Monday 1 March 2010

Soomaali waa Soomaali, mid ayuun baanay ahaan jirtay, Somaliland-tu waxa Alle dhaafiyay Dabkii Koonfur lagu tuuray ''guddoomiyaha xeerbeegtida Ciise''

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo Weji-gabax kala kulmay Caleemo-saarka Ugaaska Ciise


Hargeysa (Somaliland.Org)- Munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo lagu caleemo-saaray Ugaaska 19aad ee Beesha Ciise, ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Saylac ee gobolka Salel ee Somaliland.

Munaasibaddan oo ahayd mid si ballaadhan loo soo agaasimay, kana qayb galeen dad tiradoodu kor u dhaafayso 1,000 qof oo ay ka mid ahaayeen Madax ka kala socota dalalka Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya, ayaa lagu caleemo saaray Ugaaska 19aad ee Beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim Ugaas Wacays oo da’diisu 18-jir tahay.

Ugaaskan maanta la caleemo-saaray ayaa soo xuliddiisa lagu hawlanaa muddo shan bilood ah, ka dib markii Beesha Ciise ee uu ka soo jeedo aanay wax Ugaas ah lahayn muddo 13 sanno ah.

Munaasibadda Caleemo-saarka Ugaaskan oo bilaabmatay saaka abbaaro 10:00 saacadda Afrikada bari, ayaa waxa ka qayb galay Wefti ka socda Somaliland oo uu horkacayay Wasiirka Daakhiliga Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil (Cirro), Wefi ka socday Jabuuti oo uu hoggaaminayay Ra’iisal-Wasaaraha dalkaas Dilleyte Maxamed Dilleyte iyo Wefti ka socday Itoobiya oo uu horsocday Wasiirka Dhaqanka dalkaas Maxamuud Dirir Guuleed. Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim, ayaa la caleemo-saaray oo la cumaamaday abbaaro 10:15 daqiiqo ee saaka.

Dhinaca kale, Weftiga ka socday Dawladda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada, Arrimaha gudaha Cabdilaahi-Cirro iyo Dhaqanka Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa weji-gabax kala kulmay Munaasibaddaas, ka dib markii Xeer-beegti ka tirsan kuwii waday Munaasibaddaasi ay sheegeen in ay Soomaaliya mid tahay, isla markaana aanay Somaliland waxba kaga duwanayn. “Soomaali waa Soomaali, mid ayuun baanay ahaan jirtay, Somaliland-tu waxa Alle dhaafiyay Dabkii Koonfur lagu tuuray, laakiin Soomaali waa mid uun.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Gendaha ama Xeer-beegtida soo xushay Guddidan oo tiradoodu ahayd 44 Nin. Hase yeeshee, Wasiirada iyo Masuuliyiinta Xukuumaddu kamay hadal arrintan.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

No comments:

Post a Comment