Tuesday 19 January 2010

20050318 Xisbiga KULMIYE Oo Fagaare Kala Hadlay Dadweynaha Reer Burco

Xisbiga KULMIYE Oo Fagaare Kala Hadlay Dadweynaha Reer Burco
Somaliland.Org — Burao, Somaliland — 18 March, 2005
--------------------------------------------------------------------------------

Burco (Sl.org) Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa shalay hadal u jeediyey kumanaan dad ah oo iskugu soo baxay faagaraha xurunta xisbiga ee gobolka Togdheer, magaalada Burco.
Barnaamujkaas oo ahaa kulan wacyigelin aha waxa soo qabanqaabiyey Xafiiska Xisbiga ee Gobolka, waxaana kala qaybgalay oo halkaasi ka hadlay masuuliyiin ka tirsan hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE oo iskugu jiray qaar Hargeysa ka yimi iyo kuwa gobolka hore ku sugnaa.
Waxa ugu horayn halkaa ka hadlay, Jaamac X. Maxamuud Digaale oo ka mid ah madaxda xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi, "Waynu ognahay dawladii dalka la doonayo in ay dalka horumar gaadhsiiso sida ay u dhaqmayso iyo waxa ay ku hadlayso Radio Hargaysa, maalin walba waxaa laga sii daynayaa Samo diidoow dabin baa kuu qoolan. Waxa ay dawladu abaabushay dad oo warbaahinta laga sii daayo oo ay yidhaahda rag aan Hargaysa u dhalan ayaa Hargaysa wax ka dhex leh. Tan (Burco) iyo Hargaysina waa isku dal oo waa isku dan gacanina kaligeed wax ma qaban karto Hargaysa iyo Burcana waa mataano mid kastoo dhibaato gaadhaana waa wax wada gaadhay. Dadka waxan isticmaalayana waa wax magarato mana aha in dadka curfiyo iyo ducufnimo la dhex dhigo waxa aan leeyahay shacbiyoow qof xanuunsanayaa marka uu xanuun ku dhaco wuu taahaa markaa qofka xanuunsanayaa ha taahin lama odhan karo
"Qofkii culays kaga taahinaya ayaa saaran dawlada waxa aan leeyahay dee marka aan aragno dhibaatada dalka iyo dadka waan taahaynaa dalkana dadweynoow idinkaa leh ilaashanayana ninkii doonayaa in uu meel kale u duso ama dano gaara doonaya ka doonayoow hor taa-jireba waa. Waa in aynu dalkeena ilaashano".
Mr. Digaale, waxa uu intaasi ku daray oo uu hadalkiisa ku soo qaaday dhibaato beryahan dambe ka aloosnayd bariga Berbera, halkaas oo uu sheegay in la doonayo in dagaal laga huriyo, dhiig dadna ku daato, isaga oo ka waramaya ciidamo laxaadleh oo dowladdu u dirtay kooxo kalluumaysato ah oo dhowaan shaqaaqo dhexmartay.
Waxa isaguna halkaa ka hadlay Dr. Cabdi Aw Daahir oo ka tirsan gudiga fulinta ee xisbiga, kuna sugnaa magaalada Burco, waxana uu ka hadlay xaalada dalka iyo doorashada. Waxa uu yidhi, "Haddii aan xaalada dalka si kooban uga hadlo waxa ay shacabku dhisteen dawlad isku taagta cagaheeda iyo nabadgalyo iyo kala danbayn hasa yeeshee waxa dalka ku soo fool leh hadaynaan ka digtoonaan halis inugu keeni karta dhibaato waa taynu sugayanay in ay doorashada baarlamaanku dhaco ee aynu ku doonaynay ictiraafka iyo horumarka dalka."
Balse, waxa uu sheegay in qaabka xukuumaddu u maamushay ay abuurtay khilaaf.
"Waxaan doonayaa in aan halkan fariin uga gudbiyo maamulka maanta jira. Waxaa xaqiiqo ah sida muuqata hadaan maanta xaqiiqada lasu sheegina qoloda maamulka haysa ma doonayaan in ay doorashadu dhacdo sababta doorashada baarlamaanku u dhici la' daahayna waxa weeye saamiqaybsigii oo markaa la garan la'yahay sidii saamiga loo qaybasan lahaa taa weeye qodobka hor taagani e maaha riyaale iyo Goloyaasha oo is haysta iyo Saleebaan iyo cid kaloo is haysata ee ta ina haystaa waa taa in laysugu yeedho asxaabta ayaan Talo ahaan ugu dhigayaa, jiroo ay xukuumada maanta jirtaa ka xanaaqdo dhaliisha in mudanayaasha iyo asxaabta loo yeedho oo la yidhaado waar maxaa inaga dhiman Maamulka maanta jira ma doonayo in doorashdu dhaco waxaasoo dhamina waa mid maamulku dan gaara ka leeyahay mana dhacayso in Talada Dalka Dan gaara Laga yeesho waxaana uu maamulku doonayaa inuu doorashada musuq maasaqo dabadeedna lays laayo waxaanu se leenahay sidaa ha laga daayo. Haddii aanu KULMIYE nahay waxaan qabaa in boqolkiiba sagaashan aynu inagu ku guulaysanayno asxaabtu waxay soo jeedisay qaab saami qaybsi oo Komishankuna ku raacay. waxa aan maqlay inuu maxadwaynuhu u saaray madax weyne ku xigeenka iyo 10 wasiir ayna sidaa ku raaceen balse aanay suuroobin waxaana Daahir riyaale u gudbinayaa sidii doorashadu u dhici lahayd Riyaaloow waxaa lagaa rabaa sidii doorashadu u dhici lahayd," ayuu hadalkisi ku soo xidhay Dr. Cabdi Aw Daahir.
Waxaa iyaduna halkaa ka hadashay Sahra Maxamed Xuseen oo ka Tirsan garabka Haweenka ee xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer, waxaanay tidhi "Xisbiga KULMIYE Doorashada Mawqaf ayuu iska taagay inay 29 March doorashadu dhici wayado in mudaharad dhaco diyaar baa loo yahay in khaastan Gobolkan. Waxaanu diyaar u nahay in aanu u dareerno Mudaharaadkaa waxaa maanta inoo talinaya xukuumad aan Mustaqbalkeena doonayn waan araganaa sida mustaqbalkeenu yahay ka yeelimayno in Somaliland noqoto calool qudha oo wax lagu guro mooye waxa kale qabanayn oo aan buuxsamayna hadaynaan iska qabana aakhirka inaga ayaa la inagu daraysaa".
Waxa kale oo halkaa dadka kala hadlay xubnihii hoggaanka xisbiga ee ka yimi Hargeysa oo ay ka mid ahaayeen Mr. Cabdi Haybe Maxamed iyo Mudane Maxamed Muuse Abees, waxayna dadka ugu warrameen xaaladda Hargeysa iyo halka ay iminka marayaan xaaladda la xidhiidha doorashada.

Cabdirisaaq M. Dubad, Burco.

No comments:

Post a Comment