Tuesday 26 January 2010

Masuuliyiinka Xisbiga kulmiye ee Gobolka togdheer uu uu weheliyo afhayeenka xisbiga kulmiye ayaa ka jawaabbay 20100126

(Dhinaca midig eeg u codee siilaanyo, faysal, Rayaale mid uun )


Masuuliyiinka Xisbiga kulmiye ee Gobolka togdheer uu uu weheliyo afhayeenka xisbiga kulmiye ayaa ka jawaabbay
Burco(iftin news)26/01/2010 masuuliyiinka xisbiga kulmiye ee gobolka togdheer uu uu weheliyo afhayeenka xisbiga kulmiye ayaa ka jawaabbay hadalka kasooyeedhaymadaxweynaha rayaale iyo golihiisawasiiradda waxaannauuwarsaxaafadeedka oo dhamaytirani u qornaa siddan :

Go,aanka iyo xukuumadiisa ee ah axmed siilanyo dalka soo gali mayo waa xaal abuur ay doonayaan in xukuumadda dahir rayaale nidaamka doorshada khalkhal ku galiyaan nabadgelyadda dalkanna ku waxyeeleeyaan.Dastuurka jamhuuriyadda Somaliland waxaa bud hdig u ah in dalka lagu maamulo nidaam dawladeed oo dimuqraadiya., qaab dawladeedkaasna waxaa saldhig u ah in hay’addaha (government institutions) ay ku yimaadaan doorasho xor iyo xalaal ah , muddada xilkooduna uu dastuurku xadaynaayo .



Sidda aynu ka war doorashooyinkii jamhuuriyadda Somaliland madaxweynaha iyo golayaasha deegaanka waxay muddo dhaaf yihiin 2007-2010 .qabsoomid la,anta doorashooyinkuna waa xilgudasha la,aan uu leeyahay madaxweyne dahir rayale iyo xukuumadiisu . sababtuna ay tahay waa masuuliyadiisii uu dastuurku ku waajibiyay. Khilaafaadkii doorashooyinka ee dalka khalkhalka galiyayna waxaa abuuray madaxweyne dahir rayaale kaahin . waxayna khilaafaadkaasi sababeen in taarikhda markii ugu horaysay ay bulshadda caalamku soo faragaiyaan Somaliland si ay heshiis uga dhex sameeyaan ismaandhaaf iyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira Somaliland . arrinta kaliya ee aadunyadu inu amaani jiray mandaqada dhibaatooyinka ka jirana ay Somaliland ka samatabaxday ( sidda dagaaladda , khilaafyadda siyaasadeed) waa wada tashi , wada hadal , iyo isu tanaasul.

Arrintaasi qaaliga ahna madaxweyne dahir rayaale ayaa qarankan ka burburiyay , wuxuuna dooonayaa inay bedesho is qabad, khalkhal siyaasadeed , nabad galyo daro , in la burburiyo dastuurka iyo shuruucda dalka iyo in la labadib leeyo hanaanka dimuqraaadiyadda iyo doorashooyinka dalka .



Arrinta khilaafaadka doorashooyinka waxa lagu soo afjaray heshiiskii lixda qodob . waxaanna go,aan lagu wadda gaadhay guud ahaan axsaabta qaranka iyo golayaasha qarankuba oo ay dhamaantood dedaal iyo xilkasnimo masuuliyadeed ka muujiyaan

Sidii ay u hirgali lahayd doorashadda madaxtooyadda , wadda shaqayna u yeelan lahaayeen ,



Shirkii jaraa’id ee madaxweyne dahir rayale oo lafilayay inuu ka hadlo mashaakilaadka balaadhan ee dalka ka taagan sidda:

· Miisaaniyadii dalka ee 2010 oo aan wali lahayn meesha ay ka baxday .

· Mushaharka shaqaalaha dalka ee 4-5 bilood maqan.

· Qaraxyaddakusoo badanaya Somaliland masuuliyiin sarsarena ay ku dhimatay .

· Xaaladda abaareed goboladda dalka intoooda badan ka taagan .

· Xaaladda tahriibta iyo wixii la mid ah .



Waxa keliaya ee uu ka hadlay madaxweynuhu waxay ahayd axmed silaanyo ayaa fadaraal ah iyo maxjarka sidii uu u noqday madaxweynaha maxjarka .(malaaha beyahanba waxa uu isu haystay madaxweynaha maxjarka ,anaguse (kulmiye) waxaanu u haysanaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland )

Waxa kale oo si isburinaya isaga barbar hadlay xubno doora oo ka tirsan golaha wasiiroadda taasina waxay si cad u muujinaysaa haybad la,aanta ku jirta golaha xukuumadda dahir rayaale



Waxa kale oo jira in khilaaf ka dhex aloosan yahay golaha guuritida, kaas oo ka mid ahaa khilaafyadii la soo afjaray dabayaaqadii 2009. khilaafkan cusub waxa is toosa u abaabulaya ugana masuula h madaxweyne dahir rayaale u jeedooyinkiisa ka dambeeyanna ay tahay in la bedelo guddoomiyaha guurtidda .kadibna ay u suurtogasho in dastuurka qaranka wax laga bedelo gaar ahaan qodobka doorashadda madaxweynaha khuseeya



Arintani waxay si toosa u burinaysaa rajadii shicibku ka qabeen doorashooyinka hanaanka geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo naawilaadiii ictiraafka shicibka Somaliland ay ka sugayeen bulsha waynta caalamka , waxa kaloo ay dhaawacaysaa nabadgalyadda Somaliland



Xisbiga KULMIYE wuxuu aaminsan yahay in dhinacyadda tartanka doorashadu ka dhaxayso ay hirgaliyaan lixdii qodob ee lagaga heshiiyay arimaha doorashooyinka isla mar ahaantaana ay ilaaliyaan hanaanka geedi socodka doorashooyinka gaar ahaan iyo guud ahaan dimuqraadiyadda



Khilaafka golaha guurtidda , xisbiga kulmiye waxa uu aaminsan yahay inay dalka ku keeni karto jaahwareer siyaasadeed oo horleh( political crisis)

Sidaas darteed madaxweyne dahir rayaale iyo garabkiisa golaha guurtidda waxa uu xisbiga kulmiye u soo jeedinayaa inay ixtiraamaan heshiiskii lixda qodob ahaa ee lagu soo afjaray khilaafkii asxaabta iyo golayaasha qaranka .





Xisbiga kulmiye waxa uu rumaysan yahay aflaadadii raqiiska ahayd ee guddoomiye siilanyo ee madaxweyne dahir rayaale iyo qaarka mid ah golihiisa wasiiradda ka soo yeedhay ay tahay gef sharciyeen iyo xaaladda abuur madaxweyne dahir rayaale ku khalkhal galinayo arrimaha doorashadda iyo nabad galyadda dalka .





DANTA QARANKU WAA ILAALINTA SHARCIGA



GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE GOBOLKA TOGDHEER

SAHAL AADAN

Rayaale oo sas ka qaaday saadaasha aqoonsiga iyo guulaha Muj. Siilaanyo 20100126

(dhinaca midig eeg u codee siilaanyo,faysal,rayaale mid uun )


waxaan halkan ka salaamayaa dhammaan warbaahinta madaxa bannaan
waxa kaloon salaamayaa bulshada somaliland ee sharafta badan



salaan ka dib

waxaan la yaabay odaygii aw riyaale ee bustaha huwaanaa muddo afar bilood ka badan oo aanay cidi maqal oo xitaa aan ka qayb galin salaaddii JANAASADA ahayd ee marxuum muj maxamuud saalax fagadhe waxan maanta soo toosiyay muxuuse daarranyahay muusannawgani tolow ma faalkiibaa wax u sheegay mise aqoonsiga somaliland buu ka naxay oo barnaamijkiisiibaa la kala daadiyay ilayn waa kan siidii fiinta qaylinayee maxayse odhan doonaan carruurtii yar yarayd ee isaga wax uqorijitay ee maan gaabka ahayd haddaan uso noqdo dulucda maqaalkayga waxaan u sheegayaa dahir riyaale adeer dalkan siddeed sano ayaad taladiisa haysay intaana booqashooyin fara badan baad dibadaha ugu bixi jirtay oo aad kharash badan oo hantida ummaddu leedahay ku khasaarisay kuwaasoo dhammaantood ahaa dalxiis iyo arrimo kuu gaar ahaa

