Sunday 28 February 2010

Nin Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Ee Gegida Diyaaradaha Boorama Oo Rasaas Huwiyey Gaadhi Ay Saarnaayeen Shaqaale Ka Tirsan Urur Maxalli Ah




Boorama, February 28, 2010 (Haatuf) - Nin ka tirsan Ciidanka qaranka ee ka hawlgala gegida diyaaradaha Boorama ayaa Shalay abaarro 10.30 Barqanimo Rasaas ku furay gaadhi ay saarnaayeen shaqaale iyo masuuliyiin ka tirsan urur Samafal oo maxali ah, taas oo ay tacshiiradaasi uu ku dhaawacmay hal qof oo ka mid ah shaqaalihii saarraa gaadhigaasi.

Sida uu u sheegay weriyaha Haatuf ee Boorama masuul ka tirsan ururka maxalliga ah ee Ayoda oo iska lahaa gaadhiga rasaasta lagu furay, waxa rasaastan dhaawac fududi kasoo gaadhay mid ka mid ah shaqaalaha Ururka oo saarraa gaadhiga la rasaaseeyey, isagoo ninkaasi loola cararay isbitaalka guud ee Boorama.

Sida laga soo xigtay dad goobjoog ahaa oo ku dhawaa garoonka dayuuradaha Boorama ayaa la sheegay in gaadhigaasi marayey meel u dhaw gegidaasi isagoo wakhtigaa ku sii socday meesha la yidhaa Shabeeley si ay u gaadhsiiyaan buugaag iyo Agab kale oo ururkaasi deeq ahaan ugu geynayey deegaankaasi, balse askari ka tirsan ciidankaasi kusoo cararay gaadhigaasi kuna horjoogsaday qori caaradii kadib markii uu gaadhigaasi joosadayna uu rasaasta ku furay, iyadoo rasaastaasi midi kaga dhacday mishiinka baabuurka, halka xabbad kalena dhaawac fuud soo gaadhsiisay mid ka mid ah shaqaalaha.

Ilaa imika ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay dhimnaca ciidamada amniga, balse sida lasheegayo askarigaasi ayaa haatan loo xidhay falkaasi, iyadoo ciidamada amniga iyo maamulka gobolkuna baadhayaan waxa keenay toogashadan.

sida ay sheegeen mid ka mid ah ciidamada oo ka cudurdaartay in la magacaabo in toogashadani ka dambaysay amar uu askarigaasi siiyey sarkaalka ciidamada aaggaasi garoonka, taas oo sababa looga dhigay in gaadhigaasi marayey garoonka dayuuradaha badhtamihiisa, kaas oo mamnuuc ka ah in gaadiidku maro, balse sidda la sheegeyo gaadhiga ayaa ugu yaraan 300 tallaabo u jiray garoonka dayuuradaha marka falka toogashado lala beegsaday.