Monday 18 January 2010

20091026Dr. Cabdi Aw Daahir Oo Madal Ilyartu Is Qabatay Khudbad Uga Jeediyey Jaaliyadda Gobolka Galbeedka Midland



Dr. Cabdi Aw Daahir Oo Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye Oo Madal Ilyartu Is Qabatay Khudbad Uga Jeediyey Jaaliyadda Gobolka Galbeedka Midland e
--------------------------------------------------------------------------------

(Hadhwanaagnews) Monday, October 26, 2009
T“salaadiintii waddanku waxay maraysaa 500 oo suldaan, suldaan kasta waxaa loo iibiyey shan gaadhi oo nooca loo yaqaano Surf, marka mid loo iibiyo kii kale oo masayrsan ayaa madaxtooyada albaabkeeda garacaya oo odhanaya dee suldaan hebel loo iibiye anigana� Dr. Cabdi Aw Daahir.



London (Hadhwanaagnews.com)—Siyaasiga caanka ah ee Dr. Cabdi Aw Daahir oo mar ahaan jiray wasiirkii hore ee caafimaadka iyo shaqada iyo xoghayahii hore ee xisbiga tallada haya ee UDUB balse markii si ba’an ay isku maan dhaafeen Madaxweynaha tallada dalka haya Daahir Rayaale Kaahin ka dib markii uu isku sharaxay musharaxnimada xilka Madaxtinimada ee xisbiga UDUB ka dib geeridii Madaxweyne Cigaal markii danbana u xuub siibtay inuu ku biiro xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye sannadkii 2003-dii ayaa kulan balaadhan la yeeshay jaaliyadda Somaliland ee gobolka galbeedka Midland.




Dr. Cabdi Aw Daahir oo ah siyaasi ka af-gaabna xafiiltanka madasha siyaasadda muddooyinkii ugu danbeeyey ayaa todobaadyadii ugu danbeeyeyba wuxuu booqasho ku joogay boqortooyada ingiriiska waxaana maalinimadii axadii ee todobaadkani ee bishu ku beegnayd 25/10/2009 uu khudbad aad u dheer u jeediyey boqolaal qof oo ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee gobolka galbeedka Midland ee boqortooyada ingiriiska magaalada Birmingham, Dr. Cabdi Cabdi Aw Daahir wuxuu jaaliyadda gobolka Midland xoog waran buuxda ka siiyey xaaladda guud ee Somaliland khaas ahaan ta siyaasiga iyo mujtamaciga ahba wuxuuna si ba’an u weeraray Madaxweynaha Somaliland Daahir rayaale Kaahin oo uu ku tilmaamay Hogaamiye lagu khasaaray.
Dr. Cabdi Aw Daahir oo ugu horayn u duur xallaya xikmad ahaana ku matalaya Madaxweyne Rayaale ayaa wuxuu yidhi “dhaqanka soomaalida waxaa ugu wanaagsana oo ay ku faani jirtay waxay ahayd geella, soomaalidu geella aad ayey u dhaqi jirtay una jeclayd, dabadeed markay noqoto cida geella lagu darayo ee la raacinayo ee daryeelkooda iyo ka war hantooda loo xil saaraya waxay ahayd ninka reerka ugu weyn ee ugu macquulsan, markaasi waxaa la odhan jiray waar hebelow geella xer gee si uu diraacda uga soo bad-baado oo meel biyo iyo baad leh u geeyo, dabadeed markuu dhawr sanno la soo maqnaado ee roobku da´o ayuu reerkii kula soo noqon jiray waxaa la weydiin jiray hebelow geellii ka waran, dee hadduu yidhaahdo geellii badh shilinbaa cuntay, badh warabayaal ayaa la tagay, badh waa lumeen oo meel ay jaan iyo cidhib dhigeen la garan maayo, markaa ninka laguma day jirin waxaa la odhan jiray dayacdaye baaqiga ha israacin, markaa ninka ku xiga lagu eegi jiray oo loo dhiibi jiray, dee ninka geelli dayacay miyaa lagu dayn, waa maya, ina Rayaale dadkii iyo dalkii waa dayacay wax u hadhay ma jirto, waxaana loo baahanyahay in la yidhaahdo waar adeerow dalkii dayacdaye assalamu calaykum nabad gelyoâ€�.