haddii aanay taasi jiri mar uun bannu maqli lahayn amma arki lahayn adoo cid madax ah oo dalalkaa had booqatay la kulantay sidaa mujaahid ahmad mahamad mahamuud [silaanyo]amma sidaa muj faysal ali [waraabe]i somalidu waxay ku maah maahdaa [wan weyn indhihiisu cirka ma arkaan ilaa la gawraco]waa goorma goortaad toostay

waa goortii aqoonsiga somaliland la keenay adoo hurda
waa goortii halkii cabdillaahi yuusuf lagu mariyay aaaaa
waa goortii lagugu soo rogay xayiraadda xagga dhoofka
waa goortay xisbiyada mucaaridka ahi kaa badiyeen iii

tan dacaayadda ah ee aad tidhi mujaahid siilaanyo waxa saaran caalaamatu su’aal ah innu aaminsanyahay somaliland
taa jawaabteedu aad bay u fududahay oo waxa weeyi nin walba sooyaalkiisaa lahayaa shacabkuna way ogyihiin

haddaan wax yar ka taabto silaanyo waa madaxdii dalkan xoraysay
waa madaxdii dalkan kas soo go’ysay wixii la odhan jiray soomaaliya
waa madaxii shirkii dib uheshiintii burco hoggaaminaysay sannadkii
waa maddaxdii qaban qaabisay shirwenihii magaalad boorama

adiguse intaa midna kamaad mid ahayn haddana waadigaa maanta madaxweyna ka ah somalidu waxay tidhaahdaa fule xamtii ma mooga
tan kale ee aad tidhi booqashada mucaaridku dibadaha ay ugu baxayaan waxay shacabka reer somaliland ee qurba joogga ah waxay ku keenaysaa burbur iyo iska horkeen ereygaana maannaan fahmin waxaad uga jeeddo sababtoo ah madaxda mucaaridkuu waxay qurba joogga ku waaniyaan inay dadkooda wax uqabtaan oo ay dalkooda maal gashadaan inay iskuullo dhisaan inay dhakhtarro dhisaan inay waddooyin dhisaan inay jaamicado dhisaan inay biyaha wax ka qabtaan inay dalka dib ugu soo noqdaan oo maal iyo muruqba dalkooda ku dhisaan waana sida ay waddaaniyaddu tahay ninkii si kale u arkaana isagay jirtaa tan kale ee aad tidhi qurba joogow nimanka mucaaridka ah lacag ha iska siinnina adeer ninwalliba isagaa uxor ah cidda uu lacagtiisa siinayo iyo cidda uu u didayo mana ah wax ninweyni ku hadlo waxaanse ku xusuusinsyaa
dalkan muruq iyo maalbaa lagu xoreeyay immikana muruq iyo maalbaa aqoonsiga lagu keenayaa haddaad ka qayb galaysid iyo haddii kaleba [way dhaqaaqday oo cidna loo joojin maayo]i

guusha shacabkaa leh

wabillaahi towfiiq
allaa mahad leh

sufyan omar sufyan
omarjaray@hotmail.com

Khudbadii Axmed Siilaanyo ee Columbus Ohio Oo Ay Daawadayeen Barta Internetka in ka badan 20 Kun Oo Qof 20100126

(dhinaca midig eeg u codee siilaanyo,faysal,rayaale )mid uun)


Khudbadii Axmed Siilaanyo ee Columbus Ohio Oo Ay Daawadayeen Barta Internetka in ka badan 20 Kun Oo Qof
January 26th, 2010 Comments Off Guddomiye Axmed Siilaanyo oo la kulmay Jaaliyadda Somaliland ee Columbus, Ohio

Shir si aad u qiimo badan loo soo agaasimay aya Guddomiyaha Xisbiga Qaran ee Kulmiye Mudane Axmed M. Maxamud Siilaanyo fiidkii Sabtida la soo dhaafay ee bishan January 23, 2010 kula kulmay Jaaliyadda Somaliland ee deggan Gobolka Ohio iyo gobolada ku hareeraysan ee dalka Maraykanka.

Bulshada kulanka ka soo qaygashay oo boqolaal gaadhaysa ayaa waxa ka muuqday xamaasad diirran oo ay ku soo dhaweeyaan waftiga uu Mujaahid Siilaanyo hoggaaminayay.

Gud. Siilaanyo ahna Musharaxa jagada Madaxweyne ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wuxuu dadka uga warramay xaaladda uu dalku marayo isagoo ku dhiirri geliyay inay u arkaan in dal u dhisani uu jiro oo tacabkii iyo dagaaladii loo soo maray ay yihiin kuwo midho dhal ah. Hase yeeshee maamulka maanta dalka ka jiraa yahay mid fadhiid ah oo aan horumar u samayn dalka.

Mudane Siilaanyo ayaa wuxuu sidoo kale qeexay mabda’a Xisbiga Kulmiye iyo falsafadda ay dalka ku dhaqi doonaan marka ay doorashada ku guulaystaan. Waxana uu yidhi, “Haddii Eebbe nagu guuleeyo waxanu samaynaynaa barnaamijyo dhaqaale oo carruurta badda isku guraysa lagu shaqo geliyo. Waxa aanu ka faa’idaysanaynaa khayraadka dalka oo aanu dalka dib u gelin doonaa.”



Dadweynaha halkaas ka soo qaybgalay oo aad u dhegaysanaya ayaa waxa shucuurtooda ku muujinayeen sawaxan iyo sacab taageero ah oo qodob kasta oo uu taabto ay ku jawaabayeen.

Guddomiyaha oo dadku ay su’aalo dhinacyo badan taabanaya ay weydiiyeen ayaa wuxuu sheegay in xisbiga Kulmiye ay ka go’antahay dib u dhiska, horumarinta iyo nabadgelyada dalka. Mudane Siilaanyo wuxuu aad ugu celceliyay arrin inta badan dalalka Afrikaanka maamul xumo ku ridda oo ah musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida qaranka. Waxana uu ballan qaaday inay tahay arrinta ugu horreysa ee ay wax ka qaban doonaan.

Mar uu ka hadlayay hadalo ka soo yeedhay maamulka Rayaale beryahan intii waftigu ka soo maqnaa ayaa wuxuu Mudane Siilaanyo ku tilmaamay arrin khalkhal gelin ah oo loogu talo galay inay dadka shaki ku abuurto. “Waa ayaan darro anagoo dalka dantiisa dibadda ugu maqan oo madax sare oo Maraykan ah kala kulanay sidii Somaliland looga taageeri lahaa dhinacyo badan haddana ay ku dhawaaqaan hadalo sumcadda dalka wax u dhimaysa, haykalga dawladnimona meel ka dhac ku ah.”

Sidoo kale dadweynaha ayaa aad ula yaabay hadalada ka soo yeedhay dawladda maanta maamulka gacanta ku haysa. Waxana ay shacbigu muujiyeen in isbeddel degdeg ahi ka dhaco dalka. Dadweynaha faraha badan ee ka yimi gobolada badhtamaha dalka Maraykanka ayaa waxay ku tusayaan taageerada xoogga leh ee Xisbiga Kulmiye ka kasbaday Qurba joogga Somaliland. Iyadoo ficilka madaxda Xisbiga ee dalka danihiisa dibadda u marayaa ay tusaale u noqotay sida uu Kulmiye hadhow uga go’an tahay in ay aqoonsi buuxa dalka u keenaan.

Xafladaas oo dadku kala socdeen barta internetka, oo dadku si toosa uga daawanayeen, waxaana kulankaasi noqday midkii ugu tirada badnaa ee qurba jooggu si toos ah uga daawadaan aaladda Internetka, dadkaas oo lagu qiyaasay illaa 20,000 (Labaatan kun) oo adduunka dacaladiisa ku kala nool.

Kulankan oo ay xidhiidhinaysay Guddomiyaha Laanta Kulmiye ee Toronto Marwo Zeinab Y. X. Adan ayaa waxa ka hadlay Saxardiid Maxamed Shaacir oo ah Guddomiyah Gobolka Ohio isla markaana ahaa Gudoomaye Xigeenka Kulmiye ee Qaaradda Waqooyiga Ameerika suurto geliyayna in shir casri ah ka dhaco Columbus Ohio. Gud. Saxardiid ayaa si diiirran waftegia Siilaanyo Gobolkiisa ugu soo dhaweeyey isagoo mahadnaq u jeediyay dadkii kala soo shaqeeyey hirgelinta shirkan.

