Sunday 17 January 2010

20040131TALO SOO JEEDIN KU SOCOTA GOLAHA WAKIILADA OO KU SAABSAN MIISAANIYADDA SANNADKA 2004 EE LA HORKEENAAYO GOLAHA.

TALO SOO JEEDIN KU SOCOTA GOLAHA WAKIILADA OO KU SAABSAN MIISAANIYADDA SANNADKA 2004 EE LA HORKEENAAYO GOLAHA.






WASAARADAHA IYO WASIIRADA oo LA DHIMO AYAA KEENI KARA MIISAANIYAD DHEELITIRAN OO HORUMAR KEENTA

Qaabkan cusub ee dimoqraadiyaddu waxay Ina faraysaa in ay jiraan axsaab kala afkaar duwan oo ummaddu ay ku kala doorato afkaarahooda kala duwan. Hore waxaan u sheegay afkaartayda siyaasadeed ee aan kaga duwanahay maamulka talada haya iyo talooyinkaygiiba dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, nabadgalyada iyo arrimaha Bulshada. Maanta Waxaan halkan ku soo bandhigayaa fikirkayga ku wajahan miisaaniyadda cusub ee sannadkan oo aad uga duwan ta ay xukuumaddu soo bandhigtay kana dheelitiran, uga waxtar badan qaranka, ahna miisaaniyad horumarineed. Waxaan u soo jeedinayaa Golaha Wakiilada in ay taladan aan soo jeediyay ay aad u dhuuxaan iyo talooyinkii kale ee wax ku ool ah ee loo keeno wixii waxtaraaya ka qaataan. Kolay waxaan u arkaa in ay qaabka ay xukuumaddu u soo qorshaysay miisaaniyadda aanay ahayn mid dalka iyo daka midna anfacaysa.

Miisaaniyaddu sida dastuurku dhigaayo waxaa soo dhiga xukuumadda, waxaana ansixinteeda leh golaha Barlamaanka oo ah kuwa dadka ka wakiila oo ka kooban dhammaan axsaabta qaranka. Inkastoo aanay weli jirin Baarlamaan dadku soo doortay, haddana dadweynaha iyo axsaabta waxaa ka wakiil ah baarlamaanka maanta jooga ee lagu soo doortay qaab beeleedka inta la soo dooranaayo baarlamaan ka kooban axsaabta oo aan filaayo haddii ilaahay ka dhigo inay ansixin doonaan miisaaniyadda tan ku xigta. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in axsaabta iyo aqoonyahanka kale ee wax ku biirin karaa ay fikraddooda u soo bandhigaan golaha wakiilada: golahuna ay soo dhaweeyaan fikradii waxtaraysa si aad u ansixisaan miisaaniyad dhab ah, oo dheelitiran.

Miisaaniyaddu waxay si dhab ah uga turjuntaa siyaasadda ay xukuumaddu ay dalka ku hagayso. Hadday noqon lahayd soo Gelinta (income), iyo hadday noqon lahayd kharajka (expenditure). Miisaaniyadda ay xukuumaddu soo dhigtay oo ay ka maqanyihiin meelihii ugu muhiimsana oo aan si dhab ah loogu soo darin sida dekkedda; haddana haddaynu miisaaniyaddan ay xukuumaddu soo dhigtay ee ah 22 Malyan ee doolar oo keliya lafteeda sida ugu habboon loo isticmaalo, loona qorheeyo waxaa lagu gaadhi karaa horumar wenyn.

Marka laga tago arrimo badan oo daldaloolo ka muuqdaan, waxaa jira 5(Shan) meelood oo asaasi ah oo wax ka beddelkeedu iyo go’aan ka qaadashadeedu ay miisaaniyaddu ku noqonayso mid waxtaraysa oo horumar dalka iyo dadkaba u keenta, oo kala ah:

1) Wasaaradaha iyo xafiisyada la-taliyayaasha oo ka badan soddon (30) waa in lagu soo koobo oo laga dhigo ugu badnaan 13 wasaaradood.

2) Golaha wasiirada iyo la taliyayaasha ka batay 60(lixdanka) oo laga dhigo ugu badnaan 20 xubnood

3) Dhaqaalaha dekkedda ka soo baxa oo hoos taga wasaaradda maaliyaadda.

4) Lacagta adag ee laga qaado dhoofinta xoolaha iyo dayuuradaha oo sarrifka suuqa lagu iibiyo iyo sarrifka wasaaradda maaliyadda lagu siiyaa ay isku mid noqdaan, halkay imminka laban-laab u kala badan yihiin.

5) Hantida badan ee qaabab kala duwan loogu daro miisaaniyadda madaxtooyada oo loo beddelo inteeda badan maalgelin.



