Saturday 16 January 2010

20001024 ( shir holland-wefdi wasiiro ah)

Welcome to Somaliland Net



Advanced Search



Wafdii wasiirada Somaliland oo shir u qabtay jaaliyada reer Holand (21:49 Oct 24 2000 )

(The Hague) Waftidii wasiirada Somaliland ee booqashada ku maraayey Yurubta galbeed ayaa shir uqabtay Jaaliyadda reer Somaliland ee Holland. Waftidan oo ka koobnaa saddex wasiir waxaa hogaaminaayey wasiirka ammuuraha dibadda ee Mr. Mohamuud Saalax Nuur Fagadhe. Waftidan Somaliland waxay soo mareen dalal ka tirsan qaarada Afrika sida Itoobiya, Kenya iyo South Africa, Maraykanka, waddamo qaaradda Yurub ah sida Ingiriiska, Holland iyo Belguimka, waxaana ay booqasha doodan ku soo gebagebayn doonaan dalka Usteriya. Waxaa kale oo wasiirku sheegay in tay marayaan dalalkaas inay la kulmayaan ururada caalamiga ah iyo NGO ka jira waddamadaas. Waxaana uu sheegay in wadamada qaarkood oo u badan waddamada Afrika ee ay soo kala saxeexdeen heshiisyo baayacmushtar.

Ujeedadu waftidu waa sii xoojinta xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dunida iyo caalamka u sheegaan siday xukuumadda Somaliland u aragto arrimaha ku waajahan siyaasadda cusub ee geeska Afrika. Ujeedada safarkooda waxaa kaloo kamid ahaa inay la kulmaan una xog warramaan Jaaliyadaha Somaliland ee dibadaha oo dadaal fiican sameeyey, dareenkoodana ku muujiyey bannaanbaxyo ay ku taageerayaan gooni isutaaga Somaliland. Mr. Fagadhe waxaa uu sheegay in xukuumada Somaliland ay ugu mahadnaqayso arrintaas Jaaliyadaha Somaliland ee dibadaha.

Wasiirka ammuraha dibadda Mr. Fagadhe oo ka warramaayey socdoolkooda waxaa uu sheegay inay kusoo guulaysteen ujeedooyinkii ay usocdeen, meelihii ay tageena si fiican looga soo dhaweeyey. Mar wasiirka ammuuraha dibadu ka hadlaayey dawlada cusub ee carta lagu dhisay waxaa uu sheegay in sida aan hore u sheegnay khusayn Somaliland oo hada leh dawlad kamid ah ugu dimoqraadisan qaarada Afrika. Waxaana wasiirku sheegay in Somaliland ay 10 sanadood dawlad ahayd oo aanay marnaba wax dhibaato iyo hujuum toona ku hayn walaalahooda Somaliyeed ee bilaa dawlada ah, in badana Somaliland isku dayday inay walaaladood ka caawiyaan inay maamul samaystaan.

Muddo laba bilood gudahooda oo Somaliya samaysteen wax u eg maamul kooban oo aan loo dhamayn waxaa ay bilaabeen inay hujuum iyo gardaraysi badan ku qaadaan Somaliland. Waxaana uu sheegay in Somaliland tahay hadda dawlad culus oo adag oo aanay arrimahaasi waxba ka qaadayn, sharaftoodana aanay ahayn inay la ficiltamaan maamulkan kooban ee hada la dhoob dhoobayo.

Waxaanu sheegay in Somaliland ay soo dhawaanayso kuna faraxsantahay in wax u qabsoomaan walaalahooda Somaliyeed, waxaanseh odhan lahayn buu yidhi in walaaladayo iska kaaya dhaafaan oo danahooda oo qudha ku ekaadaan.

Shirkan oo ay qaban qaabisay Jaaliyadda Somaliland ee Holland waxaa u dhacay jawi fiican, waxaana saddexda wasiir ee waftida ahaa usoo gudbiyeen jaaliyada salaan ay ka sidaan Madaxweynaha Somaliland Mr. Mohamed x. Ibrahim Cigaal waxaana ay halkaas kasiiyeen jaaliyadda xog warran xaalada guud ee waddankii hadda ku jiro. Waxaana ay wasiiradu ka xog warameen dhinacyada siyaasada dibada, arrimaha gudaha, dhaqaalaha,waxbarashada iyo caafimaadka. Waxaana ay sheegeen in nabadgelyada iyo xasiloonida ka jirta Somaliland ay tahay mid lagu faano adduunyaduna indhaha ku hayso oo ah ta soo jiidatay dareenka caalamka, oo hada usoo jeeda dhinaca Somaliland.

Waxaana ay sheegeen waftidu in Somaliland ay sayladda dunida gayso badeecad qaali ah oo ah nabadgelyo iyo xasilooni, tusaale fiicana u ah geeska Afrika oo wakhtiyadii lasoo dhaafay ay ka jireen dagaalo sokeeye iyo deganaansho darro.

Mar ay ka hadlayeen dhinaca aqoonsiga waxaa wasiirka ammuuraha dibada Mr.Mohamud Nuur Fagadhe sheegay in Somaliland ay buuxinayso dhamaan shuruudaha laga rabo dawladnimada ee ku qeexan Montvideo charter ee 1923kii oo Waxaana jira buu idhi in dawladaha qaarkood noola macaamilaan sidii dawlad la aqoonsanyahay( recognised state), kuwo kalena noola macaamilaan dawlad jirta laakiin aan wali la ictiraafin( defacto state), waxaana uu carrabka ku dhuftay kuwo kamid ah dawladaha
adduunka ugu taajirsan oo aan wali la ictiraafin waxaana kamid ah buu yidhi Taiwan.

Mar wasiirka caafimaadka ee Cabdi aw Daahir ka hadlaayey dhinacyada ammuuraha gudaha waxaa uu aad ugu dheeraaday xasiloonida iyo deganaanshaha ka taagan Somaliland oo ay dawladu culayska saartay wakhtiyadii lasoo dhaafay, taasoo uu sheegay in dawladu sanadkii hore ee 1999 ay ku kharasgarayn jirtay dhinaca nabadgelyada iyo baahinta maamulka 90%, waxaana uu sheegay in sannadkan 2000 jaangoynta dhaqaalaha ee Somaliland ay tahay 70 bilyan oo land ah loona qoondeeyey 80% in lagu isticmaalo dhinacyada nabadgelyada iyo baahinta oo dawladu siiso mudnaanta koowaad. Waxaana uu sheegay in hada nabadgelyadu sugantahay maamulka dawladana itaal kastaba ha lahaadee 90% la gaadhsiiyey cirifyada waddanka. Waxaana la rajaynayaa marka nabadgelyadu korodhaba in hoos u dhici doono kharashka dawladu ku bixiso dhinaca sugidda amniga.

Wasiirka duulista hawada Mr. Abdillahi Mohamed ayaa isna halkaas ka hadlay kana warramay maamulka Somaliland iyo sida xukuumadu ay ugu siqayso hanaansocodka dimocraadiyada waxaana uu sheegay in dawladu diyaarisay dastuurkii dalka, sharcigii xusbiyada siyaasiga ah iyo kii doorashada dhawaana loo qaadi doono afti qaran. Waxaa kaloo wasiirku ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay xukuumada hadda jirta iyo waxyaabaha la rabo inay qabsoomaan mustaqbalka.

Mr. Abdillahi waxaa oo ka hadlaayey waxqabadka ay dumarka Somaliland ku leeyihiin bulshada waxaa uu sheegay inay iyagu sababeen horumarka la gaadhay ayna yihiin laf dhabarta dhaqaalaha waddanka. Waxaana uu ka codsaday guddida fulinta ee jaaliyada Holland inay fiiro gaarah siiyaan haweenka kuna darsadaan guddida fulinta isagoo sheegay in shirkii maanta ay ku yaraayeen dumarku.

Saddexda wasiirba waxaa ay ka hadleen oo ku dheeraadeen horumarka iyo guulaha Somaliland ay gaadhay 10 sanadood ee lasoo dhaafay. Waxaana ay sheegeen in horumarka intiisa badan ay gaadheen shacbiga Somaliland iyadoo ay dawladu dhiirigelinayso. Waftida oo sii wada warbixintooda waxaa ay ku dareen in dawladu jeceshay inaan iyaga wax laga sugine ay dadku xoryihiin inay ka qabsadaan dalka waxay doonaan, waxaana ay sheegeen in qorshaha dawladu yahay inay dhaqaalaha waddanku ku salaysnaado suuqa xorta ah lana dhiirigeliyo lahaanshaha gaar ahaaneed, samaynta shirkadaha gaar ahaaneed iyo maalgelinta dalka. Albaabaduna u furan yihiin cid kastoo maalgelinaysa shakhsi iyo shirkadba. Waxaana dawladu damaanad qaadaysaa nabadgelyada hantida iyo shaqaalaha maalgeliyaasha.

Waxaa kale oo wasiiradu ku celceliyeen in Somaliland oo hada 10 jirtay ay kasoo gudubtay xaaladii dibudhiska dalka iyo dibudejinta dadka, oo hada la galay xaalad cusub oo ah horumarinta dalka, iyadoo fiirada koowaad la siinaayo bay yidhaahdeen dhinacyada dhaqaalaha iyo ammuuraha bulshada. Dawlada oo markii hore ku mashquul sanayd dhinacyada nabadgelyada iyo dibudhiskii dhismayaasha dawlada waxaa hada ay fiiragaara siin doontaa dhismayaasha waddoonyinka iyo adeega guud.

Shirku waxaa uu ahaa mid udhacay jawi fiican oo laysku waydaarsaday wargelin iyo araah. Waxaana halkaas iyana ka hadlay xubno ka tirsan Jaaliyada Somaliland ee Holland oo ka hadlay ujeedada Jaaliyada iyo waxqabadkeeda. Waxaana iyana shirka ka hadlay xuno ka tirsan Somaliland forum oo degan dalka Holland kana hadlay ujeedooyinka iyo hadafka forumka, waxyaabihii uusoo qabtay muddadii lasoo dhaafay, iyo waxyaabaha la rajaynaayo inuu qabto mustaqbalka. Waxaana halkaas xubnaha forumku kusoo bandhigeen mashruuca dugsiga Ceerigaabo ee hada Forumku gacanta ku hayo. Waxaana guddida fulinta ee ASIN( Jaaliyada Somaliland ee Holland iyo xubnihii forumkuba dadka ka codsadeen dadka Somaliland ee muhaajiriinta ee jooga dunida daafaheeda in laga qayb qaato mashaariicda iyo horumarinta ka socota waddankii.

Abdi Abdillahi Hassan, Holland
Somaliland freelance journalist

No comments:

Post a Comment