Saturday 16 January 2010

20020822(fagaraha kheyriyada burco udub)

Ololaha Xawliga Doorashada
Iyo Wallaaca Ururada Mucaaridka Ah
Burco (Haatuf): Ururka Xukuumadda ee UDUB ayaa si dardar leh u bilaabay ololihiisa doorashada, iyada oo masuuliyiintiisu ay ku adkaysanayaan in ay dhacayaan doorashooyinka ugu horreeya ee dowladaha hoose oo loo muddeeyey in la qabto dabayaaqada bisha Oktoobar, muddo haatan ay ka hadhay laba bilood ah. Taas lidkeedana ururrada kale ee siyaasadda isu diiwaangeliyey ayaa bilaabay inay dib uga gurtaan mawqifkoodii hore ee doorashada, isla markaana isku qancinaya in aanay doorasho suurtagal ahayn xilligan.

Xoghayaha Guud ee ururka UDUB Dr. Cabdi Aw Daahir iyo wefti uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga magaalada Burco ayaa shalay fagaaraha Khayriyadda ee magaalada Burco kala hadlay boqollaal qof oo reer Burco ah, isaga oo ku baaqay in loo diyaar garoobo doorashooyinka oo uu shaki la’aan ka dhigay inay dhacayso.

Ururka UDUB iyo weftiga Xoghayaha Guud intii aanay khayriyadda tegin waxa ay magaalada ku soo mareen socod gaadiid badan la is-dabageliyey oo dhoolla-tusad ah.

“Waxaan reer Somaliland, reer Togdheer iyo reer Burcoba leeyahay arrinka ina horyaal maanta waa doorasho ha dhacdo,” ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir.

Cabdi Aw Daahir waxa uu sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay tahay laba arrimood oo kala ah inuu soo xulo musharrixiintii golaha deegaanka ee degmooyinka gobolka Togdheer oo uu sheegay inay yihiin saddex degmo oo ah: Buuhoodle, Oodweyne iyo Burco iyo ta labaad oo ah wacyigelinta ololaha doorashooyinka.

Cabdi Aw Daahir waxa uu sheegay in ururrada siyaasadda laga rabo inay gudbiyaan musharrixiintooda golaha deegaanka bisha soo socota ee Sebt. 12-keeda. Shalay ilaa xalayna waxa uu ku hawlahaa Xoghayuhu shirar iyo kulamo uu la yeelanayey beelaha iyo qaybaha bulshada Burco oo ku saabsan xulista 21-xubnood oo uu sheegay in ururka UDUB ka soo sharrixi doono Burco iyo 21-xubnood oo kale oo uu ku tilmaamay kayd.

Cabdi Aw Daahir waxa uu ku faanay in ururkoodu ahaa urur-siyaasadeedkii u horreeyey ee Burco yimaadda muddo sannad laga joogo, iyadoo ayuu yidhi ururrada kale oo dhammi ay wadeen shir-beeleed, isla markaana ay ku guuleysteen in ururradii kale ay mawqifkoodii beddeleen.

“Waxaannu ahayn xisbigii u horreeyey ee halkan ka hadla, inta kale oo dhami waxay wadeen shir beeleed,”ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir.

“Waxaannu ku nidhi walaal ka daaya, dhib kastaa ha nagaga timaaddee waannu horgalnay waanuna ku guuleysanay oo maanta ma jiro mid shir-beeleed wada oo aan garanaynaa haddaanu u hoosanayn,” ayuu raaciyey. Isagoo sheegay in sagaal xisbi ay is-diiwaangeliyeen.

“Maantana waxaannu wadnaa sahan kale oo ah doorasho ha la galo,” ayuu yidhi, waxana uu muujiyey dareenka ay ururrada kale kaga maagayaan doorashada, isaga oo yidhi; “Waxaan ka baqayaa in qolooyin ay yidhaahdaan doorasho ma suuroobeyso”.

Ilaa iyo hadda ma jiro urur si cad u qaaddacay doorashooyinka. Hase yeeshee, ilaa intii ururka UDUB uu bilaabay ololihiisa doorashada, isla markaana Madaxweyne Riyaale uu ku dhawaaqay inuu musharrax u yahay UDUB waxaa soo baxay walaac ay ururrada kale ka qabaan doorashada oo isa soo taraya marba marka ka dambaysta.

Ururka HORMOOD oo ka mid ahaa ururradii ugu dhiirdhiirranaa dhinaca doorashooyinka ayaa isagu war-saxaafadeed uu soo saaray Isniintii ku caddeeyey mawqifkiisa doorashooyinka, iyadoo uu ururkaasi ugu baaqay ururrada inay kulan degdeg isugu yimaaddaan si ay mawqif midaysan uga gaadhaan arrinta doorashada. Ururka HORMOOD waxa uu ku sababeeyey taas qabyo badan oo ka muuqatay geeddiga doorashada iyo isku milanka dowladda iyo UDUB oo aan markasta shaki gelinaysa doorasho si xalaal ah oo loogu tartamo.

Bayaankaas ururka HORMOOD waxa u guuxay ururrada siyaasadda qaar ka mid ah iyo siyaasiyiin madax bannaan oo u aragtidaas oo kale qaba. Ururka ASAD ayaa inkasta oo uu is-diiwaangeliyey haddana la rumaysan yahay in aanu beddelin mawqifkiisii hore ee ahaa in aan doorashooyin qabsoomi karin.

Ururka UDUB ayaa markasta mucaaridku ku dhaleeceeyaa inuu isu qaatay xisbi doorasho ku yimi, isla markaana ay isku qasan yihiin dowladda oo aan la kala saari karin.

Waxana uu ku abtirsadaa xukuumadda oo ay markasta isku lammaan yihiin ururka sida ku cad hadalka Xoghayaha Guud ee UDUB Dr.Cabdi Aw Daahir uu u jeediyey dadweynaha Burco:

“Xisbiga UDUB iyo dowladda maanta jirta ee uu madaxda ka yahay Daahir Rayaale Kaahin, markii horena uu ka madaxda ahaa Alle haw naxariistii Maxamed Ibraahim Cigaal, kadibna guddoomiyihii xisbiga uu Rayaale noqday waa xisbi aan aasaaskiisu ahayn qabyaaladda, gobol ahayn …maalinba ninkay u gartaanna uu madax u noqdo oo ay talada u dhiibayaan,” ayuu yidhi.

No comments:

Post a Comment