Sunday 17 January 2010

20040514Guddoomiyaha KULMIYE Oo Ka Hadlay Waayaha Dalka: Wuxuu Dadweynaha Ku Baraarujiyey In Aayihii Dalkoodu Farahooda Ka Sii Baxayo

Guddoomiyaha KULMIYE Oo Ka Hadlay Waayaha Dalka: Wuxuu Dadweynaha Ku Baraarujiyey In Aayihii Dalkoodu Farahooda Ka Sii Baxayo
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 14 May, 2004
--------------------------------------------------------------------------------

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horreysey muddo bilo ah si baahsan uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalku waqtigan ku sugan yahay iyo aragtida xisbigiisa ee maamulka Madaxweyne Rayaale. Wuxuuna Shir Jaraa'id oo uu Shalay ku qabtay Hudheelka Ming Sing ee Magaalada Hargaysa, uu si kulul ugu naqdiyey Siyaasadda Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, Nabadgelyada, Maamulka, Dhaqaalaha iyo Miisaaniyadda Dawladda, aragtida iyo hab-dhaqanka xukuumadda ee dimoqraadiyadda iyo arrimo kale.
Shirkaa Jaraa'id oo ay ka qayb galeen Saxaafadda Maxaliga ah iyo Wakiilada Warbaahinta Dibadda u jooga Somaliland, isla markaana ay dhegaysanayeen dad tiro badan oo rayid ah, ayaa Mr. Axmed Siilaanyo, waxa uu ugu horrayn sababeeyey ujeeddada uu shirka jaraa'id u qabtay iyo aamusnaantiisii muddada dheer uu aanu ka hadlin xaaladda siyaasadeed ee dalka. Waxana uu yidhi isaga oo taas ka hadlaya; "Dhawr jeer baa la igula kaftamay oo la I weydiiyey oo lay yidhi beryahan maad hadale maxaad u hadli weydey ma hadalkii baa kaa dhammaaday. Waxaan idhi hadalkii igama dhammaane waxaan is-lahaa bal dowladda Ina Riyaale iyo shacbigu hay is arkeen".
Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in aanu shirka u qaban arrin khaas ah ee uu ka hadlayo wax guud iyo xaaladda dalku haatan marayo, aragtidiisana ka dhiibto, anigoo ah ayuu yidhi "Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE". Waxana uu sheegay in bishan 18-keeda inaynu xusayno 14-guuradii ka soo wareegtey markii madax bannaanida iyo dib ula soo noqoshada Qaranimada Somaliland lagaga dhawaaqay magaalada Burco. Sidaas darteed, waxa uu si guud mar ah uga warramay marxaladihii iyo waayihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray muddadaa 14ka Sannadood ah oo isugu jirey dagaallo sokeeye, nabadayn, dhisme dowladeed iyo kacaa kuf badan.
"Haddaba, maanta marxaladda aynu joogno inaynu is-xisaabino ayaa loo baahan yahay, haddii ay inagu soo fool leedahay maalintii aynu u dabaaldegi lahayn 14-guurada markii aynu la soo noqonay madax bannaanideenna," ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
Axmed Siilaanyo Araartaas kadib waxa uu gudagalay dulucda hadalkiisa, waxana uu yidhi.
"Dalka Somaliland Maanta waxaynu ku faano oo Illaahay aynu ugu mahad naqno waynu ku haysanaa, weli Dowladnimo, Nabadgelyo iyo ummad fir-fircoon oo shaqaysanaysa oo dalkooda dhisanaysa ayeynu ku haynaa. Waa wax Illaahay loogu mahadnaqo. Waxaan odhan karnaa horumar kama madhnayn, balse waxa kale oo jira marka runta loo dhaco, dhibaatooyin aad iyo aad u farabadan oo qaar badan aynu isugu wacannahay, Siyaasad xumida Maanta dawladdu ku dhaqmayso, horumar la'aan, wax badan oo wer-wer innageliya, gaabis iyo caajis aynu kaga jirno waxqabadkii badnaa ee dalku innooga baahnaa. ‘Mayd maxaa ugu dambeeyay kaa la sii sido' laba cisho ka hor, waad ogtihiin dad dhallinyaro ah iyo haween ah, ayaa Mudaharaad u soo baxay, Mudahaaradka waxa ay ku cabirayeen wacyiga dalku marayo, waxa ay ka cabanayeen shaqo la'aan, Musuq-maasuq, Eex, Waxqabad la'aan, Caddaalad xumo, wax allaale wax dhibaato ah oo ay geysanayeen iyo nabadgelyo darro midna ma jirin, waxa lagala hortegay xadhig iyo Xabsi, xataa Mudaharaadkaa dad aan ku jirin ayaa la sheegay in la xidhay.
