Monday 18 January 2010

200912 19shir kulmiye west london














Xildhibaano Iyo Madax Sare oo Xibsiga KULMIYE Ka Tirsan oo Shir Loogu Qabtay West London
Xildhibaano Iyo Madax Sare oo Xibsiga KULMIYE Ka Tirsan oo Shir Loogu Qabtay West London



Shir ballaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen xisbiga KULMIYE ee UK ayaa shalay lagu qabtay degmada Hayes ee galbeedka London.

Shirkan ayaa lagu soo dhaweeyey xildhibaano KULMIYE ka tirsan oo kala ah Siciid Cilmi Rooble iyo Dr. Axmed Maxamed Diiriye NacNac oo muddo labo toddobaad ah haatan ku sugnaa carriga Ingiriiska. Waxa iyaguna shirkaa goob joog ka ahaa madax sarsare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Cabdulqaadir, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE, Maxamed Cabdillaahi, xoghayaha arrimaha debedda ee KULMIYE, Dr. Cabdi Aw Daahir, xoghayaha caafimaadka ee xisbiga KULMIYE, guddoomiyihii hore ee komishanka qaranka, Axmed Xaaji Cadami, Axmed Cali Aadan (Goodir), Xildhibaan Ikraan X. Daa'uud oo iyagu dhammaan hore u sii joogay carriga Ingiriiska iyo Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo ka timi waddamada Scandanavian-ka oo ay booqasho ku maraysay.

Shirkan ayaa waxa lagaga hadlay isbeddelka loo baahan yahay ee uu KULMIYE samayn doono haddii uu ku guulaysto doorashada madaxtooyada waddanaka. Isbeddelada la samayn doono ayaa waxa lagu sheegay inuu noqon doono mid aad qoto dheer oo baahsan saamayn doonana dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin caddaaladda, maaliyadda, arrimaha debedda iyo bulshada, iyo dastuurka oo wax laga beddelo si siyaasadda waddanku aanay mugdi iyo mamadow dambe u galin mustaqbalka.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Dr. Axmed Maxamed Diiriye NacNac ayaa sheegay inay farriinta ay sidaan aanay ahayn inay dadweynaha u sheegaan waxa maamulka maanta jira ka qaldan iyagoo sheegay inaan taasi tahay mid aan la dhammeyn karin haddii maalmo dhan laga hadlo balse farriinta ay sidaan ay tahay in loo diyaar garoobo doorashada madaxtooyada oo taageerayaasha xisbigu taageero maaliyadeed iyo maskaxba ay isla daba taagaan xisbiga. Waxay aad ugu nuuxnuuxsadeen in dawladda ay wax kastaa gacanta ugu jiraan ayna u adeegsan doonto doorashada madaxtooyada hase ahaatee waxay sheegeen in KULMIYE uu iska halleynayo tabaruca taageerayaasha xisbigiisa ee qurba jooga gaar ahaan carriga Ingiriska






No comments:

Post a Comment