Sunday 17 January 2010

20030716Barbardhiga Tayada Xukuumadihii Tuur, Cigaal Iyo Rayaale

Barbardhiga Tayada Xukuumadihii Tuur, Cigaal Iyo Rayaale.
Qore: Cismaan Abokor - London.(Haatuf)

Somaliland oo May 18keedii sannadkan 12 jirsatay ayaa haddii dib loo milicsado sooyaalkeeda taariikheed soo martay Saddex Cahdi oo kala dambeeyey oo mid kastaaba lahaa waayihiisa iyo wacdarihiisa. Haddaba qormadeenan waxa keli ah ee aynu ku eegaynaa waa is bar-bar dhigga saddexdaa cahdi iyo xukuumadihii soo maray tayadooda iyo tamartooda.

June 1991 ayaa madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland C/Raxmaan Axmed Cali ku dhawaaqay xukuumaddiisii muddada laga sugayey, inkasta oo ay ahayd waa cusub, qaran cusub, iyo xukuumad cusub, yididiilada iyo filashada dadkuna xiligaa aad iyo aad u sarraysay wuxu C/Raxmaan gole keenay inkasta oo ay u badnaayeen siyaasiyiintii SNM ee ku naalloonayey guushii ururkooda, xukuumad runtii aan ku tilmaami karo tii ugu dheelli tirrayd uguna maqaam sarraysay ee soo marta Somaliland, sababta oo ah waxay ahayd xukuumad kooban oo aan ka badnayan 16 wasiir iyo 4 wasiir ku xigeen waxay ahayd xukuumad xul ah oo ka tur jumaysay tayada ururkii hantay talada dalka waxay kaloo ahayd xukuumad wadaag ah oo midaynaysay saddex xoog oo mid kastaa awooddiisa iyo shacabkiisaba lahaa kuwaas oo kala ahaa, labadii garab ee waaweynaa ee SNM iyo beelihii aan SNM ta ahayn ee Somaliland nimada lagu walaaloobay. Runtii waxay ahayd sida ay iiga marag kacayaan dad badan oo xog ogaal ahi xukuumaddii isu keentay Xassan Adan Wadaadiid Macdanta Iyo Biyaha, Ismaaciil Buubaa Maaliyadda, Maxamed Kaahin Gaashaandhigga, Sh.Yuusuf Sh. Cali Madar (allaa ya raxma) Arimaha Dibadda S/Gaal Arimaha Gudaha, C/Raxmaan Aw Cali Tacliinta, Maxamuud Cabdi Cali Bayr (Badaha iyo Kaluumaysiga), Jaamac Rabbiile Good (Hawlaha Guud) Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi) Caddaaladda, Ibraahim Maygaag Samatar Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee ururkii dalka xukumayey ee SNM, iyo Xassan Ciise Jaamac oo ahaa Madax weyne ku xigeenka dalka.

Xukuumaddii tiradaa iyo tayadaa lahayd ee Tuur in ka yar sannad ayay af weynta goosatay, saddex sababood dartood ta koowaad oo ahayd waxa ay faraha ku haysay iyo waxa laga filayey oo aad u kala fogaa, ta labaad oo ahayd khilaafkii dhexdooda ahaa ee soo jireenka ahaa ama Qaaxo lagala yimi oo si kas ama kama ah (qof ba siduu u haysto) ugu qarxay yagleeshii koowaad ee qaranka iyo ta saddexaad oo ahayd Hoggaamitii madaxweynenimo ee C/Raxmaan Tuur oo noqotay mid aad iyo aad u jilicsan. Laakiin dadka taariikhda iyo siyaasadda lafa guraa waxay ku doodaan Xukuumaddii Tuur waxay ahayd tii ugu nasiibka badnayd ee soo marta Somaliland isla markaana ugu nasiibka darrayd, maxaa yeelay xiligaa ay xukunka haysay waxay ahayd cahdigii ay isugu caloosha wanaagsanaayeen Shacabka, beelaha, ciidamada iyo guud ahaan ummadda Somaliland, waxaanay ahayd tii ugu nasiibka darrayd oo waxay ka faa’iidaysan weyday fursaddaas, iska daa in ay ka faa’iidaysatee waxay awoodi weyday in ay adkaysato jiritaankeeda.