"Horta marka hore Mudaharaadka in la sameeyo waa Xuquuqda Distoorku siinayo in shacbigu xaq u leeyahay wixii uu saluugo inuu ugu soo bixi karo bannaanbax iyo Mudaharaad, salmi ah oo nabadgelyo ah, waxa igu maqaalo ah dadkii Mudaharaadka abaabulayay in ay qoraalo gaadhsiiyeen Booliiska iyo Wasaaradda Daakhiliga, oo ay u sheegeen in ay Mudaharaad salmi ah samaynayaan, haddii ay sidaa ahayd oo waxay xaq u leeyihiin ay ahayd sababta ay Xabsiga ku mutaysteen garan-maayo. Waxa kale oo dhacday arrinta Miisaaniyadda Dawladda buuqa iyo su'aalaha shacbiga iyo dadweynuhu iska weydiinayo. Waynu ogeyn shirkii Jaraa'id ee uu Maxamed Xaashi oo ah xogogaal uu qabtay iyo Wasiirka Maaliyaddu jawaabihii uu ka bixiyay Miisaaniyadda iyo Dareenada ka dhashay dadku haddii uu dareen ka muujiyo ama wax iska weydiiyo ma aha in dhibaato lagala hor-yimaado".
SIYAASADDA GUUD IYO DIMOQRAADIYADDA
"Waxa Muuqata marka waxyaalo badan la isku geeyo Dimuqraadiyaddii dadkeenu ku talo-galay ee aynu dal ahaan qaadanay ee Distoor iyo Dawlad ku samaysanay, ee Doorasho ku galnay in la bakhtiinayo ayaa meel walba ka muuqata, ilaa imika lama hadal hayo dhinaca Dawladdana kama muuqato wax tallaabo ah oo laga qaadayo dhammaystirkii Doorashada Baarlamaanka. Bishii August ee sannadkii hore (2003), ayaa saddexda xisbiga wada fadhiisteen oo Xisbiga UDUB uu u saxeexay Madaxweynekuxigeenku, waxa qoddobadii la isla gaadhay ka mid ahaa in lix bilood gudahood dawladdu ku dhammaystirto wixii tallaabooyin ah ee dhiman, oo markaa Doorashada Baarlamaanku qabsoonto. Heshiis baa lagu ahaa waad ogtihiin qaabka iyo Distoorka inoo yaala ma oggola in Axsaabtu soo jeediso mashruuc sharci oo ay Baarlamaanka horgeyso, cidda horgeyn kartaa waa dawladda iyo tirooyin ka mid ah Mudanayaasha Wakiiladda, ilaa wakhtigan aynu joogno oo Dawladdihii innaga caawiyay Doorashooyinku, dadkii ina wada jeeddaalinayay iyo ummaddii ina sugaysay in hore loogu sii tallaabsado Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinkii wax allaale wax tallaabo ah oo dawladdu ka qaaday ma ay jirto ballaankaa way ka baxday Dawladdu.
