Tuesday 26 January 2010

Xoghayaha Arrimaha Dibedda KULMIYE oo Shaaca ka Qaaday in Xukuumadda Rayaale ka Khalkhashay Safarka Axmed-Siilaanyo ee Maraykanka 20100126

(dhinaca midig eeg u code siilaanyo, faysal, Rayaale mid uun )


Xoghayaha Arrimaha Dibedda KULMIYE oo Shaaca ka Qaaday in Xukuumadda Rayaale ka Khalkhashay Safarka Axmed-Siilaanyo ee Maraykanka
Booqashada Guddoomiyaha KULMIYE ee Maraykanku Waxay Degenaansho La’aan ku Riday Maamulka Rayaale oo Waa Kuwaa Wasiirradiisii Kala Hadlaya’

Xoghayaha Arrimaha Dibedda KULMIYE oo Shaaca ka Qaaday in Xukuumadda Rayaale ka Khalkhashay Safarka Axmed-Siilaanyo ee Maraykanka


“Taageeradda dhaqaale Maraykanku sida tooska u ugu fidin karo Somaliland waxay ku xidhan tahay in dalka laga sameeyo maamul aan musuq ahayn oo iska xejin kara xajmiga maaliyadda la inagu taageerayo”


“Waxaan ugu baaqayaa inay is-dejiyaan oo aanay ka khalkhalin booqashada KULMIYE ee Maraykanka oo ah guul u soo hoyatay shacbiga iyo dalka Somaliland”

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar



London (Jam)- Xoghayaha Arrimaha Dibedda xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa shaaca ka qaaday in safarkii guddoomiye Axmed-Siilaanyo iyo weftigiisu ku tageen dalka Maraykanka uu degenaansho la’aan ku riday maamulka madaxweyne Raayale, isla markaana ka naxday guulaha siyaasadeed ee KULMIYE u soo hooyey shacabka Somaliland.

Dr. Maxamed Cabdillaahi oo isagoo jooga magaalada London ee carriga Ingiriiska xalay Jamhuuriya khadka telefoonka ugu waramay xalay, ayaa sheegay inuu maamulka madaxweyne Rayaale hinsaase xoogan ka qaaday sida diiran ee guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE loogu soo dhaweeyey dalka Maraykanka, arrintaasi oo sababtay in madaxweynaha iyo wasiiradiisu siyaabo kala duwan oo khalkhal ku jiro uga hadleen booqasha Axmed Siilaanyo ku joogo Maraykanka, waxaanu xoghayaha arrimaha dibedda KULMIYE uu xukuumadda ugu baaqay inay ilaaliyaan degennaansha dhexdooda, islamarkaana iska ilaaliyaan kala hadalka dhexdooda ah.

Xoghayaha arrimaha dibedda KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ugu horayn ka hadlay arrimihii ugu waaweynaa ee ay kala hadleen masuuliyiinta dawladda Maraykanka ee ay kulama la yeesheen waxa uu yidhi;

“Arrimaha aan isleeyahay way ugu waaweynaayeen guulihii Somaliland uga soo hoyatay booqashadii rasmiga ahayd ee Guddoomiyaha KULMIYE iyo weftigiisu ku tageen dalka Maraykanka waxa ka mid ah annagoo waydiisanay in la laban-laabo, isla markaana toos loogu soo gudbiyo caawimooyinka Maraykanku u fidiyo Somaliland oo hadda gacan saddexaad la soo mariyo, arrintaasna waa nalaga aqbalay.

Waxa kale oo ka mid ahaa guulaha Somaliland uga soo hoyday safarkayaga, annaga oo Senator Donald Payne ka codsanay inuu Baarlamaanka dalka Maraykanka u gudbiyo mooshin ku saabsan qaddiyadda Somaliland iyo sidii taageero loogu fidin lahaa, arrintaasna wuu naga aqbalay, waxaannu noo sheegay inuu waqtiga ugu fiican ee munaasibka ah u gudbin doono Baarlamaanka mooshin ku saabsan Somaliland.

Waxaannu Donald Payne ka codsanay sida uu ugu ololeynayo qaddiyadda Koonfurta Sudan inay gooni noqoto inuu Somaliland-na sidaas oo kale ugu ololeeyo, annagoo dhinaca kalena ku taageernay tallaabada Payne iyo dalkiisa Maraykanku ugu ololeynayaan goonni-isu-taagga Koonfurta Sudan.

Waxa kale oo aannu ka codsanay in Maraykanku joogteeyo taageerada iyo dhaqaalaha uu ku bixiyo Somaliland, isla markaana goob-joogayaal caalami ah u soo diro doorashooyinka dalka ka dhacaya, taasna waa nalaga aqbalay.

Arrimahaas oo dhan waxaannu kala hadlanay qaybaha kala duwan ee wasaaradaha iyo hay’adaha Maraykana ee aannu ka kulanay, annaga oo si gaar ah ula kulana Donald Payne iyo mudane kale oo ka mid ah kuwa ugu awoodda badan Aqalka Kongeraska dalka Maraykanka, taageeradda dhaqaale Maraykanku sida tooska u ugu fidin karo Somaliland waxay ku xidhan tahay in dalka laga sameeyo maamul aan musuq ahayn oo iska xejin kara xajmiga maaliyadda la inagu taageerayo”

Xoghayaha oo la weydiiyey sida uu u arko eedaha xukuumadda Rayaale u jeediso Senator Donald Payne ee ah inuu ka soo horjeedo qaddiyadda Somaliland, waxa uu ku jawaabay; “Donald Payne maaha nin cadow ku ah Somaliland, waa nin saaxiib inala ah oo awood badan ku dhex leh dalka Maraykanka, isla markaana u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika iyo qaybo ka mid ah Carabta oo ay Yemen ku jirto.