Dadkii kale ee halka ka hadlay waxa ka mid ahaa Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Waqooyiga Maraykanka Mudane Xuseen Cabdi Ducaale Waxa kaloo halkaa ka hadlay gudodoomiyeyaasha xisbiga ee gobolada Tennessee iyo Michigan. Sidoo kale Waxa taariikhda Siilaanyo soo jeediyay Maxamed Beergeel oo isla markaana si kulul u cambaaray maamulka Madaxweyne Rayaale, gaar ahaan warka ku saabsan in aan Siilaanyo Somaliland soo geli Karin. Waxana u Beergeel sheegay in shacbiga Somaliland ay aflagaada noocaas ah ay ka dhiidhiyayaan.

Allaa Mahadleh


Saxardiid Maxamed Shaacir

Guddomiyaha Kulmiye ee Ohio

Ahna Guddomiye Xigeenla labaad Waqooyiga Ameerika

Xoghayaha Arrimaha Dibedda KULMIYE oo Shaaca ka Qaaday in Xukuumadda Rayaale ka Khalkhashay Safarka Axmed-Siilaanyo ee Maraykanka 20100126

(dhinaca midig eeg u code siilaanyo, faysal, Rayaale mid uun )


Xoghayaha Arrimaha Dibedda KULMIYE oo Shaaca ka Qaaday in Xukuumadda Rayaale ka Khalkhashay Safarka Axmed-Siilaanyo ee Maraykanka
Booqashada Guddoomiyaha KULMIYE ee Maraykanku Waxay Degenaansho La’aan ku Riday Maamulka Rayaale oo Waa Kuwaa Wasiirradiisii Kala Hadlaya’

Xoghayaha Arrimaha Dibedda KULMIYE oo Shaaca ka Qaaday in Xukuumadda Rayaale ka Khalkhashay Safarka Axmed-Siilaanyo ee Maraykanka


“Taageeradda dhaqaale Maraykanku sida tooska u ugu fidin karo Somaliland waxay ku xidhan tahay in dalka laga sameeyo maamul aan musuq ahayn oo iska xejin kara xajmiga maaliyadda la inagu taageerayo”


“Waxaan ugu baaqayaa inay is-dejiyaan oo aanay ka khalkhalin booqashada KULMIYE ee Maraykanka oo ah guul u soo hoyatay shacbiga iyo dalka Somaliland”

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar



London (Jam)- Xoghayaha Arrimaha Dibedda xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa shaaca ka qaaday in safarkii guddoomiye Axmed-Siilaanyo iyo weftigiisu ku tageen dalka Maraykanka uu degenaansho la’aan ku riday maamulka madaxweyne Raayale, isla markaana ka naxday guulaha siyaasadeed ee KULMIYE u soo hooyey shacabka Somaliland.

Dr. Maxamed Cabdillaahi oo isagoo jooga magaalada London ee carriga Ingiriiska xalay Jamhuuriya khadka telefoonka ugu waramay xalay, ayaa sheegay inuu maamulka madaxweyne Rayaale hinsaase xoogan ka qaaday sida diiran ee guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE loogu soo dhaweeyey dalka Maraykanka, arrintaasi oo sababtay in madaxweynaha iyo wasiiradiisu siyaabo kala duwan oo khalkhal ku jiro uga hadleen booqasha Axmed Siilaanyo ku joogo Maraykanka, waxaanu xoghayaha arrimaha dibedda KULMIYE uu xukuumadda ugu baaqay inay ilaaliyaan degennaansha dhexdooda, islamarkaana iska ilaaliyaan kala hadalka dhexdooda ah.

Xoghayaha arrimaha dibedda KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ugu horayn ka hadlay arrimihii ugu waaweynaa ee ay kala hadleen masuuliyiinta dawladda Maraykanka ee ay kulama la yeesheen waxa uu yidhi;

“Arrimaha aan isleeyahay way ugu waaweynaayeen guulihii Somaliland uga soo hoyatay booqashadii rasmiga ahayd ee Guddoomiyaha KULMIYE iyo weftigiisu ku tageen dalka Maraykanka waxa ka mid ah annagoo waydiisanay in la laban-laabo, isla markaana toos loogu soo gudbiyo caawimooyinka Maraykanku u fidiyo Somaliland oo hadda gacan saddexaad la soo mariyo, arrintaasna waa nalaga aqbalay.

Waxa kale oo ka mid ahaa guulaha Somaliland uga soo hoyday safarkayaga, annaga oo Senator Donald Payne ka codsanay inuu Baarlamaanka dalka Maraykanka u gudbiyo mooshin ku saabsan qaddiyadda Somaliland iyo sidii taageero loogu fidin lahaa, arrintaasna wuu naga aqbalay, waxaannu noo sheegay inuu waqtiga ugu fiican ee munaasibka ah u gudbin doono Baarlamaanka mooshin ku saabsan Somaliland.

Waxaannu Donald Payne ka codsanay sida uu ugu ololeynayo qaddiyadda Koonfurta Sudan inay gooni noqoto inuu Somaliland-na sidaas oo kale ugu ololeeyo, annagoo dhinaca kalena ku taageernay tallaabada Payne iyo dalkiisa Maraykanku ugu ololeynayaan goonni-isu-taagga Koonfurta Sudan.

Waxa kale oo aannu ka codsanay in Maraykanku joogteeyo taageerada iyo dhaqaalaha uu ku bixiyo Somaliland, isla markaana goob-joogayaal caalami ah u soo diro doorashooyinka dalka ka dhacaya, taasna waa nalaga aqbalay.

Arrimahaas oo dhan waxaannu kala hadlanay qaybaha kala duwan ee wasaaradaha iyo hay’adaha Maraykana ee aannu ka kulanay, annaga oo si gaar ah ula kulana Donald Payne iyo mudane kale oo ka mid ah kuwa ugu awoodda badan Aqalka Kongeraska dalka Maraykanka, taageeradda dhaqaale Maraykanku sida tooska u ugu fidin karo Somaliland waxay ku xidhan tahay in dalka laga sameeyo maamul aan musuq ahayn oo iska xejin kara xajmiga maaliyadda la inagu taageerayo”

Xoghayaha oo la weydiiyey sida uu u arko eedaha xukuumadda Rayaale u jeediso Senator Donald Payne ee ah inuu ka soo horjeedo qaddiyadda Somaliland, waxa uu ku jawaabay; “Donald Payne maaha nin cadow ku ah Somaliland, waa nin saaxiib inala ah oo awood badan ku dhex leh dalka Maraykanka, isla markaana u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika iyo qaybo ka mid ah Carabta oo ay Yemen ku jirto.

Dawladda Maraykanku waa dal danaynaya inuu wax la qabto Somaliland, waxaanna lala yaabay oo bulshada amakaag ku noqotay in la yidhaahdo Donald Payne waa cadowga Somaliland, arrintaasna aad buu la ayaabay markii xukuumaddu tidhi; ‘Weftigii KULMIYE waxay la kulmeen Donald Payne oo ka soo horjeeda qaddiyadda Somaliland.’ Runtiina haddii Baarlamaanka iyo dawladda Maraykanku innaga soo horjeedaan waxba innooga socon maayaan siyaasadeena, dhaqaalaheena iyo horumarka dalkeena, weftiga KULMIYE si heer qaran ah looma qaabileen oo la casuumeen ay sabab ay Axmed Siilaanyo ula kulmaanna may jireen, haddii Donald Payne iyo Maraykanku neceb yihiin maamulka Rayaale waa la saaxiib shacabka Somaliland, sida naloo casuumayna waxay muujinaysaa in Maraykanku saaxiib la yahay Somaliland.”

Waxa kale oo Xoghayuhu ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya xisbiga mucaaradka ee KULMIYE iyo dalalka jaarka ah, sida Ethiopia oo kale, isaga oo sheegay in safarkii Axmed Siilaanyo ku soo maray Addis Ababa wax weyn ka beddelay xidhiidhka iyo saaxiibtinimada labada dhinaca, waxaannu xusay in safarkaasi meesha ka saaray dacaayado xukuumaddu xidhiidhka KULMIYE iyo Ethiopia.