Cahdigii labaad ee Somaliland wuxuu dhashay 05 may 1993 markii lagu beddelay magaalada Boorame hoggaankii hore ee dalka ee u badnaa SNM laguna doortay hoggaan cusub oo dibadda ka ahaa Guulihii iyo gocondhooyinkii (khilaafaadkii) halganka, cahdigaas cusub oo uu hor kacayey Maxamed Ibraahim Cigaal, isla daba yaaqadii May ba Cigaal wuxuu dhisay xukuumaddiisii u horreysay ee caanka ahayd waxay ahayd xilli colaad sokeeye ka soo doog ah, Somaliland u baahnayd weji cusub iyo siyaasad cusub si looga nasto Calan Castii iyo Calan Caddii, Shiishtii iyo Khaakhdii, garabyadii SNM iyo fowdadii ka dhalatayba.

Laakiin yaabka ugu weyni wuxuu soo baxay markii subax Jimce ah May 1993 uu ku dhawaaqay Marxuum Cigaal xukuumaddiisii taas oo af kala qaad ku noqotay xataa kuwii uu ku soo daray dowladdiisa, may ahayn xubno lagu tuhmayey taab gaabni iyo jilicsanaan, may ahayn siyaasiyiin aan la aqoon oo dhegaha dadka ku cusbaa, manay ahayn dad khaa’imiin ah oo laga shakisanaa, laakiin waxay ahaayeen oo keli ah xukuumad gebi ahaanba ah garab ka mid saddexdii garab ee xukuumaddii Tuur ku colloobay Axmed Ibraahim Dayib Gurey wasiirka Ganacsiga &Warshadaha, Muuse Biixi Cabdi Arimaha Gudaha, S/Gaal Tacliinta, C/Raxmaan Aw Cali Madaxweyne Ku xigeen iyo Gaashaan Dhigga, C/Laahi Ducaale Maaliyadda, Maxamed Baaruud Dib u dejinta, Maxamed Cali Caateeye Macdanta iyo Biyaha, Xasan Cali Abokorna Taliyaha Ciidamada. Xukuumaddaas oo madaxweyne Cigaal ku tilmaamay mid Xal ah ee aan Xul ahayn.

Xukuumadan koowaad ee Cigaal waxay soo hoysay guulo iyo guul darrooyin, marka si xor ah oo caddalad ah loo faalleeyo waxay ku guuleysatay hub-ka dhigistii malleeshiyooyinka beelaha, dhismihii hay’adaha qaranka ee illaa maanta jira, waxay kaloo horseedday guul darrooyin ay ka mid ahaayeen in markii koowaad taariikhda Somaliland ay beelo dhami qaaddacaan dowladda, ama ay ka baxaan, waxay keentay in dadku ay kalsoonidii macnawiga ahayd kala noqdaan waxaanay noqotay mid ka mid ah sababihii dagaaladii sokeeye.

Xukuumaddan Koowaad ee Cigaal waxa lagu xusuustaa xukuumaddii xiliga adag dhib iyo dheefba lahayd sida qaramayntii ciidamada iyo curintii dagaalada sokeeye, unkiddii lacagta S/Land iyo tii sababtay aafadii sicir bararkii 1995, tii dhashay Somalilandta cusub iyo Dowladdii xag jirtey ee Calan casta.

