdii maanta ka takhalustay ee Dhaqaatiirtii caanka ahaa ee dalka iyo umadda wax u qabanayay, waa kuwaa yidhi Shaqadii waanu idinka fadhiisinay, waxna laydiinkama baahna. Kuwa aynu isku hallaynaynaa ee umaddu wax ka sugaysaa (Xukuumadda) waa kuwaa.” Ayuu yidhi Axmed.

Waxa kale oo uu Guddoomiyaha KULMIYE ka hadlay arrimo la xidhiidha Nabadgelyada iyo xasilloonida dalka. Waxaanu yidhi, “In badan waxa nala waydiiyaa oo ay Xukuumaddu isku daydaa had iyo jeer in ay ka dhaadhiciso Umadda in xasilloonida iyo degannaanshaha dalku uu ku xidhan yahay maamulka maanta talada haya. Waa ogtihiin in ay maalin walba dad badan oo Xisbiga KULMIYE ah oo gobollo badan ka tirsan ay xidheen oo ay yidhaahdeen halkan ayay wax ku qarxinayeen oo dhibaato ayay wadeen. Nabadgelyada dadka iyo ilaalintiisa Xisbiga KULMIYE iyo shacabka ayaa cid walba uga lexe-jeclo badan oo ilaalinaya. Waxaanu in badan caddaynay in xasilloonida dalka, dimuqraadiyaddiisa iyo midnimadiisa aanu u ilaalinayno sidii aanu xornimadiisa u ilaalinaynay. Waxaanu ku kalsoonahay in aanu cod iyo ikhtiyaar shacabku leeyahay aanu ku qaadayno.” Ayuu yidhi, waxaanu sheegay in Weftiga ka socda Somaliland ee ku kala sugan Jabuuti iyo Maraykanku ay kala hadlayaan masuuliyiinta ay la kulmaan arrimaha Doorashada Somaliland.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ka hadlay su’aasha ugu badan ee ay dadku waydiiyaan. “Haddii Daahir Rayaale Kaahin iyo maamulkiisu ku kalsoon yihiin inay cod wax ku helayaan oo dadku taageero u hayaan, waxay maraysaa 7 sanno iyo badh inta Doorashadii la qaban waayay, waynu ognahay oo Dunida oo dhan baa isugu keen timi. Maanta Telefoonada ugu badan ee dibedda ka yimaadda waxaanu ka haynaa dadka Doorashadii ma dhacaysaa, goorma ayayse dhacaysaa? Waa qodobka kaliya ee lays waydiinayo. Anagu inta kaliya ee aanu dadka u sheegno iyo kalsoonida aanu ku abuurnaa waxa weeye, Doorashadii way dhacaysaa oo waqtigeedii ayay dhacaysaa, Dawladdana gacanta uguma jirto. Waxaanu leenahay oo aanu uga digaynaa Dawladda in aanay wax dambe oo musuq-maasuq ah oo dhibaato ah oo luggooyo ah ula iman geeddi-socodkaa Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka. Waxaynu maanta ku talo-galaynaa oo aynu sugaynaa oo dhegteenu u taagan tahay waa Guddida Doorashada oo inoo sheegta oo ku dhawaaqda maalinta ay Doorashadu dhici lahayd.” Ayuu hadalkiisa ku soo gebogebeeyay Axmed-Siilaanyo.

Somaliland.Org

Friday 19 March 2010

Monday 15 March 2010

Xaaladda Lammaanaha Ingiriiska ah ee ku af-duuban Soomaaliya ka dib dagaal dhex maray Budhcaddii haysatay

Xaaladda Lammaanaha Ingiriiska ah ee ku af-duuban Soomaaliya ka dib dagaal dhex maray Budhcaddii haysatay
March 14th, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in lammaane dhalashadoodu tahay Ingiriis oo Afduub loogu haystay dalka Soomaaliya gabadh la joogtay la la toogtay.

Xildhibaan Nacnac oo maanta u waramay qaar ka mid ah Warbaahinta, waxa uu sheegay in Lammaanahan Ingiriiska ah gabadh la joogtay la toogtay, ka dib markii uu dagaal dhex maray Malleeshiyadii Afduubka u haystay. Waxaanu intaa ku daray in xogtan uu ka helay nin lagu magacaabo Cali Geedow oo ku hadlay Afka Budhcad-Badeedda haysata lammaanahan.

Mudanuhu waxa kale oo uu sheegay in Afhayeenkani aanu wax faahfaahin ah oo intaa dheer ka bixinin xaaladda lammaanahan, hase ahaatee ay ugu war dambaysay markii ay Rasaastu ku dhacday Gabadha. Isla markaana mar uu la xidhiidhay oo isku dayay in uu Khadka Telefoonka ku helo aanay u suurtogalin, ka dib markii uu Afhayeenka Budhcad-Badeeddu ka qaban waayay Telefoonka.

Lammaanahan u dhashay Ingiriiska ayaa shantii bilood ee laga soo gudbay Afduub loogu haystay Koonfurta Soomaaliya, ka dib markii Koox Budhcad Soomaali ahi ay ka afduubeen Xeebaha Jasiiradda Seychelles. Iyaga oo dalbaday Lacag Madax-furasho ah oo ay ka diidday Dawladda Ingiriisku inay bixiso.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail..com







Somaliland.Org HomeArchives Somaliland About us Contact us Calendar ^^© 2008 Somaliland.Org

Wednesday 3 March 2010

Jamhuuriya iyo EDC oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey 65 Suxufiyiin ah

Jamhuuriya iyo EDC oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey 65 Suxufiyiin ah


Hargeysa (Jam)- Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shalay shahaadooyin guddoonsiiyey 65 suxufi oo dhammaystay waxabarasho toddoba bilood socotay oo ay ku baranayeen qaybaha kala duwan ee culuumta saxaafadda, kaasi oo qayb ka ahaa barnaamijka SHAQADOON oo ay hirgelintiisa iska kaashadeen Jamhuuriya Media Group iyo hay’adda Maraykanka ah ee EDC.


Xaflad ballaadhan oo loo qabtay dhallinyaradii barnaamijkaa wax kabaray ayaa la gudoonsiiyey shahaadooyin ay ku mutaysteen muddadadii ay wax baranayeen oo lagu sheegay lix bilood, waxaanna ka ka qaybgalay masuuliyiinta matalayey labada dhinac ee Jamhuuriya iyo Hay’adda EDC.


Dhanka kale waxa munaasibadda xafladdaasi lagu marti qaaday madaxda xisbiyada mucaaradka ah iyo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac [Gaariye] Guddoomiyaha garabka siyaasadda ee xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax, ururka WIJA, masuul sare oo ka socday Wasaaradda Waxbarashada qaybta imtixaanaadka iyo marti sharaf kale oo farabadan.


Haddaba furitaankii shirkaa waxa ka hadlay Guddoomiyaha Wargayska Jamhuuriya Mr. Faysal Cali Sheekh Maxamed, waxaanu sheegay inkastoo ay duruufo dhaqaale dalka ka jiraan, haddana inuu wargeyska Jamhuuriya ku dedaalayo ilaa iyo markii saxaafadda madaxabanaan la aasaasay sannadkii 1991 inay soo baxaan suxufiyiin tayo fiican leh.


“Maanta waxa dalka ka jiraan jariiraradood tiro badan iyo TV wada madaxbannaan,” ayuu yidhi Faysal Cali Sheikh, isaga oo ka warramaya horumarka Somaliland ka gaadhay dhanka saxaafadda, waxa uu sheegay inay Somaliland kaga horumarsan tahay xagga nabadgaliyada, marka laga reebo xorriyadda saxaafadda.


Faysal waxa uu sheegay markii ay samaynayeen barnaamijkani inay eegeen baahiyaha saxaafadda horyaalla kuwa ugu daran, isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Runtii markii aanu bilaabaynay barnaamijkan waxaanu u eegnay meelaha ugu dal daloolada badan ee ay ka liitaan Suxufiyiinta Somaliland.”


Dhanka kale waxa uu ka warramay waxyaabihii kala duwanaa ee ay suxufiyiintaasi soo barteen, waxaannu yidhi; “Afar qaybood oo kala duwan bay soo barteen, waxaanay kala ahaayeen, Basic Jaournalism, Photo Journalism, Layout and Design iyo Marketing and Management.”


Guddoomiyaha Wargayeska Jamhuuriya Faysal Cali Sheekh waxa uu kula dardaamay dhallinyaradaasi la gudoonsiiyey shahaadadaasi inay ilaaliyaan, isla markaana ku camal falaan wixii ay soo barteen iyo inaanay noqon sida kuwo ka mida saxaafaddii hore oo wax ka badan 19 ilaa 20 sannadood ku soo jiray ee haddana aan maanta haddii la yidhaa wax qora aan waxba qori karayn.


Intaa dabadeed waxa halkaa ka hadlay madaxa mashruucaasi SHAQODOON Md. Cabdi Xaashi oo sheegay in hay’adda EDC tahay hay’ad Maraykan ah oo ka shaqaysa in ka badan 35 dal oo ku kala filiqsan adduunyada, waxaannu xusay in mashruucani yahay kii ugu horreeyey ee laga hirgeliyo Somaliland, ujeeddadiisuna tahay sidii tababaro iyo shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada.


Mr. Cabdi Xaashi waxa uu sheegay in dhallinyaro ay tababar siiyeen ee magaalada Hargeysa ka badan yihiin 1600 oo dhallinyaro ah, halka uu Burcana xusay inay ka tababareen in ka badan 420 dhallinyaro ah, isaga oo tilmaamay inay mashruucan sii wadi doonaan, isla markaana qorshaynayaan sidii ay xirfado ay ku shaqaystaan ugu abuuri lahaayeen saddex kun oo dhallinyaro ah.


Guddoomiyaha KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo munaasibadda 65-ka arday ee ka qallin-jabiyey barnaamijka SHAQODOON ka hadlay, ayaa u mahadnaqayaa cidkastoo mashruucan ka qaybqaadatay.


“Intaanan hadalkayga kale u gelin, waxaan halkan ka maqlaayey walaalkay Cumar Jaamac oo ka tirsan xisbiga UDUB oo si xammaasad leh uga hadlayey madaxbannaanida saxaafadda iyo caddaaladda, markaa ku darayey Tv Qaranka iyo Radio Hargeysa, weliba taynu ka hadlaynaa maaha tay UDUB toos u leedahay, waxaynu ka hadlaynaa waa waxay ku magacaabaan qaranka Somaliland ee lagu maalgeliyo cashuurta laga qaado shacabka, waanad wada aragtaan, oo aad wada dhegaysataan iyo oo aad wada maqashaan.


Cumar Jaamac ma waxa uu innaga dhaadhicinayaa in hay’adahaasi [TV Qaranka iyo Radio Hargeysa] u madaxbannaan yihiin saddexda xisbi qaran, waxay ila tahay waa laga wada warqabaa.” Sidaa waxa yidhi Axmed-Siilaanyo oo ka jawaabay hadal uu Cumar Jaamac ku lahaa saxaafaddu inay yidhi, kaas oo ahaa in ay warbaahinta madaxbannaani noqoto dhexdhexaad.