“Ethiopia waa dawlad aynu daris nahay oo xidhiidh qoto dheeri innaga dhexeeyey ilaa iyo waqtigii halgankii, isaga oo Axmed Siilaanyana ilaa waqtigaa macaamil lahaa Ethiopia oo qayb libaax ka soo qaadatay halgankii dib-u-xorreynta dalka. Intii uu Guddoomiyaha KULMIYE booqashada ku joogay Ethiopia waxay la kulmeen madax iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dalkaas, waxaanna xisbi ahaan naga go’an in aannu xidhiidh fiican la yeelano haddii aannu doorashada ku guulaysano dalalka deriska ah,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Xoghayaha oo aannu weydiinay sida ay u arkaan eedayntii Madaxweyne Rayaale u soo jeediyey qurbo-joogga Somaliland ee ahaa inay Somaliland ma jirto qaadhaan ku bixiyaan, waxa uu yidhi; “Arrintaas waxay noqotay mid ay qurbo-joogga reer Somaliland oo udub-dhexaad u ah horumarka dalku ay aad ula yaabeen, runtiina xisbi ahaan aad baanu uga xunnahay, waxaananu aaminsannahay in hadalkaasi uu yahay mid ku kooban Rayaale iyo maamulkiisa oo ay shacabka intiisa kale la qabin, dadkuna gudo iyo dibedba aad bay ula yaabeen, waxaanna hadalkaa xukuumadda ka keenay khalkhal iyo hinaase ka qaadeen safarka Guddoomiyaha KULMIYE ku tegay dalka Maraykanka iyo madaxda sare ee ay la kulmeen.”

Mar la weydiiyey Xoghayaha sida ay u arkaan hadalkii ka soo yeedhay wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibedda ee ahaa Guddoomiyaha KULMIYE dalka ma soo geli karo ilaa iyo inta uu cafis weydiisanayo shacabiga, waxa uu ku jawaabay; “Hadalkaasi wuxuu ahaa wax lagu qoslo, Axmed-Siilaanyo-na dalka ma soo geli karo lama odhan, runtiina dadku aad bay ula yaabeen, waayo Axmed-Siilaanyo iyo madaxda KULMIYE, dalka way uga lexejeclo badan yihiin Rayaale iyo maamulkiisan dalka iyo dadkan oo muddo aad u dheer ay duurka ugu jireen xorayntiisa, iyaga oo maalkoodii iyo dhiigoodiiba u soo huray xorayntii dalka, Axmed Siilaanyo waxa uu ahaa guddoomiyihii ugu muddada dheeraa SNM, markaa in aayar la iska yidhaa dalka ma soo geli karo waa wax lagu qoslo.

Imikana iyaga ayuun baa mar labaad yidhi cidi may odhan Axmed Siilaanyo ma soo geli karo dalka oo way kala hadlayaan, waxana muuqata in booqashada Guddoomiyaha KULMIYE ee dalka Maraykanku degenaansho la’aan ku riday maamulka Rayaale oo waa kuwaa wasiirradiisii kala hadlaya, waxaan ugu baaqayaa inay is-dejiyaan oo aanay ka khalkhalin booqashada KULMIYE ee Maraykanka oo ah guul u soo hoyatay shacbiga iyo dalka Somaliland, isla markaana iska ilaaliyaan xasillooni-darrada dhexdooda ka jirta ee ka dhalatay hinaasaha ay ka qaadeen booqashadaas,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.





Jamhuuriya Online

MARAYKANKA OO KU DHAWAAD 6000 RUUX OO SOMALI AH KA QAADAY XERO QOXOONTI OO KU TAAL DALKA UGANDA.20100126

(dhinaca midig eeg u codee siilaanyo, faysal, Rayaale mid uun )


MARAYKANKA OO KU DHAWAAD 6000 RUUX OO SOMALI AH KA QAADAY XERO QOXOONTI OO KU TAAL DALKA UGANDA.



Dowladda Maraykanka ayaa waxaa ay dalka Uganda ka qaaday maalinimadi shalay ila iyo maanta Qaxootigi Soomaaliyeed ugu badnaa ay ka dhoofiso qaaradda Afrika.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda UNHCR ayaa xaqiijiyey ila iyo 5,800-qaxooti Soomaaliyeed laga qaaday xero qaxooti oo ku taala dalka Uganda oo lagu magacaabo Nakivale taas oo hoos tagta degmadda Isingiro ee Galbeedka dalkaas.

Prosy Katura oo ka tirsan Xafiiska UNHCR ee la’aanteeda badbaadada ayaa sheegay in sababta ka dambeysay in qaxootigaan Soomaaliyeed loo qaado dalka Maraykanka,ay tahay ka dib markii ay la qabsan waayeen jawiga ay degaanka ku sugnaayeen.

Waxaana uu hadalkii ku daray in la su’aalay Soomaalida oo baaritaan dheer la marsiiyey,si aysan xirrir ula lahayn kooxaha mucaaradka ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

Safiirka dalka Jarmalka ee Uganda Reinhard Buchholz ayaa dhowaan booqday xerada qaxootiga,waxaana uu khudbad ujeediyey Soomaalida halkaas ku sugan uu kaga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya.

Waxaana uu sheegay in uu aad uga xunyahay dagaaladda aan dhamaadka lahayn ee ka socda Soomaaliya.

Ugu dambeynti diyaaraddo ay iska leedahay Dowladda Maraykanka ayaa bilawday in ay qaadaan qaxootigaan Soomaaliyeed,iyadoo magen galyo ay si rasmi ah ugu deeqday Xukuumadda uu hogaamiyo Brack Husein Obama.

Xasan Siciid

Togaherer

Uganda

HomeAbout usPhoto GalleryGabayoYAA CAAWINAYAQuraanReportsContact us
All rights Reserved by TogaHerer News Network (Shabakada wararka ee Togaherer.com)

Walxaha Qarxa oo la hordhigay Guriga maayarka Magaalada Laascanod 20100126

(dhinaca midig eeg u codee siilaanyo, faysal, Rayaale mid uun )


Walxaha Qarxa oo la hordhigay Guriga maayarka Magaalada Laascanod
lasacnod(iftinnews)01/26/2010wararka imminka naga soo gaadhay magaalada laascaanod ee xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya , in Duqa magaalada Laascaanood Md:Axmed Aw-dahir X.xasan Gurigiisa hortiisa la dhigay, Sida uu noo xaqiijiyey weriye ku sugan Gobolka oo sool oo la yidhaa Cise Cabdusamad axmed, Guriga Duqa ayaa sida weriyuhu sheegay markiiba la soo dhigay ciidanka bilayska qaar ka mid ah waxaana ay isku weer ka hayaan walxihii qarxayay ee la dhiga guriag duqa laascanod hortiisa, lama oga cidda dhigtay waxlahan, welina cid looma qaban, baadhitaano ayaa ku socda aagaga u dhow dhow gurga maayarka, welina laga qaadin walxihi qarxayay meeshii la dhiagay,


Hadaba waxa dhowrkan casho ee u danbeeyey kacsanayd xaalada Gobolka SOOL, iyadoo shalayna qarax weyn oo 3 askari ku dhinteen uu ka dhacay magaalada Laascaanod.


walxahan qarxa oo aan weli wax cid ah loo qaban, iyo wixii ay ku danbeeyaanba kala soco goor dhow shabakadan caalamiga ah.iftin.net



Mustafe Osman A/rahman
Burco
Mustafe_480@hotmail.com

Axmed-Siilaanyo Oo Ka Hadlay Amarkii Dhicisoobay Ee Ay Xukuumadu Ku Fartay Inuu Cafis Dalbado 20100126

(dhinaca midig eeg u codee siilaanyo, faysal, Rayaale mid uun

Axmed-Siilaanyo Oo Ka Hadlay Amarkii Dhicisoobay Ee Ay Xukuumadu Ku Fartay Inuu Cafis Dalbado .....
Sunday, 24 January 2010
Axmed-Siilaanyo Oo Ka Hadlay Amarkii Dhicisoobay Ee Ay Xukuumadu Ku Fartay Inuu Cafis Dalbado Iyo Soo Jeedimihii Madaxweynaha : Ohio(Geeska) -Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay eedo xukuumaddu ugu jeedisay kullan uu la yeeshay gudoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha Afrika ee Baarlamaanka Maraykanka Xildhibaan Donald Payne iyo waraysi uu dhawaan bixiyay oo uu ku soo qaaday waqtigii halganka ee SNM in arragti ahaan ay u dagaalameysay xoraynta dalkii Soomaali oo dhan.





