Saturday 16 January 2010

20021105xog guud ee udub oo sheegay in uu utaaganyahay madaxtinnimada

Xoghayaha guud ee UDUB oo sheegay inuu u taagan yahay madaxtimada

H

argeysa (Haatuf): Xoghayaha guud ee ururka UDUB, Dr. Cabdi Aw-Daahir ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u taagan yahay tartanka madaxweynenimada Somaliland ee la filayo mustaqbalka dhow, isaga oo cadeeyey inuu ka sharaxan yahay isla ururka UDUB, wuxuuna Cabdi Aw-Daahir badheedhaha caynkaas ah ka dhiibtay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay hudheelka Xaraf ee magaalada Hargeysa.

Xoghayaha guud ee UDUB, Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay inuu go’aankan qaatay, ka dib markii uu la tashaday taageerayaashiisa, isaga oo dhinaca kalena sheegay inuu kalsooni ka haysto ururka dhexdiisa, sidoo kalena Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa uu madaxweyne Rayaale oo ah gudoomiyaha ururka UDUB, horena ugu dhawaaqay inuu u sharaxan yahay jagada madaxweynenimada ugu baaqay inuu iskaga tanaasulo taa.

“Hadii aan xoghayaha guud ee ururka UDUB, waxaan u sheegayaa inaan isu soo taagayo musharaxnimada madaxweynenimada doorashada sannadka 2003”ayuu hadalkiisa ku bilaabay Cabdi Aw-Daahir, wuxuuna intaa raaciyey “Taas oo ay maanta haboon tahay inaan cadeeyo xisbiga UDUB hadii uu ku guulaysto inuu ka mid noqdo saddexda xisbi ee ku soo baxaya doorashada dawladaha hoose inaan iska soo sharaxi doono”, laakiin xoghayaha guud ee UDUB isaga oo if-tiiminaya sida uu ku yimi dhawaaqiisan cusubi wuxuu yidhi “Waxaan mawqifkayga ku dhawaaqidda qaatay ka dib markii aan la tashaday taageerayaashayda iyo dad badan oo reer Somaliland ah”. Hase yeeshee Cabdi Aw-Daahir waxa uu cadeeyey inaanu damacu hadda uun ku dhallan ee uu hore wax u maaganaa, wuxuuna yidhi “Aniga oo markii horeba ku talo jirey inaan isa soo sharaxo, ayaan maadaama hadda la dhiibay liisaskii musharaxiinta dawladaha hoose u arkay inay tahay waqti munaasib ah inaan ku dhawaaqo musharaxnimadayda”. Laakiin Cabdi Aw-Daahir intaa kuma joogsan ee waxa uu madaxweynaha iyo kuxigeenkiisaba (Rayaale & Axmed Yaasiin) ugu baaqay inay ka tanaasulaan doonistooda ah inay mar kale u kala sharaxan yihiin jagooyinka ay hadda kala hayaan, wuxuuna yidhi “Madaxweynaha iyo madaxweynekuxigeenka, iyadoo uu madaxweynuhu yahay gudoomiyaha ururka, isla markaana uu hore u sheegay inuu iska soo sharaxi doono ururka, waxaan rajaynayaa inay ka tanaasulaan, maadaama ay yihiin madaxweynihii iyo madaxweyne-kuxigeenkii dalka, horena marar badan loo yidhi waxbaa isku Milan waxaan u soo jeedinayaa inay anaga na dhisaan hadii aanu nahay xisbiga UDUB oo aanay madaxnimada ay hayaan ee ay nagu dhisaan ka mid ahaanshaha ay ka mid yihiin ururka UDUB”.