"Taasi waa dhinaca doorashooyinka. Waxaan ka hadlayey in dowladdu dimoqraadiyaddii baqtiinayso. Marka Baarlamaanka iyo Doorashooyinka laga hadlayo waynu ognahay Siyaasaddu waxa ay ku fadhidaa Qodobka ah cidda hawsha awoodda fulinta leh waa in cid xakamaysa oo qabata oo hoggaan ahi ay jirtaa, oo badiba waa Baarlamaanka taasi meesha way ka baxday, arrintaasi waxay muujinaysaa in Dimuqraadiyaddii lala dagaalamayo. Ta kale ee arrintaa muujinaysa waxa weeye Dawladdii waxa ay ku shaqaynaysaa imika in ay curdan-dhadhiso asxaabtii ay ahayd in nolosheeda, horumarkeeda iyo shaqadeeda la dhiiri-geliyo. Maanta cidna kama qarsoona qaabka ay Dawladdu ula dhaqanto Axsaabta Mucaaradka ah. Dawladdu waxay ahayd in ay iyadu Maamulka gacanta ku hayso sida waajibku yahay Axsaabta Mucaaraadka ah waxa weeye Dunida Dimuqraadiga in ay ilaashaan oo wixii dhaliil ay ku arkaan dawladda in ay tilmaamaan.
"Mar allaale marka la soo qaado dawladda oo la is yidhaahdo Dhaliisheeda tilmaama ereyga ay ku boodaan waxa weeye; ‘Ictiraafkii baa la hortaagan yahay, ‘nabadgelyadii baa la baqtiinayaa, dowladnimadayada ayaa KULMIYE ka ba'ayaa. Taas dhaaf oo waxa ay gaadhay dawladdu in ay tidhaahdo xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE waa argagixiso oo isaga ayaa Dilalkii dalka ka dhacay oo dhan ka dambeeyay. Ina Riyaalaan maalin u sheegay oo aan ku idhi Wasiirkaaga Daakhiligu waxaasuu yidhiye maxaad ka qabanaysaa, wuxuu yidhi ‘Ma dhici karto oo muu odhan, waayo, wax dhici kara maaha'. Way dhacdoo waa tii codkiisii oo la hayo banka la soo dhigay oo aanu ummaddoo dhan wada maqashiinnay. Wax alla wax uu tallaabo ka qaaday ma jirto. Ilaa iyo hadda waxaa jirta iyada oo dadkii ku lug lahaa falalkaa dilka ah ay soo qabteen shacbiga reer Somaliland Illaahay ha ka jisaa'I siiyee, ayaa ilaa imika ay xidhan yihiin dad Wasiirka Daakhiligu uu mac-mal u xidhay oo uu ku xidhay waxay ehel yihiin dad Xisbiga KULMIYE ah sidaa uu hadalkiisa ku sheegayo oo uu ka mid yahay Inan yar oo Xaaskaygu Habaryar u tahay oo uu Sheekh ka xidhay oo wax alla wax lagu hayaa aanu jirin. Waa dadkuu ka hadlayey ee uu lahaa Kulmiyaa ka dambeeyey.
"Maanta baadhista socota kalsooni badan oo lagu qabi karaa ma jirto, sababtu waxa weeye, haddii aan dad dibadeed loo yeedhin, ama aan si muuqata aan wixii loo baadhin, Maalin walba waxa aad suuqa ka maqlaysaa tolow nimankii (argagixisadii dishay Haweenaydii reer Kenya ee u shaqaysanaysay GTZ) kuwii falka gaystay ma yihiin mise waa la beddelay, maxaa Sawirkooda loo soo bandhigi waayay? Maxaa dadka loo tusi waayay? Waxaa yaableh maalin baan Madaxweynekuxigeenka weydiiyey, wuxuu yidhi anigu isku deyey oo waan qabaa in dadkaa sawirkooda iyo magacooda iyo waxooda kuli bannaanka la soo dhigo si ummaddu u garato raggaasi waxay yihiin. Taasi ma dhicin.