Gudoomiye Axmed Siilaanyo oo labadii todobaad ee ugu danbeeyay-ba ku sugnaa dalka Maraykanka, ayaa xukuumaddu waraysiyadda iyo kullamada uu halkaa ku yeeshay waxaa ay ka bixisay Tafsiir ay si toos ah iyo si dad-babanba ugu sheegtay inuu aaminsan-yahay nidaamka federaalka ah oo aan ummadda Somaliland jeclayn. “Arrintaasi waa arrin lagu qoslo weeye.. maxaa keenay, in aanu waddno federaal, Marka aanu dawladii aduunka ugu weyneyd (Maraykan) u soo jeedinay in ay danayso Somaliland. Federaal ma wadno’e, waxaanu waddnaa Somaliland. Somaliland baanu u taaganahay, Somaliland anaga ayaa keenay, Somaliland anaga ayaa dhisney. Somaliland ayaanu hurumarkeeda, wax u qabashadeeda iyo Ictiraafkeedda u dagaalamaynaa una hawl-galaynaa.

Dawlladu wixii ay gaadhi weyday, xilkii ay ka baaqsatay markii aanu fulinay ayaa hinaase ka yeedhsiinayaa arrintaa..” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiyaha KULMIYE oo xalay Wargeyska Geeska Afrika khadka Telefoonka ugu waramay isaga oo jooga waddanka Maraykanka gobalka Ohio.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse) ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta xukuumadda ee Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Eedaha u jeediyay, kaasoo sheegay in uu ku kacay Qaran dumisnimo, Islamarkaana waxaa uu gaadhsiiyay in uu dalbado cafis haddii kalle aanu dalka dib ugu soo laaban doonin. Haddaba su’aal arrintaa aanu ka weydiinay Gudoomiyaha KULMIYE waxaa uu sheegay in aanu mansab ahaan istaahil ahayn inuu u jawaabo ninka haddalkaasi ka soo yeedhay. “Kaasoo kalle in aan annigu u jawaabo igama istaahillo....” Ayuu yidhi, waxaana uu su’aal kalle oo isla arrintaa laga sii weydiiyay iyo waxa uu ka leeyahay haddii Xukuumadu kulla socoto go’aankaasi oo uu yidhi. “Haddii ay xukuumaddu kulla socoto waa ayaan darro laakiin, waxaan maqlayaa wasiirka arrimaha dibadda ayaa war kalle soo saaray...waxaa uu ninkaasi ku hadlay ayaan wax lagu hadlaba ahayn, markaa haddii dawladu xilkas-tahay waa in kaasoo kalle talaabadda ku haboon laga qaado.”

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa dhawaan shir uu saxaafadda u qabtay waxaa uu ugu jeediyay qurba-jooga Somaliland in aanay u dhegtaagin hadalka mucaaradka, islamarkaana aanay dhaqaale ku bixin sida uu hadalka u dhigay kala qaybin xisbiyada mucaaradka ahi bulshada ka dhex wadaan. Sidaa darteed, su’aal arrintaa laga weydiiyay Gudoomiyaha KULMIYE waxaa uu yidhi. “Dad-weynaha dibadu haddalkaa ka dhageysan maayaan.

Dad-weynaha dibadu Iyaga ayaa na soo dhaweynayay, iyagaa xiisaynayay oo na dhagaysanayay.

Dad-weynaha dibadda dalka wax ugu dhimani ma jiraane 100% waa ogyihiin. Cidda horumarkiisa iyo dimuquraadiyaddiisa waxba ka qaban-weyday waa og-yihiin, cidda sababtay dibu dhacyadda doorashooyinka waa og-yihiin, cidda dadka lugoynaysa waa ogyihiin. Markaa dadweynaha kama qarsoona taasi, ha taageerinana haddal maaha. Dadweynaha taageeradda aanu ka helay, sida ay noo garab istaageen iyo balan-qaadka aanu ka helay iyo sidda ay u danaynayaan dalka horumarkiisa guud ahaan iyo in uu is bedel yimaadaba waa mid aad iyo aad u weyn sababaha lanagu soo dhaweynayo ayay ka mid-tahay, dadkuna waxay aad iyo aad noogu guubaabinayeen in dalka aad mar horeba is bedel ka sameysaan ayay ahayd, aad ayay u deg-degsanayaan oo u jecelyihiin inay arkaan dalkii oo is bedel ku yimi.”Ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

Gudoomiyaha KULMIYE waxaa kalle oo la sii weydiiyay arrinta la xidhiidha doorashooyinka Isu soo dhawaanaya ee Baarlamaanka iyo arrinta dawladaha hoose oo ka mid ahayd qodobadii Madaxweyne Rayaale ku soo qaaday shirkiisa. Waxaana uu kaga jawaabay oo uu yidhi. “Walaahi wuxuu uga dan leeyahay maan garran, dalkana kumma sugni oo qolyihii kalle waa joogaan. Laakiin, waxaan uun ognahay waxaa weeye, markii horana waxyaabaha loo soo hormariyay doorashadda Madaxweynaha ileyn mar walba isaga yaa dib u dhigayay doorashooyinka oo sababtooda lahaaye.

Waxayaabaha doorashadda madaxtooyada loo soo hormarinayay ee aan loogu qaldayn doorashooyinka kalle sababo ayaa jiray, sababihiina meesha kama ay bixin, Oo waxay ahayd in aan doorashadda madaxtooyadda lagu qaldin kuwa kalle, haddii lagu qaldana dabeecadii doorashadu lahayd oo dhan ayaa is bedelaysa, ujeedada uu ka leeyahayna waa taas.

Taana hore, ayaa go’aan looga qaatay oo meel la dhigay, oo meeshii ayuu yaalaa wax lagaga noqdaana ma jiraan. Mudnaantiina halkii ayay taalaa. Markaa, waxaanu anagu waxaanu u arkaynaa waxaan iyo qaskan lagula dhex jiro guurtida... inay waxaasoo dhami daaran-yihiin in la raadiyo sababo kalle oo mar kalle doorashadu dib ugu dhacdo ama si kalle isu bedesho,. Laakiin, anagu waxaanu ugu yeedhaynaa oo ummada ku guubaabinaynaa isagana aanu leenahay, doorashadaa madaxtooyadda wax lagu qasaa yay jirin sidii lagu balamay ha u dhacdo. Guurtida iyo arrimeheedana faraha halagala baxo, dalka xasiloonidiisana hala illaaliyo oo cidda laga ilaalinayaa ha ahaato maamulka maanta jira, xukuumaduna ha sugto inta Komishanku ku dhawaaqayo xiliga doorashadda, si xilkasnimo ahna hawshaas haloo daayo, Aflagaado iyo wax kalle looma baahnee, haddii ay tamar isku hayso hala hortimaado...”

Gudoomiye Siilaanyo isaga oo sii faah-faahinaya aflagaadada uu xusay waxaa uu intaa ku daray oo uu yidhi. “Aflagaadada waxaan uga jeednaa waxaa lanaga sheegayo ee dadka la aflagaadaynayo ee loogu hanjabayo ee Maxamed Xaashi ka mid ahaa arrimahaas oo dhami ka mid weeye.”

Gudoomiye Siilaanyo waxaa uu sheegay in socdaalkiisani wax badan u soo kordhiyay Somaliland, islamarkaana illaa hadda uu meel fiican u marayo. “Howlahayagu meel fiican ayay marayaan, gobollo kala duwana waanu soo maray. Bisha 8-deedii ayaanu nimi Maraykan, illaa intaana, Baarlamaanka dadbaanu ka arragnay, arrimaha dibadda waanu arragnay, shirar badan ayaanu qabanay oo doodo badan aanu ka galay, oo aqoon-yahano badan, madax badan iyo dad badan oo Somaliland daneeyaaba ay isugu yimaadeen. Xildhibaano Baarlamaanka ah ayaanu arragnay. Immikana Ohio ayaanu joognaa, shirkii ugu danbeeyay caawa (Xalay) ayaanu qabanaynaa, hawllo wanaagsan ayaanu qabanay dadkuna xoog ayay uga qayb-galayeen oo u daneynayeen shirarkayaga reer Somaliland iyo madaxda kalle ee aanu arkaynayba. Waxaanan u arragnaa in aanu Somaliland magac weyn u soo haynay oo ay u baahnaayeen socdaalkan dalka iyo dadkuba.”