Guddoomiyaha KULMIYE ayaa sheegay inay saxaafaddu tahay sawirka keliya ee wixii dhaliil ah ee jira u soo gudbisa bulshada, isla markaana tahay horumarka dalka, waxa uu ku guubaabiyey dhallinyartada in aanay mihnadooda loo adeegsan.


“Waxaannu leenahay saxaafaddu meelkasta oo ay joogto waa meesha keliya ee sawirta wixii dhaliil ah iyo ciddii uu dhinac waxtarkeedu jiro, waanna waxyaabaha ugu waaweyn ee ummadda dal weliba ku faanno, waa meesha looga baahiyo horumarka uu dalku u baahan yahay, hadday tahay shaqo-sameynta, la dagaalkana aragagixisada iyo la dagaalka tahriibta, meesha laga hagi karaa waa saxaafadda, waanna meeshay ku soo ururto aaraahdaha culimada, siyaasiyiinta iyo bulshada inteeda kaleba.


Sidaa daraadeed, madaxbannaanidu aad iyo aad bay innoola weyn tahay caam ahaan, marka labaad tababarka iyo dadka dhallinyarada ah ee saxaafadda ka shaqeeyaa ee mihnad ahaanta u qaataa in yihiin dad mabaa’id, dareen iyo xasaasiyad leh.


Waxa ayaan-darro ah laba daahiradoodba waynu aragnaa oo way soo baxaan maalin walba, dad badan oo saxaafadda u shaqeeya oo magac iyo maamuus ku lahaa oo maalin walba xabsiga loo taxaabayo oo la xidho oo la caddaadiyo waynu aragnaa. Waxa kale oo aynu aragnaa dad saxaafadda ku magac-dheer oo wuxuu shalay qori jiray la ogaa, maanta waxa uu qorayana la og yahay, waayo waad ogtahay in xaaladiisii isbeddeshay oo uu mabaa’didii ka baxay,” ayuu yidhi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)


Ugu dambeyn, waxa uu kula dardaarmay Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in aanay dhallinyaradan cusub ee saxaafaddu ku sifoobin tilmaamaha uu sheegay, isla markaana noqdaan qaar ka shaqeeya dhexdhexaadnimada iyo horumarunta bulshada.


Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna u mahadnaqay wargeyska Jamhuuirya iyo cidkasta oo ka qaybqaadatay barnaamijka SHAQODOON, waxaannu sheegay inay saxaafaddu u kala qaybsantay laba qaybood.


“Barnaamijkani waxa uu muujinayaa inay Somaliland kortay, Jamhuuriya-na waxay taariikhda ku gelaysaa innaga oo burbur iyo dagaal ka soo noqonay waxay ahayd jariiradii ugu horreysay ee dalkeena ka soo baxda, maanta ay marayso ilaa heerkaa ay ardayda soo saarayso,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe, waxaannu intaa ku daray inay saxaafaddu xorriyad haysato, “Innaga saxaafadeena madaxabannaan xorriyad baynu haysanaa, waanna mid ku timi xorriyadda uu shacabku haysto, sidii Xasan Xiis u sheegay waa inaad ilaalisaan anshaxa warbaahinta, waad kala baxdeen oo waxa jira laba saxaafadood, ta dawladdu gacanta ku hayso oo lagu hawlgaliyo cashuurta ka soo baxa shacabka waa Tv-ga Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa, waxaad moodaa iska daa xeerka caalamku ku shaqeeyee in aannu sharciga Somaliland-ba ku shaqayn, sidii loo abuuray sharci ma leh, maareeyaa loo dhiibay, haddaad daawatid marnaba is odhan maysid dad bani’aadam ah oo anshaxii saxaafadeed leh ayaa maamula, waxaannu ka kooban yahay cayda shacabka, isku dirka qabaa’ilka, aflagaadada reeraha wax uu ka xishoodaa ma jiro, waxaananu jecel nahay in aannu arrinkaa ka hawlgalno oo uu kala noqdo Tv-gaasi mid uu qaranku leeyahay amma mid ciddi gaar ahi leedahay, waayo heerkii loo dulqaadanayey wuu dhaafay, UCID ahaan waannu fasixi doonaa idaacadaha dalka.”


Xoghayaha Siyaasadda xisbiga UDUB Mr. Cumar Jaamac oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa ugu horreyn si weyn u hambalyeeyey 65-ka arday ee ka qallin-jabiyey qaybaha kala duwan ee warbaahinta, isla markaana tilmaamay inay Somaliland waqtigan ay kaga horreyso waddamo badan oo adduunka dimoqraadiyadda saxaafadda, kuwaas oo uu sheegay in aan la cabudhin, wax hadidaad ahna loo geysan.


“Shacabka reer Somaliland waxa uu u baahan yahay war sugan oo xaqiiqo ah, waxaanna loo baahan yahay inaad yeelataan dareen masuuliyadeed iyo saxaafinimo, waayo waxaynu joognaa waddan curdin, haddaynu nidhaa ka hadla saxaafadda manta, waxaynu ka mid nahay waddamada ugu horumarsan dunida, lama weydiiyo waxay qoraan kuwa madaxabannaan iyo kuwa kaleba,” ayuu yidhi Mr. Cumar Jaamac.


Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo ka mid ah hal-abuurada waa weyn ee Somaliland oo xafladda loo sameeyey ardayda ka qallin-jabiyey mashruuca SHAQODOON, ayaa hambalyeeyey dhallinyarada ka qallin-jabisay qaybaha kala duwan ee warbaahinta, isla markaana ku guubaabiyey inay ku dedaalaan wax qorista iyo akhrisbka afsoomaaliga oo uu waqtigan oo uu saluug weyn ka muujiyey qaabka iminka loo qoro.


Abwaan Gaarriye oo ka hadlayey awoodda uu ereygu leeyahay, ayaa xusay in aannu jirin wax erayga hor istaagi karaa, isla markaana awoodda uu leeyahay ku sababeeyey bani’aadamka ku ciyaara ee si jaban, waxa uu ku sheegay raqiis, isaga tixo gabay ah ku tilmaamayana waxa uu yidhi;


“Soddon laguma baayaco


Boqor laguma caabudo


Biidhiqaatenimo iyo badhax waa ka xaaraan


Biri-magaydo weeyoo


Bogdooxeedu waa sino.


Maanso kale oo aan leeyahayna waxa ku jirtay;


“Wallee been ma qaayibo


Wallee gabay qardoofa ah


Amma iga qandoodsama


Qalbigayga kuma qorin


Wallee qalabka maansada


Heesaha qumbuladda ah


Uma qubo dhugmo la’aan


Magac waa qasaanade


Wallee qado ma dhaafsado


Hadba wiilka qooqee


Maalintaasi qoodha ah


Qushuuciisa ma akhriyo


Qofna kabaha uma tiro.”


Waxa kale oo halkaa ka hadlay Xasan Xiis oo ka mid ah suxufiyiinta waaweyn ee Somaliland, isla markaana wax ka dhiga saxaafadda, kana tirsan shirkadda Dahabshiil, ayaa ku dheeraaday taariikhda kala duwan ee saxaafaddu soo martay, isaga oo Jamhuuriya ku ammaanay inay tahay hooyada warbaahinta ilaa waqtigana ku hawlahan soo saarka wariyeyaasha, waxaannu hambalyo gaar ah u diray Jamhuuriya, EDC iyo dhammaan ardaydii ka qallin-jabisay.


Ayaan Cabdirisaaq oo ka tirsan ururka haweenka ee WIJA oo xafladda qallin-jabinta ka hadashay, ayaa si weyn ugu mahadnaqday wargeyska Jamhuuriya iyo hay’adda EDC, iyada oo hay’adaha kale iyo ganacsatada Somaliland ugu baaqay sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen shaqo-abuurista loo baahan yahay in da’yarta loo sameeyo.


Sidoo kale, waxa isaguna Sakariye Jaamac Muuse oo halkaa ka hadlay mid ka mid ah ardaydii wax baratay barnaamijka SHAQODOON, kaas oo sheegay in 65-ka arday ee wax bartay ay xirfadii ay barteen ku shaqo tagayaan, isla markaana mashruucani yahay mid ka badbaadiyey tahriibta, isaga oo ku guubaabiyey in halkaa laga sii wado, balse aannu noqon kii ugu dambeeyey.


Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ardayda shahaadooyinka guddoonsiiyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay maamulka Jamhuuriya Mediya Group oo fuliyey mashruuca SHAQODOON, Hay’adda EDC iyo cidkasta oo ka qaybqaadatay, isaga ku dheeraaday qiimaha saxaafaddu u leedahay horumarinta bulshada, waxaannu ku tilmaamay muraayada bulshadu ka daawato kolba halka uu dalkoodu marayo.


“Saxaafadda waxa loo geystaa tacadiyaad, waa la xidhaa, waa dilaa ilaa taariikhdii hore iyo ta maanta, maxaa loo dilaa, maxaa loo dulmiyaa? Waayo warku waxa uu u sheegayaa ummadda wixii dhabta ahaa ee jiray. Markaa waxaynu u baahannahay in warbaahinteenu inay ummadda ku dhisto run, wanaag iyo akhlaaq wanaagsan.


Ummaddu dhinacyo badan ayey u baahan tahay inay wanaag ka hesho, hadday tahay hoggaan, siyaasiyiin, axsaab, dadweyne iyo saxaafad wanaagsan oo ku wanaagsan waxa runta ah inay isku sheegaan, waxa beenta ahna iska reeba,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale.






Jamhuuriya Online
Printable version Email this to a friend



--------------------------------------------------------------------------------

Tuesday 2 March 2010

ma dhabaa cawil cali ducaale waa la eryayaa

Sooyaal News

WAR DEG DEG AH KHILAAF SOO KALA DHEX GALAY WASIIRKA MAALIYADA IYO MADAXWEYNE RIYAALE .

Qilaafkaan ayaa la sheegaya in ay ka dan baysay ka dib markii uu madaxwene Riyaaleuu lunsaday lacagtii maxjarka berbera. wasiirka ayaa eedeyn kulul Dusha ugu tuuray madaxwene Riyaale kadib markii uu lunsaday madaxwene Riyaale miisaaniyadii Lacageed ee maxjarka ber bera taas oo uu sheegay wasiirka in uu jeebkiisa ku shubtay madaxwene RIyaale uusana ku soo darin miisaaniyada . Wasiirka ayaa sidoo kale ku eydeeyay madaxwenaha in ay tahay mid sharci daro ah oo aan la aqbali karin . wasiirka ayaa laga yaabaa eydeentaani in ay u keeni doonto in uu xilkiisii ku waayi doono waxaana ilo lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in wasiirka uu wayi doono xilkiisa goor dhow. balse su'aasha meesha taalo ayaa ah hadii wasiirka xilka laga qaado meesha miyay ku dhamaandoontaa arintaani. madaxwene Riyaale ayaa wali ka hadlin eedyntaani iyadoona la ogsoonyahay in hadii uu madaxwenaha arintaani ka hadlo ay shicibka somaliland ay ku mudaahardi doonaan . lama oga talada uu ka qaadan doono madaxwene Riyaale arintaan iyadoo ay arintaanin ay cirka usii shareerayso. yuusufcumar115@hotmail.
Date: 2010-03-01
Readed 75 Times

Monday 1 March 2010

Nadaafad daro soo wajahday hargeysa

Badhtamaha Hargeysa ma dhexmartay labadii casho ee u dambeeyey? Dabadeedna ma yaabtay!

