Tuesday 19 January 2010

20041126 Hadii Aynu Uun Iska Eegano Aqalka Madaxtooyada Xal La Gaadhi Maayo” Dr: Cabdi Aw-Daahir-


Hadii Aynu Uun Iska Eegano Aqalka Madaxtooyada Xal La Gaadhi Maayo” Dr: Cabdi Aw-Daahir-
Friday, 26 November 2004
Burco, Nov.24,2004 (Haatuf): “Ninka nabadda wadaana waa inuu yaqaano dariiqa uu nabadda u marayo, ninka dagaalka wadaana waa inuu yaqaan dariiqa uu colaadda u marayo, laakiin hadii..”, ereyadani waxay ka mid yihiin jawaabo uu Dr. Cabdi Aw-Daahir oo ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ka bixiyey arimo kala duwan oo la xidhiidha wacyiga siyaasadeed ee waqtigan xaadirka ah ku gadaaman Somaliland, isaga oo ka hadlay xaaladaha iyo dareenka colaadeed ee ka jira gobolka Sool, isla markaana farta ku fiiqay xal milateri iyo xal siyaasadeed ama nabadgelyo ka uu u arko in lagu maarayn karo xiisadda colaadeed ee u dhaxaysa Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland.

Cabdi Aw-Daahir waxa uu hadda fadhigiisu yahay magaalada Burco, waxaana halkaa waraysi kula yeeshay A. Ducaale (Tifaftire) oo dhowaan socdaal gaaban ku tegay magaalada Burco, wuxuuna Cabdi Aw-Daahir waraysigaa jawaabo kaga bixiyey su’aalo ay ka mid yihiin inuu hawlaha siyaasadda ku sii jirayo iyo inkale. Waxa kale oo uu soo qaaday doorashada baarlamaanka iyo aragtida uu ka qabo. Waxa kale oo uu soo hadal-qaaday istaraatijiyadda iyo qorshaha dawladda Somaliland ee ku wajahan xaaladda bariga Somaliland, isaga oo farta ku fiiqay sida uu u arko qorshaha dawladda ee xiisadda gobolka Sool iyo arimo kale oo xiise leh. Hase yeeshee ugu horayn Cabdi Aw-Daahir mar la waydiiyey su’aal ahayd “maxaad hadda qabataa” waxa uu ku jawaabay “hawlo caafimaad ayaan qabtaa ama magaalada dhexdeeda ha noqoto ama cusbataalka ha noqotee, hawlaha kale ee wacyi gelintana qayb baan siiyaa”.

Laakiin waxa hadana la waydiiyey “hawlaha caafimaad ee aad cusbataalka ka qabataa ma tabaruc baa”, wuxuuna yidhi “Haa, hawlaha aan cusbataalka ka qabtaa waa tabaruc oo dadkana waan qalaa, waadhadhkana waan maraa”.

Waxa kale oo la waydiiyey “waa noocma xanuunada ugu badan ee aad dadka ku aragtaan”, wuxuuna yidhi “marka la eego magaalada Burco xanuunada ugu faraha badan ee aanu ku aragnaa waxa ka mid ah: TB-da, Kaneecada, xanuunada caruurta oo uu shubanku u badan yahay, xanuunada dumarku marka ay uurka leeyihiin. Xanuunada hadda yaraaday ee aan dadka ku badnayn waxa ka mid ah, Xabadda oo dhawr iyo sagaashanaadkii halkan (Burco) ku badnaa, waxa kale oo yaraaday dhaawacyadii Toorida oo xiliyada qaar Burco ku badnaa”.

Intaa ka dib waxa kale oo la waydiiyey “muddooyinkan dambe waxaad ahayd nin dhinaca siyaasadda aad ugu firfircoon oo had iyo goor dhawaaqiisa la maqlo, laakiin inmuddo ah dhawaaqaaga lama maqal maxaad la aamustay”, wuxuuna ku jawaabay “aa macneheedu ma aha inaan siyaasaddii faraha ka qaaday oo xisbi ayaaban ku jiraa oo Kulmiye ayaan ka tirsanahay, balse duruufta maanta taal ayaad-ba moodaa inaanay hadal badan saamaxayn. Laakiin hadana lagama maarmaan ayey noqonaysaa in arimaha aan laga aamusi karayn ee aayaha dalka iyo dadka in laga hadlo oo wixii khaldan iyo wixii talo la tilmaamo, taasina waa waajib qaran”.