Sidaas ayuu yidhi Gudoomiyaha KULMIYE waxaana uu intaa ku daray oo uu yidhi. “Qodobadda ugu waa weyn ee aanu kala hadalay (Maraykanka) waxaa ka mid ah in lanaga caawiyo horumarinta dalka iyo xoojinta nabadgelyadda, dimuquraadiyadda iyo ictiraafka intaba aad ayaanu ugala hadalay qadiyadeenana aad ayaa loo danaynayay, taasina xiisaha badan iyo su’aalaadka badan ee lanaga weydiinayay qadiyadeena ayay nooga muuqatay.”


Source: www.geeska.net , Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

Gud-xigeenka golaha wakiilada iyo Wasiiro oo gaadhay Hol Hol

(dhinaca midig eeg u codee siilaanyo, faysal, Rayaale mid uun )


Gud-xigeenka golaha wakiilada iyo Wasiiro oo gaadhay Hol Hol
(HolHol, January 25, 2010 Ceegaag Online)




Waxaa maant magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool gaadhay wafti wasiiro iyo xildhbaano ka soo jeeda magaalada Laascaanood, oo ka soo kicitimay magalada Hargaysa, waxaana maanta waftigaasi markii ay gaadheen magaalada Laascaanood ku hakadeen gudaha magaalada Laascaanood kadibana magaaladaasi markiiba uga ambobaxeen dhinaca HolHol.

Ceegaag Online ayaa heshay in waftigaasi u gudbeen dhinaca deegaanka Hol_Hol waxna waftigani ka socda dhinaca Somaliland ay ka kooban yihiin sida ay heshay Ceegaag Online wasiiro wasiiro kuxigeeno.xildhibaano iyo siyaasi ka soo jeeda deegaanada SSC.

Gudoomiyey kuxigeenka baarlaamanka Baashe Maxamed Cadde
Wasiirka cadaalada Somaliland Axmed Cali Casoobe
Wasiirkugeenka hawlaha guud C/risaaq Cawil Bacaluul
Wasiirkuxigeenka arimaha gudaha Somaliland
Wasiirkuxigeenka kalluumaysiga somaliland
Xildhbaan Maxamuud Garaad maxamed(qawdhagayste)
Xildhibaan Dhakool

Waxaana sida Ceegaag Online heshay waftigani la socda xubno kale oo wasiira ah oo ka soo jeeda dhinaca Burco iyo Hargaysa. waxaana socdaalkani waftigani Somaliland ka socda lagu sheegay inay wada hadal la soo yeeshaan Isimada SSC ee ku sugan deegaanka Hol Hol walina ma cada sida ay wararkii ugu danbeeyey sheegayaan in isimada SSC inay waftigani la kulmi doonaan waftigan reer Somaliland.

wixii warar ah kala soco shabakadan Ceegaag.com

www.ceegaag.com

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda oo Dafiray Hadal uu Hore ugu Sheegay in Axmed- Siilaanyo Dalka Laga Horjoogsanayo

(dhinaca midig eeg u codee siilaanyo, faysal, Rayaale mid uun ))

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda oo Dafiray Hadal uu Hore ugu Sheegay in Axmed- Siilaanyo Dalka Laga Horjoogsanayo

Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) Nayrobi shabakada wararka ee waryatv ayaa waraysi la yeelatay wasiirku xigeenka Arimaha Debeda oo ku sugan nayroobi waraysigaa oo uu kaga Xogwaramay sidii talo uga baahday ka dib hadal dhowaan ka soo yeedhay mar uu ka hadlayey TV-ga UDUB gacanta ku hayso. warysigaasina wuxuu u dhacay sidan:



Wasiirk ku xigeenka Arrimaha Debedda ee Somaliland, Axmed Aadan Ismaaciil, oo haatan ku sugan xarunta Nairobi ee dalka Kenya ayaa tifatiraha WARYA TV waraysi khaas ah la yeeshay si uu uga jawaabo hadalka ka soo yeedhay ee ahaa inaanu Axmed Siilaanyo waddanka ku soo noqon karin illaa uu cafis soo qorto mooyaane, maqaalkaas oo ay daabacday shabakaddan WARYA TV. Haddaba wasiirka oo aannu 13 su’aalood weydiinay sidan ayuu uga jawaabay:

_____________________________________

Waxaad tahay nin aqoon leh oo carriga Ingiriiskana muddo dheer ku noolaa oo waayo arag ah maxaa kugu kalifay inaad u hadasho sidii qof aan aqoon lahayn oo aad tidhaahdo Siilaanyo waddanka ma soo geli karo illaa uu cafis u soo qorto dawladda?

Waxa aan marka hore ku bilaabayaa magaca eebbe ee naxariista guud iyo mida gaarka ahba. Mar labaadka waxaan idiinka mahad celinayaa fursadan wareysi ee aad i siiseen ee aad weliba ii suurtogeliseen in aad su’aalihii ii soo dirtaan si aan uga jawaabo.

Intaas haddii aan ka gudbo, waxa aan u maleynayaa in aad wax badan aragtay in dadka la bidaayo aqoonta ama siyaasiyiinta ay ugu cey badan yihiin, six xun ugu dhaqmaan qabyaaladda ama u adeegsadaan, caadeystaana in ay ku hadlaan hadalo qaawan oo aslbuuta iyo anshaxa hadalka baal marsan. Taas markaasi in aad la yaabto meesha mataalo. Balse, run ahaantii anigu u maleyn maayo runtii ilaa intii aan dalka ku soo laabtay, October, 2002 ilaa hadda in ay diiwaanka iigu jirto sifooyinka, dhaqanka, dabeecaddaha, iwm ee aan kor ku soo sheegay. Haddii aan su’aashaada u soo noqdo ma odhan gudoomiye Axmed ma soo geli karo dalka ilaa uu cafis soo qorto, mana odhan karo waayo maaha shaqadayda, waajibkayg iyo awoodeyda in aan amarka intaas le’eg bixiyo, haddii aan bixiyona cid iga hoos qaadaysaa ma jirto. Balse sida aan u idhi waxa aad ka arki kartaa su’aashan denbe.

Si aanay dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan aanay si qalada ah ugu fasilan erayada aad ka tidhi TV-ga qaranka ma noogu celin kartaa mar labaad sida aad u tidhi iyadoo lahayo codkaagii oo duuban?




Horta su’aasha aan ka jawaabay waxa ay ahayd Guddoomiye Axmed waxa uu yidhi Nidaamka Federalka ayaan aaminsanaa xilligii halgankii SNM ee sidaad u aragtaa? Jawaabtii iyo fakirkaygii waan ka dhiibtay. Waxa aanan sheegay in ay nasiib daro tahay in xilligan Gudoomiye Axmed oo ahaa gudoomiyihii ugu muddada dheeraa ee soo maray SNM, xillal wasiirnimona ka soo qabtay intii Somaliland Jirtay, una tartamay jagadda madaxweynanimo doorashadii dalka ka dhacday 2003, iminkana hunguri, rajo iyo damac ka qaba in madaxweyne ka noqda dalkan in u yidhaado Federal ayaan aaminsanaa xilligii halganka. Waxa aan walaac ka muujiyey iyo dareen sas leh arrintaasi oo aan ku sheegay in ay tahay ‘signal’ uu Gudoomiyuhu cid u diraayay. Taasina waa waajibka wasaaradda arrimaha debedda in aanu ka hadalno arrin kasta oo aanu u aragno in dhabar jab ku noqon karto Qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland. Arrinta kalena waxa ay ahayd soo jeedin iyo tallo aan u soo jeediyay wasaaradda iyo ciidanka boliiska in hadii Gudoomiye Axmed uu Federal aaminsanayahay uu sidii siyaasiyiintii iyo madax-dhaqameedyadda ka soo noqday fikirkoodii Federalnimo uu cafis soo qorto inta aanu dal ku soo laaban. Weliba waxa aan raaciyay arrintaasi xisbigiisa iyo hogaankiisa sare ayay u taala, waxa ay ka yeelayaan. Intaas ayaa ugu muhiimsanayd wixii aan idhi oo looma baahna in aan ku celiyo mar labaad. Qofkii doonayaa wuu heli karaa iyada oo duuban.