Hargeysa (Jam)- Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay la ciirciiraysay culays xad-dhaaf ah oo ka dhashay qashin iyo biyo isbiirsaday oo buux-dhaafiyey badi jidadka waaweyn ee magaalada oo halis weyn ugu jirta inay ka dillaacaan cudurrada faafa.

Roobabkii ka da’ayey caasimadda, ayaa daaha ka fayday fadeexado nadaafad-darro culus iyo qashin tiro badan oo buux-dhaafiyey xaafadaha iyo hareeraha jidadka waaweyn ee magaalada, arrimahaas oo qarka u saaran inay sababaan cudurro halis ah oo si fudud u dillaaca.

Qashinka iyo xashiiska tuulan inta badan magaalada ka sakow, waxa labadii casho ee la soo dhaafay dadweynaha lugta ah iyo gaadiidkuba khaati ka taagnaayeen biyo iyo dhiiqo isbarkan oo dul ceegaaga badi jidadka waaweyn ee caasimadda, gaar ahaan waddooyinka muhiimka ah ee dhexmara faras-magaalaha, kuwaasoo oo marka laga yimaad khataraha caafimaad ee ka dhalan kara saamayn weyn ku yeeshay isu-socodka dadka iyo gaadiidka kala duwan.

Guud ahaan jidadka ku yaal badhtamaha caasimadda waxa saddexdii maalmood ee u dambeeyey wadhnaa biyo iyo dhiiqo isku maleelmay oo ka dhashay biyaha roobabka curtay iyo ciiddii tirada badnayd ee laamiyada wadhnaa oo ka dhigay kuwo aan dadka lugta ah mari karin, sidoo kalena dadka gaadiidka wataa dhibaato badan ku haya.

Waxa kaloo roobabka labadii maalmood ee u dambeeyey ka da’ayey magaalada uu dibadda u soo saaray qashin aad u tiro badan oo wadhan hareeraha waddooyinka waaweyn iyo xaafadaha dhexdooda, iyadoo shirkadaha waddaniga ah ee qandaraaska ku haysta nadaafadda iyo fayo-dhawrka caasimaddu ku guuldarraysteen inay Hargeysa ka badbaadiyaan halista caafimaad ee ka dhalan karta saxa-xumada xilli-roobaadyada.

Goobaha sida gaarka ah indhuhu u qabanayaan ee qashinku tuulan yahay waxa ka mid ah jidka wadnaha ee u dhow dugsiga hoose/dhexe Sh. Bashiir ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu yaal xashiish aad u tiro badan oo si fudud u horseedi kara inay ka dhashaan cudurro halis ah, sidoo kalena fool-xumo iyo fadeexad weyn ku ah bilicda caasimadda oo ay shacabka uga wakiil yihiin 25-ka xildhibaan ee golaha degaanka, kuwaasoo dad badani ku tilmaamaan kuwo ku fashilmay hawshii loo doortay.

Sidoo kale, xashiish aad u tiro badan ayaa yaal xaafadaha Hargeysa, gaar ahaan kuwa isku raranta ah ee dadka danyarta ah deggan yihiin, waxana xilligan oo roobkii gu’gu curteen laga cabsi qabaa xaaladda nadaafad-darro ee caasimaddu dhex dabbaalaysaa ay sababaan inay ka dillaacaan xannuunada faafa oo si fudud u aafeeyn kara milyanka qof ee ku nool magaalada.

Dhinaca kale, masuuliyiinta labada shirkadood ee DHIS iyo SABO-WANAAG ee qandaraaska ku haysta nadaafadda iyo hagaajinta bilicda caasimadda oo iyaga laftoodu u muuqda qaar tuurta ku qaatay masuuliyad awoodooda waxqabad ka badan, ayaa kalfadhigii ugu dambeeyey ee Golaha Degaanka Hargeysa waxay kaga dalbadeen in loo kordhiyo kharashka dawladda hoose ku siiso fayo-dhawrka oo ay ku tilmaameen mid aan daboolayn hawshooda, balse codsigaas wax jawaab ah kama bixin goluhu.

Geesta kale, Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaan ilaa hadda wax war ah ka soo saarin halista caafimaad ee Hargeysa kulaalaysa, arrintaas oo iyana ah fadeexad iyo guuldarro ay la wadaagto dawladda hoose ee caasimadda oo ku fashilantay gudashada waajibaadkii ummaddu u igmatay.





Jamhuuriya Online
Printable version Email this to a friend

salaadiin barar iyo sicir barar labaduba way jiraan

salaadiinta habaryoonis

1. Suldaan maxamad Suldaan Xirsi Qani
2. Suldaan Cusmaan Suldaan Cali madar
3. Suldaan Yusuf Muxumad Xiiray
4. Suldaan Rashiid Cali Ducaale
5. Suldaan Maxamad Xasan Iibraahim
6. Suldaan C/Raxmaan C/Lahi Good
7. Suldaan Cabdi Cawaale Hurre
8. Suldaan Xiis Iismaaciil Abiib
9. Suldaan Xasan Warsame Shire
10.Suldaan Maxamad Suldaan Xasan Bulbul
11.Suldaan Aadam Yusuf Nuur (suulcayn)
12.Suldaan Maxamuud Cabdi C/Laahi
13.Suldaan Cali Cumar Salax
14.Suldaan Mahad Maxamuud Caraj (caraj)
15.Suldaan C/Raxmaan Maxamad Cilmi
16.Boqor Axmad Cali Ducaale (a/dheere)
17.Boqor Maxamad Nuux
18.Suldaan Iid Maxamad SHire
19.Suldaan Siciid Cali Ducaale
20.Suldaan Nuur Farax Xuseen
21.suldaan Maxamad Jamac Ducaale (jikaar)
22.Suldaan Maxamuud Xaaji C/Laahi Xirsi
23.Suldaan Bulbul Cabdi Madoobe
24.Suldaan Saleebaan Cusmaan Xasan
25 Suldaan Maxamad Muxumad Ducaale (golos)

SALADIINTA IYO BOQORADA BEESHA CIDAGALE

1 . Suldaan Maxamad Suldaan Cabdi Qadir.
2. Suldaan Maxamad C/Lahi Xuseen (agalaal)
3. Suldaan Aadam Farax Cumar
4. Suldaan Cali C/KLaahi Ba,ane
5. Boqor Raabi Yusuf C/Laahi


Salaadiinta habarjeclo

1. Suldaan C/Lahi Suldaan Cali Muuse
2. Suldaan Maxamad Cali Maxamed (Maxamed Baqardhe)
3. Suldaan Maxamuud Guleed Mire
4. Suldaan C/Raxmaan Qasim Qodax
5. Suldaan Carab Cabdi Cali
6. Suldaan Siciid Yusuf Ducaale
7. Suldaan Maxamad Xaaji Xuseen
8. Boqor Maxamuud Cali Carab
9. Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Yususf (buurmadaw)
10.suldaan axamed faahiye mire
11.suldaan siciid yusuf xaaji ducaale
12.suldaan madar maxamed ducaale
14. Suldaan Ismaaciil Nuur Wacays (Qude)
15.suldaan maxamed cabdi axmed {warqabe)
16.Suldaan ibraahim cige ismaaciil
17.boqor maxamed jamaca cumar

SALADIINTA IYO BOQORADA BEESHA SACAD MUUSE

1. Suldaan Xasan Suldaan C/Lahi
2. Suldaan Iismaciil Suldaan C/Raxmaan SH Muxumad
3. Suldaan Xasan Suldaan Nuur Asakar
4. Suldaan Axmad Nuur C/Lahi Samale
5. Suldaan Sulub Nuur Warsame
6. Suldaan Iismaaciil Aadam Xirsi
7. Suldaan Xuseen Iismaciil Geele
8. Suldaan Jaamac Cusmaan Aadam
9. Suldaan Xiis Barre Yusuf
10.Suldaan Xasan Maxamad Geele
11.Boqor Muxumad Geele Seed

SALADIINTA IYO BOQORADA BEESHA CIISA MUUSE

1. Suldaan Maxamuud Axmad SHire
2. Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Koshin
3. Suldaan Maxamad Maxamuud Xandulle (indhacase)
4. Suldaan SHariif Batuun


SALADIINTA IYO BOQORADA BEESHA ARAB
1.suldaan maxamed farax(alyar xamu)
hada ama iminka
1. Suldaan Cumar Suldaan Maxamad Suldaan Farax
2. Suldaan Barre Xaaji Xasan Cabdille
3. Suldaan Iibrahim SHire
4. Suldaan Xuseen Xaji Cabdi C/laahi (mataan)
5. Suldaan C/Laahi SHeekh Axmad
6. Suldaan C/Raxmaan Suldaan cali SHagax
7. Boqor Ciise Haybe KHayre

SULDAANKA AYUUB IYO TOLJECLE

1. Suldaan Cali Xuseen Kaahin


SULDAANKA TOLJECLE


2 Suldaan Ahmed Dahir muuse

Soomaali waa Soomaali, mid ayuun baanay ahaan jirtay, Somaliland-tu waxa Alle dhaafiyay Dabkii Koonfur lagu tuuray ''guddoomiyaha xeerbeegtida Ciise''

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo Weji-gabax kala kulmay Caleemo-saarka Ugaaska Ciise


Hargeysa (Somaliland.Org)- Munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo lagu caleemo-saaray Ugaaska 19aad ee Beesha Ciise, ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Saylac ee gobolka Salel ee Somaliland.

Munaasibaddan oo ahayd mid si ballaadhan loo soo agaasimay, kana qayb galeen dad tiradoodu kor u dhaafayso 1,000 qof oo ay ka mid ahaayeen Madax ka kala socota dalalka Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya, ayaa lagu caleemo saaray Ugaaska 19aad ee Beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim Ugaas Wacays oo da’diisu 18-jir tahay.

Ugaaskan maanta la caleemo-saaray ayaa soo xuliddiisa lagu hawlanaa muddo shan bilood ah, ka dib markii Beesha Ciise ee uu ka soo jeedo aanay wax Ugaas ah lahayn muddo 13 sanno ah.

Munaasibadda Caleemo-saarka Ugaaskan oo bilaabmatay saaka abbaaro 10:00 saacadda Afrikada bari, ayaa waxa ka qayb galay Wefti ka socda Somaliland oo uu horkacayay Wasiirka Daakhiliga Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil (Cirro), Wefi ka socday Jabuuti oo uu hoggaaminayay Ra’iisal-Wasaaraha dalkaas Dilleyte Maxamed Dilleyte iyo Wefti ka socday Itoobiya oo uu horsocday Wasiirka Dhaqanka dalkaas Maxamuud Dirir Guuleed. Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim, ayaa la caleemo-saaray oo la cumaamaday abbaaro 10:15 daqiiqo ee saaka.

