Sunday 17 January 2010

20040120Xaflad Soo Dhoweyn Ah Oo Bristol Loogu Qabtay Siyaasiyiin Ka Timi Somaliland Oo Xisbiga KULMIYE Ah

Xaflad Soo Dhoweyn Ah Oo Bristol Loogu Qabtay Siyaasiyiin Ka Timi Somaliland Oo Xisbiga KULMIYE Ah
Somaliland.Org — Bristol, UK — 20 January, 2004
--------------------------------------------------------------------------------

Bristol, UK. Taageerayaasha iyo masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE ee magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska ayaa soo xaflad soo dhoweyn ah u qabtay Siyaasiyiin ka tirsan hoggaanka xisbiga KULMIYE oo socdaal ku maraya dalka dibaddiisa.
Xafladdaas waxaa hadallo xogwarran ah ka jeediyeen siyaasiyiintaas oo kala ah; Muj. Muuse Biixi Cabdi, Dr. Cabdi Aw Daahir iyo Maxamed Cabdi Iskeerse oo isagu ka yimi dhinaca Maraykanka, iyaga oo ka warramay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo socdaalkoodaba.
Ugu horraynse, Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Bristol Injineer Hussein Ahmed Idiid ayaa ereyo mahad-naqa iyo soo dhaween ka jeediyay waxaanu yidhi isaga oo hadalkiisa ku bilaabay “ Waad ku mahadsantihiin dhamaantiin dadwaeynaha sharafta leh ee reer Somaliland munaasabadan aynu ku soo dhaweynayno weftiga KULMIYE ee ka yimid dalkii oo ay ka mid yihiin Muj Muuse Biixi Abdi, Dr Abdi aw-Dahir, Maxamed Abdi Iskeerse iyaga oo inooga warami doona xaalada dalka ee guud”.
Iintaa kadib waxa makarafoonka lagu soo dhaweeyey Muj Nuuse Bixi hadalkiisana waxa uu ku bilaabay sidatan “ Aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqaynaa dhamaan dadka reer England oo dhan ilaa airportkii aanu ka soo degnay ilaa manta halkan aanu joogno reer Bristolna aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqaynaa sidoo kale Cardiff oo iyana shalay aanu tagnay oo aad la noogu soo dhaweeyay mahadnaqaa ka bacdi mar haddii la soo goleeyay ammase al soo shiray waxa la yidhaahdaa bal warama ayaa layidhaahdaa kolayna waxaa qabna in aad nooga war badantihiin iyada oo aa adeegsataan qalabka casriga ah ee Internetka markaa waxaynu odhan karnaa la’isma waraysanyo ee waxaa la doonayaa aragtida iyo side dalkeenii wax logu qabtaa anagana wax-garad iyo xog-ogaal waxa la inaga doonayaa wixii lana bido. Hadaad leedihiin waxaanu nahay dhalinyaradii ka soo qaxday iyo shacbigii dagaaladii ku baro kacay ee side dalkii wax loogu qabtaa anaguna aanu kamid nahay kuwa la leeyahay waad na soo qixiseen oon anigu kow ka ahay, halkaa waxaa iiga muuqda haweenay 1988kii iyaga oo qaxaya igu soo maray Daloodho oo sadex caruur ah jiidaya oo ay igu tidhi caruurtii ayay qaar iga lumen deeto aan ku idhi intan aad hayso uun la bax. Waxa kalo ku lifaaqan qoladan KULMIYE iyo odayaashoda maxay wadaan, anigu waxaan ka hadlayaa dhowr qodob ragu wuu badan yahay aragtida guud ee xisbiga KULMIYE ee Somaliland erey waxaan ka odhan nabada, ereyna waxaan ka odhan baarlamanka, ereyna arinta Sool, ereyna waxaan odhan dadka qurbojooga. Waa ta ugu haraysee aragtida siyaasadeed ee xibiga KULMIYE waxay ka koobantaa:
1. In uu dalka Somaliland noqdo qaran jira oo aduunyada ka mid ah dadka KULMIYE hoogamiyaa waxay isku tiriyaan dadkii wax badan galiyay naf hurid iyo wakhtiba, KULMIYE wuxuu u arkaa halgankii SNM iyo Somaliland hooyo iyo wiilkeed oo aan midna loo sadqeen midka kale, horta KULMIYE wuxuu kasoo hor jeedaa in la yidhaa halgankii wuu dhamaaday oo SNM lama soo hadal qaadi karo waxaanan leeyaahay SNM waa Somaliland UCD, UDUB iyo KULMIYE ayaa ku jirataa oo banaankay joogtaa oo waa taariikh soo jirtay isla markaana maaha KULMIYE mid ku indho belay uun taariikhdaa hore ee waxa uu u xusayaa taariikhda haddii aanad ka faa’idaysan ta mustaqbalkana ma garanasid, markaa sidaa darteed waa in aan la tuurin ee waa in la hayaa.
