Monday 18 January 2010

shir kulmiye oo woolwich 20091102





























Xisbiga Kulmiye oo shir balaadhan ku qabtay xaafadda Woolwich ee magalada London

Shirkaasi waxa ka so qayb galay madax sare oo ka tirsan xisbiga kulmiye oo ay mid yihiin gudoomiye ku- xigeenka labaad cabdiraxmaan cabdulqaadir, xoghayaha cafimaad Dr cabdi aw daahir (Sawiro)

Shir balaadhan oo Somaliland oo ay ka so qayb galeen xubno badan oo kala gadisan oo ka socoda bulsha waynta reer Somaliland ee ku dhaqan xaafada Woolwich iyo London oo lagaga hadlaayey arimaha doorashada sosocota iyo wadciga siyaasadeed ee manta Somaliland maraysi kuna jirto.

Shirkaasi waxa ka so qayb galay madax sare oo ka tirsan xisbiga kulmiye oo ay mid yihiin gudoomiye ku- xigeenka labaad cabdiraxmaan cabdulqaadir, xoghayaha cafimaad Dr cabdi aw daahir ,golaha wakiilada xildhibaan cartan , gudida fulinta uk,
Iyo gudoomiyaasha laamaha magaalada London ,

Waxa kalo ka soqayb galay xubno ka tirsan xisbiga Ucid oo u ka mid yahay gudoomiyaha UK ibrahim rashiid iyo xubno kalo ka tirsan xisbiga udub iyo odayaal ka tirsan xafaada Woolwich, xaafadaha bariga iyo waqooyiga London

Waxa si balaadhan uga so qayb galay bulsho reer Somaliland ah oo ku dhaqan magaalada London oo iskugu jira aqoonyahano , waxa garad, dhalinyaro iyo haween.

Shirka waxa ka hadlay xoghayaha cafimaadka Dr cabdi aw daahir waxana hadalkiisa ka mid ahaa:

Dalka waxa hadheeyay musq maasuq baladhan oo ka socoda xaga xuguumada , cadaalad dare aan la goobi Karin, dareen la’aanta iyo wacyigalin la’aanta tahriibka dhalinyarada loona bahan yahay in dhalinyarada ay liqayso badu waxa laga qaybto. Arintaasi tahariibka waxay ku timid rajo la’aan , iyo waci la’aan aan losamayn dhalinyarada .Iska oo hadalkiisi si wata waxa u iswaydiyay su''''''''''''''''aalo ay ka mid yihiin.Maxa ku dhacay lacagtii ginbaarka ee gobalka burco dhawrka jeer ay xukumadu ku balan qaaday in ay badali doonto.Maxa ku dhacay degadii Barbara iyo xoolahii ka dhoofi jiray , Maxa ku dhacay briijika sanadah badan qabyada ahaa.Maxaa keenay biyo la’aanta ka tagaan Hargeysa iyo magaaloyinka kale.Arimahaasi oo dhami waxay ka tarjumayaan waxa qabad la’aanta iyo xil iska saaris la’aanta xukuumada riyaale madaxda u yahay


Dhibatooyinkaasi iyo qaar kale oo badan oo la xidhiidha arimaha dhan dhaqaale, dhaqaalaha iyo muceeshada cirk isku shareertay, cafimaadka , waxa barashada iyo cadaalad xumida dalka sibalaadhan u saameysay waxa masuul ka ah xukuumada riyaale

Waxa u hadalkisii ku so goobay in dalka Somaliland isbadal u bahan yahay cida isbadalkaasina keeni karta u yahay xisbiga kulmiye oo hogaanka dalka qaybta..

Walaalayaal kulmiye ha udoranina in silaanyo ku badashaan riyaale ee u doorta in maamul xumada jirta iminka aydin ku badashaan maamul wanaag.