"Waxaan kaloo idiin sheegayaa in la doonayo curdan-dhadhinta axsaabta. Waxaa ka mid ahaa talooyinkii guddiga doorashooyinku soo jeedisey, taloyinkii axsaabtu berigaa wada gaadhey in axsaabta dhaqaale loo sameeyo, maadaama ay yihiin axsaab qaran oo dastuuri ah oo ummaddu u baahan tahay. Ilaa waqtigaa wax alla wax laga fuliyey ma jirto, miisaaniyadda maanta ku jirto. Ayaan dhoweyto dowladdu waxay sheegtay - markii anagu aannu u tagnay Madaxweynekuxigeenka oo aanu nidhi arrimihii ballankaa ku jirey maxaa laga yeelay - waxaan filayaa in M/weynekuxigeenka dedaalkiisii waxoogaa yar raadiyowga laga sheegay oo la yidhi waa loo ogolaaday. Laakiin, miisaaniyadda meel axsaabtu ay kaga jirtaa oo ay ka muuqataa ma jirto. Macnuhu waxa weeye meel baa lagu liqaaminayaayoo kolkaa hadhow haddii la doonona waa loo diidi, haddii la doonona waa la siin. Waxa loo qoondeeyey ee la sheegayaana wax wax ka taraya horumarin axsaabeed iyo waxtarkooda mid alla mid ay tahayna ma jirto, waa waxa la yidhaahdo "Hafar".
"Qodobkii ugu weynaa baan u imanayaa ee sida axsaabta iyo dimoqraadiyadda loola dagaalamayo; ma doorashooyinkii baa, ma dhaqaalihii baa, ma dacaayaddii la dacaayadaynayey baa, ma cabudhin baa, waxa ugu daran ee ugu weyni waxa weeye, Qaranku Radiyow buu leeyahay. Waxa jirta iyana jariirad Maandeeq la yidhaahdo oo ummadda xoolaheeda lagu bixiyo, ummaddoo dhan bay ka dhexeeyaan Raadiyowga iyo Maandeeq oo xoolihii qarankaa ku baxa. Labadaa oo la tartamaya jaraa'idkii iyo Tvyadii dadka gaarka ahi lahaa ee ay xoolahooda ku bixinayeen. Intaba waxa loo adeegsadaa cayda iyo xumaynta xisbiyada mucaaridka ah, ilaa intii doorashadu socotey waad ogtihiin. Qodobkaasi waa qodob xaaraan ah. BBC-da oo ka mid ah idaacadaha ugu caansan ee la yaqaanno lama ogola in Wasiir maamulo, guddi madax banaan ayaa maamusha oo wasiir ma leh. Caqliga ma gasho, wax suuragal ahna ma aha in warbaahintii qaranka Xisbi keli ahi adeegsado oo dhaleecaynta iyo ceebaynta iyo eedaynta shakhsiyaadka iyo axsaabta kale loo adeegsado ma aha meeshana kuma jirto. Waa gardarro, waa xaqdarro, waa Kelitalisnimo (dictatorship). Waa tii Siyaad Barre samayn jirey lafteeda.
"Waa ogtihiin, maalin dhoweyd xubin ka tirsan Xisbiga KULMIYE, Cabdi Aw Daahir oo dibadda jooga ayaa jaraa'idka ku soo saaray talooyin iyo qiimayn siduu xaaladda siyaasadeed ee dalka u arkayey, talooyin badan oo wax-ku-ool ahna u soo jeediyey Xukuumadda oo dadkii runtii akhriyey oo dhami ay u qushuuceen oo ay u arkeen waxtar. Laba maalmood oo isku xigta ayuu Raadiyo Hargeysa caayay Cabdi Aw Daahir iyo KULMIYEba. Haddii uu raadiyow xalaal ah yahay sow may ahayn in uu wixii Cabdi Aw Daahir-na sheego, wixii uu ugu jawaabayo Wasiirka Warfaafintu markaa ha ugu jawaabee. Maxaa jawaabta keliya looga akhriyey ee wixii Cabdi aw Daahir yidhi looga sheegi waayey? Taasi ma caddaalad baa, taasi ma sinnaan baa?.
Warqad baannu u qornay aanu u leenahay wixii aad ummadda maqashiisay ee aad ku dhaleecaysay xisbiga KULMIYE iyo madaxdiisa in aanu ka jawaabno ee waqti ha nala siiyo aanu ka hadallo Raadiyow Hargeysa. Waannu ogeyn in aanu yeelayne waannu ku xujeynayey. Dabaduu nagaga soo dhacay. Waxaanu ku nidhi waar bal qoraal uun na sii inaad noo diiddey, ma jirto buu yidhi Cabdillaahi Yare (Wasiirka Warfaafinta) wax qoraal ah oo aan idin siinayaa.