2. Nabadana erey baan ka odhan: ILAAHAY mahadii Somaliland mudo 10 sano ah nabad ayay ku jirtay, inkastoo cadawga Somaliland uu dhawaan ina soo weerayay nabadgelyadana uu khalkhal galiyay, oo ay ka mid tahay dadkii ajanabiga ah lagu laayay dalka , xisbiga KULMIYE waxaa uu leeyahay in nabada laga faa’ideystaa oo lagaga faa’idaystaa horumar dhaqaale, caafimaad iyo waxbarasho, dadka qaar baa yidhaa ina Cigaal ayaa wasiirnimadii idinka eryay oo waad cadhooteen waa sax in la is yidhaa waxaanu leenahay xisbiga KULMIYE dad badan oo waaya arag ah oo 20kii sano ee u dambeeyey dalka xilal badan u soo qabtay mid halgan iyo mid Somaliland ah, dadka bani-aadamkiina khaladaadkisa ayuu ka faa’idaystaa anaguna khaladaadkayagii ayaanu ka faa’idaysanay waaya aragnimo badana ka dhaxalnay, malaha daka ugu badan ee laga cawdana aniga ayaa kow ah, iyo dadkii ay khilaafyadu dhexmareen markaa anigu waxaan leeyahay dadkii is khilaafay haday ka heshiin waayaan malaha Somaliland dhismi mayso, in badan ayaa laga yaabaa dadka in ay yidhaahdaan Abdi aw-Dahirow calancastii ayaad la socotaa iyo ina Bixiye, shalyna waxay lahayeen khilaafkii sokeeye ayaad dhaliseen mantana waxay leeyihiin maxaad isku raacdeen, kaasi malaha markaa ma doonayo in uu khilaafkii dhamaado, isaguna ka KULMIYE odhanaya waxaas ayaa ku jira isaguna wax ma dhaamee ogow, hadaynaa waxaas oo dhan ka gudbina iska celin mayno Somaliland cadowgeeda, haddii aan la isku dul qaadana Somaliland jiri mayso, haddii wax la isku qirayana KULMIYE ayaa ugu dul qaad badan oo waaxaanu ugu dulqaad batay footkii madaxtinimada ee dhawaan dalka ka dhacay oo aan wax hagaasan lagu kala badin oo aanu weliba wax tirsanaynay oo la yidhi sidaa ku aqbala oo aan Ingiriiskani aqbaleen, oo nina yeeleen 80 cod ayaa lagaaga badiyay ayaanu aqbalnay, waxaanuna u aragnay Islaantii markii ilmaheegii lagu qabsaday Nabi Saleebaan (CS) ku yidhi aan idiin kala jaro iyana tidhi mayee anigaa dhalaye adigu wada qaado, markii taasi dhacday anagu talo ayaanu keenay arintaa bariga ee manta laga qaylinaayona talo qaran ha laga yeesho sadexda xisbi way isku yimaadeen qoraal bey gashay sadexda xisbi gudoomiyena wey saxeexeen. Hase yeeshee way socon wayday xaga UDUBna way ka socon wayday arintaana dad aan wanaag doonayn ayaa dhiciseeyay, xaqiiqadii manta ayay timid markii Abdillahi yusuf soo kordhiyay, xisbiga KULMIYE waxa uu ku faanayaa markii ay iyagu na odhan waayeen waar isku keen keena oo aynu tashano in uu xisbiga KULMIYE soo jeediyay oo uu manta markii uu Silaanyo Hargaysa tagay uu shirkii ugu horeeyey ee uu galay uu warqad u qoray xukuumada iyo xisbiyadaba oo uu yidhi talo qaran aynu iskugu nimaadno si aynu uga tashano xaalada bariga Somaliland la soo gudboonaatay, waanay ku mahadsan yihiin aqbalaadii ay aqbaleen, sadex gudina loo saaray aritaana si wada jir ah looga talinayo, talaabooyinkaa aan soo sheegayna waxaanu kaga faa’idaysanay qaladadkayagii hore iyo waayo aragnimadii, mar ahday sidaasi tahay arin walba ka is taagaan xaga qaranimada.
Rag badan oo halkan joogaa waxay is waydiinayaan Iid Ali Salaan qoladan KULMIYE muxuu ka ag qabanayaa, waxaan leeyahay Iid Ali Salaan waa ragii naftooda iyo maalkooda u huray halgankii SNM, lagumana kala tagayo UCID,UDUB iyo KULMIYEtoona waana la wada joogayaa inta la wada nool yahay.
Inkastoo dhaqaale lagu faana jirin hadana waxaan qabnaa inta aynu haysanaa inagu filan tahay, masalan bajetkeena haddii la qiyaaso 25% waxay ku baxdaa madaxtooyada, madaxweyneheenu amma kan jooga ha ahaado amma ku hore ha ahaado ama ku iman doona ha ahaadee sharciga imika miisaaniyda u yaalaa waa madaxweynaha ugu mushaharka badan aduunyada waxaanu qaataa $ 500 000 (shanboqol oo kun oo doolar) sanadkii, Askarigeenuna $18 (sideed iyo toban doolar) ayuu qaataa bishii.mana ah madaxwaynahaa boobay ee waa qaldaadka baarlamanka ansixiyay miisaniyadu galayaan ee aanay garanayn sidaa darteed KULMIYE waxa uu doonayaa in uu saxo qaladaadkaa, 65% (boqolkiiba shan iyo lixdan) waxay ku baxdaa nabadgelyada, Nabadgelyada askarigii ilaalinayayna waaka $ 18 qaata, 5 caruura wuu leeyahay waanu soo halgamay 2 dhaawacna wuu qabaa waana ka la doonayo in uu dalka difaaco, KULMIYE waxaas oo dhan ayuu saxayaa.
Dadkeenuna ma garanayaan macnaha dawladnimada mana xisaabtamayaan, oo idinkiinan qurbaha ka taga $ 30 ayaad Airportka Hargaysa ku bixisaan oo musqul hagaagsana ma leh oo ay dadku galaan mana odhanaysaan maxaanu cashuurta ku bixinaa ileen idinka ayaa dawladahan dibada soo arkaye,kuwii reer miyiga ahaana hadalkooda daa.
Xaga waxbarshada waxaan aad uga xumahay in anigayaga da’daas ah 1955kii Iskuulkii Biyo dhacay ee aan ku jiray ee ay klaaska 20ka arday dhiganayeen ee macalinku aanu habsaameen 5ta xiisadood manta in ay daasada caano boodhaha ay ku fudhiistaan boqolaal caruur ah, si taa loo bedelona waxaa loo baahan yahay in lala xisaabtamo ninkasta oo la dooranayo.
3. Arinta laascanood waxaan leeyahay waynu ka midaysanahay waanaynu
simanahay, KULMIYEna arintaa xaga hore ayuu ka gelayaa.
Maalintii dhawayd ee uu Abdillahi yusuf BBCda ka yidhi ina riyaalow Borama ayaad ka timid ee maxaad laascanood ka doonaysaa, kulmiya ayaa u jawaabayoo Maxamed Kaahin-baa la had lay waxaananu ku nidhi Maxamed Kaahinow la hadal adigaa SNM ah oo garanayee, waxxanu ku yidhi is gaadhi maysaan ina Riyaaleh.
4. Qurba jooga waxaan odhanayaa dawladahan aad la joogtaan ayaad wax
ka aragteen oo aqoon ayaad u leedihiin maamulka dawliga ah oo waxa la idiinka badan yahay in aad aqoontiina ugu gurmataan dalkiina ee maaha in aad idinku kala qaybsanaataan oo qolo-qolo noqotaan oo tidhaahdaan reer hebel hadaanu nahay wasiirkaasaanu leenahay iyo waa wasiirkayagii
idinku waxba ka macaashi maysaan oo Bristol ayaad ka joogtaan mana aha in maalinta inaadeerkaa madaxweynaha yahayna somliland ahaato maalinta mid kale yahayna ka baxdo mana aha in aad is tidhaahdaan hebel waa UDUB ee ha la hadlin, weliba qoladiina KULMIYE waa in aad la doodaan oo is qancin-saan. Qurbaha su’aalaha iigu badnaa waxa weeyi Silaanyo iyo Ina aw Dahir ayaad la socotaa, surtagalna maaha in ay Somaliland jirto haddii aan la heshiin, Abdillahina yusufna la iska difaaci mayo.
Waxaanan hadalkayga ku soo koobayaa barigii halgankii ILLAHAY ha u naxariistee nin la odhan jirey Dhuxul ayuu Beebee eryaday oo uu aad u dhibay markaasa waxa kaga riday nin kale oo la odhan jirey Buurane markaasuu Dhuxul yidhi walaalkay Buurane iyo Ali Bayle ayaa ii baxaye miyaa teele la ii dhigtay markaa anna waxaan leeyahay berigii dhaweeyd ee doorashadii annagana dumarka iyo caruurta ayaa noo hiiliyay teelo lanooma dhigan. Halgankiinaa iyaga ayaa noo hiiliyay aniguna markii aan shaqada hayay Aamina Ibrahim ayaa ii hiilisay oo aad iila shaqaysay.
Markaa Dumarka sidaas ayaan dadka iskaga xignaa.
Intaa kabacdi waxaa hadalkii la wareegay Dr Abdi Aw Daahir oo isna u mahadnaqay dadweynihii goobtaa iskugu yimid waxaanu yidhi sidatan “ Anigu wax badan odhan mayo oo Muse ayaa hadalka intiisa badan yidhi, waxaanan ka hadlayaa halkan iyo halkii aanu ka nimid faraqa u daxeeya waxaanan is lahayn qolada qurbuhu iyagaa xaga siyaasada kaga hormarsan dalkii se waxaa noo muuqata in aad idinku ku qaybqayb-santihiin oo dadka dalkii joogaa idin dhaaman mana aha in aad ku qaybsanaantaan oo waxa loo bahan yahay si Somaliland wax u noqoto in aydun KULMIYE, udub iyo ucid aydun meel uga soo wada jeedaan danta qaranka Somalilandna waxay manta u baahantahay in heegan loo ahaado oo idinkuna doorfiican aad ka qaadataan oo aad midawdaan oo aad tashataan madama aynu xaalad adag ku jirno sidaas ayay anaga nala tahay wasalaamu calaykum. ”.
Waxa isna halkaa ka hadlay eraya koobana ka yidhi MAXAMED CABDI ISKEERSA waxaanu yidhi aad iyo aad ayaad u mahdsantiin dadkiin halkan joogaa anigu hadal badan odhan maaayo waanan idiin ducaynayaa dadkiina qurbaha caruurta ku haystaa inan ilaahay idiiin hagaajiyo caruurta waana masuuliyad idin saran ilmahan aad bar baarinaysana waa kii dalka iyo dadkaba anfici lahaa ee ilaahay haydinku asturo waa in aynu taarikh wanaagsan uga tagno si ay barto u anfacado taasina waxay ku hagaagaysaa qoyska oo si fiican u dhaqnaada intaasina waa iga dar daaran iyo duco armihii kala wax ka hadalay cabdi aw daahir iyo muuse ee waxaan ku dari lahaa in yar oo ah waxa la yidhaa MUCAARID oo ay dadkeenu qalad ka fahansan yihiin inta badan una haystaan in wax lagu dumiyo ee aan wax lagu dhisin mana ah ee waa tilmaan aad tilmaamayso wixii kolba dhiman ee dalku u baahan yahay marna aad ka joojinayso wixii qaldan waan wax tar wayn oo loo baahan yahay maaantana waxa gurmad inooga baahan nabadgaliyadii aynu ku faaanaynay oo sii diciiifaysa taana waxa lagu suurta galin karaa in la midoobo oo meel laga wad soo jeeda samaliland horumarkan ay gaadhayna waxa uu ku yimid
Waxa kale oo aan leeyahay yaan saxaafada lagu dagdagin waa arin aan loo baahnayn manta sababta oo ah baahi uma qabno in la cabudhiyo saxfada ee waxaanu leenahay ha lajoojiyo xeerkan la wad wado waayo saxaafadu iyadaa caawisa dadka badankiisa oo kolba soo bandhigta wixii jira maxame d xaashi cilmi ayaa igu yidhi waar na dhaliila oo wax naga sheega si aanu wax u qabano anaga ayay noo wanaagsan tahaye waayo Maxamed waa uu garanayaa macnah a ay leedahay arintani
Waxa kalo oo isna halaa ka hadlay dr IID CALI SALAAN oo ah gudoomiyaha Somaliland soosayti gurb waxaanu yidhi dadawanan waan salaamayaaa niman kan martida ahna waan salaamayaa waana niman qiima leh aniga xagayga waxaan leeyahay waa in aynu wax ka kordhsanaa oo aynu fahanaa waxa badan ayaanu halgankii soo wada shaqaynay oo iyaguna gudaha ay noo joogeen anana dibada oo waxan odhan karaa iyagaa labar wanka ahaa anaguna labar tuuga ayaanu ahayn m waxaan waxa yar ka odhan lahaa sheegistaa muuuse I sheegay wuu ku mahad san yahay oo wax badan ayaanu dibadaha ka qabnay wakhtigii halgan kii ha ahaato xaga warbaahinta calamka
1994 waanu is aragnay muuse wasiir buu ahaaa kadhif baanu isku argnay waxan ku idhi London baan kuugu imanayaa waanan ugu imid afar nin baanu ahayan dharaartaas waa inyar oo kaftan ah oo aan odhanayee waxaana ka mid ahaa ragas IDIRIS oo imika ah wasiirka xanaanada xoolaha waxaanu igala shaqaynayay borjag aan markaa ka waday kadhif waxaanu ii ahaa xoghayn waxaanu igu yidhi muuse isma naqaane aan ku raaco anigu ma garanayo waxa uu jeeday ninka kalana waxa uu ahaa wasiirka daakhliga ee imika waa ismaaciile oo markaa ahaa dirawalkii muuse biixi gaadhiga u waday dee markaas labadii ninba waa wasiiro oo aniga haday taydu hadhay muusaa dharaartaa I waydiiyay oo igu yidhi miyaanad dalkii imanayn markaa waxaan leeyahay muusow anigu ma imanayo oo barigii horana siyaasi maan ahayn ee baayac mushtar baan ahaa ee wixii aad dibada uga baaahan tiin igala soo xidhiiidha waxaan leeyahay oo kale in xisbiyadu ay barnaanish kood soo jeediyan oo waxa qabad kooda lagu kala doorto.
Cabdicasiis Aadan, Bristol.

No comments:

Post a Comment