Cahdigii Saddexaad ee Somaliland wuxuu ahaa Xukuumaddii Labaad ee Maxamed Ibraahim Cigaal, wuxuu madaxweyne Cigaal ku guuleystay doorasho si habsami ah loo soo agaasimay waxaanu hantay badiba kalsoonidii shacabka waxaana mar labaad gacanta loo geliyey masiirkii ummadda, runtii marka aan taariikhda lagu xadgudbin wuxuu Cigaal ogaa waxa laga filayaa in uu yahay wax ka duwan wixii laga filayey 1993, wuxuu qaaday tallaabo lama filaan ah taas oo ka weecisay dhammaan wixii ay eed iyo godob lahayd, wuxuu xulay guddi 7 xubnood ah oo soo sameeya sifihii (creteria) Somaliland lagaga noqon lahaa wasiir, tallaabadaas wax ku oolka ahi waxay waddada u xaadhay in badhtamihii May 1997 Maxamed Ibraahim Cigaal soo dhiso dowladdii ugu tayada wacnayd ee soo marta Somaliland, taas oo ku dhisnayd miisaan iyo aqoon marka loo eego xagga tacliinta, waaya aragnimada, miisaanka reereed, iyo kalsoonida shacabkaba, Cigaal wuxuu dadka reer somaliland soo hor dhigay xukuumad ay kal iyo laab ku soo dhoweeyeen taas oo aan ka xusuusto sacabkii uga dhacay golaha wakiilada markuu ka dhawaajiyey xukuumaddiisa isagoo masuul walba u diray shaqadiisii sida Dr Maxamed Cabdi Gabboose oo uu Arimaha Gudaha u magacaabay, Xasan Maygaag Samatar WarFaafinta, Fagadhe Arimaha Dibadda, Siilaanyo Maaliyadda, Inj Biixi Macdanta, Inj Caynab Hawlaha Guud, Gees Qorshaynta, Dr Cabdi Aw Daahir Caafimaadka, Yaxye Sh Ibraahim Beeraha, Waran-Cadde Tacliinta.

Xukuumaddan isku dubba ridani waxay si dhakhso ah u guda gashay hawlihii loo igmaday, inkasta oo ay jireen caqabado waaweyn oo soo waajahay sida xayiraaddii dhoofinta xoolaha, abaaro iyo umuuro kale oo is biirsaday haddana xukuumaddaasi horraantii waxay ku dhaqaaqday xawaare dheereeya, waxaanay soo hoysay horumar la taaban karo inkasta oo marka dhinaca kale laga eego ay ka gaabisay intii laga filayey xukuumad ku soo beegantay xiliggii Somaliland ugu xasiloonida badnayd.
Waxa si weyn loogu xusuustaa xukuumaddaa guulihii ay ka soo hoysay siyaasadda Arimaha dibadda, dhaqaalaha, tacliinta, hirgelinta hannaanka Dimuqraadiga ah iyo horumarinta adeegga guud sida dib u habaynta waddooyinkii waaweynaa ee isku xidhi jirey gobolada, waxa kale oo lagu xusuustaa ka gaabinta maamul wada gaadhsiinta dalka, dayiciddii gobalada bari, kala qaybsanaantii siyaasadeed ee dabayaaqadii cahdigaas soo waajahday Somaliland iyo liicitaankii ku yimi qaar ka mid ah hay’adaha dowliga ah. Taas oo inta badan sabab looga dhigo tawstii iyo taab gaabnidii ku timi hoggaaminta dalka dabayaaqadii cahdigaas saddexaad.

Cahdigii Afraad ee soo-mara Somaliland wuxuu ahaa kan Daahir iyo hannaanka Xisbiyada badan, si kastaba ha loogu kala aragti duwanaadee wuxuu dhaxlay Daahir Hoggaaminta cahdigii afraad ee Somaliland, waxaanu hoggaaminta talada dalka ku yimi hab ka duwan, ka qiime badan, kana qoto dheer hababkii raggii ka horreeyey ku yimaaddeen hoggaaminta dalka, habkaas uu ku yimi oo ahaa cod dad-weyne (popular vote), maalmihii uu muranka weyni ku jirey hoggaamintiisa wuxuu ballan qaaday in haddii fursad la siiyo uu dalka u soo dhiso doono xukuumad tiro yar oo leh tayo aqooneed iyo mid kartiyeed, sidii aynu ku soo xusnay raggii isaga ka horreeyey wax la sugaba waxa timi maalintii la sugayey waxa uu la shir iman doono, waa nasiibkiise wuxuu ku dhawaaqay dhowaan xukuumaddii ugu tirada badnayd ee soo marta Somaliland (Gole wasiirro oo ka kooban 42 xubnood).

Haddaba qormadeenan waxaynu ku soo gebegebaynaynaa haddii aynu soo aragnay cimriga, caqiibada iyo caynaanada xukuumadihii ka horreyey tan Daahir su’aasha keli ah ee aynu is weydiin karraa waa maxay qaban doontaa? Taasina waxay cadaan doontaa maalmaha soo socda.

Cismaan Abokor, Department Of Politics, University of Westminister, London, UK.

No comments:

Post a Comment