Sunday 17 January 2010

20030507 xuskii marxuum cigaal

skii Marxuum Cigaal Oo Lagu Soo Khatimay Gabiley: “Ninkii Dhaxalka qaatee aayar uun la dhuuntow Ma dhulkaad..” Axmed Yuusuf Ducaale.
Gabiley (Haatuf): Kulan ballaadhan oo lagu soo gunaanadayay xuska geeridii Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, ayaa shalay lagu qabtay magaalada Gabiley.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf Maxamed Xasan, waxay ahayd munaasibadaasi ahayd mid isugu jirta duco iyo quraan lagu soo khatimayay xuska geeridii Marxuum Cigaal.

Geba-gebadii munaasibadaa waxa uu gudoomiyaha ururka SIRAG, C/fataax Siciid gudoonsiiyay Marwada Marxuumka Kaltuun X. Daahir koob loogu magac daray koobka nabadda oo lagu xusayay Madaxweynihii geeriyooday.

Axmed Yuusuf Ducaale oo ereyo kooban Munaasibaddaa ka jeediyay ayaa sheegay inuu ka wakiil yahay Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, isla markaana uu ku hadlayo afka dadweynaha reer Gabiley, wuxuu sheegay in ay jeclaayeen in axsaabta oo dhammi kala soo qayb-galaan xuska, laakiin aanay qaarkood kala soo qayb-gelin, wuxuuna yidhi, “Ninkii dhaxalka qaatee aayar uun la dhuuntow, ma dhulkaad la hoos mari, beritaa lagaa dhigi.”

Marwo Kaltuun X. Daahir, ayaa iyaduna dadka reer Gabiley uga mahadcelisay sidii ay u soo dhoweeyeen, waxayna intaa ku dartay in xuska Marxuumka sannadwalba lagu khatimi doono Gabiley.

Marwo Kaltuun, waxay intaa raacisay in ay maanta Somaliland meel xun marayso dhaqaale ahaan iyo siyaasiyanba, isla markaana waxay sheegtay in ay wakhtigii Marxuum Cigaal jirtay xukuumad tayo leh, laakiin waxay tidhi, “Xukuumaddu waa la kala tuuray, xisbiga UDUB-na waa lagu gelgelimaystay.”

Marwo Kaltuun, waxay sheegtay in ay Maamulka xukuumadda kala kulantay dhibaatooyin badan, waxayna iyadoo arrimahaa iftiiminaysa tidhi, “Waxaan aad ula yaabay beenta naloo sheegayo ee la leeyahay xukuumaddu waxay bixinaysaa kharashka ku baxaya xuska Marxuumka, laakiin ciida iyo calankaa xusay oo cidna uma baahna oo waxa ku filan Quraanka oo loo akhriyo.”

Marwo Kaltuun waxay tidhi, “Maamulka Qabriga beenta ka sheegay, Qaranka run ma ka sheegayaa.”

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Dr. Cabdi Aw Daahir iyo xubno kale, munaasibaddan waxay ahayd mid ay soo qaban qaabiyeen dadka reer Hargeysa iyo Gabiley, waxaan halkaa lagu qalay xoolo isugu jira Geel iyo Adhi farabadan.

No comments:

Post a Comment