Dhinaca kale, Weftiga ka socday Dawladda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada, Arrimaha gudaha Cabdilaahi-Cirro iyo Dhaqanka Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa weji-gabax kala kulmay Munaasibaddaas, ka dib markii Xeer-beegti ka tirsan kuwii waday Munaasibaddaasi ay sheegeen in ay Soomaaliya mid tahay, isla markaana aanay Somaliland waxba kaga duwanayn. “Soomaali waa Soomaali, mid ayuun baanay ahaan jirtay, Somaliland-tu waxa Alle dhaafiyay Dabkii Koonfur lagu tuuray, laakiin Soomaali waa mid uun.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Gendaha ama Xeer-beegtida soo xushay Guddidan oo tiradoodu ahayd 44 Nin. Hase yeeshee, Wasiirada iyo Masuuliyiinta Xukuumaddu kamay hadal arrintan.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

Sunday 28 February 2010

Nin Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Ee Gegida Diyaaradaha Boorama Oo Rasaas Huwiyey Gaadhi Ay Saarnaayeen Shaqaale Ka Tirsan Urur Maxalli Ah




Boorama, February 28, 2010 (Haatuf) - Nin ka tirsan Ciidanka qaranka ee ka hawlgala gegida diyaaradaha Boorama ayaa Shalay abaarro 10.30 Barqanimo Rasaas ku furay gaadhi ay saarnaayeen shaqaale iyo masuuliyiin ka tirsan urur Samafal oo maxali ah, taas oo ay tacshiiradaasi uu ku dhaawacmay hal qof oo ka mid ah shaqaalihii saarraa gaadhigaasi.

Sida uu u sheegay weriyaha Haatuf ee Boorama masuul ka tirsan ururka maxalliga ah ee Ayoda oo iska lahaa gaadhiga rasaasta lagu furay, waxa rasaastan dhaawac fududi kasoo gaadhay mid ka mid ah shaqaalaha Ururka oo saarraa gaadhiga la rasaaseeyey, isagoo ninkaasi loola cararay isbitaalka guud ee Boorama.

Sida laga soo xigtay dad goobjoog ahaa oo ku dhawaa garoonka dayuuradaha Boorama ayaa la sheegay in gaadhigaasi marayey meel u dhaw gegidaasi isagoo wakhtigaa ku sii socday meesha la yidhaa Shabeeley si ay u gaadhsiiyaan buugaag iyo Agab kale oo ururkaasi deeq ahaan ugu geynayey deegaankaasi, balse askari ka tirsan ciidankaasi kusoo cararay gaadhigaasi kuna horjoogsaday qori caaradii kadib markii uu gaadhigaasi joosadayna uu rasaasta ku furay, iyadoo rasaastaasi midi kaga dhacday mishiinka baabuurka, halka xabbad kalena dhaawac fuud soo gaadhsiisay mid ka mid ah shaqaalaha.

Ilaa imika ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay dhimnaca ciidamada amniga, balse sida lasheegayo askarigaasi ayaa haatan loo xidhay falkaasi, iyadoo ciidamada amniga iyo maamulka gobolkuna baadhayaan waxa keenay toogashadan.

sida ay sheegeen mid ka mid ah ciidamada oo ka cudurdaartay in la magacaabo in toogashadani ka dambaysay amar uu askarigaasi siiyey sarkaalka ciidamada aaggaasi garoonka, taas oo sababa looga dhigay in gaadhigaasi marayey garoonka dayuuradaha badhtamihiisa, kaas oo mamnuuc ka ah in gaadiidku maro, balse sidda la sheegeyo gaadhiga ayaa ugu yaraan 300 tallaabo u jiray garoonka dayuuradaha marka falka toogashado lala beegsaday.

Saturday 27 February 2010

Guddoomiyaha kulmiye Axmed Siilaanyo oo kula xidhiidhay madaxweyne ku-xigeenka khadka telefoonka


Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo Khadka Telefoonka kula xidhiidhay M/weyne-xigeenka Somaliland
February 27th, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la sheegay in uu Khadka Telefoonka kula xidhiidhay Madaxweyne-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo xaalad Caafimaad u jooga Cusbatal ku yaala magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Keyse Xasan Cige, Axmed-Siilaanyo wuxuu Madaxweyne-xigeenka ka waraystay xaaladdiisa Caafimaad.

Warsaxaafadeedkaas ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu maanta taleefan kula hadlay M/weyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo hadda socdaal caafimaad ku jooga Dalka Faransiiska, wuxuuna ka waraystay xaaladiisa caafimaad.

M/weyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu uga waramay Mudane Axmed Siilaanyo xaaladiisa caafimaad, wuxuuna u xaqiijiyey inuu aad iyo aad u wanaagsan yahay.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo taageerayaashaba u gudbiyey M/weyne ku xigeenka salaan, waxaana uu ILLAAHAY uga baryey inuu caafimaad sareecanna siiyo.

Mudane Axmed Siilaanyo waxa uu u rajaayey M/weyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin inuu ku soo laabto dalkiisa Hooyo isaga oo caafimaad qaba, si uu u sii wato hawshii uu Qaranka u hayey.”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

wasaarada arimaha gudaha oo amartay nin ruush ah in dalka laga mastaafuriyo


“Ninkaasi Wakiilkiisa Ayaa Lagu Amray Inuu 48 Saacadood Dalka Kaga Saaro” Md Abraar

Hargeysa, February, 26, 2010 (Haatuf) – Wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa amar ku bixisay in dalka laga mastaafuriyo ninka dhalashadiisu tahay Ruushka ee loo xidhay gabadhii yarayd ee Caasha Maxamud Xasan ee dhawaan khiyaamada lagaga soo xaday magaalada Qardho ee maamul goboladeedka Puntland in mudo 48 saacadood ah dalka lagaga mustaafuriyo.

Ninkan dhalashadiisu tahay Ruushka oo ciidamada amaanku ay xabsiga u taxaabeen horaantii bishan February, 2010-ka oo uu ku simaha taliyaha guud ee ciidamada boolisku Maxamed Shiil Dhidar uu sheegay dhawaan inuu xidhan yahay balse la sheegay inuu mudo todobaad gaadhaysa uu iska joogay magaalada gudaheeda isla markaana aanay hay’adaha baadhista danbiyada iyo taliska guud ee ciidamada boolisku toona aanay si rasmiya uga hadal sii daynta ninkaasi ayaa mar aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay ku simaha taliyaha booliska isla markaana ah taliye ku xigeenka Maxamed Shiil Dhidar oo aanu wax kaga waydiinay sii daynta ninkaasi dhalashadiisu tahay Ruushka ee uu dhawaan sheegay inuu xidhan yahay ayaa isagu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo balse iskaga riixay in taliyaha laanta baadhista danbiyada ee C.I.D-da Daahir Muuse Abraar aanu wax ka waydiino go’aanka lagu sii daayey ayaa isagoo taliyuhu arinkaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ninkaasi waxa la yidhi ha la mustaafuriyo, ninkii wakiilka u ahaa ayaana amar lagu siiyey inuu mudo 48 saacadood ah dalka kaga saaro” .

Mar aanu waydiinay taliyaha mudada amarkaasi soo mastaafurintiisa dalku ninkasi Ruushka ah ay soo baxday iyo cida amarkaasi soo saartay ayaa waxa uu yidhi “ma xasuusto wakhtigii amarkaasi soo baxay maalinta iyo taariikhda ay ahayd balse wasaarada arimaha gudaha ayaa amarkaasi soo saartay”

Mar aanu waydiinay taliyaha C.I.D-da inuu noo sheego magaca ninka wakiilka u ahaa ninkaasi dhalashadiisu tahay Ruushka ee u xidhnaa gabadha yar ee khiyaamada lagaga soo kaxeeyey Qardho inuu ka danbeeyey inuu magaca wakiilkiisa noo sheego isagoo wakiilkaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “runtii ma xasuusto ninka wakiilka u ahaa magaciisa balse waxa wakiil ka ahaa wakiilka xafiiska shirkada Air Jabuuti, waxaana marka horaba fasaxa siisay ninkaasi uu dalka ku soo galay wasaarada khaarajiga.

Friday 26 February 2010

siilaanyo iyo rayaale kee guuleysanaaya


Marka hore ilaahaybaa og cidda guuleysaneysa doorashada soo socota ee Somaliland. Kii ilaahay u calfay ayaanu noqonayaa. Ilaahaeyna haynooga dhigo kuu kheyrku ku jiro. Walaw ay muhiim tahay Isbeddelku. Waayo ta ugu yar waxa weeye kan maanta waa la tijaabiyey. Sideed sanadood waa la asqoobey. Mid kale shan kale ha lagu tijaabiyo
Markeynu odorosnu yaa guusha helaaya oo ilaahay ogyahay. Haddana inaku waxeynu miqyaaseynaa bal beelahu sidey u kala taageersanyihiin. Waxaan qiimeynaynaa isbarbardhig doorashadii 2003 iyo ta aynu fileynu in ay dhacdo 2010. Samaroon kulmye waxbaa uga kordhaaya-dinaca maxamed casse. sacadmuuse-kulmiye waxbaa uga kodhaaya-dhinaca jibriil abokor, habaryoonis- kulmiye waxbaa uga kordhaya-gobolka togdheer. Habarjeclo- kulmiye waxbaa uga kordhaaya dhinaca solol madaw iyo muuse abokor. Inta kaleba hadaad sideeda u deysid intaas ayuu ku guuleysanayaa iyo dhallinyarada iyo hooyooyinka oo isbeddel doonaaya. Shaqo la’aaan iyo tahriih uu maamulka udub la kowsaday.

Gaadiid Puntland laga leeyahay oo burco lagu qabqabtay


Burco: Gaadiid Laga Leeyahay Maamul Goboleedka Puntland Oo Ciidamada Amaanku Shalay ka Qab-Qabteen Magaalada Burco

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun. Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa

Burco(Ramaas) Feb.26, 2010 - Ciidamada amaanka ee magaalada Burco ayaa Shalay ka qab-qabtay gaadiid laga leeyahay maamul goboleedka Puntland magaaladaa. Qab-qabashada gaadiidkaa oo dabo socday, ka dib markii ay kooxaha budhcad baddeeda ee ka jira degaanka puntland ay qafasheen Toddoba gaadhi iyo Sagaal Nin oo Somaliland ah, kuwaas oo ka tirsanaa gaadiidkii Somaliland ee dekeda Brebera ka qaday raashinkii caawimada ahaa ee ay Hay'ada WFP u waday dadka colaadaha iyo abaaruhu daashadeen ee gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Mar shabakada Ramaasnews wax ka weydiisay Taliyaha hogaanka booliska ee gobolka Togdheer Md. Cabdiraxmaan Axmed Liibaan, sababta gaadiidkan looga qab-qabtay magaalada Burco, ayaa wuxu sheegay in ay u hayaan xaalad amni ayna qab-qabteenteen, ka dib markii ay ogaadeen in ay dadkii Shacabka aha ee dadkooda iyo gaadiidkoda lagu qabsaday puntland isku dayi karaan in ay dadkan iyo gaadiidkan waxyeelaan.
Taliyuhu waxa u ka gaabsaday in uu sheego tirada gaadiidka ay qab-qabteen, mar aanu waydiinay in ay xidhan yihiin dadkii gaadiidkan wadayna waxa u sheegay in aanay xidhnayn ee ay gaadiidkooda ilaashanayaan.