Madaxweyne Rayaale dhawr bilood ka hor ayuu ku dhawaaqay inay isaga iyo kuxigeenkiisa Axmed Yaasiin yihiin labada nin ee ururka u sharaxan, hadalkaas oo mudane Rayaale kaga dhawaaqay shir ay isugu yimaadeen ururka UDUB, xafiiskooda Hargeysa, waxay taa dad badan u qaateen inay tahay arin ka soo baxday urur-weynaha, lamina filayn inay jirto cid kale oo ka daba odhanaysaa, sidaa darteed xoghayaha guud, Dr. Cabdi Aw-Daahir mar la waydiiyey halka uu arintaa ka marayo iyo inuu hadalka Rayaale ka soo yeedhay ahaa arin ururku u dhanyahay, wuxuu kaga jawaabay “Islama aanu ogayn isa soo sharaxidda, laakiin madaxweynuhu xaq buu u leeyahay inuu xisbiga iska soo sharaxo, isla markaana hadii uu xisbigu ka mid noqdo saddexda xisbi ee soo baxa waxa la qaban doonaa shirka golaha dhexe, markaa madaxweynuhu musharax wuu noqon doonaa, aniguna waanigaa hadda ku dhawaaqay, qof kasta oo xisbiga ka mid ahna taasi way u banaan tahay, dabadeed waa la wada tashan doonaa, waxaanse anigu ku talinayaa inay iyagu (Madaxweynaha & kuxigeenkiisa) ka tanaasulaan oo ay siidhiwalayaal noo noqdaan oo ay anaga na daayaan, laakiin kolba ka soo baxa ayaa la dhisi doonaa”. Laakiin xoghayaha guud ee UDUB mar la waydiiyey bal inuu mawqifkiisan cusub kala tashaday madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka oo waydiistay inay ka tanaasulaan, wuxuuna yidhi “Maya taa uma sheegin ee waa mawqifkayga shakhsiga ah”.

Dhawaaqa musharaxnimo ee xoghayaha guud ee UDUB, Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa uu badka yimi xili ay dadku aad u hadal hayaan inuu jiro khilaafaad siyaasiya oo ururka UDUB gudihiisa ah, sidaa awgeed Cabdi Aw-Daahir mar la waydiiyey bal inuu dhawaaqiisani yahay mid ka dhashay khilaafka la hadal hayo iyo inkale, wuxuu yidhi “Maya ee maalintii aan ka tegey wasiirnimada doonistayda way ku jirtey inaan isa soo sharaxo, fekerkaana xataa waanu ku ballansanayn madaxweynihii geeriyooday”. Laakiin xoghayaha guud isaga oo ka jawaabaya khilaafka la sheegay wuxuu yidhi “Koleyba xisbiga gudihiisa dimoqraadiyad baa taal, xeerkuna wuu odhanayaa teeramka ugu dambeeya marka ay saddexda xisbi soo baxaan ee shirka golaha dhexe la qabto ayey musharaxiintu soo gudbisan doonaan liiskooda, ta kale aragtiyo kala duwan oo maamul oo hoose way iska jiri karaan, laakiin ma jiro khilaaf siyaasadeed”.

Xoghayaha guud ee UDUB mar la waydiiyey bal inta ay le’eg tahay rajada uu ka qabo inuu madaxweyne Rayaale dhiniciisa uga tanaasulo musharaxnimada iyo kalsoonida uu ka haysto ururka dhexdiisa wuxuu ku jawaabay “Xubnaha musharaxiinta golaha dhexe ayaa la hordhigayaa oo kala saarayaa, markaa waxaan haystaa kalsooni”.

Cabdi Aw-Daahir mar la waydiiyey waxa uu uga jeedo soo jeedintiisa ah inay madaxweynaha iyo kuxigeeenkiisu ka tanaasulaan musharaxnimadooda wuxuu ku jawaabay “Horta taasi sharciyan ma aha, laakiin waxaan kula talinayaa sida wanaaggu yahay, waayo xisbiga iyo istaraatijiyadiisa waxa u wanaagsan inay xubno cusub oo aan madaxweynenimada dalka haynni iska soo sharaxaan, laakiin hadii ay ka tanaasuli waayaan xubnaha xisbiga ee isa soo sharaxay ayuun baa la beratansiinayaa, hadii ay iyagu ku soo baxaana waanu dhisaynaa”.

Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa kale oo la waydiiyey bal inay musharaxnimada uu ku dhawaaqay kabriidka ku qaban karto khilaafaadka ururka dhexdiisa ee laga dareenka qabo, taasina ay sababi karto inuu xisbigu kala jajabo, wuxuuse taa kaga jawaabay “Xisbigu waa dimoqraadi, sidaa darteed xisbigu waa inuu awood u yeesho, isla markaana noqdo mid u dul-qaad badan oo qaadi kara dimoqraadiyadda iyo loollanka gudihiisa, waana lagu beratamayaa xisbiga, waayo aniga oo keliya ma ahee cid kalena way odhan kartaa waan sharaxanahay, ta kale ma jirto cid burburinaysaa”.

“Hore waxaan u idhi madaxweynahan (Rayaale), macal madaxweynihii geeriyooday (Cigaal), xaq buu u leeyahay inuu iska soo sharaxo xisbiga UDUB gudihiisa, laakiin marna khasab kamaan dhigin”.

No comments:

Post a Comment