Monday 18 January 2010

20091230 Waxgarad reer Awdal oo soo dhaweeyey wefdi kulmiye

Kulmiye in UK – Waxgaradka iyo haldoorka gobollada Awdal/Selel iyo Gabily ee UK oo xaflad soo dhaweyn ah u qabtay wafti heer sare oo ka socday xisbiga Kulmiye
December 30, 2009 By: adal Category: News



Waxgaradka iyo haldoorka gobollada Awdal/selel/Gabilay ee deggan carriga ingriiska siiba magaalo madaxda London ayaa 28kii Bishatan xaflad soo dhaweyn ah oo si habsami ah loo agaasimay ku soo dhaweeyey Guddomiye K/xigeenka xisbig kulmiye iyo wafti culus oo ka kooban madaaxda sare ee xisbigaas oo ka soo kicitimay dalkii hooyo.
Waftigan oo ay ka mid yihiin: 1. Mudane Cabdiraxmaan cabdulqaadir G. k/xigeenka xisbiga kulmiye oo isagu horey u sii joogay 2.xildhibaan Siciid Cilmi Rooble3. 4. xildhibaan Nacnac 5. iyo Maxamad Yoonis Cawaale Madaxa Radio Horyaal.

Waxa halkaa ka hadlay oo erayo soo dhaweyn ah ka jeediyey Suldaan Yusuf Suldaan Cali, waxa kaloo iyaduna ka daba qaadatay hadalka xildhibaan Ikraam Xaaji Daa’uud Warsame oo nuxur aftahamo ku dheehanatahay halkaa ka jeedisay oo soo jiitay dhgeystayaasha. sidoo kale, waxa isaguna hadalkii qaatay Dr. Abuljabaar Maxamad Rabiile.
Soo dhaweyntan oo ahayd mid an loo kala hadhin waxa kaloo ka soo qaybgalay xeeryaqaan Cabdisamad Nageeyey, Maxamad Xaaji Daahir (shiine) Kamaal suldaan Nuur, xeeryaqaanad safiya M., Cabdiraxmaan daahir Ojor, ilyaas miishaar iyo martisharaf kaloo aad u farabadan oon halkan lagu soo wada koobi karin.
Dhinac kale, isagoo ku hadlaya afka waftiga waxa mahadnaq balladhan u jeediyey jaalliyadda Awdal/selel/gabilay mudane Cabdiraxmaan cabdulqaadir Guddomiye K/xigeenka xisbiga iyo Dr. Cabdi Aw Daahir oo isaguna si gaara ugu mahadceliyey qabanqaabiyeyaasha xafladdan iyada ah, isla markaana ka xogwarramay oo kale xaaladda siyaasadeed dalkeenii hooyo maanta u ku sugan yahay.
Xafladdan oo innnogu dhammaatay si farxad leh iyo jawi wanaagsan waxa qaybteedii kale lagu soo gabagabeeyey guriga xildhibaan Ikraam Xaaji Dauud oo ku yaal galbeedka London.
Xidhiidhiyaha xisbiga Kulmiye UK.
Cali Xaamud Jibriil

No comments:

Post a Comment