“Mushkiladda gobolka Sool ama bariga Somaliland xal siyaasadeed iyo xal milateri midkee baad u aragtaa in lagu waajaho”ayaa la waydiiyey, Cabdi Aw-Daahir, wuxuuna ku jawaabay “horta marka hore waxaan aaminsanahay, isla markaana ay muhimadda koowaad tahay in la ilaaliyo jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, lana sugo, lana ilaaliyo xadkeeda, taasina waa waajib qaran, waana waajib dastuuri ah, siyaasadda xisbigayaga iyo tayda shakhsi ahaaneed-na taas ayey ku qotontaa. Ta kale marka aad eegto siyaasadda maamulka Somaliland waxa kaaga muuqanaysa siyaasad aad mooddo jaho-wareer, waayo mar xaalad dagaal ayaad moodaa inay wadaan, marna xaalad nabadgelyo ayey wadaan. Sidaa darteed waxaan odhan karaa ma jihaysnin.
Laakiin wax kasta waxa ugu wanaagsan in nabad lagu gaadho. Balse hadii nabad waxba lagu gaadhi-waayo meesha kama saarayo wixii duruuri ah ee laga fursan-waayo, waxaase meesha taal ninka nabadda wadaana waa inuu yaqaan dariiqa uu nabadda u marayo, ninka dagaalka wadaana waa inuu yaqaan dariiqa uu u marayo, laakiin marka nabad-na la garan-waayo, colaad-na la garran-waayo, taas ayaa mid sub-xaanallah ah.

Waxaan qabaa inaynu ka guulaysanayno cidda inagu soo duushay ama inagu soo duulaysa, waxaase meesha taal oo dhinaceena loo baahan yahay talo iyo qorshe lagu midaysan si jaho-wareerka looga baxo”.

“Marka aad eegto arimaha iyo khilaafaadka u dhexeeya dawladda Somaliya loogu soo dhisay Imbagati iyo Somaliland sidee baad adigu u aragtaa in lagu dhamayn karo”ayaa mar kale la waydiiyey, wuxuuna yidh “horta qadiyadda Somaliland Ingiriis-na kuma xidhna, Maraykana kuma xidhna Itoobiyana kuma xidhna, ee inaga iyo waxa aynu qabsanno ayey ku xidhan tahay oo hadii aynu meel adag iska taagnona waa layna taageerayaa, waana ku guulaysanaynaa, hadii kalena way dayacmaysaa. Sidaa darteed hadii aynaan mawaaqiif siyaasiya oo cad yeelan cidina waxba inagu falimayso”.

“Sida ka soo yeedhay qaar ka mid ah beesha caalamka waxa la leeyahay arinta u dhaxaysa Somaliland iyo Somaliya wada xaajood ayaa lagu dhamaynayaa, markaa adigu ajande noocee ah ayaad u aragtaa in la isku soo horfadhiisan karo ama laga wada hadli karo” ayaa mar kale la waydiiyey, wuxuuna ku jawaabay “horta marka hore maamulka Somaliya loogu soo dhisay shirkii Imbagaati uma arko mid wax u soo kordhinaya Somaliya, inagana (Somaliland) waxa uu inoogu fillan yahay inuu dhibaato uun inagu soo kordhiyo. Anaguna xisbi ahaan iyo ummad badaniba waa tii aanu markii uu shirka Imbagaati socday ka sii qaylinay saamaynta uu Somaliland ku yeelan karo, balse markii uu hogaanka dalku nala yaabay ee yidhi wax saamayn ah inagu yeelan mayo ayaanu iska aamusnay. Laakiin iminka maalinta la helo dawlad Somaliya ah oo dhisan oo lala hadli karo, inaga (Somaliland) mawqifkeenu waa cad yahay, Somaliland-na waa dal iyo dawlad xor ah oo la soo noqotay xoriyadeedii lixdankii, isla markaana ay Somaliland iyo Somaliya noqdaan laba dal iyo laba dad oo walaalo ah oo uu xidhiidh wanaagsan iyo iskaashi ka dhexeeyo. Laakiin xoriyadeena iyo dawladnimadeena cidna uma daba fadhiisanayno, waayo iyagu (Somaliya) ma rabaan inay xoriyadeena iyo dawladnimadeena hoos yimaadaan ama inoo hoos fadhiistaan, taas darteed inaguna u dabafadhiisan mayno”.

Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa kale oo la waydiiyey su’aal ahayd “adigu markii hore waxaad ahayd nin dhakhtar ah, laakiin mar dambe ayaad arimaha siyaasadda soo dhex-gashay, aadna uga dhex-muuqatay, markaa iminka hawlaha siyaasadda ma halkaas ayaad ka sii wadaysaa, mise waxaad doonaysaa inaad ka hadho?

J: Hadda mawqifkaygu sida uu yahay kuma talo jiro inaan hawlaha siyaasadda ka baxo, waana sii wadanayaa oo hawlaha siyaasadda kama baxayo. Ta kale dhakhtar baan ahay, taasina waa Profishinkayga aqooneed, intii aan siyaasadda dhex-galayna marna kama aan dhex-bixin hawlaha caafimaadka, hadii ay tahay mar aan dhakhtar u ahaa, mar aan maamule ahaa iyo mar wasiir u ahaaba”.

Cabdi Aw-Daahir mar wax laga waydiiyey doorashada baarlamaanka ee la leeyahay hala qabto iyo sida uu u arko muhimadda doorashada baarlamaanka waxa uu yidhi “waxaan ku baaqayaa in la qabto doorashada baarlamaanka, waxaana ku talinayaa inay dadkii UDUB, taageersanaa arinta doorashada baarlamaanka ku taageeraan xisbiyada mucaaradka ah ee KULMIYE iyo UCID, waayo waxa loo baahan yahay in taladii la dheeli tiro, oo xukuumadda talada lala yeesho, taasna waxa lagu xalili karaa in helo baarlamaan awood leh, waxaana u arkaa in hadii aynu eegno uun aqalka madaxtooyada ee aanay wasiiradii ka tirsanaaba ka war-hayn waxa ka jira, taas xal lagu gaadhi mayo. Laakiin ma ihi nin duraya sharciyadda ay meesha ku yimaadeen hogaanku, waa madaxweyne la doortay oo sharci ku fadhiya, waxaanse ku baaqayaa in la doorto baarlamaan awood leh, una badan UCID iyo KULMIYE iyo UDUB oo maamulkii haysa, ka dibna uu baarlamaanku talada halkaa ka soo galo, lana helo talo meel lagu gaadho, hadii aan sidaa la yeelina waxa soo hadhay waa anaga (Xisbiyada) oo qaylina oo maalinba Haatuf iyo jaraa’idka wax ku soo qorna, taas oo aanay ciddina naga dhegaysanayn”.

“Wixii ka soo baxay doorashadii hore waa la dhaliilay oo waxa la leeyahay dadkii Loo baahnaa ma soo bixin, iminkana waxa laga wer-wersan yahay dadka ku soo bixi doona doorashada baarlamaanka ee aad leedahay hala qabto nooca ay noqon doonaan, markaa sidee baad u aragtaa in looga bad-baadi karo qaabkii hore oo kale” ayaa la waydiiyey Cabdi Aw-Daahir, wuxuuna ku jawaabay “marka hore xisbiyada waxa looga baahan yahay inay soo xulaan dad wanaagsan oo buuxin kara xilka loo doortay, iyadoo aan baarlamaanka maanta jooga la odhan karin waa dad liita dhamaantood ee dad wanaagsan iyo qaar kaleba waa leeyihiin”.

Laakiin Cabdi Aw-Daahir waxa kale oo la waydiiyey su’aal ahayd “Sidee baad u aragtaa in loo xuli karo dad ku haboon baarlamaanka”, wuxuuna ku jawaabay “waxaan odhan lahaa yaan liis la dooran ee qof ama shakhsi hala doorto, iyadoo uu qofka la dooranayaa mabaadi’dii xisbiga ku shaqaynayo”.

Ugu dambayn Cabdi Aw-Daahir waxa la waydiiyey su’aal la xidhiidha shirarka ku lidka ah qadiyadda madax banaanida Somaliland ee had iyo goor laga abaabulo dalalka debedaha, waxaana su’aalaha arintaa laga waydiiyey ka mid ahaa “sidee baad u aragtaa kelmadda ama siyaasadda Dir”, wuxuuna ku jawaabay “Dir waa siyaasad lagu burburinayo Somaliland, waxaana la doonayaa in lagu baabi’iyo taariikh siyaasadeed oo jirta, kelmadda dir waa kelmad khatar siyaasadeed xanbaarsan oo u baahan in laga dagaalamo”.

Ka soo Xiganay Haatuf.net

No comments:

Post a Comment