Sunday 17 January 2010

20030711 Saddexda Xisbi ee Somaliland oo ka wadahadlay danaha qaranka

Saddexda Xisbi ee Somaliland oo ka wadahadlay danaha qaranka
Posted to the web 04:14 Jul 11 2003


Jul 11 2003 Hargeysa (Jam)- Saddexda xisbi siyaasadeed ee Somaliland oo kala ah xisbiga muxaafidka ee dawladda UDUB iyo labada xisbi ee mucaaradka ah ee KULMIYE iyo UCID, ayaa shir socday muddo shan saacadood ah oo ay shalay ku kulmeen waxa kaga wada hadleen sidii ay axsaabta siyaasaddu iskaashi iyo aragti midaysan uga yeelan lahaayeen danaha Qaranka ee marxaladdan, gaar ahaan arrimaha siyaasadeed ee ku wajahan qaddiyadda Somaliland iyo saamaynta shirka kooxaha Soomaaliya ee Kenya


Kulankaas oo shalay gelinkii dambe ku qabsoomay gurigii uu hore u degganaa Madaxweyne Rayaale, ee magaalada Hargeysa, waxa isku soo horfadhiistay 18 xubnood oo ah masuuliyiin iyo siyaasiyiin ka socday saddexda xisbi, iyada oo qolo walba ay lix xubnood uga qaybgaleen kulankaas.

Xisbiga UDUB ee dawladda xubnaha uga qaybgalay waxa ka mid ahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, iyo shan xubnood oo ay ka mid yihiin; Maxamed Ismaaciil Bullaale, oo ah Xoghayaha Guud ee xisbiga, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal), Ismaaciil Mire Maxamed, iyo Axmed Xaashi oo ah Afhayeenka UDUB. Sidoo kale, xubnaha xisbiga KULMIYE uga qaybgalay kulankaas waxa ka mid ahaa: Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Marwo Siraad Cali Yuusuf, oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Daa'uud Maxamed Geelle, oo ah Xoghayaha Guud ee xisbiga, Dr. Cabdi Aw Daahir iyo Cali Maxamed Aadan (Cali Barre). Xisbiga UCID-na waxa uga qaybgalay xubno ay ka mid yihiin; Faysal Cali-Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Cali Xaaji iyo Cabdiraxmaan Xasan Guuleed.

Inkasta oo aan war rasmi ah laga soo saarin nuxurka arrimaha lagu qaadaa-dhigay kulankaas, haddana, sida ay tibaaxeen ilo xogogaal ah oo u dhuun dalloola fadhigaas, qodobada ugu muhiimsan ee lagaga wadahadlay waxa ka mid ahaa:

-Shirka dib-u-heshiisiinta kooxaha Soomaaliya ee ka socda Impaghati, Kenya, waxa ka soo socda sidii looga gaashaaman lahaa;

-Sidii axsaabta Qaranka ee Somaliland loo kobcin lahaa, si ay u noqdaan xisbiyo jira;

-Sidii looga hawlgeli lahaa xal u helidda dhibaatada siyaasadeed ee gobolka Sool iyo Sanaag Bari;

-Sidii loo hirgelin lahaa doorasho Baarlamaan ay dadweynuhu soo doortaan, iyo xallinta caqabadaha hortaagan qabashada doorashada aqalka Baarlamaanka, in weliba in laga wada munaaqishoodo samaynta xeerka saxaafadda oo hadda horyaalla Golaha Wakiillada.

Kulankani waxa uu ahaa kii labaad ee ay ku kulmaan saddexda xisbi intii ka dambaysay doorashadii Madaxtooyada Somaliland, iyada oo kulankii ka horreeyey uu qabsoomay 8dii bishan July, waxa lagaga wada hadlay arrimo saldhig u ah sidii ay isula jaanqaadi lahaayeen axsaabta mucaaradka ee KULMIYE iyo UCID iyo xisbiga Xukuumiga ah ee UDUB, iyo sidii xisbiyadu door muuqda uga qaadan lahaayeen hawlaha Qaranka, isla markaana meel looga soo wada jeedi lahaa hawlaha Qaranka ee waajibka ay tahay in laga yeesho mowqif midaysan.

Kulamadan oo sii socon doona waxa loo ballamay in ay kulan saddexaad isugu yimaaddaan axsaabta Qaranku maalinta Isniinta ee foodda innagu soo haysa.



Posted by Abdirisak.uk.
Email: News@Somalilandnet
source:jamhuuriya

No comments:

Post a Comment