Dr. Cabdi Cabdi Aw Daahir oo ka hadlaya siyaasadaha xisbiga uu ka tirsanyahay ee Kulmiye wuxuu sheegay in haddii sannadka ugu horeeya ay ku fashilmaan inay qaban waayaan wixii u qorshaysna uu isagu noqonayo ninka ugu horeeya ee ku baaqi doona in ay dawladdu is casisho isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi “dalku wuxuu maraya meel xaalad cakiran oo aan la eegan Karin, haddii aanu xukunka ku guulaysano oo sannadka ugu horeeya aanu wax ku qaban wayno, waad arkaysaan oo dawladda ina rayaale Impeachment-ka waxaa la yidhaahdo way ka xanaaqda, waxaan ballan qaadaya haddii aanu ku guulaysan wayno qoqrshahayaga dibu habaynta dalka waxaan noqonaya ninka ugu horeeya ee soo jeedinaya in ay dawladdu is casisho haddii kalana baarlamaanka impeachment loo gudbiyo� ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir.

Dr. Cabdi Aw Daahir Oo ka hadlaya xaaladda Somaliland wakhtigani halka ay marayso ayaa wuxuu yidhi “dadkii waxaa lagu mashquuliyey oo horumarkii iyo taabagalkii dawladnimo lagaga mashquuliyey shay nabad la yidhaahdo, nabaddu ma xuma oo ilaahay mahadlehe dadka keenay cid gooni u sheegan karta ma jirto, laakiin ilmadeerayaal nabaddu maxay nabadu ku noqonaysa marka hooyadii itaalka darrayd gaajo la il daratay, inankii maalintii aynu rijiimkii ina siyaad barre la dagaalamaynay qori qaatay ee ku fekeraayey in markuu dalkiisa xoreeyo uu helo mustaqbal fiican oo waxbarto dabadeedna dadkiisa iyo dalkiisa anfaco ee rajada balaadhan qabay waad arkaysaan maanta inay bedaha isku daadinayaan waayo waxaa go’day oo meesha ka baxday rajadii ay qabeen inay dalkooda ka helaan “ ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir.


Dr. Cabdi Aw Daahir mar uu ka hadlaayey haddii xisbiga Kulmiye ay doorashada ku guulaystaan waxyaabaha u qorshaysan ee seddexda bilood ee ugu horeeya ay qabanayaan wuxuu yidhi “waxaa noo qorshaysan seddexda bilood ee ugu horeeya xukunka xisbiga Kulmiye in aanu tayada booliiska Somaliland ee aanu ku hurudno aanu taayadooda kor usoo qaadno oo la siiyo culuum ku saabsan kobcinta habka ammaanka iyadoo aan la jaan qaadsiin doono tiknolojiyadda adduunka, tiro ahaana waxaanu xooga saarayna inaanu kordhino oo aanu qaadano ardayda jaamacaddaha iyo iskuuladda sare dhameeyey, mushahar ahaana waxaanu doonayna inaanu kordhino oo wiilka iyo gabadha askariga ahi ay helaan guno noloshada ku filan, annagu meel kale ka keeni maynee lacagaha laaluushka loo lunsado ayaanu u maamuli doona� ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir.



Dr. Cabdi Aw Daahir mar uu ka hadlaayey musuq maasuqa wuxuu yidhi “dhaqaalo la’aani ma jirto, waxaa jira musuq maasuq baahsan oo si caqli iyo dhego la’aan ah ninkani talladii ummadda loo dhiibay uu ku takri fallay bal meel kalaba ilmadeerayaal yeynaan ka eegine aynu usoo qaadano reer kasta oo Somaliland ah waxaa loo sameeyey 10-neeyo suldaan, salaadiintii waddanku waxay maraysaa 500 oo suldaan, suldaan kasta waxaa loo iibiyey shan gaadhi oo nooca loo yaqaano Surf, marka mid loo iibiyo kii kale oo masayrsan ayaa madaxtooyada albaabkeeda garacaya oo odhanaya dee suldaan hebel loo iibiye anigana, kii ka danbeeya loo iibiya, dadkii musuq maasuq ayaa lagu kala qaybiyey, hantideenii inaga la inagu kala qaybiyey si aynu iskugu mashquulo, hooyadii indhaha la’ayd ee odaygeedii dagaaladii ku dhintay ee suuqyada Somaliland ku iibisa basasha iyo baradhada ee maalin kasta laga qaado 500 shilinka Somaliland ah, waxaa lagu bixiya kharashka salaadiin beenalayasha ah ee ummaddani loogu tallo gallay in lagu kala qaybiyey, Kulmiye waxaa naga go’an inaanu baabiino dhaqankaasi hantideena sida foosha xun u lumaysa in ummadda loo maamulo oo la dhiso qaab dawli ah oo leh haykal dhamaystiran, waxaanu la dagaalami doona oo aanu dagaalka ugu badan la geli doona sidii musuq maasuqa loo dabar jari lahaa, meel aanu cudurka musuq maasuqu ka jirine ma jirto, cadaaladii ayuu gallay, madaxtooyada ugu badan ma koobi karo� ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir.



