Monday 18 January 2010

20091109 cabdi aw daahir shir bariga london






Cabdi Aw Dahir oo jaaliyadda reer Somaliland kula shiray bariga magaalada London


London (Oodweynenews)- Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland haddana katirsan hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE mudane Cabdi Awdahir ayaa maalintii Sabtida jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool London kula shiray bariga magaalada London. Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen laanta KULMIYE ee bariga London waxaana kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada.
Mudane Cabdi Aw Dahir wuxuu ugu horrayn laanta bariga London uga mahadsanaqay sida fiican ee halkaas loogu soo dhaweeyey, waxaanu sheegay inay bariga London tahay meeshuu ka bilawday halgankii xoraynta dalku, waxaanu ku ammaanay inay haddana kamid yihiin laamaha ugu fir fircoon ee xisbiga KULMIYE ka helo taageero aad u balaadhan oo aan la koobi Karin.
Mudane Cabdi aw Dahir wuxuu kale oo sheegay in ujeedada socdaalkiisu isugu jiray arrimo caafimaad , hawlaha xisbiga iyo kuwa qarankaba oo sheegay in waxkasta ka horreeyaan. Sidoo kalena mudaduu joogay Ingiriiska uu la kulmay jaaliyadda Somaliland ee UK.

Mudane Cabdi aw Dahir wuxuu kale oo dhaliilay siyaasadda xukuumadda Riyaale oo ku tilmaamay mid fadhiid ah oo dayacday bulshadii reer Somaliland, wuxuu kale oo ku dhaliilay in xukuumadda Riyaale ay ku fashilantay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ahi, islamarkaasna ay kamasuul tahay dibudhaca badan ee ku yimid wakhtigii ay dhici lahayd doorashadu. Waxaanu sheegay in xukuumaddu oo hadda talada haysay muddo ka badan toddoba sanodood aanay fulin waxyaabihii ay hore ugu ballanqaaday wakhtigii ay socotay olalihii hore ee doorashadu, bulshaduna ay hadda ka ilbaxday ballanqaadyada joogtada ah ee aanay ka dhabayn xukuumadda talada haysaa.
Mudane Cabdi Aw Dahir wuxuu kale oo ka hadlay siyaasadda KULMIYE oo uu sheegay in barnaamijska siyaasadeed ee xisbigu uu ka turjumaayo baahida rasmiga ah ee bulshada. Marka ugu horreeysa ee KULMIYE talada qabtana uu deg deg wax uga qaban doona dhinacyada arrimaha bulshada ee caafimaadka iyo waxbarashada, sidoo kalena uu xisbigu ahmiyadda koowaad siin doono sidii Somaliland xubin rasmiya uga noqon layd jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa.
Wuxuu kaloo Mudane Cabdi sheegay in KULMIYE sugi doono ammaanka sidoo kalena adkayn doono nabadgelyada xuduudaha. Wuxuu kale oo Cabdi Aw Dahir sheegay inuu wax ka qaban doono oo xidida loo saari doono musuq maasuqa baahay ee ragaadiyey hay’adihii dawladda. Wuxuuna sheegay in cashuurta dadka laga qaadaa aanay ku dhici doonin jeebab gaar ah dakhliga Somaliland aan lagu ridi doonin khasnadda madaxtooyada ee la dhigi doono bankiga dhexe ee Somaliland si dadka wax loogu qabto.
Waxaa iyana halkaas ka hadlay Ismaaciil Xasan, Farax Maxamed Doodi, Ahmed Xasan( Cunaaye), Cabdi Dahir Cabdi ( Bacaw), Jamac Haybe, Farax Xasan Jagac, Maxamed Yusuf, Cismaan Siciid (Xoghayaha Kulmiye East London), Cabdiraxmaan Maxamed Aden dheri( Xoghayaha KULMIYE UK),Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Somaliland Ismaciil Aden Dibi( boos) iyo xubno kale oo badan. Waxaana dhammaantood ka sheekeeyey taarikhdii soo jireenka Somaliland, waxay kale oo xuseen wixii Somaliland u qabsoomay iyo wixii qabyo ah ee wali dhiman, waxaanay giddigood carrabka ku dhufteen in loo baahan yahay isbadal, isbadalkaasna uu keeni karo xisbiga KULMIYE oo ay sheegeen inay ku bahoobeen aqoon yahankii iyo waxgaradkii reer Somaliland.

Cabdi Dahir Cabdi ( Cabdi bacaw) oo ah guddoomiye ku xigeenka KULMIYE UK wuxuu sheegay in taageeridda xisbiga KULMIYE aad u korodhay muddadii udanbaysay, gaar ahaana intuu noo yimid Cabdi Aw Dahir oo uu sheegay in muddaduu joogay UK uu la kulmay dad aad u fara badan oo markii hore taageeri jiray xisbiga talada haya ee UDUB, oo hadda fahmay inuu fashilmay xisbigii talada hayey ee hore u taageeri jiray oo taageeridoodiina u leexiyey xisbiga qaranka ee KULMIYE.
Waxaanu sheegay inay jiraan dad badan oo kasoo jeeda gobolka cusub ee Oodweyne oo horuu u taageeri jiray xisbiga talada hayaa ay hadda kasoo digo rogteen oo ay taageeridda ula diyaar yihiin xisbiyada mucaaridka ah ee KULMIYE hormuudka u yahay. Waxaanu yidhi isagoo hadalkii sii wata : ‘waxaan fursadan uga faa’idaysanayaa inaan u mahadnaqo dadka fara badan ee dhawaan kusoo biiray xisbiga qaranka ee KULMIYE oo runtii ay si wayn ugu soo qulqulayaan dad horuu utaageeri jiray xisbul xaakimka, laakiin ogaaday in danta dadka iyo dalkuba ay ku jirto inuu yimaado isbadal siyaasadeed, waxaanu sheegay in isbadalkaas uu keeno karo xisbiga qaranka ee KULMIYE, oo runtii diyaar u ah inuu qaranka hago si ay uga baxaan dayaca badan ee haysta loona gaadho yoolka la hiigsanaayo ee ah horumar, caddaalad, sinnaan iyo barwaaqada dhulkeena hooyo ee Somaliland.

Cismaan Siciid
Xoghayaha Kulmiye East London
London UK

No comments:

Post a Comment