Monday 18 January 2010

20091227 Shir balaadhan oo xisbiga kulmiye ku qabtay galbeedka magaalada Bristol

Shir balaadhan oo xisbiga kulmiye ku qabtay galbeedka magaalada Bristol maalintii axadii ay bisha disambar ahayid 27kii . 27/12/09 .Tageerayaal iyo dadweyne reer Somaliland oo aad iyo aad u tira badan ayaa ka so qayb kalay shirka. Shirkaasi oo xisbiga ugu so bandhigaayey tageerayaasha xisbiga iyo qurbajooga
reer Somaliland ee ku nool Cariga boqortooyad Ingriiska Isbadalka iyo waxa qabadka u xisbiga kulmiye rabo in uu ka qabto dalka Somaliland Isbadalkaasi oo dalka Somaliland ubahan yahay waqtigan xaadirka yahayna midka ugu haboon .
Madax balaadhan oo ka tirsan xisbiga kulmiye oo iskugu jirtaa heer qaran, golaha wakiilada qaranka ,heer UK iyo gudiyada laamaha UK .Odayaasha xisbiga iyo tageerayaal badan ayaa shirka kaso qaybkalay
Shirka waxa hadlo qiimo wayn leh oo xan baarsan isbadalka u rabo xisbiga kulmiye in dalka Somaliland kasameeyo uso bandhigay una so jeeday tageerayaashii iyo qurbajoogi halka isku yimid, halkasina ka hadlay gudoomiya ku –xigeenka labaad ee xisbiga qaranka kulmiye cabdiraxmaan cabdul qaadir i ,Xoghayaha Arimaha Bulshada Dr cabdi Aw Daahir,Gudoomiyaha Arimaha Gudaha Wakiilada Qaranka Xildhibaan Saciid Cilmi rooble,Xildhibaan Axmad Nacnac,,Gudida fulinta Ilhaan, . Gudida Uk —— Gudoomiyaha Gudida Fulinta Ibrahim Hussein,Gudoomiye –ku-xigeen cabdi bacaw , Khasnajiga gudida fulinta yurub qaalib ,Afhayeenka Gudida Fulinta jibril Cali Muse .cali xaamud gudida fulinta,cadare gudida fulinta , maxamad yoonis gudoomiyaha idaacada horyaal iyo Maxamuud xaashi odayaasha xisbiga iyo farax xasaan jagac gudoomiyaha Manchester iyo gudoomiyaha Bristol xusseenn caydiid..Shirka waxa dadihinaayey Gudoomiye –ku-Xigeenka Gudida Fulinta Suldaan Gabedhe iyo Xoghayaha Gudida Fulinta Cabdiraxmaan Maxamad Adan.
Shirkaasi balaadhan waxa xisbigu ka soo saaray baaq ku wajahan qaybo ka mid ah waxa qabadka iyo isbadalka kulmiye u rabo doorashada dabadeed

Dabargooyinta musuqmaasaqa


Xisbiga kulmiye wuxu diyaar u yahay in u dalka cidhib tiro musuqmaasaq dalka bahasan ee ka jira isaga oo xisbigu ka bilabayo madaxwaynaha qaata lacagta inta u doono kuna badali doono madaxwayne qaadan doona mushahar cayiman oo la wada og yahay.

Madaxweynaha dalka

Waxaanu diyaar u nahay in aanu Madaxtooyada fahdhiidka ah ku badalno Madaxtooyo fir fircoon oo had iyo jeer ka war haysa xaalada dalka oo dhami ku sugan yahay . kormeer joogtaha ku kala bixisa gobalada dalka oo dhan Umadana si joogtaha ula hadasha.Sido kalena madaxatooyo aan had jeer la murmin isna qabsan golaha wakiilada oo ay had jeer wada shaqayn iyo xil wada gudash ka dhaxayso si danta umada lo fuliyo lona hagar baxo

Caafimaadka


Waxaanu diyaar u nahay in aanu caafimaadka Somaliland oo dheeli tiran ka hawlkalo sidii Hooyo yinka iyo Caruurta daycan iyo bukaan daryeel la’aanta cafimaad qaba ayaanu diyaar u nahay dhamaan u samayno adeegi, qalabkii, xoogii, aqoontii iyo dawadii tayada lahayd iyo dhakhtaradii iyo xirfadlayaashii kale ee caafimaadkooda daryeeli lahaa.