Maxaa arrintan idinku dhaliyey inaad ku dhaqaaqdaan illayn micnaha ay leedahay iyo cawaaqibka ay ku yeelan karto amniga waddanka waad garanaysaye mise ismaad lahayn illaa heerkaas ayey gaadhaysaa?





Marka hore su’aasha qeyb waan ka jawaabay oo arrintani ma ahayn go’aan dowladeed, soo jeedin iyo tallo ayay ahayd oo la qaadan karaayay ama la iska dhaafi karaayay oo aniga iga timid. Arrinta meesha taalayna culeyskeeda iyo miisaankeeda ayay lahayd hadii ay adiga kula tahay wax aan macno lahayn. Horena waxa u dhacday in siyaasiyiinta iyo madaxdhaqameedyo hore u aaminsanaa nidaamka Federalka oo ka soo noqday fikirkoodii in ay dalka cafis ku soo galeen. Ma garanaayo waxa ay macnaha weyn u sameynayso ama denbiga culus u tahay in marka dad qaar yidhaahdaan Federal ayaan aaminsanaa ama aan aaminsanahay hadda, kuwana marka ay yidhaahdaan loogu sameynaayo cudur- daar iyo sidaas ugala ma uu jeedin hebel. Waxa aan u arkaa qofka Federal-ka aaminsan si loola wada dhaqmo da’da iyo darajada uu doona ha ahaade eh. Arrin nabadgelyo xumo keenaysa oo meesha taalayna may jirin ogaalkay.

Wasiirkaagu hadalkii aad tidhi wuu beeneeyey ee sideed u aragtaa arrintaas?





Wasiir Cabdillaahi M. Ducaale waxa uu yidhi ogaalkay hadalkii iyo fikirkii wasiir-ku-xigeenka waxa uu ahaa mid isaga u gaar ah ee ma ahayn go’aan xukuumadeed iyo mid wasaaradeed toona. Taasna dhib iyo ceeb toona uma arko.

Waxa nagu maqaala ah in madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdillaahi Maxamed Ducaale ay isku dhaceen waayo madaxweynuhu muu jeclaysan jawaabta uu bixiyey Cabdillaahi, maxaad ka ogtahay arrintaas?





Runtii arrintaasi waxa aan ka ogahay ama kala socdaa ma jirto oo Nairobi ayaan hadda joogaa, balse waxa ay iila muuqataa in uu yahay war sameys ah.

Madaxweynuhu miyuu arrinkan kula qabaa oo kugu raacsan waayo illaa immika hadal lagama hayo?

Wasiirka ayaaba cadeeyay in fakirkan iyo hadalkani anniga igu gaar yahay oo aanu u ahayn go’aan xukuumadeed ee maxaa keenay meesha madaxweynehu miyuu kula qabaa? Ta aad leedahay muxuu uga hadli waayay dee wasiirkii ay khuseynaysa arrinku ayaaba ka hadlay eh maxaa looga baahan yahay in uu madaxweynahuhu ka hadlo ama uu u sii wadwado arrintan.

Ma u aqoonsantahay inuu Axmed Siilaanyo yahay nin mujaahid ah oo ixtiraam iyo sharaf ka mudan xukuumadda Somaliland sida uu wasiirkaagu tibaaxay?

Horta Gudoomiye Axmed iigama baahna in aan aqoonsado. Haddii aan amaan kow uga bilaabo oo kun ugu geeyana wax ay tarayso ama ay u kordhinayso.ayaan jirinba. Balse, waxa aan qabaa in uu ixtiraan mudan yahay ilaa inta uu yahay musharax jagada madaxweyne, oday iyo mujaahid reer Somaliland. Isaganu waa in uu ixtiraamaa dareenka shacabkiisa, madaxda iyo mas’iiliyiinta Qaranka iyo kuwa xisbiyaddaba.

Ma loo arki karaa in xukuumadda kulaylkan uu ka keenay siyaasaddii arrimaha debedda oo xisbiga KULMIYE kaga dheerayey?

Wasaarad ahaan dhowr jeer oo hore ayaanu soo dhaweynay oo sheegnay in madaxda iyo mas’uuliyiinta xisbiyadda qaranku ee safaradda shaqo ku taga dalalka adduunka ay muhiim u tahay qadiyadda iyo madax banaanida Somaliland. Waayo waxa aanu aaminsanahay marka ay madaxda dalalkaasi la kulmaan in ay baraan ama ka dhaadhiciyaan dalka iyo xaqa ay ummadda reer Somaliland u leedahay in ay aayahooda ka tashadaan. Kuleyka iyo qeylo dhaantu ma aha halkaasi ee hadii aanad garan “Saad-denbe Ayaad Garan”.

Qaraarkan ah in aanu Axmed Siilaanyo waddanka soo geli karin isagoo muwaadiin waddanka u dhashay ah, halkee lagu gaadhay, yaase gaadhay? Ma Madaxweynaha ayaa soo gaadhay mise Maxakamadda Sare mise gole wasiiro ah ayaa ka fadhiistay?

Su’aashaasi waan ka jawaabay. Waxa aanan sheegay in aan wax qaraar ahi jirin.

Ma sharci cusub ayaa soo baxay oo dadka reer Somaliland lagaga mamnuuci karo waddanka inay soo gali karaan iyo inkale? Ma jiraa qodob loo cuskaday oo dastuurka ku yaalla oo qofka muwaadinka ah ka mamnuuci kara waddanka in loo diido?

Taasi ma jirto. Balse waxa jira in qofkii ka qeyb galay shirarkii dub-u-heshiisiineed ee Somaalida loo qaban jiray ama ka horyimaada Qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland uu yahay denbiile qaran, dalkana soo geli karin ilaa uu cafis soo dalbado oo weliba laga ogolaado.

Waraysiga Axmed Siilaanyo iyo Cabdillaahi Yuusuf ee ku saabsan wadahadalka dhex maray wuxuu ahaa mid dhacay 1984kii. Adigu markaa waxaad arday ka ahayd Muqdisho, madaxweyne Daahir Riyaalena wuxuu ahaa madaxii NSSta ee Berbera, markaa maxaa immika taariikhdaa soo nooleeyey oo aad uga dhigaysaan mid immika taagan?

Cabdillaahi Yusuf Axmed waxa uu ka masaxay oo goomo ama istiikad ka mariyay Siilaanyo xantii iyo ku-tidhi-ku-teenkii laga sheegayay ee ahayd in uu Gudoomiyuhu Axmed aaminsan yahay Somaliweyn. Taas oo sida intii badani laga yaabo in aad ka warqabtaan Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Kulmiye uu sare u qaad qaaday arrintaasi oo yidhi waa taas beenowday dacaayadii ay xukuumaddu ku bixinaysay lacagta ee ahayd in Musharaxyaga lagu dhufto shaanbad Somaliweyn ama Federal. In yar ka dib warkii wuu beeniyay gudoomiye Axmed oo waxa uu sheegay in uu Fedaral aaminsanaa xilligii halgankii SNM. Taas weeye ta soo nooleysay arrinka haddii aanad fahmin iyo haddii kaleba, culeyskeedana leh.

Miyaad aaminsantahay adigu shakhsiyan inuu Axmed Siilaanyo yahay nin aaminsan Federal?




Ma aha muhiim in aan kuu sheego ama la ogaado waxa aan annigu ka aaminsanahay Gudoomiye Axmed, balse waxa muhiim ah in la ogaado wuxuu gudoomiyhu aaminsan yahay. Waxa kale oo muhiim iila mmuqata in la ogaado waxa uu shacabka codka laga doonayaa ay ka aaminsan yihiin gudoomiyaha.

Maxaanu kaa gaadhsiinaa ummadda reer Somaliland ee akhrisanaysa waraysigaagan?




Waxa aan odhan lahaa iska ilaaba qof iyo shakhsi jaceylka ama naceybka. Qabiilkana sida fiican ee ilaahay iyo rasuulkiisu raalli ka yahiin u adeegsada, kolay deyn maysaana. Musharixiinta, mas’uuliyiinta xukuumada iyo xisbiyaduba way tageyaan goor ay noqotaba ee dalkiina ilaashada. Anniguna inta aan arrimaha debedaa jooga qofkii aan uga shakiyo in ku kacay ficil iyo hadal waxyeeleynaaya Qadiyadda Madax Banaanida Somaliland waan ka hor imanayaa ilow uu walaalkayna muu ahaado.


