Wednesday 20 January 2010

Ciidamada C.I.D-da oo qoraal yeedhmo ah u gudbiyay Eng. Maxamed Xaashi iyo jawaabta uu ka bixiyay20100120


Ciidamada C.I.D-da oo qoraal yeedhmo ah u gudbiyay Eng. Maxamed Xaashi iyo jawaabta uu ka bixiyay
January 20th, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Ciidanka Baadhista dambiyada ee Hargeysa, ayaa Qoraal yeedhmo ah u diray Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, taas oo uu jawaab ka bixiyay.

Laanta dembi-baadhista Hargeysa, ayaa qoraal ay u dirtay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi kaga dalbatay in uu Xarunta dembi-baadhista ee Hargeysa tago maanta oo ay taariikhdu tahay 20, January, si wax looga waydiiyo hadallo ka soo yeedhay isaga laf ahaantiisa.

Qoraalkaas oo dhammaystiran ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Anagoo tixraacayna bayaankaagii aad warbaahinta siisay sida Wargeyska Saxansaxo Cadadkiisa 828 ee soo baxay 11/01/2010, oo aad sheegtay inuu jiro qorshe la rabo in lagu laayo rag ka tirsan mucaaridka, adigoo masuul waddaniya ah, waxaanu kaa codsanaynaa inaad timaado xafiiskan qeybta baadhista dambiyada Hargeysa si aad gacan nooga siiso baadhista arrintaas halista ah ee aad ka digtay.

Waxaanu mar kale kaa codsanaynaa in aad timaado Taariikdu markay tahay 20/01/2010-ka saacadu markay tahay 9:00 subaxnimo iyadoo yeedhistani waafaqsan tahay Qod.24 XHC.”

Dhinaca kale, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa jawaab ka bixiyay qoraalka yeedhmada ah ee uu ka helay xarunta dembi-baadhista Hargeysa. Waxaanu sheegay in aanu u hoggaansamayn yeedhmadaas ooh ore loogu xidhay mid uu sidan oo kale ugu hoggaansamay, taas oo uu muddo shan bilood ku dhaw ku xidhnaa xabsiga Mandheera. “Waraaq bay C.I.D-da layga keenay oo lagu yidhi waxaad Xarunta timaaddaa 20-ka bishan January ilaa 9:00-ka Subaxnimo. Inankii waraaqda ii keenay waxaan ku idhi Anigu ma imanayo CID-da, Maxkamad jeebka lagu sito hore ayaan u arkay, wax dambi ah oo aan galay ma jirto, kolkaa qaska aad dalka ka waddaan ayey tana ka mid tahay, kolkaa tii hore ee Cabdilaahi Cirro sameeyey ayaan isku qoomameeyaa, kolkaa mar dambe kama yeelayo.” Ayuu yidhi Maxamed Xaashi oo u waramay Telefishanka HCTV, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Maxkamd aan tagayaa ma jirto, Xafiiskoodana ma tagaayo, Askari ay leeyihiina raaci maayo, jawaabtiina sidaas ayaan ugu diray, odhaahdiina waa tan, kolkaa waxa weeyaan dadka ayaa lagu jahawareerinayaa oo doorashadii lagu sugaayey ayaa dadka kolba dhinac loo jeedinayaa, 26 June iyo Maanta Cirraan odhanayaa (Wasiirka daakhiliga), awal waxaan odhan jiray Wasiirka.”

Eng. Maxamed wuxuu eedayn u jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale. “26-June kan ayaa KULMIYE ka soo baxay shaqayn mayso ee Ammaankii dalka khatar ayuu ku jiraa, iyagaana xumanta wadda, markaa dalka inta ummad ajani ah oo joogta ayaa cidaa ka badan.” Ayuu yidhi, waxaanu sheegay in weeraradii argagixisada ee Somaliland lagu fulliyey ay ahaayeen kuwo nidaamsan, isla markaana nabadgalyada ka dhan ah, taas oo barbar dhigay Mudaharaado is-daba joog ah oo Hargeysa hore uga dhacay iyo dilkii Taliyihii qaybta 12aad ee Laascaanood iyo Walxihii laga helay jidka u dhaxeeya magaalada sheekh iyo Burco, waxaanu shaaca ka qaaday in Xukuumada ay talaabooyinkan uga dan leedahay sidii ay doorashooyinka u baajin lahayd.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo la weydiiyey bal waxay tahay cadaynta laga sugayo ayaa waxa uu yidhi “ Ninka Laascaanood ku xidhan ee booliska ah oo Kiiska oo dhan loo haysto Maxkamad ha soo joojiyaan iyagaa cadayn laga sugayaaye.”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

No comments:

Post a Comment