Monday 18 January 2010

shir kulmiye ucid west london







KULAN XISBIYADA UCID IYO KULMIYE LONDON UK SAWIRO UCID IYO KULMIYE OO SHIRKU YEESHAY LONDON
Waxa ka dhacdey xalayto casho sharaf si heersare losoo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyen madaxda xisbiga UCID uk oo loogu talo galy soo dhaweynta Musharaxa madaxweynaha Somaliland ahna gudomiyaha xisbiga UCID oo ay kasoo qaybgaleen madax sare oo ka tirsan kale ee mucaaridkaa ee Kulmiye.
Shirkaa oo Aayado quraana lagu furay kadib waxa hadalka qaybinayey Maxamed Ibrahim oo ah xoghayaha Cadaalada iyo Garsoorka xisbiga Ucid oo hadalkii kusoo dhaweeyey gudoomiyaha Ucid UK Ibrahim rashiid oo madasha kazoo jeediyey hadalo muhiima kana waramay dalkii hooyo uu dhawaan kasoo noqday intaas ka dib waxa isna hadalkii qaatey gudoomiyaha Kulmiye ee Ibrahim Huseen oo Isna mahadnaq usoo jeediyey dadkii xafladan soo qaban qaabiyey waxa kale oo uu sheegay in ay muhiim tahay in labadan xisbi meel kasoo wada jeestaan si loo sameeyo isbedel dhameys tiran.
Intaas ka dib waxa intii aan loo guda galin waxa iyana hadalo ad u qiimo badan kazoo jeediyey dad dhalinyar ah oo ka tiran xisbiga oo jagooyin muhiimana ka haya oo dhawaantood hadaladii laga soo jeediyey maashu ay aad u qiimo badnayeen.
Cashadii ka dib waxa hadalkii lagu warejiyey Dr Cabdi Aw Dahir oo ah madaxda Xisbiga Kulmiye oo dhawaanahanba ku sugnaa dalkan ingiriiska waxa uu aad uga waramay xalada dalku maraayo iyo sida ay muhiim u tahay in isbedel yimaado. Isagoo sheegay in xumumada manta jirtaa ay shaqadeedii kaso bixiweyday.
Waxa isna madasha fadhiyey C/raxmaan C/qadir oo ah gudoomiyaha kuxigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye oo aad ugu mahadnaqay dadkii xafladan soo abaabulay intaas ka dib waxa uu isna madasha ka dhawaajiyey xaalada dalku marayo iyo in ay muhiim tahay in labadan xisbi ee mucaarid ay wada shaqeyn wanagsan sameeyaan si wixii khaldan si wada jir ay loo wajaho.
Waxa ugu danbeyntii madasha lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha ahna musharaxa madaxweynaha Somaliland Eng Faysal Cali Waraabe oo ku bilaabay in Ilahay laga baqo marka hore, isagoo si qoto dheer uga waramay arimaha dalkii ka soconaya iyo komishankan cusub masuuliyada saaran in ay tahay mid weyn oo hadii ay hawshooda kasoo baxaan dalka u horseedi doonta doorasho xor oo xalaal ah waxa kale oo uu Faysal Cali Waraabe sheegay in dalku u bahan yahay badbaado iyo in qofkasta oo reer Somaliland ay khuseeyso.
Sikastaba ha ahaatee waxa ay ahayd madal la isku arkay oo dadka meesha isugu yimid ay aad u sheekeysanayeen kana wada dhawaajinayeen in dalka wax loo qabto oo cadowgeenu aanu doonayn somaliland oo mid ah iyagoo ku dheeradey sida ay muhiim u tahay in doorsho dhacdo wakhtigeedana ku dhacdo.
Hamse Ahmed Salaan
London
Hamse100@yahoo.com




No comments:

Post a Comment