Dawladda Maraykanku waa dal danaynaya inuu wax la qabto Somaliland, waxaanna lala yaabay oo bulshada amakaag ku noqotay in la yidhaahdo Donald Payne waa cadowga Somaliland, arrintaasna aad buu la ayaabay markii xukuumaddu tidhi; ‘Weftigii KULMIYE waxay la kulmeen Donald Payne oo ka soo horjeeda qaddiyadda Somaliland.’ Runtiina haddii Baarlamaanka iyo dawladda Maraykanku innaga soo horjeedaan waxba innooga socon maayaan siyaasadeena, dhaqaalaheena iyo horumarka dalkeena, weftiga KULMIYE si heer qaran ah looma qaabileen oo la casuumeen ay sabab ay Axmed Siilaanyo ula kulmaanna may jireen, haddii Donald Payne iyo Maraykanku neceb yihiin maamulka Rayaale waa la saaxiib shacabka Somaliland, sida naloo casuumayna waxay muujinaysaa in Maraykanku saaxiib la yahay Somaliland.”

Waxa kale oo Xoghayuhu ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya xisbiga mucaaradka ee KULMIYE iyo dalalka jaarka ah, sida Ethiopia oo kale, isaga oo sheegay in safarkii Axmed Siilaanyo ku soo maray Addis Ababa wax weyn ka beddelay xidhiidhka iyo saaxiibtinimada labada dhinaca, waxaannu xusay in safarkaasi meesha ka saaray dacaayado xukuumaddu xidhiidhka KULMIYE iyo Ethiopia.

“Ethiopia waa dawlad aynu daris nahay oo xidhiidh qoto dheeri innaga dhexeeyey ilaa iyo waqtigii halgankii, isaga oo Axmed Siilaanyana ilaa waqtigaa macaamil lahaa Ethiopia oo qayb libaax ka soo qaadatay halgankii dib-u-xorreynta dalka. Intii uu Guddoomiyaha KULMIYE booqashada ku joogay Ethiopia waxay la kulmeen madax iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dalkaas, waxaanna xisbi ahaan naga go’an in aannu xidhiidh fiican la yeelano haddii aannu doorashada ku guulaysano dalalka deriska ah,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Xoghayaha oo aannu weydiinay sida ay u arkaan eedayntii Madaxweyne Rayaale u soo jeediyey qurbo-joogga Somaliland ee ahaa inay Somaliland ma jirto qaadhaan ku bixiyaan, waxa uu yidhi; “Arrintaas waxay noqotay mid ay qurbo-joogga reer Somaliland oo udub-dhexaad u ah horumarka dalku ay aad ula yaabeen, runtiina xisbi ahaan aad baanu uga xunnahay, waxaananu aaminsannahay in hadalkaasi uu yahay mid ku kooban Rayaale iyo maamulkiisa oo ay shacabka intiisa kale la qabin, dadkuna gudo iyo dibedba aad bay ula yaabeen, waxaanna hadalkaa xukuumadda ka keenay khalkhal iyo hinaase ka qaadeen safarka Guddoomiyaha KULMIYE ku tegay dalka Maraykanka iyo madaxda sare ee ay la kulmeen.”

Mar la weydiiyey Xoghayaha sida ay u arkaan hadalkii ka soo yeedhay wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibedda ee ahaa Guddoomiyaha KULMIYE dalka ma soo geli karo ilaa iyo inta uu cafis weydiisanayo shacabiga, waxa uu ku jawaabay; “Hadalkaasi wuxuu ahaa wax lagu qoslo, Axmed-Siilaanyo-na dalka ma soo geli karo lama odhan, runtiina dadku aad bay ula yaabeen, waayo Axmed-Siilaanyo iyo madaxda KULMIYE, dalka way uga lexejeclo badan yihiin Rayaale iyo maamulkiisan dalka iyo dadkan oo muddo aad u dheer ay duurka ugu jireen xorayntiisa, iyaga oo maalkoodii iyo dhiigoodiiba u soo huray xorayntii dalka, Axmed Siilaanyo waxa uu ahaa guddoomiyihii ugu muddada dheeraa SNM, markaa in aayar la iska yidhaa dalka ma soo geli karo waa wax lagu qoslo.

Imikana iyaga ayuun baa mar labaad yidhi cidi may odhan Axmed Siilaanyo ma soo geli karo dalka oo way kala hadlayaan, waxana muuqata in booqashada Guddoomiyaha KULMIYE ee dalka Maraykanku degenaansho la’aan ku riday maamulka Rayaale oo waa kuwaa wasiirradiisii kala hadlaya, waxaan ugu baaqayaa inay is-dejiyaan oo aanay ka khalkhalin booqashada KULMIYE ee Maraykanka oo ah guul u soo hoyatay shacbiga iyo dalka Somaliland, isla markaana iska ilaaliyaan xasillooni-darrada dhexdooda ka jirta ee ka dhalatay hinaasaha ay ka qaadeen booqashadaas,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.





Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment