Sunday 17 January 2010

20030404 Hogaamiyayaashii Dhowaan Ku Soo Biiray Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Kheyriyadda Burco.

Hogaamiyayaashii Dhowaan Ku Soo Biiray Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Kheyriyadda Burco.
Burco (Haatuf): Waxa maalintii shalay fagaaraha Khayriyada ee magaalada Burco kala hadlay dadweynaha mas’uuliyiin iyo xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE, oo ay ka mid yihiin Cabdi Aw Daahir oo hore u ahaa xoghayaha guud ee UDUB, Bashiir Cabdi Xariir oo hore u ahaa maayorka Oodweyne iyo Maxamed Cumar Nuur oo hore u ahaa wasiir ku xigeenka macdanta iyo biyaha oo dhammaantood ka tirsanaa xisbiga UDUB, balse kusoo biiray dhowaan xisbiga KULMIYE. Waxa kaloo halkaa ka hadlay Siciid Cilmi Rooble, oo ah mudane ka tirsan Wakiilada Somaliland iyo mujaahid Maxamed Axmed Kaahin, kuwaasoo ah wefti sare oo ka tirsan KULMIYE, balse haatan ololaha doorashada u tegay magaalada Burco.

Ugu horayn waxa halkaa ka hadlay sida uu kusoo waramay Axmed Aadan Yuusuf oo ka tirsan Haatuf, Maxamed Cumar Nuur oo ay hadaladiisa ka mid ahaayeen; “Xisbiga KULMIYE magaciisa ayaa kugu filan, macnaha laga fahamsan yahayna ma aha oo ururiye, berigii hore axsaabta waxa loo furan jiray in wax lagu doorto, marka la doortana lala tago Xamar, balse axsaabta maantu way ka duwan tahay kuwii berigaa. Xisbiga KULMIYE-na waxa loo aas-aasay inuu la jaan-qaado siyaasada dalka, waxaana ku dhan mujaahidiintii dalkan u soo halgantay oo ay musharixiin ka yihiin C/raxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed Siilaanyo. Waa rag inaga saari kara halka dalku ku jiro,” ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay in xukuumadda haatan dalka ka talisaa ay ka baaqsatay inay dalka ka saarto duruufta uu ku jiro, waxaanu yidhi; “Waad aragtaanoo xukuumadda dalka ka talisaa way dhawr iyo toban jirsatay, haddana waad aragteen Burco sida ay tahay, bari wixii kasii xigaana ka daran, caasimaddii dalka haraad ayaa loogu bakhtiyay, waxa keliya ee ay ku faantaa waa nabadgelyada, balse waxa keenay shacabka iyo Ilaahay, mahadi ha ka gaadhee.”

Kadib waxa uu ka hadlay KULMIYE, isagoo yidhi intaanan soo gelin xisbiga KULMIYE waxa ka mid ahaa dacaayadihii laga faafiyay KULMIYE; ‘Isaaqnimo ayuu wax ku doonayaa, iyo durbaankii halganka ayuu garaacayaa,’ isaaqnimadu maaha siyaasad ee waa hayb, nin walibana hayb ayuu leeyahay, halgankuse miyaanu jirin, SNM-na maaha wax dadka lagu boobo oo wax lagu xumeeyo, balse SNM iyadaa dalka xoraysay, iyadoo xor ahna Xukunka dhiibtay,” ayuu yidhi.

Kadib, waxaa isaguna halkaa ka hadlay mudane Siciid Cilmi Rooble, hadalladiisiina waxaa ka mid ahaa; “Ujeedadaydu maaha inaan xisbi galo midna ka baxo iyo inaan is jeclaysiiyo Daahir Rayaale iyo Axmed Siilaanyo ee waa xaaladda maanta dalku ku jiro, taasoo ah badbaado qaran, waana taanu Madaxweynaha isku af-garan weynay,” ayuu yidhi mudane Siciid.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Cabdi Aw Daahir oo sacab iyo sawaxan xoog leh lagu soo dhoweeyay, isagoo qoslaaya ayaanu yidhi; “In badan ayaan halkan ka odhan jiray UDUB ha guulaysto, laakiin marka hore waxaan doonayaa inaan isaga kiin waramo, anigu waxaan ahay xoghayihii guud ee UDUB, waxaanan ahaa afartii xubnood ee aas-aastay UDUB, waxaananu kala ahayn Alle haw naxariistee madaxweynihii geeriyooday, Axmed Yuusuf Ducaale, Maxamed Siciid Gees iyo aniga, balse waxa maanta UDUB ku hadhay Gees oo keliya. Aniga iyo Axmed Yuusuf waxaanu nahay KULMIYE, waxaanan UDUB ka baxay markaan arkay mawqifkii aanu wada qaadanay iyo ka Daahir Rayaale, gaar ahaana markaan arkay xaalada Itoobiya halkay marayso, xaaladda Sool iyo gobollada Bari iyo siyaasadeena Jabuuti, markaan arrimahaa wax badan isku geeyay anigoo aan cidna dhaliilayn ayaan gartay inaan Daahir Rayaale aanu dalka ka saari karin marxaladdan,” ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir.

Kadib waxa uu ka hadlay KULMIYE iyo sida uu ugu soo biiray; “Markaan arkay xisbiga KULMIYE iyo hoggaamiyeyaashiisu inay dalka ka saari karana marxaladda uu ku jiro ayaan KULMIYE ku biiray, inkastoo aanaan Faysal wada shaqayn laakiin Daahir Rayaale iyo Siilaanyo waanu wada shaqaynay, labada ninba waa laba nin oo wanaagsan laakiin marka la eego aayaha dalka waa Siilaanyo,” ayuu yidhi.

Kadib waxaa mikrafoonka la wareegay mujaahid Maxamed Kaahin oo sheegay inuu hadalka ku raacsan yahay inta ay yidhaahdeen raggii ka horreeyay, waxaanu intaa ku daray in hoggaamiyeyaasha KULMIYE ay yihiin raggii dalka xoreeyay, isla markaana ay baal dahab ah kaga jiraan taariikhda, sidaa darteedna ay mudan yihiin in la doorto.

No comments:

Post a Comment