"Qolada kale ee aanu hadda xujeynaynaa Iminka waxay noqon doontaa Maxkamadda Dastuuriga ah - inkastoo maxkamaddaa dastuuriga ay wax na soo kala mareen oo si aanu ku aamino aanaan garanayn oo aynu xaalkeeda ogeyn haddana iyada uun baa sharciyan jirtee arrimaha noocaas ah inaanu sharciga u raacno ayaanu doonaynaa. Sidii tii horeba yeeli jirtey iminkana ha tidhaahdo dowladda iyo xisbiga UDUB baa ku shuqul lehe intiina kale shaqo kuma lihidin, Maxkamadda afkeeda ha ka soo yeedho. Arrintaa waxaannu geynaynaa maxkamad. Waxaanu leenahay hantidaa ku baxaysa Maandeeq iyo Raadiyow Hargeysa waa xaaraan. Mar haddii aan ummadda iyo shacbigu u sinnayn xisbi buu u adeegayaa, qaranimaduu marin hufinayaa, dimoqraadiyaduu marin hufinayaa, dadnimaduu marinhufinayaa, baanu leenahay. Waa in loo sinaadaa.
"Warbaahintii kale ee la tartamaysey waa la xidhay. Sharciga iyo dastuurku wuxuu leeyahay waa la ogol yahay ... wax alla wax laga oggol yahay ma jirto. Waad ogtihiin in Ceerigaabo laga furay idaacad oo la xidhay, Burcaa lays yidhi ka fura waa laga xidhay. Waxaannu leenahay waa qayra-distoori.
"Markaa arrimahaas oo dhan waxaannu u aragnaa inay tahay in adhaxda laga jebiyo oo la curdin dhadhiyo dimoqraadiyadii iyo asxaabtii la baabi'iyo. Arrintaana shacbi weynow haddii aan wax laga qaban waxa inoo dambeeya waynu garanaynaa waxa uu yahay."
SIYAASADDA DIBADDA
Axmed Siilaanyo markuu ka hadlayey siyaasadda Arrimaha Dibadda, waxa uu sheegay in ay waxoogaa firfircoon tahay, taasna waxa uu sheegay inay ka wada shaqeeyeen axsaabta mucaaridka ah, xukuumadda iyo qurba-joogga Somaliland. Laakiin, waxa uu sheegay in aanay gaadhsiisnayn meelo badan oo muhiim ah oo loo baahnaa. Waxa uu sheegay in aanu jirin xidhiidh fiican oo xukuumaddu la samaysay dalalka Carabta oo ah kuwa ugu adag ee hortaagan qaddiyadda Somaliland, loona baahan yahay ayuu yidhi in la fahamsiiyo, lagana hawlgalo sidii looga dhaadhicin lahaa. Sidoo kale, kooxaha faraha badan ee Soomaaliya ayuu sheegay in loo baahnaa in xidhiidh lala sameeyo oo wax laga kasbado. Dalal kale oo badan oo Afrika ayuu iyana sheegay in xidhiidhkeennu ku yar yahay.
MAAMULKA DALKA IYO NABADGELYADA
Mr. Siilaanyo oo Iftiiminayay Dhaliilaha Xukuumadda ee ku wajahan Maamul-fidinta Gobollada, waxa uu yidhi; "Maamulka dalku Maalin walba wuu soo koobmayaa halkii uu ka sii fidi lahaa, waar markii Ina Rayaale (Madaxweynaha Somaliland) Laascaanood tegay Gobolaka Sool Dawladda Somaliland Maamulkeeda ayuu gacanta ugu jiray, oo qayb Somaliland ka mid ayuu ahaa. Dhinaca Xadka Jabuuti-na Kastamkeenu Lowyocado ayuu joogay. Waxaan anigu arkaa ilaa Maalintii Rayaale cagaha dhigay Laascaanooid oo uu yidhi Maamulkaba Laascaanood ka soo rara oo Caynaba soo dejiya, in Maamulkii iyo xadkii soo koobmay. Dhawaana dhinaca Galbeedka waa aynu ognahay oo waa laga soo wada guurayaa. Markaa waxa Dawladdu ka hadashaa fidin Maamul, waar aniga (Siilaanyo) iima muuqato fidin Maamul oo socota ee wuu soo koobmayaa, ma laga yaabaa in aynu Hargeysa isugu wada nimaadno.