Dhinaca kale, gaadiidkii iyo Raggii reer Somaliland ee puntland lagu qafaashay ayaa la sheegay in lagu hayo tuulo u dhow Garacad oo la yidhaahdo Kulud, gaadiidkaas oo dhan Toddoba gaadhi iyo Toddoba nin. Arintan oo aanay ilaa imika wax war ah ka soo saarin dhinacyada Somaliland, Puntland iyo hay'addii gaadiidku u rarnaa toona.
Kooxda budhcad baddeeda ah ee gaadiidka qabsatay ayaa laga soo wariyay in arintan ay u haystaan kooxo budhacd baddeed ah oo ay Somaliland hore baddeeda ugu qabatay, kuwaas oo hay'adaha caddaalada ee Somaliland ku xukumeen xabsi muddadiisu dheer tahay.

Ugu dambeyntii arintan ayaa xukuumada Somaliland iyo hay'adda WFP laga sugayaa sida ay u xaliyaan, iyada oo ay hore u jireen gaadiid ay muwadiniinta reer Somaliland leeyihiin oo Toddobaatan kor u dhaafay isla markaana lagu gubay gobolka is-maamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Kuwaas oo aanay xukuumadu ilaa hadda waxba ka qaban.

Ramaasnews Desk
Burao.

Caruurtii Rayaale oo qaxooti isaga dhiibtay manchester Uk



Dhinaca bidix eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal boorama, saaxil berbera ,sanaag ceerigaabo, sool laascaanood, togdheer Burco, maroodi-jeex Hargeysa


Manchester(saraarnews) Qaar ka mid ah caruurta uu dhalay Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin ayaa lagu soo waramayaa inay qaxootinimo isaga dhiibeen Wadamada Faransiiska iyo Ingiriiska.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Manchester ee wadanka ingiriiska waxaa halkaas iska dhiibay imikana ku jira xarun qaxooti oo u dhow degaankaas mid ka mid ah caruurta madaxweynaha oo magaciisa la yidhaaho C/RISAAQ DAAHIR RIYAALE , waxaana la sheegay inuu isku dhiibay qabiilada laga tirada badan yahay ee Soomaliya, gaar ahaan qabiilka loo yaqaano BANDHABOOW. Waaxda socdaalka ee wadankaasi ayaa la sheegay inay arintaas ogaadeen imikana baadhitaan ku hayaan.

Dad arintaas ka faalooday ayaa ku tilmaamay in xoolihii umada iyo cashuurtii laga qaaday dadka masaakiinta ah uu ku soo dhoofiyo caruurtiisa halka kuwii kale ee la midka ahaana wadanka ku dhibaataysan yihiin, waxayna arintaasi ku tahay ceeb iyo wax laga xishoodo mansakabka madaxweyne ee uu Riyaale ku fadhiyo iyo Qaranka somaliland Guud ahaan.

Thursday 25 February 2010

Daawo sawiradan foosha xun ee dahir rayale kahin

codkaagu waa dantaada

Codkaaga ayaa wax kuu jaraaya
Walaal doorashada maanta aad bay uga macna badantahay micnaha dad badani u qabaan. Mana aha qof la dooranaayo oo derajo la siinaayo ee waa masiirkaagii oo gacantaada kuugu jira. cid ha ugu tudhin, cid ha ugu deeqin, cid ha kaga aargoosan. Maxay danta adiga iyo caruurtaada ku jirtaa isweydii. Taas ayaa danta caamka ah ee bulshadu ku jirtaa oo waa maxay waa maamul wanaagsan oo aan musuqmaasaq ahayn sida kuwa maanta. Waa maamul wanaagsan oo bixiya daryeel cafimaad ,iyo waxarasho. Waa maamul wanaagsa oo shaqo abuura oo tahriibta la dagaalama . maaha kan maanta. Waa maamu lwanaagsan oo hantida aanku keydsan paris ee degmooyinka cisbitaalo ugu dhiso.dhakhaatiirna geeya. Waa maamul wanaagsan oo wadooyinka hagaajiya .waa maamul wanaagsan oo u shaqeeya dadka iyo dalkaba o aan ka shaqeysan. Waa maamul u heegan aqoonsiga Somaliland oo muran isdifaac meel iska dhiga. Kan udub sidaa ma ku heyna? Waa maya. Maxaad u dooraneysa. Shan sano oo sidi hore oo kale ha yeelina. Doorta isbeddel iyo shan sano oo horumar leh.

DAWLADAHA JARMALKA IYO JABUUTI OO KA WADA HADALAY ARIMAHA BUDHCAD BADEEDA IYO XIDHIIDHKA LABADA DAL


DAWLADAHA JARMALKA IYO JABUUTI OO KA WADA HADALAY ARIMAHA BUDHCAD BADEEDA IYO XIDHIIDHKA LABADA DAL

Dowladdaha Jarmalka iyo Jabuuti ayaa waxaa ay kawada hadleen arimaha Burcad Badeeda Soomaalida ee ka qowlaysanaaya xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed.

Wasiiradda arimaha dibadda ee labadda dal ee Guido Westerwelle iyo Maxamuud Cali Yuusuf ayaa kulan ay wada qaateen si qoto dheer uga wada hadleen howlgalka ka soconaaya Xeebaha Soomaaliya ee lagula dagaalamaayo Burcad Badeeda iyo qaabka sida fudud lagu soo afjari karo kooxahaas.

Wasiirka arimaha dibadda ee Jarmalka ayaa sheegay in howlgalka uu meel fiican maraayo isla markaana xusay in Xukuumadiisa ay diyaar u tahay in Jamhuuriyadda Jabuuti kala kaashato howlgalkaas.

Waxaana uu hadalkiisa ku daray in Dowladda Jarmalka ay dhowaan Safaarad ka furan doonto magaaladda Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti,iyadoo Ciidan ka tirsan kuwa Badda ee Jarmalka ay qayb ka yihin howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda.

Dhowaan ayay lagu wada in labadda dal ay heshiis dhanka iskaashiga la dagaalanka Burcad Badeeda ay wada gaaran.

Xasan Sacid

Jabuuti

HomeAbout usPhoto GalleryGabayoYAA CAAWINAYAQuraanReportsContact us
All rights Reserved by TogaHerer News Network (Shabakada wararka ee Togaherer.com)

Wednesday 24 February 2010

By A.geeljire


By A. Geeljire
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:..........

’aar inaadeerow aan is raacsado ee ii kaadi. Doolaal:
Bal wad waayahay eh.
Dubbe:
Horta yaynaan dhaqankii mafrishka ka tegin ee wadaadkeenii KU-Xigeenka ahaa ee Axmed Yusuf Yaasiin ee dhakhtarka France ku galay u duceeyaa in Ilaahay caafimaad siiyo oo uu nabad qab inoogu soo noqdo. Ta labaade saddex nin saddexdaba arrin aan ka maqlay waxbaan ka odhan.
Doolaal:
Waa kuwee?
Dubbe: Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar
waxaan maqlay Cawil baa kaxeeyay oo Ina Rayaale u geeyey, haddana . si ay u heshiiyaan oo uu UDUB ugu diga rogto haddana. Waxaan idhi anigu Suldaannka waan aqaan oo nin Ina Rayaale iyo Cawil oo tay kuu faleen la ogaa ku hoos noqonaya maaha. Ta kale
qudh ahaan waa u suldaan Somaliland ah, xisbi ahaanna waa u Kulmiye ee waxa ka maqani waa maxay? Ma inuu kolba sida saaxiibkay Cali Guray marka albaabka laga horjoogsado yidhaahdo "waar waa maxay inan gumeedyadan aanu u nimi." Buu doonayaa?
Doolaal:
Haye?
Dubbe:
Waa ka labaade; waxaan ka arkay bahalkan Televisionka la yidhaahdo askari Maraykan ah oo kaadhi wadada kolba dhan uga baxaya meel cidla ah oo laba magaalo dhexdood ah ku joojiyay. Kii oo darawalkii la hadlaya oo u xidhay inuu khamri cabbay gaadhina kaxeeyay ayuu gaadhi kale isa soo daba taagay. Askaragii baa gaadhigii kale u tegey, darawalkii buu weydiiyay wuxuu isu taagay isaga oo aan cidi joojin. "ishaaradan cas ayaan iska taagay." Buu ugu jawaabay intuu laydhkii gaadhiga booliska dushiisa ka bilig lagaa tilmaamay. Isaagii buu askarigii baadhay mise kii horeba ka sakhrad weyn. Isna waa xidhay.
Doolaal:
maxaad uga socotaa?
Dubbe:
Haaaaa! Waxaan uga socda inagoo jawaabtii Cali Sanyare, wasiirka Qorshaynta, ee ku saabsanayd safiirkii Masriga ahaa ee Somaliland aflagaadeeyay la yaabban ayuu Cabdillahi Ducaale, Wasiirka Khaarajigu, hadlay oo yidhi "xidhiidhkeena Masar wuu isa soo tarayaa oo Safiirka anigaa fool ka fool ula kulmay." Ninkaa gaadhiga booliska is daba taagay baan soo xusuustay.
Waxaanse idiin sheegayaa. Ha yaabina. Arrintu waxay ka socotaa waxa dalka xukuma Madaxweyne cid walba u rahman oo u habranaya. Ka Djibouti baasaboor buu ka qaatay. Ka masar dalkiisa ayuu lacagtii uu inaga qaatay ku qarsaday badhna daaro kaga dhistay. Kuwa kalena sheegi maayo hadda.
Doolaal:
Waxaasi waa waxaagii xilka lahaaye waa kuma ka saddexaad?
Dubbe:
Waxaan maqlay Monsieur, Jug-soo-Dhacay Jamac Yasiin Faarax oo ku khudabadaynaya "kuwa bulshada isku diraya ha dhegeysanina."
Waxaan idhi sawkaa is tilmaamay ee dadkii intii ku hadhay iska eryay. Hadda waa ninka madaxda ka ah xisbiga UDUB ee siyaasaddiisa doorasho ka kooban tahay saddex qodob oo keliya. 1) "ciddii Habar Yoonis ahay dagaalkii sokeeyey xusuusnaada weligiin oo ciddii Isaaqa kale ah ee kursii doonaysa haw codaynina." 2)Samaroonow haddii Kulmiye guulaysto beeraha iyo lo’da ayay idinka qaadayaan. 3) "yaa damiirkiisa iyo dadnimadiisa gadaya oo lacag raba oo noo codaynaya."
Doolaal:
Sii wada meel baan yar gaadhayaa aan qolo kula ballan sanaaye.
Dubbe:
Sii wadimaynee fadhiiso ninkii Qurba joogga ahaa baanu kuu dhammaynaynaa sheekadiisiiye. Wallaahi inaanad kacayn waanigaa dhaartaye.....
Inyar markaanu soconay buu yidhi "waar qaar aan jaad ugu ballan qaaday baan ilaabay ee kolaygan inagu du’." Waan duway. Gaadhi taagan baa daaqadiisa geedh jaad ah laga soo maguujiyay oo gabadhii iibinaysay indhaha kaga dhacay. Gabadhii oo anfariirtay baa tidhi. "Waar dee qaadka haygu tuurin Wasiir ee iga bedel uun qunyar i dhe." "waar ninka jaadka gabadha indhaha kaga dhuftay muxuu ahaa." Buu yidhi. "Waa Idris,Wasiirkii Maxjarka baan idhi." Kuye. "oo gabadha miyaad garanaysaa?" "haayoo Mujaahid naafo ah baa qaba oo ay isaga iyo carruurtiisii qaadka ku masruuftaa." Baan idhi. "oo berigii halganka Idris muxuu ahaa?" Buu yidhi. Intaanan u jawaabin ayuu gaadhi isa soo taagay oo uu ka soo degay nin gaaban oo uur buuran oo dadka wax lagama sheegee, Ilaahay haynaga dhaafee, aad moodo Nayl yar oo qasaasil cabbay. "waar kanna muxuu ahaa ."buu yidhi. "Waa wasiirkii Ciyaaraha." ayaan idhi. "adigu ma magaaladoo dhan baad na odhan kanna muxuu ahaa?" baan u raaciyay. "mayee lambarka gaadhigiisa ayaan gartay oo xalay isagoo luuq madaw taagan oo wax ka dhex qoslayaan aan dad iyo dacwooyin u kala garan waayay ayaan soo agmaray." Buu yidhi. "wallaahi xareediskaa horaan u maqlay" baan idhi. "Idris bay saaxiib yihiin." baan u raaciyay.