Xildhibaan axmad yusuf cartan oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland aya isana halkaasi hadlay oo kuna booriyay in qurbajoogu kalintiisa ka sobaxo una hawlgalo raadinta isbadal ka dhaca dalka Somaliland .Waxa u sheegay in manta dalka Somaliland ay ka jirto nabad lakiin nabadaasi ay bahantahay in la xoojiyo, laguna xoojiyo isbadal iyo wax qabad dhinac walba samayn laxaadleh ku yeesha nolasha bulshada reer Somaliland





Waxa u sheegay in maamulka riyaale jecel yahay in aanay doorasho dhicin si ay xukumada riyaale xukunka dalka ku si hayso iska oo ka fa’idaysanayaa ducfiga , jaahilnimada iyo dhaqaala darada badanka dadka reer Somaliland ay ku noolyihiin



Ugu dambayntii waxa halkaasi ka hadlay gudoomiye ku –xigeenka xisbiga kulmiye Cabdiraxmaan cabdulqaadir sheegay in xukumada riyaale aanay ka warhayn dalka xaladiisa oo qudha ee aanay xata ka warhayn wasaaradaha iyo hay’ada ay maamusho . Waxa u yidhi maalin dhawayto ay madaxweyne ku-xigeenku kormeer ubaxay oo u ku tagay maxkamada dalka , waxa u madaxweyne ku-xigeenkii so noqday iska oo kacanta iyo dhabanka isa saaray oo yaaban,wuxu tagay maxkamadii oo aan haba yaarte cid naafaqa oo shaqaalihi joogin.oo albaabadii xidhan yihiin

Waxa kale oo u sheegay in ay jiraan hay’ado badan oo magac ahaan u jira oo hawlihii lo idmaday qaban. Waxa ka mid hantidhawrka guud dalka Somaliland oo haba yaarte aan hantidhawrin hay’adaha iyo wasaaradaha dalka dakhligooda iyo kharashgooda.Baniga dhexe Somaliland oo hawsha lo idmaday aan waxa ka fulin , bangigu waxa u xidhiidh lasameyay sarif layaash lacagah qalaad oo heshiisku yihiin marba sida ay ugu badinayso in ay doolarka u sarifaan taaso danyarta dalka dhibaato wayn ku haysa.Waxa kalo oo u sheegay in dagada Barbara aanay u shaqayn sidii larabay ,cashuurahana loqaadin sidii logu tala galay, lacagta ka so baxdana waxa la geeyaa madaxtooyada oo khasnada dowlada laguma shubo



Waxa u gudoomiye ku-xigeenku ku tilmaamayo nabada dalka ka jirta waqtigan xaadirka ah waxay la mid tahay aqal dhisme ku socodo oo qabyo ah oo marka roobku soda’o ku da’ayo oo aan ruuf iyo saqaf lahayn. Isbadalka iyo horemarka ka yimaada isbadalka hogaanka siyasadeed dalka ka dhacaa wuxu la midyahay dhamaystirka gurigaasi qabyada ah iyo qurxinta gurigaasi.



Waxa u hadalkisii kuso gabagabeeyay kuna buuruyey dadka reer Somaliland meelkasta oo ay jogaan qurbe iyo gudaba in aanay xisbina xoog u jecelaanina , midna xoog u necbaanina ee ay dhexdhaxaad noqdaan oo ay qimayn ku sameyaan oo midna qabiil ku raacin ee xisbigay rabaan waxqabadkiisa ku racaan .



Gaba gabadii shirka dadweynahii shirka ka so qeyb kalay ayaa su’aalo halkaasi madaxdii xisbiga kulmiye ku weydiiyey . Waxana ay kaga jawabeen in xisbiga kulmiye marka ay doorasha xor ah oo xalaal ahi dhacdo ee shacabka somaliland siyaan codkooda , una foteyaan kulmiye; xisbiga kulmiye wuxu si cadaalad iyo sinaansho leh ula dhaqmi doonaa mucaarid iyo muxaafid. umada reer somalilandna si cadaalad ah u kala xaqsoori doonaa midka xooga badan iyo midka daciifka kuna . Adeega guud iyo ka bulshaba iyo shaqada ka simi doona iyada oo lo eegayn xisbi, qabiil , mucaarid iyo muxaafid toonaa.

Gabileynews desk
London








No comments:

Post a Comment