"Waxa kale oo iyana jirta Wasaaradaha tirada badan ee aan tayada lahayn ee la wada sheegay, awal wuu dafiri jiray Madaxwaynuhu, laakiin beryahan waxaan arkayay hadalo laga soo werinayo Madaxweynaha oo uu leeyahay shacbigaa igu khasbay, shacbiga Madaxweynaha ayaa loogu talo-galay in uu hoggaamiyo, inuu yidhaahdo Shacbigaa igu khasbay maaha. Shacbigu wax sax ah buu kugu khasbi karaa. Shacbigu waxay ku yidhaahdeen dowlad noo samee, waad ballan qaaday, dowlad kooban oo tayo leh oo ilaa gudo ilaa dibad lagaala hadlay. Taasay ahayd inaad samayso, tiina laguma dhaqaaqin".
"Waxa aynu haysanay nabadgelyo aad iyo aad u wanaagsan. Nabadgelyadii waynu ognahay Maanta meesha ay marayso oo waxa innagu dhacay waynu ka war qabnaa, siyaabo farobadan baa la inoo soo farogeliyey ama haddii aynaan digtoonaan baqdinteeda ayaan qabnaa oo haddii dalkii qaybo badani maqan yihiin, oo waxa ay ku sugan yihiin aynaan garanayn oo aynu maqalnay Ceerigaabo Hub iyo Lacag foojari ah baa lagu soo rogaa. Waxyaalahaas oo dhammi waxa ay calaamad u yihiin Nabadgelyo-darridu meesha ay ka iman karto iyo meesha ay ku socoto waynu aragnaa .
"Waxaynu kaloo ognahay marka maamulka aynu ka hadlayno, waar qaska iyo labka lagu hayo dowladihii hoose, meel qudha oo dowladihii hoos iyo maamulkoodii u dhisan yihiin ma jirto. Meel qudha oo aanay Wasaaradda Daakhiligu faraha kula jirini ma jirto, meel walba waxa qasaya oo sharcigii burburinaya ee indhaha ka tuuraya waa dowladda. Waxaanu leenahay dowladda Dhexe ha u deyso dadkii la doortay inay hawsha ummaddu u igmatay ee u dooratay u maamulaan".
Axmed Siilaanyo, waxa uu intaas ku daray, Garsoorka oo uu sheegay in xukuumaddu faragelin ku hayso iyo xeerka Xukunka degdegga ah ee guddiga nabadgelyadu dadka ku xidhxidhaan, xeerkaas oo uu sheegay in Baarlamaanku laalay. Waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatooyinka ka jira Xabsiyada oo uu sheegay in Guddiyada Baarlamaanku ay ka soo warbixiyeen dacdarro badan oo ka jirta iyo dad badan oo xukun la'aan ugu jira.
DHAQAALAHA
Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in uu dalka ka socdo dedaal badan oo horumar lagu doonayo, taasna waxa uu ku ammaanay shacbiga Somaliland iyo ganacsatada yar iyo kuwa waaweyn oo jecel inay dalkooda maalgashadaan. Laakiin waxa uu sheegay in aanay jirin wax dhiirrigelin ah oo dhinacnaba ay dadkeennu ku qabaan dowladda.