Doolaal:
Waar xishood oo madaxda shakhsi weerarka ka daa. Inaa’r haddaba aan kaco. Wallaahi dad baan meel kula ballamay.
Dubbe:
waa dhamaade dhegayso. Markaanu dhaqaaqnay ee aanu inyar soconay buu yidhi "waar hudheelkii igu celi aan lacag ka soo qaatee." "hayee cid dambe hay weydiin." Baan idhi. Gaadhi dumar badani ku buuqsan yihiin oo nin gaadhiga ku jira ay gadhkiisa tiigsanayaa si ay u qabtaan oo u baryaan kolna gacmaha cirka u taagaya sidii wax Ilaahay u cabanaya ayaanu ku soo baxnay. Halkiisii buu ka miisay oo "maxay ahaayeen?" buu yidhi. "kulligood wada garan maayo ee illaa tobaneeyo ayaan garanayaa." baan idhi. "Taa shalmadda cas lihi waa Muj. Cabdi hooyadii. Taa bidixda ka xigtaa ee dirica basaliga ah gashani waa Muj. ibrahim Habar yartii. Ta gaadhigu taayirka cagta ka marin gaadhay ee ku tiirsani waa Muj.Cali walaashii. Taa ilmada iska duugaysaa waa Muj. Daahir hooaydii. Ta aamusiinaysaa waa Muj. xirsi walaashii. Taa lleh "hoogay oo tacabkay khasaarayeey" waa Mujahidkan gooladda baabuurtu ka leexato seexda hooyadii. Taa askariga ilaadada ahii gambada ka tuuray ee cirrada u qaawiyay waa Muj. Cabdi hooyadii. Taa leh "Ilaahay iyo rag inoo kaca waynu leenahay ee inaga keena." Waa Muj. Xasan inaadeertii. Labadaa dib u yar joogsaday ee murugada iyo amakaaggu ka muuqdaa waa Muj.Maxamed iyo Muj. Axmed hooyooyinkood. Taa taagnaan kari weyday ee dhulka fadhiisatay waa Muj. xuseen hooyadii. Labada biyaha siinaya eek u fooraraa waa Muj. siciid iyo Muj. Bashe hooyooyinkood. Ta leh "naa laydha u baneeya." Waa Muj. Diiriye habar yartii." Baan idhi. " waxay wax tar ka doonayaan xukuumadda oo Intaas oo mujaahid oo aan kuu sheegay ama waa naafo laxaad ama naafo maskaxeed qaarna waa shihiideen." Baan u raaciyay.
"Oo ninka Gaadhiga lagu sidaa ee ay baryayaanna waa kuma?" buu yidhi. "Waa Wasiirkii Daakhilga Cabdillahi Cirro." Baan idhi. "berigii halganka muxuu ahaa?" buu yidhi. "AHN tee haddii uu Suldaan Boqor Yusuf Dhegaweyne noolyahay su’aashaadaa wuxuu kaga jawaabi lahaa "Haaye. You never eh. You never understand eh. People in the Jail eh. Beating hard eh. My testicles eh" dee xiniinyaha ayuu ragga jeelkii godka la odhan jiray kaga saari jiray.
Waar maxaynu jiidhnay? Ma ri’ baa? Ta kale maxaad la ooyaysaa waa caadiye. Waar raggu ma ooyo ee adkayso waxba maad arage. "waar bal goodhidan yar igu du’ aan biyo ka iibsadee." Buu yidhi. Markaan joogsaday buu haddana yidhi. "oo daartan dheer ee cirka ku jaran yaa leh." "Madaxweyne Dahir Rayaale Kaahin." Baan idhi. "Goodhidanna yaa leh."buu yidhi.
"Mujaahid Ismaaciil oo naafoo ah ayaa leh." Baan idhi.
Waa inoo qoraalka xiga. Haddii Eebbe idmo
A. Geeljire

harar on February 24 2010 10:25:23 ·

Qubane



Tuesday 23 February 2010

Codkaagu waa calafkaaga


Codkaagu yuu ku dilin
Walaal doorashada maanta aad bay uga macna badantahay micnaha dad badani u qabaan. Mana aha qof la dooranaayo oo derajo la siinaayo ee waa masiirkaagii oo gacantaada kuugu jira. cid ha ugu tudhin, cid ha ugu deeqin, cid ha kaga aargoosan. Maxay danta adiga iyo caruurtaada ku jirtaa isweydii. Taas ayaa danta caamka ah ee bulshadu ku jirtaa oo waa maxay waa maamul wanaagsan oo aan musuqmaasaq ahayn sida kuwa maanta. Waa maamul wanaagsan oo bixiya daryeel cafimaad ,iyo waxarasho. Waa maamul wanaagsa oo shaqo abuura oo tahriibta la dagaalama . maaha kan maanta. Waa maamu lwanaagsan oo hantida aanku keydsan paris ee degmooyinka cisbitaalo ugu dhiso.dhakhaatiirna geeya. Waa maamul wanaagsan oo wadooyinka hagaajiya .waa maamul wanaagsan oo u shaqeeya dadka iyo dalkaba o aan ka shaqeysan. Waa maamul u heegan aqoonsiga Somaliland oo muran isdifaac meel iska dhiga. Kan udub sidaa ma ku heyna? Waa maya. Maxaad u dooraneysa. Shan sano oo sidi hore oo kale ha yeelina. Doorta isbeddel iyo shan sano oo horumar leh.

Monday 22 February 2010

Daahir Rayaale ma wuxuu mari doona wadadii Boqor Shaah,mise


Daahir Rayaale ma wuxuu mari doona wadadii Boqor Shaah,mise
Dhacdooyinkii isdaba jooga ahaa ee weji -gabaxa ku noqday masuuliyiinta xisbiga siyaasiga ah ee UDUB,gaar ahaan Xoghayaha guud ee xisbigaasi Jaamac Yasiin waxa ay muujinayaan halka ay marayso karaha ay shacbiweynaha reer Somaliland u hayaan Madaxweynaha Tallada dalka haya ee wakhtigan Daahir Rayaale Kaahin, taasi oo runtii i xasuusisay dhacdadii fajaca ku noqotay Boqorkii dalka Iiraan ee Shaah,kaasi oo ay marin habaabiyeen masuuliyiintii xilalka u hayay oo si aan run ahayn uga dhaadhicin jiray in dadku la dhacsan yihiin hogaankiisa.
Run ahaantii waxa xaqqiqdu tahay in madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo shakhsiyadiisa la odhan karo wuxuu ka mid yahay dadka dadnimo wanaagu ku jiro in ay marin habaabiyeen rag iyo dumar ku xeeran maamulkiisa, kuwaasi oo si is soo taraysa ugu soo dhawaaday wixii ka danbeeyay doorashadiisii Madaxweynenimo.
Arrintan oo muddo hore dareenkeedu ugu jiray in ay kala mid dhigi doonto aakhirka Boqorshhahii Iiraan, waxa cadaynteedu uu soo muuqatay saaka kolkii uu mar labaad xoghaya guud ee xisbiga UDUB la kulmay weji gabax ka dhashay markii uu isku dayay inuu ka hadlo beerto xorriyadda oo ay ka socotay xuskii 20-ka Feberwery eek u beegnayd manta oo kale 1982-gii oo ay dhalin yaro arday ahayd dhagax kala hortageen tawaangidii dawladii milateriga ahayd,taasi oo ay shacbigu,gaar ahaan ardaydua iyo macalimiintoodu u adkaysan kariweyday cadaadiskii dalkan ka jiray.
Bal aynu wax yar ka xusno taariikhdii Boqoqr Shaah iyo maalmihiisii ugu danbeeyay, boqor Shaah oo ahaa boqorkii ugu danbeeyay boqortooyooyinkii dalkaasi soo xukumi jiray, waxan a uu aha boqor ka furan waalidiintiisii, waxana uu ahaa kii dhisay caasimada dalka ee Dahraan,haseyeeshee waxa boqorka iyo dadweynihiisii jeclaa ee u han weynaa kala dhexgalay, rag la soo shaqeeyay boqoradii ka horeeyay oo dhaqan ahaan jeclaa in aan wax dabac ah loo muujin dadweynaha, iyagoo u arkayay in haddii dadka dabac loo muujiyo in ay ku soo bixi doonaan rag yeelan doona damac ay ku hungureeyaan xilalka ay raggani ka hayaan boqortooyadda .
Waxa ay arrintu sii xumaato oo ay dadku cadaadis dareemaan, ayaa waxa dhacday in Sheekhii weynaa ee Aayatu-laah uu rayal-caamkii dadweynaha uu la wareegay,kaasi oo cajalado ku soo qarqiyay dadkii,haseyeeshee waxa taasi Boqor Shaah uga dhigayay kaadiriyiintiisii in ay ummaddu jeceshahay isaga,iyadoo ay dadka soo tubaan wadooyinka hareereheeda marka Shaah uu u soo baxayo magaalada ama u baxayo gobolada.
Dadweynaha waxa aakhirkii ay ku keliftay in ay isugu soo baxaan wadooyinka,taasi oo keenaty in aakhirkii ay dadku gaadhaan afaafka hore ee Madaxtooyadda ,wax yar kadib waxa boqor Shaah oo fadhiya xafiiskiisa u tegay Taliyayaasha ciidanka Boqortooyadda iyo kan madaxtooyada,kuwaasi oo boqorka ka dalbaday inuu u fasaxo in dadka lagu dhaqaajiyo tawaangi si marka ay dhiiga marka ay arkaan u kala yaacaan, haseyeeshee Boqor Shaah oo ahaa nin aanay dadnimadiisu dhiman, ayaa u sheegay labada Taliye in isaga iyo dadweynaha Iiraan oo la laayo ay u fududahay in isagu uu isaga tago, waxana uu u yeedhay Afadiisii oo uu ku wargeliyay in wixii ay qaadan karto ay soo urursato, iyadoo uu sidoo kale amray Bayloodkiisii diyaarad u tiilay qasriga in uu istaadho, sidii ay boqorka Afadiisu ku qortay buugeedi waxa Boqorku kolkii ay diyaaradu la dulmartay Dehraaan ee uu arkay in bulshadii caasimadu aanay cidiba gurigeedii ama xafiiskeedii ku jirinm inuu ku yidhi xaaskiisii “haddii aan ogahay in dadku ii nacay sidan, beri hore ayaan isaga tegi lahaa oo aan meesha banyan lahaa”.
Nasiib daro boqorku waxa uu arki jiray dad la soo qasbay oo wadooyinka la soo tubay,isla markaana caleemo qoyan loo dhiibay, balse nasiib uma helin Boqorku in uu fahmo dareenka dhabta ah ee bulshadiisa, waxana uu calaacalay goor ay xero iyo fandhaal kala dhaceen oo Odayga gurigiisii lagu soo hujuumay.
Dhab ahaantii waxa Boqorka lku dhaw in uu la taariikh noqdo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo wixii uu wanaag lahaaba ay hal bacaad lagu lisay ka dhigeen kuwa ku xeeran ee ilaa iyo maanta u sheega in dadku isaga la dhacsan yahay, haseyyeshee waxa cad in labadan dhacdo ay Odayga ugu filan yihiin inuu wax ka ogaado dareenka dhabta ah ee dadka reer Somaliland ee quusta ka taagan hab dhaqanka Xukuumaddiisa g taagta daran ee isku haysata oo keliya dhegtiisa cida haysan lahayd.
Si kastaba xaalku ha ahaadee waxa aniga oo aan si weyn u jeclayn guuldarada Rayaale,isla markaana si nasteex ah ula talinaya waxa aan u soo jeedin lahaa in inta aanay xaaladu halkii Boqor Shaah gaadhin in uu wax ka bedelo mawqifkiisa siyaasadeed oo uu ka fikiro in aanu mar labaad isa soo sharaxin oo uu ka fikiro inuu dib u dhiso xisbigiisa sii baaba’aya , haddii aanu taasi ku talabsana waxa runta biyo kama dhibcaanka ahi ay tahay in uu meesha kaga bixi doono si aanu raali ka noqon.

