Monday 18 January 2010

20090912 shir cabdi aw daahir bariga london


September 17th, 2009 in Kulmiye_party, Press leave a response


Shir lagu qaybtay xaafada East London lagu cambreynayey dhacdadii foosha xumayd ee sabtidii 12/09/09 xukumada riyaale ku laysay mawadiniin reer Somaliland,isla maarkaasina shirkaasi lagu tacsiyaday mawdiniintaa xaqdarada iyo dulmiga lagu dilay. Waxa shirkaasi ka so qayb kalay Dr cabdi aw daahir, gudida fulinta Uk, laamaha xisbiga kulmiye ee uk , taageerayaasha xisbiga, odayaal iyo dad badan reer Somaliland ah oo jecel horomarinta iyo kobcinta dimuqradiyada, joogtaynta iyo siwadida geedi socodka dimuqradiyada Somaliland, iyo cadaalada , xaqsoorka qofkasta oo mawadin, ku dhaqanka distuurka iyo sharciga dalka udajisan, min madaxwayne ilaa qofka caadiga ah. Sido kale jecel nabada, daganaashaha , xasiloonida iyo dhamaan horomarka guud ee Somaliland mid bulsho, dhaqaale , dhaqan dhaqaale, cafimaad, waxabarash , mid guud iyo mid gaar ba.

Shirkaasi xaga saxaafada waxa goobjoog ka ah warkana duubayey ETN TV iyo RR TV oo katirsan North America Minnesota iyo web saydho badan oo kale .
Shirkaasi waxa hadal ka jeediyay Dr Cabdi Aw Daahir oo ka mid ah madaxda sare xisbiga kulmiye booqasho cafimaadna ku jooga dalka Borqortooiyada Carigga Ingriis..Wuxuu guud ahaan ka hadlay marxaladihi taariikhiga ah dalka Somaliland soo maray min halkankii ilaa manta ( ilaa 12/-09/-09 dhacdadii foosha xumayd ee lugu dilay lagu daadiyay diigii mawdiniinta qaaliga ah).
Wuxuu sharaxaad ka bixiyay dhacdooyinkii waqtigii min (1982-ilaa 1993) kuwaaso dhamaan laxidhiidha una kala saaray kacdoonkii shacabka Somaliland,,abuuristii iyo ku dawaaqistii SNM,halgankii hubaysna,xorayntii SNM dalka Somaliland , dib u heshiisiintii beel Somaliland, ku dhawaaqistii gooni istaagaiyo talawareejintii SNM ku wareejisay beelah Somaliland maamulkii iyo talada dalka Somaliland.

Wuxuu kalo ka war bixiyay wax qabadii xukumadii Marxuun Ina Ibrahim Cigaal Alah unaxariiste taaso ku tilmaamayo in waqtigaasi min (1993- ilaa 2002) jirtaanka Somaliland salka loodhigay oo wax badan oo la taaban karo la qabtay, waxa u ku tilmaamay waxyabihi u qabtay in ay ka mid ahayeen 1) hubka dhistii iyo qaramayntii ciidan beleedkii 2)samaynta lacag qarameydka Somaliland 3)soo afjaridii coladii so keeyo iyo khilafaadkii siyasadeed 4)dhisid maamul iyo haykal dawladeed iyo fidinta maamulkaiyo gaadhsiinta gobolada dalka oo dhan 5) gaadhsiinta saladhig nabadeed oo taam ah 6) Gaadh siinta dalka aqoonsi caalami wax qabad (defacto) oo ah mid aan buuxin ee ku dhisan wax qabadka iyo mucawinada bulshada caalamku uso gudbinta Somaliland 7)Samaynta ururada qaranka iyo diyaarinta kharashkii doorashada madaxtooyada iyo dawladaha hoose
Waxa oo ugu dambayntii si faah fahsan uga waramay xaalada manta iyo dibu dahaci uu dalka gaadhsiyey daahir riyaale intii oo dalka xukmaayey ilaa manta iyo dhacdadan foosha xun. Min 2003 ilaa 2009 oo ay ugu dambaysay xidhitaankii golaha wakiilada iyo rasaas oogta kaga qaadka iyo dilka mawadiniinta qaaliga ah.Waxa u ku tilmaamayo in intii daahir hayey dalka in dalku galey kuna baahadaadsaday dibu dhac aan la koobi Karin oo ay kamid yihiin:
-Tahriibta iyo shaqlo la’aan—kumaankun dhalinyaro ah oo badaha ku qaraqma iskuna midaamiyaa iyo shaqo la’aan iyo macluul dalka hadhaysay
-Kootada xoolaha –xoolahii oo kooto lagu siiyey carab sacuudi ah
–Sicir barar ka shidaalka iyo maceeshada
-dhagax –dhigid joogto ah iyo mashaariic aan tisqaadin
- darjo la’aanta ciidamada qaranka Somaliland
- -keenida iyo ku wareejinta lacagta adag madaxtooyada
- wada shaqayn la’aanta madaxtooyada iyo wakiilada
- mushahar yaraanta shaqaalaha iyo ciidamada : mar walba wuu sheegaa in la kordhin doomo waxana kama hirgalaan
- Iibinta dulka qaranka, iyo dib udhac doorashada iyo korarsimo doonis joogto ah
- Iyo dhacdadan ugu dambeysay ee ka dhacday xidhitaankii golaha wakiilada