Mudanayaal, sidaa ogtihiin shaqaalaha dawladda iyo ciidamada ka diiwaan gashan mushaharka ee miisaaniyaddan lagu soo saaray way ka badan yihiin 30.000(soddon kun) oo inta badan aanay shaqo toos ah hayn ama aanay jirin. Mushaharku waa qiyaas ahaan 60% miisaaniyadda dalka, hadddana askarigu wuxuu bishii mushahar ugu jira wax aan waxba ka badnayn 20(labaatan) Doolar. Halka Mushaharka shaqaalaha intiisa badan ay qaataan 30(soddon) Doolar bishii. Haddaba haddii aynu intan imminka xukuumaddu soo dhigtay ee ah 22ka malyan ee Doolar si haboon oo aad uga duwan siday imminka u jaangooyeen loo qorsheeyo loona shaxeeyo, waxaa la hubaa in ay daboolayso meelaha ugu muhiimsan ee aynu u baahanahay Haddii tirada ciidamada iyo shaqaalaha lagu soo koobo inta dhabta ah iyo inta ay shaqadu u baahantahay oo ah ilaa qiyaas ahaan 13.000 oo qof, waxay suuragalinaysaa in ay shaqaaluhu helaan mushahar u dhaxeeya 70 Doolar ka ugu hooseeya ila 2000 Doolar ka ugu sarreeya oo noqonaaya Madaxweynaha. Qaabkanu wuxu siinayaa golayaasha qaranka Mushahar ku filan oo ay hantida qaranka ku ilaaliyaan, iskana ilaaliyaan, ummadana ugu shaqeeyaan oo aanay cidna u daba fadhiisan hawlahooda. Soo jeentaasu waxay u cayimaysaa xubnaha golayaasha qaranka lacag dhan 300 oo Doolar bishiiba ; wasiirada 500 oo Doolar bishiiba, Shirguddoonka iyo ku-xigeenadiisa (750-1000) Doolar Bishiiba. Soo jeedintaasu waxay u xalaalaynaysaa sida dastuurku dhigaayo Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa mushahar cayiman oo ka duwan ta hawl-maalmeedka kharajka madatooyada oo ah (2000) oo Doolar oo madaxweynaha ah iyo 1000 Doolar oo ku-xigeenka ah bishiiba, halkay miisaaniyadda ay mushaharku u qoranyahay soo bandhigeen ay awoodoodu tahay madaxaa bannaan.

Talo soo jeedintan miisaaniyaddanu waxay qeexaysaa qorshe miisaaniyadeed oo sanndaka lagu samayn karo mashaariic tiradoodu dhantahay 38 mashruuc oo ka ugu yar yahay 50.000 oo Doolar, ka ugu badanina yahay 500. 000 oo Doolar .Waxaa ku baxaaya lacag dhan qiyaas ahaan 4.000.000 oo Doolar. Haddii lacagta Dekadda, iyo lacagta adag ee faraha badan ee ka soo gala xoolaha nool ee sarrifkoodu aanu isdaboolin lagu darana waxaa laga samayn karaa in ka badan (100) mashruuc oo muhiim ah sannadkii.

Halkan waxaa ku lifaaqan shaxo is-sharaxaaya oo ay si fiican ugu muuqdaan soo jeedinta aan u soo gudbinaayo Golaha Wakiilada. Markaa Mudanayaasha sharafta leh waxan ka codsanyaa in ay qaataan go’aan wadaninimo oo ay ugu caqli celin doonaan xukuumaddan oo ay miisaaniyaddan QARQOORTA ka diidaan .Golahuna soo saaro miisaaniyad dheelitiran iyagoo ku darsanaaya taladooda afkaaraha loo soo jeediyo. Mudanayaal, waxaa mudan in ay miisaaniyadda soo saartaan ugu yaraan afar shay oo muhiim ay xambaarsanaata, dabooshaana:

1) Waa in dakhliga ummadda laga ururiyo ee aan miisaaniyadda si toos loogu qeexin lagu soo daro, Lana soo xareeyo: sida Dekedda iyo Lacagta adag ee Xoolaha la dhoofiyo

2) Waa in mushahar ugu yaraan wax tari Kara shaqaalaha iyo ciidamada loo qorsheeya; sida soo jeedintan ku xusan.

3) Waa in ay miisaaniyaddu xambaarsanaataa mashaariic maalgelineed iyadoo la siinaayo mudnaanta arrimaha daryeelka bulshada (caafimaadka, waxbarashada, biyaha iwm), iyo nabadgelyada,

4) Waa in ay Xisaabiyaha Guud iyo Hantidhawrka Guud soo bandhigaan xisaab- xidhkii sannadkii hore ee 20003, isla markaana ay hayadaha dawladdu ay mid waliba keento xisaab-xidhkeeda. Miisaaniyaddu waa mala-awaal waxaa keliya ee muujin kara in sideedii loo isticmaalay waa xisaab-xidhka. Waxaan soo jeedinayaa intaan miisaaniyadda cusb la ansixin, in miisaaniyaddii 2003 la xisaab-xidho. Waxaana weeye wax umadduna xaq u leedahay idinkana uu dastuurku idiin baneeyay.