Mustafe Cabdi Ciise "Shiine"
Maamulaha Goobjoognews.net.
daaha02@hotmail.com

Sunday 21 February 2010

Lataliyihii Madaxweyne Shariif oo Is-casilay


Lataliyihii Madaxweyne Shariif oo Is-casilay

Prof. Warfaa, mar uu ka hadlayay shaqsiyadda madaxweyne Shariif, wuxuu sheegay in Sheikh Shariif uu yahay

Prof. Warfaa wuxuu wareysi uu siiyay Idaacadda VOA ku sheegay in arrimo shaqsiyadeed oo u gaar ah iyo dhowr qodob oo kale ay ku qasbeen inuu iska casillo jagadii uu ku magacownaa.

Prof Warfaa wuxuu sheegay in madaxweyne Shariif aanu hirgalin talooyin dhowr ah oo uu soo gudbiyay, talooyinkaasina wuxuu ku sheegay inay ka mid ahaayeen; in la yareeeyo tirada wasiirradda dowladda Somalia, in la abuurro shan nin oo lataliyayaal sare ah oo wasaaraddaha dowladda la taliyo, in dad Somali ah oo aqoonyahanno ah ay dowladda talladeedda ka qeybgalaan iyo in dowladda dhexe ay dhiirigaliso dowlad goboleedyo uu dalku yeesho.

Prof. Warfaa, wuxuu xusay in sababaha loo tixgalin waayay talooyinkiisa ay ugu wacan tahay, iyadoo ay jiree ajandayaal kale oo badan oo madaxweynaha horyaallay. Prof. Warfaa wuxuu kaloo ka dhawaajiyay inay jiraan lataliyayaal badan oo madaxweynuhu leeyahay, kuwaasoo uu sheegay in isagu aanu ku qancin lataliyayaasha badan ee is-dhinac yaacaya.

Prof. Warfaa, wuxuu ku tilmaamay waxqabad la''aanta dowladda inay ugu wacan tahay kooxaha badan ee dowladdu ka kooban tahay, sida Maxaakiintii, Barlamaankii xorta, Dowladdii hore iyo kuwo kale, wuxuuna tibaaxay in dhamaantood aysan lahayn mowqifyo isku mid ah.

Prof. Warfaa, mar uu ka hadlayay shaqsiyadda madaxweyne Shariif, wuxuu sheegay in Sheikh Shariif uu yahay shaqsi leh tixgalin iyo ixtiraan oo dadka si weyn u dhagaysta, balse wuxuu Prof Warfaa carabaabay in madaxweynuhu u doonayo inuu qof walba qanciyo taasoo uu xusay inaysan suurtagal ahayn oo madaxweynaha looga baahan yahay inuu qaato go''aamo ad-adag.

Ugu danbeyntii Prof Warfaa wuxuu sheegay in sababta ay dowladda Somalia ugu guulaysan la'' dahay soo celinta amniga ay ugu wacan tahay aamin darro ka dhexjirta qeybaha ciidanka.

Wareysiga Prof. Axmed Muumin Warfaa qeyta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

Gabileynews

Friday 19 February 2010

Wednesday 17 February 2010

oodweyne oo mudaaharaad ku dhigay udub


Oodweyne Xisbiga UDUB waa lagu soo Dhaweeyay ee Laguma Mudaharadin’
Burco Jam)- Guddoomiyaha Ololaha Doorashooyinka ee xisbiga UDUB Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-hindi), ayaa sheegay in weftigii UDUB ee booqashada ku tagay magaalada Oodweyne si weyn loogu soo dhaweeyey oo aanay jirin cid ku mudaharaaday.

Md. Cismaan Hindi oo shalay warbaahinta ugu warramayey magaalada Burco, isagoo daba socday war ku soo warbaahinta oo lagu sheegay wafti uu hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee xisbiga oo maalintii Isniinta booqday degmada Oodwayne ay koox dhallinyaro ah mudaharaad kala horimaadeen, kadibna Xabsiga loo taxaabiyay. Haseyeeshee, waxa uu warkaas ku tilmaamay been abuur ah oo aan waxba ka jirin “Weftga xoghayuhu hoggaaminaayae si layaab leh ayaa loogu soo dhoweeyay Oodweyne, waxaana taas markhaati ka ah cajaladidi soo dhawaynta oo tiifiyadda lagu baahiyay,” ayuu yidhi.

Waxa uu intaa ku daray in waftiga UDUB si wayn loogu soo dhaweeyay dhammaan gobollada uu booqashada ku maray haddana safarkiisi si caadi ah u wato.

Mr. Cismaan Hindi waxa uu dhaliil u jeediyay xisbiga KULMIYE oo uu ku tilmaamay kuwo aan arkayn Horumarka Dalku gaadhay ee yagu arkayaa waxa aan la garanayn oo Umadadda u muuqda, waxaanu soo jeediyay inay kala saaraan qaranimada iyo mucaarinimadda, waxaannu xusay in safarrada weftiyada UDUB ku marayaan gobollada aanayn ahayn olole Doorasho.

Tuesday 16 February 2010

Sunday 14 February 2010

Wargeyska ogaal

Wararkii Wargeyska Ogaal Cadadkiisii Maanta oo Axad ah



Guddigu weli wax talooyin ah ma ku celiyeen Shirguddoonka?

Guddoomiyaha Guurtida oo ka hadlay geedi-socodka dhexdhexaadinta khilaafka golahaas
“Hawshaa mar haddii guddi loo xil saaray, guddi waa tii hawsheeda loo dhaafaa, ilaa ay…” Gudd. Guurtida……..WARAYSI GAAR AH

Guddigu weli wax talooyin ah ma ku celiyeen Shirguddoonka?
Guddoomiyaha Guurtida oo ka hadlay geedi-socodka dhexdhexaadinta khilaafka golahaas
“Hawshaa mar haddii guddi loo xil saaray, guddi waa tii hawsheeda loo dhaafaa, ilaa ay…” Gudd. Guurtida……..WARAYSI GAAR AH
Hargeysa 14, Feb.2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadam, ayaa ka hadlay hawsha guddi loo saaray xal-u-helida khilaaf muddooyinkii u dambeeyay ruxay golahaas.
Guddigaas oo ka kooban sagaal Mudane oo Guurtida ka tirsan, waxa uu goluhu magaacabay Arbacadii aynu ka soo gudubnay, ka dib markii xubnaha Shirguddoonku golaha ka hor caddeeyeen in aanay wax natiijo ah ka gaadhin wadahadalo la xidhiidhay khilaaf muddooyinkii u dambeeyay u dhexeeyay, isla markaana golaha ugu soo celiyeen si xal guud looga gaadho.
Hase yeeshee, Guddoomiyaha Guurtidu waxa uu sheegay in guddigu aanay weli wax talo ah Shirguddoon ahaan ku soo celinin. “Hawshaa mar haddii guddi loo xil saaray, guddi waa tii hawsheeda loo dhaafaa, ilaa ay wax soo celisana aniguna ka qaadi maayo, cid kale inay ka qaadana ma ogoli,” ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadam oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay hawsha dhexdhexaadinta khilaafka Guurtida. “Guddigu weli way maqan tahay, dhakhsana waanu uga filaynaa inay talooyinkooda keenaan,” ayuu raaciyay.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in aanu jirin waqti cayiman oo ay guddiga ku balansan yihiin inay talooyinkooda ku keenaan. “Kollay, maalin walba waanu isu imanaynaa, subax walbana waanu tagnaa meesha – halka ay marayaan. Markaa hadda wax war ah oo la idinka siin karaa ma jiree, marka guddigaasi ka soo baaraan degto ee talooyin keento ha inoo ahaato,” ayuu yidhi.
Mar la waydiiyay in waxyaabaha ay Shirguddoon ahaan isku hayaan, iskuna afgaran waayeen ay ka qoto dheer tahay khilaafkii ka dhashay wax-ka-bedelkii guddiga Joogtada ah, waxa uu ku jawaabay; “Kollay, khilaaf golaha saameeyay baa ka dhashay (bedelkii guddiga), taas baana daawo loo rabaaye, wixii guddigu keento ka hordhici maayo,” ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.
Dhinaca kale, Xildhibaan Aadam Shire Faarax oo ka mid ah guddiga loo saaray dhexdhexaadinta khilaafkaas, waxa uu sheegay in aanu jirin wax ay weli guddi ahaan isla qaateen. “Walaahi, Ilaahay baa og, ilaa haddeerna ma cadda, mana garan karto inta ay qaadan karto,” ayuu yidhi Xil. Aadan Shire oo uu xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhay Wargeyska Ogaal. “Waxba kumaanu celin (Shirguddoonka), waxbaba maanu gaadhin oo markaanu wax gaadhno uun baanu wax celin karnaa,” ayuu raaciyay.
Mar la waydiiyay inay jiraan qodobo guddi ahaan ay isku mari la’yihiin, waxa uu ku jawaabay; “Wax kasta oo la isla maroba, waxa nuxurku yahay waxa la isla gaadho, waana in natiijo la isla gaadho ama la islaba gaadhi waayo.”