Ugu dambayntii warsaxaafadeed laga soo saaray shirka waxa baaq cambareyn ah loga so jeeday xukuumada daahir riyaale iyo faalalkii qawana ee cidamadu kula kaceen shacab reer Somaliland ee u so baxay mujinta tageero nabadaysan golaha wakiilada qaranka Somaliland.
Waxaanu cambaareynayna falkii foosha xumaa ee ay ciidamada qaranku kula kaceen kuna dileen mawdiniinta sida nabad galyada leh u so banana baxay si ay tageerada ay u hayaan u mujiyaan xildhibaanada golaha wakiilada ee shacabka reer Somaliland so doorteen sona wakisheen
Waxaanu ugu baqayna xukuumada in ay ka joojiso shacabka Somaliland cabudhida, cabsida , dilka iyo joogtaynta ku xadgudobka xuquuqda shacabka reer Somaliland
Waxaanu ugu baqayna daahir riyaale iyo xukuumada maamulkiisa in ay ka joogsadaan jabinta ,katalaabsiga ,iyo ku xadgudubka sharciga iyo shuruucda iyo distoorka dalka u yaal una dajisan.Waxaanu lenahay xukuumadu haka waantowdu kana fiirsato siyasadaheeda ku salaysan xaal abuur, qas abuur iyo xasilooni daro ka iman karata ku dhaqan la’aanta iyo ku xadgudobka sharciga ,shuruucda iyo distoorka dalka u dajisan iyo isku day awood shegashada taaso ay adeegnayso awooda ciidan qaran danaheeda siyasadeed
Waxaanu ugu baqaynaa in ay ka joojiso faragalinta iyo iska hortaagista xil gudashada sharci iyo distuuri ah golaha wakiiladu distuur qarameedku siiyay shacabka reer Somaliland una doorteen una idmadeen.
Waxaanu halkan ka tacsiyadaynayna mawdiniinta qaaliga ahaa ee 12/090/09 sida xaqdarada ciidamada qaranku ugu layeen iyago amar ka haystaa madaxwaynaha daahir riyaale. Waxaanu ilaahay uga baryeynaa ilaahay janada kawaraabiyo naxariistiisan taam uga yeelo ,eheladii iyo qarabadiina iyo dadka reer Somaliland oo dhan samir iyo imaan ka siiyo
Ugu dambayntii waxaanu halkan hambalyo u gudinaynaa shacabka geesiyada reer Somaliland ee mujiyey islana barbartaag tageerada golaha wakiilada laga xidhay dhisnihii iyo xafiisyadii iga oo u hilinayaa xaq iyo sharciga dalka lagu xadgubaayo
Somaliland.Org London UK


No comments:

Post a Comment