Isaga oo ka hadlaya Miisaaniyadda 2004 ee dhowaan golaha xukuumaddu ansixiyey iyo musuqmaasuqa badan ee ku dhaca hantida Qaranka, waxa uu yidhi;
"Waa tii Maxamed Xaashi Cilmi (Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland), oo xog-ogaal ahaa Maalintii dhawayd aad iyo aad uga waramayey Miisaaniyadda Maanta taagan. Waxa ka muuqda Corruption (Musuq-maasuq) ciiddaa ka badan oo xisaab aan loo haynin oo aan gelin kana maqan tahay khasnadda dawladda, weliba qaar Maxamed Xaashi sheegay iyo qaar aanu sheeginba way jiraan. Waana qaar lagu wada qanacsan yahay oo muddo badan la ogaa. Halkan anaga laftayadu waxaanu ku haynaa waraaqo muuqjinaya inaan xisaabaha lagu shubin . ma aha kuwii la sheegay oo keliya ee shariikadaha laga qaaday. Waxa jira lacag Maraakiibta Saylac laga qaadayay, oo iyagana aan lagu shubin Qasnadda Dawladda. Waxa jirta sharci darrada lagu dhaqay markii Iskaraabkii la iibinayay. Waan dhegeysanayey Wasiirka Maaliyadda (Shirkiisii Jaraa'id) waxa uu yidhi; ‘Iskaraabka Wasiirkii hore ayaa bixiyey' laakiin, waxa aan soo ogaaday ninka saxeexay in uu yahay Wasiirka Maaliyadda ee imika jooga (Xuseeen Cali Ducaale), midda kale markii la yidhi, maxaad Qandaraas ugu bixin weyday waxa uu yidhi; ‘Waan u badheedhay' markaa waxa weeye sharci jebin buu u badheedhay, haddii Wasiirkii hore khaldanaa inuu isagu sharciga saxo weeye. Lacagtii Iskaraabkana, waxaa ka mid ahaa jawaabtiisa markii la weydiiyey lacagtaa ‘Marka Iskaraabku baxo ayaa lacagta lagu shubayaa khasnadda dowladda'. Sidaan ka warqabo Iskaraabkii wuu baxay, wax khasnadda dowladda lagu shubayna ma jirto.
"Waxaa iyaduna jirta oo waxaba ka weyn ee aanu ka jawaabin Wasiirka Maaliyaddu, labaddii sannadood ee 2002-2003, waxa soo baxay lacag lagu qiyaasay $18 Bilyan iyo in kale oo iyaduna dheeraad ah oo ka soo baxday Miisaaniyaddii lacagta dheeraadka ahayd, waxa ay ahayd in Baarlamaanka la geeyo si loo xalaaleeyo kharash-garaynteeda. Taa wuu qirtay, malaha waxa uu isleeyahay Rayaale aad ku xujaysid marka uu ku eryo. Lacagtaa waxa weeye haddii aan Sublementary Budget, Baarlamaanku u samayn waa in Miisaaniyadda ku xigta dakhli ahaan loogu soo daraa.
Waxa kale oo iyana jirtay lacag la yidhaahdo Hadhaa, oo ah lacag ay ahayd in la kharash gareeyo oo iyada la sharciyeeyo oo aan la kharash garayn. Labadaa midna xisaabteedii kuma jirto, labadaa sannadood Qasnada dawladda, arrintaa jawaabteeda waa loo baahan yahay. Wixii Maxamed Xaashi ku tuman mayo, wax fara badan bay ahaayeen".
Axmed Siilaanyo hadalkiisa shirkaa Jaraa'id oo aad u dheeraa waxa uu ku soo gebagebeeyey:
"Waan leeyahay, Waar dadweynaha reer Somalilandow aayihii dalkiinu gacantiinna wuu ka sii baxayaa, furfur baa bilaabmay oo socda dadkii halgankii oo keliya la baabi'in maayee, ummaddii la baabi'inayo oo loo cagajugleynayo oo la madal-hufinayo oo la isku dirayo oo hub loo soo dejinayo oo hubkaa cadow lagu daafici maayee iyaga laysugu dhiibayo oo inay isku dilaan la doonayo.
"Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa ummadan iyo dalkani luggooyo dambe uma baahna, dariiqa ay hayaan ee raga maanta hoggaaminayaan hayaan-na kay u soo dhinteen iyo kay soo yagleeleen iyo kay calanka u taageen maaha, iyaguna maha kuwii hawshaa soo galay ee rag kalaa soo qabtay."
Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.

No comments:

Post a Comment