Waxabarashada


Waxabarashadu waa lafdhabarka dhimaha dalka Somaliland . oo Somaliland horemar iyo dhisme ummadnimo ma gaadhi karto hadii aanay waxabarasho tayo leh ka haqabtirin kana simaan dhalinyarada iyo ubadka so koraayaa.xisbiga kulmiye isaga oo ka dulayaa ahmiyada iyo qiimaha ay waxabarashadu u leedahay qaranka iyo qaranimada, jiritaanka iyo horemarka Somaliland hiigsanayso ayuu xisbiga kulmiye waxabarasho bilaashah oo tayo leh oo maskaxdooda kobcisaa, diintooda iyo dhaqankooda ilaalisa igana si wanaagsan u anfacda.
Maceeshada iyo shaqo la’aanta


Maceeshada qaali karowda iyo sicibararku waxay keenta caafimaad daro taso ku timaada in dadku awoodi wayaan waxyaaabihi nolasha asaaska u aha iyo waxbarasho la’aan oo ardaydii nafaqo daro awkeedi hoos udhac ku yimaado waxabarashadii iyo fahamkii.Shaqo la’aanta balaadhatay ku dhacday barbaarti waxabaratay iyo barbaarta suuq wareegaysa taaso u horseeday in tahriban kuna madhaan badaha amba isku dadiyaan. Xisbiga kulmiye wuxuu diyaar u yahay in xil xilkasnimo iska saaro arimaahsi oo dhan sidii maceeshada dalka wax loga qaban laha oo maceeshad jaban oo dhamaan dadka oo dhami awoodo caashuurtana laga daayo iyo in

barbaartaasi xil dheeraad ah iska saari doono sidii shaqo logu abuuri lahaa iyo nolol

.
Ciidmada qalabka sida


Ciidamada Somaliland waa cidmo daacad iyo heegan u ah difaac dalkooda Cidmada Somaliland waa ciidamo xukumaddu dayacday oo aan daryeel iyo darjo lahayn. Xisbiga kulmiye wuxuu mudnaata kowbaad siin doonaa daryeelka iyo darjada ciidamada waxaanu ku badali doonaa ciidamo daryeell qaba iyo darjo leh, mushar ficana lo qoro

Mucaaridka iyo xuguumada


Waxa u maamulka riyaale u arga mucaaridka cadawgiisa kowaad, hase yeeshe hadii u qabto kulmiye hogaanka dalka waxaanu ku bedali doona wada shaqayn iyo maamul wada toosan ummada u jeexa, leh siyaasad jihaysan oo firfircoon oo midaysa ummada , cadawgoodana u arg mucaaridka, balse u arga dhibta kowaad aqoonsi la’aanta,jahliga, cafimaad darrida, musuqmaasaqa, shaqo la’aanta,sicir bararka maceeshada, tahriibta iyo cadaalad darrida dalka hadheysay

Siyaasada dibada iyo Qurbajooga


Qurbajooga reer Somaliland dhaqaale aad iyo aad u farabadan ayey u so diran Somaliland , waxa la oran kara boqoley aad u badan oo aan ka yaren boqolkiiba 60% ayaa dadka reer Somaliland ku tiirsan yihiin qurbajooga
Istirtyjiyada kulmiye waxa ka mid in ummada reer Somaliland ee qurbaha ku nool laga mideeyo in caqligooda iyo cududooda isla ka shadaan si ay dalkooda wax uga qabtaan dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba Loona sahli laha gacanna loga siin laha sidii ay dalka u maal kashan lahayeen.Dadka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan lo mideyn lahaa si qofkasta oo reer Somaliland u noqon lahaa safiir dalkiisa ku metela raadista
Taas waxa dheer in Kulmiye siyaasadda arrimaha debedda ee fahiidka ah ee maanta jirta ku beddeli doono mid istraatiijiyad toosan leh, mudnaan kala siinaysa meesha aqoonsigeenu ku xidhanyahy , hadday yihiin wadamada aynu jaarka nahay, Afrika , ama caalamka kaleba.


Gaba gabadi baaqa way in ay hawl yartahay haddi ilaahay nala qabto sidii waxaasoo dhan loo qaban lahaa. Waxay u baahantahayna ay tahay oo keliya , go,aan adag, daacadnimo, isxilqaan, isku duubnaan, ilaahay oo aad la kaashatid iyo hogaamin toosan.Caalamka laftiisu wixii wax qabsada ee wax hagaajiya waxbay la qabanayaan. Wax deeq laynoo siiyo. Wax maalgashi lagu sameeyo, wax layna amaahiyo iyo wax inaga caawiya mashaariicda horumarineedba. Marka ay u arkaan in aynu nahay ummad jirta oo wax qabsan karta xataa waa layna aqoonsanayaa .Dalkeenu waa hodan wuxuu u bahan yahay oo kilya isbadal , isbadalkana waxaa keeni karaa kulmiye oo ilaahay la gaashada.





Submit by:-Abdirahman

Copyright © KULMIYE

No comments:

Post a Comment