Mudane ka tirsan golaha Wakiillada oo ku baaqay in casuumad loo fidiyo Senator Donald Payne

Hargeysa 14, Feb.2010 (Ogaal)- Xoghayaha guddida Joogtada ah ee golaha Wakiilada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), ayaa Xukuumadda Madaxweyne Rayaale uga digay hadalada ka dhanka ah Senator Donald Payne oo ka tirsan aqalka Congress-ka Maraykanka.
Xildhibaan Nacnac oo shalay warsaxaafadeed kooban soosaaray, waxa uu Shirguddoonka golaha Wakiilada ka codsaday in golahoodu martiqaad u fidiyo Senator Donald Payne oo uu sheegay inuu xidhiidh la leeyahay shacbiga Somaliland. Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan; "Si loo taabo geliyo loogana midho dhaliyo himilada qarankan Somaliland ee Ictiraaf-raadinta, waxa aan Xukuumadda uga digaynaa ereyada ka dhanka ah mudanaha Donald Payne iyo dawlada Maraykankaba.
Waxa kale oo aanu u soo jeediyaa dadka Soomaalida ah ee ay diinta iyo dhaqankaba wadaagno ee ku haysta afduub lamaanaha Ingiriiska ah, inay siiyaan xoriyadoodii kuna sii daayaan si bilaa shuruud ah, iyagoo eegaya sharafta iyo karaamada kumanaanka Soomaalida ah ee ku nool cariga Ingiriiska.
Waxa kale oo aan Golaha Wakiilada iyo Shirgudoonkaba ka codsan lahaa in gole-weynuhu martiqaad rasmi ah u fidiyo Senator-ka ruug caddaaga ah ee Donald Payne, maadaama oo uu xidhiidh iyo damqasho la leeyahay reer shacabka Somaliland."

London: Guddi loo magacaabay taakulaynta Abwaan Boon Xirsi

London 14, Feb.2010 (Ogaal)- Guddi la sheegay inay taakulayn u raadin doonaan Abwaan Boon Xirsi, ayaa shalay lagaga dhawaaqay magaalada London.
Boon Xirsi oo ka mid ah jilayaasha loogu jecel yahay dhinaca masrax faneedka, waxa todobadii sannadood ee u dambeeyay deris la ahaa indho la’aan soo wajahday.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kooban oo shalay laga soosaaray London, guddigan oo ka kooban taakulayn iyo abaabul loo samaynayo wax u qabashada Abwaan Boon Xirsi (Bawdyo-gaab), waxa laga dhisay dalal ka tirsan qaarada Yurub iyo Ameerika. Qoraalkaas oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan; “Kulano iyo xidhiidho waayadan u socday waxgarad, aqoonyahano, odayaal , abwaano iyo weliba masuuliyiin ka tirsan Qurbajooga Somaliland, ayaa lagu gorfeeyey xaalada Abwaanka weyn ee Boon Xirsi oo ku sugan caasimada Somaliland ee Hargeysa , islamarkaana u baahan Dhakhtar Caafimaad oo wax looga qabto dhinaca Indhaha.
Kulamadan iyo xidhiidhadan ayaa dhamaantood ku saabsanaa sidii Abwaanka Somaliland loogu gurman lahaa, gaar ahaana Qurbajooga Somaliland ee Qaarada Yurub oo looga baahanyahay in ay la xidhiidhaan gudida guud ee loo magacaabay.
Gudidan guud ee la unkay ayaa tilmaamay inay Bulshada Somaliland ay wax is tari karaan hadii ay isu kacaan, gaar ahaana Qurbajooga Somaliland waajib ay ku tahay inay dadaal u galaan sidii ay dadkooda ay wax u tari lahaayeen, gaar ahaan Abwaan Boon Xirsi oo qiimo gaara ku leh bulshadeena guud ahaanba.
Ugu dambayntii waxaa la sameeyey gudi ka kooban 11-xubnood oo leh Gudoomiye, islamarkaana loogu magac daray Gudida Abaabulka iyo taakuleynta ee Abwaan Boon Xirsi.
Gudiga Abaabulka & Taakulaynta Abwaan Boon Xirsi ee Qaarada Yurub:-
1- Salebaan Cumar Ku-joog, London UK (guddoomiye)
2- Abwaan Maxamed Xasan (Dheglas), London UK
3- Abdirisaq Sh. Ibraahim Kooshin (alpha) – Bristol UK,
4- Suldaan Cabdilaahi Sweden, Leicester, UK,
5- Abdiraxmaan Muuse Qaraami, Coventry, UK
6- Maxamed Diiriye Nuur (Fariid), Birmingham, UK.
7- Maxamed Sh. Ibraahim (Xujaale) Shefeild, UK
8- Axmed Xasan Carwo, Cardiff, UK
9- Abwaan Ismaciil Aw-Adan Jaamac UK.
10- Maxamed Jaamac Cilmi (Jaruur) Milton Keynes, UK
11- Cabdi Awr Fuul –Shootali, Manchester UK.
Gudiga kale ee abaabulka & taakulaynta Abwaan Boon Xirsi ee Qaarada Waqooyiga Ameerika;-
1. Ismaciil Faarax Ibraahim, Canada (guddoomiye)
2. Oday Axmed Juuq-Dhawr, Canada
3. Omar Axmed .
4. Mustafe Cabdi Cartan.
Dhamman Jaaliyadaha reer Somaliland ee Qurba jooga, gaar ahaan Qaarada Yurub iyo Waqooyi Ameerika, waxaa si naxariis leh looga codsanayaa inay ka soo qayb qaataan taakuleynta dhaqaale ee loo wado Abwaan Boon Xirsi oo u baahan gurmad deg deg ah, lana xidhiidhaan gudiyada laba qaraadood oo ah qaar isku mida hawsha ay wadaan.
Hadaba, muwaadiniinta Somaliland ee Qaarada Yurub ee ku tabarucaya gargaarka Abwaanka, waxaa laga codsanayaa in si toos ah ugu diraan tabarucooda Account looga furi doono xafiiska sharikada Dahabshiil ee magaalada London oo ay ku ururayso tabarucaadkaasi, masuulna uu ka yahay Gudoomiyaha Gudida Qaarada Yurub Salebaan Cumar Ku-joog.”

Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada oo ka dayriyay xaaladda Xabsiga Berbera

Hargeysa, 14 Feb, 2010 (Ogaal)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee laga soo doortay Gobolka Saaxil, ayaa ka dayriyay xaaladda Xabsiga magaalada Berbera ee xarunta Gobolkaas. Waxaanu baaq u jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in xaaladda Xabsiga Berbera ay liidato. “Xabsiga Berbera arrintiisu waxay maraysaa meel khatar ah, waxa loogu talo-galay in lagu xidho Maxaabiista mudda yar ilaa 6 bilood xidhnaanaysa, maaha xabsi ballaadhan..Xabsigani maanta wuu ciir-ciirayaa, waxaana halkaa ku xidhan dadkii falalka Argagixiso loo xukumay..Sidoo kale waxa lagu soo xidhay Xadhigyo ad-adag oo dhawr iyo labaatan sanno ilaa xabsi-daa’in u dhaxeeya dad ku xukuman.” Ayuu yidhi Xildhibaan Qabile.
Xil. Maxamed Faarax Qabile wuxuu Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay in dhacdooyinka Laascaanood doonayso inay ku daboosho arrimaha Berbera, waa sida uu hadalka u yidhiye. “Xabsiga Berbera waxaan qabaa in aanu qaadi karin culayska intaa le’eg, aniga oo ku hadlaya Afka Xildhibaannadii ka soo baxay Gobolka Saaxil. Waxaan leeyahay arrinkaasi waa arrin qoto-dheer oo aanay Xukuumadda Rayaale ujeedada la gaadhayn, xaalad-abuurka loo tuhunsan yahay in ay iyadu ka dambayso ee ka dhacaya Laascaanood, waxay doonaysaa in arrinta Berbera ka soo socota lagu iloobo waxa ka dhacay Laascaanood.” Ayuu yidhi Xildhibaan Qabile.
Xildhibaan Qabile waxa uu baaq u jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo masuuliyiinta Xabsiyada dalka. “Waxaan leeyahay maamulka Xabsiyada dalka, sharcigu wuxuu dhigayaa in fal kasta lagu xukumo halka uu ka dhaco meeshii aan nabad-gelyo darteed aan loogu hayn karin..Lama waayin meel lagu xidho Maxaabiista intaa le’eg ee tiradaa leh..” ayuu yidhi Xil. Qabile, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan ka dayrinayaa, una soo jeedinaya maamulka dalka inay maxaabiista sidii sharcigu ahaa ka soo raraan magaalada Berbera ee loogu talo-galay Maxaabiista xadhig-yaraha ah oo culayska intaa le’eg laga soo dul qaado.”

Muqdisho: Mudane ku biiray Kooxaha ka horjeeda Dawladda Shariifka oo ka hadlay sababta uu ugu biiray

Muqdisho, 14 Feb, 2010 (Ogaal)- Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil (Badbaado) oo ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Dawladda Shariif Sh. Axmed ee Soomaaliya ayaa shalay sheegay inuu ka baxay maamulkaas, kuna biiray Kooxaha ka horjeeda Dawladda Shariifka.
Xildhibaan Badbaado oo ka shir-jaraa’id shalay Magaalada Muqdisho ku qabtay, ayaa sheegay in uu ka baxay Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana wuxuu eedayn culus u jeediyay Baarlamaankii uu ka tirsanaa iyo Dawladda Shariifka oo uu sheegay in ay ka been sheegeen ballan ay hore u galeen oo ah in shareecada lagu dhaqo Koonfurta Soomaaliya. “Sababta koowaad ee aan uga baxay dawladda waxay tahay inaan helo goob laga fulinayo sharciga Islaamka, waanan imid." ayuu yidhii Saalax Badbaado oo sheegay in uu ku badbaadi waayay guri uu ka deganaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan qeybta ay maamusho dawladdu.
Saalax Badbaado wuxuu Ciidamada Dawladda Shariifka ku eedeeyay in ay dhibaataynayaan Bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan degmooyinka ay ka taliyaan. "Ciidamada dawladda dadku way ka nabadgeli waayeen, waayo waxay kala dagaan Gaadiidka dhac ayayna u geystaan, waana waxyaabaha aan u adkeysan waayay oo igu kalifay inaan kasoo baxo dowladda" ayuu yidhi Saalax Badbaado.
Sidoo kale wuxuu dhaleecayn u jeediyay Ciidamada AMISOM oo uu ku eedeeyay inay Madaafiic ku garaacaan deegaano ay degan yihiin dad shacab ah oo ka tirsan Magaalada Muqdisho. Waxaanu Dawladda Shariifka ku sheegay in aanay lahayn awood ay ku hanan karaan Koonfurta Soomaaliya.
Waa Xildhibaankii koowaad ee ka baxa dowladda Shariif Sh. Axmed ee Sooamaliya, waxaanu Badbaado maalmihii la soo dhaafay laga la’aa Magaalada Muqdisho, hase ahaatee, aakhirkii wuxuu caddaystay in uu ku biiray kooxaha ka horjeeda Shariif Sh. Axmed.