Mudanayaal, sida caalamka oo dhan ka jirta , awoodda ugu wayn ee miisaaniyadda waxaa iska leh Golaha wakiilada oo ah meesha kowaad ee astaanta u ah wada shaqaynta iyo isudheelitirnaanta labada gole ee fulinta iyo sharci dejinta. Miisaaniyad fiican oo aad dejisaan sannadka 2004, iyo xisaab –xidh quman oo miisaaniyaddii 2003, oo aydaan cidna ku tacadiyayn waxaan hubaa in ay dadka iyo dalka wax tarayso; xukuumadda lafteeda waxtarayso; Idinkana wax idin tarayso oo aad baal dahab ah taariikhda ka gelidoontaan. Ilaahay waxaan idiinka baryayaa in uu hawsha culus ee ummaddu idiin igmatay idiin fudydeeyo; wixii hore aad ugu qabateenna ilaahay idinka abaal mariyo.

WAXAA HALKAN KU LIFAAQ JAANTUUSYO QEEXAAYA TALO SOO JEEDINTAYDA KU SAABSANMIISAANIYADDA 2004.



WA BILLAAHI TAWFIIQ.

Dr.Abdi Aw Dahir Ali. (London UK)

E-mail, dr_gaax @hotmail .com

MADAXMadax
TIRO
MUSHAHAR
BISHII
SANNADKII
%

MUSHAMUSHAHAR
12.688
86.68
1.099.500
13.200.000
60.00%

1.1.CIIDA1.1.CIIDAMADA GUUD
9050
75.70
685.000
8.226.000
37.36%

1.1.1. Ciidank1.1.1. Ciidanka(A)
100
200 Doolar
20000
240.000
1.09%

1.1.2. Ciidanka(b1.1.2. Ciidanka(b)
300
150 “
45000
540.000
2.45%

1.1.3. Ciidanka(C1.1.3. Ciidanka(C)
500
100 “
50000
600.000
2.73%

1.1.4. Ciidanka( 1.1.4. Ciidanka(d)


8150
70 “
570000
6.846.000
31.12%

1.2.SHAQ1.2.SHAQAALAHA
3611
114.88


414.500
4.974.000
22.61%

1.2.1. Shaqaalah1.2.1. Shaqaalaha
3350
100 Doolar
335.000
4.020.000
18.27%

1.2.2 AG/ MAA1.2.2 AG/ MAAR
35
200 “
7.000
84.000
0.38%

1.2.3 Garsooren1.2.3 Garsoore
40
200 “
8.000
96.000
0.44%

1.2.4 Wasiiradav1.2.4 Wasiirada
20
500 “
10.000
120.000
0.55%

1.2.5 Golayaasha1.2.5 Golayaasha
160
300 “
48.000
576.000
2.62%

1.2.6 Shirguddoo1.2.6 Shirguddoon
2
1000 “
2.000
24.000
0.11%

1.2.7 K/shirgudd1.2.7 K/shirguddon
2
750 “
1.500
18.000
0.08%

1.2.8 Madaxwey1.2.8 Madaxweyne
1
2000 “
2.000
24.000
0.11%

1.2.9 K/madaxwe1.2.9 K/madaxweyne
1
1000 “
1.000
12.000
0.05%

GUUD 2. KHARAJKA GUUD GUUD





8.800.000
40%

2.1 K2.eee2.1 Kh.MAAL Kh.MAALGELINTA

GELINTA





3.960.000
18%

2.1.1 KH.MAAL G CIIDAMADA



1.188.000
5.4%

2.1.2 KH.MAAL G. HAYADA KALE



2.772.000
12.6

2.2. Kh 2.2. Kh.HAWLHA

-H





3.300.000
15%

2.2.1. KH. 2.1.1 KH.MAALG CIIDADAMADA CIIDAMADA



990.000
4.5%

2.2.2. KH. HAWL2.1.2 KH.MAALG. HAYADAHA KALE



2.310.000
10.5%

2.3. K 2.2. Kh.HAWLAHA





660.000
3%

2.4 KH. M2 2.21. KH.HAWL.CIIDAMADA

2.2.2. KH. H 2.2.2 KH. HAWL. HAY’ KALE

2.3. Kh. 22.3 Axsaabta

2.4 KH. 2.4 KH MADAXTOYADA

2.5.KH.G 2.5.KH.GOBOLADA






33



#3




220.000



660.000

220.000


1%



3%

1%











2.5.KH.G 2.5.KH GOBOLADA
6


660.000
3%

ISUGAYNISUGAYN



22.000.000
100%




HAYADAHA DALKA
HAWLAHA SOCDA
MAALGELINTA
ISUGAYN

GOLAHA GUURTIDA
66.000
132.000
198.000

GOLAHA WAKIILADA
66.000
132.000
198.00

WASAARADA DAWLADAHA
3.102.000
3.564.000