Mar uu ka hadlaayey Dekedda magaalada Berbera wuxuu sheegay in sannad kasta la kordhiyo cashuurta dekedda isagoo ka hadlaya wuxuu yidhi “sidee dekedda Berberi ay ula tartami karta dekedaha mandaqadda marka sannad kasta la kordhiyo cashuurtii ee Jibouti, Asmara, Boosaaso, Muqdisho iyo Port Sudan la jabinayo, maanta dhammaan dekedahaasi way inaga cashuur jabanyahiin, haddana haba la kordhiyo eh meel alla iyo meel ay tagto la garan maayo, waxaa loo qaata musuq maasuq 1 percentage kuma xarooto bankiga dhexe� ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir.

Dr. Cabdi Aw Daahir wuxuu tallo usoo jeediyey dadka qurbe jooga ah oo kula dar daarmay inay iska daayaan qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta wuxuuna xasuusiyey in dadka reer Somaliland aanay isku haynin reer, reer ee ay isku hayaan yaa dadka iyo dalka wax u qabanaya wuxuu isagoo arrintaasi ka hadlaya yidhi “waxaa dadku u baahanyahay nin wax u qabta, xisbigaad doontid ku jir, UCID ku jir, UDUB ku jir, KULMIYE ku jir, waar ilmadeerayaalow waxaa inaga dhexeeya ha ahaato yaa dadka wax u qabanaya ee dalka iyo waxbqadkiisa ka daacad ah, dadkeena qurbe jooga ah waxaan idinkala dar daarmaya in aad ka fogaatan qabiilnimada taasi waynu ka gudubnay aniga habarjeclo ah iyo aniga habaryoonis ah waa tii la soo dhaafay waxaa la maraya yaa wax u qabanaya dalka, nimankiina qurbe jooga ah ee dalka noogu yimaadana mid ayaan idinkula dar daarmaya oo ah inadeerkay ayaa ii magacaabaya xil heblaayo ka fogaado, waxqabad noola yimaada, markaad noo timaadan maxaad noogu sheegi waydeen Parking-yadani gawaadhida la dhigto ee waaweyn ee lacagta laga guranayo iyo waddooyinkani sida loo dhista, maxaa idinku saliday inaad noola timaadan wixii laga gudbay, naga daaya cudurkaasi qabyaaaladda ilmadeerayaal oo waxbaqabadkiina noola yimaadda� ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir.

ugu danbayntiina wuxuu ka hadlay Dr. Cabdi Aw Daahir siyaasadda wasaaradda caafimaadka ee u qorshaysan xisbiga Kulmiye wuxuu sheegay in siyaasadda xisbiga Kulmiye uga qorshaysani tahay in la sameeyo haayad madax bannaan oo ka madax banaan wasaaradda caafimaadka oo maamusha dawooyinka dalka soo gallaya, farmasiiyadda iibiya dawooyinkana laga qaado imtixaano lagu eegaayo inay u qalmaan inay dawo iibin karaan iyo inkale, waxaa u qorshaysan haayadaasi inay shaqaalaysiiso dad aqoon u leh cilmiga dawooyinka (Pharmacist) kuwaasi oo baadhitaan ku samayn doona dawooyinka dalka soo gallaya isla markaana eega tayadooda iyo dhicitaankooda waxaana ay haayadaasi noqon doonta ayuu yidhi mid bixisa laysan (Licence) wuxuuna sheegay in dawooyinka dalka soo gelaya ganacsade kasta mid gooni ah loo xil saaro, kuwa antibiotics-ka wuxuu sheegay in cid gooni ah loo saarayo, kuwa antipains-ka wuxuu sheegay in cid kale la siin doona licence-kooda wuxuu Dr. Cabdi Aw Daahir ballan qaaday in aanay dhici doonanin dawooyin ka yimaadda Muqdisho iyo Boosaaso oo Hargeysa yimaadda balse wuxuu sheegay in ay wasaaradda caafimaadku ay toos ula xidhiidhi doonto wershadaha dawooyinka sameeya.




Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Hadhwanaagnews, Birmingham City

No comments:

Post a Comment