Source: WaryaTv

garaaddada dhulbahante iyoshirkii Hoholhol 20100126


“Anaga Cidi Nagama Joojin Karto Shirkayaga Hadalkoodana Ma Qaadanayno, Meelahaasi Ayaanay Warwareegayaan” Garaad Saleebaan

HOLHOL, January 26, 2010 (Haatuf) – Shirqoolka shirka tuulada HOLHOL uga bilaabmay Garaadada beesha Dhulbahante oo la sheegay in loo qabtay arimo ku lidi ah qaranimada somaliland isla markaana lagu mijo xaabinayo jirintaanka Somaliland ayaa iskugu tagay wafti ka socda somaliland oo uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada somaliland oo ay weheliyaan wasiirka cadaalada Axmed Xasan Cali (Casoowe) wasiiru dawlayaasha waxbarashada Maxamud Garaad Maxamed, Kaluumaysiga Cabdi Xirsi Ducaale, wasiir ku xigeenka hawlaha guud C/risaaq Cawil Bacaluul iyo siyaasiga Axmed Cabdi Maxamud (Xaabsade) iyagoo isla shalay galabna ay gaadheen wafti ka socda Maamulka Puntland oo uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka maaliyada C/qawdhan warsame ( cabdi halas) oo ay wehelinayaan xildhibaano ka tirsan Maamul Gobaleedka Puntland oo kasoo jeeda dhalasho ahaan gobolka Sool.

Shirkaasi uga socda Garaadada Dhulbahante ee Somaliland diidka ah tuulada HOLHOL ee dhinaca waqooyi bari magaalada Laascaanood uga jirta masaafo dhan 70km isla markaana ay ku gadaaman yihiin ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanadaasi gobolka Sool ayaa waxay markii ugu horaysay Garaadada Beesha Dhulbahante ee shirkaasi abaabulayaa ay shaaca ka qaadeen inaanay cidna u daba fadhiisanayn qabsoomida shirkoogaasi kuna tilmaameen inaanay dawlada Somaliland marnaba aanay ka joojin Karin shirkoodaasi.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah qaban qaabiyayaasha kulanka isimada beesha Dhulbahante oo ka waramaya kulankooda ayaa sheegay in aanu shirkani ay iskugu yimaadeen dhamaan isimada beesha Dhulbahante aanu la xidhiidhin dhinacyada siyaasada, isagoo intaa ku daray inay shirkan kaga wada tashanayaan sidii ay isimada beesha Dhulbahante u midoobi lahaayeen isla markaana arimahaa ku saabsan dhaqanka iyo deganaanshaha deegaanka “Waxa loogu baaqay dhamaan isimada beesha Dhulbahante gude iyo dibadba, isimadiina way joogaan, shirkaasina wuxuu ku saabsan yahay ka tashiga midnimada Dhulbahante waana shir aan siyaasad shaqo ku lahayn oo loogu talo galay arimaha dhaqanka isimada beesha Dhulbahante oo kaliya, waxaana ka soo qayb galay isimadii oo dhan shirkiina wuu socdaa haatana gabogabo ayuu ku dhaw yahay qodobada go’aanka ka soo baxana saacadaha soo socda ayaa lagu dhawaaqi doonaa”
dhinaca kale Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamud oo ka mid ah Garaadada Somaliland-diidka ku caanbaxay oo isna ka mid ah Garaadada goobta ku sugan oo warbaahintu wax ka waydiisay ciidamada Somaliland ee ku gadaaman goobta, in shirka laga joojiyey iyo in kale ayaa sheegay inaanay cidina ka joojin Karin shirkooda isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “anaga cidi nagama joojin karto shirkayaga hadalkoodana ma qaadanayno, meelahaasi ayaanay wareegayaan gabogaboda shirkana wixii go’aan ah ee kasoo baxa Media ayaanu ka sheegaynaa, bari (maanta) ayuu soo gabogaboobaya marka shirku dhamaado ayaa go’aamada la sheega, shirka oo socda waxba lama sheego”

Dhinaca kale waxa ay dadwaynaha reer Somaliland is waydiinayaan sababta ay madaxda qaranka Somaliland ee ku sugan shirkaasi ay uga hadli waayeen arimahan ku lidiga ah Somaliland ee ka soo yeedhaya Garaadada gobolka Sool, iyadoo wakhtigan xaadirka ahna lays waydiinayo sababta keentay madaxda Somaliland iyo kuwa Puntland ka socda ee shirkaasi iskaga milmay iyo asbaabaha ay xukuumada Somaliland uga aamusan tahay weedhaha kulkulul iyo hanjabaadaha kasoo yeedhaya xubnaha Garaadada ah ee iskugu yimid shirkaasi HOLHOL oo iyagu meelkasta ka sheegay in Somaliland ay dagaalo culus la galidoonaan, isla markaana ay ka xorayn doonaan deegaamada Gobolka Sool.

Dhinaca kale Garaad Jaamac Garaad Cali oo isagu doraad tuuladaasi HOLHOL markii ay ciidamada qaranka Somaliland soo galeen uga baxay tuulada Saalax dheer ayaa la sheegay inuu shalay galab dib ugu soo noqday tuuladaasi shirku ka socdo ee HOLHOL.

Garaadada shirkani u socday ayaa waxa ka mid ahaa Garaaad Abshir Saalax, Garaad C/laahi Ciise, Garaad Cismaan Mashqare, Boqor C/laahi Maxamed , Garaad Cali Buraale, Garaad Saleebaan Buraale iyo Suldaan Siciid Ismaaciil.

--------------------------------------------------------------------------------

Hoggaamiyihii ugu fadhiga xumaa oo noqdey madaxweyne rayaale: Bal eeg20100126

Madaxweyne Rayaale Oo Noqday Madaxweynahii Ugu Qaab Fadhi Xuma



Mp Kerry McCarthy Ee Laga Soo Doorto Bristol Iyo Ergaygii Hore Qaramada Midoobay Oo ka Yaabay "Waxaan Ku Odhan Gaadhay M/weyne Dhidhiibso"







Hargeysa (Golisnews.com)-25/01/2010- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa noqday madaxweynahii ugu qaab fadhi xuma marka uu qaabilaayo madaxda iyo dadka kale ee martida u ah, isagoo u fadhista qaab isku dhex yaacsan oo uu lagahiisa si qaab darran uu u kala bixiyo oo aan lahayn hanaan baratakool oo mararka qaarkoodna ka yaabisa madaxda uu la kulmo ee ajaanibka ah.





Haddaba Mudanaha laga soo doorto magaalada Bristol ee koonfurta dalka England Mp Kerry McCarthy ayaa dhawaan xubno ka tirsan jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Bristol uga sheekaysay waxyaabahii ugu fajaca badna ee ay kala kulanto booqasho ay ku tagtay Somaliland sannadkii 2008-dii magaalada Hargeysa waxay ku sheegtay inay aad ula yaabtay ugana fajacday qaabka madaxweyne Rayaale u fadhiistay markii uu qaabilaayey xildhibaano ay ka mid ahayd oo ah xildhibaanada ku jira baarlamaanka Britain ee loo yaqaano Saaxiibada Somaliland, maxaa labada lugood ee Madaxweynaha kala durkiyey ayey tidhi Mrs Maccarthy





<







Mp McCarthy waxay sheegtay in ay inyar u jirsatay inay weydiiso Madaxweyne Rayaale qaabka uu u fadhiyey inuu bedelo iyadoo sheegtay inay ku noqotay iyada dhinaceeda yaxyax markii danbe ee ay dhamaysteen kulankaasina ay gebi ahaantood isweydiiyeen iyada iyo mudanayaashii kale ee ku wehelinaayey, waxaan la yaabay ayey tidhi xita haddii uu isagu khaldamay miyaanay jirin ayey tidhi cid qaabilsan baratakoolka iyo qaabka qaabilaadda oo Madaxweynaha u sheega inuu bedelo hanaanka uu u fadhiisto, waxay marwo MCcarthy sheegtay in aanay weligeed arag qaab noocaasi oo kale ah









Haykalkani Madaxweyne Rayaale ayaa sidoo kale wuxuu ka yaabiyey madax badan oo uu ka mid yahay safiirkii hore ee qaramada midoobay u qaabilsana arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland Ambassador Francois Fall oo dhawaan mar uu la kulmay muwaadin reer Somaliland ah u sheegay in xita qaabka baratokoolka fadhiga Madaxweyne Rayaale uu qaab darranyahay.