6.666.000

HAYADAHA KALE
66,000
132,000
198.000

ISUGAYNTA GUUD
3.300.000
3.960.000
7.260.000




SHAQAALAHA
AQOON IYO HAWL




TIRO


MUSHAHAR
BISHII
SANNADKII

A1
AG.GUUD AMA LA MID AH


30
200
6000
72.000

A2
JAMICI, HAYA MAAMUL


100
180
18.000
216.000

A3
JAAMICI AMA U DHIGMA


300
150
45.000
540.000

B
DUGSI SARE


1100
120
132.000
1.584.000

C
DUGSI DHEXE


1050
80
84.000
1.008.000

D
XIRFADLE


800
70
56.000
672.000

ISUGAYN



3.380
100( CELCELIS)
341.000
4.092.000


Tiro
TIRO
WASAARAHA DALKA TIRADOODA
A1
A2
A3
B
C
D
ISUGAYN


1.
CAAFIMAADKA
2
18
71
261
260
188
800


2
WAXBARASHADA Iyo BARBAARINTA
2
30
105
395
370
278
1180


3.
MAALIYADDA
4
12
35
130
124
95
400


4.
GAASHAANDHIGA
1
2
4
16
15
12
50


.5.
ARR.GUDAHA
7
7
27
100
93
71
305


6.
HAWLAHA GUUD IYO GAADIIDKA
3
4
13
47
47
36
150


7.
BEEERAHA,XOOLAHA iyo KALLUUNKA
1
3
9
33
30
24
100


8.
GANACSIGA,MACDANTA iyo WERSHADAHAHA
3
4
5
16
10
12
50


9
QORSHAHA,DHAQAALAHA iyo SHAQAALAHA
1
6
4
13
14
12
50


10
CADDAALADDA iyo DIINTA
1
3
9
33
30
24
100


11.
WARFAAFINTA,DALXIISKA iyo ISGAADHSIINTA
2
3
9
31
31
24
100


12.
ARR. DEBEDDA iyo AQOONSIGA
6
7
5
10
10
12
50

DIBUDEJINTA
2
2
4
14
16
12
50



ISUGAYNTA GUUD EE SHAQAALAHA WASAARADAHA
35
100
300
1100
1050
800
3415






Webmaster@SomaliLandFuture.com








Powered by WayrahNET
Copyright ©SomaliLand Future

1 comment:

  1. Magacaygu waa Lilian N. Tani waa maalin farxad leh oo noloshayda ah sababtoo ah taakulaynta Dr. Dragoja ayaa ii soo bandhigay aniga oo iga caawinaya inaan ninkayga horey u soo celiyo jacaylkiisa iyo jacaylkiisa. Waxaan isguursaday muddo 6 sanno ah waana arrin aad u xun, sababtoo ah ninkeygu runtii khiyaanay aniga oo raadsaday furiin laakiin markii aan soo gaadhay e-mail Drsaguru oo internetka ku saabsan sida uu uga caawiyay dad badan si ay dib ugu soo noqdaan Iyo gacan ka gaysashada xariirka xidhiidhka iyo ka dhigo dadka in ay ku faraxsan yihiin xiriirkooda. Waxaan sharaxay xaaladdiisa isaga oo dabadeedna raadinayay gargaarkiisa, laakiin waxaan filayaa naxdin weyn oo uu ii sheegay in uu iga caawin doono kiiskeyga iyo halkaan iminka waxaan u dabbaaldegayaa sababtoo ah ninkeygu si buuxda ayuu u baddalay. Wuxuu had iyo jeer doonayaa in uu ilaasho oo aanan waxba ka qaban karin aniga oo aan joogo. Waxaan runtii ku raaxeeyaa guurka, waa dabaal weyn. Waxaan sii wadi doonaa markhaati on internetka sababta oo ah Drsaguru dhab ahaantii waa rasmi dhab ah. MA U BAAHAN TAHAY KA HELI KARTA DUKTORKA SAGURU HADDII HORE VIA EMAIL: drsagurusolutions@gmail.com ama whatsapp +2349037545183 Waa jawaabta kaliya ee dhibaatadaada oo aad ku dareento farxad xiriirkaada.
    1 JAWAABSAN
    2 WIN EX BACK
    3 MADAXA WUXUU
    4 HORUMARKA SPELL
    5 ILAALINTA SPELL
    6 TUSAALE BULSHADA
    7 GANACA SHARCI AH
    8 LIISKA SPELL iyo MAXKAMADDA XAAFADDA.

    ReplyDelete